halkan ka aqriso wararka wargeyska mog times 9.6.24

0
Sunday June 09, 2024 - 10:28:21 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkan ka aqriso wararka wargeyska mog times 9.6.24

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Duqa Muqdisho oo soo dhoweeyay guulaha is-daba joogga ah ee ay gaartay dowladda FS

Gudomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) aya Madaxda Qaranka ugu mahad celiyay gulaha isdaba jooga ah e ay ka gaartay siyasada arrimaha dibada iyo tan gudaha. 

Guoomiyaha oo ka qeyb galay kulan ballaaran oo uu Maamulka Gobolka Banadir io hol wadenada Mamulka Gobolka io dowlada hoose ee Xamar ku taageerayeen uguna mahad celinayen Madax-weynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Golaha Amanka Qaramada Midobay aya sheegay in guulahaasi ay horsed u yihiin in Soomaaliya ay mar kale cagaheeda si buuxda ugu istagto.

Kulankan mahad celinta ah waxa goob joog ka aha Gudomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyasada Mamulka Gobolka Banadir Maxamed Axmed Diiriye (Yaboh), Guddoomiyaasha Degmooyinka, Aggaasimayaal, iyo kumanaan kamid howl wadeenada Mamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.

Wasiirka shaqada XFS oo Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga

Wasiirka Wasaarada Shaqada io Arimaha Bulshada e Xukumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Geneva Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah Mudane Gilbert F. Houngbo.

Wasiirka ayaa ugu warbixiyey Agaasimaha Guud ee Ururka ILO guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS. 

Wasiirka aya uga mahadc-eliyey Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqalaha Adduunka soo dhoweynta uu u fidiyey wafdiga saddex-geesoodka ah (Dowladda, Wakiilada Shaqalaha iyo Loo Shaqeeyaha.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS oo guddoomiyay kulanka guddiga joogta oo ka dhacay Kismaayo

Gudomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir gudoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo shalay ku qabsoomay Maga-alada Kismayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland. 

Kulanka oo ay ka qeyb gashay Gudomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yasiin Xaaji Samatar, waxa uu ajeedkiisu ahaa diyaarinta ajan-dayaasha guud ee kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Ugu horreyn xubnaha Guddiga Jogtada ah aya ka doday qaabka xulista Xildhibaanada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), shuruudaha qofka baarlam-aankaas ka mid noqonaya looga bahan yahay, wadamada ururkas ka mid ah wadan walba waxa looga baahan yahay iyo kaalinta uu ururka ku leeyahay oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha wadan walba sanadkii laga rabo inuu bixiyo iyo sidoo kale dhammaan shuruudaha ku gaadaaman in ay Soomaaliya si rasmi ah ururkan ula falgasho.

Sidoo kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa ansixiyay in la dardar geliyo shuruucdii hore ee qabyada aheyd iyaga oo dhan kale ajandeyay dhamaan hindise sharciyeedyada cusub ee ay xukuumadda soo gudbisay.

Dowaladda oo baaq kasoo saartay colaadda sokeeye ee ka taagan qeybo ka mid ah Galgaduud

Dowladda Federaalka Somalia aya baaq nabaded u dirtay belaha ku dagaallamaya degaanka Laan dheer e u dhexeeya Caabudwaaq io Xerale oo waqoyiga Galgadud. 

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS oo baaq ka soo saartay colada Galgadud aya beelaha ay dirirta u dhexeyso ugu baaqday in ay si deg deg ah ku joojiyan dirirta isla markaana ay fursad siiyaan nabadda iyo wada hadalka.

Halkan ka aqriso baaqa ay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya:

Dowladda oo faahfaahin hordhac ah ka bixisay khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay Ceeldheer

Ciidamada dowlada Fedaralka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deeganka ayaa la sheegay in shalay jab xoogan gaarsiiyeen xubno ka tirsan koxda Al-shabaab oo aroortii hore ee shalay weerar qaraxyo ku bilaawday kula jarma-aday degmada Ceeldheer. 

War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay kasii war hayeen weerarka kooxda Al-shabaab, taasina ay keentay in khasare xog leh la garsiyo koxda.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarkii shalay kooxdu ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud in looga dilay 16 ka mid ahaa xubnii weerarka soo qaaday ee Al-shabaab.

"Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka aya warbahinta Ciidamada u sheegay in al-shabaab laga dilay in kabadan 16 dhagarqabe islamarkasna uu socdo tirakobka qasaraha al-shabab ay garsiiyen" aya lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Dhinaca kale koxda Al-shabab ayaa sheegatay in weerarkaas ay cagta ku mariyeen fariisimaha ciidanka dowladda, islamarkaana ay ku dileen askar badan, walow aysan sheegin inta ay gaareyso tirada askarta ay weerarka ku dileen.

Gobolka Galgaduud waxaa inta badan ka dhaca weerarada qaraxyada ku bilaawda oo ay kooxdu ku qaado fariisimaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deeganadii horay looga xureeyay gacanta kooxda Al-shabaab.

Xuseen Sheikh Ali: Dhacdadii Cowswayne ka hor madaxda Shabaabku waxay diyaar u ahaayeen inay isisoo dhiibaan

La taliyaha amniga qaranka, Xusen Sheikh Cali, ayaa sheegay guul darradii ciidanka dowladda kaso gaartay dagalkii Cowswayne in ay sabab u noqotay, in madax katirsan Shabaab oo isisoo dhiibi rabay ay helaan fursad ay ku baxsadaan. 

La taliyaha amniga qaranka oo bixinayay wareysi ayaa sheegay, malmo ka hor dagalkii Cowsw-ayne in ay dowladda lasoo xiriiren madax katirsan Alshabaab, kuwaas oo uu sheegay inay diyaar u ahaayeen inay dowladda iskusoo dhiibaan.

Xuseen Sheikh Cali wuxuu wareysiga ku sheegay, in wax walba ay isbeddeleen markii uu dhacay dagaalkii Cowswayne, kaas oo ciidamada dowladda ay khasaare weyn kala kulmeen.

"Cowswayne, usbuucyadii ka horraysay macluumaadka aan helaynay wuxuu ahaa, in nimanka waawayn ee Shabaab oo meesha jooga ay dowladda soo wada wacayeen oo ay kala hadlayeen sidii ay iskusoo dhiibi lahaayeen. Nasiib darro, qaladaad militari aye ahed waxay dhacay," ayu yiri.

La taliyaha amniga qaranka waxa uu sheegay in waqtigii Shababku dhihi lahayeen "ibixiya” ay soo dhowdahay. Hase ahaatee wuxuu caddeeyay in ay jiraan dad siyaasiyiin ah oo doonaya in Shabaab aan laga adkaanin.

"Waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in haddii Shabaab la wiiqo ay siyaasadooda khatar ku tahay,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka Xuseen Sheikh Cali.

Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo ka socda gobolka Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Laandheere oo ah degan u dhaxeya magaloyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. 

Dagalkaan ka socda deeganka Laandheere oo 20 KM u jira deegaanka Huurshe ayaa ah mid u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xerale, kaasoo geystay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay dagaalkaan oo bilawday Salaadi subax kadib waxaa ku geeriyooday ilaa sideed ruux o laba dhinac ah io dhawaca in ka badan 10 ruux oo ah dhinacyada dirirtu u dhaxeeyso.

Labada maleshiyo beeled ayaa isku adeegsanaya hubka nocyadiisa kala duwan, waxaana socda dadaalo ay wadaan waxgaradka labada dhinac si ay u joojiyaan dagaalkaan dadka badan ku dhinteen.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaal beeleedka dhiiga badan ku daadanayo ee u dhaxeeya beelaha kasoo kala jeeda Xeraale iyo Caabudwaaq oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Ugu dambeyntii deegaanada maamulka Galmudug waxaa inta badan ka dhaca oo ku soo laab laabta dagal beledyada khasaara lixaadka leh dhaliya oo aanan laga gaarin mar waliba xal rasmi ah oo looga hortagayo dagaal beeleedyada.

Madaxweyne Biixi oo kormeeray diyaarado cusub oo Somaliland ay soo iibsatay

Madaxwenaha Somalilan Muuse Biixi Cabdi io Taliyaha Millateriga Nuux Ismaiil Taani, aya kormeray diyarado cusub oo ay Somaliland soo iibsatay. 

Qoral ay bahisay Madaxtoyada Somaliland ayaa lagu sheegay in diyaradahan lagu tababari doono duuliyayaal ay Somaliland yeelan doonto, kuwaasi oo uu tababari doono Dugsiga Tababarka Duuli-yenimada ee Somaliland.

"Madaxwenaha Qaranku waxa uu kormeeray diyaarado cusub oo markii u horaysay u yeelan doono dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo lagu tababari-doono farsamoyaqaano iyo duuliyeyaal madani ah oo u soo baxa dalka" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalku wuxuu intaa ku daray in xukuumadu ay soo kiraysatay tababarayal duliye oo caalami ah kuwaasi oo mudo 2 sano ah kuso saari doona duuliyayaal xirfadleh.

Madaxweynaha ayaa sidokale kormeray Taliska Guud ee Ciida-mada Millateriga Somaliland ee magaalada Hargaysa.

PSF oo gacanta ku dhigtay labo ajaanib ah oo ka badbaaday duqayntii Maraykanka ee gobolka Bari

Ciidanka nabad sugida Puntlan e lagu magacabo PSF, aya shaciye inay gacanta ku dhigeen labo xubnod o katirsan koxda Daacish oo kasoo jeeda dalka Tanzania.

Labadan xubnod ayay ciidanka PSF sheegeen inay ka bad baadeen duqayntii uu todobaadkii hore Maraykanku la beegsaday saldhig Daacish ay ku lahaayeen deeganka Af-cas ee gobolka Bari,

Labadan xubnood oo lagu kala magacaabo, Cimraan Maxamed Calawi iyo Mabruuk Nassor Saidi, ayaa lagasoo qabtay meel 30km u jirta degaanka ay ka dhacday duqaynta, kadib dabagal ay sam-eeyeen ciidanka PSF oo hayay xogta raggaan. 

Si kastaba ha ahaatee, Maray-kanka aya shegay inu duqayntan ku dilay 3 xubnod oo Daacish ah.

Ciidanka PSF ee uu taageero Maraykanka, ayaa ka shaqeeya la dagalanka Shabab iyo Daacish.

Waa ciidan aan ka amar qaadan madaxtooyada Puntland. Mudoyinkii ugu dambeyay waxaa so baxaya warar shegaya in sara-kiisha cidankan ay xirir dhow la le-yihin dowlada Fedralka Somalia.

Diyaaradda Air Egypt oo duullimaad ka billaabaysa Muqdisho

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada duulista dalka Masar ayaa lagu shaaciyay in Diyaarada Air Egypt ay Somalia ka bilabeyso duullimaad ay todobaadkii 2 Malin ku imaaneyso Muqdisho. 

Dowladda Masar aya bayanka ku shaacisay in 11-July la billaabi doono dullimadyada Soomaaliya, wuxuuna noqon doonaa Qaahira, Jabuuti, Muqdisho.

Danjiraha Jamhuriyada Somalia e dalka Masar, Cali Cabdi Awaare ayaa soo dhaweeyey Bayaanka ka soo baxay Xukumada Qaahira, wuxuuna sheegay in tallaabadan ay tahay mid sare u qaadeysa xiriirka iskaashi iyo wadashaqeyn ee Soomaaliya iyo Masar.

Safiirka Soomaaliya Ee Imaaraadka Oo Warqadihiisa Aqoonsiga Laga Guddoomay

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Isutagga Imaradka Carabta, Danjire Xusen Xalane, aya warq-adihiisa aqoonsiga u gudbiyay Kaliyaha Xoghayaha Habma-amuuska ee Wasarada Arrimaha Dibadda, Saif Abdulla Alshamisi, oo ku sugan Dubai. 

Xog-hayaha Hab-maamuuska ee Wasarada Arrimaha Dibadda, Saif Abdulla Alshamisi, ayaa u rajeeyay safiirka cusub inuu ku guleysto howlaha loo igmaday iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal e Imaradka io Somalia.

Danjire Xalane ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in dalkiisa uu u matalo dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, oo ah qaran ku naaloonaya maqaam heer gobol iyo heer caalami ah oo uu hormuud ka yahay aragtida fog ee Madaxweyne Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Israel oo lagu daray liiska caalamiga ah ee dembiileyaasha ku xadgudba carruurta

Qaramada Midoobe aya Ciida-mada Israel ku dartay liiska caal-amiga ah ee dembiileyaasha gala xadgudubyada ka dhanka ah carruurta. 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Jimcihii Militariga Israel ku daray liiskan, oo ah diiwaan lagu xariiqo dembiileyaasha caalamiga ah ee loo garan ogyahay inay waxyeel-eeyaan carruurta.

Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in 14-ka bishan ay si rasmi ah u so sarto warbixinteda sana-dlaha ee carruurta iyo goobaha ay colaadaha ka jiraan, iyadoona si rasmi ah warbixinteedaasi ugu xusi doonto in Israel ay gashay liiska madow ee dembiileyaasha.

Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Wariyeyaasha u sheegay in Israel lala socodsiiyay in lagu daray liiska dembiil-eyasha ku xadgudba dhallaanka.

Israil aya tani ku mutesate, sida an kala sooca lahayn ee ay dadka rayidka ah ugu lenayso werarada ay ka wado Marinka Gaza.

Sida ku cad warbixinada laga qoray dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhacaya Marinka Gaza, Israel ayaa waxaa cad inay tahay dowlad aan ilaalin xuquuqul insaanka, waana dowlad intii ay jirtay an lahayn sawir wanaagsan oo dhanka bani’adantinimada ah.

In si ula kaca lo layo dadka rayi-dka ah amaba loo bartilmam-edsado io burburinta kaabeyasha rayidka ayaa ka dhigan dembiyo dagaal.

Xeerarka caalamiga ah ayaa mamnuucaya dilka carruurta iyo in lagu xadgudbo, waxayna soo gelayaan dembiyada dagaalka ee ka dhanka ah shurucda calamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Carruurta, dumarka iyo dadka da’da ah o lo yaqano (Birmag-edada) aya waxaa mamnuuc ah in la dilo amaba la waxyeelo waqti kasta, gaar ahaan xilliyada ay colaaduhu jiraan.

Ku darista Israel e liiskan ayaa timid, ka dib sideed bilood oo dagal u ka socday Marinka Gaza, laguna dilay in ka badan 15,500 oo carruur ah, sida ay sheegtay Wasarada Caafimaadka Gaza.

Dembileyasha gala xadgud-ubyada ka dhanka ah xuquqda adanaha kuma xirna inay noqdan kooxo hubeysan amaba dowlado, balse mida ay ka midesan yihiin aya ah in si isu mida lola dhaqmo.

Axdiga Geneva ee ka hortagga iyo ciqaabta dembiga xasuuqa aya cid kasta o lagu helo ka dhigeysa dembiileyal ka gudbay khadka cas ee bani’a-danimada.

Qaramada Midoobey ayaa horey Israel ugu dhalleeceysay in ay Gaza ka sameynayso masiibo gacan ku sameys ah, taas oo baalmarsan shuruucda caalamiga ah, islamarkaana ah dembi dagal.

Sidoo kale gaajeysiinta dadka rayidka ah oo ka dhigan ciqaab wadareed ahna dembi dagaal ayaa ah waxa shalay ay Israel ka waddo dhulka go’doonsan.

Dembiyada sii kordhaya ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ayaa ka caresiyay bulshada caalamka, iyadoona Israel ay muddo dheer jebineysay xeerarka caalamiga ah, marka aad eegto kororka dembiyadeda jogtada ah.

Mareykanka oo culeys ku saaraya Qatar inay dhaqaajiso hindisaha xabad joojinta Gaza

Mareykanka ayaa dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar iyo Masar ku cadaadinaya darda-rgelinta dadaalada lagu dhexdhe-xadinayo Israel io Ururka Xamas, si lo jojiyo colada Marinka Gaza.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa si gaar ah Dowladda Qatar culeys ugu saaraya in ay si degdeg ah Madaxda Xamaas uga hesho jawaabtooda kaga aaddan hindisaha xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga.

Madaxweyne Biden ayaa 1-dii bishan soo bandhigay hindise xabad joojineed, kaas oo uu sheegay in Israel ay u so jeedisay, lana donayo in Xamaas ay aqbasho.

Gudoomiyaha Ururka Xamaas ee Marinka Gaza, Yahya Sinwar ayaa Khamiistii sheegay in aqbal-aadooda hindisaha Biden ay ku xiran tahay inay Israel marka hore caddeyso mowqifkeeda xabad joojinta iyo inay ciidamadeeda kala baxeyso Gaza.

Osama Hamdan oo ka tirsan Sarakiisha Xamaas aya sheegay in heshiiska xabad joojinta ee Biden uu ahaa hadal oo keliya, isla-markaana aysan ururku helin wax ballanqaad ah oo la xiriira xabad joojin waarta.

"Hindisaha Biden uu soo bandhigay ma wadan wax ballanqaad ah, waa uun ereyo uu Biden ka yiri khudbaddiisii.” Ayuu yiri Osama Hamdan. 

Biden ayaa isagu soo bandhigay qorshe saddex weji ah, oo sida uu sheegay soo afjaraya colaadda, sii deynta maxaabiista iyo dib-u-dhiska dhulka Falast-iiniyiinta ee la burburiyay. Xamas ayaa fahamsan in Mareykanku aanu dooneyn inay ka sii arrimiso Marinka Gaza, waana halka ay sarta ka quransan tahay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al-Ansari oo Doha ka yareynayay cadaadiska ka haysta dhanka Washington ayaa sheegay in ay ka war hayaan in Xamaas ay weli derseyso jawabteda kama dam-beysta ah ee hindisaha xabad joojinta degdegga ah iyo kala bedelashada maxaabiista.

Majed Al-Ansari ayaa muujiyay in jawaabta Xamaas ay go’aamin doonto halka looga dhaqaaqayo isgoyska la taagan yahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa lagu wadaa in maalmaha so socdo uu ku laabto Israel, si uu u riixo hindisaha xabad joojinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Marekanka aya Jimcihii xaqiijisay in Blinken uu Isniinta booqan doono Israel, ka dibna uu uga sii gudbi doono dalalka Masar iyo Qatar.

Wasaaradda ayaa warsa-xaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Blinken uu madaxda saddexda dal kala hadli doono baahida loo qabo in Xamaas ay aqbasho hindisaha heshiiska miiska saaran.

Xamaas ayaa ka carareysa in ay wareejiso la haysteyaashii Israeliyiinta ee lagu soo qafaalay weerarkii 7-dii October, iyadoo aanay haysan damaanad-qaad buuxa oo la isku halayn karo, isla-markaana horseedaya in Israel ay ciidamadeeda kala baxdo Marinka Gaza, dibna aysan ugu soo laaban doonin.

La haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza waa waxa ugu weyn ee ay shalay ku gorgortamayaan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.

Hindisaha Biden ayaa Xamaas looga dalbanaya in la hays-teyaasha Israeliyiinta ay ku bedelato boqolaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.

Taangiyada Ciidamada Israel oo gaaray galbeedka Rafah iyo dagaal culus oo ka socdo

Ciidamada Israel ayaa wada guluf ballaaran oo ay isugu dayayaan in ay si buuxdo ugu la wareegaan xaafadaha ku yaala galbeedka deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Ciidamadan ayaa la hawlgalaya ciidamo kale oo si dhirirsan weli isugu fidinaya soohdinta u dhaxeyso Marinka Gaza iyo Masar, kuwaa oo hadafkoodu uu yahay inay gaaraan dhulka xeebta ee Koonfurta Gaza. 

Ciidamada Israel ayaa hadda qarka u saaran inay wada qabsadaan Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor, iyagoona masaafo yar uun u jira xeebta koonfureed ee Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa goor dambe ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay gaareen dhulka xeebta, isla-markaana ay si buuxda u go’doomiyeen Marinka Gaza oo dhan, inkastoo aanay jirin cid si madaxbannaan warkaasi u xaqiijin karta.

Hawlgalka kale ee ay Ciidamada Israel isugu ballaarinayaan galbeedka Rafah ayaa lagu macneeyay wejigiisii ugu dambeeyay ee ay Israel ku dooneyso in ay ku barakaciso dadkii ku harsanaa dhinaca galbeed ee deegaankaasi.

Dadka barakacayaasha ee ku harsan halkaasi ayaa sheegay in taangiyada Ciidamada Israel ay markii ugu horreysay soo gaareen daanta galbeed ee Rafah.

Wararka ayaa sheegaya in duqaynta xiriirka ah ay diyaaradaha dagaalka Israel ka wadaan bartamaha iyo galbeedka Rafah ay suurtagelisay in ciidamadoodu ay ku soo fidaan dhulkaasi.

Xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayuu dagaal culus ku dhex marayaa xaafadda Al-Qarya as Suwaydiya ee galbeedka Rafah.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid aan waxba la isku reebaneyn, isla-markaana aysan jirin cid ka bixi karta xaafaddaasi iyo cid kaloo soo geli karta.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Israel ay u muuqdaan kuwo uu qorshahoodu yahay in ay qabsadaan barta kala qaybisa Rafah iyo Al-Mawasi, si ay isugu xirmaan ciidankooda dhanka xuduudda Masar kaga soo siqaya xeebta.

Al-Mawasi waa goobta bilowgii ay Israel dadkii ay ka barakacisay bariga Rafah u sheegtay inay taggaan deegaankaasi, isla-markaana uu yahay aag nabdoon.

1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah oo gabaadsanayay qaybaha Rafah ayaa la sheegaya in intooda badan ay ku barakaceen deegaanka Khan Yunis iyo qaybaha dhexe ee Marinka Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Jimcihii sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday, tirada dadka rayidka ah ee la dilay ay gaartay 36,731 qof iyo dhaawaca 83,530 qof, isla-markaana ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Ruushka Oo Saldhig Ciidan Ka Raadinaya Xeebaha Badda Cas

Taliye ku xigeenka Golaha Milatariga e mamula dalka Sudan aya ku dhawaqay Jimcihii inay aad u danaynayaan inay xoojiyan xiriirka kala dhexeeya Ruushka dhinac walba.

Jenaral Malik Aqar aya Jimcihii daraad kula kulmay magaalada Saint Petersburg e dalka Rushka Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov. 

Arintan aya ku soo beegmaysa xilli warbaahinta Sudan ay sheegeyso in Miltariga Sudan iyo dowladda Ruushka ay ka wada-hadlayaan sidii Ruushka saldhig military looga siin lahaa xeebaha badda cas ee dalka Sudan.

Ciidamada Sudaan aya taas ku bedelanaya hub ay kula dagal-aman Ciidamada Gurmadka Deg-dega ah e u dagalaku u dhexeyo.

Maxaa ka reebban Muslimiinta?

Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Aadan oo kamid ah culimada Kenya ayaa BBC Somali uga waramay waxyaabaha reebban, inta lagu jiro bisha Dul-Xaj, ama falalka ay tahay in muslimiintu ka fogaadaan.

Waxaana ka mid ah:

1.Soonka Maalinta Ciida: Muslimiinta waa in ay ka waantoobaan soonka maalinta Ciidda, maaddaama ay tahay maalin ciid oo Muslimiinta u dabaaldegayaan farxadda ciidda, ayuu yiri.

2. Muranka iyo isqabqabsiga: Muslimiinta waa in ay ku dadaalaan ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha bishan barakaysan. In muran iyo isqabqabsi la galo waxay lid ku tahay midnimada iyo walaaltinimada.

3.Cibaadada oo la dayaco: Bisha Dhul-Xaj waa xilli cibaadada Alle la badiyo. Muslimiintu waa inaysan dayacin cibaadadooda joogtada ah, sida salaadaha, akhrinta Qur’aanka iyo ducada. 

4. Ku xad-gudubka Xurmada Xajka: Qofka xajka gudanaya waxaa lama huraan ah in uu dhowro axkaamta iyo awaamiirta u degsan xujeyda. Tan waxaa ka mid ah ka fogaanshaha wax kasta oo laga mamnuucay goobaha xurmada leh.

5. In laga ugaarsado goobaha Xaramka (u gaar ah dadka Xujaajta ah): Waxaa reebban in Muslimiinta ay ka ugaarsadaan ama dilaan dhammaan xoolaha kunool gudaha xudduudaha Xaramka ama agagaarka Kacbada Makkah. "Kuwa xaqa rumeeyow, ha ku xadgudbina cibaadada Eebbe" (Quran 5: 2).

6. Timaha oo la xiiro ama ciddiyaha oo la jaro: Dadka Muslimiinta ayaa lagu talinayaa in la daahiyo xiiridda timaha ama jaridda ciddiyaha inta lagu jiro tobanka maalmood ee ugu horreeya ee bisha Dul-Xaj. Taasna waxaa loo cuskaday xadiiska Nebi Muxamed (NNKH) uu ku yiri yiri: "Markaad aragtaan bisha Dul-Xaj, haddii midkiin rabo inuu udxiyo bixiyo, ha joojiyo xiirida timaha iyo jarida cidiyaha ilaa uu ka bixinayo udxiyada.”

7. Timaha oo la xiiro/Ciddiyaha oo la jaro (u gaar ah dadka Xujaajta ah): Qofka doonaya inuu Xajka soo guto waxaa si adag uga mamnuuc ah inuu timaha iska xiiro ama uu iska gooyo ciddiyaha ka dib marka uu galo Ixraamka (xaalka xajka) ilaa ay ka dhammaysanayaan cibaadada Xajka.

8.Qofka xajinaya waxaa ka reebban inuu is udgiyo ama uu marsado waxyaabaha dadka udgiyo (Cadarka).

Sheekh Cabdiqaadir ayaa ugu dambeyn sheegay in ilaalinta hab-raacyadan ay gacan ka geysanayaan in ruuxa Muslimka ah uu si wanaagsan uga faa'ideysto bisha Dul-Xij aadna ugu dhawaado Alle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip