![](https://mogtimes.com/uploads/mogtimes_bnr.jpg)
Halkaan ka aqri wararka wargeyska mogdishostimes
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shir doceed ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha bulluugga ee soomaaliya iyo shiinaha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gudomiyey shir doceed muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha intii lagu guda jiray shirweynaha Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay Beijing halkaas oo hoggaamiyayaasha iyo wakiilada dalalka Afrika iyo Shiinaha ay uga wada hadlayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo istaraatijiyadaha horumarineed ee Afrika iyo Shiinaha.
Wasiirka Kallumeysiga iyo Dhaqalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay shirka isaga oo soo bandhigay sida Soomaaliya ugu heellan tahay horumarinta Dhaqaalaha Buluugga iyo baahiyaha dalka ee ku aaddan casriyenta kaabayaasha kallumesiga.
Shir doceedkan waxaa ka qeyb galay daneyayal muhiim ah wuxuuna ujedadiisu ahayd in la xojiyo iskashiga Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca Dhaqaalaha Buluugga, iyada oo mudnaan la siinayo isticmaalka waara ee kheyraadka badaha si loo gaaro koror dhaqaale.
Wadahallada ayaa sidoo kale taabtay maalgashiga suurtagalka ah ee Shiinaha ee kaabayaasha badda ee Somalia, sida dhismaha dekedaha casriga ah iyo xarumaha farsamenta, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta warshadaha kalluumeysiga dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadalay barnamijyada cilmibaa-rista wadajirka ah si loo fahmo oo loo ilaaliyo nidaamka deegaanka badda.
Dowladda Shiinaha ayaa muujisay ahmiyada ay u leedahay inay taagerto Soomaaliya iyada oo loo marayo kanaallo kala duwan, oo ay ku jiraan caawinad dhaqaale, khibrad farsamo, iyo barnaamijyo awood dhisid. Taageeradan ayaa kaalin weyn ka ciyaari karta sidii Soomaaliya ay u gaari lahayd yoolalka horumarineed iyo sidii loo xoojin hormarada dhinaca Kallumeysiga iyo Dhaqalaha Bulluuga ee dalka.
Shir doceedkan wuxuu ahaa madal loogu talagalay xoojinta xiriirka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isago dhiirigelinaya iskaashiga labada dowladod si loo hormariyo koritaanka dhaqaale waara.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Shiinaha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa shalay wada-hadallo laba geesod ah kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, Madaxtooyada Beijing.
Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Somalia, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor logu qaadi lahaa iskashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa adkeeyay siyaasadda Labada dal ee ku salaysan taagerada iyo garab istaagga midnimada dhuled ee Labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaqsan xerarka calam-iga ah e gobanimada io doladnimada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada hormarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada io isbedelka cimilada. Sidoo kale Madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taagerayo qorsheyasha mudnaanta u leh Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo kulan la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyan Wasiirada gargarka Dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka KMG SSC Khaatumo kuwaas oo qeyb ka ahaa shirkii madasha arrimaha bani’aadannimada.
Kulankaan waxaa looga hadlay xaaladaha la xariira arrimaha bani’aa-danimo ee dalka iyo sidii loogu diyaar-garobi lahaa abaarta la saadaalinayo ee La-nina taas oo lid ku ah fatahadihii El-nino, kuna heer ah abaartii 2022 ee macluusha ku dhawaatay.
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS, ka codsaday in hay’adaha ay quseyso uu kala hadlo sidii Hay’adda SoDMA muhiimad gaar ah looga sii lahaa Qorshaha Is-beddelka Qaran (NTP), si ay u guuleystaan dadaallada bani’adanimo ee hay’addu hormudka ka tahay.
Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida & wadajirka ummadda Soomaaliyeed
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somalia oo shalay yeshay kulankoda todoba-dlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madaxbananida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Al-shabaab ah.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Jamhuuriyada Federaalka Somalia Mudane Xamsa abdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed;1- In ay si wadajir ah u difaacdan madaxbananida, goboni-mada iyo midnimada ummadda Soo-maaliyeed.
2- In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanan bulshada dhexd-eda ah.
3- In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha Al-shabaab ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimadeenna.
Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaca dalka iyo la dagallanka Al-shabab.
Sido kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.
Maamulka Hirshabeelle iyo Guddiga Gurmadka Qaran oo ka shiray qasaaraha ka dhashay dabkii Suuqa Jowhar
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (ali Guudlawe), iyo Gudiga Gurmadka qaran oo ay ugu horeyaan Wasiirada Wasaaraddaha, Cafimaadka, Waxbarashada, Guddoomiye SoDMA ayaa Xarunta NEOC ku qaatay kulan diiradda lagu saaray sidii jawaab soo kabasho looga bixin lahaa qasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinta SoDMA ee xaalada suuqa ee lagu ogaaday safarkii u kuur galida ahaa ee Guddoomiyaha Hay’adda ku tagay Jowhar, kaasi oo lagu xusay in dabku babi’iyay 900 o goobo ganacsi ah, burburiyay dhaqaale dhan $2 milyan ilaa 2.5 milyan, isla-markaana waxyelleyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.
Madaxweynaha dowlad goboledka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa Hay’adda SoDMA iyo Guddigu Gurmadka Qaran ku booriyay dedalka socda ee dadka khasaaruhu gaaray lagu garab istaagayo, Gudiga ayaana ballan-qaaday in si wax-ku-ool ah loo taageeri doono dadka ceyrtoobay ee gacanqabadka degdega ah u baahan.
Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegay in Maxkamaddu ka jirto xaalad garsooreyaal la'aan ah
Gudomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa shaaca ka qaaday in sanadkan 2024 Maxkamadu qabatay gal dacwadeedkii ugu tirada badnaa, islamarkan Maxkamadu ay wajaheso xaalad garsooreyaal la'aan ah.
Wuxuu tilmaamay in kiisaska tirada badan ee Maxkamaddu qabato iyo garsorayaasha ay heli karaan ineysan aheyn kuwa isku dhgma, taasina ay sababto in marar badan dib u dhac uu ku yimaado waqtiga loogu talo galay qaadista dacwada.
Guddoomiye Saalax Cali Dabaan Dabaan ayaa codsaday in la holgeliyo 30 Garsoore oo sanadkii hore kusoo gudbay Imtixaan laga qaaday si loo dadejiyo kiisaska badan ee horyaala Maxkamadda.
"Duruufta la xiriirta Garsoorka iyo Garsooreyaasha jooga iyo nambarka dacwo ay hayaan in aanay suuragal ahayn in la dadejiyo, waa in la howlg-eliyo 30ka garsore oo lo helo xuquq-doda, Garsoore aan xuquuq Dowlada ku lahayn in Gal lagu qoro uuna ka garnaqo waad fahmi kartaan in uu caddaalad ka gaaro aad ayay u adag tahay” ayu yiri gudomiyaha Maxka-mada gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud.
Hadalkan kaso yeeray gudomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya, iyadoo horay dad badan cabasho ka mujiyen qaadista kiisas Maxkamadda oo la horgeeyay oo qaatay waqtiyo aad u dheer.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdallah Bin Saalim Alnuceymi.
Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirku ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, arrimaha bani’aadannimada, iyo dardargalinta taageerada dhinacy-ada horumarinta Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale safiirku waxaa uu ballanqaaday inuu ka shaqayn doono in xiriir toos ah ay wada yeeshaan Baarlamanka Jamhuriyada Federalka Somalia iyo Golaha Shurada Dowlada Qadar, si ay isu wedarsadan khibrada shaqo, sharci dajin iyo korjoogtayn.
laamaha amniga Mudug oo gacanta ku dhigay gaari sidday sahay ku socotay al-shabaab
Ciidamada laamaha amniga Gobolka Mudug ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo ku socday deegaanada Dumaaye Iyo Dabalo ee dhaca Koofurta Gobolka Mudug.
Gaarigaan oo noociisu ahaa Nooha waxa uu sidday Shiidaal iyo raashin khafiif ah o ku socday al-shabab,kaas oo la sheegay in u ka soo ambabaxay degmada Gaalkacyo.
Ciidamada laamaha amniga ayaa sheegay inay kor kala socdeen dhaq dhaqaaqiisa maalmihii lasoo dhaaf, iyagoo markii dambe gacanta ku dhigay gaarigaasi iyo raggii la socday.
taliska Ciida ka Booliska gobolka Mudug ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in ay wadaan baaritaanno ku aadan baabuurkaasi iyo ciddii wadatay, iyagoo intaa raaciyay in ay dhowan horgen doonan maxkama-daha ku shaqada leh.
Madaxda Masar & Turkiga oo ku heshiiyay taageerida midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, oo shir jaraa’id oo wadajir ah magaalada Ankara kula qabtay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku nuxnuxsaday muhi-imada ay ledahay in la ilaliyo midni-mada iyo wadajirka dhuled e Somalia.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in la taageero dadaallada lagu xasilinayo gobolka, isagoo tilmamay in caqabadaha sii kordhaya ee ka jira ay sii xoojinayaan baahida loo qabo iskashi dhexmara wadam-ada gobolka.
Dowladda Shiinaha oo lacag dhan 360 bilyan oo Yuan u qorsheysay maalgelinta Afrika
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa khudbad uu shalay ka jeediyay madasha iskashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) kaga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika, isagoo xusay in xiriirka labada dhinac uu gaaray heerkii ugu wanaagsan taariikhda.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado cadaalada, sinaanta, io iskashiga dhinacyada warshadaha, beeraha, iyo kaabayasha dhaqalaha, iyada oo xoogga la saarayo samaha bulshada iyo horumarinta deegaanka.
Wuxuu ku dhawaaqay toban hindise oo iskaashi, kuwaas oo ay ka mid yihiin kor u qaadista waxbara-shada iyo tignoolajiyada, taageeridda haqab-beelka cuntada, iyo hormarinta tamarta cagaaran, waxa uu sidoo kale soo bandhigay qorsheyaal lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda.
Madaxweyne Xi Jinping ayaa ugu dambeyn ballan qaaday in Shiinuhu uu bixin doono taageero maaliyadeed oo dhan 360 bilyan yuan si loogu fuliyo qorshayaashan saddexda sano ee soo socota.
Madaxweyne Biixi oo sheegay in uu hirgalayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in cadaadis kasta oo jira uu hirgalayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.
Madaxweynaha oo boqollaal qof kula hadlayay magaalada Togwajale, aya sheegay in heshisku uu hirgalayo inkasta oo ay jiraan cadadisyo.
"MoU-gu wuu hirgalayaa, waa hubaal, wixii xag xaganayaana ha xag xagtaan, qolada Xamar shalay ee ciidanka Masaarida keentay waxan leeyahay laba hal isma qabtaan, Soomaali ayaanu midaynaynaa oo Xabashi ayaanu la dagaalamayna iyo Masar ayaan keenayaa oo Somali-land ayaan burburinayaa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Waxa uu sheegay in uu ka shaqaynayo danta Somaliland, oo anay noqon doonin meel ay Masar danaheeda ku fushato, isaga oo sheegay in Itoobiya anay colaysan karin Somaliland oo jaarkeeda ah oo anay la heshiin karin Masar.
Waxa uu sheegay in dad Soomaali ah oo kasoo jeeda Kenya iyo Itoobiya ay kaso horjeedaan heshiiska Somal-iland iyo Itoobiya, waxa uu sheegay in loo baahanyahay in ay ku imaan qabaan waddamada ay ka tirsanyihiin.
Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa colaad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo Itoobiya ay markale ka cadhootay ciidamada Masaarida ee la rajaynayo in ay Soomaaliya yimaadaan.
Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalaga São Paulo ee dalka Brazil
Garoonka diyaaradaha magaalaga São Paulo ee dalka Brazil waxaa mudo hal todobaad ka badan ku dhex xayiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo diiday iney ka baxaan.
Dhalinyaradaan ku dhex xaniban garoonka ayaa la sheegay in lagu amray ineysan ka dhex bixi karin gudaha garoonka inta ay ka helayaan jawaab rasmi ah oo la xarirta safarkooda.
Dhalinyaradan ku xaniban garonka São Paulo ee dalkaasi Brazil oo tiro ahaan gaaraya 30 ruux ayaa safar-kooda waxa uu ku soo aaday, iyadoo maalin ka hor uu soo baxay sharci ay soo saartay dowladda Brazil oo la xiriiray inay joojisay qaabilaadda qaxootiga.
"Xaaladda garoonka nagu haysta waa uun sida dad xiran oo kale, dhul shamiito ah iyo qabow tiro badan uu ka jiro ayaan jiifana wax buste ah haysano oo xaaladu waa nagu adag tahay, Inteena wada socotay waxaan gaaraynaa ilaa 18 qof waxaa kale oo jira Soomaali kale oo naga soo horreeysay oo gaaraya 12 ruux, iyagana sideena oo kale ay ku jiraan waxa macquul ah inay dadka qaar labaatan bari ku sii jireen meeshaan” ayuu yiri Amiir Nuur oo ka mid ah dhalinyarada garoonka ku xayiran.
Wuxu sidoo kale xusay Amiir Nuur in markii hore garoonka ku xayirnayeen intooda Soomaalida ah, hayeshee markii dambe loo keenay dad kale oo ajaaniib ah oo sharci ahaan dhanka safarka kala mid ah.
Dhalinyaradaan Soomaalida ah ayaa markoodii hore ka safray dalka Koonfur Afrika waxayna xuseen iney kusii jeedeen dalka Mareykanka si ay halkaasi uga helaan nolol dhaanta midii ay dalkooda iyo dalka Koonfur Afrika uga soo tagen, waxayna hatan walaac ka muujinayaan xaalada ay ku wajahayaan dalkaasi Brazil.
Qaramada Midoobay "Gaza waxaa ka taagan xaalad bini’aadanimo oo daran”
Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa sheegay in in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool bartamaha iyo koonfurta Gaza bishii Agoosto ee tagtay aysan helin sahay caafimaad iyo gargaar cunto.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in xaaladda bini’aadanimo ee Gaza ay weli tahay mid ka baxsan ama ka sareysa masiibooyinka.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in millatariga Israa’iil ay diidayaan in kooxaha caafimaadka ee xidhiidhka la leh ololaha tallaalka dabaysha ay gaaraan aagagga ku yaal koonfurta gobolka.
Xamaas ayaa ku eedaysay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netany-ahu in uu fashiliyay heshiis xabbad joojin ah oo uu diiday in uu ka soo saaro ciidammada xadka Qaza ee Masar.
40878 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israel ee Gaza, halka dhaawaca la tilmaamay in uu marayo 94454 tan iyo markii uu bilowday dagaalka ee 7 dii Oktobar sanadkii tagay.
Khilaaf adag oo u dhaxeeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo xal laga gaaray
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Adan Maxamed Nur Madobe ayaa ku guuleystay xalinta kala aragti duwanaasho xoogan oo u dhaxeysay qaar ka mid ah Xildhib-anada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee kaso kala jeeda mamulada Konfur Galbed, Galmudug iyo Banaadir.
Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Senator Siciid Siyaad Shirwac oo ku hadlaayay magaca Xildhibaanada Hawiye, gaar ahan beesha Habargidir ayaa Xildhibaanadda kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ka raali galiyay falcelintii ay la kulmeen iyo sida loo fasiray hadal ay horey uga sheegeen Warbaahinta.
"Umadda Soomaaliyeed badeeda iyo barrigeeda hadii lagu soo xad gudbo waxan midnimo ahayn laguma difaaci karo, reer Koonfur Galbeed waa walaalaheen Ethiopian ma jecla ee raalli ahaada, Dad badan oo xilal haya oo naga soo jeeda ayey warar deel qaaf ah ka dhacen, maamulada, odayaasha, agaasimayaasha iyo qof kasta oo ka soo jeeda cidda aan afkooda ku hadleyno waxaan ka codsaneynaa in doodaan lasoo afjaro oo wixii dhacay laga daawoobo” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur Jilley oo ku hadlayay magaca Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhankooda ay raali gelinta ka aqbaleen dhigooda ay kala aragti duwanaantu kala dhaxeysay, wuxuuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo dowladnimada Soomaaliyeed oo hal meel looga soo wada jeesto cadowga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
"Warkeenna dad ayaa ka arkay fursad ay Soomaali ku kala fogeyn karaan, anagu Ethiopian ma taagerin, si buuxda ayaan u aqbalnay raalli galinta xildhibaanada matalayey dadka Banaadir. Bulshada reer K/Galbeed waxaan u sheegeynaa inaan ka wadashaqeyno wadajirka umadda iyo difaaca dalka, anagoo ku hadleyna afka reer K/Galbeed waxan aqbalnay raali gelintii, idinkuna nala qaata, wanaaga iyo dowladnimada inaan ka wada shaqeyno ayaa noo balan ah" ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Nuur Jiley.
Ugu dambeyntii khilaafkaan xalka laga gaaray ayaa ahaa mid ka dhashay hadal kasoo yeeray gudoo-miyaha odayaasha beelaha Hawiye oo ku goodiyey in Xildhibaanada Koonfur Galbeed guryaha ku weerari doonaan hadii aysan ka laaban go'aankii ay ku taageren in ciidamada Itoobiya dalka sii joogaan, islamark-ana ay ku diideen in ciidanka Masar la geeyo deegaanada Koonfur Galbeed.
Ruushka oo digniin adag u jeediyay Ukraine iyo Mareykanka
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in weerar kasta oo kaga yimaada Ukraine ay ka dhalan doonto jawaab aad u xanuun badan.
Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka, Sergey Lavrov ayaa Ukraine uga digay inay sii waddo weerarada ay damacsan tahay inay ka gaysato dhulweynaha Ruushka.
Wasiirka ayaa sheegay in Ukraine ay la kulmi doonto jawaab aad u xanuun badan, mar kasta oo ay weerar ku soo qaaddo dalkiisa.
Madaxwenaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Arbacadii daraad ku celiyay baaqiisii ahaa in dalalka reer galbeedka ay dalkiisa soo gaarsiiyan nidaamka difaaca hawada iyo in Kyiv loo ogolaado in gantaalahooda ay ku weerarto bartilmaameedyada militari ee gudaha Ruushka.
Mareykanka ayaa ballanqaaday in gargaar militari oo dheeri ah ay u diri doonaan Ukraine, todobaadyada soo socda.
Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa Mareykanka uga digay inay kaftan moodaan khadka cas ee Moscow.
"Mareykanku waxa uu luminayay dareenka is hortaagga labada dhinac ee saldhiga u ahaa dhelitirka amniga ee Moscow iyo Washington, tan iyo dagaalkii qaboobaa.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa ka falceliyay wararka sheegaya in Mareykanku uu qarka u saaran yahay in uu Ukraine siiyo gantaalaha ridada dheer ee JASSM, kuwaa oo garaaci kara hadafyada militari ee gudaha Ruushka. Madax-weyne Zelensky ayaana si weyn ugu ololeynayay, sidii gantaaladan loo keeni lahaa dalkiisa.
"Waxba la yaabi mayo, dadka Mareykanku waxay mar hore ka gudbeen marinkii ay iyagu dejiyeen. Zelensky wuu arkayaa, wuuna ka faa’iideysanayaa.” Ayuu yiri Lavrov.
Lavrov oo wareysi siiyay Russian TV ayaa Mareykanka uga digay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii laga soo gudbo khadka cas ee Moscow.
"Waa inay fahmaan, waxay ku kaftamayaan khadkeenna cas, khadka cas ee halkan. Waa in aanay ku kaftamin khadadkayaga cas.” Ayuu yiri Lavrov.
Lavrov ayaa hadalkiisa ku xoojiyay in Washington ay garaneso, waxa uu uga la jeedo khadka cas, ayna khalad tahay, haddii ay aaminsan tahay buu yiri in dagaal kasta oo ka dhaca Ukraine aanu dhaafi doonin Yurub.
Warkiisa ayaa loo fasirtay, haddii la carqaladeeyo amniga Ruushka in Mareykankuna aanu amni sii ahaan doonin.
Moscow ayaa marar kala duwan sheegtay in ay noqon doonto khad cas oo laga soo gudbay, haddii gantaalaha ridada dheer ee reer galbeedka lagu soo weeraro dalkeeda.
Ukraine ayaa u muuqato mid maalmihii ugu dambeysay ay dadkedu qiimo badani ku bixinayeen weerarada uu Ruushku ka wado dalkaasi, ka dib weerarkii aan horey noociisa loo arag ee ay ciidama-deeda 6-dii bishii August gudaha ugu galen Gobolka Kursk ee dalkasi Ruushka.
Ciidamada Ukraine ee ka dagaalamaya gobolka ku yaala galbeedka Ruushka ayaa wajahaya xaalad adag, markii qaar badan oo ka mid ah la laayay, qaarka kalena la go’doomiyay.
Dowladda Ukraine ayuu qorshaheedu ahaa in ay weerarkan culeys ku saarto Moscow, si ay ciidamadeeda uga la soo baxdo dhulka laga haysto Ukraine.
Toddobo ka mid ah Golaha Wasiirada Ukraine oo is casilay
Madaxweynaha Ukraine ayaa lagu wadaa in is bedel ballaaran uu ku sameeyo dowladdiisa, ka dib markii ay is casileen 7 Wasiir iyo Saraakiil sarsare, iyadoona shaqada laga eryay Kaaliyihii Madaxtooyada, Rostyslav Shurma.
Wasiirada shaqada ka tagey waxaa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Dmytro Kuleba oo xiriir dhow la lahaa Madaxweyne Volodymyr Zelensky iyo weliba Wasiirkii Warshadaha Istiraatiijiga, Oleksandr Kamyshin oo masuul ka ahaa wax soosaarka hubka.
Xubnaha kale ee shaqada ka tagey waxaa laga xusi karaa Raysal Wasaare Kuxigeenkii Ukraine, Olha Stefanishyna, Wasiiradii Cadda-aladda, Deegaanka & Dib-u-soo-celinta iyo Madaxii Sanduuqa Hantida ee Dowladda Ukraine, Vitaliy Koval.
Wararka ayaa sheegaya in is casilaadooda ay ka dambeysay, ka dib markii Talaadadii iyo Arbacadii loo soo bandhigay inay xafiiska banneeyaan.
Hoggaamiyaha Baarlamaanka ee Xisbiga Talada Haya (Servant of People), David Arakhamia ayaa sheegay in kala bar Golaha Wasiirada ay saamayn doonto isku shaandheynta uu toddobaadkan sameynayo Madaxweyne Zelensky.
Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in loo baahan yahay in qaabeyn lagu sameeyo hay’adaha dowladda, si ay Ukraine u gaarto buu yiri dhammaan natiijooyinka aan u baahanahay.
Madaxweynaha ayaa Arbacadii sheegay in Ukraine ay u baahan tahay tamar cusub, taasna waxaa ku jira sida uu yiri diblomaasiyadda.
Inkastoo muddo xileedka Madaxweyne Zelensky uu ku ekaa 20-kii bishii May, haddana wuxuu qodob dastuuti ah u haystaa in uu sii xukumi karo dalka, iyadoo dib loo dhigayo doorashooyinka dalka, si dalka looga samatabixiyo xaaladda dagaal ee uu ku jiro.
Zelensky ayaa dib u dhigay doorashooyinka dalka, maadaama xilligan aysan suurtagal ahayn in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah.
Xog uruurin la sameeyay xagaagan ayaa muujineysa in shacabka Ukraine ay qabaan in waqtigan aanay ku habbooneyn codbixin cusub.
Is bedelkan ayaa imanaya, iyadoo ay Ukraine ku jirto xilli xasaasi ah, ka dib markii Ruushku uu ballaariyay weeraradiisa dalkaasi.
SOMALIA
OGAYSIISKACALAAMADA GANACSIGA
_______________________
OGEYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee sare ay tahay astaanta ganacsiga:
Havana Club Holding, S.A., a Luxembourg company of 5 Place de la Gare, L-1616 Luxembourg, Luxembourg
waxaana loo adeegsaday:
Cabitaanada nooc walba leh.
OGAYSIIS WAXAA KALE OGEYSIISAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.
Halkaan ka aqri wararka wargeyska mogdishostimes
..