HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 26/6/2024

0
Wednesday June 26, 2024 - 08:12:54 in Wararka by Khaliif Hussein
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 26/6/2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Muqdisho oo xalay laga xusay Munaasabadda 26 ka June

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabadda 26-ka June oo ku saabsan maalintii Gobollada Waqooyi ee Somalia ay ka xorooboon gumeystahii Ingiriiska.

Sanadkaan 64 sano kadib, waxaa munaasabaddaan lagu qabtay Muqdisho iyo magaalooyin kale oo Soomaaliya ka tirsan, kuwaasi oo si weyn xalay looga xusay 26 ka June oo ah markii Gumaystihii Ingiriiska ay ka xoroobeen Gobolada Waqooyi ee hadda la magac-baxay Somaliland.

Xuska 26-ka juun ayaa qeyb ka ah dabbaaldegyo loogu talagalay todobaadka xoriyadda oo ka socda gudaha dalka,waxaana habboon in dadka soomaaliyeed ay u istaagaan soo dhoweynta iyo xuska maalmaha qaran ee ku weyn dadka iyo dalka,isla markaana loo qumo hagaajinta muuqaalada ama bilicda deegaanka,iyadoo calanka Soomaaliyeed laga dultaagayo dhismayaasha ku yaalla hareeraha waddooyinka waaweyn.

Munaasabadda Xalay ka dhacday Muqdisho waxaa ka qayb-galay masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda federaalka Soomaaliya, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiin kale.

26-ka june "Curashadii Maandeeq”

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh, waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah.

Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga,waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo Xisbiyadii S.N.L IYO USP.

Dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas abwaanno Soomaaliyeed,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde),oo ku caanbaxay marinta gabayada dhiirigalinta ah iyo kuwa gumeysi diidka ah,wuxuu bartamihii kontameeyadii, ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka, gaar ahaan gobollada waqooyi, isagoo markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa.

12-kii Saqdii dhexe ee 26-kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, iyadoo munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa uu halkaasi ka mariyay abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ,kaas oo ahaa Kaana siib Kanna saar

Xilligaasi guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaaw xornimo oo ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay, waxaana bulshada ku nool goballada waqooyi ay muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegyo iyo damaashaad ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol ay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Abwaanadaasi maskaxdooda shiilay ee shacbiga dareensiiyay qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala ah C/llaahi Qarshe, Xuseen Aw faarax dibbad, Cali Sugulle oo ku magac dheeraa (Dun carbeed) iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii ku luuqeysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegatay xornimada gobolada woqooyi,waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xalliyo wixii tabasho ah ee jira.

26-ka June 1960-kii waa markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Gobollada Waqooyi ee dalkeenna,loona diyaargaroobay in lala midoobo Gobolada Koonfureed oo si wadajir ah loo dhisto maamul dowladnimo oo ay u dhan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xuska 26-ka juun ayaa qeyb ka ah dabbaaldegyo loogu talagalay todobaadka xoriyadda oo ka socda gudaha dalka,waxaana habboon in dadka soomaaliyeed ay u istaagaan soo dhoweynta iyo xuska maalmaha qaran ee ku weyn dadka iyo dalka,isla markaana loo qumo hagaajinta muuqaalada ama bilicda deegaanka,iyadoo calanka Soomaaliyeed laga dultaagayo dhismayaasha ku yaalla hareeraha waddooyinka waaweyn.

Xuska iyo Weyneynta Maalmaha Qaranimada waxay ku abuurayaan dhallinyarada dareen wadaniyadeed oo ay wax kaga baranayaan waayihii iyo duruufihii adkaa ee naf iyo maalba lahaa ee laga soo maray hanashadii Maandeeq oo curatay 26kii June isla markaana Mataanaysay 1dii July 1960kii.

Abuukar Gob-doon

Madaxweyne Xasan Sheekh” ma jirto meel ay idiin ku tashadeen Dad Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalinta xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka Soomaaliyeed in ay adkeystaan midnimada iyo madaxbannaanidooda, isagoo xusay in dowladdu ay ka go’an tahay, waajibna ay ku tahay ilaalinta qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

"Dad Soomaaliyeed oo meel intii ay ku tashadeen, kuna showray dadka waqooyi deggan ama qeyb ka mid ah aan layno ama aan la dirirno ma jiro. Dowlad baan lahayn, dhibta iyo burburka dadka dhan buu ka soo wada gaaray, in uu idinka idiin badnaana waa qirsannahay, ma diidanin, waxaanba rabnaa in aad ka daawoowdaan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

"Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xuso halgankii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay ku bilaabeen xorriyadda dalka, waxa uuna bogaadiyay dadaalka iyo midnimada guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa himilooyinka qaranka iyo hiigsiga ay inoo ka tageen aabeyaasheen.

Munaasabaddan ayaa lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir, waxaana ka soo qeyb-galay madaxda dowlada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

26-ka June: 64 sano ka hor: Xeyle Sallaase iyo qorshahiisa Hargeysa iyo Muqdisho

Muddo 64 sano ayaa laga joogaa 26 June 1960 oo ku beegan maalintii ay Xornimada ka qaateen Ingiriska gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, sidoo kalena aheyd markii ugu horeysay ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed. Munaasabadaasi waxaa iyadana xigtay kowdii Luulyo oo goboladii Koonfureed heeryadii gumeysigii Talyaaniga ka xoroobay iyo isku biiridii walaalahoodii Waqooyi, halkaasina ku abuurantay Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Waayahaasi adkaa ee lasoo maray 64 sano kahor, Guushii Israacii iyo Mido wga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur 1960-kii waxay niyad jab ku noqotay xiligaasi Gumeystihii Ingiriiska oo markaasi dareemay wada jirka Soomaali ay dooneyso iney ku wada noolaadaan, waxaase Ingiriiska kasii darnaa Boqorkii Itoobiya ee Xeyle Sallaase oo markii uu maqlay Midowga Gobolada Waqooyi iyo Koonfur, beesha caalamka u muujiyay sida uu ugu xun yahay israaca labada Gobol.

Boqor Xeyle Sallaase kuma ekaan inuu ka xumaado kaliye israaca Muqdisho iyo Hargeysa wuxuu Midowgii Sofiyeeti iyo Mareykanka weydiistay taageero Milateri si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karto Israaca Muqdisho iyo Hargeysa, wuxuuna ka dalbaday Xeyla Sallaase Mareykanka, Ingiriiska iyo Ruushka iney caqabad ku noqdaan israaca Labada Gobol.

Halgankaasi dheer ee loo soo maray iyo marxaladaha ay maleegeen Dowladdaha deriska iyo kuwa caalamka waxaa maanta horseedaya hadimadii Xeyla Sallaase oo kale mashruuca Federaalisimka ee lagu soo dhex tuuray Soomaalida, kuwa sida qaldana u adeegsanaaya oo ka biyo diidsan Soomaali mideysan awoodeedii leh, Laabtana ka jecel Gooni isu maamulka sida Somaliland.

Burburkii dawladnimadii Soomaaliya kadib, waxaa dalku uu soo maray marxalado kala duwan, burbur, hoggaamiye kooxeedyo, kooxo diineed iyo dowladdo jilicsan oo lugaha ay qabsadeen siyaasiyiin iyo maamul goboleedyo qabyaaladeysan ee magac ahaan badalay qabqablayaashii dagaalka iyo faragelinta shisheeyaha iyo dalalka deriska.

Goboladii Waqooyi oo iyagana tashaday waxay ku dhawaaqeen inay yihiin dowlad madax bannaan oo 31 sano ay ku dhibtoonayaan aqoonsi aan ilaa weli u cadeyn inay helayaan.

Soomaaliya oo isla garatay in ay qaadato nidaamka Federalism-ka lagu soo dhex tuuray ee halbeeggana loogu dhigay maamul siyaasadeedka dalka ayaa wuxuu noqday mixno fidno ah ee la eeday. Asalkiisu wuxuu nooga yimid Shirkii Embagathi ee Meles Zenawi ku andacoonaayay inuu Soomaali halkaasi uga soo dhisay maamul federaal ah oo Ethiopia laga soo min guuriyay.

Soomaalida oo aan wax faham ah ugu bilaabnayn "Waa maxay Federalism, iyo what is Federal System” ayaa lagu yiri qaata isku maamula. Puntland oo ku andacoota inay tahay hooyadii Federaalka ayaa caqabada koowaad ee awood sheegashada iyo sida qaldan u fasiraneysay 14-kii sano lasoo dhaafay marna ku goodineysay inay tashan doonto.

Soomaaliyada maanta, waa kasoo kabaneysaa sidii hore, waxaa muuqato yadadiilo iyo horumar dhan walbo leh, waxaase aan la qaadan karin dastuurada qaldan ee maamulada habka qabiligi ku dhisan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta dowladda dhexe iyo maamulada qabiliga qaar ee Federalismka u arka xalkooda.

Ugu danbeyntii, 64 sano Soomaaliya oo xor ah, waxaa muuqata rajo aan horay u muuqan, inkastoo caqabada xiligaan jirta aanu dhihi karno amni darada ka imaaneysa kooxaha xagjirka dhiiga shacabka caadeystay inay daadiyaan iyo nidaamka musuqa ku dhisan ee weli dalka ka jira, balse dowladda bilowday inay la dirirto, waxaase muwaadinka Soomaaliyeed isweydiinayaa yaa la diriri doona madaxda sare ee musuqa ku macaashay?

Hambalyo 26- June iyo maalmaha Xorriyadda

Ali Muhiyaddiin

Caasimada Online

Wasiir Roobow” Waxaan soo marnay iyadoo xujeydeenu Buundooyinka hoos daadsan tahay maanta meel fiican ayaan soo gaarnay”.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa Magaalada Makkah ee Boqortooyada Sacuudiga uga qeyb galay Munaasabad Ballaaran oo lagu soo gebagabeynayay mowsimkii Xajka 1445 oo shaqadiisu soo socoto laga soo bilaabo Bishii September ee sanadkii hore ee 2023.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Qunsuliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay Magaalada Jiddah, madaxda qaar ka mid ah shirkadaha arrimaha xajka Sacuudiga, madaxda shirkadaha iyo xamlooyinka adeegga xajka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay warbixinta dadaalkii bilaha badan qaatay ee xajka iyo guulaha laga gaaray sanadkaan adeegga xajka Soomaaliya,iyadoo casharo badan laga bartay dhacdooyinkii sanadkii tagay ee 2023.

Dr Khadar Xaaji Daahir Suleymaan Madaxa Arrimaha Xajka Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey Dadaalkii loo soo galay in xujeyda Soomaaliyeed Sanadkaan Helaan Adeeg xaj oo sarreeya.”Shaqada xajka aan maanta gebagebaynay waxaa ka horeysay 9 bilood ooo shaqo ah, oo wasaaradad Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo shirkadaha oo maalinkasta, bilkas shaqo ay qabanayeen ayaa maanta inoo soo dhamaatay,26dii september ayaa wasiir Awqaafta waxaa uu iclaamiyay mowsimka Xajka, xiligaasi oo loo arkaayay in ay ahayd waqti hore, bishii Octo iyo Novermber waxaa dhacay tartamadii adeegga Xajka, 72 shirkadood ayaana ku guuleystay adeegga Xajka,shirkadda Daallo-arilines na waxay ku guuleysatay daabulidda xujeyda,xujeyda Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin wacyigelin xoogan, inta ay dalkooda joogaan, taasina waa in la iska kaashadaa”.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha iyo dhamaan dadkii kale kalintooda uga qaateen dhiirogelinta adeegyada loo qabanayo xujeyda Soomaaliyeed,isagoo soo hadal qaaday isbedeladii sanadkan jiray.

Wuxuu sheegay in shirkadihii qaabilsanaa adeegga xujeyda ay fuliyeen balantii, sida shirkadihii basaska, iyo kuwii qaabilsanaa cunooyinka xujeyda Soomaaliyeed.

"sanadkan xoogaa meel fiican baa la soo gaaray dhaliil ma dhamaanayso,sanadkii hore waqtigan oo kale qeyladu way badnayd, sanadkan waan ka roonahay intii,inta dhiman sanadka dambe meeshaas aan ka sii qaadno, meel fiican bay joogtaa, hadda waxaa inoo yaala xujeydu in ay safraan oo nabad ku tagaan dalka, Daallo waxaan ka codsanaynaa dadka waayeelada ah iyo dadka xanuunsan in ay mudnaanta siiyaan, si deegaankooda ugu laabtaan,iyadoo aan qofna la dulminaynin”.

FARMAAJO oo war culus soo saaray, kana hadlay dagaallada ka qarxay…

Madaxweynihii hore ee dowladda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xuska 26-ka June, isaga oo shacabka ugu hambalyeeyay 64-guurada ka soo wareegtay markii xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalka oo hadda loo yaqaano Somaliand.



"Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan waxaan idiin ku hambalyaynayaa xuska qiimaha badan ee 26-ka Juun oo ku aaddan 64-guurada ka soo wareegtay xorriyadda gobollada Waqooyi ee dalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore.

Intaas kadib Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladaha kasoo cusboonaday dalka, gaar ahaan dagaal beeleedyada dib uga qarxay gobollo badan oo kamid ah dalka, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo, kadibna ka xoojiyo midnimada, lana dhowro walaalnimada iyo darisnimada.

"Todobaadka Xoriyadda waxaa waajib ah in uu inoo horseedo midnimo, xoojiyana walaalnimada dhexdeenna ah, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha sokeeye ee maanta ka aloosan gobollo badan oo ka tirsan dalka” ayuu mar kale yiri.

Farmaajo ayaa sidoo kale dhammaan dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay xasuustaan halgamayaashii dalkan usoo huray naftooda, una u dueceeyaan, maadaama lagu jiro maalmaha xoriyadda ee 26-ka June iyo kowda Luulyo.

"Malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobanimada iyo xornimada waxaan ugu baaqayaa in ay u duceeyaan halgameyaashii inoo horseeday qarannimada, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhaq-dhaqaaqyadii dhallinyarada Soomaaliyeed ee u midoobey xoreynta dalka, iyaga oo ka fogaaday qabyaalad iyo eex” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Farmaajo.

Wxaa kale oo gabagabadii uu yiri "Hambalyo, sannadkan kiisa Alle ha ina ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo”.

Xuska 26-ka June ayaa sanadkan kusoo aaday, ayada oo ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiis ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda Soomaaliya, waxaana sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa.

Turkiga oo ballaariyay awooddii diyaaradaha Droniska ee Bayraktar

Diyaarada Bayraktar TB3 ee aan duuliyaha lahayn (UCAV) ee ay sameyso shirkadda difaaca Turkiga ee Baykar ayaa gaadhay joog dhan 36,310 feet oo u dhigma 11 kilomitir,sida ay maalinimadii shalay ka dhawaajiyeen madaxda shirkaddaasi.

Shirkaddu waxa ay sheegtay in la gaaray guul cusub ,taas oo qayb ka ah aqoonsiga nidaamka sare iyo tijaabinta waxqabadka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo isticmaalo hawada sare.

Bayraktar TB3 waxaa ku rakiban matoorka PD-170 ee ay dalka gudihiisa ku sameyso shirkadda Turkish aerospace engine,iyadoo waxqabadka diyaaraddu uu ku sii dhowaanayo rikoodhka sare ee joogga 45,118 feet oo u dhigma 13.7 kiiloomitir) .

Ilaa hadda, TB3 waxa ay gashay 445 saacadood iyo 3 daqiiqo wakhtiga duulimaadka inta lagu jiray tijaabadaan.

Qaab dhismeedkeeda Bayraktar TB3 waxa ay noqon doontaa UCAV-tii ugu horreeyay ee awood u leh in ay ka kacdo kana soo dagto maraakiibta,waxaana shirkaddu ay qorsheyneysaa inay bilawdo tijaabada bilaha sanadkaan.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ee uu soo saaro Baykar ayaa kaalin mug leh ka qaatay colaado kala duwan oo caalamka ka dhacay, sida Ukraine iyo Asarbayjaan, kuwaasoo loo adeegsaday sahanno iyo duqeymo sax ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu tiriyaa inay beddeleen dhaqdhaqaaqyada dagaalka, gaar ahaan hawlgallada khuseeya hawada

Dec. 20, 2023, waxaa lagu guuleystay in la dhamaystiray duulimaad qaatay 32 saacadood oo diyaaradda Bayraktar ay ku duushay 3,541 miles oo u dhigma 5,700 kilomitir.

Ciidanka Xoogga oo dilay 7 xubnood oo Khawaarijta ka tirsanaa

Howlgal afjar ah oo ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Cali-cadhoole oo 33 KM waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay toddoba (7) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, waxaana lagu soo furtay hub iyo saanad ciidan.

Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Dhexe Maxamed Dhegaweyne ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada xaq u dirirka ah ee deegaanka ay fuliyeen howlgalkaas afjarka ah oo u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Ciidamada ayaa ka war-helay in kooxdaasi ay si dhuumaaleysi ah ku joogto goobta lagu weeraray, waxaana u suurta-gashay inay soo afjaraan, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay oo horjoogihii hoggaaminayey uu ku jiro iyo goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen oo lagu burburiyey howlgalka.

Madaxweyne Biixi oo sheegay in doorashada lagu gali doono qalab ay mucaaradku diidanyihiin

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in doorashada lagu gali doono nidaamka sawirista bu'da isha, oo ay mucaaradku diidanyihiin.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasibada 26 Juun ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegay in qalabka sawirka wiilka isha loo adeegsan doono doorashada.

"Doorashada in lagu galo sawirka isha bu’deeda, waa ta kali ah ee aynu ku kala badbaadayno, ciddii diiddanna iyada cirka roob ku og, hawshaasi annaga fulinayna lacagtiina waanu haynaa" ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Qalabkan ayaa guddida doorashooyin ka ka caawinaya in dadwaynuhu anay codayn hal mar wax ka badan, codee yayaasha ayaa mara sawirka indhaha xiliga diwaangalinta, waxayna doora shada markale ku gali doonaan sawir ka isha.

Hadaba, mucaaradka ayaa walaac ka qaba in diyaarinta qalabkani ay horsee di karto in doorashadu dib u dhacdo.

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in ay ka go'antahay in la fuliyo heshiiska Itoobiya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Soma liland iyo Itoobiya ay ka go'antahay in isfahankii badda loo badalo heshiis rasmi ah.

Biixi oo hadal ka jeediyay munaasi bada xuska maalinta xornimada ee 26 Juun, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay labada ka go'antahay in ay fuliyaan heshiiska oo uu sheegay in uu Somaliland u horseedi doono aqoonsi.

Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay daacadnimo daro, isaga oo sheegay in aanu diidanayn in heshiis badeed la galo, lakiin uu diidanyahay in ay Somaliland gasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna dhankiisa ka hadlay munaasibada 26 Juun ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in aanu kasoo horjeedin in reer Somaliland ay heshiis galaan, lakiin uu kasoo horjeedo in dhul la bixiyo, isaga oo sheegay in ay leedahay khatar mustaqbal.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa gobolka ka abuuray xiisad dibulumaasiyadeed oo ka dhaxaysa waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya, sidookale qaar badan oo kamid ah urur goboleedyada caalamka ayaa kasoo horjeedsaday heshiiska.

Weerar askar lagu laayay oo ka dhacay dalka Niger

Saddex maalmood oo baroor-diiq qaran ah ayaa ka billaabatay dalka Niger, kaddib markii labaatan askari iyo qof rayid ah lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow xudduudaha dalka galbeedka Afrika ku yaalla uu la wadaago Mali iyo Burkina Faso.

Calamada dalka oo dhan ayaa hoos loo dhigay.War laga sii daayay telefishinka, ayaa afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiggu ku sheegay in "isbaheysiga kooxaha hubeysan ee argagixisada" ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka Talaadadii shalay meel duleedka ka ah tuulada Tassia.

Sagaal askari oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarka, waxaana la burburiyay labo baabuur oo kuwa ciidanka ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada cirka iyo kuwa dhulka la geeyey gobolka. Ciidamada Jihaad doonka ah ayaa weerarro muddo ku dhow toban sano ka waday gobolka.

Maxkamadda ICC oo maanta la filayo inay shaaciso go'aanka kiiska nin horey uga tirsanaa Islaamiyiinta Mali

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee Hague, ayaa maanta oo Arbaco ah, la filayaa in ay ku dhawaaqdo go’aanka kiiska nin horey uga tirsanaa kooxaha Islaamiyiinta ah ee dalka Mali, kaas oo lagu eedeyay in boqollaal haween ah uu adoonsaday isla markaana uu ku qasbay galmo.

Dambiyada ninkaan lagu eed eeyay ayaa la sh eegay in ay ka dhaceen mag aalada qadiimiga ah ee Timbuktu kadib markii sanadkii 2012 ay qabsadeen kooxda Ansar Dine oo xiriir la leh Al-Qaacidda.

Al -Xasan Ag Cabdul Casiis Ag Maxamed, ayaa sidoo kale lagu eedeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadatinimada iyo kuwa dagaal.

Kiiska lagu dacweeyay ninkaan waxaa ka qayb qaatay in ka badan sided boqol oo dhibanayaal ah.

Israa'iil oo duqeyn ku dishay xubno ka tirsan qoyska madaxa siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah

Madaxa siyaasadda ururka Xamaas ee reer Falastiin Ismaaciil Haniyah ayaa ayaa sheegay in gabar walaashiis ah iyo xubno kale oo qoyskiisa ka tirsan oo gaaraya ilaa 11 qof lagu dilay duqeyn diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysteen galbeedka Qasa.

Wuxuu sheegay in falkaani aanu wax ka badeli doonin mowqifka dhaqdhaqaaqa Xamaas iyo iska caabinta ay ku jiraan.Haniyeh waxa uu intaasi ku daray "Dhiiga meydadka ayaa ku qasbaya inay ku sii socdaan wadadooda oo aanay tanaasulin, raaligelin, daciifin, ama niyad jabin”.

Waxa uu sheegay inay weli ku adkeysanayaan mowqifkooda ah inay diidan yihiin heshiis kasta oo aan dammaanad qaadi karin xabad-joojin iyo in la soo afjaro waxa uu ku tilmaamay gardarada, isagoo carabka ku adkeeyay in mawqifka dhaqdhaqaaqa uusan isbedeli doonin marxalad kasta.

Uhuru Kenyatta oo madaxda hadda ugu baaqay in ay dhageystaan dadka dibadbaxaya

Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay nabad ka dib bannaanbax looga soo horjeedo sharciga maaliyadda oo shala dhacay ayna hareeyeen rabshado, iyadoo ay xoog ku galeen dibad-baxayaashu xarunta baarlamaanka.

Hadal uu warbaahinta siiyay Uhuru ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay dadka Kenyanka ah ee lagu laayay dibadbaxyada, isagoo xusay inay muhiim tahay in madaxda la doortay ay dhageystaan ​​dadkii u codeeyay.

"Xilligan waxaan rabaa in aan xasuusiyo dhammaan madaxda in ay shacabku soo doorteen, "Dadka dhegaysigoodu maaha wax la dooran karo ee waa waajib ku qotoma aasaaska dastuurkeenna iyo aasaaska dimuqraadiyadda,” ayuu Uhuru.

Mr. Uhuru, ayaa intaa ku daray in dowladda looga baahan yahay inaysan xoog u adeegsan, isla markaana aysan mucaaradad kala hortagin dadka Kenyaanka ah ee xuquuqdooda dastuuriga ah ku bannaanbaxya.

Madaxweynaha Kenya oo digniin u diray dibadbaxayaasha

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku tilmaamay dibadbaxyadii dha cay Talaadadii shalay ee looga soo horjeeday canshuur kordhinta, aynu ku galeen baarlamaanka iyo xarumaha kale ee dowladda kuwo khiyaano qaran ahaa. Waxa uu ka digay in tallaabo laga qaadi doono dibadbaxayaasha rabshadaha sameynaya.

Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 100-ruuxna waa ay ku dhaawacmeen, laakiin tiradaasi waxay u badan tahay inay sii kororto.

Khudbad uu jeediyay Mr. Ruto ayuu ku sheegay in dadka mudaaharaadaya ay yihiin dambiilayaal halis ah, wuxuuna digniin culus u diray dadka qabanqaabiyeyaasha dibadbaxayada ah.


DARBIJIIFKII NOLOSHA ADAG SOO MARAY EE HADDA LOO SHAQEEYO


Sabona Buulo waxa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalo lagu magacaabo Kofele. Waxa uu xasuustaa in uu reerkiisii ka soo tagay oo waddada hooy ka dhigtay isaga oo siddeed jir ah.

"Laga soo bilaabo da'da todobo sano, waxaan ka tagay qoyskayga, mararka qaarkood waxaan aadi jiray baadiyaha, marar kalena magaalada. Waxaan bilaabay inaan habeenkii ku hoydo bannaanka," ayuu yiri, isagoo dib u xasuusanaya noloshiisii hore.

Waxa uu maqlay qoyskiisa oo sheegaya in aabbihii dhintay isaga oo saddex jir ah. Sabona, ayaa sheegay in cadaadis kala duwan uu kala kulmay guriga, isla markaana uu sidaas uga soo tagay shan walaalihiis ah waxaana uu noqday isagoo da’yar.

Isla markii uu ka baxay darbijiifnimada, waxa uu u jihaystay dhanka magaalada Asasa ee dalka Itoobiya. Asasa waxa uu ku bilaabay shaqo mishaarkeedu bishu ahaa 35 birr isaga oo la shaqaynayay dad lo’leey ahaa.

Laakiin carruurnimadiisii darteed uma aysan suurogelin inuu sii wado shaqadaas. Kadib waxa uu aaday Bale Delo Mana, Ngile oo ah magaalo kale.

Magaalo kasta oo uu tago, Sabona waxa uu ka shaqayn jiray hoteel ama maqaaxi, waxa uuna dhaqi jiray weelasha, halkaas oo uu ka heli jiray mushaharkiisa maalinlaha ah.

Sabona oo sheegay inuu magaalo ilaa magaalo kale u lugayn jiray ayaa yiri, "Haddii aan tiriyo magaalo kasta oo aan tegay, waxa jira magaalooyin badan oo aan mushahar la’iga siin.

Waxa uu xasuustaa in ay jireen dad badan oo u diiday in uu mushahaarkiisa qaato maadaama uu ahaa ilmo ka soo cararay faqri iyo colaad.

"Waxay ahayd meel aan ka soo tooso 10-kii ama 11-kii subaxnimo, ilaa 11-kii habeenimana aan ka shaqayn jiray,” ayuu yiri Sabona. Magaalooyinka qaar waxaa ka mid ah Mooyaale, Buule Hora, Dilan, Hawaasa, waxaana uu ugu dambeyn u jahaystay magaalada Adama.

Noloshiisii Adama

Markii uu Adama yimid, waxa uu nolosha darbijiifnimada ka bilaabay waddooyinka.

Waxa ay hawl maalmeedkiisu noqotay in uu fariisto afaafka hore ee maqaaxi ku taal mid kamid ah Isgoysyada Adama si uu u sugo ka soo harta maqaaxida.

Maqaayadaha Adama ayaa cuntada haraaga ah siiya caruurta darbi jiifka ah ee albaabadooda ku sugaya.

Waxa uu bilaabay in uu cuno cunto aan nadiif ahayn, habeenkiina uu dhulka seexdo, dawarsadana dadka jidka maraya.

Muddo afar sano ah ayuu ku noolaa waddooyinka halkaas oo ay noloshu wax badan ku bartay.

Markaad ku nooshahay waddooyinka Adama, way fududahay inaad ku dhex dhuunmato bulaacadaha magaalada oo aad habeenkii seexato.

Markaad ku nooshahay waddooyinka Adama, way fududahay inaad ku dhex dhuunmato bulaacadaha magaalada oo aad habeenkii seexato.

Sabona waxa uu xasuustaa in sannadihii uu seexanayay waddooyinka Adama, uu doorbiday in uu seexdo meheradaha hortooda halkii uu ka seexan lahaa bullaacadaha.

Seexashada balakoonnada dukaamada iyo sagxadaha waxay keeni kartaa in lagaa saaro oo ay ku garaacaan milkiilayaasha ama ilaalada.

Isaga oo ku nool waddooyinka Adama, waxa uu maalin maalmaha ka mid ah aaday xaafadda Kiebele 11 si uu u soo helo wax uu cuno, balse waxa uu la kulmay ayaa noloshiisii beddeshay.

Waxa uu xasuustay in haweeneey uu guri albaabkiisa ugu tagay si ay siiso cunto haraa ah balse waxay ku tiri "shaqyso hadaad rabtid inaad cunto cuntid”.

"Aad ayaan u ooyay maalintaas. "Waxa aan nafteyda u ballan qaaday in aan waddooyinka ka tago," ayuu yiri, kadibna waxa uu bilaabay in uu raadiyo wax uu sameeyo.

Maalintii xigtay, wuxuu aaday bakhaar ku yaal agagaarka Niilka Madow ee magaalada Adama wuxuuna bilaabay inuu xamaali noqdo.

Laakiin laba jeer ama saddex jeer ayuun buu qaadi karayay alaabta. Sobona oo calooshiisa maran awgeed waxa uu qaadi waayay wax ka badan, markaas ayuu miyir beelay. Waxa uu soo naaxay isagoo biyo iyo caano lagu shubaya.

Inkasta oo uu awoodi waayay in uu qaado alaabtii la rabay in uu xamaalo, haddana kama uusan niayd jabin shaqada. Muddo toddobaad ah oo uu shaqaynayey oo uu mushahar qaatay, waxa uu sii aaday goobaha dhismaha.

Si kastaba ha ahaatee, ma uu helin awood uu ku qabto shaqada sidaas ayaana uu halkaas uga soo tagay.

Intaa ka dib waxa uu ka baxay Adama waxa uuna u jihaystay Diridhawa halkaas oo uu ka bilaabay shaqo xamaali ah oo xitaa sababtay inay garabka jug ka gaarto, ugu damnbeyn waa ka soo tagay waxa uu u soo jiheystay dhanka Addis Ababa halkaas oo uu ku aflaxay.

Waxa uu nasiibka la kulmiyay qof uu yaqaano oo siiyay 1000 Birr oo ku bilaabay inuu ku bilaabo ganacsi qaxwo iyo jaad ka dib waxa uu bilaabay inuu noqdo dallaal taas oo horseeday inuu dakhligiisa kordho.

Ugu dambeyn waxa uu furtay lama mehradood oo cabitaanka lagu iibiyo halkaas oo ay fursad shaqo ka heleen 15 qof. Waxa uu sheegay inay riyadiisu tahay inuu caawiyo caruurta darbi jiifta ah.


Qaar ka mid ah dalalka caalamka oo cambaareeyay sida dowladda Kenya ay u wajahday dibadbaxyadii shalay


Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal kale ayaa cambaareeyay dilka iyo xarigga lagula kacay dibadbaxyaasha Kenya oo shalay ka sameyay bannaanbaxyo waaweyn guudahaan dkenya.

Dibadbaxayaasha ayaa diidan sharci ga maaliyadda ee canshuur kor dhinta, iyadoo dowladdu ku doodeyso in deymo lagu leeyahay ayna u baaha ntay in canshuurtu xal u noqon karto arrintaa.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen safiirada iyo wakiillada 13 wadan ayaa waxa ay ku muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin rabshadaha ka dhacaya guud ahaan dalka ee sababay dhimashada.

"Waxaan aad uga xunahay rabshadihii ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah dalka, intii ay socdeen mudaah araadyadii u dambeeyay, waxaana si gaar ah ula yaabnay dhacdooyinkii lagu arkay bannaanka baarlamaanka Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Iyaga oo isku magacaabay "saaxiibada iyo xulafada Kenya”, safiirada ayaa sheegay in mudaaharaadku ay tahay xuquuq dastuuri ah.

Dalalka ayaa ku baaqay in si degannaan ah loo xaliyo kala aragti duwanaasha dowladda iyo shacabka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip