MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYB-GALAY DHOOLLA-TUSKA CIIDANKA QALABKA EE 1-DA LUULIYO

0
Monday July 01, 2024 - 10:03:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYB-GALAY DHOOLLA-TUSKA CIIDANKA QALABKA EE 1-DA LUULIYO

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, xajistaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, xajistaana dhaxalka awooweyaashood. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taalada Daljirka Daahsoon cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo gaardis ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo ubax dhigay Taalada Daljirka si loo maamuuso halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda iyo maalkoodaba u huray gobanimada Soomaaliya. Dabbaal degga munaasabaddan waxaa ka qeyb galay diyaaradaha qumaatika u kaco ee Ciidamada Cirka, dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka, iyo Booliska, kuwaas oo soo bandhigay sida Ciidamada Qalabka Sida ee dalkeennu ay ugu diyaarsan yahay difaaca qarankeenna, ilaalinta amniga, midnimada iyo gobanimada dalkeenna.


 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip