HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 30-7-2024

0
Tuesday July 30, 2024 - 08:03:37 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 30-7-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha JFS oo daahfuray Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo sanadkii labaad lagu qabanayo dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soo -maaliya Mudane Xasan Sheekh Maxa -muud ayaa maanta Muqdisho ka daah furay Shirweynaha Culimada Soomaali yeed oo sanadkii labaad lagu qabana yo dalka.

Shirweynaha Culimada oo ay ka qe -yb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkaan diiradda lagu saari doonaa Midnimada iyo wadajirka dadk a Soomaaliyeed waxaana Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).

Shirkii culimada ee sanadkii hore ay aa lagu bogaadiyey howgallada xoreyn ta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, sidoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta uu yahay Jihaad islamark aana qofkii ku dhintaa uu yahay Sha hiid.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga Gobalka Banaadir oo ka qeybgalay kulan dadweyne

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mu dane Maxamed Axmed Diiriye (Yabo oh) ayaa ka qeybgalay kulan u dhax eeyay Maamulka Degmada Shibis iyo Bulshada ku dhaqan Waaxda 3-aad ee Xalane, kaasi oo bulshada loogu dha geysanaayay caqabadaha iyo horumar ada ka jira Degmada.

Madashaan oo ay goobjoog ka ahaa yeen Guddoomiyaha Degmada Shibis Mudane Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali) iyo Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wa xaa diirada lagu saaray qaabka iskaa shi oo ay Maamulka iyo Bulshada ugu wada-shaqeyn karaan dhinacyada Am niga, Bilicda, Dib-u-dhiska Kaabayaa sha isku socodka iyo adeegyada kale ee Bulshada.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mu -dane Maxamed Axmed Diiriye (Yabo oh) ayaa sheegay in Maamulka Gobol ka uu bulshada gacan ku siin doonno dib-u-dhiska iyo horumarinta Adeegy ada Bulshada, balse loogu baahan ya hay in ay dhinacooda door ka qaataan sidii laamaha Amniga iyo Maamulka Degmada gacan loogu siin lahaa ka hortagga Amni darrada, Nadaafada iyo dib-u-dhiska Kaabayaasha isku socod ka dadweynaha.

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay degaanno hoostaga Xarardheere

Howlgal qorshaysan oo ay qaadeen ciidanka deeganka ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa ku guley stay in ay soo burburiyaan fariisime ay Khawaarijtu ku lahayeen degaanno ay ka mid yihiin Ilbir iyo Bohol caalin.

Ciidanka deegaanka ayaa weerarka ka hor helay xogta Khawaarijta gaar ahaan kuwa Sakawaadka oo si dhuu maaleysi ah baad uga qaadayay sha cabka deegaanka.

Ciidanka deegaanka ayaa Khawaarjta kasoo furtay qoriga Ak47.

Madaxweynaha JFS ” Daawadeennu waa Diinta Islaamka”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jee diyay shirka labaad ee Culimada Soo maaliyeed ayaa sheegay in wax walba oo la xariira siyaasadda lagu kala ara gti duwanaan karo balsa Diinta aana marnaba lagu kala qeybsamin.

"Siyaasadda looma dhamo waa la dhi hi karaa , laakiin Diinta marnaba laga ma yaabo in lagu kala qaybsamo” ay uu yiri Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si doo kale culimada ka codsaday in ay laba laabaan ka hortagga fekerka Kha waarijta, kaas oo halis ku ah ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalam kaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadal lay ahmiyadda ay leedahay midnimada ummadda soomaaliyeed, waxa sheeg ay in wax walba ay dawo u tahay Diin ta islaamka iyo ku dhaqankeeda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Kabtan Axmed Xaaji Cilmi kana mid ahaa duuliyeyaashii Somali Airlines

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Kabtan Axmed Xaaji Cil mi Guure oo ka mid ahaa duuliyeya ashii Somali Airlines, isla markaana ahaa aasaasihii shakabadda wararka Hiiraan Online, oo xalay ku geeriyood ay magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay door kii uu marxuumku ka soo qaatay horu marinta Afka Soomaaliga iyo sidii buls hada Soomaaliyeed ay u heli lahaa yeen warar ku saleysan xaqiiq, xilli dal ku ku jiray marxalad adag, isaga oo ku tilmaamay shaqsi howlkar ah, dhex-dhexaad ahaa, una taagnaa horumar ka dalkiisa.

"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raaj icuun, Duuliye Axmad Xaaji Cilmi Guure waxa uu ahaa baylood, saxafi iyo samafale ka shaqeeya waxtarka iyo horumarinta bulshada Soomaaliye ed, waxaana murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qa raabada iyo bahda saxaafadda ee uu ka baxay Marxuumka.

Mudane Xamsa ayaa Marxuumka Al le uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo bah da saxaafadda iyo guud ahaan Umm adda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyo odey.

Madax ka tirsan dowladda oo Muqdisho ka furay aqoon isweydaarsi ku saabsan tiirka arrimaha bulshada

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wa saaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuu madda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Aqoon Isweydaarsiga tiirka arrimaha Bulsha da iyo kobaca karaanka Aadanaha ee Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 20 25-2029).

Aqoon isweydaarsigan, oo socon doona muddo labo maalmood ah, ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeyn doono jaangoynta qeybaha uu ka koo bnaan doono Tiirka Arrimaha Bulshada iyo Kobaca Karaanka Aadanaha.

Xoghayaha Joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha mudane Kamaal Guutaale oo furitaanka munaasabadda hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Aqoon isweydaarsigan muddada uu socdo lagu gorfeyn doono sidii shaca bka soomaaliyeed looga haqabtiri la haa adeegyada waxbarasho, caafi maad, shaqo abuurka, horumarinta dhallinyarada, Haweenka iyo dhamaan arrimaha horutabinta u leh horumarinta arrimaha Bulshada.

Dhanka kale, waxaa maanta la soo gaba-gabeeyay shir labo maalmood ah oo loogu talagalay daadihiyayaasha Ardaaga Tiirka horumarinta dhaqaala ha ee Qorshaha Isbeddelka Qaran (2025 – 2029).

Madaxii Maaliyadda Gobolka Mudug ee khawaarijta oo isku soo dhiibay Boliiska Hobyo

Cabaas Shiikhdoon oo ah Madaxii Maaliyadda Khawaarijta u qaabilsanaa Gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Soomaali yeed ee ka howlgala degmada Hobyo iyo deegaanada hoos taga, sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Tali yaha Booliska Hobyo L/Xidigle Maxa med Cadceed.

Cabaas ayaa saraakiisha ciidanka u sheegay in Khawaarijta uu uga biiray degmada Xarardheere, wuxuuna dad ka shacabka ah ka uruuri jiray lacago iyo xoolo baad ah, ciidamada qaranka ayaa mar ku dhaawacay duleedka dee gaanka Xinlebi ee gobolka Mudug.

Ninkaan ayaa sheegay inuu u adkeys a waayey xaaladda ay ku jiraan kooxa ha Khawaarijta ah ee duurka fog ku dhuumaaleysanaya, waxaana u suurta -gashay inuu xiriir lasoo sameeyo sa raakiisha ciidamada qaranka, iyadoo looga hortegay aagga deegaanka Caad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ax med Macallin Fiqi Axmed, ayaa maan ta oo Isniin ah sheegay in dib u habeyn lagu sameynayo siyaasadaha iyo hab-raacyada shaqo ee Wasaaradda , si loo gaaro qaab-dhismeed horseedaya isbeddel lagu horumariyo howl-qabad ka Wasaaradda, iyadoo loo marayo iskuduwid waxtar leh iyo hindisayaal istiraatijiyadeed.

Wasiirka ayaa hadalkani maanta ka sheegay kulan ay ka qeybgaleen Xogh ayaha Joogtada, la-taliyayaasha kala duwan ee Wasaaradda oo lagaga had lay sidii lagu gaari lahaa waxqabad la taaban karo iyo ka guul keenidda waxyaabaha mudnaanta leh, qaab-dhismeedka, siyaasadda dibadda iyo hab-raacyada shaqada ee Wasaaradd a.

intii kulanka lagu guda-jiray ayuu Was iirku faray in la magacaabo guddiyo ka kooban la-taliyayaasha iyo khuburrada aqoonta u leh oo ay ku jiraan diblomaa siyiinta oo soo dejiya , kana soo tala-bixiya siyaasadaha iyo hab-raacyada si kor loogu qaado hufnaanta shaqada oo la jaan-qaadaya hiigsiga istaraatiij iyadeed ee Wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ee BJFS

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gu -daha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta Mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali xoosh ayaa maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka, qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaara dda, Guddiyada iyo Hey’adaheeda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha muda ne Cali Xoosh oo uu wehliyey Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa ka warbixiyey arrimo ay ka mid yihiin; wax waxqabad ka iyo Qorsheyaasha Wasaaradda, Fe deraalaynta, Xasillinta iyo Dib u heshi isiinta. Waxaa kale oo qeyb ka ahaa Maareeyaha hey’adda NIRA iyo Gudd oomiyeyaasha SoDMA iyo NCRI.

Guddoonka iyo senatarada Golaha Aqalka sare ayaa sidoo kale su’aalo ka weydiiyey Wasiirka mas’uuliyadaha Wasaaradda iyo waxkaqababashada qorshayaasha iyo hortabinnada Wasaa radda.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay eedeysane loo haystay maalgelinta argagixisada

Maxkamadda gobolka Banaadir ay aa maanta eedeysane Cabdinuur Aa dan Ibraahim oo ahaa agaasime ka tir san wasaaradda Maaliyadda ee dowl ad goboleedka Koonfur Galbeed Soo maaliya, waxaa loo maxkamadeeyay in uu maalgalinayay argagaxisada iyo sido kale Lacag dhaqid.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qa ranka oo Dacwadiisa u gudbiyay Max kamadda gobolka Banaadir Bartamahii Bishii 5aad ee Sannadkaan ayaa shee gay in eedeysanaha uu sameystay Akoono laga furay bankiyada dalka ku waasi oo lacagaha loogu heyn jiray kooxaha argagaxisada ah.

ku dhawaad $296,036.75 ayaa la dhi gay mid ka mid ah akoonadda u sam eystay, ayada oo lacagahaasi loo bixi nayay qaab Mushaar ahaan bil walba sida laga dhex arki karay akoonka eed eysanaha sida uu Xeer Ilaaliye ku xi geen Farxaan Xuseen Maxamed u sheegay Maxkamadda gobolka Bana adir.

Qareenka eedeysanaha oo lagu ma gacaabo Axmed Kheyr ayaa ku doo day in eedeysanaha uu wakiil ka ahaa nin ay ilmo adeer yihiin oo akoonka a haa taasna aysan noqon karin dambi loo ciqaabo eedeysanaha.

Saalax Cali Maxamuud Dabaan gud doomiyaha Maxkamadda gobolka Ba naadir ayaa sheegay in eedeysane Cabdinuur Aadan Lagu xukumay Hal sanno oo Xabsi ah iyo sido kale Ga naax Lacageed oo dhan saddax kun oo dollar, xukunka uu ka furan yahay Rafcaan cidda aan ku qancin.

Wasaaradda hawlaha guud oo saxiixay heshiiska daraaseynta biyamareenada Baladweyne iyo Dhuusamareeb

Wasaaradda hawlaha guud, dib udhi ska iyo guryeynta dowladda FS iyo shir kadda Cat’s ayaa kala saxiixdey hes hiis ku saabsan daraasadda maareyn ta daadadka iyo sahminta biyo maree nada magaalooyinka Beledweyne Iyo Dhuusa-mareeb.

Heshiiskaan oo uu saxiixey wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdisa laam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa looga golleeyahay maareynta daadadka iyo fatahaadada soo lalaabtey ee Magaa lada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Iyo sidoo kale daraasad lagu diyaarina yo helida goobaha biyo mareenada magaalada Dhuusamareeb oo ay wa saaraddu qorsheyneyso inay wadooyin ka hirgeliso, si looga hortago fatahaa do ka imaan kara xilliyada roobabka iyo Isbedelka Cimilada.

Kulanka heshiiskan lagu kala saxiix dey waxaa sidoo kale goob joog ahaa Duqa Degmada Beledweyne Guddoo miye Nadar Tabax iyo wasiirka hawla ha guud ee Galmudug Axmed Dhiblaa we Casir.

Mashruuca Nagaad oo ay hormuud u tahay wasaaradda hawlaha guud ee dowladda FS ayaa laga fuliyaa 5 dow lad goboleed iyo gobolka Banaadir, kaas oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo loo diiday in uu tago degaan katirsan Hiiraan & xiisad ka dhalatay

Wararka naga soo gaaraya degaan ka Tardo ee Gobolka Hiiraan ayaa wa xaa ay sheegayaan in halkasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay in loo diiday in uu tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Ciidamada degaanka ee loo yaqaa no Macawiisleyda oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa lagu arkay dhamaan waddooyinka gala degaanka Tardo, iyaga oo diidan in uu halkaasi tago Madaxweynaha HIR-Shabelle.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan ayaa Risa ala u sheegay in Madaxweynaha Hir- Shabeelle uu degaankaas u imaanayo in uu xariga ka jaro School dadka dee gaanku ay xoolahooda ku dhisteen, taasina ay diidan yahay Ciidamada Macawiisleyda ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Saraakiisha Ciidamada Macawiisleyda ay ku hanjabeen in Ma daxwyene Cali guudlaawe hadii uu is ku dayo in uu yimaado degaanka Tar do ay la dagaalami doonaan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa hadda ku sugan degmada Mo qokori ee Gobolka Hiiraan, iyada oo si doo kale loo diiday in uu tago deg mada Maxaas ee isla Gobolkaasi Hii raan.

Haweeney wiil gabadheeda u dhaxday ku dishay magaalada Boosaaso

Maxamuud Cabdi Bile Cabdi oo aha a wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaa lada Boosaaso ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Tooreey ay ku dhufatay xaaskiisa hooyadeed (Sodd ohdiis).

Lama oga sababta ka dambeysa falk aan, hase ahaatee wararka aanu horu dhaca u helayno waxay sheegayaan in uu jiray khilaaf qoyska dhexdiisa ka taa gnaa. Hooyada ayaa la sheegay inay doonaysay in loo furo gabadheeda oo xaamilo ahayd.

Booliiska Gobolka Bari ayaa shee gey in ay gacanta ku dhigeen Hawee neyda ku eedeysan inay Tooreey ku dishey wiilka ay soddohda u ahayd.

Falkaan ayaa kusoo aaday xilli sidoo kale magaalada Boosaaso maanta la gu dilay Khaalid Cali Khaalid oo ahaa Gudoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika.

Dablay ku hubaysnaa hubka fudud aya a la sheegay inay ka dambeeyeen dil ka Khaalid Cali Khaalid.

Dowladda Fedaraalka oo sheegtay in nolol wanaagsan ka jirto deegaanadii laga xureeyay Al-shabaab

Wasiirka Wasaaradda arrimaha guda ha Xukuumadda Fedaraalka Sooma aliya Cali Yuusuf Xoosh ayaa faahfa ahin dheeraad ah ka bixiyay dadaala da xasilinta ee ka socda deegaanadii laga xureeyay kooxda Al-shabaab.

Wuxuu sheegay Wasiirka in howlgal ada ciidanka xooga dalka ka wadaan gudaha dalka ay sii balaaranayaan, is lamarkaana dowladda ay horumaro la taaban karo ka sameeyay deegaanadii laga xureeyay kooxda oo ay ka jirto haatan nolol wanaagsan.

"Waxaan ku faraxsanahay in deegaa nadii dowladdu dib ula wareegtay ay wejigeedii iyo muuqaalkoodiba ka duw an yihiin sidii hore, taasoo sababtay in arday badan ayaa fursad u helay inay maanta iskuulo aadaan Xarardheere iyo Aadan Yabaal, sidoo kalana helay adeegyo caafimaad, amni, biyo iwm” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaa liya Cali Yuusuf Xoosh ayaa uga ma hadcaliya saaxibada Caalamka ee So omaaliya ka taageera arrimaha Xasili nta deegaanadii laga xureeyay ururka Al-shabaab.

"Waxaan u mahadcelinayaa dham maan Saaxiibada Beesha Caalamka ee taageera Barnaamijka Xasilinta dal ka, si gaar ah waxaan rabaa inaan ugu mahad celiyo US Aid oo kaalin weyn ka ah hawshaan iyo hirgilinteeda” ayuu yiri Wasiir Cali Yuusuf Xoosh.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Soom aaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dee gaano iyo degmooyin badan oo ka tir san gobolada dalka laga xureeyay koo xda Al-shabaab ay haatan heleen qaar ka mid ah adeegyada aas aasiga ah.

 

Turkiga oo ku hanjabay in uu ku biiri doono dagaalka ka dhanka ah Israa’iil

Madaxweynaha Turkiga Recep Tay -yip Erdogan ayaa Axaddii shalay shee gay, in laga yaabo in Turkiga uu guda ha u galo Isra’il, si la mid ah sidi ay ho ray uga sameeyeen Liiniya iyo Nagor no-Karabakh, balse ma uusan faah-faahin nuuca ay noqon doonto farage linta uu soo hadal qaaday.

Erdogan, oo si aada u dhaleeceeya duullaanka ay Isra’il ku qaadday Gaza, ayaa hadalkaan jeediyay xilli uu ka had layay horumarka uu dalkiisa ka samee yay wax soo saarka qalabka difaaca.

"Waa inaan aad u xoog banaanno si aysan Israa’iil wax yaabahan lagu qos lo uga sameyn Falastin. Sidi aan u gal nay Liibiya iyo Karabakh, waxaa dhici karta inaan si la mid ah iyaga ku sa meyno,” Ayuu Erdogan u sheegay mudanayaal ka tirsan xisbigiisa AK oo uu kula kulmay magaalada uu asal aha an kasoo jeedo ee Rize.

Erdogan ayaa intaasi ku daray "in ay san jirin sabab aysan taasi u sameyn karin, balse ay tahay in ay awood muu jiyaan si ay tallaabadaasi u qaadaan.

Wakiillada xisbiga AK Party ayaanan ka jawaabin faah-faahin arrintan ku aa dan oo ay weydiisay wakaaladda war arka ee Rueters, Israa’iil ayaa iyaduna aanan wax war ah kasoo saarin arri ntan.

Madaxweyne Erdogan u muuqday in uu tixraacayay faragelinti uu horay Tur kiga uga sameeyay Libya iyo gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku heyst aan Azerbaijan iyo Armenina.

Sannadki 2020-ki, Turkiga ayaa cii damo millatari ah u diray Libya, si ay u taageeraan dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee Libya.

Turkey horay ayay u beenisay in ay si toos ah uga qeybgashay howlgal lada millatari ee ay ciidanka Azerbaijan ka sameeyeen gobolka Nagorno-Kara bakh sannadki hore, balse marki dan be sheegtay in ay dhan walba ka taa geertay Azerbaijan sida tababarka mila tariga iyo saanadaha millatari.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kulan ka yeeshay arrimaha horumarinta

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya Muda ne Axmed Xassan Aadan oo booqasho shaqo oo rasmi ah ku joogay magaala da Riyad ee dalka Sucuudiga ayaa ku lan miradhal ah la qaatay dhiggiisa dowladda Boqortooyada Sucuudiga Mudane Eng.

Abdulrahman Abdulmohsen AlFadley.

Labada dhinac ayaa ka wadahada lnay xoojinta kaalinta naga-ga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashi dhinaca horumarinta Kalluu meysiga ah iyo in dowladda Sucuudigu ay maalgashi wax ku ool ah ku samey so dhaqaalaha Buluugga ee dalkeenna gaar ahaan Kalluumeysiga.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Axm ed Xassan Aadan ayaa yiri "Waxaan hoosta ka wada-xariiqnay muhiimadda ay lee dahay iskaashiga labada dowla dood iyo maalgashi ay ganacsatada sucuudigu ku sameeyeen Kalluumeysi ga gudaha, aniga oo la wadaagay fur sadaha dihan ee ka jira maalgashiga Kalluumeysiga dalka”.

Isaga oo intaa ku daray in uu jiro ded aal gaar ah oo uu ku bixinayo in dal keennu uu helo maalgashi caalami ah kaas oo wax ka tari kara kordhinta dakhliga iyo wax soosaarka gudaha ho rseedna u noqon kara in dalkeennu uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waa ra.

Nicolas Maduro oo ku guulaystay doorashada Madaxweynaha Venezuela

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku guuleystay doorasha di madaxtinimo ee Axaddii shalay dal kaasi ka dhacday, sida uu shaaciyay guddiga doorashada Venezuela goor dhaweyd.

Tani ayaa ka dhigeysa in Maduro uu dalk aasi xakumi doono muddo xileedkiisii saddexaad oo xiriir ah. Guddiga doorsahda waxay sheegeen, in uu helay 51 boqolkiiba, kaddib marki la tiriyay 80% sanaadiiqda codadka.

Natiijadan ayaa ka hor imaneysa, natiijooyinki hordhaca ahaa ee ay hey’adaha madaxa bannaan ku sheeg een, in murashaxa mucaaridka u tartamay Edmundo Gonzalez uu doo rashada ku guuleystay.

Guddiga doorashada waxay sheeg een in Edmundo Gonzalez kuu keenay codad dhan 44%.

Mucaaradka ayay u badan tahay in ay ka hor imaan doonaan natiijada kas oo baxday doorashada.

Dhacdo argagax leh: Weerar tooreey loo adeegsaday oo lagu qaaday carruur

Booliiska Merseyside ee dalka Ingir iiska ayaa sheegay in ay heleen xogta nin ‘’tooreey dad ku weeraray’’ kadib markii laga soo wacay guri ku yaala Hart Street ee Southport.

Waxa ay sheegeen in ay xireen nin iyagoona sheegay in ay heleen mindi weerar lagu fuliyay, iyagoona intaa had alka ku daray in haatan aysan jirin kha tar laga cabsado.

Mid kamid ah dadka dagan halka uu weerarka ka dhacay ayaa badbaadiyay 10 gabdhood isagoona gurigiisa ku xa reeyay intii uu socday weerarka too reyda ah.

Dadka ayaa isku dayay in ay gacan ta ku dhigaan nin looga shakiyay in uu weerarka fuliyay kahor inta aysan boo -liiska imaan.

Adeegga Ambalaasta ee Waqooyi Galbeed (NWAS) ayaa sheegay in ay gargaar u fidiyeen 8-qof oo qaba dhaa wacyo ka soo gaaray tooreey, iyagoo na intaa hadalka ku daray in ay direen 13 gaadiid iyo adeeg caafimaad. Wa xaana dadkaasi qaarkood la gaarsiiyay Isbitaalka Carruurta ee Alder Hey, hal ka kuwo kale oo ay soo gaareen dhaa wacyada mindida loo qaaday Isbitaa lada sida midka Jaamacadda Aintree iyo Isbitaalka Southport iyo Formby.

Xoghayaha arrimaha gudaha Ingirii ska Yvette Cooper ayaa sheegtay in ay "aad uga walaacsan tahay" dhacda da aadka u daran ee Southport, iyadoo na tiri. "Waxa aan murugada la qeybsa nayaa qoysaska iyo dadkii qiimaha la haa ee dhibaatadu saameysey, ’’.

Milkiile meherad ku leh goob ka agd haw halka ay wax ka dhaceen sidoo kalena booliiska wacay ayaa sheegay in dhacdadani ay lamid tahay "muuq aal filim argagax leh."

Colin Parry, oo ah mulkiilaha Masters Vehicle Body Repairs ee Hart Street, ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in lix ama toddobo "gabdho oo yaryar" la tooriyeeyay.

Trump oo mar kale weeraray Ilhaan Cumar isaga oo qof kale u dan lahaa

Intii lagu guda jiray khudbad uu Sabt idii ka jeediyay ololahiisa doorashada ee magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota, musharraxa xisbiga Jamh uuriga ee Donald Trump ayaa u muuq day in uu isku khalday labada gabd hood ee xisbiga Dimuqraadiga ee kala ah Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota iyo Rashida Tlaib oo laga soo doorto Michigan.

Labadan gabdhood ee Congress-ka ku jira, oo labaduba ah labadii haween ee Muslim ahaa ee ugu horreeyay ee taga Congress-ka, ayaa ah aasaasay aasha xubnaha "Squad", oo ah koox a an rasmi ahayn oo xubno ka tirsan Aqalkaasi samaysteen sannadkii 2019.

Trump ayaa inta badan dhaliilo kala duwan u jeediya kooxdaas haweenka ah.

Waxaana aad loo xasuustaa 2019 mar uu farriin xilligaas ku soo qoray barta Twitter isaga oo ku dooday inay "ku noqdaan oo ay gacan ka geystaan hagaajinta gebi ahaanba qaran jabn imada iyo dembiyada laga gelayo mee lihii ay ka yimaadeen."

Faallooyinkiisaas ayaa kiciyay waag aas dad isugu soo baxay North Caro lina oo ku dhawaaqayay "dib u celiya!" una jeeday in masuuliyaantaas dalka laga saaro.

Dhanka kale, xubnahan haweenka ah ee garabka bidix, oo tan iyo markaa sii ballaadhanayey oo haatan gaaraya sagaal, ayaa aad uga soo horjeeda Trump iyo hadalladiisa.

Sannadkii 2020, Ilhaan Cumar waxa ay Trump ku tilmaantay hadal u dhig naa "Kaliya maaha cunsuri, laakin waa cunsuri isir-nacayb ku jiro, sababta oo ah kama soo horjeedo dadka dalkan yi mid, kaliya wuxuu ka soo horjeedaa soo galootiga aniga oo kale ah".

Jabuuti oo mar kale xukun maxkam adeed uu ku dhacay, dacwadda kala dhexaysa DP World

Khudbaddiisii habeenkii sabtida ayuu Trump ku khalday dhacdooyinka ku lug lahaa Tlaib, Ilhaan Cumar, isaga oona xilligaa yidhi, "Ilhaan Cumar, wa xa ay ka soo qayb gashay hadal aan jeedinayey markii ugu horreysay ee aan tartamayey, waxa ay ka mid ahayd dhegeystayaashii.. xilligaas way qayli naysay, waxa aanan idhi ‘waa ayo qof -kani’ saw waa isla qoftii waalan ee aan habeen kasta hadda hadalkeeda daawado.”

Trump ayaa ku eedaynaya in hore ay u taageeri jirtey haddana ay isaga ka soo horjeeddo.

Waxa uu ku celceliyay dadkii isku soo baxay, "Anigoo qudbad jeedinaya, dad badan ayaanujoognay... way kac day oo qaylisay, waxaan ku idhi naagt aasi waa waalan tahay, way waalan tahay”.

Qaybta hadalkaas ee Trump ayaa aad loogu baahiyey barta X, ee hore u ahaan jirtay Twitter, iyada oo isticmaa layaashu uu ka mid yahay Acyn, oo ah tifaftire sare oo ka tirsan warbaahinta bidixda u janjeedha ee MeidasTouch, ayaa muujiyey in Trump uu ku jaha wareeray oo uu isku khalday labada ha ween ee Congress-ka ka wada tirsan.

"Ma hubo in uu halkan ula jeeday qof kale," Acyn ayaa qortay.

Dhanka kale, Trump ayaa mar sii horeysay ku sifeeyey Ilhaan Cumar inay tahay taageere "argagixisanimo’, wuxuuna ku andacooday inay "neceb tahay Maraykanka”.

Maxaa mideeya labadan masuul?

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib wa xay taariikh sameeyeen bishii Nofem bar ee sanadkii 2018-kii, markaas oo ay noqdeen dumarkii ugu horreeyay ee muslimiin ah oo ku biiray aqalka wakiil lada Mareykanka.

Labadooduba waxay xubno ka yihiin xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka waxayna horumar weyn ka sameeyeen doorkooda siyaasadda.

Arrimaha kale ee ay ka mideysan yihiin waxaa ka mid ah inay taagee raan xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.

Intaas waxaa usii dheer inay cod sare ugu doodaan dadka soo galootiga ah iyo qaxootiga.

Laakiin waxaa jira hal wax oo iyaga khaas u ah ayna uga duwan yihiin cid walba oo kale, xitaa xubnaha kale ee aqalka wakiillada ay ka tirsan yihiin, waxaasina waa Israel.

Ilhaan iyo Rashida labadooduba wax ay aad u cambaareeyaan sida ay Isr ael ula dhaqanto Falastiiniyiinta, waa na labada siyaasi ee kaliya ee ka tir san aqalka Congress-ka ee sida cad u taageera falcelinta falastiiniyiinta ee ku aadan go'doonka ay Israel galiso, iyo waliba dhaqdhaqaaqyada lagu bart ilmaameedsado Israa'iiliyiinta, tan iyo muddo dheer.

Arrintan waxay hadda sababtay in Ilhaan iyo Rashida ay noqdaan waki illadii ugu horreeyay ee laga soo doo rtay Mareykanka oo abid laga mamnuu co galitaanka Israel.

Rashida oo ah Haweeneyd 42 jir ah oo baratay cilmiga sharciga, waxay he ysataa dhalasho Mareykan ah, balse waxay asal ahaan kasoo jeedda Fala stiin.

ka kale is-qabqabsiga u dhaxeeya, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar oo Minesota ku matasha aqalka Kongar eeska ee dalka Mareykanka ayaa ah aa mid soo socday, tan iyo markii la doortay Ilhaan.

Golaha wasiirada Israa’iil oo ansixiyay aargudsi ka dhan ah Xisbullah oo uu soo jeediyay Netanyahu.

Wasiirada ayaa kulan degdeg ah yee shay kadib weerarkii ka dhacay Buur aha Golan ee ay Israa’iil haysato fiid nimadii Sabtida, kaas oo lagu dilay 12 carruur ah iyo dhallinyaro ka tirsan Druze.

Weerarkaas ayaa ahaa midkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca xud uudka muddo bilo ah, Xisbullah dhan keeda waa ay beenisay inay ku lug lee dahay.

Weerarka ayaa sii kordhiyey cabsida laga qabo in dagaalka oo ilaa hadda la xakameeyey uu sii fido oo uu noqdo dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Dawladaha reer galbeedka ayaa ugu baaqaya Israa'iil inay is xakameeyaan si ay uga jawaabaan weerarka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in ay "wa dahadal joogto ah la lahaayeen dhina cyada Israa’iil iyo Lubnaan tan iyo wee rarkii argagaxa lahaa” ee ka dhacay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaalla xaafadda Druze ee Majdal Shams.

Mareykanka oo ka cabsi qaba in xiisadda Israa'iil iyo Lubnaan ay ku baahdo gobolka

Dowladda Mareykanka ayaa sheeg tay in Israa'iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo, xilli raysal wasaaraha Isra a'iil Benjamin Netanyahu uu soo gaa biyay safar uu ku joogay dalka Mare ykanka kadib markii weerar dad ka badan toban qof ay ku dhinteen lagu qaaday buuraha Golan ee la haysto.

Xoghayaha arrimaha dibadda Marey kanka Antony Blinken ayaa tilmaamay in inkastoo Israa'iil ay xaq u leedahay in ay is difaacdo haddana aysan doone ynin in dagaalku uu gobolka ku baaho.

Waxaa taagan cabsi ku saabsan in dagaal dhex maro ururka Xisbullah ee Lubanaan oo ay taageerto dowladda Iran iyo Israa'iil.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip