Wadamada Carabta qaarkood oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda iyo midowga
Waxaa iska soo daba dhacaya hambalyada ku aaddan xuska munaasabadda 1-da luulyo oo ku beegan sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ee dalku ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga sidoo kalena ay la midoobeen gobollada Waqooyi.
Halkaan waxaan idinkula wadaageyna qaar ka mid ah hambalyadii ka timid dowladaha Carabta
Qatar
Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa hambalyo ku aadan sanadguurada xorriyadda dalka usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo.
Bahrain
Dhambaal kasoo baxay Boqortooyada Bahrain ayaa lagu sheegy in Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa uu la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfreed iyo midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.
Boqorka ayaa u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed nabad, barwaaqo iyo xasillooni.
Cummaan
Suldaanka Cummaan, Suldaan Haitham bin Tariq ayaa ka mid ah madaxda Carbeed ee maalmaha xoriyadda la qaybsanaya madaxda iyo shacabka Somaaliyeed.
Imaaraadka Carabta
Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed iyo labadiisa kuxigeen ee Maxamed bin Raashid iyo Sheekh Mansuur bin Zayed ayaa ugu hambalyeeyay umadda Soomaaliya munaasabadda kowada Luulyo iyo sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay dowlad madax bannaan.
Yemen
Madaxa Golaha Sare ee dalka Yemen Rashaad Maxamed Calami ayaa sidoo kale ka mid ah madaxda carbeed ee madaxweynaha Soomaaliya lasoo wadaagay hambalyada munaasabadda qaran ee kowada Luulyo.
Bayaan kasoo baxay dowladda Yemen oo lagu faafiyay wakaaladda Waraka dalkaas ayaa lagu yiri; " Madaxa Golaha Sare isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xubnaha Golaha, Xukuumadda iyo Shacbiga Yemen, waxa uu hambalyo kal iyo laab ah u diraya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u rajeynaya shacabka Soomaaliya amni, xasilooni iyo barwaaqo".
Kuwait
Amiirka dalka Kuwait, Sheekh Mishcal Al-Axmed ayaa sidoo kale usoo diray madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed fariin hambalyo ah, oo ku aaddan munaasabadda kowada Luulyo.
Sacuudi Carabiya
War-saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan ay dhambaal hambalyo ah usoo direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed
Dhambaalka ayaa lagu muujiiyay in Hoggaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda iyo dabaal degga maalinta kowda Luulyo oo ku beegan markii ay gobollada Koonfureed xoroobeen lana midoobeen goballada Waqooyi.
Wadamada Carabta qaarkood oo Soomaaliya ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda iyo midowga
Waxaa iska soo daba dhacaya hambalyada ku aaddan xuska munaasabadda 1-da luulyo oo ku beegan sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii gobollada Koonfureed ee dalku ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga sidoo kalena ay la midoobeen gobollada Waq