HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 30-6-2024

0
Sunday June 30, 2024 - 07:00:52 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 30-6-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Ka Qayb Galay Aaska Qaran Ee Guddoomiye Jawaari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan She ekh Maxamuud oo ay wehliyaan madax da kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum ku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladn imadeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska mar xuumka oo qaar ka mid ah ay ku kul meen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuum kana Jannatul Firdowsa.

Salaadda Janaasada Marxuum Max amed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhiba annada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale.

Ra”iisul wasaare Xamse oo daahfuray Shirka Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahm huuriyadda Federaalka Soomaaliya Mu dane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Daah furay shirka Guddiga Heer Qaran ee Tall aalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soo maaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tallaalka iyo ciribtirka cudurrada halista ah sida dabaysha, si loo hubiyo in carruurta Soo maaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay dadaallada dowladda ee ku aad dan arrintan iyo qorshayaasha mustaq balka ee lagu ilaalinayo caafimaadka bul shada, gaar ahaan carruurta Soomaa liyeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horu marinta iyo xoojinta dadaallada lagu cir ibtirayo cudurka dabaysha iyo kor u qaa didda barnaamijka tallaalka, si loo bad baadiyo carruurta Soomaaliyeed.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekadaha ee XFS oo ka qeybgalay shirka Urur Gobaleedka Badaha

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekada ha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumad da Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Maxamed (Dhucle) ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada Urur Go baleedka ISCOS ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay Horu marinta Iskaashiga Hawlaha Maraakiibta, Tababarada Xirfadaha Badda iyo Amni ga Badaha.

Gunaanadkii shirka ayaa waxaa la daah furay magaca cusub ee badalaya ISCO S kaas oo noqonaya (MOESNA), Urur Gobaleedka Badaha ee Bariga, Koonfur ta iyo Waqooyiga Afrika.

Dowladda Soomaaliya oo beenisay inay wada hadalo la galayso kooxda Alshabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay wada hadalo la galayso kooxda Al-Shabaab.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen ma callin Maxamuud ayaa boggiisa X (Twi tter) ku shaaciyay in hadda aysan jirin wax wada hadal ah oo u dhaxeeya Dow ladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Sha baab.

Xuseen Macallin waxa uu caddeeyay in wada-hadal kasta oo suuragal ah uu u baahan yahay Al-shabaab inay buuxi yaan shuruudo gaar ah oo uu Madaxw eynaha ku xira, oo ay kamid yihiin, in ay jaraan xiriirka ururada argagixisada caalamiga ah, ixtiraamka madaxba naanida dhuleed ee Soomaaliya, iyo in ay si nabad ah u wataan qorshahooda siyaasadeed.

"Wada xaajoodka la sheegay in lala galo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab waa in aanu noqon go’aan qarsoodi ah oo uu shaqsi gaarey. Waa in lagu wajaho wadatashi qaran oo dhameys tiran, si hufanna looga wada qeyb galo muwaadiniinta matalaysa,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dha waan booqasho ku tagay dalka Norway ayaa sheegay in dowladdiisa ay u furan tahay inay wadahadal la gasho Al-shabaab, haddii ay kooxdu doonayso inay buuxiso shuruudaha lagu xiray.

Waxa kale oo madaxweynuhu uu xusay in cid kasta oo awood u leh fududaynta wada hadalka Alshabaab ay soo dhaw aynayaan.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrimahan. Koox dan ayaa marar badan oo hore sheegtay in aysan wax wada hadal ah la geli doonin dowladda Federaalka Soomaal iya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay dhiggiisa Masar ballaarinta iskaashi wadaagga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibad da iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xuku umadda Federaalka Soomaaliya Muda ne Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa shalay oo Sabti ah, kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sa meh Shoukry, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbi xinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado wadaagga labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhin acyo badan oo muhiim ah sida dhaqaal aha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, caafimaadka, duulimaadka iyo bankiyada, waxaa sidoo kale lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.


Baarlamaanka Jubbaland oo shalay waxka bedel ku sameynaya Dastuurka Maamulkaas

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Dow lad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa la filayaa in shalay ay Magaalada Kis maayo ku yeeshaan kulan aan caadi aheyn, kaas oo ay kaga hadlayaan arri mo dhowr ah.

Kulanka ayaa wararka aan helnay wa xaa ay sheegayaan in ujeedkiisu uu yahay in Baarlamaanka Jubbaland ay furan Dastuurka, isla markaana ay wax a bedelaan dastuurka Jubbaland, kaasoo dhigaya in Madaxweynaha uu tartami karo keliya laba jeer, balse ay ka dhigi rabaan in Madaxweynuhu tartami karo waligiis.

Kulanka ay shalay yeelanayaan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa waxaa la sheegay in uu dalbaday Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, si waxka bedel loogu sameeyo Dastuurka Jubbaland.

Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa waxaa loo diray farriin la xiriirta in uu jiro kulanka Baarlamaanka, isla markaana uu dalbaday Madaxweynaha loogana hadlayo arrimaha Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa muddo dhowr iyo Toban Sano ah Maamula Jubbaland, iyada oo markasta uu muddo xileedkiisa uu dhamaado uu qabsado doorasho aan tartan furan aheyn sii isaga loo doorto.

Ciidanka ATMIS oo banneeyay Saldhig kuyaalla degaannada Jubbaland

shalay ayaa Ciidanka ATMIS waxay ku wareejisay Saldhigga degaanka Cabdal la Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo noqonaya Saldhiggii Afaraad ee lagu wareejiyey Wajigii Saddexaad ee ATMIS-ta laga saaray.

Munaasabadda wareejinta waxaa ku sugnaa, ku xigeenka ATMIS SRCC, Sivuyile Bam, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ATMIS ay ka go’an tahay taageeridda Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Gaashaanle Muxudiin Axmed oo katirsan Ciida ka xoogga dalka Soomaal iyeed ayaa u mahad celiyay ciidamada ATMIS ee KDF sida ay ugu hureen naftooda ka qeyb qaadashada sugida amniga Jubbaland.

Sarkaalka Xafiiska Qorshaynta Kala-guurka ee UNSOS, Santosh Koka, ayaa sheegay in UNSOS ay sii wadi doonto bixinta taageerada saadka si loo xaqiijiyo kala-guurka guuleysta.

UNSOS waxay Ciidamada xoogga dalka siisay SNAF koronto-dhaliyeyaasha, dhirta biyaha lagu nadiifiyo, taangiyada biyaha, ceelasha riigga ah, iyo looxyada xakamaynta.

Sidoo kale wareejinta xerada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha qeybta 2-aad ee ATMIS, Brig. Seif Saalim Rashiid, Ku Xigeenka Duqa Magaalada Cabdalle Biroolle, Axmed Cali, Taliyaha xilka la wareegaya ee Cabdalle Biroolle, Col. Maxamed Xasan Gaboobe, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ATMIS, UNSOS, iyo SNA.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukun ku riday xubno loo haystay Burcad-badeednimo

Maxkamadda Gobalka Banaadir oo ka Jawaabeysa Xaashida Eedda ee uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u soo gudbiyey, ayna Eedeysaneyaal ka yihiin:

1. C/kariin Saalax Maxamed Maxamuud (Awkoombe).

2. Maxamed Cali Cismaan

3. Axmed Cali Yaasiin

4. Abshir Maxamed Jaamac

5. Maxamed Cumar Jaamac

Kuwaas oo dhammaantood ku wada Eedeysan falal burcad-badeednimo, ayaa Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda horteed ku soo badhigay cadeymo kala duwan oo dhammaantood cadeynaya in Eedeysanayaasha sare ku xusan yihiin dembiilayaal galay dembiga lagu soo Eedeeye.

Sidaas darted Maxkamaddu markii ay aragtay oo ay dhegaysatay dhammaan Eedda iyo Caddeymaha uu soo Bandhigay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxay Eedeysaneyaasha sare ku heshay Eedaha lagu soo Eedeeyey waxayna ku xukuntyay 5 sano, 3 bilood iyo 10 maalmood oo xadhig ah.

Laamaha Amniga Galmudug oo Gacanta ku dhigay Nin dil geystay

Laamaha amniga kala duwan iyo maamulka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan Eedeysane Maxamed Cismaan Cabdiraxaan, oo degmada ku dilay nin dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Libaan Aadan Ibraahim, talaadadii 25 bishan June, saacadda 2:30 AM.

Eedeysane Maxamed Cismaan ayaa iska baxsaday goobtii uu dilka ku geystay. Gudoomiyaha degmada Guri ceel, Faarax Cabdi Macalin, ayaa Warb aahinta u xaqiijiyey in eedeysanahaasi uu soo galay gacanta laamaha amniga.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa degmada Guriceel ka taagneyd xiisad dagaal oo u dhaxeysay laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Ninka dilka geystay iyo Ninka uu dilay, taas oo ka dhalatay dilka, balse hadda xiisadaas ay dhamaatay.

Itoobiya oo ku dhawaaqday in ay diyaarisay guuto ka tirsan ciidanka kaydka Bariga Afrika

Taliyaha Ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula ayaa ku dhawaaqay in la soo gabagabe eyay diyaar garowga guuto ka tirsan militariga oo loo dhammeystiray agabka militari, kuwaaso ka mid noqonaya ciida nka kaydka bariga Afrika , si ay u fuli yaan howlgallada gobolka iyo goobaha loo baahanyahay in faragelin lagu sa meeyo , si looga fuliyo howlgallo xasillin ah.

Wuxuu sheegay tallaabadan inay ka marqaati kacayso sida ay Itoobiya uga go’antahay fulinta hiigsigeeda in xasillooni waarta ka dhacdo gobolka Bariga Afrika.

Ciidanka kaydka dalalka Bariga Afrika ee loo diyaariyay howlgallada deg deg ah ayaa qayb ka ah illaa shan ciidan oo kayd ah oo ururka Midowga Afrika uu go’aamiyay in la dhiso , kuwaaso la siiyay awood ay ku farageliyaan xaaladda ammaan ee wax u dhimaysa xasilloonida dalalka Afrika , si markiiba loo geeyo ciidamo, haddii ay dal ka tirsan qaaradda soo wajahdo xaalad ammaan.

Ciidanka kaydka bariga Afrika ayaa ka kooban dhammaan dalalka Afrika, iyadoo loo qaybiyay hab heer gobol ah.


Madaxweyne Lafta gareen oo daah furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad

Madaxweynaha Maamul goboleedka Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxa med Laftagareen ayaa daah furay Imtixaa nka shahaadiga ah ee fasalka 8aad oo sanadkii 5-aad qaadayso Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed.

Munaasabadda furitaanka Imtixaanka shahaadiga Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Wasiirka Waxbarashada Mudane Ibraahim Aadan Ali Najah, Agaas imaha Guud Madaxtooyada KGS Cabdifa taax Mahad Cabdiraxmaan, Saraakisha Hay’adaha Amniga iyo Howlwadeennada Wasaraadda Waxbarashada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hortagi kara in Shabaabku dib u qabsado dhulkii laga saaray

Taliska ciidamada Maraykanka ayaa shee gay in shacabka Soomaaliyeed ay noqon karaan kuwo door adag ka cayaara si looga fogaado in Shabaabku dib ugu soo laabtaan gacan ku heynta degaanadii laga saaray, marka ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan dalka dhamaadka sanadkan.

Gen Michael Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa sheegay inay jiraan weeraro laga filan karo kooxda Alshabaab, kuwaas oo doonaya inay ka faa’iideystaan dulduleelada ka dhasha bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS. Laakiin waxa uu ku dooday in filashadani ay meesha ka saari karto haddii shacabka kaalin ka qaataan dagaalka Alshabaab.

"Al-Shabaab waxa ay dooneysaa in ay ka faa’ideysato wax kasta oo ka dhasha faaruqnimada amniga iyaga oo weerraro ku dhibaateynaya ciidamada amniga. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeedna taas way garowsadeen oo waxa ay diyaarinayaan difaacooda si ay awood ugu yeeshaan gacan ku haynta saldhigyada lagu wareejiyay,” Langley ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id maalmo ka dib socdaal uu ku tagay Soomaaliya.

Langley ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ka dhageystay warbixin ku saabsan, habka lagula dagaalamayo Al Shabaab loogana hortagayo soo laabashadooda marka ay baxaan ciidamada Atmis.

Xuutiyiinta oo weeraray markab kale

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Jimcihii sheegtay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab ku gooshayay calanka dalka Liberia oo marayay biyaha badda cas, kaasoo sida ay sheegtay hey’ad arrimaha badaha ka shaqeeysa, ka badbaaday shan gantaal oo lala beegsaday.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay sidoo kale beegsadeen saddex markab oo kale oo ay ku jiraan laba markab oo marayay badda Mediterranean-ka.

Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa sidoo kale sheegtay in weeraradooda ay ku qaadayaan marinnada maraakiibta ay ku garab taaganyihiin kooxda Xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada Israel.

Yahya Saree oo ah afhayeenka milatariga xuutiyiinta ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka Yemen ku sheegay in kooxdan ay gantaalada balaastikada ah ku garaaceen markabka Delonix oo ah nooca shidaalka qaada. Gantaalana ay la heleen.

​Si kastaba ha ahaatee, Hey’adda Kormeerka Hawlaha Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay goor hore oo shalay ah in markabka oo lagu bartilmaameedsaday meel 172 mile waqooyi-galbeed ka xigta dekedda Xudeydah ee dalka Yemen, uusan soo sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray weerarka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah fuliyay

Maamulka Gobolka Baay oo ay Wehliyaan Saraakiisha Ciidamada Boliiska Gaarka, Booliiska Gobolka Bay iyo Taliska Ciidamada ATMIS ayaa Howlgal Qorshaysan ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalka ayaa Ciidamada wadajir ah waxaa ay sigaar ah uga fuliyeend degaannada Kormari iyo Toos weyne oo 10Killomitir u Jira Degmada Berdaale ee Gobolka Bay, halkaas oo la sheegay in mararka qar ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka fuliyaan Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Baay oo howlgalka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii loo sugi lahaa amniga degaannada ay howlgalka ka fuliyeen, isla markaana ay isku fidiyeen degaano dhowr ah.

Guddoomiyaha ma sheegin waxyaabo lagu qabtay howlgalka, hayeeshee ay sheegeen in ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta degaannada katirsan Gobolka Baay laga saarayo Al-Shabaab.

Si kastaba degaannada iyo degmooyinka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa muddo dhowr sano ah u go’doonsan Al-Shabaab, iyada oo Madaxda Koonfur Galbeed ay sheegeen inay Go’doonka ka qaadaan.

Madaxweyne Biixi: Waxan arkayay jabhad Jabuuti kasoo dhex hanjabaysa, halka kamaan filayn

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay jabhad uu sheegay in ay isku urursanayso guddaha dalka Jabuuti.

Muuse Biixi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in jabhad sheeganaysa in ay xoraynayaan gobolo Somaliland kamid ah ay Jabuuti hoy u noqoto, isaga oo ku tilmaamay wax lala yaabo.

"Waxaan arkayay jabhado jabuuti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday jabuuti sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yidhi Madaxwayne Biixi.

Waxa uu sheegay in muxaafad iyo mucaaradba ay ka midaysanyihiin difaacista Somaliland, isla markaana nin kii ka baxa ee mabda kale la yimaadaa uu yahay qof cadowga la soo saftay.

Dowlada Jabuuti ayaa aad uga cadhootay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, heer uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku tilmaamay midi dhabarka lagaga dhuftay, halka uu wasiirkiisa maaliyadu ugu yeedhay ixtiraam daro.

Xiisada labada dhinac ayaa ku sal leh arrimo dhaqaale, iyada oo ay dowlada Jabuuti ka warwarsantahay in Dekeda Berbera ay la wareegto wax kamid ah shixnadaha Itoobiya ee hada soo mara dekedaha Jabuuti.

Puntland iyo Galmudug oo xabbad joojin ka hirgaliyay deegaanada lagu dagaalamay ee Galbeedka Mudug

Wafdi ka kala socday Puntland iyo Galmu dug, ayaa ku guulaystay in xabbad joojin lakala dhex dhigo labo maleyshiyo bee leed oo ku dagaalamay degaanka Jiicboor ee Galbeedka gobolka Mudug, dagaalkaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca ku dhawaad 50 qof.

Wafdiga ayaa maalin ka hor gaaray goobihii dirirtu ka dhacday ee duleedka Jiicboor, iyagoo ugasii gudbay Saaxo-qurun, waxaana safarka ujeeddadiisu ahayd sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dagaal beeleedka daba dheeraaday ee ka taagan Galbeedka Mudug.

Wafdiga oo la kulmay dhinacyada dirirtu dhex martay ayaa xoogga saaray sidii loo joojin lahaa xabbadda iyo dhiigga daadanaya.

Kulamo gooni gooni ah ayay la qaateen maamulada gobolka Mudug Puntland iyo Galmudug, horjoogayaasha ciidamada iyo odayaasha.

Wafdiga ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay labada dhinacba ku qanciyaan xabbad joojin iyo in la kala qaado ciidamada is hor fadhiya.

Si kastaba ha ahaatee, goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan ah kuwa nabad ah, inkastoo saansaanta colaadda weli laga dareemayo degaanada ay kasoo kala jeedaan labada maleyshiyo beeleed.

 

 

Muxuu salka ku hayaa amarka ah in Salaadda Jimcaha la soo gaabiyo dalalka Khaliijka

Iimaaraadka carabta ayaa amray in la gaa biyo khudbada Jimcaha ee masaajidyada si dadka cibaadaysanaya looga ilaaiyo kulaylka aadka u daran, ayadoo heerkulka sare u kacay lala xiriirinayo isbeddelka cimilada.

Maamulka guud ee arrimaha islaamka ayaa qoraal uu soo saaray Khamiistii wuxuu amar ku bixiyey in iimaamyadu ay khudbadooda ku soo gaabiyaan 10 daqiiqo muddada u dhaxaysa bilaha Juun ilaa iyo Oktoobar, markaas oo heerkulku uu yaraan doono.

Inta badan khudbadaha jimcaha ayaa socda ilaa 20 daqiiqo, laakinse intaa wuu ka badan karaa wakhtiga. Waxaa kaloo jira in masaajidyadu markay buuxsamaan ay dibadda dad aad u badan salaadda ku tukadaan.

Hadalka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in go’aankan loo qaatay "bedqabka dadka cibaadeysanaya, gaar ahaan inta lagu guda jiro bilaha xilliga xagaaga”.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo maamulayaashu ay wadaan dadaal la doonayo in looga baaqsado waxyeellada caafimaad ee kulaylka iyo dhibaatooyinka la socda xilli meelo dalka ka mid ah heerkulku uu gaaray 50 darajada Celsius.

Muxuu yahay hubka cusub ee ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi ee aan laga fileyn inay sameysan karto

Maxamed Yaasiin oo ku nool Dubai Sports city wuxuu Wargeyska Khaleej Times u sheegay inuu talaabadaas soo dhoweynayo. "dhawaanahan xilli dambe ayaan tagayey masjidka, dibadda oo qorrax daran ay ka jirto ayaanan ku tukanayey. Waxaan dareemayey sidii in timuhu ay I ololayaan kulaylka jira dartiis. Waxaan rajeynayaa in iimaamyadu ay aayado gaagaaban dadka ku tujiyaan, salaadahana ay dadka u fududeeyaan”.

Iimaam Ayaz Housee oo ku nool Dubai wuxuu sheegay in dad badan ay sugayaan khudbada jimcaha "Waa khudbad ay dadku sugayaan todobaadka oo dhan, sidaa darteedna waxay aad ugu dadaalaan in aysan dhaafin inkastoo masaajidyadu ay buuxsamaan””

Sacuudiga iyo dalal kale oo khaliijka ku yaalla ayaa iyagana talaabadan oo kale qaaday. Hay’adda arrimaha diinta u qaabilsan sacuudiga ayaa sheegtay in khudbada Jimcaha ee masjidka weyn ee Makka iyo masjidka nabiga ee Madinalagu xaddiday 15 daqiiqo si aysan u dhibtoon dadka ku tukanayadibadda masjidka ee aan kulaylka har ka geli karin.

Khaadunka labada xaram ee barakaysan, waa boqorka Sacuudiga, boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, ayaa ansixiyey soo gaabinta khudbada Jimcaha. Goor sii horreysay ayaa mas’uulka dusha kala socda hawlaha Masaajidka weyn ee Makka yio masjidka nabiga e Madina, Sheekh cabdiraxmaan Al-Sudaisi, wuxu faray imaamyada masaajidyadaas in khudbadaha la gaabiyo.

Waddanka ciraaq, wadaadka saamaynta badan leh, Muqtada al-Sadr, wuxuu iimaamyada ka codsaday in ay salaadda fududeeyaan oo khudbada jimcaha laga dhigo mid gaaban si dadku uga badbaadaan kulaylka daran.

Heerkulka aadka u daran ayaa keenay in sannadkan ay dartiis xajka ugu dhintaan 1,300 oo qof.

Dhakhaatiirta ayaa dadka kula taliyey inay ka digtioonaadaan kulaylka xilligan, waxayna soo jeediyeen inay guryaha ku jiraan wakhtiyada uu kulaylku aadka u daran yahay ee ay suurtogal tahay in qorraxda ay toos jirka u qabato.

"Ka fogow shaqooyinka xoogga u baahan wakhtiyada maalinnimada ah ee kulaylka daran uu jiro, una ogolow jirkaaga inuu la qabsado kulaylkaas ka hor inta aaan shqo culus qaban” ayey tiri Dr Karthikeyan Chinniah, oo ah dhakhtarad ka hawl gasha isbitaal ku yaalla Abu Dhabi.

Meelaha kale heerkulka uu in badan sare u kacay waxaa ka mid ah dalalka Lubnaan, Masar, Kuwait iyo Urdun.

Iimaaraadka carabta, dadka qabta shaqooyinka banaannada laga qabto waxaa dhaqan galay mamnuucis ku saabsan in shaqooyinkaas la qabto saacadaha u dhaxeeya 12:30 duhurnimno ilaa iyo 3 galabnimo, ilaa laga gaarayo 15 bisha Siteembar.

Shiinaha oo Xukun Dil ah ku soo Rogay Madaxda Taiwan

Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu ku soo rogi doono ciqaab dil ah mas’uuliyiinta mayalka adag ee hormuudka u ah gooni-u-goosadka madax-bannaanida eeTaiwan, inkasta oo maxkamadaha Shiinaha aanay awood u lahayn jasiiradda si dimuqraadi ah loo xukumo.

Shiinaha, oo u arka Taiwan dhul ka mid ah Shiinaha, mana qariyo neceb uu u qabo Madaxweyne Lai Ching-te, oo xilka qabtay bishii hore , isaga oo sheegay inuu yahay madax bannaanida Taiwan.

Taiwan waxay ka cabanaysay cadaadiska Shiinaha oo kor ugu kacayo tan iyo markii uu Lai ku guulaystay doorashadii January, iyaga oo bilaabay ficilada milatari, cunaqabataynta ganacsiga iyo ilaalada uu saaray xeebaha jasiiradaha ay maamusho Taiwan ee Shiinaha xiga .

Xeerarka cusub ayaa sheegaya in maxkamadaha Shiinaha, dacwad oogayaasha, hay’adaha amniga guud iyo kuwa kale ee amaankaba ay tahay inay "si adag u ciqaabaan kuwa wada madax-bannaanida Taiwan, ayna si adag u difaacaan madax-bannaanida qaranka, midnimada iyo wadajirka dhuleed”, sida laga soo xigtay Shiinaha Wakaaladda wararka ee Xinhua ee ay dowladdu maamusho.

Ogeysiiska Beijing ee Jimcihii la sii daayay ayaa qeexaya ciqaabta dilka ah ee "hogaamiyeyaasha” dedaallada madax-bannaanida kuwaas oo waxyeello halis ah ku ah dalka iyo dadka”, ayay tidhi Xinhua.

U doodayaasha kale ee hormuudka ka ah waxay wajihi karaan xabsi u dhexeeya 10 sano ilaa nolosha.

Xeerarka cusub – oo dhaqan galaya laga bilaabo jimcaha – waxa uu la jaan qaadi doonaa sharciyo horeyba loo diiwaan geliyey, oo uu ku jiro sharcigii ka soo horjeedka madax bannaanida Tawian ee sanadkii 2005, ayuu tidhii Xinhua. Sharcigaas ayaa Shiinaha siinaya saldhig sharci ah oo uu ku qaadi karo tallaabo milatari oo ka dhan ah Taiwan haddii ay goosato ama ay u muuqato inay ku dhowdahay.

Sun Ping, oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda amniga guud ee Shiinaha, ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Beijing ciqaabta ugu badan ee "dambiyada gooni-goosadka” ay tahay ciqaabta dilka ah.

"Seefta fiiqan ee sharciga ah ayaa had iyo jeer dul sudhnaan doonta,” ayay tidhi.

Golaha arrimaha dhulweynaha Taiwan ayaa cambaareeyay tallaabada Beijing, iyaga oo u sheegay dadkeeda in aanu Shiinuhu u hanjabi karin.

"Masuuliyiinta Beijing gabi ahaanba wax awood ah uma laha Taiwan, shuuciyada Shiinaha waxa loogu yeedho shuruucdooda iyo xeerarkooda wax awood ah kuma laha dadkeena,” ayaa lagu yidhi bayaanka Jimcihii. Sidaas oo kale Tawian waxay ka codsatay dadka waddankeena inay dareemaan xasillooni oo aan loo hanjabin ama aanu cabsi gelin xisbiga Shuuciga Shiinaha.

Lai ayaa marar badan u soo bandhigay inuu wadahadal la yeesho Shiinaha laakiin waa laga diiday. Waxa uu sheegay in dadka reer Taiwan oo kaliya ay go’aan ka gaadhi karaan mustaqbalkooda.

Shiinaha ayaa horey u qaaday tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah mas’uuliyiinta Taiwan, oo ay ku jirto cunaqabateyn lagu soo rogay Hsiao Bi-khim, safiirkii hore ee Taiwan u joogay Maraykanka, haatanna ah madaxweyne ku xigeenka jasiiradda.

Ciqaabaha noocan oo kale ah ayaa leh saameyn yar oo la taaban karo maadaama maxkamadaha Shiinaha aanay awood ku lahayn Taiwan, oo dawladdeedu ay diido sheegashada madax-bannaanida Beijing. Saraakiisha sare ee Taiwan, oo uu ku jiro madaxweynaheeda, ayaan sidoo kale booqan Shiinaha.



KANSARKA SAMBABADA Ku Dhaca Astaamihiisa Iyo Dadka U Nugul


Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan qormada labaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa inaynu wax badan ka tilmaamno Kansarka Sambabada ku dhaca, astaamihiisa iyo dadka u nugul ee loo baahan yahay inay ka digtoonaadaan ama ay iska ilaaliyaan intii tarartooda ah.

Qormadeena labaad inta aynu ku jirno waxa aynu ka boggana doonaa ama ka jawaabi doonaa su,aalaha kala ah maxaa sababa Kansarka Sambabada? Maxaa lagu garan karaa ama calaamadihiisu maxay yihiin? Maxaa dawo u ah Kansarka Sambabada ku dhaca iyo taloooyin guud oo aynu la wadaagayno bulshada.

Haddaba Kansarka sambabada (lung cancer) ayaa halis caafimaad oo mudnaanteeda leh. Sambabadu waa xubno muhiim u ah jirkeena, kuwaasoo shaqadoodu tahay kala badal gaasaska uu jidhkeenu isticmaalayo iyo kuwa uusan u baahnayn. Kansarku wuxuu saamayn balaaran ku yeeshaa haba kala badalka gaasaskan (oxygen and carbon dioxide exchange).

Kansarka ku dhaca sambabadu waxuu leeyahay qaybo kala duwan, kuwaaso ku kala duwan rajada waqtigu uu la noolaan karo bukaanku xanuunkan, qayb kamid ah kansarku waa mid aad u halis badan soona yareeya cimriga qofka halka qayb kale lala tacaali karo in mudo ah. Sidoo kale waxaa lagu kala saaraa hab ay adeegsadaan xirfadlayaasha caafimaadku kaasoo ka kooban 4 waji (4 Stages).

Xanuunkaan waxuu ku jiraa kuwa ugu halista badan caalamka waxuuna galaaftaa nolosha dadyow badan sanad walba. Wadamada horumaray waxay ku bixiyaan dhaqaale qiyaastii kabadan kan ay isticmaalaan guud ahaan qaar kamid ah wadamada soo koraya.

Maxaa sababa kansarka sambabada:

sigaarka ayaa la fahamsanyahay inuu yahay qodobka koowaad oo saamayn balaaran ku leh curashada xanuunkaan, iyadoo la tixgalinayo imisa xabo oo sigaar ah ayuu qofku isticmaalaa maalintii mudo kusiman 10sano iyo waxkabadan.

Qofka waqti badan cabayay sigaar waxuu uga jaanis badanyahay kan waqtiga yar cabayay xanuunkan. Sidoo kale tubaakada ayaa shay aan la difiri Karin iyaduna. Dadka aan sigaarka cabin ee marwalba ama badanaa ka agdhaw goobaha sigaarka lagu cabayo ayaa iyaguna leh jaanis ay ku heli karaan xanuunkaan (passive smokers).

Waxyaabaha chemical-ka ah sidoo kale waxaa laga qaadi karaa kansarkaan, dadka u nugulna waxaa kamid ah beeralayda, dadka ka shaqeeya warshadaha iyo dadka ka agdhaw meelaha qashinka lagu gubaba. Dadka ku nool wadamada horumay kuwaasoo hawadoodu wasakhaysantahay ayaa khatar caafimaad ugu jira iyaguna, sidoo kale xanuunada qaar sida kuwa loo yaqaan COPD (chronic obstructive pulmonary Diseases) ayaa sababa xanuunkaan wallow ay aad u yaryihiin. Waxaa sidoo kale lala xiriiriyaa dhaxalka.

Calaamadaha:

waxaa macquul ah inaysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya xanuunkan, lagana yaabaa in mudo ay qaadato soo ifbixidiisa ,waxaa dhacda in si lama filaan ah bukaanka looga helo iyadoo la adeegsanayo raajato (x-ray). Marka kansarku saameeyo qaybo badan oo kamid ah sambabada waxaa soo ifbaxa calaamado ay kamid yihiin xiiq, qufac, xaako uu dhiig la socdo, xabad xanuun.

Haduu kansarku saamayn ku yeeshay neerfayaasha mara sambabada waxaa laga yaabaa in bukaanko dareemo garba xanuun, sidoo kale haduu uu kusoo waxaa macquula in codku isbadalo, liqida cunada oo adkaata, iyo infekshino ku dhaca sambabada sida oofta (Pneumonia). Hadii aan waxlaga qaban intuusan fidin xanuunkaan waxaa imaanaysa inuu kufido qaybaha kala duwan ee jirka isagoo umaraya dhiiga iyo dheecaanka looyaqaan lymphska.

Daawada

Daawadiisu waxay ku xirantahay wajiga (stage) uu marayo, hadii wajiyada hore ee wax laga qaban karo uu marayo waxaa lagu daweyn karaa qaliin iyo daaweeyn labadaba. Hadiise uu dhaafay waji wax laga qaban karo uuna ku faafo jirka intiisa kale malahan rajo sii buuran oo lagula tacaali karo waxaana qofka loo sameeyaa baxnaanin.

Talo

Dadka halista ugu badan ku yeelan kara ayaa ah kuwo sigaarka caba, waxaana muhiim ah in la joojiyo cabida sigaarka lagana dheeraado meelaha lagu cabayo. Dadka ka shaqeeya beeraha iyo warshadaha waxaa muhiim ah inay xirtaan mask si aysan chemicals ugu gudbin una raacin hawada ay qaadanayaa.


 


OGAYSIIS digniin ah

GANACSIGA

(dhulka SOOMAALIYA)

 

 

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LA SIINAYAA: KT&G Corporation,a South Korean company with head office at:71, Beotkkot-gil, Daedeok-gu, Daejeon, Republic of Korea

waa mulkiilaha iyo mulkiilaha Keliga ah ee sumadda soo socota:

 

Raison French Black

 

Astaanta sare ee ganacsiga waxaa lagu isticmaalaa heerka caalamiga ah ee 34 marka loo eego badeecadaha soo socda:

 

fasalka 34:tubaakada; Sigaarka; Sigaarka; buuriga; Waraaqaha sigaarka; Tuubooyinka tubaakada, oo aan ahayn bir qaali ah; Shaandhooyinka sigaarka; Kiisaska sigaarka, ee aan ahayn birta qaaliga ah; Kiishka tubaakada; Shidayaasha sigaarka, ee aan ahayn birta qaaliga ah; Tartamada; Nadiifiyeyaasha tuubooyinka tubaakada; Ashtrays loogu talagalay dadka sigaarka cabba, ma aha bir qaali ah;Sigaarka gooyaa.

 

OGAYSIIS SIDOO KALE WAXAA LA SIIYAY in dacwadaha sharciga ah lagu soo oogi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamad isku mid ah ama ku dayasho, ama cid kasta oo ku xad gudubta xuquuqaha lahaanshaha ganacsiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip