WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 26KA OKTOOBAR 2015KA

0
Monday October 26, 2015 - 09:46:00 in Wararka by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 26KA OKTOOBAR 2015KA

    MADAXWEYNAHA OO SI RASMI U FURAY KALFADHIGII 7AAD EE GOLAHA BAARLAMAANKA .. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay kalfadhigii 7aad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka, iyadoo iminka uu ka jeedinayo khudbad dhinacyo badan uga hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO SI RASMI U FURAY KALFADHIGII 7AAD EE GOLAHA BAARLAMAANKA .. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay kalfadhigii 7aad ee Golaha Baarlamaanka Federaalka, iyadoo iminka uu ka jeedinayo khudbad dhinacyo badan uga hadlayo oo ku saabsan xaalada dalka. Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Madaxweynaha ku soo dhoweeyay furitaanka kalfadhiga 7aad, waxaana Guddoomiyaha uu ka hadlay waxyaabihii u soo qabsoomay lixdii kalfadhi ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha horyaala.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in kulanka furitaanka kalfadhiga 7aad ay soo xaadireen 141 Xildhibaan, waxaana uu tilmaamay in aan la aqbali doonin Xildhibaanada ka maqan fadhiyada, isagoo xusay in howl adag ay hortaalo Baarlamaanka, gaar ahaan shuruuc dalka muhiim u ah oo Golaha Wasiirada ay soo gudbiyeen.

Furitaanka Kalfadhiga todobaad ayaa waxaa goob joog ka ah Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilkaxanaf, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib, Xildhibaanada Baarlamaanka.
Madaxweynaha oo khudbadiisa si toos ah looga daawanayay Telefishinka SNTV ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, isagoo tilmaamay in laga heshiiyo siyaasada, si dowladnimada aas aas u yeelato, waxaa uu ka hadlay sharciga dalka oo uu xusay inay tahay in lagu dhaqo.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhibaatadii la soo maray haatan si tartiib tartiib looga gudbayo, waxaana uu cadeeyay inay muhiim tahay in lagu farxo shalay wixii u qabsoomay dowladda.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay wada tashiyada dalka ka bilaaban doono, oo uu tilmaamay in go’aan wada jir ah looga gaari doono sanadka 2016 wixii la qaadan doono, waxaana uu tibaaxay in deegaan walba oo gobolada dalka ay ka dhici doonaan wada tashiyada qaran.
Waxaa uu sheegay go’aanada lagu gaaro wada tashiyada uu soo mari doono Baarlamaanka, isla markaana uu meel marin doono, kadibna xafiiska Madaxweynaha uu shuruuc ka soo saari doono.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday sharciyada horyaala Baarlamaanka, kuwaasoo uu tilmaamay inay muhiim yihiin, isla markaana loo baahan yahay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay dedejiyaan ansixintooda.
"Waxaaan Baarlamaanka ka codsanayaa in ay dadejiyaan shuruucda oo ay shaqeeyaan habeen,maalin iyo Jimco so howsha loo dardargeliyo”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu kaloo ka hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya la leedahay Beesha Caalamka, isla markaana uu aad u soo xoogeysanayo xiriirka diblomaasiyadeed ee dhinaca dibadda ah.
MA OGTAHAY IN SHIRKADAHA MOBILELADA SAMSUNG, BLACKBERRY, SONY LAWADA XIRI DOONO DHAWAAN ? (SABABTA SII OGOW)
Shirkadan Mobillada ka gacsada waxaa ay laga deyrinayaa khasaaraha ay sanad walba galaan, waxaa kaloo tartan adag kula jira shirkadaha Tecknolojiyadda ee kale.
Shirkadda Koobaad: Lenovo, Waa shirkada Telefoono gacanta ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaa la aasaasay 1984tii, waxaa ay xafiisyo ku leedahay Chinese Beijing, China, Morrisville, North Carolina, United States iyo meelo kale.
Shirkaddan waxaa soo gaartay Khasaare aad u badan, 4tii Bil ee ugu horeysay sanadkan waxaa ay Khasaartay 105 Milyan oo Dollar, Waxaa ay sidoo kale kala dirya Kala u Bar shaqaalaheed.
Shirkaddan waxaa ay dooneysaa in ay suuqa ka baxdo oo shirkadda Motorolla isku darsato labada magic, waxaana la filayaa in Logo Mobillada ku dhegan ee shirkaddan aanay sii jiri doonin labo sano gudahood.
Shirkadda Labaad: Sony Mobile Communications, Waa Shirkad laga leeyahay dalka Jabaan, waxaa ay xafiisyo ku leedahay Tokyo, Japan, Lund, Sweden iyo meelo kale, waxaa la aasaasay 2001dii.
Shirkaddan waxaa ay Khasaare badan kala kulantay Suuqa Mobillada iyadoo Khaasaartay Labo sano oo isku xiga, sanadkan kaliya waxaa ay Khaasaartay 480 Milyan oo doolar halka sanadkii hore ay Khasaartat 310 Milyan oo Dollar, sidaa darteed waxaa la saadaalinayaa in Albaabada la isugu dhufan doona sanadkan ama kan xiga
Shirkadda Sedexaad: Blackberry Shirkadda waxaa ay ku jirtaa Khasaare badan, August sanadkan waxaa la sheegay in ay khasaartay 207 Milyan oo Dollar halka sanadkii hore ay Khasaartay 965 Milyan oo Dollar.
Shirkaddan waxaa ay hoos u dhac Khasaare oo xagga dhaqaalaha ay bilowday sanadkii 2013kii, waxaa ay wararka qaar sheekagayaan in shirkaddan ay iibsan rabo shirkadda Microsoft inta aanu sanadkan dhamaan, lakin waxaa si weyn loo saadaalinayaa in shirkadda ay xermi doonto goor dhaw.
Shirkadda Afaraad: Samsung: Shirkaddan waxaa laga leeyahay Koofur Korea, in kastoo shirkadda ay xoogaa ka fiican tahay shirkadihii hore, la sheegayo in faa’ido yar ay heshay hadana waxaa la saadsaalinayaa in Albaabada la isugu dhufan doono dhawaan
Shirkaddan waxaa ay Muddo iska heystay Suuqa Mobillada, lakin waxaa la leeyahay Maalmaheeda waa ay tirsamaan, shirkadda waxaa dhib badan ku haya shirkada Shiinees ah oo tartamn adag kula jira, weliba ka qarash yar.
C/risaaq IndhaJaceyl
SOMALI BRITISH U DAGAALAMAYAY DAACISH OO WEERAR ISMIIDAAMIN KA FULIYAY CIRAAQ
Somali Brtish ka bar bar dagaalamayay Kooxda Daacish ayaa weerar is qarxin aad u ba’an ka fuliyay agagaarka magaalada Ramadi ee dalka Ciraaq, halkaasoo Kooxda IS ay difaacanayaan.
Abu Khalid alBritani ayaa dilay ku dhowaad 50askari oo ka mid ah Ciidamada Ciraaq, kadib markii labo qarax oo is xigay lagu qaaday.
Qaraxa kale ayaa waxaa qaaday dagaalyahan u dhashay Tunisia, sida lagu baahiyay baraha bulshada ee ay adeegsadaan Taageerayaasha Daacish.Sawirka Abu Khalid ayaa la soo geliyay baraha bulshada, waxaa la sheegay inay iska dhaleen Somali iyo Yemen, balse waligiis kuma noolaan Soomaaliya.
Abu Khalid ayaa ka tagay magaalada London, waxaa da’diisu aheyd 40sano jir, waa dagaalyahankii labaad oo British ah oo wax ka yar todobaad weerar is qarxin ka fuliya Ciraaq.
Dagaalyahan kale oo ay saaxibo ahaayeen Abu Khalid oo lagu magacaabo Abu Maidah AsSomali oo mar ku noolaa London iyo Sweden ayaa sheegay inuu ahaa saaxib wanaagsan, balse Afsoomaaliga si fiican ugama hadli jirin.
Abu Khalid iyo Abu Maidah AsSomali ayaa horay ugu kulmay xero Tababar, ka hor inta aanu Abu Khalid alBritani aadin Ciraaq. In ka badan 500 dagaalyahano British ah ayaa ka bar bar dagaalamaya Kooxda IS ama Daacish.
DOWLADDA KENYA OO SHEEGTAY INAYSAN JOOJINEYN QAADKA AY KEENTO SOMALIYA
Dowlada Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay qaadka laga soo dhoofiyo dalka Kenya ee la keeno gudaha dalka Somaliya, iyadoo sheegtay Kenya inaysan marnaba joojineyn qaadka Somaliya ay u dhoofiso.
Joseph Nkaissery, Wasiirka Arimaha Gudaha dalka Kenya, ayaa sheegay Qaadka dalkiisa laga keeno ee Somaliya loo soo dhoofiyo inaysan joojineyn, maadaama sida uu sheegay ay tahay arin ganacsi ah oo dalka Kenya dhaqaalo ay ka hesho.
Wasiirka Arimaha Gudaha Kenya oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Brussels ee dalka Belgiumka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay joojinta qaadka laga soo dhoofiyo Kenya.
Wuxuu si cad u sheegay Wasiirka dowlada Kenya u hadlay in Dowlada Somaliya ay mamnuuci karto qaadka, kadibna Kenya ay joojin karto qaadka, laakiin madaxda haddii aysan ka hadleynin inay sii socon karaan iibinta qaadka la geeyo Somaliya.
Kenya waxa ay dhaqaalo badan ka heshaa Qaadka Miirooga ee laga soo dhoofiyo dalkeeda, waxaana Somaliya maalin waliba la keena diyaarad weyn oo u dhiganta dhowr diyaaradood, taasi oo keenta Qaadka Somaliya laga isticmaalo.
Dowladda Somaliya lafteeda qaadka waxa ay ka heshaa dhaqaalo badan oo canshuuro ah, marka dhinacaasi la eegana Dowladda waxaa ku adag go’aan qaadashada ku saabsan qaadka Somaliya la keeno in la joojiyo.
Ganacsato badan oo Somali ah ayaa ku tiirsan ka ganacsi qaadka la keeno dalka Somaliya iyo iibintiisa intuba
ALSHABAAB OO HABEEN HORE WEERAR KU QAADAY GAROONKA DIYAARADAHA BAARDHEERE
Dagaalyahano ka tirsan AlShabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ku lahaayeen garoonka diyaaradaha Baardheere oo ku yaala banaanka magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu muddo socday, lana isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu soo waramayaa in rasaastii wiiftada uu khasaare ka soo gaaray dad rayid ah.
Saddex ruux ayaa oo haween ahaa, mid ka mid ahna aheyd gabar sagaal sano jir ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dagaalkii habeen hore.
Lama oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac, iyadoo xilligu ahaa habeen, isla markaana halka lagu dagaalamayay ay aheyd meel ka baxsan magaalada oo adkeyd in la helo faah faahin ku saabsan khasaaraha rasmiga ah Isgaarsiinta magaalada ayaa shalay hawada ka maqan, iyadoo waabarigii hore inta aanay ciidamada hawada ka saarin Isgaarsiinta ay howl gallo ka bilowdeen.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa saldhigyo ku leh magaalada, kadib markii bishii July ee sanadkan ay si wada jir ah magaalada ugala wareegay AlShabaab.
GUDOOMIYAHA DALADDA URURADDA BULSHADDA RAYIDKA OO KA HADLAY HAB QEYBSIGA MAAMUL GOBOLEEDKA SH/DHEXE & HIIRAAN.
Gudoomiyaha Daladda Ururada Bulshadda Rayidka ee Ex Gobolka Banadir Xaaji Muhudiin Xasan Afrax ayaa ka hadlay Qaabka ugu haboon ee awood qeybsiga dhismaha maamul goboleydka Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan iyo sida loo wajihikarro ee uu u noqonkaro mid dhaxal gal ah.
Xaaji muhudoiin xasan oo manta shir Jaraa,id ku qabtay magaladda muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda uu haatan maraayo dhismaha maamulkaasi iyo sidaloogu baahan yahay in loo derdergeliyo iyadoo laga dhawraayo wax kasta ee dhalinkarra fashil iyo khilaaf soo wajaha dhismahaasi,isagoo sheegay in loo baahan yahay in arintaasi loo marro habka fedrraalisimka ee ay goboladda isku raacikaraan laba gobol iyo wax ka badan.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in qarshaha haatan socda ee waxaayo uu isagu dhaliilsan yahay isagoo hoosta ka xariiqay in loo madaxbanaaneeyo dadka ku dhaaqan labadda gobo lee shabeelaha dhexe iyo Hiiraan gaar ahaan dadka ay taladda ka goddo, sida siyaasiyiinta Doobabka dhaqanka, Aqoonyahanka iyo Ururadda bulshadda Qeybahoodda kala duwan si ay iskugu raacaan wax ay heshiis ku yihiin oo ay isku waafaqsanyihiin.
Gudoomiyaha Daladda Ururadda Bulshadda Ra,yidka ah Ex Gobolka Banaadir Xaaji Muhudiin Xasan Afrax ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda uu haatan sii galaayo dhismaha maamul goboleydka Shabeelaha dhxe Iyo Hiiraan taas oo uu sheegay in ay tahay mid aan lagu qancikarin,waxaana uu ugu baaqay Xukuumadda federaalka soomaliya iyo weliba duubabka dhaqanka in aysan dhismaha maamul u sameynta Goboladasi ay bulshadda goboladasi si siman oo aan laheyd wax khilaaf ah wax ugu qeybiyaan si aanu uu imaan fashil iyo is jiidjiid.
Mudane Xaaji muhudiin waxaa uu sheegay in goboladii horay loo soo dhisay ee ay xukuumadda Federaalka soomaaliya ay horseedka aheeyd uu hareeyay khilaaf isla markaasna sababay in ay timaado cabasho iyo sadbursiimo ku dhisan cadaaladdarro, si taas looga kaashaanto waxaa loo baahan yahay in sameynta dhismahaasi loo wajaho si Haboon ee aaanan wax dood ah ka imaanin,bulshadana aanan loo gelin isnaceeyb iyo isjiidjiid iyo looma dhamo oo ah madhamaato.
Ugu dambeyntii gudoomiyaha daladda Ururadda Bulshadda Rayidka ah ee Ex banadir Xaaji muhudiin xasan afrax waxaa uu ugu baaqay siyaasiyiinta, Dhaqanka ,Aqoonyahanka,Dhalinyaradda iyo Haweynka labadda gobol ee Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan inay ka tashadaan aayahooda iyo muqtaqbalkooda siyaasadeed wixii khilaaf ahna ay meel iska dhigaan si ay ula tartamaan maamul goboleydyadda kale ee Xiligaan dalka ka hana qaaday , xukuumadda Soomaaliyana wax uu ka codsaday in ay garab iyo gacan ku siiso bulshadda labadda Gobol in ay aayahooda ka tashadaan faregelintana ay ka daayso waayo waxaa uuyiri waa laga gudbay xiligii wax leysxku meeyri jiray, waxaana loo gudbay hanaanka federaaliisimka oo ah in bulshadda intii isku dan ah ay israaco waxna wada qabsato.
BANKIGA HORUMARINTA AFRIKA OO 30MILYAN DOLLAR UGU DEEQAY QAXOOTIGA SOOMAALIYA
Bankiga Horumarinta Afrika ee Afrika Development Bank ayaa sheegay in 30milyan oo dollar ugu deeqay in lagu caawiyo qaxootiga Soomaaliya, taasoo ka mid aheyd balanqaadkii shirkii Brussles ee looga hadlayay arrimaha qaxootiga.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ahna Madaxa Mashaariicda Dibadda ee Bankiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in lacagahn loogu tala galay sidii loogu caawin lahaa Qaxootiga Soomaaliya.
"Bankiga Horumarinta Afrika waxaa uu Soomaaliya ugu deeqay 30 milyan oo dollar oo aan dooneyno wixii aan qaban karno aan qabano, gaar ahaan sidii qaxootiga loo caawin lahaa” ayuu yiri Dr Beyle.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta Bankiga Horumarinta Afrika ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii Baanka qeyb uga qaadan lahaa dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliya.
Qaxooti aad u tiro badan oo Soomaali ah ayaa ku nool wadamo badan oo ka mid ah caalamka, waxaana tirada ugu badan oo qaxootiga Soomaalida ay ku nool yihiin dalalka Kenya, Itoobiya, Yemen iyo Jabuuti.
Lacagaha laga balan qaaday shirkii Brussels ayaa ah mid loogu tala galay sidii qaxootiga Soomaalida ee iskood uga soo tagaya dalka Kenya looga soo daabulo, isla markaana dib u dejin loogu sameeyo gudaha dalka.
HOOYOOYIN SOMALIYEED OO WALAAC KA MUUJIYAY QAABKA UU MAREYKANKU ULA DHAQMAAYO WIILASHOODA OO XIRAN
Laba ka mid ah hooyooyinka dhalay toddobo wiil oo Soomaali ah oo lagu xiray dalka Mareykanka, ayaa waxay walaac xoogani ka muujiyeen qaabka laamaha ammaanka Mareykanku ula dhaqmayan wiilahooda.
Hooyo Faaduma C/laahi Xuseen oo ah hooyada dhashay Guuleed Cali Cumar, ayaa sheegtay in wiilkeeda meel gaar ah lagu xiray, si uu u qirto in uu qorsheynaayay in Ururka Daacish uu ku biiro.
Hooyadan oo la hadashay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa laamaha ammaanka ku dhaliishay inay wiilkeeda ku dirqinayan in uu qirto dembi aanu lahayn, waana taa midda kenetay in meel gaar ihi lagu xiro, isagoo silsilad ku xiran, sida ay tiri.
Sidoo kale waxay sheegtay in wiilkeeda loo diiday inay la kulanto. Sidoo kale waxay sheegtay in Qareenkiisa laga horjoogsaday marka uu la kulmaayo in silsiladda ku xiran laga furo.
Hooyo Ayaan Maxamed Faarax oo dhashay Maxamed C/xamiid Faarax iyo Cadnaan C/xamiid Faarax, ayaa iyana sheegtay in wiilasheeda ay ku xiggi doonaan Guuleed, marka ciqaabta ay marsiinayan hay’adaha amniga Mareykanka, ay soo gaba gabeeyan.
Hooyo Ayaan oo sidoo kale u warantay BBC, ayaa waxay sheegtay in hay’adaha ammaanka Mareykanka ay dib u dhigeen, bishii hore ee September oo lagu waday in wiilasheeda la horkeeno Maxkamadda. Sababta dib loogu dhigay ayaa waxay ku sheegtay si loo ciqaabo, deetana ay u qirteen dembi aanay lahayn, sida ay tiri.
Waalidiinta Somaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan, ayaa waxay qaarkood wajahayan falcelinta adag ee ka dhalatay ubadkooda loo haysto inay qorsheynayan in ku biiraan ururadda xagjirka ah ee caalamka ka dhisan.
MEYDADKA 40 QOF OO TAHRIIBAYAAL AHAA OO LAGA HELAY XEEBAHA DALKA LIBYA ..
27 ka mid ah meydadkan, ayaa waxaa Sabtidii laga helay xeebaha Magaalada Zlitan, halka 13ka kalana laga helay Xeebaha u dhaxeeya Tripoli iyo Khoms, sida uu sheegay Mohamed alMasrati oo ka tirsan Bisha Cas Libya.
Zlitan waxay 150km dhinaca bari kaga toosan tahay Magaalada Tripol Ee Xarunta Wadanka Libya. Tripoli waxaa la tilmaamaa in lafdhabar ay u tahay qulqulka muhaajiriinta.
Mohamed AlMasrati, ayaa sheegay dadkan inay la socdeen dooni ka amba baxday Xeebaha Libya oo ku sii jeeday dalka Talyaaniga, waxa uu intaa ku daray in 30 ruux oo kalana la rumeysan yahay in la la’yahay.
AlMasrati oo la hadlay Warbaahinta Caalamka, ayaa sheegay dadka ku la’day doonidaasi inay ka kala yimaadaan Wadamada Saxaraha ka hooseeya.
Tan iyo markii ay Wadamada Reer Galbeed rideen Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Moammar Gadhafi, ayaa waxay Libya noqotay marin ay si xoogan u adeegsadaan tahriibayaasha, tiiyoo ay barbar socoto dadka ku la’anaaya min Saxaraha Libya iyo Badda Mediterraneanka.
Dadka reer Libya oo intoodu badan ay ka horyimaadeen Korneyl Gadhafi, ayaa waxay shalay ku calaacalayan in cuqabadiisii ay ka soo baxday. Tobonaankii sano ee uu xilka haayay Gadhafi, ayaa horumar weyn ku hogaamiyay dalkiisa iyo dadkiisuba.
SHIR LOOGA HADLAYAY ARRIMAHA CADAALADDA OO SHALAY KA DHACAY MUQDISHO
Shirka PSG3 ee looga hadlayo arrimaha Cadaalada iyo horumarka laga sameeyay oo bishii mar la qabto ayaa waxyaabaha ugu waa weyn ee tiirarka Hormarineed u ah ee barnaamijka Hiigsiga Cusub.
Shirkan ayaa waxaa uu gogol xaar u yahay shirka Hiigsiga cusub ee 27ka bishan ka furmi doona magaalada Muqdisho, waxaana shirkaas isugu imaanaya dowladda dhexe, Maamul goboleedyada iyo Hey’addaha deeq bixiyeyaasha
Mas’uuliyiinta shirkan ka qeyb gashay ayaa waxay ka kala socdeen Wasaaradaha Cadaaladda ee Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Ururada bulshada rayidka iyo Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa waxaaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa nidaam wada sahqeyn oo hufan, kaasi oo horseed ka noqon kara natiijadda wax ku oolka ah, kala sareynta sharciga qaab ka wanaasan ee loo fulin karo iyo muhiimadda howlaha ay wadaan hay’adda cadaalada sida loo soo bandhigi karo.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Cadaaladda dowladda Soomaaliya oo shirkan halka maalin furay ayaa warbaahinta iyo ka qeybgalyaasha sharaxaad ka siiyay ahmiyada uu leeyahay shirkan, isagoo ka dhawaajiyay qorshe lagu horuminayo arrimaha cadaaladda dalka, kaasoo si hufan loogala shaqayno maamuladda haatan jira.
Shirkan ayaa waxaa gundhig u yahay sidii dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada haatan jira sidii, iyagoo mideysan waxyaabaha muhiimadda u leh Soomaaliya sidii deeq bixiyaasha ula tagi lahaayeen shirka New Deal ama hiigsiga cusub , PSG3 ee ka furmi doona 27ka bishan magaaladda Muqdisho, kaasoo ay goobjoog ka yihiin deeq bixiyeyaasha.
LIXDAN IYO SADDEX KUN OO GOOBOOD OO DOORASHADA DALKA TANZANIA AY SHALAY KA SOCOTO ..
Shacabka reer Tanzania, ayaa shalay safaf dhaadheer ugu jira sidii ay u dhiiban lahaayen codadkooda, xilli ay dalkaasi ka dhaceyso doorasho guud. Doorashada Madaxweynaha iyo midda Baarlamaanka.
Illaa sideed Musharax, ayaa u taagan jegada madaxtinimada dalkaasi. Xisbiga talada haaya ee CCM, ayaa waxaa la sii saadaaliyay in loolan adag uu kala kulmi doono Xisbiyada mucaaradka, oo isugu tagey Xisbiga CHADEMA.
Madaxweynaha Xafiiska Shaqada ka tegaaya ee Jakaya Kikwete, ayaan doorashadan u tartami doonin, maxaa yeelay waxa uu horey ugu soo tartamay laba goor, oo Xafiiska uu soo joogay. Waana labada jeer ee loo ogolyahay in Xafiiska uu u tartamo.
Lixdan iyo saddex kun (63,000) oo goobood, ayaa waxaa la dhigay sanduuqyada codadka, waxaana sanduuqiiba la ogol yahay inay ku codeyso 450 oo qof.
Guddiga Doorashada, ayaa iclaamiyay in 23.5 milyan oo qof oo Tanzanian ah, ay shalay u kala codayn doonaan Xisbiyada ku hardamaya tartanka doorashada madaxtinimada iyo midda Baarlamaanka.
Sida uu qabo Dastuurka Tanzania, ayaa toddobaad gudahii lagu dhawaaqi doonnaa natiijada doorashada, laguna shaacinayo cidii ku soo baxday tartanka doorashada.
Waxaa si weyn loo adkeeyay gebi ahaanba ammaanka dalkaasi, iyadoo 80 kun oo askari la kala geeyay goobaha ay codbixintu ka soconeyso. Illaa iyo hadda codaynta ayaa u socoto sidii loogu tallagalay.
CIIDAMADA DOWLADDA IYO KUWA AMISOM OO SHABAAB KALA WAREEGAY DEEGAANO KA TIRSAN GOBOLKA BAAY
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Somaliya ay kula wareegeen daraad galab tuulooyin ku yaallo Gobolka Baay ee Koonfurta Somaliya.
Ciidamada, ayaa la wareegay saddex tuulo oo hoostagga Magaalada Diinsoor ee Gobolkaasi, iyadoo labo ka mid ah tuulooyinkaasi la sheegay inay isaga baxeen ciidamada Shabaab, halka ciidanka Huwantana ay si nabadgelyo ah kula wareegeen.
Tuulooyinka ay ciidamada la wareegeen ayaa lagu magacaabaa Mitir, Gurbaan iyo Kanaana, waxaana halkaasi isaga baxay ciidankii Alshabaab, ka hor inta halkaasi aysan tagin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya ciidamada inay ku sugan yihiin deeganada ay la wareegeen, howlgalkana uu yahay mid sii socon doona.
Xasan Aadan Yabaroow oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee howlgalkaasi hogaaminaayay, ayaa sheegay ciidamada tuulada Mitir inay ku qabteen Sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo lagu magacaabo C/laahi Maxamed Axmed oo Shabaabka u qaabilsanaa qaadista canshuuraha gaadiidka.
"Ciidamada Deegaanadaasi Laba ka mid ah si Nabad galyo ah ayeey ula wareegeen, hase ahaatee Mitir ayaan kula kulannay Alshabaab iyaga oo sii baxaya, waxaan ka qabannay nin lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Axmed oo Alshabaab u qaabilsanaa lacag ka qaadista gaadiidka shacabka, dagaal sidaa u badanna halkaasi kama aanu dhicin.” Ayuu yiri Taliyaha.

MASAR OO BALAN QAADAY INAY GACAN KA GAYSANAYSO DIB U SOO CELINTA QAXOOTIGA SOOMAALIDA EE KENYA.
Shir ay yeesheen Deeq bixiyaasha oo looga hadlaayay arrimaha dib u soo celinta Soomaalida Kenya ayay dowladda Masar waxay balan qaaday inay in ay gacan ka geesan doonto dib u soo celinta Somaalida doonaysa inay dalkooda dib ugu soo noqdaan.
Kulanka looga hadlaayay dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliya ee dalka Kenya ku sugan ayaa waxaa shir gudoominaayay QM iyo Midowga Yurub,iyadoo shirkaasi uu ka dhacay 21ka bishaan Magaalada Brussels.
Masar waxa shirka uga qeyb galay safiir Maxamed Idris oo ah kaaliyaha wasiirka arimaha dibadda ee arimaha Afrika, waxaana qudbadii uu goobta ka jeediyay ka balan qaaday in dowladda Masar ay ugu horeyso wadamada u istaagaya inay ka qeyb qaataan Soomaalidaasi dib ugu soo labashadooda dalkooda Hooyo.
Dhanka kale safiirka ayaa sheegay inay masar ka shaeyn doonto sidii xasilooni looga dhalin lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo Masar sidoo kale balan qaaday inay gacan siin doonto ama taagero u fidin doonto Soomalida gudaha ku barakacday oo gaaraya ilaa 2Milion qof.
CIIDAMADA BURUNDI OO HOWLGALO ROONDOOYIN AH KA SAMEEYA MAGAALADA KISMAAYO
Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa howlgalo roondooyin ah waxa ay ka sameeyaan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.
Ciidamada ayaa Xaafada Via Afmadoow ee magaalada Kismaayo waxa ay ka sameeyeen howlgal gaadiidka lagu baaraayo, waxaana ciidanka la socday oo howlgalka Baarista sameynaayay ciidamada Jubbaland.
Magaalada Kismaayo oo amnigeeda uu noqday mid soo hagaagaya, ayaa tani waxa ay qayb ka tahay howlgalada ciidamada ay ku sugayaan ammaanka Magaalada Kismaayo.
Ciidamada Burundi oo lagu bedelay ciidanka Sierra Leon ee laga bedelay Magaalada Kismaayo, ayaa waxa ay isku dayayaan inay kasbadaan Bulshada Magaalada Kismaayo oo wada shaqeyn wanaagsan ay dhexmarto.
Gaadiidka ciidamada ay baarayaan ayaa ah kuwa ka baxa Magaalada iyo kuwa soo galaya, waxaana la hubinaya amniga gaadiidkaasi iyo waxa saaran intaba.
Howlgalada joogtada ah ee ammaanka lagu sugo Magaalada waxaa ka sameya ciidamada Maamulka Jubbaland.

HAMBALYO DHALASHO FARXADLEH

Waxaan halkaan Hambalyo Dhalasho Farxad leh loogu diraynaa
C/RAXMAAN C/CASIIS SHITAAR IYO XAASKIISA XALIIMO C/QAADIR SHEEKH ABUUKAR oo Tariikhda markii ay aheyd 20ka Oktoobar 2015ka Saacadduna ay ku beegneyd 4:00 saxdii dhexe ay Gabari ugu dhalatay Xaafadda Tabbeellaha Jeceylka ee Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, Gabadhaasi oo loogu Magac Daray MARYAN C/RAXMAAN C/CASIIS SHITAAR waxaa Dhalashada Gabadhaasi Ifka ku soo Biirtay u Hambalyeynayaan Dhammaan Bahweynta Xaafada Tabbeellaha Jeceylka iyaga oo aan u kala harin waxaay leeyihiin Alle haka dhigo tii soo barbaarta oo loo Aayo Dalkeeda, Dadkeeda iyo Diinteedana Anfacda , Maasha Allah Aabbe iyo Hooyo alle ha idinkaga dhigo tii aad daalka badan u soo marteen kuwii ku dheefsada oo korinteeda Rabbi Idin la Garb galo
Aamiin Aamiin Aamiin
Sidoo kale Maamulka iyo Howlwadeennada Wabka WWW.mogtimes.com waxaa uu hawada u marinayaa HAMBALYO AABBE C/RAXMAAN C/CASIIS SHITAAR IYO XAASKIISA XALIIMO C/QAADIR SHEEKH ABUUKAR Gabadha yarta ah ee ku soo Biirtya Qoyskooda oo ah MARYAN C/RAXMAAN C/CASIIS SHITAAR in Alle ka dhigo tii soo Barbaarta oo Daryeesha Waalidkeed, Dadkeeda, Diinteeda iyo Waliba Dalkeeda
Aamiin Aamiin Aamiin

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN
{SHEEKO TAXANE AH}
Q/61aad
Daqiiqado ka bacdi Cabdulqaadir iyo Xul Beella waxaay isula soo jaanqaaday nideeda Bilaabeen qadadii heerka sare aheyd oo maal intaa hortooda tiillay ,in xoogaa ah markii qadada lagu dul sheekeystay ka dibn inta la fara xashay oo Gacmaha la tirtirtay baa gacmahii Barafu unnooca {WanManshowga} loo yaqaan lagu buufsa day.
Intaa ka dibna lammaanay aashii is jeclaa ee c/qaadir iyo Xil Beella waxaay iskula jaan qaadeen xaggaa iyo ku raastii fadhi carbeedka aheyd kolkii kuraastii la tagayna C/ qaadir Fadhi Carbeedkii ay uu dhacdiid ugu seexday , XulBellana meel lammaana heeda C/qaadir u dhow bay iska fariisaty, sheeko dheer iyo isku dhoollo caddeyn ka dib saacadda bariga afrika waxaay soo dul istaagtay 1;00 galabnnimo lammaana yashii is jeclaa ee Xulbeella iyo C/qaadir waxaa loo keenay Casiriyadii maalintaa la cabbi lahaa oo ah nooca {Coffega} loo yaqaano oo laba kabbo ah, Maalintaa na casiriyada waxaa keenay XulBella walaasheed ka yar ee Yusra, kolkii casiraydii korkeeda lagu kaftamay ka dib xul Bel la waxaay soo sagootisay lammaanaheeda C/qaadir ahaa waxayna iska la soo baxeen ruunkkii xul beella iyagoo iskula soo saan qaaday xagaa iyo busteejadii lammaanaheeda C/qaadir ay gaariga ka saari laheyd ko lkii ay in cabbaar ah wadadda ku soo jireen ka dib waxaa ay yimaadeen goobtii busteelada aheyd maalintaana goobta waxaa taagnaa gaari kooster ah oo faaruq ah C/qaadir na jaran jaradii gaariga intuu cagaha la haleelay ayuu kursigii albaabka u dhawaa iska fariistay ka dibna intuu la ballamay ayaa la is macal salaameeyey,dabadeedna gaarigii ay aa goobta ka dhaqaaqay , xulbeellana ilaa uu gaariga ka libdho lam maanaheeda C/qaadir ayey gacan haatineysay, isaguna sidoo kale.
daqiiqado ka dib C/qaadir gaarigii ayuu ka degay wuxuuna u dhaqa aqay xaggaa iyo aqalkii uu degganaa, in cabbaar ah kolkii uu wad dada ku sii jiray ka dib gurigiisii ayuu tegay ka bacdina nasasho dheer ayuu galay ka dibna wuu iska seexday
Daraad waa maalinnimmo qamiis ah waxaa ciyaaraya diiqii shin biraihii arooryaad Raxmo waxaa ey ka soo toostay firaashkeedii waxa ayna abbaartay halkii suuligau ahaa, kolkii ay ay suuligii gashay ama {xammaamka} kana soo baxday ka dib inta ey weysa qaadatay ayey dukatay salaaddii subax ee alle ku lahaa SWTC., Salaaddii ka dib inta ey duceysatay ayey kirligii shaaha ahaa dabka ay ku tuurtay in daq iiqado ah ka dibna Raxmo waxaa ey dabka ka dajisay kirligii dabka saa rnaa waxaayna ku kala shubtay labo tarmuus{falaasyo} oo meel agteeda ah yaalay ka dibna inteey koob shah ahaashubatay ayey u dhaqaaqday qolkii fadhiga intia ay salootadii ku fariisatay ayey koobkii shaaha ahaa waxaa ay dul saartay miis hoteeda yiillay, ka bacdina waxaa ay laacd ay oo ey soo haabatay malad jaceyl ah oo miiska dul saarneyd daba deedna aqris ku bilowday saacado markii ay majalladda ay akhrineysay ka dib waxaa loo keenay quraacdii ey maalinta cuni laheyd maalintaana waa quraacda u keentaywalaasheed xayaad markii ay quraacatay ka dib waxaa ay u dhaqaaqday xaggaa iyo ama {xammaamka } si ay u soo meyrato{qubeysato} ka dinba Raxmo waxaa eyka soo dhaqaaq day xaggaa iyo suuligii iyadoo u soo dhaqaaqday qolkeedii si ay u soo labbisato. Maalintaa Raxmo waxaa ay ku soo labbisaty dharkeedii kuwii ugu quruxda badna, barafuunkana waxaay isku buufisay kii ugu carafta badnaa oo ey ugu jecleyd kaasoo ahaa {farxateynka}, in yar ka dibna Raxmo waxaa ey ka soo baxday al baabka gurigooda waxaa eyna u oo dhaqaaqday bosteejadii ay ka raaci laheyd baabuurtana laga raro iyadoo maalintaa bosteejada ka soo raacday {gaariDiskoo ah} iyadoo{ {taargedkeeda} qorshaeeda uu ahaa degmada xamarweyne daqiiqado dhowr ah markii ay gaariga saarneyd ayaa waxaa ay kaga degtay gaa rigii goobtii ay dooneysay iyadoo u dhaqaaqday goob {interneitka} laga galo, daqiiqado ka dibna goobtii {interneitka} aheyd ayey gudaha u ga shay iyadoo maalintaana goobta {interneitka} gudaheeda ay aheyd hal ka ay isku barteen gabar magaceeda la yiraahdoBushra maalintaa wax aa hadalka daah furkiisa bilaabay gabadhii Raxma aheyd waxaayna ku bilowday sida tan:
Raxmo:Walaal Magaceyga waxaa la yiraahdaa Raxmo, waxaan degganahay Degmada H/Wadaag waxaan jeclahay bulsha la noolaan shaha , waxaan ahay gabar dhallinyarada eynigeeda ah soo dhaweyso oo ballamadan adkeysa, naxariis badan, runta ku dhaqanto oo beentana ka fogaata , waxaana leeyahay lammaane aan is jecelnahay naftana ay inoo dhaxeyso magaciisana waxaa la yiraahdaa C/qaadir . C/qaadir waa wiilreer nagaal ah haddana beysaaninnimana ku darsaday , waa wiil aan aqoon isla weynida ,kibirka iyo is qaadqaadka waana wiil mutacallim ah oo qoraa, abwaanna ah ilaamaa iyo waqtigiis aan bartay iyo ilaa ha dda oo aan isla soconnana wax is beddel ah kuma aanan arag walaa leey, Mar walbuu ii soo haasaawo tagana waan koolk ooliyaa
Bushra: walaa marka hore waan ku salaamay , salaam ka dibna magaceygu waxaa la yiraahda Bushra, waxaan degganahay Degmada Shaangaani aniguna sidoo kale waxaan jecelahay bulsho la noolaansh aha mana aan ihi xiisooleey, dhadhan raac ah oo danteeda oo qura taqaanna.
Mudda kale saaxiibeey aniguna waxaan leeyahay lammaane maga ciisa la yiraahdoBinshaakir oo ey nafta inoo dhaxeyso waa wiil sitiisan ah oo haddana beysaani ah,waa wiilaan aqoon buur isa saaridda iyo is la weynida, waana wiilganacsade ah oo dubay wax ka keena waqtigii aan is baranay ilaa iyo hadda wax is bedel la yiraahdo kuma aanan arag.
Saaxiibeeymar walboo uu gurigeygaigu soo haasaawo tagna isagoo faraxsan ayaan soo diraa habeenkii kolka saamuleylka la gaarana xusuustiisaan ku seexdaa kuna soo toosaa.
Midda kale aragtidiisaanku noolahay oo la’aantiis ma noolaan karo biy uhina dhuunteyda kama ay degaan saaxiibeeymarwalboo aan firaashkey ga tagana muraayadda qalbigeyga ayaan ka dhex arkaa , mar walboo joornaal ama bug sheeko ahaan akhri naayana isagaa m ka dhex arkaa
Intaa ka dib saaxiibbadii is jeclaa ee Rxmo iyo Bushra: waxaa ay iska la soo baxeen goobtii internaiyka aheyd waxaana lo soo wada dhaqa aqay gurigii Bushra: oo goobta ka dhawaa waa daqiiqado markii wadd ada lagu soo jiray ka dibna girigii Bushra: ayaa la yimid, ka dibna gudaha ayaa loo soo galay dabadeedna qolkii fadhiga ayaa loo gudbay ka dibna fadhi carbeedkii ayaa lawada fariistay , maalintaacabbitaanka iyo mac macaankii la cuni lahaa waxaa keentay Bushra: walaasheedii ka yareyd ee Nasiib in daqiiqado ah ka dib waxaa la bilaabay cunistii macmac aanka loo keenay il biriqsiyo yar ka dibna macmacaankii waa laga fara ti rtirtay waxaan ay guda galeen labadii gabdhood kaftan iyo sheeko dhe er waxaana ay saacaddu isa soo dul taagtay 8:00 duhurnnimo gabadhii nasiib aheydna waxaay keentay cabbitaankii iyo cuntadadii oo maalin taa la cuni ahaa iyadoo maalintaas qadadu ay aheyd Bariis nooca loo yaqaan { Baas matiga} shidni, hilba dheylo ah , cabbitaanno qudaar la shiiday ah iyadoo maalintaa Raxmo iyo Bushra: ay wada qadeeyeen.
Qadadii ka dib Bushra:waxaay saaxiibteed Raxma u shidday filim Hindi ah oo jaceyl ah aadna u xiisa badnaa ……..
La soco isninta danbe hadduu alle idmo
W/Q C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBBI DAHAB}
Tel:0618455506




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip