halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishotimes/
Madaxweyne Xasan "Ka ganacsiga hubka waa mamnuuc dowladdana go’aan adag ayaa uga yaal”
Madaxweynha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ka ganacsiga hubka uu yahay mamnuuc dowladdana go’aan adag uu uga yaal, wuxuuna ka digay inaan lagu kadsoomin arrintaas.
Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dadka arrintan ku lugta leh in ay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda, isaga oo xusay in hay’adaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ka hortimaadda go’aankan.
Madaweynaha ayaa ka digay in hubka guryaha lagu kediyo kaas o loo adeegsado ujeeddooyin gurracan, wuxuuna ku cel-celiayay in aan looga xishoon doonin mansabkooda.
"Waxaan ahay siyaasi, sarkaal ama madax baan ahay ma jirto, qof dadka wax lagu laynaya inuu fududeeyo rabaayi sharafna ma lahan, xasaanadna ma lahan waana lasoo qabanayaa”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale faray ciidamada ammaanka in ay gacan bir ah ku qabtaan dadka magaalada ka hurinaya colaadaha ka socdo dhulka miyiga ee gudaha Caasimada ka taakuleya malleeya beeleedyada.
Ra’iisul Wasaaraha XFSiyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay u ambabaxay magaalada New York
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhu-uriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hogga-aminayo ayaa u ambabaxay shalay magalada New York ee xarunta Qaramada Midobay o uu kaga qaybgalayo Kalfadhiga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan "Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka shalay iyo kuwa mustaqbalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwana-anshaha oo aasaas u ah helitaanka abad iyo horumar waara.
R’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay Janaasada Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdilaahi Sheekh Ibraahim Baardheere
R’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuri-yadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay ka qeyb galay salaada Janaasada ee lagu dukaday Allah u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdilaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo shalay maydkiisa la keenay Muqdisho.
Mudane Xamsa ayaa marxuumka ku sifeeyey intii uu noolaa in uu ahaa daaci kaalin wayn ka qaatay nabadda iyo barashada diinteenna Suubban ee Islamka, isagoo intaas ku daray in Sheekhu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan, gaar ahaan dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo laga yaqaan guud ahaan dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle SWT uga baryay in uu marxumka janadiisa Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Dubai dalka isutagga Imaaradka Carabta
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane abdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Dubai ee caasimadda dalka isutagga Imaaradka Carabta.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la kulmi doona dhiggiisa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda isu-tagga Imaaraatka carabta oo uu casuumaad rasmi ah ka helay, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta iyo iskaashiga xiriirka labada Baarlaman, gaar ahaan dhinacyada qibrad wadaagga, waayo aragnimadaiyo horumarinta.
Guddoomiyaha oo booqasho labo maalmood ah ku joogi doona Imaaraadka Carabta, ayaa waxa safarkiisa ku weheliya xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku metela Baarlamaanka wadamada Carabta.
Wasiirka Deegaanka iyo isbeddalka cimilada XFS oo New York kaga qeybgashay shir muhiim ah
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS Marwo Khadiijo Maxamed Al Makhzoumi ayaa ka qeyb gashay furitaanka shirka mustaqbalka oo ka socda xarunta UN ee magaalada New York dalka Mareykanka.
Shirkaan ayaa qayb ka ah shirwaynaha Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa isku keenaya madaxda caalamka si loo gaaro is afgarad ku aaddan wax ka qabashada caqabadaha caalamiga ah iyo ilaalinta mustaqbalka.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shir looga hadlayay xakameynta hubka sharci darrada ah
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda F.S Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomoyey shir looga hadlayay sidii ay hey’adaha amniga dalku u xakameyn lahaayeen hubka sharci darrada ah, kaas oo khatar ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharci darrada ah.
Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hey’adaha amniga loogu adkeyn lahaa inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharci darrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab.
Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay kaalin weyn ka qaataan soo celinta hubka sharci darrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka.
Taliyaha Booliska oo safar shaqo ku tegay Mareykanka
Wafdi uu hoggaaminaayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa safar shaqo oo kooban ku tagey Dalka Mareykanka si uu kulamo ula qaato hay’adaha Booliska ka taageera dhanka la-dagaalanka Argagixisada.
Taliye Sulub Axmed ayaa shirar kala duwan la qaatay Madaxda hay’adahaas kuwaas oo dhamaantood ku soo dhama-aday guul.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale tagay Akadeemiyada FBI-da halkaas oo ay kula kulmeen saraakiisha Hay’adaas iyago kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayen tababarada saraakiisha Booliska Soomaaliyeed.
Shirka Gudiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Pan-Afrika oo lagu soo gaba gabeeyay dalka Koonfur Afrika
Shirka Gudiyadda joogtada ah ee Baarlamaanka Pan-Afrika oo lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Konfur Afrika inta udhaxeesay 13-ka illaa 22-ka Sibtember 2024 ayaa shalay la soo xiray.
Xildhibaan Zamzam Maxamed Cumar (Gobsan) oo Kamid ah Mudanayaasha BJFS sidoo kalana Xubin ah Guddiga Pan-Africa ayaa ka qeyb gashay shirka iyadoo ku Mataleysa dowladda soomaaliya.
Shirkaan Gudiyadda Joogtada ah ee Baarlamaanka Pan-Africa oo ka duwanaa shirarkii hore ayaa waxaa sanadkaan lala qabtay shirarka xoghayayaasha iyo gudoomiyayaasha Baarlamaanada Afrika iyo Baarlamaan gobaleedyada qaarada Afrika ee shanta ah.
Waxaana labadii maalmood ee ugu horeeyay shirka loo qabtay guud ahaan xildhibaanada xubnaha ka ah Baarla-maanka Pan-Afrika aqoon-isweydarsi lagu baranayay Natiijada Saldhiga u ah Maamulka iyo Qorshaha Istiraatiijiyada Baarlamaanada Afrika.
Baarlamaanka Pan-Afrika oo ah baarlaman ay ku mideysan yihiin 54 dowladod oo midkiiba uu shan xubnood oo matasha usoo dirsado ayaa hoostaga Ururka Midowga Afrika.
Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wadahadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaiya Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan looga hadlayay ciribtirka kooxda Al-shabaab la qaatay Taliyaha howlgalada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell.
Kulanka ayaa ahaa mid diirada lagu saaray qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo waliba sidii looga xureyn lahaa kooxda goobaha ay wali kaga sugan yihiin gudaha dalka.
Labada dhinac ayaa kulanka iskula meel dhigay in la xoojiyo howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab ee haatan ka socda inta badan gobolada dalka sidii loo soo afjari lahaa.
Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dowlada Mareykanka u sheegay inay muhiim u yihiin qorshaha dagaalka lagula jiro Al-shabaab, isagoona ka mahadceliyay taageerada Mareykanka uu la garab taagan yahay Soomaaliya.
Dowlada Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha ciidanka xooga dalka Sooma-aliya ka taageera dhinaca howlgalada cirka ah ee ka dhanka kooxda Al-shabaab.
Dagaal beeleed khasaare geystay oo shalay ka dhacay gobolka Galgaduud
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo shalay ka dhacay deegaanka Laandheere oo ku yaala Waqooyiga gobolka Galgaduud.
newsinsdeDagaal oo ahaa mid aad u xoogan ayaa labada dhinac waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabud-waaq iyo Xeraaale.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa afar ruux oo labada dhinac ah ay ku geeriyoodeen dagaalka shalay ka dhacay Laandheere, islamarkaana dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.
Rasaas goos goos ah ayaa wali laga maqlaya goobaha ay ku dagalaameen labada maleeshiyo beeleed oo wali is hor fadhiya, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaal beeleedka dib uga qarxay shalay deegaanka Laandheere.
Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo dhexmara beelaha wada dega goboladaas, waxaana dagaaladaasi ka dhasha khasaarooyin baaxad leh oo kala gaara beelaha dirirtu dhexmarto.
Booliiska Soomaaliya oo degmada Gubadley ku gubay Raashin dhacay
Hey’adda Tayo Dhowrka oo kaashanaysa Booliska iyo Xeer illaalinta Qaranka ayaa degmada Gubadley ku gubay Raashin dhacay.
Rashiinkaan oo gaarayay 2,000 kiish oo Bur dhacay ah kaa oo laga qabtay Dekadda Muqdisho, waxna baaris kadib Hay’adda Taya dhowrku ay sheegtay in uu yahay mid dhacay.
Agaasimaha Kormeerka Hey’adda Tayo Dhowrka Maxamuud Cilmi oo goobta lagu gubay rashiinkan ka hadlay ayaa yiri” Ganacsatada Soomaaliyeed bulshada haka daayaan waxyaabaha dhacay ee noloshaada qatarta ku ah inay soo iibiyaan.
Xeer illaaliye Mustaf Cali Salaad ayaa ganacsatada soomaaliyeed kaga digay in aan dalka lasoo galin karin Rashiin dhacay baaritaana lagu sameynayo cid kasta oo ku lugyeelata soo galinta dalka Rashiinka Dhacay.
"Baaris ayaa ku socota cid kasta oo ku lug leh ka ganacsiga raashinka dhacay
Xeer illaaliye Mustaf Cali Salaad
Maxamed Cabdi Waare: Soomaaliya wax dan ah uguma jirto kala jeclaanshaha Itoobiya iyo Masar
Ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD ahna madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay Soomaaliy in aanay wax dan ah ugu jirin inay soo kala dhoweysato Itoobiya iyo Masar.
Maxamed Cabdi Waare waxa uu sheegay hardanka u dhaxeeya labada dal inuu khatar weyn ku yahay xasiloonida geeska Afrika iyo jiritanka dowladnimada Somalia.
"Itoobiya iyo Masar nin qaraabo nala ah ma jiro. 30 sanaa halkaan joognay noo may imaan. Maxaa hadda isku keenay. Maxaan qiil ugu raadinaynaa oo aan u dhahaynaa, kani waa deris, kani waa muslim. Xaggeebay jireen kuwa muslimka ah soddonkii sano ee aan islaynaynay,” ayuu yiri Waare.
Ku xigeenka Ergayga guud ee IGAD ayaa sheegay Soomaalidu in looga baahan yahay inay ka tashadaan aayahooda, si dalka loo badbaadiyo.
Wuxuu sheegay haddii aan la baraarugin in dhulka Soomaaliyeed uu ka bixidoono gacmaha dadkiisa.
Hadalkaan ayuu Waare ka jeediyay magaalada Garowe oo uu uga qeyb galayo kulan ku saabsan, marxaladaha nabadeed iyo amni ee geeska Afrika.
Xigasho Hiiraan Online
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in isfahanka Itoobiya uu muhiim u yahay horumarka gobolka
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in isfahanka ay xukuumadiisu la gaadhay Itoobiya, uu horseedi doono horumar dhaqaale iyo iskaashi oo gobolka ka dhaca.
Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Al Carabiya, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in ay mideeyaan danahooda muhiim ka ah.
"Waxa aanu saxeexnay isfahan, kaasi oo aanu uga gol leenahay in aanu gaadhno danaha qarankayaga, oo aanu aqoonsi helno, Itoobiya-na waxa u daran in ay badda gaadho, waxa aanu midaynay danahayaga, waxa aananu diyaar u nahay in aanu helno aqoonsi" ayuu yidhi Biixi.
Waxa uu sheegay in uu aamin-sanyahay in heshiiska labada dhinac uu muhiim u yahay horumarka, iskaashiga ganacsiga iyo degenaanshaha gobolka Geeska Afrika, waxa uu intaa ku daray in dhawaan ay Itoobiya iska arki doonaan saxeexida heshiiska kama dabays ta ah.
Mar la waydiiyay in uu hubo in Itoobiya ay aqoonsandoonto Somaliland, ayuu sheegay in uu xaadir ahaa markii isfahanka la saxeexayay, iyo wada xaajoodyadii ka horeeyayba, sidaas darteedna ay hubaal tahay aqoonsiga Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamud, ayaa dhawan dibulumaasiyiinta shisheeye ee Somaliland ku sugan ku wargaliyay in la dhamaystirayo heshiiska, oo dhawaan la saxeexi doono inkasta oo aanu sheegin taariikh rasmi ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sooma-aliya Axmed Moalim Fiqi, aya dhankiisa sheegay in dowladiisu ay gacan saar la yeelan doonto jabhadaha Itoobiya, hadii ay Itoobiya ka noqon waydo heshiiska Somaliland. Itoobiya ayaa hadalka Fiqi ku tilshalayy "Khayaali".
Somaliland oo sheegtay in uu xidhiidh ka dhexeeyo Al Shabaab iyo kooxaha Xuutiyiinta
Somaliland aya sheegtay in uu xidhiidh ka dhexeeyo kooxaha Al Shabaab iyo Xuutiyiinta dalka Yemen, kuwaasi oo iska kaashanaya khalkhal galinta amaanka gobolka.
Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo waraysi siiyay Muuqbaahiyaha Al Carabiya, qaybta ku baxda Afka-Carabiga, ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato xidhiidhka cusub ee dhexmaray kooxahan.
"Waxa jira xidhiidh adag oo ka dhexeeya kooxaha Xuutiyiinta iyo Al Shabaab taasina waxay khatar ku tahay nabada gobolka. Dowlada Soom-aaliya waa in ay xakamaysa iskaashiga kooxahan"
Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in ay door wayn ka ciyaarto xakam-aynta dhaqdhaqaaqyada khatarta ku ah ganacsiga gobolka, isla markaana, aan lagu halayn Somaliland amaanka badda Cas.
Maraykanka ayaa hore u sheegay in uu jiro xidhiidh ay sameeyeen kooxaha Xuutiyiinta iyo Al Shabaab, taasi oo laga yaabo in ay sababto in Xuutiyiintu ay hub xoogan siiyaan Al Shabaab.
La taliyihii hore ee amniga Abiy Axmed: Waa inaan Bad helnaa ujeedkeenana ma ahan Deked
La taliyihii hore ee amniga raysal wasaaraha Itoobiya ahna agaasimihii Guud ee Sirdoonka iyo Nabadsugida Itoobiya, Redwan Hussien, ayaa ka dhawaajiyay Itoobiya in aysan doonayn deked, balse ay doonayaan inay bad helaan.
Redwan Hussien ayaa aaminsan in Itoobiya mar hore lumisay fursad ay bad ku heli kartid, hase ahaatee, markaan wuxuu sheegay wax kaste haku qaadatee inay Itoobiya ka go’an tahay inay bad hesho
"Waa inaan Bad helnaa ujeedkeena ma ahan Deked, wax kasta ay nagu qaadato waxaan luminay fursadeenii ugu horeysa xiligii Mililiq. Laakiin hadda nagama hoos bixi doonto,” ayuu yiri Redwan Hussien
Horraantii sannadkan ayaa wareysi laga qaaday sarkaalkan mar uu ahaa la taliyaha amniga ee raysal wasaare Abiy, wuxuu sheegay, in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isla ogaayeen heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ilaa heshiiska si rasmi ah loo saxeexay.
Redwan wuxuu aaminsan yahay Somaliland in ay tahay maamul-goboleed Soomaaliya ka go'ay. Waxa uu sheegay 20 kiiloomitir oo ay ka helaan badda Cas inay ka caawinayso ciidamada badda ee Itoobiya fursad ay ku helaan tababaro ka sakow in dalka uu yeesho dekeddiisa soo dejinta iyo dhoofinta.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey riyo maalmeed ugu tilmaamtay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya. Dowladu waxay sheegtay inay Itoobiya faraha kula jirto arrimo xadgudub ku ah qaranimadeeda iyo madax banana-nideeda.
Milatariga Uganda oo bilaabaya baaritaan ku aaddan shil diyaaradeed oo ka dhacay Soomaaliya
Milatariga Uganda ayaa ku dhawaaqay baaritaanno ku saabsan diyaarad helikobter ah oo milateri oo ku dhacday gudaha Soomaaliya halkaasoo afar ka mid ah nabad ilalinta ay ka badbaadeen shilka.
Felix Kulayigye, oo ah afhayeenka ciidamada Uganda oo khadka taleefoonka kula hadlay wakaalada wararka ee Xinhua ayaa sheegay in baaritaano lagu ogaan doono waxa sababay burburka diyaarada oo ah nooca ciidamada Uganda ee burburay wax yar kadib markii uu ka dhoofay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya fiidnimadii Khamiista.
Kulayigye ayaa sheegay in diyaaradasi ay ka soo duushay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday garoonka Belidoogle oo qiyaastii 90 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya, waxaana saarnaa afar qof.
"Diyaaradda waa ay soo degtay, dhammaan dadkii saarnaana way bad qabaan. Mar kasta oo uu shil diyaaradeed dhaco waa in baaritaan la sameeyaa,” ayuu yiri Kulayigye.
Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Xisbullah oo bilowday inay gantaalo cusub u adeegsato weeraradeeda Israel
Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay masuuliyadda weerar gantaal oo lagu qaaday saldhig ciidan oo Ciidamada Israel ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Haifa ee waqooyiga Israel.
Xisbullah ayaa sheegtay in weerarka loo adeegsaday gantaalo cusub, isla-markaana ay markii ugu horreysay noqonayso in gantaaladaasi lagu garaaco hadafyada militari ee gudaha Israel
Xisbullah ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in xoogageeda ay saqdii dhexe ee habeen hore ay daraasiin gantaalada Fadi 1 iyo Fadi 2 ku weerareen Saldhigga Ciiidanka Cirka ee Ramat David, iyadoo laga jawaabayo weerarada ay Israel kordhisay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.
Warbaahinta Israel ayaa ku warameysay in tiro gantaalo ah oo laga soo tuuray koonfurta dalka Lubnaan ay ku soo dhaceen agagaarka Magaalooyinka Haifa iyo Nazareth.
Xisbullah ayaa soo bandhigtay muuqaalo muujinaya gantaaladeeda oo ku hooba-naya Saldhigga Ramat David, oo qiyaastii 20km dhinaca koonfur bari kaga beegan Magaalada Haifa.
Warbaahinta gobolka ayaa ku warameysa in nidaamka difaaca hawada Israel ee Iron Dome uu ku guuldareystay in uu ka wada hortago gantaaladaasi.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in illaa 10 gantaal lagaga soo tuuray dhanka Lubnaan, kuwaas oo intooda badan sida ay sheegeen la qabtay.
"Waxaa sidoo kale lala socday gantaal ku soo dhacay nawaaxiga Haifa, waxaana la baarayaa dhacdada.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Militariga Israel.
Adeegga Gurmadka Degdegga ee Israel ayaa sheegay inay duleedka Haifa ka qaadeen dhaawaca hal nin.
Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Sabtidii illaa 90 gantaal ay Xisbullah ku soo weerartay deegaanada waqooyiga Israel, ka dib markii in ka badan 400 oo gantaal ay ku garaaceen sida ay sheegeen bartilmaameedyo ku yaala dalka Lubnaan.
Illaa iyo hadda lama sheegin cid ku noqotay duqaymaha xoogeysanaya ee ay labada dhinac isku dhaafsanayaan deegaanada xuduudda ee labada dal, iyadoo duqaymahan ay daba socdaan weerar ay Israel Jimcihii ku dishay saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Xisbullah. Saraakiishan ayaa lagu weeraray dhisme ku yaala koonfurta Magaalada Beirut, xilli halkaasi uu kulan uga socday.
Saraakiisha Xisbullah ee weerarka lagu dilay waxaa ka mid ah Ibrahim Aqil, oo noqonayo sarkaalkii ugu sarreyay ee laga dilo Ururka Xisbullah, tan iyo 30-kii bishii July, markaas oo Israel duqayn ka dhacday duleedka Beirut ay ku dishay Abaanduulihii Garabka Militariga Xisbullah, Fuad Shukr.
Israel oo awaamiir ka soo saartay xiisadda jiidda waqooyi
Israel ayaa awaamiir dhinaca amniga ka soo saartay xiisadda aadka u sarreyso ee ka jirta xuduudda ay la wadaagto dalka Lubnaan.
Israel ayaa Sabtidii si ku-meel-gaar ah u hakisay duulimaadyadii rakaabka ee deegaanada waqooyiga, illaa amar dambe, ka dib markii ay kordheen gantaalaha ka soo dhacaya dhinaca koonfurta Lubnaan.
Taliska Militariga ayaa amar ku bixiyay in la xiro goobaha waxbarashada ee waqooyiga Israel, inta ay jirto khatarta amni ee ka dhalatay xiisadda xuduudda.
Shacabka ayaa sidoo kale la faray inay joojiyaan kulamada isu imaatinimada, cid walbana ay taxadarto, iyada oo ay raadsanayaan goobaha gabaadka ee laga galo gantaalada.
Wargeyska Israel ee Yedioth Ahronoth ayaa daabacay in cabsidii ugu weyneyd ay ka jirto waqooyiga Israel, isla-markaana ay dadku ka baqdin qabaan in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameysa inay suurtagal tahay in Israeliyiin hor leh ay ka soo cararaan waqooyiga Israel, marka aad eegto xaaladda aan caadiga ahayn ee ka jirta deegaanada waqooyiga Israel ee ku dhow dhow xadka Lubnaan iyo kuwa kale ee ka baxsanba.
Ciidamada faraha badan ee ay Israel u daabushay dhanka xuduudda iyo Xoogaga Xisbullah ee la keenay jiidda koonfureed ee Lubnaan ayaa laga cabsi qabaa inuu dhex maro dagaal aan waxba la isku reeban.
Dhiilada colaadeed ee ka taagan xuduudda labada dal ayaa xitaa laga dareemay magaalada dekedda leh ee Haifa, iyadoona shacabka Israel ee ku dhaqan magaaladaasi ay goor horeba gabaad ka sameysteen dhulka hoostiisa, qaar ka mid ahna ayba isaga barakaceen magaaladaasi.
Dadkan ayaa goobaha gabaadka ku diyaarsaday waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, si ay ugu moodaan maalmaha, toddobaadyada amaba billooyinka ay colaaddu jirto.
Magaaladan waxaa ku yaala warshadaha saliidda ee ugu weyn Israel. Haamaha waaweyn ee shidaalka iyo bartilmaameedyo kale oo aad u guban kara ayaa sidoo kale ku yaala magaalada.
Israeliyiinta ayaa baqdin ka muujinaya in Xoogaga Xisbullah ay dhibaato xoog leh ka gaystaan magaalada aadka loogu dalxiiska tago.
11-kii bilood ee is tuurtuurka gantaalaha uu ka jiray xuduudda ayaa waxaa si weyn hoos ugu dhacay tirada dadkii dalxiiska ku imanayay Haifa.
Israel iyo Xisbullah ayaa hadda u muuqdo kuwo u jiheysanaya wareeg kale oo dagaal, ka dib dagaalkii lagu riiqmay ee 33-kii maalmood socday ee dhex maray sanadkii 2006.
Jordan oo muwaadiniinteeda kala baxeysa Lubnaan, ugana digtay safarada dalkaasi
Dowladda Jordan ayaa muwaadiniinteeda ugu baaqday in ay si degdeg ah uga baxaan dalka Lubnaan, sababo ku aaddan cabsida laga qabo in dagaal buuxa uu ka dhex qarxo Israel iyo Xisbullah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan ayaa muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi ku boorisay in ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan dalkaasi.
Wasaaradda ayaa habeen hore warsaxaafadeed ay soo saartay uga digtay muwaadiniinta kale inay u socdaalaan dalkaasi, ka gadaal markii ay kordheen gantaalaha ay is weydaarsanayaan Xoogaga Xisbullah iyo Ciidamada Israel.
Israel ayaa ballaarisay weerarada xagga cirka ee ay ciidamadeeda ka gaysanayaan dalka Lubnaan, halka Xisbullah ay dhankeeda qaadday tallaabooyin ay ku xoojineyso bartilmaameedyada ka dhanka ah xeryaha militari ee waqooyiga Israel.
Sabtidii, Israel iyo Xisbullah ayaa is dhaafsaday mid ka mid ah gantaalihii ugu badnaa, tan iyo markii ay xiisadda dib uga soo cusboonaatay xuduudda.
Dalalka reer galbeedka iyo kuwa gobolka ayaa maalmahaanba muwaadiniintooda kala baxayay Lubnaan, iyadoo laga jawaabayo khatarta amni ee jirta. Dalalka ay weli muwaadiniintooda ka joogaan dalkaasi ayaa ka cabsi qaba in ay waxyeelo ka soo gaarto weerarada Israel ee socda.
Inta badan dalalka reer galbeedka ayaa horey muwaadiniintooda uga daadgureeyay waqooyiga Israel, waxayna muwaadiniinta kula taliyeen, kuwooda howlaha muhiimka ah u jooga Israel inaysan tagin deegaanada waqooyi ee ku dhow dhow xuduudaha Lubnaan iyo Suuriya.
Gantaalaha faraha badan ee xuduudda la isku dhaafsanayo ayaa la sheegaya inay bilow u noqon karaan dagaal aan ciribtiisa dambe la mahdin.
Tartanka Hubka Nukliyeerka: Go'aannada masiiriga ah ee sugaysa Madaxweynaha soo socda ee Mareykanka
Madaxweynaha soo socda ee Maraykanka, ha noqoto Kamala Harris ama Donald Trump, wuxuu la kulmi doonaa caqabado siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah. Arrimaha xuquuqda ilmo iska soo rididda, socdaalka, khilaafka jinsiyadeed, iyo sinnaan la'aanta dhaqaalaha waxay sii ahaan doonaan kuwo muran dhaliya. Siyaasadda arrimaha dibadda, madaxweynaha cusub waxaa hor yaalla go'aanno adag oo ku saabsan khilaafaadka Ukraine, Israel/Gaza, iyo xiisadda sii kordheysa ee Shiinaha iyo Taiwan.
Laakiin hal arrin oo ka halis badan dhammaan kuwaas ayaa madaxweynaha soo socda ku noqon doonta caqabadda ugu weyn ee laga yaabo inay saameyn weyn ku yeelato dunida oo dhan: Waa siyaasadda hubka nukliyeerka.
Soddonkii sano ee la soo dhaafay, khatarta dagaalka nukliyeerka wuxuu ahaa mid aad u hooseysa marka loo eego xilligii dagaalladii qaboobaa. Burburkii Midowga Soofiyeeti iyo heshiisyadii hoos u dhigay kaydka hubka nukliyeerka ee Maraykanka iyo Ruushka waxay horseedeen is-fahan ah in khatarta dagaal nukliyeer ah la yareeyo. Dad badan waxay bilaabeen inay aamminaan in xiisadda nukliyeerka la soo afjaray, waxaana diiradda la saarayaa arrimo kale oo caalami ah.
Si kastaba ha ahaatee, xasilloonidaas waxay u muuqataa inay dhammaatay. Xiriirka u dhexeeya quwadaha waaweyn ee caalamka, gaar ahaan Maraykanka, Ruushka, iyo Shiinaha, wuxuu hoos u dhacay sannadihii u dambeeyay, iyadoo heshiisyadii hub ka dhigista ay hakad galeen. Ruushka iyo Maraykanka labaduba waxay bilaabeen inay casriyeeyaan hubkooda nukliyeerka, halka Shiinaha uu si weyn u ballaarinayo awooddiisa nukliyeerka, taasoo abuurtay cabsi cusub oo ku saabsan suurtagalnimada dagaal nukliyeer ah.
Qalalaasaha siyaasadeed iyo militariga ee adduunka, gaar ahaan farriimaha hanjabaadaha ah ee ka imaanaya Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha, waxay dib u soo nooleeyeen walaaca laga qabo isticmaalka hubka nukliyeerka. Madaxweyniha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa si isdaba joog ah ugu hanjabay inuu adeegsan doono hub nukliyeer ah haddii uu dareemo in Mareykanka iyo NATO ay si weyn u taageerayaan ciidamada Ukraine.
Sidoo kale, awoodda sii kordheysa ee Shiinaha waxay keentay in Maraykanka uu ballaariyo barnaamijyadiisa difaaca nukliyeerka. Koongarasku wuxuu oggolaaday horumarinta hub nukliyeer ah oo leh "wax-soo-saar hoose," kaas oo la rumeysan yahay inuu madaxweynaha siiyo doorashooyin dheeraad ah marka ay timaado wax ka qabashada khilaafaadka gobolka ee soo baxa.
Dagaalladii hore ee nukliyeerka, gaar ahaan khatarta dagaalka Gantaalaha Kuuba ee 1962-kii, waxay muujisay in isku dhacyada nukliyeerka ay sababi karaan burbur ba'an oo dunida oo dhan ah. Waqtigaas waxaa la helay is-faham dhexmara Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti si loo yareeyo khatartaas. Laakiin hadda, hadallada cusub ee ku saabsan suurtagalnimada isticmaalka hubka nukliyeerka waxay cabsi galinaysaa in hoggaamiyeyaasha quwadaha waaweyn ay mar kale ka fikiraan dagaalka nukliyeerka.
Dunida shalay waxay taagan tahay xaalad halis ah oo dagaal nukliyeer ah, taas oo aan la arag tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa. Waa suurtagal in haddii dagaal nukliyeer ah uu qarxo, xitaa haddii la xakameeyo, boqolaal gantaal oo ballistik ah oo ay isdhaafsadaan Shiinaha, Ruushka, iyo Mareykanka ay burburin karto ilbaxnimada oo ay sababto dhimashada malaayiin ama xitaa balaayiin qof.
Madaxweynaha soo socda ee Mareykanka ha noqdo Kamala Harris ama Donald Trump wuxuu hubaal la kulmi doonaa go’aanno masiiri ah oo ku saabsan soo saarista iyo isticmaalka suurtagalka ah ee hubkan. Haddii ay tahay xiriirka nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka ama kan saddex geesoodka ah ee ay ku jiraan Shiinaha, arrimahan waa kuwo la isku haleyn karo inaysan fududaan doonin.
Caqabadii ugu horreysay ee nukliyeerka ee hortaalla madaxweynaha soo socda haddaba wey muuqataa. Heshiiska Yaraynta Hubka Cusub ee Istaraatiijiga ah (New START), oo xaddidaya tirada hubka nukliyeerka ee Mareykanka iyo Ruushka, ayaa dhacaya 5-ta Febraayo 2026. Heshiiskan oo la saxiixay 2010, wuxuu labada dhinac ku xaddiday inay haystaan 1,550 madaxyo nukliyeer ah oo ay ku jiraan gantaallada ballistic-ga ICBM-yada iyo kuwa laga rido maraakiibta quusta (SLBMs).
Bishii Febraayo 2023, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu ku dhawaaqay in dalkiisu uu "hakiyay" ka qaybqaadashadiisa heshiiska New START, inkastoo uu ballan qaaday inuu sii wadi doono xakameynta hubkiisa nukliyeerka haddii Mareykanku sidaas sameeyo. Maamulka Biden ayaa sheegay inay sii wadi doonaan u hoggaansanaanta heshiiska, iyagoo Moscow u soo jeediyay inay diyaar u yihiin inay ka hadlaan heshiis cusub marka uu dhaco 2026. Si kastaba ha ahaatee, Ruushka wuxuu diiday wadahadalladan, isagoo ku andacoonaya in Mareykanku sii wado taageerada milatari ee Ukraine.
Go'aanka Madaxweynaha Soo Socda
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka waxa uu wajahaa go’aanno muhiim ah oo la xiriira mustaqbalka heshiiska New START. Waqti yar ayaa haray si si buuxda looga heshiiyo arrimahan. Go’aanka ugu horreeya ee la qaadi karo waa in Mareykanku sii wado u hoggaansanaanta heshiiska, inkasta oo Ruushka uu hakiyay ka qaybqaadashadiisa. Doorashadan waxay noqon kartaa mid lagu sii wado xaaladda jirta, inkastoo ay suuragal tahay in Washington iyo Moscow ay ku loollamaan tijaabooyin hubka nukliyeerka ah oo cusub.
Xulashada kale ee madaxweynaha cusub ayaa noqon karta inuu bilaabo wadahadal cusub oo uu ku qanciyo Ruushka in heshiis cusub oo nukliyeer ah la gaaro. Tani waxay noqon doontaa hawl adag oo u baahan waqti iyo dulqaad, iyadoo laga yaabo in la waajaho caqabado siyaasadeed oo gudaha ah, gaar ahaan Congress-ka oo qaarkood ay hore u soo jeediyeen in Mareykanka uu ka baxo heshiiska gebi ahaanba.
Midda ugu xun ee suuragalka ah waxay noqon doontaa in Mareykanka iyo Ruushka ay gebi ahaanba ka baxaan heshiiska, taasoo keeni karta in labada dhinac ay kordhiyaan hubkooda nukliyeerka. Tani waxay horseedi kartaa tartan hubka nukliyeerka ah oo cusub mid aan la arag tan iyo xilligii Richard Nixon iyadoo labada quwadood ee ugu awoodda badan nukliyeerka ay bilaabaan ballaarinta kaydkooda halkii ay hoos u dhigi lahaayeen.
Haddii Mareykanka iyo Ruushka ay ku guuldareystaan inay heshiis cusub gaaraan, waxaa hubaal ah in Shiinaha uu ku biiri doono tartanka hubka nukliyeerka. Xiisadda nukliyeerka ee saddex geesoodka ah oo dhex marta Mareykanka, Ruushka, iyo Shiinaha waxay noqon doontaa mid ka khatar badan tartanka laba geesoodka ah.
Dunida waxay wajahaysaa marxalad cusub oo halis ah, halkaas oo go’aannada siyaasadeed ee la qaadanayo ay si weyn u saameyn doonaan mustaqbalka amniga caalamka.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishotimes/
..