halkaan ka aqriso wararka wargeysa mogdisho times
Madaxweyne Xasan Sheekh "Waa riyo aan rumoobi doonin in Itoobiya ay dhulkeena qaadato ee hadana badeena ku darsato”
Madaxwenaha dowladda fedaralka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale si adag uga hadlay damaca iyo xadgudubka dowladda Itobiya ee ku aadan helista qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Somalia iyo sababahi kenay in la isku fahmi wayo wadahadaladii natiijo la'anta kuso dhamaaday ee ku dhexmaray labada dal magaalada Ankara.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya ay diidan tahay in Somalia ay tahay wadan xor ah oo madax banaan, isagoona nasiib daro ku tilmaamay iney wali ka garabi la'dahay damaceda guracan ee ku xadgudbida madax bananida dhuleed ee Soomaaliya.
"Wadahadalkii Ankara waxaan uga so kala tagnay in Itobiya diiday inay aqoonsato Soomaaliya inay tahay dal xor ah oo deris la ah, ilaa taas ay ka ogolaatana badna kama hadli karno, ganacsina kama wada hadli doono, Waa nasiib darro in dowladda Itoobiya ay ka garaabi la’dahay qaladka ay naga gashay, ma dhaceyso, waana riyo aan rumobi doonin in Itobiya ay dhulk-ena qaadato ee hadan badeena ku darsato” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu sidoo kale xusay madaxweynaha in Itobiya ay wado daandaansi nooc kasto leh oo ay Somalia uga raadineyso jawaabo qaldan, wuxuna shegay in Somalia marnaba ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo wax kasta oo dhaca.
"Uma aanan jawabin Itobiya wax kasta oo ay sameysay, hadafkeena ayaan ku taaganahay Turkigu waa dadalen, waana u mahad celinena, laakiin xaqeena kama tanaasuli doono, Soomaaliya waa xor, cidey doonto o maslaxadeda ay ka dhex aragto ayey la heshiine, danahena cidi ka hor imata, anagana danahoda waan ka hor imaaneyna, waxaan ka shaqeyna maslaxadena kaliya” ayu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalkaan ayuu madaxweynaha Somalia Habeen hore ka sheegay khudbad dhinacyo badan tabanes-ay o uu u jediyay dadka Somaliyed.
Madaxweyne Xasan: Dowladdan ajandaheeda koowaad waa in dalka laga xoreeyo al-shabaab
Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo haben hore khudbad u jeediyay shacabka Somaliyed ayaa ka hadlay dagalka dhanka ah kooxda cadowga ah ee al-shabaab.
Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay inuu wali socdo dagaalkii bilaawday labo sano ka hor, ayna tahay waxba kama jiraan hadii la sheegay in dagalkii istagay.
"Dagaalku shalay ayuu intii hore ka sii xoog badan yahay, dhulkii lagu dagaalamayey iyo dabeecad-ihiisuba wey isbedaleen, nuuca dagaalka ee lagu jirana wuu isbed-alay laakiin dagaalku ma istaagin ee wuu socda, intii horena waa ka sii xoog badan yahay.
Madaxweynaha Jamhuriyada aya sheegay in hada xoogan dalka dagaallo oa dhan ah Al-shabaab ka wadan aagag hor leh kuwaas lamid ah dowlad gobolledyada Jubaland iyo Konfur Galbed, kuwaas oo aan dagaalka wajiga koowaad qeyn ka aheyn.
"Labo sano Jubbaland dagal kama dhaceyn wuu ka socdaa, Koonfur-Galbeed kama dhaceyn waad ogtihiin wuu ka socdaa, dowladdan ajandaha koowaad ay leedahay waa dalka in laga xoreeyo al-shab-aab” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuriyada ayaa khudbadiisa sidoo kale kaga hadlay duruufaha ku xeeran dhall-inyarada Somaliyed iyo qorshaha dowladda ee difaaca madaxban-anida iyo qarannimada dalkeenna.
Natiijada Imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo lagu dhawaaqay
Agaasinka guud ee Waxbarashada Dowlada Hose e Xamar aya shalay shaaciyay Imtixankii Fasalka 8aad e dugsiyada Gobolka Banadir kaas o ay sanadkaan u fariisteen 34,792 arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal.
Waxaa gudubtay oo natiija wanaagsan keenay 32,689 arday oo kamid ah ardaydii u fariisatay imtixaanka, halka ay hareen ama natiijadii la rabay aysan la imaan 2,103 arday.
Shalay waxaa dalka ka hirgalay qaadista Canshuurta Gadista ee loo yaqaano (VAT)
Qiimaha lagu bilaabay Cansh-urtaan oo ah 05% ayaa ah kan ugu yar wadamada geeska Afrika, taas oo ah u turis ay Dawladdu u turayso Shacabka Soomaaliyeed oo kasoo kabanaya duruufo qalafsan oo muddo dheer ay kusoo jireen.
Arintaan ayaa kuso aadaysa iyada oo habeen hore is faham ay ka gaareen Dawlada iyo Ganacsatada cabshooyinkii ka yimid, kuwaas oo ay Dawladdu balanqaadday in ay ka jawaabayso.
Talaabadaan waa mid kor u qaadaysa awoodda iyo sharafta Dawladnimada Somalia, waxeyna horseedaysaa in Dawladu kordhiso adegyda dadwenaha sida Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Dib u dhiska Wadoyinka io Hormarinta hay’adaha Qaranka.
Waa talaabo kale oo Dawladdu u qaday xojinta io hirgalinta nidamka Dawladnimada, waxayna mujinay-sa horumarka maalin kasta ay ku talabsaneso Dawlada Somalia.
Wasiirka Waxbarashada XFS oo guddoomiyay shirka guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda
Wasiirka Wasaaradda Waxbar-ashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare e Xukuumada Federaalka Somalia Mudane Faarax Sheekh abdulqadir ayaa shalay guddoomiyay shirka guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay xaruunta Jaamacadda ee Km4 ee magaalada Muqdisho. Shirkaan waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horu-marinta Jaamacadda iyo kor u qadista tayada waxbarashada sare ee dalka. Wasiirka ayaa sheegay in shirarkan uu daaran yahay dardar gelinta qorshayaasha hormarineed ee Jaamacadda iyo casriyaynta adeegyada waxbarasho.
Intii uu socday kulanka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan waxqabadkii Jaamacada tan iyo dib u howlgelinteedii 2014. Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyed Prof. Xasan Cismaan Gacal ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyay heerarka kala duwan ee ay so martay Jaamacada, waxyabaha ay qabatay, io qorshayasha shanta sano e soo socota, waxana goobta lagu soo bandhigay muuqaalo muujinaya heerarka kala duwan ay soomartay Jaamacadda.
Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jaamacadda, Mudane Faarah Shiikh abdulqadir, ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga ee ka soo qayb galay kulanka, isaga oo tilmaamay inay muhiim tahay inay wada shaqeeyaan hay`adaha dowlada iyo Jaamacada Ummada, sido kale la joogten dono kulamada gudiga sare ee Jaamacadda.
Go’aanno culus oo laga soo saaray lacagaha laga qaado Bajaajleyda Muqdisho
Iyada oo laga jawaabyo cabasho ka timid wadayaasha mootada bajaajta ayaa waxaa kulan deg deg ah oo ay yeesheen madaxda Was-aaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda, Maamulka gobolka Banadir, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Amniga iyo Taliska qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray go’aanno ku saabsan wax ka qaba-shadda cabashadda ay muujiyeen bajaajleyda Gobolka Banaadir,
Afhyeenka Maamulka gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta ayaa warbaahinta la wadagay go’anada ka soo baxay kulankaan deg deg ah ay isugu yimaadeen madaxda hey’adaha ay quseyso cabashada ay muujiyen wadayashada gadidka Bajaajta. Waxaana kamid ah go’aannadaas:
Lacagta Lesinka waxa laga dhigay 106.5, halka markii hore cel celis uu ahaa $200.
Hadii uu lesinka kaa dhaco waxa laga dhigay 32 doolar oo kaliya, haddii uu kaa lumana 20 dollar.
Mudada dhicista Lesinka oo marki hore aheyd saddex sano, hadda waxaa laga dhigay 5 Sano.
Ganaaxa qofkii Leysin la’aan ah oo markii hore aheyd 50$, hadda waa 5$.
Warqada Cafimadka o marki hore ahed 25 ilaa 30$, hada waa 15$.
Warqadda dhalashada iyo Sugnaanta waa 10$.
Halka waraqada dambi la’ant-ana alaga dhigay 10$.
Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dareewalada Mooto Bajaaj-ka ayaa ugu baaqay in laga wada-shaqeeyo nidamka iyo Habracyada cusub.
"Waxaan dib u eegis ku sameynay leysinka Bajaajta wax badan ayaa fududeynay.” Ayuu yiri Guddoomiye Madaale.
Wasirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukumada Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan ayaa sheegtay in lacagihii ay cabashadda ka keeneen Bajaa-jleyda in la koobay, "Waxaan gabi ahaan soo koobnay qarashka uu leysinka ku qaadan karo darawalka mooto Bajaajta.”
Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo la dardaarmay 12 safiirro magacaaban iyo labo qunsul guud
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi , ayaa shalay oo Axad ah kula dardarmay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasi-madda Muqdisho 12 safiirro maga-caaban iyo labo qunsul guud kadib markii Golaha Wasiirradu isku raaceen magacaabidooda 6 bishan August.
Intii kulanka qaabilaadda lagu gudajiray, Wasiir Fiqi waxa uu safiirrada magacaaban iyo labada qunsul guud xog-waran ka siiyay holaha ay u xilsaranyihin, isaga oo sheegay in ay u howlgalaan sare yeelidda danaha qaran ee Somalia iyo xoojinta xiriirka calamiga, iyado laga filayo in wax la taaban karo ay ku soo kordhin doonaan dadallada diblomaasiyadeed ee dalka.
Wasiirku waxa uu u rajeeyay xubnahani magacaaban in ay ku guulaystaan, kana soo dhalaalaan waajibaadka loo igmaday, isaga oo ku dhiirrigeliyay in howlaha ay u qabtaan si wadanimo, naf-hurnimo, daacadnimo iyo hufnaan leh. Waxa uu carabaabay kalsoonida uu ku qabo awoododa in ay ku matalaan Soomaaliya si wax-galnimo leh oo gacan ka gaysanaysa kor u qadida sumcadda dalka
Xukuumadda iyo Ganacsatada oo isla qaatay bixinta canshuurta Iibka
Ra’isul Wasaaraha Xukumada Jamhuuriyada Federaalka Somalia Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulanka diiradda lagu saarayey canshuurta gadista oo ay horey u qaadi jirtay dowladda, balse hadda lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.
Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuraha la casriyeyay bahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xuku-umaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka warbixiyay kulan habeen hore Ra” iisul Wasaaraha uu la qaatay ganacsatada
Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federalka Somalia Mudane Iimaan Biixi Cige oo ka warbixiyey kulankii uu xalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre la yeshay ganacsatada, aya sheegay in lagu heshiiyay tabashooyinkii ay soo jeediyeen ganacsatadu in dowladdu ay si deg deg ah u xaliso, iyaguna ay diyaar u yihiin bixinta canshuurta iibka ee saaran.
Wasiir Biixi ayaa sheegay in la isku afgartay in cabashadii aya ganacsatadu qabtay ay dowladdu xaliso, ayna kasoo saari doonto go’aanno arintaa lagu xalinayo ganacsatadana looga qaaday culeysyada ay ka cawdeen.
Sidoo kale wasiirka waxa uu tilmaamay in dhamaan waxyabaha la xariira Maaliyada la marin doono hannaaka maaliyadda ee dowlada, canshoorta gadistay ayuu wasiirku sheegay in la isku afgaratay in dowladda sidii ay u mudeeyasay loo qaado oo aysan waxba iska badalin.
Wasiirkaa Maaliyadda XFS ayaa ugu dambeyn ganacsatada ugu baqay in la shaqeyan dowlada, bixiyaana canshuurta wixii culeeys ahna dowladada ay diyaar u tahay in la xaliyo.
Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Baay
Ciidamada Darawshita mamulka Konfur Galbeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa shalay howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabab ka sameyay degano hoos-taga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Howlgalada ayaa ciidamada iskaashanaya waxay ka sameyeen farisimo kooxdu ku laheyd deganka Jameeco oo qiyaas ahaan u jirta degmada Buurhakaba 25KM.
Taliyaha ciidanka Darawiishta degmada Buurhakaba Sandheere Xasan Aadan oo hoggaaminaayay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalada shalay khasaare xoogan ku gaarsiyeen kooxda Al-shabab, hayeshe musan carababin inta uu dhanyahay khasaraha.
Taliyaha wuxuu sidoo kale xusay iney cagta mariyeen goobo badan oo kooxdu gabaadyo ka dhiganayeen oo ku yaala inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Jameco, islamarkana ciidanku wali ku jiraan baacsiga Al-shabaab.
Howlgalkaan shalay ka dhacay deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ayaa kusoo aadaya, iyadoo Daraad sidaan oo kale ciidanka Xoogga dalka ay howlgalo culus ka fuliyeen wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Xudur iyo Qurac joome ee gobolka Bakool.
Safiirka UK ee Soomaaliya oo ka jawaabay eedayn uga timid wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa cambaareeyay hadal uu bartiisa X kuso daabacay safiirka UK ee Soomaaliya, kaasoo uu Soomaaliya iyo Somaliland uga dhigayay labo waddan.
Wasiirka ayaa sheegay hadalka safiirka UK kaso baxay inuu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin, isla markaana weerar qaawan ku ah Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya.
Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyay kaddib markii safiirku uu adeegsaday kalmadda Somalia iyo Somaliland xilli uu dhawaan kulan la qaadanayay madaxda hay’adda TheHALOTrust.
Safiirka UK ee Somalia Mike Nithavrianakis oo ka jawabayay hadalka wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay mow-qifka UK ee ku aaddan madax-bananida dhuleed ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in mowqifka UK uu weli yahay mid si adag u taageeraya Soomaaliya oo mid ah.
Mike waxa uu sheegay farrriintiisii hore inay ahayd mid ku saabsanayd shaqada hay’adda TheHALOTrust oo ay UK taageerto.
Jarmalka oo soo musaafurinaya nin Soomaal ah oo madaxa ka gooyay nin saaxiibkiis ah
Jarmalka ayaa lagu wadaa inuu dalkiisa ka musaafuriyo nin Somali ah oo muhaajir ah oo madaxa ka gooyay nin saxibkis ah gudaha Jarmalka, in kasto dacwad ogaya-asha ay ka digayaan in Jarmalka laga musaafuriyo sababto ah waxay sheegen inuu ku soo laaban doono dalkaas.
Mursal Maxamed Saciid, oo 24 jir ah, ayaa bishii Luulyo 2021 ku dilay magaalada Regen ee gobolka Bavaria, Alex K. oo 52 jir ahaa.
111 jeer ayuu mindi ku dhuftay dhibanaha kahor inta usan madaxa ka jarin. Ninkaan ayaa markii dambe u sheegay baarayaasha in uu rumaysnaa in saaxiibkiis ay haysteen laba jinni oo uu ku khasbanaaday in uu dilo.
Dilkiisu wuxuu ahaa mid aad u argagax badan, iyadoo qofka la dilay ay mindhiciradiisu kasoo daateen isagoo nool, warbaahinta Jarmalka ayaa xilligaas sheegtay.
Hay’adaha socdaalka Jarma-lka ayaa doonaysa inay sida ugu dhaqsaha badan ugu celiyaan dalkiisa hooyo ee Soomaaliya, balse dacwad oogayaasha ayaa ka walaacsan, sababtoo ah waxay u maleynayaan in dembiilaha uu kusoo laabanayo Jarmalka, sida uu qoray wargeyska Bild.
Dhawr toddobaad uun ka dib markii uu dilay saaxiibkiis, ninka Soomaaliga ah waxa uu isku dayay in uu ka baxsado cisbitaal ku yaalla Bavaria halkaas oo lagu hayo. Eedeysanaha waxa uu sameeyay isku daygii labaad ee baxsadka todobaadkii hore.
Madaxweyne Biixi oo dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku hawlantahay burburinta Somaliland
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi abdi, oo taliska bariga ee Oog kula hadlayay ciidamada millateriga, ayaa sheegay in dolada Soomaaliya ay ku kacday falal lagu burburinayo Somaliland.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay isku dayday in ay dab ka shido gobolka Awdal, halkaasi oo uu sheegay in la doonayay in laga sameeyo abaabul Somaliland ka dhan ah.
"Xasan Sheekh iyo qolada danihiisa u daba joogtaa way inagu daalayaan, dagaalkoodana waynu iska celinaynaa, dhibaato kastana waynu u maraynaa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Khilaafka ka dhex taagan dowlada Somalia iyo Somaliland, ayaa cirka isku shareeray kadib markii ay heshiis is fahan oo dhinaca badda ah wadagaleen Somaliland iyo Itoobiya.
Dhinacyada ayaa wixii intaa ka danbeeyay eedo iska soo horjeeda hawada isku marinayay, sidookale waxa burburay wadaha-daladii labada dhinac oo muddo soo socday kuwaasi oo aan hada la garanayn goor dib loo bilaabi doono.
Israel oo barakacin kale ka bilowday Maghazi, Gaza
Shacabka Falastiiniyiinta ayaa ka barakacaya xerada qaxootiga Maghazi ee bartamaha Marinka Gaza, ka dib amar ka soo baxay Taliska Militariga Israel.
Afhayeen u hadlay Taliska Militariga Israel oo lagu magicaabo Avichay Adraee ayaa shacabka faray inay ka guuraan Maghazi iyo xaafadaha ku dhow dhow.
Afhayeenka ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay gantaalo ka soo tuureen aaggaasi, Militariga Israel-na uu si adag uga jawaabi doono.
"Badqabkiina awgiis, si degdeg ah ugu guuro aagga bani’-aadantinimada.” Ayuu yiri Avichay Adraee, iyadoo aysan jirin meel amaan ah o ku taala Marinka Gaza.
Dadkii horey u deganaa xerada Maghazi iyo kuwii kale ee dhawaan ku soo barakacay ayaa bilaabay in ay ka barakacaan goobihii ay gabaadka ka dhigan-ayeen.
Waa markii saddexaad oo maalmo gudahood ay Israel amar ku bixiso in dadku ay uga guuraan xaafado badan.
Israel ayaa maalmahaan barakacin khasab ah ka wadday koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza, haddase waa bartamihii Marinka Gaza.
Israel ayaa weli ku dhiiran inay sii waddo ciqaab wadareedka ay ku hayso dadka reer Gaza, kuwaa oo dhibane u noqday dembiya-deeda joogtada ah.
Dilka, gaajeysiinta iyo barakacinta joogtada ah ee lagu hayo shacabka tabaaleysan waa mid ay Israel ku kordhineyso xaaladda quusta ah ee ay la nool yihin shacabka aan waxba galabsan.
Gabood-faladan ugu dambeeyay ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa imanaya, iyadoo ay jirto rajo laga qabo inay guuleystaan dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda Gaza.
Xadgudubyada Israel ee ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka ayaa waxaan jirin cid si dhab ah ugu la xisaabtameysa.
Kudhowaad 100 Shacab ah oo lagu dilay dalka Sudan
Millatariga Sudan iyo dad goob-joogayaal ah ayaa Sabtidi sheegay, in malleeshiyo ka tirsan xoogagga dagaalka kula jira ciida-mada Sudan ay cagta mariyeen tuulo ku taalla bartamaha Sudan, halkas oo ay ku dilen ugu yaran 85 qof.
Bayaan kasoo baxay Wasa-aradda Arrimaha Dibadda Sudan aya lagu sheegay, in rag hubeysan oo ka tirsan xoogagga RSF ay dhammaadki bishi Julay iyo todobaadki hore, ay weerar xoog leh ku ekeeyeen deegaanka Galgani o ka tirsan gobolka Sennar ee bartamaha Sudan, halkaas oo ay ka geysteen gabood-fallo isugu jiray dil, kufsi, bili-laqo iyo qarbudaad.
Warbixinta ayaa sheegeysa, in kooxdani ay dab qabad siiyeen tuulada, kaddib marki ay dadka deegaanka iska caabiyeen isku day ay malleeshiyadni ku rabeen in ay ku afduubtaan dumar iyo gabdho yar yar.
Kooxda RSF, dhowr jeer ayaa horay loogu eedeeyay in ay xasuusq, kufsi iyo danbiyo kale oo gurracan oo ka dhan ah bani’aa-dannimada oo ay kula kaceen rayidka Sudan, tan iyo marki uu billowday dagaalka sokeeye, bishi April ee sannadki hore.
Madaxweyne hore oo lagu eedeeyay in uu xaaskiisa dili jiray oo dacwad lagu soo oogayo
Dacwad oogayaasha dalka Argentina ayaa baaritaan ku bilaabay madaxweynihii hore ee dalkaasi Alberto Fernández, kaaso lagu eedeeyay inuu dhaawac halis ah u geystay xaaskiisii hore.
Toddobaadkii hore, ayaa marwadii hore ee madaxweynaha Fabiola Yáñez, oo 43 jir ah, waxay maxkamad u gudbisay dacwo ninkedii hore oo horay u soo maamulay dalka, da’diisuna haatan tahay 65-sano, iyada oo ku eedeysay inuu garaacay intii uu socday xiriirkoodii hore, iyaga oo wada joogay ilaa iyo intii uu ka tagayay shaqada xafiiska ugu sarreeya dalkaas sanadkii 2023 kii.
Marqaati ka timid Spain, ayay ku sheegtay sida lagu eedeeyay in ay la kulantay hanjabaado nafsi ah iyo xadgudub jireed,
War ay dhiibtay iyada oo ku sugneed Spain ayaa waxay uga warrantay iyadoo qeexaysa sidii ay maskax ahaan ulaa silicday hanjabaadihiisa, jirdilkii uu ka sameyn jiray, waxayna ku eede-ysay Fernández inuu ku qasbay inay iska soo xaaqdo ilmo caloosheeda galay.
Dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ayaa iska diiday Fernández. Waxa laga mamnu-ucay in uu dalka ka dhoofo inta baadhistu socoto.
Arbacadii la soo dhaafay ayaa dacwad ooge lagu magacaabo Ramiro González waxa uu si rasmi ah ugu gudbiyay maxkamadda kiiska, isaga oo codsaday in dacwad lagu soo oogo madaxwe-ynihii hore.
Baaritaanka ayaa yimid ka dib markii sawiro u muuqday kuwa muujinaya haaro iyo nabaro wajiga iyo indhaha ug ayaalla hawee-neyda lagu magacaabo Yáñez ay faafiyeen oo ay daabaceen warbahinta maxaliga ah ee dalkas, taas oo caro ka dhalisay gudaha Argentina.
Mr Fernández ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay isaga oo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.
Qeybo ka mid ah wareysi la daabacay horaantii isbuucaan, ayaa waxa uu ku andacooday in xaaskiisii hore Yáñez ay indhah-eeda waxa ka muuqda ay yihiin waxyaabo ay sababeen "walxaha la isku qurxiyo".
Sida uu dhigayo sharciga Argentine, garsoore ayaa gaari doona go'aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan in wax dacwad ah la keeni doono maxkamadda iyo in kale.
ernández ayaa markii ugu horeysay ku soo biiray siyaasada horaantii 1980-meeyadii, xiligaasi oo ay aheyd maalmihii ugu dambe-eyay ee kalitaliskii militariga ee dalkaas ka arrimin jiray.
Wuxuu soo noqday madax-weynaha dalkaas intii u dhaxeysay 2019-23.
Horay sanadkii 2022 kii waxa uu u galay kiis intii lagu guda jiray safmarkii Covid 19, kadib markii isaga iyo xaaskiisa ay ka soo muuqdeen sawiro iyaga oo jooga xafladda intii lagu guda jiray xilligiii bandowga.
Sawirada markii ay baaheen wixii ka dambeeyay ayaa waxaa lagu bilaabay baaritaan. Xafladda ayaa ahayd mid dhalasho taas oo ay soo xaadireen ilaa iyo darsin dad ah.
Xilligaas ayaa waxa mamnuuc ah in ay dad badani isugu yima-adaan hal goob, sida duugta iyo wixii lamid ah.
Sawirada ayaa xilligaas waxay dhaliyeen caro.
Xilligaas ayaa garsoore max kamadeed waxa uu ka aqbalay dalab ka yimid dhanka madaxw-eynaha iyo marwadiisii koowaad, Fabiola Yáñez, kaas oo ahaa in ay ku deeqaan saddex milyan oo pesos oo dhiganta ($ 25,000) doollarka Maraykanka ah, si loo joojiyo kiis iyaga ka dhanka ahaa.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay caddeeyeen in lacagta lagu deeqay ay noqoto mid u dhiganta mashiinka neefsashada iyo qidmadda ku baxda joogitaanka qaybta daryeelka degdegga ah ee isbitaalka.
Lacagtaas ayaa ahayd mid la siinayay machadka cilmi-baarista tallaalka ee dalkaas.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeysa mogdisho times
.