halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes`

0
Tuesday September 24, 2024 - 09:19:06 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes`

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay safiirka Midowga Yurub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Karin Johansson, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dhinac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta caalaaqaadka labada dhinac, arrimaha nabadgalyada, horumarinta dhaqaalaha iyo xiisadaha gobolka ka jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mujiyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya Midowga Yurub ee arrimaha nabada iyo xasilloonida.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay 6-safiir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud aya shalay warqadaha aqonsiga Danijirenimo ka guddoomay Safiirrada lix dal, kuwaas oo Soomaaliya ay u soo magacaabeen dalalka Guinea, Ireland, Romania, Spain, Switzerland iyo Zambia.

Danjireyaasha causub ee Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Nounke Kaba, Safiirka Jamhuuriyadda Guinea

2. Caitríona Ingoldsby, Safiirka Ireland

3. Julia Pataki, Safiirka Romania

4. Cristina Díaz Fernández-Gil, Safiirka Boqortooyada Spain

5. Mirko Giulietti, Safiirka Switzerland

6. Rose Sakala, Safiirka Jamhuuriyadda Zambia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Safiirada cusub ku soo dhoweeyay Soom-aaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka ay metalaan, isaga oo u sheegay Danjireyaasha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay iskaashi dhow la yeelato dalalkoda, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.

Safiirada cusub ayaa dhankooda tilmamay in ay xooga saaridoonaan hormarinta xiriirka labada dhinac, iyaga oo uga mahadceliyey dowlada Soomaaliya soo dhaweynta diirran iyo qaabilaada wanaagsan.

Wasiirka Difaaca” Soomaaliya way ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane abdiqadir Maxamed Nuur aya sheegay inay dowlada Soomaaliya ka gudubtey marxaladi la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay.

"Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaam-ileyso waa inaan anagu raali ka nahay, Danteena anagaa naqaana, sokeeyahena iyo shisheeyahena anagaa kala xulaneyno” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Cadaaladda oo Dhuusamareeb uga qeyb galay furitaanka shirka latashiga hay’adaha D/G Galmudug.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka DFS Mudane Xasan Macalin ayaa Dhuusam-areeb uga qeyb galay furitaanka shirka latashiga hay’adaha Dowladda Galmudug ee soojeedinta wax ka-beddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Kulanka daah-furka oo uu guddoomiyay, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxaa goo-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, qaar kamid xubnaha labada gole ee Galmudug, guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista dastuurka, iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka.

Gudoomiyaha guddiga madaxabanaan abuukaate Burhaan Aaden Cumar ayaa yiri "waxaa sharaf wayn inoo ah in Galmudug laga daahfuraayo latashigii u horeeyay ee dib-u-eegista Dastuurka cutubka 5aad illa 9aad.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka DFS Mudane Hassan Moallin oo furay ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uga mahad celiyay daahfurka Wadatashiga, isagoo inta uu socodo latashiyo la xariiro cutubka 5-aad illa 9aad.ee dastuurka ay la yeelan doonaan guddiga hay’adaha Dowlad goboleedka Galmugu iyo bulshada qeybaheed kala duwan.

Wasaaradda Warfaafinta oo qabatay xaflad lagu abaal-mariyey tartamayaasha degmooyinka bishii Ramadaan

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya aya xalay qabatay munasabad lagu abaal-mariyey tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedkii bishii Ramadaan ay qabatay Warbahinta Qaranka Somaliyed.

32 Degmo oo qaarkood dhowaan laga xoreeyey kooxaha Al-shabaab ah ayaa ka qeyb galay tartankaas, waxaana xalay la abaal-mariyey tartamayaashii degmooyinka 1-Laascaanood, 2-Xamarweyne iyo 3-Ceeldheer oo soo galay 3-da kaalimood ee ugu horeeya tartankii ay qabatay Warbaahinta Qaranka Ramadaankii lasoo dhaafay.

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay wasiirka saadka iyo ganacsiga gudaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacada Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa shalay booqasho ugu tagay wasiirka Saadka iyo Ganacsiga gudaha mudane Shariif Faaruuq.

Wasiirka & Safiirka ayaa ka wada Hadley hormarinta iskaashiga xaqiijinta Amniga cuntada, isdhaafsiga ganacsiga iyo bade-cadaha kala duwan.

Danjire Awaare ayaa ugu mahad celiayay Masar garab istaagga joogtada ee Soom-aaliya dhinac kasta.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida ee Degmada Baraawe oo qabtay dhagar qabe Miino Aasayay

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qeybta Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Baraawe ayaa lagu soo qabtay dhagar qabe ka tirsan Al-shabaab oo aasayey Miino uu doonayay in uu ku dhibaateeyo shacabka Caasimadda Konfur Galbeed ee Baraawe.

Dhagar qabaha ayaa ku jira gacanta Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida Koonfur Galbeed ee Baraawe, waxaana Ciidanku qarxiyeen miinadii uu aasay.

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duuleedka magaalada Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal duhurnimadii khasaare kala duwan geystay oo shalay ka dhacay deegaanka Ilkacade qiyaas ahaan dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan magaalada ilaa 25KM.

Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamo taabacsan Gaadiidleyda gobolka Hiiraan oo xirtay wadada laamiga ah iyo ciidamo doonaayay in wadada gaadiid xoog ku gudbistaan.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhintay dagaalka labo lalena way ku dhaawac-meen, waxaana wali deegaanka laga soo sheegaya xaalad kacsanaan, maadama labada ciidan wali aysan kala fogeyn.

Gaadiidleyda gobolka Hiiraan ayaa xirtay wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada Waqooyi iyo Baledweyne, kadib Markii ay kordheeyn isbaarooyinka la dhigtay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Matabaan.

Gaadiidleyda waxay joojiyeen dhamaan isku socodka gaadiidkii qaadi jiray qudaarta, xoolaha iyo raashinka ee ka bixi jiray Baledweyne, waxayna sheegeen in wadadaas ay xirnaan doonto ilaa xal rasmi ah looga helayo isbaarooyinka tirada badan ee yaala.

Guddoomiye Shuute oo digniin adag u diray dadka ka ganacsada hubka iyo kuwa guryaha ku haysta

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa digniin adag kasoo soo saaray haysashada, isticmaalka iyo iibinta hubka ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in cid walba oo lagu arko iyadoo isticmaaleysa hub sharci daro ah laga qaadi doono talaabo adag, islamarkaana ka maxkamad ahaan ay diyaariyeen xubno la shaqeeya ciidamada amaanka oo marka lala soo wadaago xogta soo jaraya waaranka u ogolaanaya in la geli karo guryaha ama goobaha hubka lagu haysto.

"Waa dambi weyn in laga ganacsado hub, waa jariimo lid ku ah badqabka muwaadinka iyo badbaadada Dalka, waxaa kale oo dambi ah in iyada oo lagu gambanayo mas’uuliyad in hub lagu heysto guriga, ka garsoor Ciidan ahaan waxaa diyaar naga ah marka la fulinayo howlgalka ka dhanka ah hubka sharci darrada ah Xeer Ilaaliye” ayuu yiri Xasan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in digniintaan ay qeyb ka yihiin masuuliyiinta dowladda xilalka ka haayo ee haysta hubka aan sharciyeysneen, maadama dowladda ay dooneyso iney la dagaalanto ka hortaga hubka sharci darada ah, waxaana xusid mudan in maalmo kooban ka hor ciidamada Booliiska Muqdisho kusoo bandhigeen hub sharci daro ah iyo raggii ka ganacsanaayay.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad ayaa kusoo aadaya, iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in gacan adag lagu qaban doono ganacsiga hubka iyo in lagu heysto guryaha, isagoona faray ciidamada amaanka iney qaadaan talaabo kasto oo ku haboon in lagu soo qabto hubka sharci darada ah.

Xukunno kala duwan oo lagu riday qoys ku eedeysanaa maalgelinta al-shabaab

Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku riday qoys ku eedeysanaa in ay maalgalinayeen kooxaha Al-shabaab islamarkaana ay dhaqaalo ugu aruurinayeen akoono ay u sameeyeen.

Xasan Cusmaan Aadan ayaa lagu xukumay 13 sanno oo xarig ah iyo 20 kun oo dollar.

Faadumo Xasan Cusmaan, Aamina Abdullahi Abanuur iyo Xasana Aweys Khasim ayaa lagu xukumay min laba sanno oo xarig ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa ku dhawaaqay xukunka.

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Dhuusamarreeb.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadaha iyo Waddooyinka.

Madaxweynaha Faransiiska oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha DFS u fadhin doona Paris

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya u fadhi doona Paris, Mudane Maxamed Cali Nuur oo dhowaan la magacaabay.

Puntland oo sheegtay inay xaq uleedahay inay hub soo iibsato

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay, in Puntland ay xaq u leedahay inay keensato hub si ay isugu difaacdo cadowgeeda. Si kastaba ha ahaatee, wasiirku ma caddayn in Puntland ay ka heshay hub ka yimid Itoobiya.

Wasiir Dirir ayaa tilmaamay Puntland in aysan helin taageero milatari oo kaga timaadda dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Puntland keligood ay la dagaalameyso kooxo cadow ah oo ku xeeran.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta ayaa ka hadlay hubka dowladda Soomaaliya ugasoo dagay Muqdisho. Waxa uu shegay in aysan kasoo horjeedin in Soomaaliya ay hesho hubso, balse wuxuu sheegay inay ka digayaan in hubkaas uu gacanta u galo qabaa’ilada Soomaaliyeed oo isku layn kara.

Maalmo kahor ayay ahayd markii labo waaraad oo siday hub ay si nabad ku yimaadeen magaalada Gaalkacyo, sida ay HOL u xaqoojiyeen llo wareed dhinaca amniga ah oo diiday in magacooda la xuso.

Hubkaan ayaa Puntland uga yimid dhinaca Ethiopia, wuxuuna ka badbaaday markii ciidamo maleshiyo beeleed ah ay isku dayeen inay jidka u galaan hubkaas. Ciidamo Puntland ah oo ka tagay gobolka Mudug ayaa si ammaan ah kusoo galbiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaraysay hubkan, waxayna Ethiopia ku eedeysay inay ka shaqeynayso xasiloni darrada Soomaaliya, islamarkasna ay hub isugu dhiibayso dadka Soomaaliyeed.

Xigasho HIIRAAN ONLINE

Somaliland oo walaac ka muujisay hubka ay Masar ugu deeqday Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in hubka ay dowlada Masar ugu deeqday Soomaaliya uu gacanta u gali karo qabaa'ilka iyo kooxaha xagjirka ah, isla markaana amni daro ka abuuri karo gobolka.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya anay lahayn awood ay ku qaadi karto masuuliyada hub xadiga leh.

"Dowlada Somaliland waxay aad uga walaacsantahay hubka soo gaadhay maamulka Muqdisho, madaama oo maamulka Muqdisho aanu lahayd awood buuxda oo uu ku maamuli karo saanad sida u culus" ayaa lagu qoraalka wasaarada arrimaha dibadda.

Somaliland waxay sheegtay in tani ay sababi karto in kooxaha kala duwan ee ka jira Soomaaliya ay galaan tartan hub urursi ah, isla markaana, hubka loogu deeqay dowlada Soomaaliya uu khatar ugu jiro in uu gacanta u galo reeraha iyo kooxaha xagjir ah.

Xukuumadu waxa ay beesha caalamka ugu baaqday in ay qaadaan talaabooyin lagaga hortagayo in uu gobolku markale galo qalalaase, isla markaana la joogteeyo dadaalada lagu dhisayo nabada, iyada oo sheegtay in ay dhankeeda ka go'antahay ilaalinta nabada gobolku.

Dowlada Masar ayaa Soomaaliya ugu deeqday shixnado ka kooban noocyo kala duwan oo hub ah, kadib markii ay labada dowladood dhawaan kala saxeexdeen heshiis iskaashi millateri ah.

Puntland oo anay isku fiicnayn dowlada federaalka ayaa iyaduna dhankeeda hub ka keensatay Itoobiya, sidookale, hub tiro badan oo aan cida leh la xaqiijin oo Itoobiya laga keenay ayaa galay gacmaha shacabka, kadib markii ay maleeshiyo beeleed ku dhaceen degmada Caabud-waaq.

Masar oo muwaadiniinteeda ugu baaqday inay Somaliland uga baxaan si degdeg ah

Masar ayaa soo saartay wargalin degdeg ah oo ku aaddan dhammaan muwadiniinta Masar ee ku sugan Somaliland inay si degdeg ah uga baxaan halkaas iyadoo ku sababaysay xaaladda ammaan ee ka sii daraysa.

War-saxaafadeed lagu daabacay wakaaladaha wararka ee Masar, ayaa muwaadiniinta loogu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan uga dhoofaan madaarka Hargeysa.

"Dhammaan muwaadiniinta Masar waxaan ka codsanaynaa in aanay u safrin Somaliland, iyadoo la eegayo saamaynta amni-darrada ku leedahay ammaankooda,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay safaaradda Masar ee Soomaaliya.

Warkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda ka taagan Geeska Afrika, ka dib heshiis muran badan dhaliyay oo ay bishii January ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Bishii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay sii xoojiyeen xiriirkooda ciidan iyagoo saxiixay nidaamka iskaashiga difaaca. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa xaqiijiyay in Masar ay taageereyso madax banaanida Soomaliya. "Soomaaliya waa xubin madaxbanaan oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, waxaana ku garab taagannahay sidii aan u sugi lahayn amnigooda,” ayuu ku dhawaaqay madaxweynaha Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u dhaliilay faragelinta Itoobiya ee Somaliland, isagoo ku eedeeyay Addis Ababa inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida Soomaaliya.

Khadiija Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeysay oo xijaaban oo Soomaaliya uga qeyb galaysa tartanka Quruxda

Soomaaliya ayaa sanadkan ka soo muuqan doonta tartanka quruxda Addunka ee Miss Universe, iyadoo Khadiija Cumar ay noqon doonto gabadhii ugu horreysay abid ee Miss Universe Soomaaliya iyo haweeneydii ugu horreysay oo xijaaban oo dalkeeda ku matasha masraxa caalamiga ah.

Khadiija oo 23 jir ah ayaa ka qeyb galaya tartanka 73-aad ee Miss Universe, kaasoo lagu wado in uu ka dhaco dalka Mexico bisha November.

Ka soo qeyb galka Khadiijo Cumar ayaa ah mid Soomaaliya iyo bulshada Muslimka ahba u ah mid taariikhi ah, maaddaama ay tartamayso iyadoo xijaaban. Sheekadeeda waxaa la dhacsan dad badan, gaar ahaan haweenka.

Waxay ku dhalatay xerada qaxootiga Xagardheer ee Kenya, Khadiija Cumar iyo qoyskeeda waxay u haajireen Kanada 2010.

Tartankeeda ee Miss Universe waxaa lala barbar dhigayaa Xaliima Aden, oo ah gabadha modalka ah ee Soomaali-Marekanka ah, taasoo ahayd haweenaydii ugu horreysay ee xijaaban ee ka qeyb gasha tartanka Miss Minnesota USA 2016, halkaas oo ay gaartay wareegga semi-finalka.

Sannadkii 2022-kii, Khadiijo ayaa sameysay rikoorkii wanaagsanaa markii ay gaartay 13-ka sare ee tartanka Miss World, iyada oo tallaabo taariikhi ah u noqotay matalaaddeeda Soomaalida ee ciyaaraha adduunka.

Hadda waxa ay diyaar u tahay in ay mar kale taariikh samayso iyada oo qeyb ka ah tartankii ugu horeeyay ee Miss Universe ee Soomaaliya, iyada oo u ololaysa kala duwanaanshaha.

Dhimashada weerarada Israel ee Lubnaan oo gaartay 274 qof

Tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay duqaymihii Israel ay shalay ka gaysatay koonfurta iyo bariga dalka Lubnaan ayaa gaartay 274 qof, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad.

Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in 21 ka mid ah dadka ku dhintay duqaymaha ay carruur yihiin.

"Ugu yaraan 274 qof ayaa la dilay, oo ay ku jiraan 21 carruur ah.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray "1,024 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay duqaymaha.”

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in dhibaneyaasha kale ee ku dhintay duqaymihii shalay ay ku jiraan dumar iyo shaqaalaha caafimaadka.

Wasiirka ayaa Israel ku eedeysay in ay beegsatay isbitaalo, xarumo caafimaad iyo weliba ambalaasyo.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Ciidanka Cirka ay garaaceen 800 oo goobood oo Xisbullah ay ku leedahay dalkaasi.

Duqaymaha Israel ayaa baqdin ku abuuray bulshada ku nool magaalooyinka koonfureed ee dalkaasi, kuwaa oo bilaabay in ay u cararaan Caasimadda Beirut.

Wararka ayaa sheegaya in barakaca xooggiisu uu ka socdo Magaalada Tyre, taas oo ku dhow xuduudda.

Magaalo xeebeedka Tyre waxay ka mid tahay magaalooyinka ku yaala koonfurta Lubnaan ee ay sida fudud ku soo gaari karaan diyaaradaha dagaalka Israel.

Dowladda Lubnaan ayaa amartay in la xiro dugsiyada iyo jaamacadaha dalka, iyada oo bilowday inay diyaariso hoy dib u dejin loogu sameeyo shacabka ka soo barakacaya koonfurta.

Diyaaaradaha dagaalka Israel ayaa gelinkii dambe ee shalay xoojiyay duqaymaha ay ku hayaan Dooxada Bekaa ee bariga Lubnaan.

Militariga Israel ayaa soo saaray amar ay dadka rayidka ah ugu sheegayaan in ay muddo laba saac ah uga guuraan guryahooda.

Xoogaga Xisbullah ayaa dhankooda garaacaya deegaanada waqooyiga Israel ku yaala xuduudda iyo kuwa ka baxsanba, iyagoo ka jawaabaya dagaalka ay Israel ballaarisay.

Israel ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin waxyeelada ay gaysanayaan duqaymaha Xisbullah, inkastoo Xisbullah ay iyadu sheeganeyso inay burburisay qaar ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Israel.

Labada dhinac waxaa muuqata inay ka gudbeen heerkii is xakameynta, si looga baaqsado isku dhac ballaaran oo gobolka oo dhan ah.

Dagaalkan wejiga kale yeeshay ayaan la aqoon waxa uu ku dambayn doono.

Israel oo duqayntii shalay ee dalka Lubnaan ku dishay 182 qof

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in werarada xagga cirka ee Israel shalay ka gaysatay dalkaasi ay ku dhinten 182qof, 727kalena ay ku dhawacmen.

Wararka aya sheegaya in Taliska Miitariga Israel uu ballaariyay hawlgalad xagga cirka ee ka dhanka ah Ururka Xisbullah, inkastoo diyaaradahooda ay beegsadeen dhismayal ay degan yihiin dad rayid ah.

Israel ayaa sheegtay in ay garaacday 300 oo goobood oo Xisbullah ay ku leedahay koonfurta iyo bariga Lubnaan, iyadoona ku hanjabtay inay si wadi donto bartilmame-dyada ka dhanka ah xarumaha militari ee Xisbullah.

Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warantay in diyaaradaha dagaalka Israel ay duqaymo ka gaysten Magaloyinka Tefahta, Babliyeh & Sarafand iyo deegano ay kamid yihin Kfar Hatta, Babliyeh, Kawthariyeh Al-Sayyad iyo Al-Ghasaniyah.

Wakalada Wararka NNA waxay sheegtay in diyaradaha dagalka Israel ay duqeeyeen laba dhisme oo dad rayid ah ay degan yihiin, isla-markaana ay waxyelo kala duwan ka soo gaartay.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan waxay sheegtay in khasaaraha dadka rayidka ah uu ka badan karo, tirada ugu dambeysay ee la diiwaangeliyay.

Dhanka kale Xoogaga Ururka Xisbullah ayaa si xoog leh u garaacaya goobaha ay Ciidamada Israel kaga sugan yihiin deegaanada waqooyiga Israel.

Xisbullah aya war ay so saartay ku shegtay in xoogageeda ay si sax ah gantaalo ugu burburiyen laba xero ciidan, sido kalena ay gantaladedu garen Dhismaha Warshada Difaca Rafael ee ku taala Magaalada Haifa.

Xisbullah waxay ku goodisay in ay duqaymaha ku fidin doonto gudaha Israel, si la mid ah, sida Tel Aviv ay sida qotada dheer ugu garaaceyso gudaha dalkaasi.

Taliska Militariga iyo Maamulka Israel ayaan wax war ah ka soo saarin khasaaraha ka dhashay duqaymaha ay Xisbullah ku hayso deeganada waqooyiga.

Labada dhinac waxay u muuqdaan kuwo ka gudbay heerkii is xakameynta, si looga hortago isku dhac ballaaran oo gobolka oo dhan ah.

Is tuurtuurka gantaalaha ee labada dhinac ayaa 11-kii bilood ee la soo dhaafay ahaa kuwo goos goos ah, haddase waxaad arki kartaa in ay xargaha goosteen.

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey iyo dalalka saamaynta ku leh Israel in ay wax ka qabtaan gardarrada Israel ee ka dhanka ah dalkiisa.

Siyaasiyiinta reer Lubnaan ayaa Israel ku eedeeyay inaysan ixtiraameynin dadka rayidka ah, isla-markaana ay u bartilmaam-eedsaneyso, si aan kala sooc lahayn.

Dhanka kale Militariga Israel ayaa shacabka reer Lubnaan ee ku nool koonfurta dalkaasi ku wargeliyay in ay ka fogaadaan kaabeyaasha militari ee Xoogaga Xisbullah iyo meelaha kale ay gantaalada ka soo tuurayaan.

Wararka ayaa sheegay in Israel ay farriintan shacabka ku nool koonfurta dalkaasi iyo weliba Caasimadda Beirut kula wadaagtay teleefanadooda gacanta.

Madaxa Shirkadda Isgaarsiinta Ogero ee Lubnaan, Imad Kreidieh ayaa sheegay in ay heleen in ka badan 80,000 oo looga shakisan yahay isku dayo teleefoon oo Israel ah, oo shacabka lagu weydiistay in ay ka baxaan meelaha ay degan yihiin.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa Imad Kreidieh ka soo xigatay in wicitaanada noocan oo kale ah ay yihiin dagaal maskaxeed, si loo sameeyo buu yiri qas iyo qalalaase.

Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in shalay ay shacabka gaarsiiyeen farriintooda ah in ay ka fogaadaan goobaha loo garan ogyahay Xisbullah.

Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay weerar ballaaran ku qaadayaan dalka Lubnaan.

Afhayeenka ayaan meesha ka saarin suurtagalnimada in Ciidamada Israel ay guluf dhinaca dhulka ah ku galaan dalkasi, si dadka reer Israel ee ku barakacay xiisadda xuduudda dib loogu soo celiyo guryahooda.

Si kastaba ha-ahaatee shacabka labada dal ayaa ka baqdin qaba in ay dhibane u noqdaan dagaalka wejiga cusub yeeshay.

Xisbullah oo Israel ugu hanjabtay

dagaal aan waxba la isku reeban

Kuxigeenka Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa ku hanjabay in Israel uu sugayo dagaal adag, oo ay kala kulanto sida uu sheegay iska caabinta Lubnaan.

Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah ayaa Israel ugu hanjabay weji cusub oo dagaal ah, kaasoo noqon doona sida uu sheegay nin walba iyo itaalkiisa iyo inay Israel la gelayaan dagaal aan xadidneyn.

Isagoo daraad galab ka hadlayay aaska Saraakiishii Xisbullah ee lagu dilay weerarkii xagga cirka ahaa ee Jimcihii ka dhacay koonfurta Magaalada Beirut ayaa waxa uu sheegay in weerarada iyo hanjabaadaha uga imanaya Israel aanay joojin doonin Xoogaga Xisbullah ee garab istaaga u muujinaya shacabka Falastiiniyiinta. "Waxaan diyaar u nahay inaan wajahno dhammaan fursadaha militari.” Ayuu yiri Hoggaamiye Kuxigeenka Xisbullah oo hadalkiisa ku xoojiyay "Waxaan galnay marxalad cusub oo dagaal, oo ah xisaabin furin.”

Waxaa uu sheegay in iska caabinta xoogga badan ee ay hadda sameynayso Xisbullah ay jawaab u tahay weeraradii maamahaanba uga imanayay Israel.

"Midna ogaada Xisbullah kama baaqsan doonto taageeradeeda dadka Gaza.” Ayuu yiri Naim Qassem.

Sarkaalka labaad ee ugu sarreya Ururka Xisbullah ayaa wacad ku maray in Israel aysan u suurtageli doonin in Israeliyiinta ay dib ugu soo celiso deegaanadii ay ka barakaceen ee waqooyiga Israel, inta uu socdo buu yiri dagaalka Gaza.

"Dagaalku wuxuu keeni doonnaa barakaca dad badan oo reer Israel ah ee ma keeni doono in dib loo soo celiyo, kuwii barakacay.” Ayuu yiri Naim Qassem.

Naim Qassem ayaa iftiimiyay in Israel ay u furan tahay hal waddo oo dadkeeda ay dib ugu soo celin karto guryahooda, taasoo ah inay aqbasho heshiiska lagu joojinayo dagaalka Gaza.

Naim Qassem ayaa carabka ku adkeeyay in Xisbullah ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Maamulka Israel, illaama ay ka soo afjareyso duulaankeeda Marinka Gaza.

Dhanka kale bayaan ka soo baxay Xisbullah ayaa lagu sheegay in si kasta oo Israel ay weeraradeeda ugu soo fidiso gudaha dalka Lubnaan in le’eg ay iyana u garaaci doonaan gudaha Israel.

Warka Xisbullah ayaa ka dambeeyay, ka gadaal markii xoogageeda ay garaaceen Xeryaha Ciidamada Israel ee ku yaala deegaanada hoostaga Magaalada Haifa. Haifa waa magaalada ugu muhiimsan amaba ugu weyn waqooyiga Israel.

Xoogaga Xisbullah oo adeegsanaya gantaalada cusub ee Fadi 1 iyo Fadi 2 ayaa beegsaday saldhigyo uu ugu weyn yahay Saldhigga Ciiidanka Cirka ee Ramat David ee duleedka Haifa. Saldhiggan ayaa ka mid ah garoomada ay ka soo kacaan diyaaradaha dagalka Israel ee duqaymaha ka gaysanaya konfurta Lubnaan.

Warbaahinta Israel ayaa tebineysa in Xisbullah ay Axaddii dhowr jeer bartilmaameedsatay saldhiggan, tanina ay ka dhigan tahay in uu fiday dagaalka labada dhinac.

Israel iyo Xisbullah ayaa ciidan xoog leh soo geliyay deegaanada ku dhow dhow xuduudda, iyagoona ku sii dhawaanaya dagaal toos ah.

Taliska Militariga Israel ayaa mar sii horreysay ku hanjabay in ay aag nabdoon ka sameynayaan gudaha xuduudda Lubnaan, si ay u suurtagasho in Israeliyiinta waqooyiga dib loogu soo celiyo guryahooda.

Ma cadda, sida Ciidamada Israel ay uga gudbi karaan xadka Lubnaan, iyagoo arka in khatar weyn ay kala kulmayaan.

Dagaalkan ayaa labada dalba ku yeelanaya cawaaqib ba’an.

Israel oo ka digtay in militarigeeda ay adeegsadaan awood dheeri ah

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa ku goodiyay in Israel ay sii wadi doonto hawlgalada ka dhanka ah Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan.

Wasiirka ayaa sheegay in Xisbullah ay hadda dareentay sida uu yiri mid ka mid ah awooddeenna, ka dib weeraradii Talaadadii iyo Arbacadii lagu qarxiyay qalabka isgaarsiinta ee Xisbullah iyo aaladaha kale ee ay isticmaalan shacabka dalkaasi.

Wasiirka oo booqday Xarunta Taliska Ciidanka Cirka Israel, soona hadal qaaday duqayntii aan caadiga ahayn ee Xisbullah daraad ka gaysatay deegaanada waqooyiga Israel ayaa ku hanjabay in taasi ay keeni doonto in Tel Aviv ay jawaab adag ka bixiso.

"Israel waxay sii wadi doontaa hawlgalada ka dhanka ah Xisbullah, illaa kooxda argagixisada ay ka ogolaaneyso in dadka barakacayaasha ah ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israel.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri "Tallaabooyinkani way sii socon doonaan illaa aan ka gaarno xaalad aan si ammaan ah guryahooda ugu soo celino dadka degan waqooyiga.”

Wasiir Gallant ayaa intaasi raaciyay "Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, si aan tani u xaqiijino.”

Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi oo isna booqday Saldhigga Ciiidanka Cirka Tel Nof ee bartamaha Israel ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Xisbullah, haddii ay is hortaag ku sameyso qorshaha ay damacsan yihiin in ay Israeliyiinta dib ugu soo celiyaan guryahooda waqooyiga.

"Waxaan si badbaado leh ugu celin doonnaa guryahooda dadkii qaxay, haddii Xisbullah aysan weli fahmin tan, waxay yeelan doontaa dharbaaxo kale, illaa ay ka fahmaan.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray "Weeraradeennu way kordhi doonaan.”

Taliyaha ayaa ka digay in Israel ay adeegsan doonto awood dheeri ah, waana xilli sida uu sheegay ay Israel diyaargarow weyn ugu jirto weerar iyo difaac, labadaba.

Madaxda Israel ayaa toddobaadkii hore bilaabay inay baahiyaan in ay si xoog ah dadkooda ugu soo celin doonaan waqooyiga Israel. Israeliyiintan ayaa ka cararay deegaanada waqooyiga ee ku dhow dhow xadka Lubnaan, ka dib in ka badan 11 bilood oo Israel iyo Xisbullah ay ku lug lahaayeen gantaalo si maalinle ah isaga gudba xuduudda labada dal.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa Khamiistii sheegay inaysan Israel suurtagal u noqon doonin in ay Israeliyiintu ku soo noqdaan waqooyiga, inta uu socdo dagaalka Marinka Gaza.

Nasrallah ayaa ka digay in Israel ay ballaariso dagaalka, haddii kalene ay taasi horseedi doonto in Israeliyiin kale ay oodda jabsadaan.

Masar oo ka digtay dagaalka ay Israel fidineyso

Dowladda Masar ayaa walaac ka muujisay xiisadda aan caadiga ahayn ee ka taagan xuduudda Israel iyo Lubnaan, iyadoona ka digtay dagaalka ay Israel ku ballaarineyso dalka Lubnaan, ka dib weeraradii is xigxigay ee ay toddobaadkii hore ka gaysatay dalka deriska la ah ee Lubnaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdel Aaty ayaa sheegay in uu jiro walaac aad u weyn oo laga qabo suurtagalnimada in dagaalka labada dal uu isu bedelo dagaal goboleed.

"Waxaa jira walaac aad u weyn oo laga qabo suurtagalnimada inay dhacaan wixii Masar in muddo ahba ay ka digeysay, oo ah in xiisaddu ay isu bedesho dagaal ballaaran oo gobolka oo dhan ka qarxa.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka AFP ayaa sheegay in tani ay tahay mid ay dowladdiisu si adag uga digtay, haddana ay ku celineyso digniinteeda ah in uu ballaarto dagaalkan.

"Waa waxa aan in badan ka digaynay, haddana aan ka digayno. Dagaalka oo la ballaariyaa ma jirto cid ay dan ugu jirto.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in kororka rabshadaha Israel iyo Xisbullah ay wiiqeyso dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo heshiiska nabadda ee Gaza.

"Xaaladda faraha ayay ka sii baxeysaa, waxayna saamayn khalafsan ku yeelaneysaa wada hadaladii ay garwadeenka ka ahaayeen Masar, Qatar iyo Mareykanka.” Ayuu yiri Wasiirku.

Badr Abdel Aaty, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar oo Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York kaga qaybgelaya meertada 79aad ee Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dhinacyada looga baahan yahay in ay is xakameeyaan, si loo demiyo dabka ka shidan gobolka.

Wasiir Aaty ayaa wareysiga ku sheegay in Qaahira ay qayb ka sii ahaan doonto wada-xaajodyada ay ku wehlinayaan Washington iyo Doha, si buu yiri loo dhameystiro heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel.

Aaty ayaa ku waramaya in xabad joojinta Gaza ay ilaalineyso xasilloonida Bariga Dhexe iyo in la xakameeyo xiisadda haatan ka jirta gobolka.

Dowladda Masar ayaa bishii hore ee August caddeysay, sida weyn ee ay uga soo horjeeddo qorshaha Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ee ku saabsan in heshiis kasta oo laga gaarayo xabad joojinta Gaza lagu saleeyo in Ciidamada Israel ay sii joogayaan halka lagu magacaabo Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar.

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa ku hanjabay inaysan qaadan doonin wax heshiis ah, inta Ciidamada Israel ay ku sugan yihiin qayb ka mid ah Marinka Gaza.

Ururada hubeysan ee gobolka ka hawlgala, sida Xuuthiyiinta iyo Xisbullah ayaa horey u sheegay in furaha nabadda ee gobolka uu gacanta ugu jiro Xamaas, taas oo macnaheedu yahay inay xabadda joojinayaan oo keliya, marka Xamaas ay xaqiijiso waxa danta u ah shacabka Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa daba-yaaqadii bishii August ku wargeliysay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar iyo Masar inaysan jirin wax dambe oo iyaga iyo Israel ay ka wada-xaajoon karaan, illaa iyo inta Netanyahu uu ka tanaasulayo haysashada Philadelphi Corridor.

Waddadan amaba Isgoyska Rafah ee isku xira Gaza iyo Masar ayaa ah meesha keliya ee Gaza u furneyd, marka aad eegto in inteeda kale ay go’doonsan tahay. Militariga Israel ayaa horaantii bishii May la wareegay gacan ku haynta deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, markaas oo ay bilaabeen inay xadidaan isu socodka Masar iyo Gaza.

Netanyahu ayaa dhowr jeer sheegay in joogitaanka ciidamadiisa ee Philadelphi Corridor ay muhiim u tahay amniga Israel, isla-markaana aysan ka soo saari doonin ciidamada.

Tani waxay adkeysay dadaaladii uu Mareykanku hormuudka ka ahaa ee lagu raadinayay xabad joojinta Gaza, waana tan keentay in Xamaas aysan toddobaadyadii la soo dhaafay ka soo jawaabin farriimihii uga imanayay dhexdhexaadiyeyaasha.

Dowladda Mareykanka ayaa Qatar iyo Masar ka codsatay in Xamaas lagu soo celiyo miiska wada hadalka, inkastoo wax ka fulay aysan jirin.

Xamaas waxay horey u caddeysay inay diyaar u tahay oo keliya in ay dhaqangeliso xabad joojin ka madaxbannaan wax shuruudo ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip