Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay leyli saraakiil oo ka qallinjabiyay dugsiga turksom

0
Friday July 05, 2024 - 20:44:20 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay leyli saraakiil oo ka qallinjabiyay dugsiga turksom

    Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamud ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday dugsiga turksom oo lagu maamuusaayey qalin-jabinta leyli saraakiil oo ku soo biiray hoggaanka ciidanka. Madaxweynaha ayaa saraakiishaasi kala had

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamud ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday dugsiga turksom oo lagu maamuusaayey qalin-jabinta leyli saraakiil oo ku soo biiray hoggaanka ciidanka. Madaxweynaha ayaa saraakiishaasi kala hadlay xaaladda dalka ee lagu jiro iyo howlaha muhiimka ah ee sugaya,isagoo ku adkeeyay in ay si daacadnimo ah oo ay ku dheehan tahay Soomaalinimo u gutaan waajibaadja culus ee horyaalla. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud "Qofku haddiyadda uu bixiyo waxaa ugu qaalisan naftiisa waxaadna dalkiina iyo dadkiina u hurteen noloshiina, sidaa daraadeed ogaada cadow aad u caqli liita ayaan dagaal kula jirnaa". Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamud waxa uu u mahadceliyay Dowladda Turkiga iyo madaxweynaheeda,isagoo ku ammaanay in ay gacan weyn ka geysteen yagleelidda dhismaha Dowlad Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa shahaadooyin iyo abbaalmarrinno kale guddoonsiiyay leyli Saraakiishaan oo ah dufcaddii 6-aad ee muddo 3 sano ah soo qaatay tababar aqoon kororsi ah. Munaasabaddaan waxaa kaloo ka hadlay Wasiirka Gaashaabdhigga C/Qaadir Maxamed Nuur,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil kale. Saraakiisha ciidanka ee maanta qallinjabiyay ayaa isugu jira kuwo ka yimid ciidanka badda,dhulka iyo cirka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip