Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Askari horay u dhaawacay taliyahiisa

0
Tuesday July 02, 2024 - 09:00:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday Askari horay u dhaawacay taliyahiisa

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Shan sano oo Xabsi Ciidan ah ku ridday Ex- Dable Xoogga, Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsanaa guutada Cali binu Abii Daalib ka dib markii uu si bareer ah xabbad Afka uga dhuftay taliyahii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta Shan sano oo Xabsi Ciidan ah ku ridday Ex- Dable Xoogga, Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsanaa guutada Cali binu Abii Daalib ka dib markii uu si bareer ah xabbad Afka uga dhuftay taliyahiisa 11-kii Janaayo ee sanadkan. Eedeysanaha la xukumay oo xilligii uu falka geysanayay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa loo dhaadhiciyay xabsi ku yaalla degmada Guriceel halkaas oo uu ka baxsaday isagoo si dhuumaalaysi ah ku joogay Tambeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa baadi goob dheer kadib gacanta kusoo dhigay eedeysanaha 14-kii April ee sanadkan xilli uu ku sugnaa xeebta Liido ee gobolka Banaadir. Kiiska eedeysanaha oo heerar kala duwan soo maray ayay Maxkamaddu ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, Shan sano oo xabsi Ciidan ah, magta dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay taliyaha, iyadoo laga saaray xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip