Shabeellaha Dhexe : Cudurka Gowracatada oo ka dilaacay iyo dad u geeriyooday

0
Friday July 26, 2024 - 21:49:56 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabeellaha Dhexe : Cudurka Gowracatada oo ka dilaacay iyo dad u geeriyooday

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan gobolkaas uu la dilaacay cudur magaciisa lagu sheegay Gowracato. Cudurkaan Gowracatada ayaa lasoo wariyay iney u geeriyoodeen laba ruux, islamarkaana ay haatan la il

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan gobolkaas uu la dilaacay cudur magaciisa lagu sheegay Gowracato. Cudurkaan Gowracatada ayaa lasoo wariyay iney u geeriyoodeen laba ruux, islamarkaana ay haatan la ildaran yihiin in ka badan 20 ruux oo kale, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. "Cudurkaan Calaamadaha lagu garan karo waxa ka mid ah in uu dhuunta xiro qofka oo wax ka dadagi wayaan, qandho, iyo tababar daro siyado ah oo qofka la kici waayo, hada Soomaaliya oo dhan Shabellaha dhexe ayaa laga soo sheegay Wasaaradda Caafimaadka waxay wadaa dadaalo looga hortagayo cudurkan" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in cudurkaan uu yahay mid faafo, islamarkaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka taxadaraan faafistiisa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip