![](https://mogtimes.com/uploads/mogtimes_bnr.jpg)
halkaan ka naqriso wararka wargeyska mogdisho times
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta
Ra’iisul Wasare Ku xigenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta.
Shirkan oo loo ga arinsanayo hormaradi la ga sameeyey barnaamijka xasilinta ee dawladu hogaamiso, kaas oo la gu garsiiyo adeegyada bulshada, maamul-dhiska, iyo amniga iyo cadaalad deeganadii dhowaan la ga xoreeyey argaggixisada.
Shirkan aya sida o kale la gu falanqenaya u tabaabushaysiga wejiga labaad ee hawl-gallada dib-u-xoreynta ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.
Wasiir Xoosh” Nolol wanagsan iyo horumar ayey gareen deegaanaddii laga xoreeyay Al-shabaab”
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuu-madda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa khudbad uu ka jeediyey madasha isku duwida arrimaha xasilinta Dalka kaga hadlay dadaaladda xasilinta ee ka socda guud ahaan dalka.
Wasiirka ayaa ugu horayn ka warbixiyey dadaaladda xasilinta ee ka socda guud ahan dalka isaga o Sheegay in hawl galadu sii balaaranayaan "Waxaa xusid mudan in hawl-galladu sii ballaaranayaan, ayna si xawli ah ugu fideen Dowlad Goboleedka Jubalan, aniguna aan fursad u helay inaan tago Buula Xaaji oo dhowaan la xoreeyay, dhulkaas iyo kuwa la midka ahba waxay u baahan yihiin mashaariic xasilin oo baaxad leh”.
Sido kale Wasiir Cali Xoosh aya sheegay in deegaanada dib loola wareegay ay ka jirto nolol wanaagsan "Waxaan ku faraxsa-nahay in deegaannadii dowladdu dib ula wareegtay ay wejigeedii iyo muuqalkodiba ka duwan yihiin sidii hore, taasoo sababtay in arday badan ayaa fursad u helay inay shalay iskuulo aadaan Xarardheere iyo Aadan Yabaal, sidoo kalana hela adeegyo caafimaad, amni, biyo iwm”.
Ugu dambayn Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadcaliyay saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ka taagera arrimaha Xasilinta, isagoo yiri "waxaan u mahadcelinayaa dhammaan Saaxiibada Beesha Caalamka ee taageera Barnaamijka Xasilinta Dalka, si gaar ah waxaan rabaa inaan ugu mahad celiyo US aid oo kaalin weyn ka ah hawshaan iyo hirgilinteeda”.
Wasiir Maxamed Xasan "Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo.”
Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibatada sii xogesanesa ee mandoriyuhu ku hayo Bulshad, iyado dhallinyaro badan ay qabatimen dawoyinka mandoriyaha loo isticmaalo.
Wasiir kuxigenka wasarada caafimadka xukumada federalka Somaaliya Maxamed Xasan Maxamed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in dalka la keeno dawooyinka maan-dooriye ahaanta loo isticmaalo.
” Daawooyinka daroogada ah ee dadku maandooriy ahaan u isticmaalaan, waxaan rabaa inaan u sheego dawooyinkaas gabi ahaanba dalka waa ka mamnuuc, qof soo gadan kara, ka ganacsana kara, siina iibin kara runtii ma jirto, 30-kii sanno ee ugu dambeeyay dalkeenna waxaa ku soo qul qulayay dawooyin kala duwan oo aan runtii lahayn nidaam, aana lahayn sharciyad, labo gacan ayaa ku wajahnay arrintaas, waxaan sameynay sharcigii, qaanuunkii iyo kala hagiddii maareynta dawada iyo waliba qalabka caafimaadka, daawada sidaad ogtahay xaaliyan dalka dibaddiisa ayaa la tega, wa la soo iibiyaa, tayadeeda (Quality-geeda), heerka (Standard-ka) adduunka wuxuu leeyahay meel laga Kantaroolo, heerkas inago racayna, waxaan sameynay habraacaas, habraacaas runtii wuxuu kala hagi doonaa qawaaniinta lagu soo iibiyo dawada, 21-kii-Janaayo waxaa ansixiyay golaha wasiirada XFS, haddana wuxuu horyaalaa Baarlamaanka,”. ayuu yiri wasiir ku-xigeenka caafimaadka.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in ay waddo qaldan u maraan soo iibsashada daawo aan dalkan loogu talagelin oo maan-dooriye ah, taas oo qasbeysa in ay tallaabo ka qaadan ganacsatadas iyagoo u maraya laamaha amniga.
” Ganacsada guud ahaan waa ay ogyihiin, haddii waddo qaldan aad ku soo gadatid daawo qaldan oo aan dalkan loogu talagelin oo maandooriye ah waxaad ku talagaleysaa in aan kaa qabaneyno inagoo isticmaaleyno laamaha amniga, hay’adaha canshuurtana ay canshuur ka qaadin, daawo maandooriye ah dalkanaga inta xaddiga loogu talagalay dalka ee dawada loo isticmaalo waxaa bixiso wasaaradda caafimaadka, iyadoo warqadihii iyo wax walba oo lagu soo gadan lahaa diyaar ay yihiin.”
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa la dagallanka dhammaan noocyada maandooriyaha ee ay isticmaalaan dhallinyarada, kuwaas oo sabab u noqda falalka amni-daro.
Ugu damben, Baarlamanka Soomaaliya oo uu horyaalo sharciga iyo qawaaniinta lagu soo iibiyo dawada ayuu ka codsaday in ay ansixiyan si ay u qaadan tallaabooyin sharci ah oo lagu mamnucayo dawooyinka maandooriyaha loo isticmaalo.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed "Waxaa Ciidankeena lagu qalabeyn doonaa hubka ugu casrisan ee maanta jira”.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in dowladda ay da’daal badan ku bixineyso dib u-dhiska ciidanka xoogga dalka oo lagu qalabeyn doono hub casri ah.
Wasiir abdulqadir Maxamed "Waxa Ciid-ankena lagu qalaben doona hubka ugu casrisan ee maanta jira”.
Wasiirka oo ka hadlay dhismaha ciidanka xooga dalka ayaa tilmaamay in Mudda laba sano ah la tababaray ciidanka gaarayo 17-kun ayna tahay markii ugu horeysay in ciidan intaa gaarayo ay dowladdu soo saarto oo ay qalabeeyso waliba qalab casri ah oo la jaan qaadayo kan Caalamka.
"Dhismaha ciidanka xooga waxa koorso laga soo saaray ciidan gaarayo 17-kun ay u dhameystiranyihin agabkoda, wana markii ugu horeysay oo ciidan intaa la’eg mudda laba sano ah lagu tababaro” Wasiir Cabdulqaadir Maxamed
Wasiirka oo sidoo kale soo hadal qaaday bixitaanka ATMIS ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay lagala wareegay ciidanka TMIS in kabadan 20-gobood oo ay ku suganyihiin ciidanka xoogga Dalka, taana ay ku timid dib u-dhiska iyo tayeenta ciidanka, isagoona bogaadiyay guulaha waweyn ay gareen ciidanka geesiyaasha xoogga iyo kuwa degaanka.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa hadalkan ka sheegay shir jiraa’id uu daraad ku qabtay xarunta wasaaradda.
Maareeyaha Hay’adda NIRA oo la kulmay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Hay’adaha Dalka
Maareeyaha Hay’adda NIRA, Mudane Abdiweli Timacade , ayaa kulan la qaatay Gudomiye Ku xigenka Midowga Hay’adaha Dalka(NGOs Consortium), Mudane Cabdulqaaddir Maxamed Axmed. Maareeyaha ayaa warbixin kooban ka bixiyay dadaallada ay Hay’addu ugu jirto dardargelinta diiwaangelinta dadweynaha, taas oo udub-dhexaad u ah dib u soo kabashada dowladnimadda Soomaaliyeed. Gudoomiye Cabdulqaaddir ayaa dhankiisa ka warbixiyay sida hannaanka aqoonsiga qaranku muhiim ugu yahay dadaallada gargaarka bini’aadannimo ee ay ku hawlan yihiin.
Labada dhinac ayaa isla meel dhigay sidii la isaga kaashan lahaa dardargelinta diiwaangelinta dadka baahida u qaba gargaarka bini’aadannimo, si ay u noqdaan kuwo la aqoonsan yahay oo qayb ka ah Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo la isla qaatay in lasii wado dadaalada ku aaddan sidii loo heli lahaa hannaan wada-shaqayn iyo iskaashi oo ku aaddan diiwaa-ngelinta dadka gargaarka bini’aadannimo u baahan ee ku dhaqan gobolada dalka, sida barakacayaasha ay saameyen dagaallada, fatahadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Dhaqaalaha Buluugga ah
Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeshay dhigiisa dalka Sacuudiga Mudane Cabdulraxmaan Al-Fadley, iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray maalgashiga dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya.
Wasiir Axmed Xasan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan galisay ka shaqeynta arrimaha badda sida kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga, iyada oo bulshadda Soomaaliyeed lagu wacyigalinayo muhiimadda in maalgashi lagu sameyo dhaqalaha buluuga ah dalka.
Labada wasiirka ayaa ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee dhaqalaha Buluga ah ee Soomaaliya taas oo ah in labada dowladood ay iskaashi ka sameeyaan horumarinta dhaqaalaha Balluugga ah oo dunida shalay muhiimad gaar ah u leh.
Xukuumada Somaliland oo xisbiga Waddani ku eedaysay faafin warar been abuur ah
Wasiirka Qorshaynta Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa xisbiga Wadani ku edeyay in u xaqiro wax qabadka xukumada, isla markaana uu faafiyo warar aan sugnayn.
Waxa uu sheegay in xisbiga Waddani uu xukumada ka fafiyay beeno uu ku sheegay in xukumadu ay magalada Borama u aqoo-nsatay meel aan nabad ahayn.
Sidookale waxa uu sheegay Waddani iyo dowlada Soomaaliya wakhti isku mid ah ka wada hadlen, shir ay hay'adi soo qaban-qaabisay oo ka dhici lahaa Boorama oo la joojiyay, madaama sida uu sheegay shirka lagu casuumay dad aan reer Somaliland ahayn oo aan fasax haysan.
"Waxan dhagaystay musharaxa madax-wene ku xigenka Wadani oo leh xukumadu waxay sheegtay in Boorama anay nabad ahayn, waxa kale oo aan arkay dowlada Xamar oo iyaduna lahayd hay'add ayaa la diiday, waxan is idhi maxa labada war isku beegay" Ayuu yidhi Wasiir Toorno.
Waxa uu ku eedeeyay xisbiga Waddani in uu caadaystay in uu qariyo wax qabadka xukuumada Kulmiye, isla markaana uu ku olloleeyo in uu niyad jabiyo dhallinyarada oo uu si taban wax ugu sheeego.
Maraykanka oo ugu hambalyeeyay Puntland doorashadii dadweyne ee laga qabtay gobolka Nugaal
Mareykanka ayaa ugu hambalyeeyay Puntland iyo shacabkeda dorashadi golaha deeganka ee dhawan ka dhacday gobolka Nugaal.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Maray-kanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in doorashadaas ay horumar la taaban karo u tahay geeddi socodka dowladnimo iyo dimoqraadiyad taabagal ah.
"Awoodda kumannaanka reer Puntland ay xaqa ugu u leeyihiin in ay wax doortaan waa horumar la taaban karo oo muhiim u ah geedi socodoka ku aaddan dowladnimo iyo dimoqraadiyad taabagal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Maraykanka.
Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ugu hambalyaysay Puntland qabsoomidda doorashada qof iyo cod ee lagu doranayay golayasha deegaanka ee Garowe, Dango-rayo iyo Godob jiraan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin doorashooyinka Puntland. Waxaa la aaminsan yahay khilaafka siyaa-sadeed ee ka dhaxeeya Puntland iyo Dowlada Federaalka inuu qeyb ka yahay in Villa Soomaaliya ay ka aamusto dorashada Puntland.
Booliiska Soomaaliya oo digniin u diray dadka shacabka ah ee wali degan dhulalka danta guud ah
Afhayeenka ciidanka booliiska Soom-aaliya abdifatah Adan Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal burburin ah oo aroor-nimadii hore ee shalay ku qaadeen dhulkii hore ee Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku yaala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka oo shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay la wareegeen dhulkii xarunta Wasaarada arrimaha gudaha, islamarkana loogu shaqen doono shacabka Somaliyed.
"Waxan rabaa inaan u sheego bulshada Soomaaliyeed xarunta wasarada arrimaha gudaha oo ku taalay degmada Boondheere agagaarka Jubba oo ahayd xarun loogu adeegi jiray bulshada in saaka ay la wareegtay dowladda Soomaaliyeed, hadda kadibna loogu adeegi doono dadka Soom-aaliyeed” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Somalia Cabdifataax Aadan Cali.
Wuxuu sidoo kale xusay afhayeenka in xarunta ay u diyaarsan yihiin dhamaan mashrucii dib loogu hirgalin lahaa, wuxuna u mahadceliyay dadka Soomaaliyeed ee dagana xarunta ee shalay ugu dambeyn laga burburiyay guryahii ay ka dhex dhisteen xaruntii hore ee Wasaaradda.
Ugu dambeyntii afhayeenka Booliiska Soomaaliya ayaa digniin u diray dadka wali dagan dhulalka danta guud ah oo uu sheegay in looga baahan yahay iney isaga guursaan si la mid ah dhulalka danta guud ee maalmahii lasoo dhaafay laga saaray dadkii deganaa oo uu u dambeeyay dhulka shalay laga saaray dadkii daganaa oo ay laheyd Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.
Ciidamada dowladda oo howlgal burburin ah ka wada dhulkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabad-sugid ayaa howlgalo burburin ah ka wada dhulki hore ee Wasarada arrimaha gudaha Somalia oo ku yala degmada Bondhere ee magaalada Muqdisho.
Howlgaladaan burburinta ah ayaa yimid kadib markii ciidamadan ay ku jarmaadeen arornimadi hore e shalay halka uu ku yaalo dhulka Wasaaradda arrimaha gudaha oo ay daganayeen dad shacab ah, waxaana halkas ciidamadu ku burburinayan gaad-iidka loo yaqaano cagafcagafta.
Ciidamadaan ku howlan burburinta ayaa sido kale xiray dhamaan wadooyinka gala, kana baxa dhulkas ay daganayen waayihii dambe dadka shacab ah, waxaana halkaas isaga barakacaya shalay dadkii degana.
Dowlada Fedaralka ay shegtay in dadka dagana dhulkan ay horay ugu wargelisay iney isaga guuraan dhulkaan, maadama ay u bahan tahay Wasarada arimaha gudaha, islamarkaana loogu shaqeyn doono dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii howlgalkaan burburinta ah oo ay wadaan ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugida ayaa qeyb ka noqonaya howlgalo burburin ah oo mudoyinkii dambe dadka looga barakicinayay dhulalka danta guud ah, waxana sidaan oo kale ciidamadu u burburiyeen dhulkii Dab damiska iyo Ceelasha Biyaha.
Imaaraadka Carabta oo xarunta bixinta dal ku galka Visaha ka furtay Muqdisho
Danjiraha dowlada Isku-tagga Imaradka Carabta Axmed Jumca Rumeythi aya furay xarunta bixinta dal ku galka taas wixi shalay ka dambeya muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka qaadan doonaan visaha.
Danjiraha ayaa sheegay in furitaanka xaruntan ay kamid ka tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
<Waxa ay noqonaysaa qunsuliyaddii ugu horeysay oo Imaaraadka ka furo Muqdisho tan iyo burburkii ka dib.
Israell oo duqeysay Lubnaan kadib weerar gantaal oo looga dilay 12 ruux
Milateriga Isra’il aya duqeyay deegaano ku yaal koonfurta iyo bariga Lubnaan ka dib marki ay ku eedeyen Hezbollah inay riday gantal ay ku dhinten 12 dhallinyaro ah o ku sugna magalada Majdal-Shams e buuraha Golan Heights oo ay heysato Israa’iil .
Kooxda Hezbollah ee Lubnaan ayaa beenisay dhamaan mas’uuliyada weerarka gantalada ee lagu qaaday deeganka dhaca Buraha Golan-Heights e ay heystan Israel.
Dhinaca kale, ciidamada Israa’iil ayaa weeraray iskuul loo isticmaalo isbitaal iyo hoy oo ku yiillay Deir el-Balah, halkas oo ay ku dilen ugu yaran 30 qof o Falastiniyin ah.
Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray 15 caruur ah iyo sided dumar ah sida ay xaqiij-iyen Xafiiska Warbahinta e Dowlada Gaza oo intaa ku dartay in ay jiraan dhaawacyo gaaraya in ka badan 100 qof.
Ugu yaraan 39,258 qof ayaa lagu dilay weerarada Israil, halka lagu dhaawacay 90,589 dagaalkii Gaza ee bilowday 7-dii Oktoobar ee sanadkii tagay.
Dad shacab ah oo ku xaniban bariga Khan Yunis oo Israel ay hujuumtay
Hay’ada Qaramada Midobey U Qabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiin-iyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in ay jiraan dad farabadan oo ku go’donsan bariga deganka Khan Yunis ee konfurta Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa Isniintii weerar dhinaca dhulka ah ku qaaday deegankaasi, oo gabaad u ahaa boqolaal kun oo qof oo laga soo barakaciyay guryahooda.
Ciidamada Israel oo gudaha ugu jira xaafadaha Bani Suheila ee bariga Khan Yunis ayaa la sheegay inay iska caabin kala kulmayaan xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta.
Hay’ada UNRWA aya shegtay in kooxaha samatabixinta aysan tagi karin bariga Khan Yunis, sababo ku aaddan Ciidamada Israel oo diidan in halkaasi la tago.
"Kooxaha samatabixinta ma awoodaan inay halkaasi gaaran, sababto ah diidmada Ciidamada Israil.” Ayay UNRWA ku sheeg-tay war ay soo saartay.
"Dagalka, barakaca iyo cabsida wa nolol malmedka qofkasta o ku sugan Marinka Gaza.” Ayay ku warantay UNRWA.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel oo gacan ka helaya diyaaradahooda dagaalka ay si ba’an u burburinayaan xaafadihii la deganaa ee bariga Khan Yunis.
Taliska Militariga Israel ayaa daraad oo Sabti ahayd soo saaray amar kale oo shac-abka ugu sheegayan inay ka baxan konf-urta Khan-Yunis, halkas o sida ay sheegen ay hawlgalo ka samayn doonaan.
13 qof oo ay ku jiraan dumar iyo carruur ayaa shalay lagu dilay duqayn ay Ciidanka Cirka Israel ka gaysteen koonfurta Khan Yunis, halka tobaneyo kalena ay ku dhaa-wacmeen.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in diyaaradaha Israel ay bartilmaameedsadeen hoyga qoyska Abu Muslim, islamarkana ay laayen shacab an waxba galabsan. WAFA waxay warisay in meydadka iyo dhawacyada dhibaney-asha lageyay Isbitalka Naser e Khan Yunis.
Ficilada Israel ayaa ka marqaati kacaya eedeymaha loo jeedinaya ee ku saabsan inaysan u kala soocneyn dadka rayidka ah iyo kooxaha wax iska caabinta ee ka hortaagan inay qabsato Marinka Gaza.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobey, António Guterres ayaa Khamiistii xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza ku qeexay masiibo guud.
Xoghayaha aya sheegay in ololaha militari ee Israel uu leeyahay heerka ugu sareya e dilka iyo burburinta, islamarkana uu aburay marxaladdii ugu adkeyd ee bani’adannimo.
Xoghaye Guterres aya ku celiyay baqiisii ahaa in xalka laba dal oo deris ah uu yahay kan ugu macqulsan e lagu gari karo nabad waarta oo gobolka ah, isagoona carabka ku adkeyay in si degdeg ah logu bahan yahay in la hirgeliyo xalka labada dowladod.
Raysal Wasaaraha Ireland oo si kulul u cambaareeyay arxan-darrada Israel
Raysal Wasaraha Ireland, Simon Harris ayaa si adag u cambaareeyay duqayntii ay Israel Sabtidii ka gaysatay Dugsiga Khadija ee Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay dugsigan oo ku yaala deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza, iyadona ay duqayntasi ku dhinten 30 qof, in ka badan 100 kalena ay ku dhawacantay.
Raysal Wasaraha Ireland ayaa weerarkan ku tilmamay wax ka baxsan bani’adani-mada oo la quursado.
"In la beegsado goob ay ku nool yihiin qoysas barakacayal ah waa mid bani’aada-nimada ka baxsan oo la quursado.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Raysal Wasaraha ayaa war uu so saaray ku sheegay "Weerarku wuxuu muujinaya rabshado dheeraad oo axan-darro ah, isla-markaana aan laga fiirsan.”
Mr. Harris ayaa yiri "Israel waxay sii wadaa inay adeegsato awood xad dhaaf ah oo dagaal, kaas oo leh heer aan la aqbali karin oo dhimasho iyo dhaawac oo dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta.”
Dhanka kale Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in la helay caddeymo muujinaya in Israel ay dembiyo dagaal ka gaysatay Marinka Gaza, xilli ay sheegtay in laga hortaagan yahay inay baaritaan ku sameyso heerarka dembiyada dagaal ee ka dhacay dhulka go’doonsan.
HRW ayaa Warbaahinta CBS News u sheegtay in Israel ay si cad u diidan tahay in gargaarka bani’aadantinimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah, islamarkana ay gaje-ysiinta u adeegsaneyso sida hub oo kale.
"Dembiyada dagaal ee ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza waxaa ka mid ah inay si cad u diidan tahay gargarka bani’ad-animo oo gaajeysiinta ayay u adegsaneysa sida hub oo kale. Waxa kaloo ka mid ah beegsiga shaqaalaha gargaarka iyo inay gaysatay duqaymo xagga cirka oo sharci darro ah.” Ayay HRW ku sheegtay warbixin ay la wadagtay Warbaahinta uu fadhigeedu yahay Mareykanka.
Israel ayaa aalaaba lagu eedeeyaa in dagaalkeeda Marinka Gaza uu yahay mid aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah, tiiyoo ay diidan tahay.
Cabsi Laga Qabo Dagaal Toos Ah Oo Dhex Mara Israil Iyo Xisbullah Oo Xoogeystey
Israa’iil ayaa ku hanjabtay in ururka Xisbullah ay ka qoomameyn doonaan weerar ka dhacay garoon kubbadda cagta ee lagu dilay 12 carruur ah taasoo ay ku eedeysay inay ka dambeysay.
Israa’iil ayaa ku hanjabtay in Ururka Xisbullah ay ka qoomameyn doonaan kadib markii ay ku eedeysay weerar gantaal oo lagu qaaday buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato taasoo ay ku dhinteen 12 carruur ah.
Arrintan ayaa dhalisay inay sare u kacdo cabsi laga qabo in dagaal loo dhan yahay uu ka qarxo gobolka.
Hezbollah ayaa si adag u beenisay inay ka dambeysay weerarka, oo ah kii ugu dhimashada badnaa ee lagu laayo Israel ama dhulka ay maamusho Israel tan iyo weeraradii 7-dii October.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku qaaday bartilmaameedyada Hezbollah ee gudaha Lubnaan iyo xuduuda habeenimadii Axadii, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga subaxnimadii Axada.
Illaa hadda ma cadda in uu jiro khasaare ka dhashay duqeymahaasi.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa taageeray sheegashada Israa’iil, isagoo sheegay ee ah in weerarku ahaa gantaal ay soo tuurtay Xisbullah.
Qaar ka mid ah 20,000 oo Druze Arab ah ayaa ku nool Buuraha Golan, oo ah aagga Israa’iil ee laga qabsaday Suuriya 1967 intii lagu jiray dagaalkii lixda maalmood socday.
Inta badan Druze meeshaas waxay u aqoonsadaan inay yihiin Suuriya waxayna diideen soo jeedinta dhalashada Israel.
Golaha deegaanka ee Majdal Shams ayaa Axaddii sheegay in 12-ka carruurta ah ee la dilay midkoodna uusan haysan dhalashada Israel.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay shalay oo Axad ah waddooyin ay ka qeyb galayaan aas lagu maamuusayo dadkii ku dhintey duqeynta.
Israa’iil iyo Xisbullah ayaa maalin walba isku tuurtuurayay gantaallada tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israa’iil 7-dii bishii Oktoobar, waxaana is-weydaarsigaas uu noqday mid aan xasilloonayn, taasoo dhalisay cabsi dhowr jeer ah oo ah in dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas ee Gaza uu u wareego dagaal dhinacyo badan oo Bariga Dhexe ah.
Iyadoo Hezbollah ay qiratay inay duqaysay Buuraha Golan Sabtidii, haddana way diiday mas’uuliyadda weerarka Majdal Shams.
"Waxaan xaqiijineynaa in iska caabinta Islaamku aysan wax xiriir ah la lahayn dhacdada si kastaba ha ahaatee, waxayna si adag u beenineysaa dhammaan sheegashooyinka been abuurka ah ee arrintan la xiriira,” ayaa lagu yiri bayaan.
Bayaan uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Nasser Kanaani Iran ayaa uga digtay Israa’iil wax kasta oo lagu beegsanayo Lubnaan.
Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta furin dagaal oo cusub oo Lubnaan ah.
Dr. Osman Mohamud Dufle: Cagaarshowga waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka
Cudurka cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga aduunka (World Hepatitis Day) si bulshada caalamka loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer). Hal-ku-dhigga sanadkaan 2024 ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) waa "Waa Waqtiga wax kaqabashada Cudurka Cagaarshawga” "It is Time for Action”.
Cudurka cagaarshowga waxaa keena feyrusyo kala duwan kuwaas oo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.
Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).
Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan, wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah (Outbreak) ayuu leeyahay. Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badan ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.
Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto , khudrad , miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.
Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiisa galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood, xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.
Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa , wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).
Cagarshowga Fayrus B iyo C
Guud ahaan Fayruska Cagaarshowga kuwa ugu qatarsan waa nooca B iyo nooca C. Waxaana la sheegay in 304 milyan oo qof ay qabaan ama la nool yihiin caabuqa cagaarshowga isagoo nooca raagista yeesha ah (Chronic Hepatitis). Sanadkii waxaa u dhinta 1.3 million isku jirkooda. Saddex kun iyo shan boqol (3,500) oo qof ayaa u dhinta maalin kasta labadoodaba, iyadoo 30kii il-biriqsiba hal qof u dhinto caabuqaan cagaarshowga, halka 6500 qof oo cusub uu ku dhaco maalintiiba caabuqa cagaarshowga B iyo C, taasoo ah in daqiiqaddiiba in ka badan 5 qof uu ku dhaco cudurkaas. Waxaa kaloo la shaeegay in 4tii qofood, 1 qof ka mid ah uu qabo cudurka cagaarshiowga HBV. 5tii qofna 1 qof kaliya ayaa hela daawo ku habon. Halka HCV sidoo kale 2dii qofba, 1 qof ayaa la nool HCV.6dii qofna, 1 qof ayaa ka bogsada HCV. Waxaa kaloo baaritaan lagu helay in 13% dadka qaba cudurka HBV nooca raagista yeesha (Chronic HBV). % 36 waxaa la la ogaaday iney la nool yihiin HCV (Chronic HCV).
Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)
Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqdo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah (Chronic). Wuxuu cudurkaan horey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta 254 milyan ( Chronic Infection) waxaa sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.
Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo if-baxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis (Chronic infection).
Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-
• Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Maternal Child Transmission) gaar ahaan xilliga cunuga u dhlanayo (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90% (Chronic HBV ).
• Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).
• Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo (Cirbadaha la wadaago),
• Qalabka ama Sakiinta Gar xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo.
• Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual Intercourse).
• Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:-
• Dalqa goynta , qun goynta , ilka bixinta , gudniinka fircooniga , gudniinka raga si wada jir ah ,dhalma dhaqameedka , sarsarmada , toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermis dilin.
Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:-
• Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo.
• Bukaanada kelyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)
• Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka
• Bukanada HIV qaba oo difaacooda hooseeyo.
Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) oo boqal jeer (100%) ka dhaqso badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka.
Feyruskan cagaarshowga B, todoba maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaas ku gudbin kara cudurka.
Cagaarshoowga C ( Hepatitis C Virus – HCV).
Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 50 milyan qof ; sanad kasta tirade bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.3 milyan. Waxaana sanad kasta u dhimata 300,000 qof.
Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay 1989, horay waxaa la dhihi jirey (non-A, non-B hepatitis) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horeeyay, wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).
Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.
Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo if-baxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).
Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaga aamusan (Silent Killer).
Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.
Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-
Qeybta Hore :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka wuxuu qabaa calaamooyinka sida labo-labo , bog xanuun, madax xanuun, matag , cuntada uu qaadan kari waayo , daal badan,xumad, quun xanuun , murqo xanuun , xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkaas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.
Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha , oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinaca beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxay jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.
Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase):Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaranayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada oo baaba’aya, bukaanka waa ka soo fiicnaanayaan calaamadihii hore laakiin taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestay cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa, waxeyna qadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.
Dabka iyo Cagaarshowga:
Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxay aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweeyo dabka bukaanka la gubo.
Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiran.
Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney sadaxdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxdo in uu jiri karo 3, 4 ilaa 5 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadabo waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestay , taasaana waxay keeneysaa in bukaanku dib u bilaabo socod iyo dhaqdhaqaaqiisii nolol maalmeed midaas oo sii xumeyn doonto xaalada caafimaad ee beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gudbaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga.
Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga restaa muddo kadib , waxana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).
25% – 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (15% – 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).
Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% – 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% – 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).
Ka hortago Cudurka Cagaarshoowga
Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo.
Ugu horeen waa in la xoojiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha lagalo,waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in la ilaaliyaa nadaafada raashinka lacuno.Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro,sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkahain aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta, dalqa goynta, quun-gooynta, gudniinka wiilasha, dhaga durista, uu nadiif yahay lana jeermi dilo taasoo laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha is-guursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.
Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofkuhaleelo wuxuuna siinayaa awood difaac oo joogto noqota.
WHO waxay xoogga saareysaa ka hortaga cagaarshowga nooca B (HBV) ee hooyadau gudbisodhallaanka, iyadoo la adeegsanayo tallaalka xilliga ilmaha dhalanaayo.
Sidoo kale Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).
Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, waxaana loo qaataa marka hore bil kadib 6 bil kadib ( 0, 1, 6),Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya manta laga heli karo.
Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga
Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.
Ugu horeyntii waxaa la faryaaa:
• Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uuku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.
• Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.
• Waa in uu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa in uu ka fogaado bukaanku cabidda khamriga , sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.
Ugu dambeyntii waxaa ku soo gunaanadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.
halkaan ka naqriso wararka wargeyska mogdisho times
.