Halkan ka Aqriso Wararka Wargeyska Muqdisho Times

0
Sunday July 14, 2024 - 11:33:30 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan ka Aqriso Wararka Wargeyska Muqdisho Times

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
 

Wasiirka Kalluumeysiga XFS” Dagaal xoog leh ayaa ku qaadnay kalluumeysigii sharci darrada ahaa ee baddeenna ka socday”

Wasiirka wasarada Kalumesiga xukumada Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Qaranka ku shEegay in ay Dowlada Federaalku qaaday dagaal xoog leh oo ka dhan ah kallumeysigii sharci darada aha ee badeenna ka socday.

Wuxuu hoosta ka xariiqay wasiirku, in Dowlado badan laga saaray Baddeena, qaarna hadda lagu talo jiro, maadaama ay ku xad gudbeen nidaamka kalluumeysiga baddaha. 

” Maaddaama ciidankeenu Badda uusan jirin ama awood badan uusan horey u lahayn, dalkana soo korayay, waxaa iska dayacnaa runtii Baddeenu oo aad u balaaran,marka waxaa batay dad badan oo si sharci daro ah uga kalluumeysto, waayahan dambe waxaan ku qaadnay dagaal xoog badan mid sharci oo aan dacweyneyno dadka ku lug leh waxaa, dignoono oo aynu soo saarnay iyo dowladda Soomaaliya oo awood u yeelatay Tiknooloji ahaan in ay Badda ilaaliso oo aan ogaan karno maraakiibta Baddeenu soo marto nooca ay yihiin, meesha laga leeyahay, inta ay yihiin iyo meesha ay u socdaan, taas oo sahashay in cidii aan ku dhaho markabkaada Baddeenu ayuu ku jiraa haddii aysan noo bareerin kala baxdo ama ay sharci na weydiistaan ama aan ku dacweyno oo ay ciqaab iyo cambaareyn kala kulanto, marka hadda Dowladda waxay awood u ledahay in ay kontaroosho Baddeeda,” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Soomaaliya aya hada awood buuxda u leh in ay maamusho Baddeeda, waxaana meesha laga saaray kalluumeysi sharci-daro ah oo muddo badan ka socday Baddeena.

Madasha hoggaaminta wax ku oolka ah ee Hoggaanka sare ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya oo Kismaayo ka furmay

Hoggaanka sare ee bahda cadaaladda Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Suleynaan Maxamed Maxamuud iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, iyo madaxweynaha jubalanad Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qeyb galay munaasabadda furitaanka Aqoon isweydaarsiga ku saabsan hoggaaminta wax-ku-oolka ah ee Hoggaanka sare ee bahda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya 

Ugu horreyn waxaa munaasabadda si kooban uga hadlay oo hadafka madasha la wadaagay mas’uuliyiin Xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Faysal Aadan oo yiri, "Ujeedooyinka shirkaan weyn ee aan isugu nimid waxaa ugu weyn inaan aqoon iyo xirfado cusub kororsanno si aan u horumarinno shaqadeenna iyo hey’adaha cadaaladeed ee dowladda heerarkeeda kala duwan iyo inaan ka tashano oo aan iska wareysanno qorahaha cadaaladeed ee mustaqbalka si aan isku aragti uga noqonno hadafyada waaweyn ee udub dhexaadka ah u ah horumarinta hannaanka cadaaladeed ee dalka”

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud oo muhiimadda shirkaan ku sheegay kalimad kooban oo uu ka jeediyay munaasabadda furitaanka ayaa yiri, "Waxaan rajeynayaa inaan ka faa’iideyan doono aqoon is-weydaarsigaan, annaguna aan kala faa’iideysanno inta aan wada joogno, maamaada ay hey’adaha Cadaaldda dalku u baahanyihiin hoggaan wax bedeli kara, hogaan xaalad ka gudbi kara iyo hoggaan suuban oo loo aayo”.

Taliye ku-xigeenka asluubta Soomaaliyeed, Gen. Cilmi Waasuge, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Suleynaan Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed, iyo madaxweynaha jubalanad Axmed Maxamed Islaam oo isagu si rasmi ah u furay munaasabadda ayaa dhammaantood ka hadlay kaalinta hoggaaminta suuban ay ku leedahay horumarinta hanaanka cadaaladed ee dalka, waxeyna ka qeyb galayaasha ku dhiirri geliyeen inay ka faa’iideystaan aqoon-isweydaarsiga.

Madasha hoggaaminta wax ku oolka ah ayaa hoggaanka sare ee bahda caddaaladdu waxay ku korosaayaan aqoon la xariirta fahamka guud ee hoggaaminta wax ku oolka ah, xirfadaha lagama maarkaanka u ah hoggaaminta, iyo wada-shaqeynta.

Xildhibaanada golaha shacabka BJFS oo shalay ka doodaya hindise sharciyeedyo muhiim ah 

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya aya shalay ka dodaya dhismaha hay’adaha madaxa banan ee aan miisaniyada lahayn.

Kulanka oo uu shirgudooominaya guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe), ayaa sidoo kale, waxaa looga hadlayaahindise-sharciyeedyada kala ah maalgashiga iyo shaqada Soomaaliyeed. 

Taliska Ciidanka Asluubta oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay dhacdadii xabsiga Dhexe ee Xamar

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf oo warfidiyeennada la hadlaya ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqaaqaddii shalay ka dhacay gudaha xabsiga Dhexe ee Xamar, kaasi oo ay ku lug lahaayeen xubno kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiga. 

Afhayeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray askarta iyo maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Waxaana uu sheegay in ciidamaddu ay ku guuleysteen inay ka hortaagan in dagaalku uu gaaro qeybaha kale ee xabsiga iyo maxaabiista ku xiran.

"Waa la soo afjaray howlgalka 11:00 AM, waxaa ku geeriyooday 5 kamid ah maxaabiista, halka 18 kalena ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha askarta soo gaaray uu yahay 3 dhimasho ah iyo saddex dhaawac ah.

Ugu dambeyn, Afhayeenka ciidanka asluubta ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu sameynayo sida qaar kamid ah Maxaabiista ay ku heleen hubka, asagoo sheegay inaysan jirin wax maxaabiis ah oo xabsiga ka baxsaday.

"Ma jiraan wax maxaabiis ah oo xabsiga ka baxday, baaris ayaana lagu sameynayaa sababihii waxaani u dhaceen, dib ayaana la idin kala wadaagi doonaa” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Cabdiqani Maxamed Qalaf.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan Duco ah u qabatay Marxuum Maxamed Cali Xaamud

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskashiga Caalamiga, ayaa shalay oo ah Sabti, kulan duco ah u qabatay Allah u naxariiste, Marxum Maxamed ali Xaamud, o xilalka Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha ka soo kala qabtay Dawladihii milatariga iyo kuwii ku-meel-gaarka ee dalka, isagoo ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia, Talaadadii 9-kii bishan July 2024. 

Kulanka ducada ah oo ka dhacay xarunta Wasaaradda, waxaa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, Wasiirka Gaasha-andhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Xildhibaanno ka tirsan Baarla-maanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, Xog-hayaha joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Xamse Aadan Xaadow, Agaasi-maha Machadka Diblomaasiyadda, Danjire Cabdulqaadir Aamin Sheekh, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Cali Axmed Jaamac Jangali, Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow, mas’uuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka oo ay ku jireen kuwo si dhow ula soo shaqeeyay marxuumka, ehellada iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adaha Dawladda.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay taariikhda Allah u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Xaamud oo muddo 39 sanno ah u adeegayay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, iyadoo Xildhibaan Danjire Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabancad), Cali Jangali, Cabdullaahi Qaloocow iyo mas’uuliyiin kale oo si dhow ula soo shaqeeyay marxuumka, ku sifeeyeen adeegge dhab ah oo qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed si howlkarnimo leh ugu soo shaqeeyay.

Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ku hadlay afka Qoyska Marxuum wasiir hore Maxamed Cali Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo ka soo qaybgalayaasha isku imaatinkooda ducada iyo tacsida.

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa tacsi u diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Qoyska Marxumka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ugu dambeyntii ka sheegay munaasabadda ducada iyo tacsida ah inay waqti murago leh u tahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isagoo markaa uga tacsiyeeyay ehellada, qaraabada iyo guud ahaan qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed geerida Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Xaamud, oo uu ku sheegay inuu ka mid ahaa saraakiishii dawladeed ee muddada ugu dheer xilal ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wuxuu Alle uga baryay inuu u naxariisto, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, isagoo sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay u leedahay sooyaal lagu dhigo xuska, xasuusta iyo tacsida mas’uuliyiinta ka geeriyoota.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale si gaar ah ula kulmay qoyska iyo ehellada Marxuum Maxamed Cali Xaamud ee ku sugnaa munaasabadda tacsida iyo ducada ah, isago marka la wadagay darenkisa tacsida.

Ciidanka Ammaanka oo soo gabagabeeyey howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeyay howlgalka maxabiis ka dhex dagaalantay Xabsiga Dhexe ee Xamar, waxaana la toogtay 5 nin oo isku dayey inay dagaalamaan. 

Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay meydadka dhagarqabayaashii ka dambeeyay inay qal-qal geliyaan amniga Xabsiga.

Dhagar-qabayaashan la toogtey ayuu Talisku sheegay inay markii horaba ahaayeen Khawaarij ku xukuman dil toogasho ah oo halkaas ku xirnaa.

Tababar Muqdisho uga furmay madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada Warbaahinta Qaranka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Dowlada Federalka Somalia Mudane Cabdullahi Xayir Ducale aya furay tabab-arkan oo ay ka qeyb galayaan 35 xubnod oo ka mid ah Madax qeybaha Warbahinta Qaranka, Waaxyaha Wasarada iyo hawlwadeeno. 

Aqoon isweydaarsigani waxaa uu diiradda saarayaa la qabsiga Warbaahinta Qaranka ee casriyaynta warbaahinta iyo Horumarinta hannaanka Tafaftirka iyo Hoggaaminta wadashaqeynta kooxo hawleedyada shaqada.

Tababarka waxaa uu soconayaa muddo saddax maalmood ah, waxaana macalimiinta bixinaya ka mid ah Danjire Yuusuf Garaad Cumar, wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ah siyaasi iyo saxafi rug caddaa ah iyo Macalimiin oo ay wasaaradda u soo xushay.

Furitaanka tababarka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada iyo Agaasimaha Istiraatiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda oo wadajir u soo qaban qaabiyay aqoon isweydarsigan.

Agaasime Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Xayir ayaa sheegay in ujeedka tababarkani yahay xoojinta aqoonta iyo xirfadda madaxda qeybaha iyo hawlwadeenada la soo xulay oo qibrad u leh shaqada Wasaaradda iyo qeybaha Warbaahinta, waxaana uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in ay ka faa’iidaystaan qabiirada iyo Macalimiinta ay Wasaaradda u soo xushay fududeynta aqoon isweydaarsigaan.

Xeer ilaaliyaha guud oo amar culus ka soo saaray weerarkii Xabsiga Dhexe

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegay in waxa dhacay aan la aqbali karin, isagoo dalbaday in Taliska Asluubta Soomaaliyeed uu jawaab deg deg ah ka bixiyo qaladkii dhacay. 

Xeer Ilaaliye Suleymaan ayaa dalbaday i la sameeyo baaritaan deg deg oo la keeno warbixin dhameystiran, "waxaan aad uga xumahay wixii ka dhacay Xabsiga Dhexe, mana aheyn arrin la filayey,” ayuu yiri Dr. Suleymaan.

Xeer ilaaliyaha oo sii hadlayey ayaa yiri, "Madaxda xabsiga iyo taliyaha waxaan farayaa in si deg deg ah ay arrintaas warbixin uga keenaan, waxaan looma dul qaada karo, waana la xisaabtami doonaa cidii qaladkaasi ka dhacay.”

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa carabka ku adkeeyey in qalalaase noocaas ah aan mar dambe loo dulqaada karin inuu ka dhaco xabsiga dhexe oo maxaabiis badan ay ku xiran yihiin, kuwaas oo xaq u leh in ammaankooda la sugo.

"Cidii masuulka ka aheyd goobta uu falkaasi ka dhacay waa la xisaabtami doonaa, hey’adaheenu waa inay ka baxaam jileeca, jileec dowladeed ayaa jira, laakiin waxaan oo kale lama aqbali karo, waana in jawaab cad laga bixiyaa,” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

5 maxbuus oo loo heystay Shabaabnimo, laguna xukumay dil toogasho ah ayaa geystay weerarkaas, kuwaas oo la toogtay daqiiqado badan kadib markii ay weerarka bilaabeen, sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf.

Sidoo kale 3 askari ayaa ku dhimatay howlgalkii lagu soo afjaray kooxdaas, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Afhayeen Cabdiqani.

Maxaabiistii kale ee xabsiga qeybihiisa kale ku jirtay ayuu sidoo kale khasaare gaaray, waxaana dhaawac soo gaaray 18 maxbuus oo dembiyo kala duwan u xiraa, sida lagu xaqiijiyey warbixinta afhayeenka.

Waa markii labaad oo xabsiga dhexe ay maxaabiis ka dhex dagaalantay, 2020-kii ayuu dhacay fal noocaan oo kale ah, xiligaas waxaa baxsaday rag ka tirsanaa argagixsada Al-Shabaab, balse shalay waxaa la xaqiijiyey in wax maxaabiis ah aysan baxsan.

DF oo Ceel-biyood iyo adeegyo kale oo Bulsho ka hirgelisay deegaan laga xoreeyay Al-shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ceel biyod iyo adeegyada kale ee bulshada ah ka hirgelisay deegaanka Waab-weyn ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah goobihii laga xoreeyay Al-shabaab. 

Waab-weyn haddii ay beri ahaan jirtay Biyo la’an hadda waa-cusub ayaa u baryay ka dib markii ay dowladda ka hirgelisay ceel biyo nadiif ah, goobo waxbarasho iyo caafimad, maddaama kooxda Al-shabaab Al-shabaab ay nolosha u diideen dadka shacabka ah ee deegaankaas ku dhaqan, waxayna dadka deegaanka markii hore biyaha u doonan jireen meel 70-km u jirta deegaanka ay ku dhaqan yihiin.

Waxgaradka iyo mas’uuliyiin ka tirsan deegaanka Waab-weyn ee gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay halgankii ka dib, horumarada waa weyn ee hirgalay iyo taariikhda deegaanka.

” Halgankii ka dib, waxaan helnay wax badan oo Ilaahey nagu maneystay ayaa helnay, waxaa ka mid ah Ceelka biyaha ee hadda aad arkeysiin, waxaa kale, oo aan helnay waxbarasho iyo xarun caafimaad, inshallahu tacaalaa wax badan oo kalena waa rejeyneynaa, baahida tii ugu weyneyd waa biyaha, meeshan Waab-weyn ayaa la yiraah oonleyn ayay ahaan jirtay,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka dadka deganka oo warbaahinta Qaranka la hadlay.

Ugu dambeyn, dadka deegaanka Waab-weyn ayaa u mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si deg deg ah uga jawaabtay baahidii bulsho ee ay qaben labo sano ka dib markii laga xoreeyay Al-shabaab Al-shabaab. Degaanka Waab-weyn waa deegaan dadkiisu kaalin weyn ay ka qaaten dagaalka lagu jabiyay kooxda Al-shabaab ee bariga gobolka Hiiraan labo sano ka hor.

Saraakiil ka socotay Booliska Soomaaliya oo tababar lagu baranayay la dagaalanka Al-shabaab loogu soo xiray Masar

Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa lagu soo gebagebeeyay tababar lagu baranayay la dagaalanka Al-shabaab oo loo qabtay Saraakiil ka socotay Booliiska 36 dal oo Afrika ah oo Somaaliya ay ku jirto. 

Koorsadan oo socotay ku dhawaad laba bilod waxa kalinta 1-aad ka galay Mustaf Salad Yarow o ka socda Boliska Somalia, isago khudbo ka jediyey xiritanki korsadan.

” Anigoo ku hadlayo magaceyga iyo kan saaxiibadeyda qeybta ka ah Koorsadan numbarkeedu yahay 360, kana socda Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, anigoo xushmad weyn iyo mahadnaq aan la so kobi karin u so jedinayo Akademiyada Booliska ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar, wakaaladda horumarinta ee Masar, wasaaradda arrimaha dibadda iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kuwaas oo na siiyay fursad aan uga qeyb qaadaneyno koorsadan tababarka ah ee la dagaalanka argagixisada,” ayuu yiri Mustaf Salaad Yarow.

Sidoo kale, Mustaf Salaad Yarow, oo hadalkiis sii wata ayaa intaas ku daray in muddada uu socday tababarkan ay fursad u heleen aqoon iyo waayo aragnimo qoto dheer oo ku quseeya qibrad wax ku ool ah ku sabsan tababarka la dagalanka al-shabaab, sido kale, is-dhafsiga aragtida iyo habab kala duwan o ku sabsan tababarka.

Munaasabada xiritanka tababarka waxa ka qeyb galay madaxweynaha Akadee-miyada Booliska Masar, ku-xigeenka xoghayaha guud ee wakalada horumarinta Masar, maamulaha xarunta cilmi-baarista ee Booliska iyo mas’uuliyiin kale, kuwaas oo dhamantood ku ammaanay saraakiisha ka faa’ideystay tababarkan muhiimka ah sida ay u dhabar adegen mudadi u socday.

Turkiga oo sheegay in Israel ay carqaladeynayso dadaalada xabad joojinta

Dowladda Turkiga aya ku biirtay dalalka Bariga Dhexe ee sida kulul u cambareyay duqenta ay dadka faraha badan ku dhinten ee ay Israel shalay ka gaysatay deeganka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza. 

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in Ankara ay weerarka Israel ku qaday aaga dadka barakacayashahi degan yihiin u tixgelineyso dadalada Xukumada Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku xasuuqeyso shacabka Falastiiniyiinta.

"Xaqiiqda ayaa ah in Israel ay mar kale doratay inay dhiig daadiso, iyadoo la filayay inay ka jawabto, jawabta wanagsan Xamas ee xabad joojinta.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Ankara waxay sheegtay in Xukuumadda Netanyahu ay isku dayeyso in ay carqala-deyso amaba ka hortagto dadalada xalka loogu raadinayo colaadda Gaza.

"Tani waxay cadeyn u tahay in Xuku-mada Netanyahu ay isku dayeyso inay ka hortagto wada-xaajoodyada xabad joojin joogto ah.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Turkiga ayaa dalalka taageera Israel ugu baaqay in ay joojiyaan taageerada ay ku siinayaan weeraradeda waxashnimada ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa xaqiijisay in duqaynta ka dhacday goobta ay barakacayaashu degan yihiin ay ku dhinten 71 qof, 289 kalena ay ku dhaw-acantay, kuwa oo dhamantod dad rayid ah.

Dhanka kale Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in ay muuqaan calaamado muujinaya suurtagalnimada in mar kale ay fashilmeen dadaalada heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is weydaarsiga ee Xamaas iyo Israel, ka dib weerarkii xagga cirka ee ay Israel ka gaysatay aagga ay Tel Aviv horey ugu tixgelisay goob bani’aadantinimo.

Masar ayaa mar sii horreysay sheegtay in xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah dadka reer Gaza ay wiiqayaan dadaalada caalamiga ah ee hindisaha xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.

Al-Mawasi waxay ka mid tahay meelaha ay dadka rayidka ah gabaadka u radsaden, ka dib markii Israel ay ka soo barakacisay deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Al-Mawasi oo ku taalo inta u dhaxeyso Rafah iyo Khan Yunis ayaa gabaad u ah boqolaal kun oo ka mid ah dadkii horey guryahooda uga soo cararay duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel.

Israel aya iyadu dadka rayidka ah ugu shegtay Al-Mawasi inay tahay aag bani’adanimo, gabaadna ay u raadsadaan.

Hase yeeshee weerarkeedan ay dadka faraha badan ku waxyeeloobeen ayaa diraya farriin ay mar kale Israel ku muujineyso inaysan meel ammaan ahi ka jirin Marinka Gaza oo dhan.

Madaxweyne Joe Biden oo shaaciyey go’aankiisa hanka dib u doorashada

Isaga oo doonaya in uu dib u soo nooleeyo ololihiisa dib-u-doorashada ee halganka ku jira, ayuu Madaxweyne Joe Biden magaalada Detroit ee gobolka Michigan ku qabtay isu soo bax dadweyne oo naadir ah. 

Biden ayaa qaar ka mid ah taageerayaashiisa Ditroit oo aad u faraxsanaa u sheegay, in aanu ka bixi doonin tartanka isaga oo uga digay in Donald Trump oo ah murashaxa xisbiga Jamhuriga uu iyaga ku yahay khatar weyn.

Biden, oo 81 jir ah, ayaa isku dayaya in uu iska leexiyo diiradda iyo hadal-heynta siyaasadda ee maalmihi lasoo dhaafay ay shacabka Mareykanka uga hadlayeen awoodihiisa maskaxeed iyo jireed ee hogaaminta Mareykanka, haddii mar kale lasoo doorto.

Shakiga da’diisa ee taageerayaasha xisbigiisa dimoqraadiga ayaa soo baxay, kaddib dooddii uu 27-ki June la yeeshay murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, o u Biden ku soo bandhay wax lagu tilmamay bandhig ad uga litay kan Trump.

Khudbaddii uu daraaad u jeediyay dimoqraadiyiinta magaalada Detroit ayuuse Biden ku yiri "Waan tartamayaa waana ku guuleysan doonnaa. Wuxuu intaasi ku daray inuu yahay murashaxa isla markaana uusan meelna u socon oo uu tartami doono.

Biden wuxuu kaloo daraaad soo bandhigay qorshihiisa 100-ka maalin ee ugu horreeyo haddii mar kale lasoo doorto.

Kuwaas oo ay ku jiraan dib u habeynta xuquuqda ilmo soo rididda, saxiixida Xeerka Xuquuqda Codbixinta ee John Lewis, joojinta deynta caafimaadka, kordhinta mushaharka iyo mamnuucida hubka wax lagu weeraro.

Hase yeeshee, xeerarkaasi ayaa meelmarintooda u baahnaan doono in aqlabiyadda Koongareeska ay helaan mudanayaasha xisbiga dimoqraadiga.

Dalalka gobolka oo cambaareeyay xasuuqii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gaza

Dowladaha Bariga Dhexe qaarkood ayaa cambaareeyay xasuuqii ay Israel shalay ka gaysatay deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza. 

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeeyay goob ay gabaadsanayeen qoysaska barakacayaasha ee horaan guryahooda uga soo barakacay duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 71 qof oo rayid ah ay ku dhinteen weerarka, 289 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Masar ayaa si adag u cambaareysay duqaynta Israel ka gaysatay Al-Mawasi, oo ah goob ay Israel u asteysay aag bani’aadantinimo.

"Waxaan si adag u cambaareynaynaa duqaynta Israel ee ka dhacday deegaanka Al-Mawasi.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Wasaaradda ayaa sheegtay in xadgudubyada joogtada ah ee ka dhanka ah dadka reer Gaza ay wiiqayaan dadaalada caalamiga ah ee lagu riixayo heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas.

Jordan oo sidoo kale deris la ah Israel ayaa si kulul u cambaareysay falalka waxashnimada ah ee ay Israel u gaysaneyso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Jordan ayaa Tel Aviv ugu yeertay in ay joojiso weerarada gardarrada ee ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo bartilmaameedyada ay ka fulineyso hoyga barakacayaasha.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan, Dr. Sufyan Al-Qudah ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Beesha Caalamka ay qaaddo tallaabooyin degdeg ah, oo lagu ilaalinayo badqabka shacabka Falastiiniyiinta, goobaha caafimaadka iyo hay’adaha gargaarka, si ay awood ugu yeeshaan in ay wax ka qabtaan masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

Nasser Kanaani, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa weerarkan ku sheegay midkii ugu dambeeyay fal dembiyadeedyada Israel ka waddo Marinka Gaza.

Afhayeenka ayaa Taliska Israel ku tilmaamay inuu yahay dilaaga carruurta, si ay u qariyaan sida uu yiri guuldarrada ka soo gaartay goobta dagaalka.

"Ma aqoonsana wax kasta oo bani’aadantinimo iyo khad cas ah oo ku wajahan dadka aan is difaaci karin ee degan Marinka Gaza, laakiin waa inay ogaadaan in waddadan ay ku adkeysanayaan aysan ka dheefi doonin wax aan ahayn neceyb ballaaran oo caalami ah.” Ayuu yiri Nasser Kanaani.

Dowlado kale oo gobolka ah ayaa cambaareeyay duqaynta ay dadka faraha badan ku dhinteen, kuna dhaawacmeen.

Ururka Xuuthiyiinta Yemen oo dhankiisa cambaareeyay weerarkaasi ayaa Madaxda Israel ku tilmaamy dembiiyeyaal dagaal, iyagoona dunida ugu baaqay in lala xisaabtamo.

"Sheekooyinka cadowga ku sheegayaan inay weerarka ku beegsanayeen hoggaamiyeyaal ka tirsan Xamaas waa mid been ah. Ma qarin karaan fool xumada dembiyadooda.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda Xuuthiyiinta.

Safiirka Falastiiniyiinta ee UK, Danjire Husam Zomlot ayaa weerarka Al-Mawasi ku sheegay waxa ay bishii May ka digtay Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ ee ahaa in Israel ay ilaaliso dadka rayidka ah, isla-markaana uu ka hor imanayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu meelmariyay bishii June, kuna baaqayay in la soo afjaro colaadda Marinka Gaza.

Sida uu baahiyay Raadiyaha Ciidamada Israel waxaa la beegsaday goob uu ku sugnaa Taliyaha Militariga Xamaas, Mohammed Deif, warkaas oo Xamaas ay si adag u beenisay.

Tan iyo markii uu bilowday duulaanka Israel ee Marinka Gaza, tirada dadka rayidka ah ee la dilay ayaa gaartay 38,443 qof, halka 88,481 kalena la dhaawacay.

Sheekada nin aabe u ah 1000 caruur ah iyo wixii uu ku yiri BBC da oo la xiriirtay

Qoysaska qaar ayaa waxay ku doodayaan in la qiyaamay, halka isagu aaminsan yahay in wax qalad ah uusan samayn, shahwada uu ku deeqayna ay farxad u noqotay boqolaal ruux. 

Jonathan Jacob Meijer oo ah 43 jir soo shaac baxay sanadkii 2017 kii kadib markii maxkamad ku taalla dalka Netherlands ay amartay in uu joojiyo shahwada uu ugu deeqayo xarumaha caafimaadka, maadaama dalkaas oo kaliya xilligaas aabe u noqday in ka badan boqol caruur ah, halka sharcigu uu xadidayo dalkaas wixii ka badan 25 caruur ah.

Kiiskiisa ayaa hadana waxa uu soo laabtay sanadkii 2023 dii, xilligaas oo la ogaaday in uusan raacin awaamiirtii maxkamadda.

Meijer waxa uu sii watay hawshiisii shahwo iibinta, madaxda dawladda Dutch kana waxay ku qiyaaseen xilligaas in uu aabe u noqday 1,000 caruur ah dunida oo dhan.

Dacwad laga geeyaya maxkamadda ayaa waxay muujisay in ninkaani si ula kac ah been ugu sheegay boqolala qoys, isaga ka been sheegay tirade caruur ee uu aabaha u yahay.

Haatan waxaa barnaamij cusub oo dukumentari ah oo ay sameysay Netflix ka soo muuqday haween kala duwan oo ka sheekeynaya sida loo qiyaamay.

Mid ka mid ah ayaa sheegtay in ay dareentay "in la qiyaamay, haatan caro iyo murugo dareemeyso” kadib markii ay ogaatay tirada caruur ah ee ninkaan dhalay.

Ninkaan oo ay BBC du isku dayday in ay la xiriirto si uu wax uga yiraahdo eedeymaha loo jeedinayo, ayaa diiday in uu waraysi bixiyo, waxa uuse sheegay in dad badan oo shahwadiisa qaatay "ay ku faraxsan yihiin”.

Ninkaan lagu magacaabo Meijer ayaa waxay ku deeqayay shahwadiisa muddo 17 sano ah. Inta badan waxa uu ugu deeqayay shahwadda si aan shaacsanayn, isaga oo si toos ah ula macaamilayay qoysaska halkii uu la macaamili lahaa xarumaha caafimaadka.

Gudaha Netherlands waxa uu dhalay 102 caruur ah oo ku dhashay deeqo uu siiyay ilaa iyo 11 xarumo caafimaad.

Maadaama laga mamnuucay in uu shahwo ku deeqay gudaha dalka sanadkii 2017 kii, waxa uu sii waday hawsha isaga oo bilaabay in uu dibadda u dhoofiyo.

Sanadkaas ayaa wax dacwad ka gudbiyay haweeneey iyo hay’ad taageereysay kuwaas oo sheegay in ficiladiisu ay halis u yihiin in xiriir galmo ay dhexmaraan isaga iyo ilmihiisa.

Iyada oo maxkamad la dhex joogo ayuu xiliigaas Meijer qirtay in uu leeyahay 550 ilaa 600 oo caruur ah.

Balse maxkmaddu waxay sheegtay in lagayaabo in uu aabe u yahay ilaa 1,000 caruur ah oo kala jooga dhawr qaaradood.

Balse ugu dambeyntii maxkamadda ayaa ka mamnuucday arrinta waxaana loo sheegay in hadii uu mar dambe sameeyo calaa cunug lagu ganaaxi doono $100,000 oo doolar.

Barnaamij dukumentari ah oo lagu magacaabo "Ninka 1000 ka cunug leh” ayaa waxa uu soo bandhigay waraysiyo uu la yeeshay qoysas badan oo ogaaday in ninkaan lagu magacaabo Meijer uu leeyahay in ka badan 100 caruur ah, taas oo ah arrin uu ka qariyay markii hore.

"Waxaan xanaaqsanahay sababtoo ah, xilligaas waxa uu ii sheegay in uu ugu deeqay shan qoys oo kaliya”, ayay tiri ka mid ah hooyooyinka oo lagu magacaabo Natalie, oo ay BBC du waraysatay.

Waxa kale oo ay sheegtay in waxa ninkanai sameeyay ay ogaatay uun warbaahinta.

"Cabsida ugu wayni waxay tahay in caruurtaasi ay kulmaan kadibna ay is jeclaadaan sababtoo ah way is aqoonsanayaan oo waxaa jira wax isku xira, mana ogaan doonaan in hal nini dhalay,” ayay tiri.

Balse ninkaan Meijer waxa uu leeyahay sheekada waxaa laga sameeyay dadka aan ku faraxsanayn oo kaliya shahwadii uu ugu deeqay ee ay jiraan qoysas badan oo abaal uga haya.

Waxaa kale oo uu BBC da u sheegay "in aanay waxba ka qaldaneyn” in boqolaal caruur ah la dhalo. Waxa uuna diiday suuragalnimada in laba cunug oo walaalaha ay xiriir samayn jacayl samayn karaan, maadaama uusan ahayn nin qarsoon.

Xigasho BBC

Israel oo goob qura ku dishay 71 qof, kuna dhaawacday 289 kale

71 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay weerar xagga cirka ah oo Israel ay shalay ka gaysatay deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza, kuna yaala inta u dhaxeyso Rafah iyo Khan Yunis. 

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa mar sii horreysay sheegtay in ugu yaraan 102 qof ay ku dhaawacmeen weerarka naxariis darrada ah ee Israel.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza oo mar dambe war soo saartay ayaa sheegtay in duqaynta ay ku dhinteen 71 qof, 289 kalena ay ku dhaawacmeen.

Muuqaalada laga soo qaaday goobta ay dadka barakacayaasha ah degan yihiin ee la garaacay ayaa muujinaya meydadka haween iyo carruur si xun ugu go’go’ay weerarkaasi.

Inta badan dhaawacyada dhibaneyaasha oo u badan dumar iyo carruur ayaa la kala geeyay Isbitaalada Al-Quds, Al-Amal iyo Nasser ee ku yaala Khan Yunis.

Dhanka kale Idaacadda Ciidamada Israel ayaa sheegtay in Militariga Israel ay beegsadeen goob uu ku sugnaa Madaxa Garabka Militariga Xamaas ee Guutooyinka Al Qassam, Mohammed Deif.

Idaacadda ayaa sheegtay inaysan kala caddeyn in weerarka uu ku dhintay Mohammed Deif iyo in kale, balse ay Taliska Militarigu sii wadi doonaan baaritaanada ay ku xaqiijinayaan.

Izzat Al-Risheq oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa si adag u beeniyay warka Irael ee sheegaya in duqaynta cirka lagu beegsaday hoggaamiye ka tirsan Xamaas.

Izzat Al-Risheq ayaa tani ku sheegay isku day ay Israel ku qarineyso baaxadda falka gumaadka ah ee ay ciidamadeeda ka gaysteen Marinka Gaza.

"Runtu waxay tahay in eedeymahani ay yihiin isku day lagu doonayo in lagu qariyo baaxadda dembiga iyo xasuuqa intaasi le’eg, si qiil loogu yeelo xasuuqa noocaas ah.” Ayuu yiri Izzat Al-Risheq.

Al-Risheq ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in Israel ay bilaa sabab u leysay dadka barakacayaasha ah ee ka baxsanaya duqaymaheeda aan kala joogsiga lahayn.

Al-Mawasi waa goobtii ay Israel qoysaska barakacayaasha ee laga barakaciyay deegaanka Rafah ay u sheegtay in ay tahay goob bani’aadantinimo, isla-markaana ay gabaad u raadsadaan.

Weerarkan ayaa wax naxdin ah ku noqday bulshada caalamka, oo si weyn uga soo horjeeddo kororka dembiyada Israel ee ka dhacaya Marinka Gaza.

Iyadoo Israel loo maxkamadeynayo in ay xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza ayay haddana si bareer ah dadka rayidka ah ugu leynaysaa meelihii ay badbaadada u doonteen.

Maxaa dunida looga hadal hayaa arooskan ay malaayiinta dollar ku baxayso ayna madax badan ka qayb galayaan

Dabaal dagyo xamaasad leh oo bilihii lasoo dhaafay socday ayaa ugu dambeyntii waxaa magaalada Mumbai ee dalka India ka socota xaflada arooska wiilka uu dhalay ninka ugu taajirsan Aasiya. 

Anant Ambani, oo ah wiilka guddoomiyaha Reliance Industries, Mukesh Ambani, ayaa guursanaya Radhika Merchant, gabadh ay dhaleen maalqabeennada Viren iyo Shaila Merchant.

Xaflada ayaa lahayd qayb hore oo ay qoysku marti galiyeen dad caana oo ay ka mid ahaayeen fanaaniinta Rihanna iyo Justin Bieber.

Wadooyinka muhiimka ah ee Mumbai ayaa la xirayaa dhowr saacadood maalintii ilaa ay ka dhamaanayaan xafladaha maalinta Isniinta ah.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa wararka ku saabsan arooska, iyadoo dadka daqiiqad-daqiiqadba loola wadaagayo xogta xiddigaha Bollywoodka iyo kuwa caanka ah ee imaanaya xaflada.

Qaar ka mida dadka magaalada ay ka dhacayso xaflada arooska ayaa ka cowday xirnaanshaha wadooyinka oo uga sii daray dhaqdhaqaada saxmada ee ka dhashay roobab ka daya magaalada halka dadka qaar ay su’aal galiyeen sida foosha xun ee hantida loogu bandhigyo dabaaldagyo.

Ninka tobnaad ee adduunka ugu taajirsan

Mukesh Ambani, oo 66 jir ah, waa ninka 10-aad ee adduunka ugu taajirsan, wuxuuna haystaa hanti dhan 115bilyan oo dollar sida ay sheegtay Forbes. Shirkadiisa Reliance, ayuu aasaasay aabihiis 1966, waa shirkad weyn oo ka shaqeysa qaybo ka mid ah batroolka iyo isgaarsiinta.

Arooska wiilkiisa Anant Ambani ayeyku baxaysaa malaayinta dollar, waa kan ugu yar saddex carruur ah oo uu dhalay, kuwaas oo dhammaantood ku jira guddiga Reliance Industries.

Ananta isaguna waa 29 sano jir ka mida guddiga maamula ganacsiga shirka Reliance Foundation.

Qoysku Ambani, ma shaacin kharashka ku baxaya arooskan weyn balse waxaa lagu qiyaasay inay ku baxayso inta u dhaxaysa 11 ilaa 13 bilyan oo lacagta hindiyaa oo u dhiganta ilaa 132 milyan oo dollar.

Waxaa la isla dhexmarayey in Rihanna la siiyey ilaa toddobo milyan oo dollar halka Justin Bieber uu ka helay xaflada ilaa 10 milyan oo dollar.

Qof aan la magacaabin oo ka tirsan shirkada qoyska ee Reliance ayaa sheegay in dhacdadani ay "astaan xooggan u tahay kobaca India ee heerka caalamiga ah" qoraal lala wadaagay suxufiyiinta.

Laakiin siyaasiga mucaaradka ah ee Thomas Isaac ayaa sheegay inay tahay "wax fool xun".

Qoraal uu soo dhigay barta X, ee hore loo oran jiray Twiter ayuu ku sheegay "Sharci ahaan waxay noqon kartaa lacagtooda, laakiin kharashaadka noocaas ah waa dembi ka dhan ah dadka saboolka ah."

Jimcihii, ayuu ninkii arooska ahaa ka soo kicitimay hoygiisa isagoo wata baabuur cas oo nooca raaxada ah oo ay ku daboolan yihiin xarko ubaxyo cadcad ah, iyadoo marti farxadeed ay hareeraha ka socdeen.

Kolonyo baabuur ah, oo sidoo kale lagu qurxiyay ubaxyo, ayna siteen xubno qoys, ayaa la socday kuwaas oo music iyo farxad galin isugu darayey.

Sidoo kale inta ay socotay xaflada qaybta loo yaqaan Baraat, waxaa ku biiray xidigo badan oo Bollywoodka ka tirsan oo heeso iyo qoob ka ciyaar samaynayey.

Martidu waxay ku barakayn doonaan arooska xaflda dhacaysa sabtida waxaana ku xigi doona xaflad weyn halkaasoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in xiddigaha pop Drake, Lana Del Ray iyo Adele ay u badan tahay inay joogan.

Madaxda kale ee ka qayb galaysa arooska

Madaxweynihii hore ee Hindiya Ram Nath Kovind, Safiirka Ingiriiska u fadhiya India Lindy Cameron, iyo Safiirka Maraykanka u fadhiya India Eric Garcetti ayaa iyaguna ku sugan magaalada si ay uga qayb galaan arooska.

Martida caalamigaa ee xaflada lagu casumay waxaa ka mid ah xidigta Kim Kardashian, Ra'iisul Wasaarihii hore ee UK Tony Blair iyo Boris Johnso. Sidoo kale waxaa lagu arkay xidiga ciyaaraha WWE ee Mareykanka iyo Jilaaga John Cena oo u hambalyeyna qoyska.

Rajan Mehra, oo ah maamulaha shirkadda kirada hawada ee Club One Air, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in qoysku ay soo kiraysteen saddex diyaaradood oo Falcon-2000 ah si ay martida arooska ugu daabulaan xafladda.

"Martidu waxay ka imanayaan meel walba, diyaarad kastaa waxay sameyn doontaa safarro badan oo dalka oo dhan ah," ayuu yidhi.

Damaashaadka meherka ayaa soobilaabmay bishii March markii qoysku ay xaflad aroos ka hor ah oo saddex maalmood ah ku qabteen gobolka ay ka soo jeedaan ee Gujarat.

Ilaa 1,200 oo marti ah oo ka soo qayb galay xafladaas waxaa ka mid ahaa madaxa Meta Mark Zuckerberg iyo Bill Gates oo ka tirsan Microsoft.

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip