Lamaaha Amniga Puntland oo soo qabtay nin ku Eedeysan dil ka dhacay Magaalada Boosaaso

0
Thursday August 01, 2024 - 11:01:34 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lamaaha Amniga Puntland oo soo qabtay nin ku Eedeysan dil ka dhacay Magaalada Boosaaso

    Hay'adaha Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha dhaqameedyo ayaa saaka gacanta ku dhigay Maxamed Abshir Muuse (Bootaan) oo ku eedaysan dilkii marxuum Khaalid Cali Khaalid oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda barig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adaha Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha dhaqameedyo ayaa saaka gacanta ku dhigay Maxamed Abshir Muuse (Bootaan) oo ku eedaysan dilkii marxuum Khaalid Cali Khaalid oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda bariga Afrika. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ay saaka 6:00am subaxnimo gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Abshir Muuse islamarkaana lagu qabtay Degaanka Durduri ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland. " Eedaysane Maxamed Abshir Muuse ayaa Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse". Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa" ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip