Halkaan Ka Aqrison Wararka Wargeyska Mogtimes

0
Saturday July 20, 2024 - 09:06:23 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan Ka Aqrison Wararka Wargeyska Mogtimes

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray awaamiir ku saabsan Xakameynta Hubka

Madaxwenaha Jamhuuriyada Federalka Somalia, ahna Taliyaha Guud e Cidamada Qalabka sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa guddmiyay kulan aan caadi ahayn o uu yeshay Golaha Amniga Qara-nka shalay oo ay Tariikhdu ahyd 18-ka july 2024. 

Kulanka ayaa qodobaddii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaano ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug. Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo ku aaddan dhacdadan iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan;

1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo hore ugu soo baxday (Digreetada Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray inay so gudbiso warbixin fahfahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

3. Goluhu wuxu isku raacay dhameytirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeyo Golaha Wasiiradda.

4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnucida iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

5. Wasaarada Cadaalada iyo hay’adaha fulinta sharciga waxa lagu adkeyey in si degdeg ah maxkamad lo so taago dhaman dadka ku lugta leh hawshan sharci-darada.

Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamud aya adkeeyay muhiimadda weyn ee ay ledahay in si adag lo hirgeliyo shur-uucda Xakamenta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabatenta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyasada dowlada ee Xakameynta Hubka.

Kulanka waxa ka so qebgalay R/wasaraha Xukumadda Mudane Xamza Cabdi Barre, R/wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadalada iyo Dastuurka Xassan Macalin Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Gashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ibraahim Sheekh Muxyadiin, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan, La-Taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin iyo Agaasimaha Madaxtooyada JFS Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

Cali Guudlaawe "Waxaan bulshada Cadalle kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan amniga”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe oo shalay la hadlay dadka ku dhaqan Degmada Cadalle ayaa ku baaqay in laga dhowrsado fidnada,isla markaana loo istaago Deris wanaag iyo midnimo. 

Madaxweynaha ayaa yiri "dalku ma hormarayo, dadkuna nabad kuma sexanayo hadi aan la qaban cid kasta oo dooneysa inay danahoda ka hormariyan danta guud.

Cali Guudlaawe ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Hirshabeelle ay ka go’an tahay wax u qabashada bulshada Degmada, isagoo dhinaca kalena dalbaday in laga dhowrsado daadinta dhiigga dadka walaalaha ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe waxa uu u mahadceliyay mas’uuliyiintii ka shaqeeyay daminta colaad dhowaan ka dhacday deegaano kulaala degmadaasi, wuxuuna si gaar ah u codsaday in dadku ay is gacanqabtaan oo ay ku wada noolaadaan walaalnimo iyo derisnimo.

Shirka Golaha Wasiirada XFS oo looga hadlay Amniga iyo Arrimaha Xajka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulankooda toddobadlaha ah, aya lagu dhagestay warbixino kala duwan oo ku sabsan xaalada guud e dalka.

Golaha ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashandhigga iyo Caddaaladda ka dhageystay warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ee ay ciidanka Qaranku ka wadaan qaar kamid ah gobollada dalka iyo shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Xabsiga dhexe ee Xamar. 

Shirka Golaha Wasiirada oo uu gudo-minayey Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu dhagaystay warbixinno kala duwan oo la xiriira, Arrimaha Xajka, Isku-xirka Dowladaha Hoose iyo la tacaalidda dhaawacyada iyo Cudurrada faafa ee ay kamid yihiin Shuban biyodka, Gawracatada iyo Jadeecada.

Wasiir Maareeye "Dal kasta oo aan ka helno badeeco waxaa lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan”

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe ku saabsan sidii loo heli lahaa isdhaafsiga badeecooyinka laga soo saaro gudaha iyo kuwa ka yimaada dibadda ee ay mamulaan ganacsatada. 

Maareeye ayaa xusay in lacago aad u badan oo kaash ah loo daabulo dibadda, halkii ayuu yiri ay habboonaan laheyd in la helo isdhaafsi dhanka ganacsiga ah oo ay wadaagaan Soomaaliya iyo dalalka kale.

Wasiirka ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo ku aadan dhiirigalinta wax soo saarka gudaha dalka si looga maarmo soo dejinta badeecooyinka laga heli karo dalka, isago dhinaca kale tilmaamay in dowladda u soo jeesatay qiimeynta waxa dalku soo saari karo iyo waxa uusan soo saari Karin.

"Dalka waxa soo gala badeecooyin laga heli karo soomaaliya sida hilibka iyo nucyada miraha khudaarta, sidaa daraded waxa dalalka kale lagu qasbi doona inay badeco naga qatan” ayu yiri Mareye.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamanka Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nur Madobe aya shir gudomiyay kulanka shanaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo gudiyada ee Villa Hargeysa, waxana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi omar Abshirow. 

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin kooban ka siiyay qorshaha xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

Intaasi ka dib, xubnaha Gudiga Jogtada ayaa ka dooday ajendaha kulanka oo ahaa ajendeynta fadhiyada isbuuca sedaxaad ee kalfadhiga shanaad, waxaana kulanka inta uu socday lagu soo bandhigay ajendayaasha ugu horeeya ee looga hadli dono kulamada guud ee Golaha todobadka so socda iyo sida ay u kala horeeyaan.

Sidoo kale Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday muhiimada Goluhu uu siinayo in shuruucda Golaha la hor keenayo ay miisaaniyadooda wataan.

Ugu dambeyn, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa wadar ogol ku ansixiyay ajendaha kulamada guud ee Golaha toodbaadka soo socda.

Ciidanka Xooga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 20 al-shabaab ah

Ciidanka Xooga Dalka aya shaley arortii howlgal ka fuliyay inta u dhaxeysa degmoy-inka Runirgod iyo Mesagawa o ka ka tirsan gobollada Shabellaha Dhexe io Galgadud, halkas oo Al-shabab lagu garisiyay khasaro dhimasho iyo dhawac isugu jira. 

Afhayenka Wasarada Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay howlgalkan lagu naafeeyay cadowga, isaga o sheegay in lagu bartilma-meedsaday 3-fariisin oo ku yaala aagaas.

In ka badan 20 dhagarqabe ah ayaa lagu dilay howlgalkaas oo uu ku jiro mid ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada, waxana laga furtay hub aad u badan sida uu sheegay afhayeenku.

Ciidanka Xoogga oo toogtay dhagarqabe, isla markaana qabtay sahay ku socotay al-shabaab

Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Mesagawey ee gobalka Galgadud ayaa saaka toogtay dhagar qabe ka tirsan Argagixisada kaas oo lagu qabtay koontaroolka magaaladaasi. 

Ninka la toogtay ayaa ku hubeysnaa qori AK-47 ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka ee ku sugan halkaasi.

Dhinaca kale ciidamada ayaa deeganka Xusen cagey ku qabtay 3 gaari oo nuucodu yahay layla Calawi, kuwas oo siday shidal.

Saraakiisha ayaa sheegay in gaaaridasi ay qabten ay saarnaayeen dumar u socday kooxaha Argagaxisada, isla markaana haatan ay gacanta ku hayaan.

Dagaal Al-shabaab looga dilay 15-xubnood oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Ciidanka Xooga Dalka gaar ahaan Ururka 39aad guutada 5aad qeybta 27aad iyo ururka 10aad ee Gorgor iyo dadka degaanka ayaa cadawga Al-shabaab Al-Shabaab kula dagalamay howdka degaano hoosyimaada Murcudka ee gobolka Hiiraan. 

Ciidanka oo guulo waaweyn ka gaaray cadwga ayaa ka dilay ilaa 15 ka mid ah Al-shabaab ayaga oo kasoo furtay hub iyo saanad kale.

Maxkamadda sare ee ciidamada oo markale xukuntay Qoslaaye iyo kooxdiisii

Maxkamadda Sare ee Ciidamada QS ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa Ex-dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisii oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi o ka wada shaqeyey dilka Marxum Abuukar Axmed Kaabax, falkasi oo dhacay 22-dii bishii February ee sanadkan 2024. 

Maxkamadda ayaa Ex-dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Ex-Dable Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ku xukuntay dil toogasho oo ah qisasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

Waxaana Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka Maxamed Cadaawe Cali, Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min 7 sano oo Xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ayaa hore xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan 6dii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.

Taliyaha CXD oo bogaadiyay doorka haweenka Soomaaliyeed ee dagaalka lagula jiro Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Jenaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kala wareegay Xarunta ololaha Hooyo u hiili qaranka raashin lagu garab istaagayo ciidamada dagaalka kula jira Al-shabaab.

Taliyaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay haweenka Soomaaliyeed ku taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyo kaalamada joogtada ah ay u fidinayaan Ciidamada Qaranka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka. 

Jenaraal Ibraahim ayaa intaan ku daray: "Waxaan uga mahadcelineynaa haweenka Soomaaliyeed taageerada iyo garab istaagga ay u muujiyeen CXD, waxa ay u hiiliyeen dalka iyo dadkaba.”

Taliyaha ayaa sidoo kale ku booriyay ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada in ay garab istaagaan haweenka Somaliyed si ay uga shaqeyan danta guud.

Jubbaland oo ku dhawaaqday in ay dhaqan gashay xabbad Joojintii laga sameeyay degmada Luuq

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku dhawaaqay in ay xabbad joojin ka dhaqan gashay degmada Luuq, ka dib dagaallo ay dad badan ku dhinteen oo labo beelood ku dhexmaray degmada Luuq. 

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa sheegay in dhinacyadii dagaalamay ay ku heshiiyen in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaalka.

Labada dhinac aya sido kale ku heshiyay in la furo wadahadal lagu xalinayo khilafkoda.

Xabbad joojintan ayaa daba socotay waanwaan uu madaxweyne ku xigeenla Jubbaland ka sameeyay magaalada Luuq halkaas oo uu kula kulmay odayaal ka soo kala jeeda beelihii dagaalamay.

Colaadda degmada Luuq ayaa geysatay khasaare ballaaran, iyadoo kumanaan qoys ay isaga barakacen guryahoda iyago ka cararaya inay naftoda ku wayan colada.

Dowladda Federaalka ayaa ka digtay in isku dhacyadaasi ay noqon karaan isku day lagu doonayo in looga weeciyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Galmudug oo soo dhoweeysay in maxkamad lasoo taago dadkii hubka sharci darrada ah soo galiyay deegaanadeeda

Maamulka Galmudug aya soo dhoweyay go’aankii kasoo baxay Guddiga Amniga Qaranka ee la xiriiray hubka sharci darrada ee sida qarsodiga ah looso galiyay gobolka Galgaduud. 

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray hay’adaha garsoorka Galmudug inay hay’adaha Dowladda Federaalka kala kashadan sidi cadalada loo horkeeni laha kuwi ka dambeyay so galinta Galmudug hubkas, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. 

Galmudug waxay dalbatay in si degdeg dambiilayaasha maxkamad loosoo taago.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda hubka gacanta u galay shacabka Cabudwaaq.

Wafdi ka socda Dolada Federalka Somalia oo ku sugan Cabudwaq, ayaa ku howlan sidi hubka loga so celin laha gacanta shacabka.

Waxgaradka degmada Luuq oo qaaday tallaabo dhiiri-gelineysa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Odayaasha iyo waxgaradka Degmada Luuq ayaa Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ku wareejiyay dhowr-neef oo geel ah, kuwaa oo qayb ka ah Geel badan oo waxgaradku deegaanka ugu talagaley in lagu dhiirigaliyo guusha ay ciidanku ka keeneen howlgalkii wadada Luuq iyo Doolow oo looga saaray Al-shabaab. 

Geelan waxaa la wareegay saraakiil ay ka mid yihiin abaandulaha qeybta 43aad ee Xoogga dalka, Taliyaha qeybta Booliska ee Gobalka Gedo iyo taliyaha Guutadda 10aad ee qeybta 43aad Gobalka Gedo.

Dowlada Soomaaliya Oo Cunoqabatayn Ku Soo Rogtay Saraakiil Ka Tirsan Alshabaab

Guddiga Qaran Ee Ka-hortagga Lacag Dhaqidda iyo La-dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (GQKLDH/LMA) ayaa soo saaray liiska cunaqabateynta maaliyadeed ee qaran, oo lagu beegsanayo saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab. 

Qoraal ka soo baxay Guddiga waxuu sheegay inuu ugu gol-leeyahay in uu cunoqabataynta inuu la dagaallamo maalgelinta argagixisada iyo in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada ee dalka. 

"Guddigu wuxuu doonayaa in uu carqaladeeyo isla markaana la cuna qabateeyo shakhsiyaadka & hay’addaha taageera argagixisada si sare loogu qaado nabadgalyada dalka.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga.

Waa markii labaad ee guddigan uu soo saaro magacyada dad la saaray cunaqa-bateynta maaliyadeed kana tirsan kooxda Al-Shabaab.

Safiirka Soomaaliya ee Nairobi oo kulan la yeeshay dhiggiisa Boqortooyada Belgium

Danjiraha Boqortoyada Belgium ee Kenya, Mudane Peter Maddens, ayaa boqasho sharafed ugu tagay Safiirka Somalia e Nairobi, Mudane Jibril Ibrahim Abdulle. 

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeya Belgium iyo Somalia, waxayna labada Danjire ka wada hadlen arrimo kala duwan oo dan guud ah labada dal, sida amniga, dhaqalaha, io hormarinta bulshad.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal, si loo gaaro horumar waara oo dhexmara Somalia iyo Belgium.

Aqalka Knesset-ka oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Dowladnimada Falastiin

Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel aya melmariyay hindise sharciyed sharci ka dhigaya inanan la dhisi karin dowlad ay leyihin shacabka Falastii-niyiinta amaba dowlad ka barbar dhalata Israel. 

Xildhibanada Barlamanka aya codkoda ku tageray, sida ay xukumada uga so horjedo dhismaha Dowlada Falastiin, taas o ay u arkan mid khatar ku ah amniga Israel.

Qaraarka ayaa taageeraya in Israel ay sii haysan doonto dhulka laga haysto Falastiiniyiinta, iyagoona joogitaankooda dhulkaasi ku sheegay mid ku jirto danta amnigooda, ayna yareynayso waxa ay ku sheegeen khatar jirta.

Tani ayaa imanaysa dhowr cisho uun ka hor booqashada uu Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu toddobadka soo socdo ku tagayo dalka Mareykanka.

Tallaabadan ayaa waxaa Khamiistan cambaareeyay Falastiiniyiinta iyo dowlado kale, kuwaa oo ka walaacsan xalaaleysiga sharci darrada ah ee Israel.

Dowladda Faransiiska oo kale war ka soo baxay Wasaradeda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Paris ay aad uga naxsan tahay qaraarkan, isla-markaana uu khilafsan yahay go’amadi uu qaatay Golaha Amanka ee Qaramada Midoobey.

Netanyahu ayaa horey wacad ugu maray in muddada uu joogo xafiiska aanu marnaba ogolaan doonin dhismaha dowlad deris la ah Israel.

Bishii January, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa si kulul u cambaareeyay war xilligaasi ka soo yeeray Netanyahu, kuna sheegayay inaysan aqbali doonin in la yegleelo Dowladda Falastiin.

Josep Borrell ayaa 22-kii bishaasi ku nuuxnuuxsaday in qaabka ay Israel u wajaheyso dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas uu yahay mid abuuraya sida uu yiri naceyb jiilalka soo socda ah.

Borrell ayaa carabka ku adkeeyay in xalka laba dowladood oo deris ah looga gudbi karo colaadda muddada dheer ka dhex taagan Israel iyo Falastiiniyiinta.

Xoghayaha Guud e Qaramada Midobey, António Guterres aya dhawan ku baaqay in dalalka caalamka ay taageeraan in la helo xalka laba dowladod o nabad ku wada nool.

Guterres ayaa dunida ku booriyay in la jebiyo gidaarka ay Israel ku horgudubtay rajada bulshada caalamka, si ficil loogu bedelana ay tahay in la soo afjaro colaadda 75-kii sano ee ugu dambeysay ka jirtay Bariga Dhexe.

Qiyaastii 150 ka mid ah dalalka calamka, o ay ku jiran qaar ka mid ah kuwa reer galbedka aya horey u aqonsaday Dowlada Falastin.

Dalalka gobolka iyo kuwa reer Yurub qaarkood ayaa u ololeynaya in dowladda ay yeelanayaan shacabka Falastiiniyiinta laga dhiso Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.

Duulanka Israel ee Marinka Gaza ayaa xojiyay qadiyada qaranimada Falastiin-iyiinta ee masraxa caalamiga ah, iyadoona Israel ay tobanan sano hortagned inuu melmaro qorshaha ay shacabka Falastiin-iyiinta ku doonayan inay noqdan dowlad la aqonsan yahay, xubina ka ah Qaramada Midobey.

Israel oo Gaza ku dishay 81 qof 24-kii saac ee u dambeeyay

Wararka ka imaanaya Gaza ayaa sheegaya in ugu yaraan 81 ruux lagu dilay weerarro Israel ay ku bartilmaameedsatay guryo la degan yahay iyo xarumaha Qaramada Midoobay ee ku yaalla Gaza. 

"Dhammaan shuruucdii dagaalka waa la jebiyey”, iyadoo ugu yaraan siddeed dugsi oo ay deganayen Falastiiniyiin barakacayal ah la weerartay 10-kii maalmood ee la soo dhaafay, ayuu yiri Philippe Lazzarini oo ah Madaxa Qaramada Midoobay u xilsaaran gargaarka dadka Falastiin (UNRWA).

Dhinaca kale, Riyad Mansour ergeyga Falastiin ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midobay in dagalka Isra’il ee Gaza uu yahay xasuqa ku diwangashan taariikhda.

Sido kale, Ergayga Washington ee UNSC aya sheegay in wax xooga horumar ah laga laga gaaray wadahadallada lagu raadinaayo xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhaqangasha Gaza, ka dib markii goluhu dalbaday arrintaasi ​​afar bilood kahor.

Ugu yaraan 38,794 qof ayaa la dilay, 89,364 kalana waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Xisbullah oo ku hanjabtay inay bartilmaameedyo cusub ka fulin doonto gudaha Israel

Hoggamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa ku hanjabay inay werara-doda ku ballaarin doonaan gudaha Israel, hadii aysan Tel Aviv joojin rayidka ay ku beegsaneyso dalka Lubnaan.

Hogamiyaha aya Israel uga digay in Xisbullah ay bartilmamedyo cusub ka fulin donto dhul hor leh, hadi ay Tel Aviv sii wado duqemaheda ay ku dhibateneso shacabka Lubnaan. 

Hassan Nasrallah oo Arbacadii khudbad uu jeediyay laga daawanayay shashadaha dalkasi aya wuxu sheegay in sideed qof oo shacab ah lagu dilay weeraradii ay Israel malmihi la so dhafay ka fulisay dalkasi.

Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in duqayn ay Israel Talaadadii ka gaysatay koonfurta dalkaasi ay ku dhinteen shan qof oo saddex ka mida ay carruur yihiin.

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sheegay in Israeliyiintu ay arki doonaan Xisbullah oo garaaceysa deegaano cusub iyo dhiigga dad badan oo rayid ah oo daadanaya, mar kasta oo Israel ay si aan laga fiirsan u dhibaateyso shacabkooda.

"Sii wadidda beegsiga shacabka waxay iska caabinta ku riixi doontaa inay gantala-dodu gaaran deganada aan horey loo bartilmamedsan.” Ayu yiri Hogamiyaha Xisbullah.

Ka dib 8-dii bishii October oo xiisadda labada dhinac ay soo cusnoonaatay ayaa waxaa la sheegaa in duqaymaha Israel ka gaysatay dalkaasi ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, oo ay ku jiraan 104 qof oo dad shacab ah.

Israel ayaa dhankeda qiratay in gantalaha Xisbullah ay kaga dhinten 17 askari iyo 13 qof oo rayid ah, waxana coladan ku barakacay shacab farabadan oo labada dhinac ah.

Hassan Nasrallah, Hogamiyaha Ururka Xisbullah ayaa dhanka kale ka digay in Israel ay weerar dhinaca dhulka ah ku soo qaaddo koonfurta Lubnaan, haddii kalena ay la kulmi doonto cawaaqib daran.

Hogamiyaha Xisbullah ayaa sheegaya in haddii uu qarxo dagaal aan loo meeldayin aanu jiri donin wax tangiyo ah oo u hari doona Israel.

"Hadi tangiyadinu soo galaan Lubnaan, wax taangiyo ah idinma hari doonan.” Ayuu yiri Hogaamiyaha Xisbullah.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Israel ay bishii 10aad dagaal kaga jirto Marinka Gaza, halkaana lagu wiiqay cududdeedii ciidan.

Hadda, haddii ay furin kale oo dagaal ka furto jeeddeeda waqooyi ayuu sheegay inuu noqon doono midkii ay Tel Aviv ku burburi lahayd, isla-markaana ay isaga filan yihiin dagal ballaran oo ka dhex qarxa.

Hassan Nasrallah ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku garab taagan yihiin shacabka reer Gaza, illa io intay Israil ka jojineyso dagalka Gaza.

Hanjabaadaha ay dhinacyada isaga jeedinayaan qalabka Warbaahinta ayaa kordhinaya cabsida laga qabo dagaal gobolka gelin kara xaalad cakiran.

Ingiriiska oo dib u bilaabaya kaalmada ku socota dadka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska David Lammy ayaa u sheegay baarlamaanka inuu ku kalsoon yahay in hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxotiga Falastiin ay qaadday tallaabooyin ay ku hubinayso heerarka ugu sarreeya ee dhexdhexaadnimada. 

Wasiirka ayaa wuxuu xaqiijiyay in dowlada Ingiriiska ay siin doonto hey’adda gargarka Falastiin ee Qaramada Midoobay (UNRWA) 21 milyan oo ginni oo u dhigma ($27m).

Hadaladaan ayaa imaanayaxilli ay weli soo socdaan duqeymaha Israel ee Gaza, iyadoo weeraradii ugu dambeeyay lagu dilay15 ruux oo ku sugnaa dugsiyo ay maamulaan Qaramada Midoobay oo ku yaalla Gaza, gaar ahaan laba kaam oo ay ku jireen dad barakacayaal ah.

Dhinaca kale diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa la sheegayaa in lala begsaday Magalada Tel Aviv, waxaana maamulka Israel ay ku goodiyeen in ay qaadi doonaan tallaabo aargoosi ah.

Milateriga Israa’iil ayaa rumeysan in diyarada Droniska ah ay ka soo duushay Yemen, iyago sheegay in nuuca diyaradasi ay ahayd mid la hagajiyay oo ah diyaarada Samad-3 ee ay Iiraan nashqadeysay.

Ruushka oo duray weerarada Israel ka waddo Marinka Gaza

Dowladda Ruushka ayaa Israel ku eedeysay in ay ciqaab wadareed ka dhan ah dadka rayidka ka waddo Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa Arbacadii sheegay in dagaalka Israel ee Gaza uu ka gudbay dagaal u dhaxeeya laba garab, balse Israel ay dagaalkeeda u bedeshay mid ay ku ciqaabeyso dadka rayidka. 

Inkastoo Wasiirku uu horey u cambaareeyay weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, haddana waxa uu sheegay in aargoosiga Israel uu isku bedelay mid si toos ah ciqaab wadared loogu sameynayo 2.3 milyan oo qof oo ku nool Marinka Gaza.

"Dagaal Israel ee Gaza wuxuu la mid yahay ciqaab wadareed lagu sameynayo 2.3 milyan oo ku nool Marinka Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo walaac ka mujiyay xadgudubyada Israel ee ka dhanka ah xerarka calamiga ah.

Waxa uu sheegay in sharciga caalamiga ah ee bani’adannimada uu mamnuucayo in xilliyada coladaha la adegsado waxyabaha ka hor imanaya shuruucda caalamiga ah.

Waxa kaloo uu sheegay in cidina aysan xadgudub dhacay uga falcelin karin nooc kale oo xadgudub ah, iyadoo markaasi la jebinayo xeerarka caalamiga ah.

Mar wax laga weydiiyay xiisadda Xisbullah iyo Israel ayuu sheegay in Xisbullah ay isku dayeyso in ay xakameyso weeraradeeda, balse ay Israel qaadeyso tallaabooyin ay ku dooneyso in ay kaga carreysiiso.

Wasiir Lavrov ayaa ku waramaya in Xisbullah iyo Iran aanu midkoodna doneyn dagal tos ah, tasi bedelkeeda ay Israel isku dayeso in dagalka ay so geliso Marekanka.

"Waxay ila tahay inay aad u xun tahay haddii kooxaha qaar ay isku dayayaan inay danahooda gaarka ah ka hormariyaan danta ummaddooda.” Ayuu yiri Wasiirku.

Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa sheegay in Moscow ay sameynayso wax kasta oo suurtagal ah, si xiisadda loo dejiyo.

Wasiirka oo hadlayay, ka dib markii uu shir guddoomiyay kulan ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeesheen xiisadda Bariga Dhexe ayaa waxa uu muujiyay in xiisadda goboka ay salka ku hayso colaadda Marinka Gaza. Ruushka ayaa bishan July u leh shir guddoonka kulamada golaha, maadaama dalalka xubnaha ka ah golahaasi uu mid walba bil u leeyahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa Xubnaha Golaha Ammaanka ku edeyay inay dhaqangelin la’yihiin go’amadi ay horey uga so saren, si lo jojiyo colaadda Gaza.

"Muddo 10 bilood gudahood ah waa markii afaraad oo goluhu uu yeesho kulamo heer wasiir ah, afar go’aan ayaa la qaatay. Si kastaba ha-ahaatee dhiigga ku daadanaya dhulka la haysto ee Falast-iiniyiintu waxa ay mar kale xaqiijinayaan in dhamaan go’aamadan ay ku hareen khad warqad ah.” Ayuu yiri Lavrov.

Lavrov ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in daacad laga noqdo wada hadalada xabad joojinta Gaza, si markiiba loo joojiyo buu yiri dhiigga daadanaya, dhibaatada dadka rayidka ah iyo in loo dhaqaaqo heshiis waqti dheer ah.

Warka Lavrov ayaa ku soo aadaya saacado uun ka dib, markii Raysal Wasare Benjamin Netanyahu uu dib u soo cusb-oneysiiyay hanjabadiisa ahayd in dagaalka uu sii socon doono.

Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis ku saabsan sahminta saliidda iyo gaaska

Somalia iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan sahaminta iyo soo saarista Saliidda iyo Gaaska, iyadoo heshiiskan uu noqonayo tallabo kale oo kor u qaadaysa xiriirka u dhexeeya labada dal. 

Heshiiska waxaa magaalada Istanbul ku kala saxixday Wasirka Tamarta iyo Kheyradka Dabiiciga ah ee dalka Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Somalia Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirka tamarta Turkiga ayaa ku dhawaqay in Turkigu u diri doono Markab-kiisa cilmi baarista ee Oruç Reis si uu cilmi baaris ugu sameyo aag ka baxsan xeebaha Soomaaliya dhamaadka sanadkan.

Bayraktar oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay, in Turkigu siddeedii sano ee u dambeeyay uu ku howlanaa dadaallada sahaminta gaaska dabiiciga ah, isagoo adegsanaya awodiisa maraakiibta qodista.

"Waxaan tusaale u aragnaa tan shalay, in heshiiskii aan Soomaaliya kula galnay hoolkan 7-dii March, 2024, uu shalay noqday mid la taaban karo,” ayuu raaciyay.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Bayraktar aya inti uu khudbadisa ku guda jiray waxa uu ku dhawaqay in Turkiga uu sahamin dono Gaska Dabiiciga ah iyo Shidalka sadex qeybod o ku yala Bada Somalia.

Madaxweynaha Kenya oo magacaabay Golihiisa Wasiirrada

Madaxwenaha Kenya William Ruto ayaa shalay so dhisay xukumad cusub, isago dib u so magacabay dhor xubnod oo ka tirsana golihii wasiirada e u todobadki hore xilka ka qaday. 

Ruto oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa ku dhawaaqay inuu magacaabay xukuumad midnimo oo sal ballaaran kana kooban 11-wasiir.

Wasiirada cusub ayaa ka soo dhex muuqday Aadan Barre Ducaale oo ٍSomali Kenyan ah, kaas oo loo magacabay jagada u hore u hayay ee Wasarada Gashandhiga.

Talaabadan ayaa timid kadib dibadbaxyo dhawaan dalkaasi ka dhacay, kaasoo sababay in laga laabto sharci canshuur ah.

Mujaahidiinta Falastiin oo soo dhaweeyay weerarka Xuutiyiinta ay ka gaysteen Tel Aviv

War ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Mujaahidiinta Falastiin ayay si weyn ugu soo dhaweeyeen weerarka xuutiyiinta ay ka gaysteen xarunta Yuhuuda ee Tel Aviv. 

Mujaahidiinta Falastiin waxay ku ammaaneen fallaagada Xuutiyiinta Yemen howlgalka gesinimada leh ee ka dhanka ah Tel Aviv, iyagoo sheegay in Falastiiniyiintu ay qaddarinayaan taageeradooda joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin reer Gaza.

"Waxaan xaqiijineynaa inaan soo dhaweyneyno waxay sameeyaan Yemen iyo inta kale ee ka soo horjeeda faragelinta millatariga ee nalagu hayo, si ay u tageeraan kuwa la dulmiyay oo ay joojiyaan caddaalad darrada Sahyuuniyadda,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xarunta Warfa-afinta ee Falastiiniyiinta (Palinfo).

Kooxdu waxay intaa ku dartay in beesha caalamka, ay si dadban u tageran hay’adda dambilayasha ah e ka dhanka ah dadkena, iyagoo qiil uga dhigaya dambiyadooda iyo in ay siiyaan dabool caalami ah si ay u sii wadaan xasuuqa ka socda Marinka Gaza

"Waxaan ugu yeereynaa dhammaan xoogagga iska caabinta ee qarankeena si ay u kordhiyan dhaman nocyada cadad-iska, gaar-ahan cadadiska militariga, ee ka dhanka ah cadawga Sahyuuniyadda, iyo sidoo kale inay cadaadis saaraan tagera-yashoda Mareykanka ilaa laga joojiyo dambiyada xasuuqa ee Gaza,” ayaa mar kale lagu yiri warka ka soo baxay kooxdu Falastiiniyiinta.

Madaxda Degaannada Soomaalida iyo Canfarta oo heshiis rasmi ah gaaray

Madaxwanayasha Deganada Soomalida iyo Canfarta ee dalka Itobiya ayaa sheegay in lasoo afjaray isla markaana heshiis rasmi ah laga gaaray colaaddii ka dhex taagnayd labadas degan, tas o mudo dher so jitante. 

Wada hadallo maalmihii lasoo dhaafay usocday madaxda labadaas degaan ayaa ugu dambeyn galinkii dambe ee daraad qalinka lagu duugay heshiis rasmi ah oo lagu joojinayo colaaddii ka dhex taagnayd Somalida iyo Canfarta, taas oo mudooyinkii u dambeeyay dhiig badan ku daatay.

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo heshiiskan ka hadlay ayaa sheegay in ugu horreyn loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha keena isku dhacyada labada degaan, muhiimna ay tahay in dadkii ku barakacay collaaddan lagu celiyo guryahoodii " Waxay labada degaan isla meel dhigeen in colaadda la joojiyo, lagana fogaado waxyaaba isku dhacyada keenaya, heshiiskana inaan hirgalino diyaar baanu u nahay" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Dhiniciisa Madaxweynaha Dowlad Degaanka Canfarta Awal Arba oo isaguna ka hadlay heshiiskan uu degaankiisu la galay degaanka Soomaalida ayaa sheegay in lagu heshiiyay in la joojiyo Xabadda iyo isku dhacyada labada degaan, isla markaana la qabto wada hadal dadweyne iyadoo loo marayo qaab dastuuri ah.

Haddaba qodobada ay labada dhinac waa Soomaalida iyo Canfartu ay ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa, In Xabad-joojin dag dag ah la sameeyo, in dadkii ku barakacay collaadda labada degaan lagu celiyo goobihii ay ka soo barakaceen, In dhibaatoyinkii dhacay halkaas lagu soo afjaro iyo In labada degaan waa Soomaalida iyo Canfarta ay ka shaqeyaan sidii lo hirgalin lahaa heshiiska nabadeed.

Waxaa kale oo kamid ahaa waxyaabihii lagu heshiiyay in sidoo kale dib u dejin loo sameeyo dadkii ku dhibaatoobey isla markaana waxyeelladu ka soo gaartay colaadda labada degaan, In dib loo kala qaado oo la kala durkiyo Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Canfarta, In dadka deggan magaaloyinka uu muranku ka taagan yahay laga qaado Afti iyadoo la raacayo sharciga uyaalla Dastuurka dalka Itoobiya iyo In Ciidamada Melatariga lagu wareejiyo amniga saddexda magaalo ee horey la isugu hayay.

Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Siti ee Dowlad Degaanka Soomaalida oo ka hadlay siday u arkaan heshiiskan ayaa maalinimadii daraad ahayd gaareen Madaxda Soomaalida iyo Canfarta ayaa sheegay in marar kala duwan oo hore ay sidan oo kale heshiisyo loo gaaray, balse hadda ay u arkayaan in heshiiskani hirgalay marka dadkii soo barakacay ay goobahoodii si nabad ah ugu noqdaan dhiig dambena uusan daadan.

Soomaalida iyo Canfarta wada degta dalka Itoobiya ayaa muddo aad u dheer waxay isku hayeen dhul maamullladii hore ee degaannadaas ay si khaldan ugu heshiiyeen, iyadoo dhul Soomaali deggan yihiin lagu wareejiyay xilligaas maamulka Canfarta, dhibaatadii halkaas ka dhalatay ayaa keentay in colaaddan dabada dheeraatay ee dhiigga badani ku daatay, marba marka xigtana heshiisyo cusub laga gaaro, balse waxaa laga dhur sugayaa hadda sida uu u hirgalo heshiiskan cusub ee u dambeeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip