Ra'iisal Wasaaraha Israel oo booqasho ku joogga Magaalada Addis Ababa (SAWIRRO)

0
Friday July 08, 2016 - 17:54:59 in Wararka by
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaaraha Israel oo booqasho ku joogga Magaalada Addis Ababa (SAWIRRO)

    Ra'iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa maalintii labaad mooqasho ku joogga Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya, waana booqashadiisii ugu dambeysay ee uu ku marayo Qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa maalintii labaad mooqasho ku joogga Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Itoobiya, waana booqashadiisii ugu dambeysay ee uu ku marayo Qaaradda Afrika.

Ra’iisal Wasaaraha, ayay Isnintii booqasho kaga bilaabatay dalka Uganda, iyadoona uu uga sii gudbay dalalka Kenya, Rwanda iyo Itoobiya oo Khamiistii shalay uu gaaray.

Israel, ayaa waxay Afrikada Bari u aragtaa gobol qayb wayn kaga jira caalamka, waxayna daneynaysaa inay soo celiso xiriirkii ay la laheyd, oo aad u yaraaday 1960-kii.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, ayaa socdaalka uu ku marayo Qaaradda Afrika ku sheegay mid Israel ay ku dooneyso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato Afrika.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo qaabilay dhigiisa Israel, ayaa waxaa la sheegay inay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha iyo Yahuudda Itoobiyaanka ihi, ee ku nool Israel.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, ayaa ballanqaaday in kumanaan Yahuudda Itoobiya loo ogolaan doono inay taggaan Israel. Waxaa uu sheegay in dowladiisu ay xushmaynayso ballankii ay qaaday ee ahaa in qoysaska kala maqan dib loo midayn doono.

120 kun ka mid ah Yahuudda Itoobiya, ayaa xilligan ku nool Israel, inkastoo aanay door fir fircoon ku lahayn mushtamaca Yahuudda ihi ee ku nool dhulka Maamulka Israel. Maamulka Israel, ayaa diyaarado ku daabulay kumanaan Yahuudda Itoobiya, intii u dhaxeysay 1984-kii iyo 1991-kii.

Netanyahu, ayaa waxaa uu noqonayaa Ra’iisal Wasaarihii ugu horeeyay oo Israeli ah, oo booqasho ku yimaada Qaaradda Afrika markii ugu horeysay, muddo 30 sano ah.

Addis AbabaAddis Ababa1Addis Ababa2Addis Ababa3Addis Ababa4Addis Ababa5Addis Ababa6Addis Ababa7

Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, left, and Ethiopian Prime Minister Hailemariam Dessalegn speak during a joint press conference in Addis Ababa, Ethiopia, Thursday, July 7, 2016. Netanyahu is on one day state visit to Ethiopia. (AP Photo/Mulugeta Ayene)

Addis Ababa9




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip