halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

0
Monday July 22, 2024 - 11:59:36 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Qatar

Ra’iisul Wasaraha Xukumada Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaminayo aya shalay galab u ambabaxay magalada Dooxa e dalka….Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dalka Qatar kaga qeybgali doona shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uuna hal kaas ka jeedin doonaa khudbad dhinacya badan taaban doonta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sido kale kulamo muhim ah la yelan doona Ra’isul Wasaraha iyo madax kale oo ka tirsan hoggaanka dalka Qadar.

Duqa Muqdisho oo kormeeray Xarunta Ololaha "Hooyo u Hiili Qarankaaga”

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Mudane Yusuf Xusen Jimcale (Madaale) ayaa kormeray Ololaha "Hooyo u Hiili Qarankaaga” kaasi oo ay ka qeyb qadanayan Haweenka Soomaaliyeed si ay u garab istaagaan Ciidanka Xoogga dalka ee ku jira howlgallada dalka lagaga sifeynayo kooxaha Al-shabaab.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay doorka haweenka Soomaaliyeed ay uga qeyb qadanayan halganka dalka looga xorenayo Kooxaha al-shababta ah, islamarkaana ay isku xilqaameen sidii cunnooyinka qalalan loo gaarsiin laha geesiyaasha dalka, waxa uuna balan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono taagerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka.

Wasiirka Cadaaladda oo furay shirka wadatashiga Qorshaha Istiraatijiyadda Asluubta Soomaaliyeed

Wasiirka Cadalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shalay furay shirka Wadatashiga Qorshaha Istiratijiyada Aslubta Somaliyed.

Shirkan waxa ka so qeybgalay Xerilaliyaha Guud ee qaranka iyo safiirka dowladda Mareykanka, Xoghayaha Jogtada Wasa-rada Cadalada, sakaril ka tirsan Garsorka, Xafiiska Raysalwasaraha, Wasarada Amniga iyo xubno bulshada rayidka ah.

Wasiir Xasan Macallin ayaa ka dhawajiyay in nidaamka asluubta dalka uu wajahaayo culeys badan oo ay ugu horeyso xabsiyada oo tiro yar, ciriirina ah. Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in aan muddo dheer awoodda la saarin horumarinta Asluubta sidaas darteed ajandahiisa koobaad uu yahay horumarinta iyo tayenta Asluubta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedal weyn ugu jirta hormarinta guud ahan caddaaladda, gaar ahaanna xabsiyadda dalkeena.

Wasiirka shaqada XFS oo kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka socotay hey’adda UNICEF

Wasiirka wasaarada Shaqada iyo Arrimana Bulshada ee Dowlada Federaalka Somalia, Mudane Xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa shalay kulan miro dhal ah la yeeshey Mas’uuliyiin sare oo ka socday xafiiska UNICEF Somalia oo ay hogam-inaysay wakilka hey’ada, Marwo Wafaa saeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Hey’ada UNICEF iyo wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, dardar-gelinta dadaallada wadajirka ah ee ilaalinta bulshada, iyo sida ugu wanagsan lo garsiin karo tagerada dadka aadka u nugul.

Wasarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxa ka go’an dardargelinta iyo hormarinta adeegga bulshada iyo sidii wax looga qaban lahaa bulshada qeybaheeda kale duwan gaar ahaan dadka nugul.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaradda waxaa kasoo qeybagley Agasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yussuf Wadani iyo qaar ka mid ah la-taliyaasha wasaaradda.

Madaxweyne Deni oo Wakiilo Magacaabay

Madaxweynaha MaamulkaSiciid Deni ayaa habeen hore u magacaabay Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Punland.

Dikreto ka so baxday Xafiiska Madaxwene Deni ayaa Maxamed Dhabancad loogu magacabay in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland.

"Waxaa Maxamed abdirahman Dhabancad loo magacabay Wakilka Arimaha Siyasada iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Punland” ayaa lagu yiri dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale Wasiirkii Hore Tamarta iyo Macdanta Puntland Carshe Maxamed Siciid u maga-caabay in uu noqdo Wakiilka Arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Puntland.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan dadweyne Su’aalo lagu weydiiyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe ayaa fursad u siiyay dadweynaha degmada Cadalle inay weydiiyaan su’aallo toos ah.

Ujeeddada Kulankan Dolwadda iyo Dadweynaha Hirshabeelle ayaa ahaa sidii la isaga xog-waraysan lahaa mashaariicda horumarinta bulshada laga dhaqan geliyay degmada iyo baahiyaha wali ka jira deeg-anada Degmada Cadalle, iyadoo si gaar ah diirada loo saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka iyo midnimada bulshada, isku xirka maamulka degmada iyo dadweynaha loogana wada shaqayn lahaa horumarinta dowldnimada iyadoo loo marayaa kalsooni dhiska shacabka iyo Hay’addaha Dowlada Hirshabeelle.

Waxa kale oo la isla soo qaadey siyasadda iyo istaraatiijiyadda dowladdu ka leedahay dhisidda golaha deegaanka degmada xoojinta iyo horumarinta arrimaha Caafima-adka dalkeena iyo waxbarashada, maamul wanaagga iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Kaso qayb-galayaasha Kulnaka Dowladda iyo Dadweynaha Hirshabelle ayaa su’aalo, baahiyo bulsho iyo talooyin la wadaagay Madaxwenaha Hirshabeelle, xubno kamida Golaha Wasiirrada iyo Naamulka Gobolka Shabeellada Dhexe.

"Tani waa isla xisabtan dhab ah o Dowlada iyo shacabka ah, mana jirto cid aniga iyo bulshada inoo dhaxeyso.”

Degmada Cadalle waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu khadiimisan Gobalka Shabeellada Dhexe.

Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda degaanno ka tirsan gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ayaa wali howlgalo lagula dagalamayo Alshababo ka socda degan-ada waqooyi ee gobolka Jubada hoose gaar’ahan degano u dhow degmada Xagar.

Ciidamada Jubland & Ciidanka Xoogga dalka gaar’ahaan kuwa Danab ayaa bur-buriyay sida la sheegay fariisimo Alshabab ay ku lahaayeen agagaarka degmada Xagar ee hobolka Jubada Hoose.

Maalmihii la soo dhaafay degaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose waxaa ka socday Hawgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wadajir isaga kaashanaayeen Ciidamada Daraawiishta Jubland & Ciidamada Danab ee ka Hawlgala gobolka Jubada Hoose.

Xeer-ilaalinta Qaranka oo Raashiin dhacay ku celisay dalkii laga keenay

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka aya qaaday tallaabo culus oo ku aadan Raashin dhacay o 7-bishi Maarso ee sanadkan lagu qabtay dakadda magaalada Muqdisho, kaas oo la donayay in lo suuq geeyo suuqyada dalka.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu aha Bur ayaa ogaatay in uu yahay mid dhacay, kaas oo gaarayay 7 kontenar, iyado la wadagtay hay’adaha barista dalka.

Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa hay’adda taya-dhoorka kala wareegay Kiiskan, isagoo tan iyo bishii 3-aad baari ku hayay, iyago ugu dambeyn soo bandhigay inuu yahay burka mid dhacay, taas oo keentay in shalay oo Axad ah dalkii laga keenay dib loogu celiyo.

Xeer ilaaliye Mustaf Macalin Cali Salaad oo dekeda Muqdisho kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la go’aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah wadanka Turkiga, mag-dhawna laga qaday shirkadii laheyd raashiinka dhacay.

"Baaritan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa go’aan lagu so saaray in lagu celiyo meeshi laga kenay, todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illa hada waxa ilaaliyay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekedda”.

Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in warbixinta baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaab-tamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay.

"Dukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, oo lala wadaagaayo safaaradda Turkiga”.

Dhanka kale hay’adda Taya-dhowrka ayaa digniin culus u diray shirkadaha iyo ganac-satada soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono cid kasata oo rashiin dhacay dalka soo galiso.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan hoostaga Buurhakaba

Ciidanka Xooga Dalka io kuwa Darawishta maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Buurhakaba ayaa howlgal qorsheysan oo ay ku fuliyeen deegaanka Jameecada ee gobolka Bay ka saaray halkaasi.

Howlgalkan qorsheysan ee al-shabaab ka dhanka ah e ka dhacay deganka Jamecada oo 25 KM u jira degmada Buurhakaba ayaa waxa hada ku sugan Xooga Dalka, waxana meesha isaga cararay al-shabab baxsadka ka ah Cadalada kana ben-sheegay Diinta Islaamka.

Xoogga dalka ayaa howlgallo qorshahan iyo mid toos ah kawada guud ahaan deega-anada ay al-shabab kaga suganyihin dalka, waxana laga khaarajiyay al-shabaab horjo-gayal iyo maleeshiyaad tiro beel ah, iyadoo kuwa badana ay isku soo dhiiben laamaha amniga si loo horgeeyo Cadaaladda.

Askartii ku geeriyootay weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Taalo loo dhisay

Waxa shalay laga hirgaliyay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar Taalo loo dhisay askartii ku geriyotay weerarkii dhawaan ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar.

Askarta taalada loo dhisay oo dhamaantod geeriyotay aya ka kooban afar askari oo uu ugu horeeyay furahayahii Xabsiga Xasan Xusen Raage iyo sadax kale oo ka mid aha ilalada Xabsiga, kuwas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Yuusuf, Cabdifataax Cabdullaahi iyo Cumar Milixsan.

Kulan ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay isugu yimaadeen Sarakiisha ciidan Asluubta iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa laga xusay askartii ka qeyb qaadatay soo afjarista weerarkii ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sarakiisha iyo ciidanka Asluubta ku boriyay ka qeyb qaadashadodii weerarkii Xabsiga dhexe, isagoona faray iney ka feejignadan weeraro noocaas oo kale ah iney markale dhacaan.

Ugu dambeyntii dhisidda Taaladaan ayaa kuso beegmeysa, iyadoo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu horay u balan qaaday dalacsiin iyo taalo loo dhisi doono askarigii diiday inuu furaha ku wareejiyo maxaabiistii dooneysay iney Xabsiga ka baxsadaan.

Gaari ay wateen xubno ka tirsan Al-shabaab oo miino kula qaraxday Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku dhinteen qarax miino oo ka dhacay deegaanka Laagan oo u dhaxeeya deegaanada kala ah Guduudey iyo Buulo bacaad oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Xubnaha Al-shabab e qaraxa ku geriyoday ayaa ka koobna shan xubnood oo saarna gaari noociisa lagu magacaabo Succeed, kaaso u qabsaday qarax miino oo ku aasna wadada, waxaana la tilmaamay in gaariga xubnahan ay wateen qudhiisa uu siday waxyaabaha qarxa.

Ilo ku sugan deganka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegeen in dhamaan xubnihii saarna gaariga ee kooxda Al-shabaab iney ku geeriyoodeen qaraxa, islamarkaana oo gubtay gaariga ay wateen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno ka tirsan kooxda ay qaraxa kadib gaareen degankas, kuwaas o mesha ka qaday mey-dadka shanta xubnod iyagona sido kale jiitay haragi ka haray gariga qaraxa mino qabsaday e waxyabaha qarxana ku rarna.

Qaraxaan miino ayaa la tilmaamay in horay dhulka ugu aaseen xubno ka mid ah kooxda, wuxuuna kusoo beegmeya, iyadoo gobolka Jubbada Hoose ay ka socdaan howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland.

Go’aanno Laga Soo Saaray Dhammaystirka Nabadaynta Beelihii Ku Dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyan Odayasha Dhaqanka ee labada Beelood, Sacad iyo Lelkase, aya so saaray qodobo dhameystir u ah nabadaynta colaadi Galbedka Mudug.

Go’aannadan ayaa loogu talagalay in ay so afjaraan colaadda ayna horseedaan nabad waarta oo ka dhaqan gasha galbedka gob-olka Mudug. Fulinta iyo ilaalinta qodobadan waxay keeni kartaa in ay labada beelood ku noolaadaan nabad iyo wada noolaansho waarta, iyadoo laga fogaanayo isku dhac iyo khilaafyo mustaqbalka.

Dhinacyada oo shir ku yeeshay deegaanka Maygaagta ee galbeedka gobolka Mudug aya ku dhawaqay qodobada dhameystirka fulinta go’amadi xabad-jojinta ee colaadda labada beelood ee ku dagalamay galbedka gobolka Mudug.

Waxa la go’aamiyay in hubin lagu sameeyo dhammeystirka fulinta qodobadii xabbad-joojinta iyo kala qaadista maleeshiyaadka beelihi dagallamay, islamarkana ciidamada qaabilsan amniga ay xaqiijiyaan in aan isku dhac dambe imaan inta laga hirgelinayo heshiis nabadeed oo rasmi ah.

Waxaa sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo degaameyn laga sameeyo dhulkii lagu dagaallamay, waxaana loogu baaqay dhammaan odayaasha labada beelod in ay kaalintooda ka qaataan fulinta go’aannadii xabbad-joojinta labada dhinac.

5-ta Agoosto, 2024 ayaa loo asteeyay in uu furmo shirka rasmiga ah ee nabadaynta labada beelood, kaasi oo lagu qabanayo magaalada Gaalkacyo, si loo dhameystiro gogoshii wada-hadalka nabadda labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

Sido kale, waxa la go’amiyay in wadahad-alada gogoshu ay ku kobnadan odayaasha labada dhinac, iyado mamulada Galmudug iyo Puntland ay korjogteynayan mar walba, lana xallinayan wixi ay isku fahmi wayan, sido kalana ay farsamo ahaan hagayaan maamulka shirka.

Rag ku Eedeysan in ay dad shacab ah dhac u geysteen oo lagu qabtay degmada Wanlaweyn

Howlgal Wadajir oo iska kaashaden dadka degaanka iyo Taliska ciidanka Booliska degmada Wanla-weyn waxa ay gacan ku soo dhigen labo kamid Rag lagu Eedeeyay dhac ay u geysteen dad shacab ah.

Raggaan la soo qabtay ayaa ku Eedeysan in ay dheceen ku dhawaad 70 Taleefoon gacanta Waxaana la geeyay oo lagu xiray saldhiga booliska degmada Wanla-weyn ee gobolka shabeelada Hoose.

Qoral kaso baxay taliska boliska degmada Wanlaweyna ayaa lagu yiri:

"Eedeysane Maxamed Macalin Cabdullahi Ina hooyo Amina Abdullahi Macalin 22 jir ku dhashe Aw-cusman degan yahay deganka Aw cusmaan Waxay soo Xadeen 70 talefon asiga iyo ninkan la yiraahdo eedeysanaha kale Adan Muktar C/raxman Ina hooyo Amina osman Guudle 24 jir ku dhashey Walawen o u degan yahay xafada Baaran”

Amaanla degmada Wanlaweyn ee gobolka shabelada Hoose aya aad u soo hagaagay tan markii degmadaas uu ka bilowday Hawlgalada la dagaalanka burcad dadka telefoonada gacanta ka dhacda & kooxaha Isbaarada u dhigtay Gaadiidka

Turkiga oo Fiisaha u diiday Shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliyeed ee wata Baasaboorka Adeegga

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in aysan sii deyn doonin Viisadaha dal-ku-galka shaqalaha rayidka ah e dowlada Somalia ee heysta baasaboorka adeegga.

Go’ankan oo dhaqan galay laga soo bilabo 18-kii bishan July ayaa waxaa shaaca ka qaaday Xamza Aadan Hadow oo ah Xoghayaha Jogtada ee Wasarada Arimaha Dibada Somalia, isago tixraacayay warqad ka so baxde Safarada Turkiga e Muqdisho.

Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya ayu Xaadow ku wargaliyay muhiimada ay leedahay in shaqaalahooda ay ku wargeliyan is beddelkan cusub, iyago raacaya xeerarka dublamaasiyadeed.

Inkastoo Turkiga uu si weyn u caawiyo Soomaaliya, haddana helitaanka fiisoyinka ka Dalxiiska, Waxbarasho, iyo Fiisooyin Caafimad o ay ka bixiso Safaarada Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyay caqabad ku ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ma cada sababaha loo diiday dal ku galka, balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in laga yabo inay la xiriirto arrimaha socdalka, maaddaama shaqsiyaad ka yimid qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay Somalia ku jirto ay Turkiga u adegsadan marinka Yurub.

Soomaalida sharci la'aanta ku jooga Maraykanka oo loo kordhiyay muddada ay dalkaas sii joogaan

Maraykanka ayaa 18 bilood u kordhiyay Soomaalida sharci la’anta ku jooga dalkas, laga bilabo Sebtember 18, 2024, ilaa 17-ka Maarso, 2026, sababo la xiriira xaaladaha ka jira Somaaliya oo u diidaya in dadkan ay si nabad ah ku soo laabtaan.

Waxda amniga gudaha e dalka Marakanka ayaa sheegtay in ay qiimeeyeen iska horimaadyada hubaysan ee socda dalka, kuwaas oo ay sheegtay in aysan taagerayn in Soomaalida sharci la’anta ah dalkoda dib loogu…celiyo.

"Colaadaha hubaysan iyo nabad-gelyo-xumo bahsan ayaa waxyello u geystay dad rayid ah oo ku nool Soomaaliya sannado badan, taaso ay uga sii dartay shalay dhib-atoyinkii maclusha, cudurrada, iyo cimilada aadka u daran," ayuu yiri Xogha-yaha Amniga Gudaha Alejandro N. Mayorkas.

Alejandro N. Mayorkas waxa uu sheegay in Soomaalida horey u joogtay Mareykanka ay halkan degenan karan oo ay ka shaqeyn karaan inta xaladahan sii xumaanaya ay sii socdaan.

Dad gaaraya ilaa 600 oo hadda haysta joogista ku meelgarka ah ayey weli suragal u tahay inay sii hestan jogitan ilaa sanadka 2016-ka hadi ay ka soo baxaan shurudaha looga baahan yahay.

Dadka haystay joogistan KMG ah waxaa laga doonayaa in ay dib isu-diwangeliyaan. Sidoo kale, Soomaalida dalkaas galay wixii ka horeeyay bishii julay ee sanadkan, ayaa fursad u haysta inay dalbadaan sharcigaan kumeel gaarka ah.

Madaxweyne Trump oo Dib Ugu Soo Laabtay Ololaha Doorashada Mareykanka

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii daraad dib ugu soo laabtay ololaha doorashada, hal todobaad kaddib marki uu ka badbaaday isku-day dil xilli uu khudbad u jeedinayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

Musharaxa xisbiga Jamhuriga e dorashada madaxtinimada bisha November, ayaa dib uga bilaabay ololaha doorashada gobolka Michigan oo ka mid ah gobollada muhiimka u ah doorashooyinka Mareykanka. Trump ayaa markaan ololaha ku wehliyay ninka uu u xushay in uu u noqdo madaxweyne ku xigeen, D.J. Vanve.

"Waxay aheyd hal todobaad ka hor, xittaa saacadda iyo xitaa daqiiqadda. Fadliga ALLA dartiis ayaan hortiina ku taaganahay. Ee halkaan ma joogeen,” ayuu Trump ku yiri dadkii isugu soo baxay fagaaraha uu ka hadlay.

Toogashadii 13-kii bishi hore ee uu wiil hubeysani isku dayay in uu ku khaarijiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka, ayaa aad u gilgishay guud ahaan Mareykanka, iyado si isku mid ah loo wada cambareyay.

Hal qof ayaa ku dhintay halka saddex kale oo uu ku jiray Donald Trump ay ku dhaawa-cmeen. Ciidanka ilaalada gaarka ah ayaa dilay qofkii weerarka soo qaaday.

Doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2016-kii ayu Trump ku guuleystay gobolka Michigan, oo in ka badan 10,000 oo cod kaga sarreeyay Hillary Clinton. Laakiin doorashadii ugu dambeysay ee 2020-kii, waxaa codad dhan 154,000 uga badiyay madaxweyne Biden.

Madaxweyne Biden oo shaaciyay in uu ka haray tartanka doorashada Mareykanka

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhowaqay in aanu mar kale u tartami doonin xilka madaxweynaha Mareykanka, isaga oo soo afjaray ololihiisa dib u doorasho.

Biden ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay inu sii wadi doono xilkiisa madax-wenaha Mareykanka iyo taliyaha guud ee ciidamada, illaa muddo xileedkiisa uu ka dhammaanayo bisha Janaayo ee 2025.

Waxa uu intaas ku daray inuu qaranka la hadli doono toddobaadkan.

"Waxay ii ahayd sharaftii ugu waynayd nolosheda in aan noqdo madaxweynihiina. Islamarkana in inkasta oo ujeedkaygu ahaa in aan mar labaad isku soo sharaxo, waxa aan aaminsanahay in ay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba in aan ka haro, oo aan diiradda saaro oo kaliya fulinta waajib-aadkeyga madaxweynenimo inta ka hartay muddo xileedkayga,” ayuu qoray Biden.

Ka-haritaanka tartanka ayaa dhabbaha u xaaraya ku-xigeenkiisa Kamala Harris inay noqoto gabadhii ugu horreysay ee madow ah ee xilka madaxweyne u tartanta.

Biden o 81-jir ah kuma qexin magaca Haris warqadi uu ugu dhowaqay go’ankisa.

Sioo kale ma cadda haddii xubnaha sare ee Dimoqradiga ay Harris kula lolami donin magacaabista musharaxa madaxweyne ee Dimoqraadiga, iyo in xisbiga dooran doono in tartanka laga dhigo mid cid kasta u furan iyo in kale.

Go’aanka Biden aya daba socda mowjado cadaadisyo shaacsan iyo kuwa qarsoon ah oo kaga yimid sharci-dejiyayaasha iyo saraakiisha Dimoqraadiga oo ahaa inuu tartanka ka haro kadib bandhiggii xumaa ee uu ka muujiyey dooddii uu la galay musharraxa Jamhuuriga Donald Trump.

Xuutiyiinta oo Jawaab Adag Ka Bixiyey Weerarada Israa’iil una Hanjabay Dowladaha Carabta

Hogaamiyeyaasha kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa jawaab adag ka bixiyey weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiin, iyagoo sidoo kale hanjabaado culus u diray qaar ka mid ah dowladaha Carabta. Bayaan ay soo saareen, Xuutiyiinta ayaa si kulul u cambaareeyey weerarada Israa’iil iyagoo ku tilmaamay "falal gardarro ah oo ka dhan ah shacabka reer Falastiin.”

Xuutiyiinta ayaa ku hanjabay in haddii weerarada Israa’iil aysan joogsan, ay qaadi doonaan tallaabooyin milatari oo ka dhan ah danaha Israa’iil ee gobolka. Waxay sidoo kale ku eedeeyeen qaar ka mid ah dowladaha Carabta inay ku lug leeyihiin xasuuqa loo geysanayo Falastiiniyiinta,

Kooxda Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan taageeradooda dhanka hubka iyo maalgelinta ee ay siinayaan kooxaha iska caabinta Falastiin, iyagoo balanqaaday inaysan marnaba ka tanaasuli doonin difaaca qadiyadda Falastiin.

Hanjabaadan ayaa imanaysa xilli xiisaddu ay cirka isku sii shareertay kadib markii Xuutiyiintu weerareen caasimadda Israa’iil, taasi oo keentay in Israa’iil ay ka jawaabto duqeyntaas. Kooxdan yar ayaa laf dhuun gashay ku noqotay reer galbeedka. Dowladaha Carabta ayaa weli ka hadlin hanjabaadaha Xuutiyiinta, balse falcelinta laga sugayo ayaa lagu qiimeyn doonaa saameynta ay yeelan karto oo ah mid sareysa.

Israel oo duqeysay Gaza, Yemen iyo Lubnaan

Israel ayaa dishau 12 qof,kadib markii ay saddex weerar oo kala duwan ku qaadeen xerada qaxootiga ee Nuseirat, sida ay sheegeen shaqaalaha difaaca madaniga ah.

Sidoo kale Israel ayaa Dalka Yemen ku dilay ugu yaraan saddex qof , 87 kalena kudhaawacay weerar xagga cirka oo lala beegsaday xarunta kaydka saliidda iyo warshadda korontada ee magaalada dekedda ah ee Xudeyda.

Weerarada Israel ayaa sidoo kale sababay dhaawacyo ka dhacay koonfurta Lubnaan sida ay sheeheen saraakiil la hadlay wakaaladaha wararka.

Weerarada Israel ee Yemen iyo Lubnaan ayaa imaanaya xilli maalmihii tagay gudaha Israellala beegsaday duqeymo ay fuliyeen diyaradaha aan duuliyaha laheyn.

Sidoo kale Weerarada Israa’iil ayaa ku soo beegmay iyadoo caalamku ay ku baaqeen in la soo afjaro qabsashada Israa’iil ee dhulka falastiiniyiinta, ka dib go’aan ka soo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

Waa kuma AUN Sheekh Cusmaan Xiddig (WARBIXIN)

Bani’aadamku waa marqaatiga Alle ee Ifka jooga. Qofka Ahlukheyrka ah Uunka oo dhan ayaa wada jeclaada. Sheekh Cismaan saaka waxaa laga sagootiyay caalamkii uu sannadaha badan samaha iyo kheyrka ka waday. Safaf dhaadheer oo dad heer walba bulshada ka jooga ah ayaa xaadiray salaaddii Janaasadda oo saacado badan socotay si loo kala gaaro axbaabtii Sheekha oo u soo qulqulayay haleelidda fursadda qiimaha badan ee sagootinta mid ka mida dadkii ugu fadliga badnaa ee casrigan noolaa. Sidii ifka looga jeclaa in Aakhiro looga jeclaan doono ayaan u rajaynayaa.

Sannadkii 1940-kii ayuu ku dhashay meel la yiraa Dahar Aw-Dhiblaawe oo ah baaddiyaha magaalada Ceeldheer ee Bariga gobalka Galgaduud. Waxa uu ku abtirsadaa Sheekh Daa’uud Culusow oo ahaa caalim weyn, halgamaa iyo hoggaamiye caan ka ahaa goballada dhexe oo diin-fidinta iyo difaaca dadkaba hormuud u ahaa. Sheekh Cismaan-xiddig, isaga oo 5 jir ah ayaa loo billaabay duruusta Qur’aanka. Macallinkiisa waxaa la dhihi jiray ‘Macallin Baay’. ‘Magaca Baay’ waa Usha Ardayda lagu karbaasho. Macallin gacan kulul oo Qur’aanka si fiican looga barto ayuu ahaa.

Mar taariikhda Sheekha laga sheekeynayay, waxaa asaga laga soo xigtay in waagaas uu qur’aanka baranayay uu gaaray heer uu labada dhinacba u seexan waayo xannuunka jeedalinta macallinka dartiis. Waxaysa ahayd billowga ad-adayg, adkeysi iyo u-go’idda barashada diinta oo ka caawisay inuu isagoo aad u da’ yar fahmad fiican yeesho culuum badan oo diineedna barto. Markii uu 10 jir noqday ayaa loo soo wareejiyay magaalada Ceeldheer. Waxa uu ku biiray xerta adeerkiis Sheekh Cabdullaahi Sheekh Daa’uud, halkaas oo looga billaabay barashada culuumta diinta, gaar ahaan Axkaamta iyo Naxwaha.

Intaas ku ma uusan ekaanin, ee barashada diinta waxa uu ugu xereystay culumo kale oo waaweyn, sida Sheekh Abba Cali Sheekh Cali Maye oo uu dhowr sano magaalada Marka la joogay, asagoo u ahaa arday iyo muriid daacad ah oo si fiican uga soo diin-qaatay. Sheekha waxa uu yaraantiisii billaabay in uu ka saahido dhalaalka iyo dheregta adduunka. Wuxuu yeeshay dabeecado raad ku reebay noloshiisa iyo caafimaadkiisaba. Waxa uu ahaa mid gaajada iyo hurdo-la’aanta la saaxiib ah,waxaana la sheegay illaa markuu Ceeldheer Ardayga ku ahaa inuu maalintiina soomi jiray, habeenkiina Salaatu-Leyl iyo cibaado ku soo jeedi jiray. Waxaa dhici jirtay in maalmo badan marka uu masaajid ku jiro ay waalidkiis soo raadin jireen oo ku canaanan jireeen inuu Guriga yimaado oo Raashin fiican ka soo cuno.

Hab-nololeedkaas Alle-u-go’idda ah ee nasashada iyo nolosha raaxada leh ka fog waxa ay Sheekha ka dhigtay mid astaan u noqda dhowr-sanaanta iyo in aysan adduunyadu aheyn meel u qalanta in lagu kadsoomo oo darteed loo Aakhiro-seego. Waxa uu Sheekhu ahaa barbaariye si weyn isaga xilsaaray hagaajinta Ummadda. Waxa uu noloshiisa u huray soo-saarista kummanaan xertiisa ah, kuwaas oo uu daryeelkooda iyo diin-baristooda ka dhigtay mudnaanta koowaad ee noloshiisa.

Dhanka kale, nolosha adag ee istareexa ka fog oo uu Sheekhu naftiisa ku soo carbiyay waxa uu ka dhaxlay xanuunno intii dambe ee cimrigiisa ahaa la soo socday. Waxa uu noqday mid muuqaal ahaan da’diisa si aad ah uga weyn. Hadda oo uu 84 jir ku geeriyooday, dad badan ayay la ahayd in uu boqol xiray. Wax-soo-saarkiisa aqooneed oo aan tiro lagu koobi karin waxay isugu jiraan jiilal badan oo caalimiin ah, goobo cilmiga lagu barto oo meela badan ku yaalla, iyo kutubta uu qoray oo maraajic u ah dadka funuunta kala duwan ee cilmiga diinta ku foogan oo Soomaali iyo Ajaanibba leh. Kutubtaas waxaa ka mida kuwa sawirka hoose ka muuqda.

Taariikh nololeedka Shiikha waxaa soo aruuriyay Maxamed Dhaaleey oo ka mid ahaa Xerta Shiikh Cusmaan Xiddig ka aflaxday. Ilaahay ha u naxariistee, Sheekha waxa uu Ifka uga tegay Qoysas badan oo ballaaran, kuwaas oo isugu jiray carruurtiisa iyo wixii ay sii dhaleen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna aad u xusay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhexaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo shalay door weyn ku leh fidinta diinta” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Tacsi taasi la mid ah u diray Ra’iisul-wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aaden Madoobe, Masuuliyiin sare oo tirsanaa Dowladihii hore iyo Culumaaudiinka Soomaaliyeed.

” maxaa intaan Makhluuq ah isku keenay? oo Magaaladii xirxiray oo Wadooyinkii dhan Jaam u yihiin? kaliya Waa jaceylka ay u qabeen Shiiqooda ", sidaasi waxaa yiri:-Sh Cali nuur oo ka hadlaayay Salaadda Janaasadda kadib, "Xaramka mooyee meel kale laguma arag”, ayuu sii raaciyay. "Alle markuu addoonkiisa saalixa ah uu jeclaado wuxuu ugu yeeraa Malak Jibriil inuu adoonkaas jeclaado markuu jibriil jeclaado kadib malaaikta kale ayaa jeclaata kadibna dadka dhulka jooga ayaa wada jeclaada”.

Dadkan tira badan waa dadkii shalay ka qeybgalay Janaasada Caalimka Soomaaliyeed ee Sheekh Cismaan Xidig oo habeen hore ku geeriyooday Muqdisho isla shalayna lagu aasay Magaalada Muqdisho. Sheekh Cismaan wuxuu ahaa Caalim rabbaani ah, murabbi Zaahid ah dadka dhanna ay aad u wada jeclaayeen. intuu noolaa Sheekha wuxuu waqtigiisa oo dhan uu ku bixiyay faafinta diinta islaamka iyo soo saaridda jiilal ku hubeysan akhlaaq iyo culuumta shareecada ah.

"Xalay waxa ii soo baxday in uu geeriyooday Sheekh Al-Calaama Al-Faqiih, oo ahaa tafsiirkii suufiga ahaa ee la cusboonaysiiyay, caalimkii Cuthmaan bin Sheekh Cumar bin Sheekh Daa’uud ‘Xiddig allaah ha u naxariistee”, sidaasi waxaa Boggiisa Facebook-ga ku soo qoray Sheekh Coun Alqudumi oo ka mid ah Culumaa’udiinka WadamadaCarabta, islamarkaana u dhashay wadanka Urdun oo mar soo booqday magaalada Muqdisho.

Sheekhu waxa uu ka sheekeeyay taariikhda Sheekh Cusmaan xiddig, "Waxa uu bilaabay xirfadiisa aqooneed isaga oo xifdisan qur’aanka kariimka ah, isaga oo toban jir ah, wixii ka danbeeyayna waxa uu noqday xertii Sheekha, waxaana ka mid ahaa: adeerkiis, xaakimkii Sheekh Cabdillaahi bin Sheekh Daa’uud, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Sheekh Abuubakar bin Sheekh Mohayiuddin. iyo xertiisa Sheikh Hussein Mohammed Mahmoud Atta, caalimkii Sheikh Hussei bin Sheikh Mohammed Al-WarSheikhi iyo kuwo kale. Iyo Fasaaxadiisii ​​Xadiithka Sheekh Muxammad Axmed Maxamuud oo loo yaqaanay "Abba” iyo Sheekh Muxammad Nuur bin Sheekh Ibraahim bin Macallim Siraaj, iyo Fasaxdiisii ​​Calamada Al-Shatri, wuxuuna dariiqii Idiris ka qaatay Sheekhyo badan oo ay ka mid ahaayeen. Abtigiis Sheikh Ahmed bin Sheikh Daoud, iyo Mas’uulkiisa Sheikh Aba Ali bin Sheikh Mohammed bin Sheikh Ali Meye iyo Mashaa’ikh badan”.

"Sheekh Cusmaan waxa uu ka mid yahay Sheekha barakeysan ee doorkooda la badiyo, laguna cusboonaysiiyey u adeegidda baaqa Muxamed ee xilligan isbedbedelka ah, si uu Sheekheenu ugu dhawaado dhammaan wixii uu qabtay; aqoon, dhadhamin, adeeg iyo baaqba, waana mid ka mid ah indhihii Jihaadka dhabta ah ee wakhtigan la joogo, waana danta iyo culimadii qarniga Afrika ugu waa waynayd, Xataa lagu naanayso "Xiddig”, Eray Soomaali ah oo macnihiisu yahay Al-Najm Carabi, waxa uu soo kormeeray dhawr iyo toban xarumood, geeso iyo masaajidyo ku kala firirsan afarta dal ee Soomaaliya iyo dibeddiisaba, kuwaas oo Alle mahaddiis ka soo baxay, fadligii Alle, iyo ololihii sharecada Muxammadyah”.

Culumadii Tacsida Sheekha ka hadashay waxaa kaloo ka mid ahaa Sheekh Cali Wajiis " ” Aniga waxaan Ahay dariiqada axmadiya , Shiiq cismaan xidigna Saaxibkey ayuu ahaa ,hadda ka horna Culima la doodeysa intaan soo raacay ayaan isaga ku dhinac Noqday ” .

kumanaan Xer ah ayaa Lugeynaya Magaalada, Kuwaasi oo doonaya in ay ka qeyb galaan Janaazada Shiikha, waxaana la magacaabay Cidda bedeleysa, haddaba WAA KUMA SHEEKHA BADALAYA SH. CUSMAAN XIDIG? "Mas’uuliyadii iyo howshii Sheekh Cusmaan Xidig waxaa sii wadaya Sheekh Cabdifataax shalay isagaa noo ah Sheekh Cusmaan Xidig” sidaasna waxaa sheegay Sheekh Maxamed Daauud oo ka mid ahaa Khaadumiinta Shiikha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip