Israell oo duqeysay Lubnaan kadib weerar gantaal oo looga dilay 12 ruux

0
Sunday July 28, 2024 - 22:39:16 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israell oo duqeysay Lubnaan kadib weerar gantaal oo looga dilay 12 ruux

    Milateriga Israa'iil ayaa duqeeyay deegaanno ku yaal koonfurta iyo bariga Lubnaan ka dib markii ay ku eedeeyeen Hezbollah inay riday gantaal ay ku dhinteen 12 dhallinyaro ah oo ku sugnaa magaalada Majdal Shams ee buuraha Golan Heights oo ay heys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milateriga Israa'iil ayaa duqeeyay deegaanno ku yaal koonfurta iyo bariga Lubnaan ka dib markii ay ku eedeeyeen Hezbollah inay riday gantaal ay ku dhinteen 12 dhallinyaro ah oo ku sugnaa magaalada Majdal Shams ee buuraha Golan Heights oo ay heysato Israa'iil . Kooxda Hezbollah ee Lubnaan ayaa beenisay dhammaan mas'uuliyadda weerarka gantaallada ee lagu qaaday deegaanka dhaca Buuraha Golan Heights ee ay heystaan Israel. Dhinaca kale,ciidamada Israa'iil ayaa weeraray iskuul loo isticmaalo isbitaal iyo hoy oo ku yiillay Deir el-Balah, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 30 qof oo Falastiiniyiin ah. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray 15 caruur ah iyo sideed dumar ah sida ay xaqiijiyeen Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda Gaza oo intaa ku dartay in ay jiraan dhaawacyo gaaraya in ka badan 100 qof. Ugu yaraan 39,258 qof ayaa lagu dilay weerarada Israel,halka lagu dhaawacay 90,589 dagaalkii Gaza ee bilowday 7 dii Oktoobaree sanadkii tagay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip