Farxiya Fiska ayaa markii ay masraxa soo korortay waxaa sacabo iyo sawaxan isla helay taageerayaashiisa oo u hamuun qabay arageeda, iyadoo bandhiga ku soo bandhigtay heesaha ay caanka ku tahay.
Sidoo kale waxaa Bandhig Faneedka heeso ka qaaday Fanaaniinta kala ah Bashiir Hanuuniye, Khadar Keeyow, Xanaan Washington iyo fanaaniin kale.
Bandhiga faneedka xalay ayaa ahaa mid ay Fanaanada Farxiya Fiska iyo seygeeda ugu tala galeen inay dadka reer Muqdisho ay la ciidaan.



0 


Fanaanada Farxiya Fiska oo xalay bandhig faneed ku qabatay magaalada Muqdisho (Sawirro)
Fanaanada caanka ah Farxiyo Axmed Cadaawe oo loo yaqaano Farxiya Fiska oo uu wehliyay seygeeda Muusigiisataha ah iyo Fanaaniin reer Muqdisho ah ayaa xalay bandhig faneed cajiib ah ku qabtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka City Palace.