Halkaan ka aqriso wararka wargeyska mog times 4.6,24

0
Tuesday June 04, 2024 - 10:54:41 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka aqriso wararka wargeyska mog times 4.6,24

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo u safray New York si uu ugu ololeeyo kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, aya u safray magalada New York ee dalka Mareykanka si uu ugu ololeeyo in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayaa imaaneysa ka hor doorashada soo socota ee xubnaha golaha amaanka, oo la qorsheeyay 6-da June inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee golah guud e Qaramada Midobe.

Booqashada Wasiir Fiqi ee New York aya qeyb ka ah dadaalo ballaaran oo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in taagero loogu helo dalabka Soomaaliya, isaga oo ujeedkiisu yahay in sare loo qaado doorka u dalku ku leyahay nabada iyo amniga caalamka.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midobay ayaa dooran doona shan xubnod o cusub o ka mid noqon dona golaha amaanka sanadka 2024.

Kurasta diyarka ah e dorashada ayaa loo qaybiyay sidatan.

Hal kursi o Afrika ah, oo hadda ay haysato Mozambique;

Hal kursi Aasiya-Pacific, oo ay hadda haysato Japan;

Hal kursi oo Laatiin Ameerika iyo Kariibiyaankaah (GRULAC), oo ay hadda haysato Ecuador.

iyo Laba kursi o loogu talagalay Galbeedka Yurub iyo kuwa kale (WEOG), oo ay hadda haystaan Malta iyo Switzerland.

 

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka hawlaha guud oo Kismaayo gaaray

 

Magaalada Kismaayo ayaa shalay lagu soo dhaweyay wafdi u hogaminayo wasirka wasarada hawlaha guud ee XFS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo Kismaayo u yimid howlo shaqo oo muhiim ah.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee XFS waxaa Garonka Diyaradaha e magalada Kismayo kuso dhaweeyay xubno u horkacayay Wasirka Wasarada Howlaha guud ee Jubbaland, Wasiiro iyo Wasiir kuxigeeno, Xil-dhibaano ka tirsan DFS, Gudo-omiyaha degmada Kismayo ahna duqa magaalada iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud ee XFS ayaa Kismaayo u yimid sidii uu indho indhayn ugu samayn lahaa mashaariic muhiim ah oo kasocda degmada Kismayo iyo dhagax dhigga mashaariic kale oo la donayo in laga hirgaliyo magaalada Kismaayo kuwaas oo bulshada muhiimad gaar ah uleh.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka oo la kulmay safiirka Talyaaniga

Agasimaha guud ee wasarada gaadiidka iyo duulista hawada xukumada Federalka Soomaaliya mudane Bashir Macalin Ali Xasan ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Pier Mario Dacco’ Coppi, Agaasimaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca duulista rayidka ee labada dal, iskaashiga iyo horumarinta arrimaha garoonada diyaaradaha, gaadiidka dhulka, bad-qabka wadoyinka iyo duulista rayidka.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawadaa dowladda FS ayaa wadda dib u habeyn balaran iyo casriyeeyn ay ku sameynayso nidaamka gadiidka dalka, iyadoo wasaaradu ay horumarineysa adeegyada ay u hayso shacabka

 

Xarunta gurmadka ee hay’adda maareynta musiibooyinka oo la hirgaliyey

 

Gudomiyaha hay’ada Maarenta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub Axmed Firin, ayaa shalay si wadajir ah xarigga uga ka jaray qeybta wicitanada xarunta Qaran ee howlgallada Gurmadka deg-dega ah ee hay’adda SoDMA.

Xaruntaan oo baahi badan loo qabay hirgelinteeda, ayaa loo aas-aasay isku xirka howllgalada gurmadka deg-dega ah, ka jaw-aabidda xaaladaha adag ay la kulmaan bulshada, iyadoo dadka dhibaatoyinka la kulma ama arka ay so wicikaran Numbarka Gaban ee xaruntaan 449.

Tan io burburkii dalka kadib wa markii ugu horresay oo qeybtaan la daahfuro si bulshada somaliyed loogu adeego.

Munaasabadan sido kale waxa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, iyo Mas-uuliyiin kale ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulsh-ada, Sida Culimo, Rugta Gana-csiga, Dhaqaatir, Odayaal iyo Masuuliyiin kale.

 

Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee Labada Heer ee Jamhuuriyadda oo maalinkii labaad Soconayo

 

Shirweynaha Xafiisyada Hanti-dhowrka Guud ee Labada Heer ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maalinkii labaad soconaya o ajanduhu yahay aqo-on isweydaarsi ku saabsan Sharciyada Hantidhowr ee labada heer, si loogu gogol xaaro hanaan wadashaqeyneed oo uu sharicigu saldhig u yahay.

Avv. Cali Sheikh Aadan Yusuf (Cali Somali) oo ka kamid ah martida maalinka labaad ayaa ka jeediyey Shirka mowduuc ku saabsan Isbarbardhigga sooyalka sharciyadii hore ee Xafiiska Hanti-dhowrka Guud e JFS iyo sharciga cusub e Xafiiska XHG-JFS Sharci Lr. 14 ee 2023.

Sidoo kale Xafiisyada Hanti-dhowrka DXDF ayaa soo jeediyey sharaxad ku saabsan Sharciyada ay ku shaqeeyaan, waxaana la is waydaarsaday arrimo la xariira gaabiska Sharciyada iyo sidii loo hormarin lahaa.

 

Taliyihii Ururka 3-aad ee ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliya oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Wararka ka imaanaya gobolka Shabelaha Dhexe ayaa sheegaya in deegaanka Xaaji Cali lagu dilay Taliyihii Ururka 3-aad ee ciidanka Darawiishta Booliiska Soomaaliya ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Xaashi oo loo yaqiinay Juuqlaawe.

Taliye Juuqlaawe ayaa ku geriyoday dagaal beeleed shalay aroornimadii hore ka dhacay deegaanka Xaaji Cali oo ka mid deegaanada hoostaga degmada Cadale, waxana geridisa xaqijisay Taliye ku xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xuseen.

Taliyaha geeriyooday ayaa hoggaaminaayay ciidanka Dara-awiishta Booliiska Soomaaliya ee la kala dhex dhigay maleeshiyo beeled ku dagalamaye mudoyinkii lasoo dhaafay deegano hoostaga degmada Cadale.

Jenaraal Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay ku daabacday barteeda Facebook ku sheegtay in laba Xidigle Cabdulqaadir Maxamed Xaashi Juuqlaawe uu ahaa shaqi howlkar ah oo naftiisa ku waayay dhexdhexaadinta dagaal beeleedyo ka socday gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Waxaa shalay naga shahiiday Allah u naxariisto Lx/le abdulqadir Maxamed Xaashi Juuqlaawe oo ahaa Taliyaha Ururka Darawiishta Boliiska Shabeellaha Dhexe oo shalay ku shahiiday asigoo ku howlan kala celinta labo beelood o dagal ka dhax qarxay. Juuqlawe waxuu ka mid ahaa saraakiisha Darawiishta Boliiska oo dhowrkii isbuuc ku sugnaa deeganada Sh/Dhexe oo ku guuleystay inay demiyaan colaada waxuuna ahaa sarkal ciidanka uu hogaminaayay ku kalsooni qabeyn, bulshadana ku nasteen” ayay tiri Jeneraal Zaki Xuseen.

Dhawaan ayay aheyd markii gobolka Shabeelaha Dhexe dowladda fedaraalka ay u dirtay ciidamo Boliis ah o kala dhexgala Maleeshiyo beeleed dhowr jeer ku dagalamay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo iska dilay dad badan.

 

Booliska Hirshabeelle Loo Tababaray Carqaladeynta Maalgelinta Argagixisada

 

Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa tababar siiyay saraakiisha Booliska ee dambi baarista ee dowlad goboleedka Hirshabeelle si ay uga caawiyaan ogaanshaha iyo la dagaallanka dambiyada maaliyaded iyo carqa-ladeynta malgelinta argagixisada.

Saraakiishu waxay sare u qaadeen xirfadahooda xagga sir-doonka maaliyadda, ogaanshaha lacagaha la dhaqay, barista mus-uqmaasuqa, wax isdaba marinta, iyo fahamka hababka baarista.

"ATMIS waxa ay aqoonsan tahay baahida loo qabo in la dhiso awoodda dhigeena Sooma-aliyeed oo aan siinno aqoon ku wajahan isbeddelka sii kordhaya ee dambiyada maaliyadeed iyo malgelinta argagixisada ee Afrika iyo calamkaba,” ayu yiri Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska ATMIS Ernest Agbo.

Taliyaha Booliska ATMIS ee Jowhar. Waxa uu intaa ku daray "Waan ku faraxsanahay natiijada ka soo baxday tababarka. Tani waxay soo shaacbaxday intii lagu guda jiray kulamadii su’aalaha iyo jawaabaha, oo ay saraakiishu soo bandhigeen waxqabad heersare ah. Waxaan ku kalsoonahay inay hadda si fiican u qalabaysan yihiin inay ogaadaan oo joojiyaan ganacsiyada maaliyadeed ee sharci darrada ah iyo inay ku guuleystaan ​​dagaalka ka dhanka ah argagixisada”.

 

Puntland oo howlgal ka dhan ah Daacish haben hore ka fulisay magaalada Boosaaso

 

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorshesan oo ay haben hore ciidamada ammaanka Puntland ka sameyen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaas oo ahaa mid ka dhan ah Daacish.

Howlgalkan ayaa ujeedkoosa waxa uu aha mid lagu xoojinayay amniga magaaladaas oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha amniga Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu soo qabtay illaa saddex nin oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Daacish, kuwaas oo lagu hayo baaris.

 

Dood ka dhalatay joogitaanka Ciidamada ATMIS ee Soomaaliya (WARBIXIN)

 

Waxaan la soconay in Madax-weynaha Kenya, William Ruto, uu sheegay in Kooxda Al-shabaabay qabsan doonto guud ahaan dalka Somaaliya haddii ay baxan Ciidanka ATMIS ee haatan dalka ku sugan, wuxuna intasi raaciyay inuu arrintaasi Madaxweynaha Somaaliya Mudane Xasan Sheekh u kala hadlay in Ciidanka ATMIS aysan ka bixin Somaaliya, balse e isku fahmi wayen arintasi, ugu dambentiina Madaxweynaha Kenya aya ka dalbade Marekanka in uu so fara-geliyo islamarkana uu hakiyo qorshaha bixitaanka Ciidanka ATMIS, sidaasi awgeed ayaa la sheegay inuu daba socdo wadahadalada ay khadka Tele-efanka ay ku wada xiriireen Mad-axeynaha Somalia io Xoghayaha arrimha dibadda ee Maraykanka.

Villa Somalia ayaa daabacday warbixin kooban oo ka hadleysa wadahadalkii labada Masul, waxa uuna u qornaa sidan: - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka telephone-ka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, aya ka wadahadle xiriirka labada……dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wad-ahadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-daga-alanka kooxaha argagixisada iyo qorshayasha Dowlada Somaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhamado kadib. Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya (UNSOM), kaasi o dhawan lo so magacabay Wakiil KMG ah.

Dhinaca Dowlada Maraykanka ayaa iyagana war ka soo saaray wadahadalka Madaxweynaha So-maaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka waxa uuna u qornaa sidan: - "Xo-ghayaha Arrimha Dibadda Mara-ykanka Antony Blinken ayaa kala hadlay Madaxweynaha Somalia Md.Dr. Xasan Seekh Maxamud wax ku saabsan la dagalanka Argagixisada iyo hadafyada Amni ee la wadaago. Waxay kaloo ka wada hadleen baahidda loo qabo in la dhimo xiisaddaha Gobolka, dhamestirka Qorshayasha

holgalka Midawga Afrika(ATMIS) ee Soomaaliya ka dib, iyo sii socoshadda UNSOM”. Sidaasi waxaa Bartiisa X ee loo yaqiin Twitter soo galiyey Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mathew Miller.

La-taliyaha Amniga Qaranka e Madaxweynaha Somalia Xusen Sheekh Cali oo tafaasiil dheer ka bixye jogitanka ciidamada ATMIS ee Somalia ayaa Jimcihii sheegay in dowladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhamadka sannadkan, marka uu dhamaado howlgalka ATMIS.

Dood cusub ayaa ka dhalatay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Somalia, waxana looga hadlay siyaabo kala duwan. Haddaba maxa u ka yiri La Taliyaha Amniga Xuseen Sheekh Cali ayaa oo ka hadlay, waxaana uuna yiri: - "waxaa jiri doonaan ciidamo ka socda Waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii joga Somalia, qeybna ka noqonaya howlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la waregan laga bilaabo Jannaayo 2025-ka”.

Farriin uu ku qoray bartiisa X ayaa Xuseen Sheekh Cali uu ku sheegay in ilaa inta Itoobiya ay sii wado ku xadgudbka gobanimada, midnimada dhuleed iyo madaxb-anaanida siyasaded ee Somalia aysan Soomaaliya u tixgelinayn waddan loo gaashaanbuuraysto horrumarinta nabadda iyo amniga gobolka, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Dalxiiseyaasha Israel oo laga mamnuucay dalka Maldives (Israel oo go’doomin ay ku socoto)

 

Dowlada Maldives aya so sartay amar ay dalkeeda uga mamn-uuceyso inaanan lagu iman karin Basaborka Israel, taas oo jawaab u ah dhiiga ay Israel ku dadineyso Marinka Gaza.

Dowlada Maldives aya sheegte in Israeliyinta haysta Basaboorka Israel aysan soo booqan karin Jasiiradaha Badweynta Hindiya ee canka ku ah xebaha ciidda cad io melaha lagu raxesto ee dalkasi, iyadoo laga falcelinayo carrada dadweynaha Muslimiinta u badan dalkasi ee la xiriirta dembiyada ka dhacaya dhulka Falastiiniyiinta.

Madaxwene Mohamed Muizzu ayaa go’aansaday in dalka laga mamnuco dadka wata Basaborka Israel, inkasto aysan Madax-toyadu si sax ah u sheegin goorta uu dhaqangelayo sharcigaasi.

Madaxweyne Muizzu ayaa sido kale ku dhawaaqay lacag uruurin heer qaran ah oo loo sameynayo shacabka Falastiiniyiinta, si wax looga qabto dhibatada nololed ee haysata.

Maldives aya can ku ah dalxiska, waana dal ay ad u boqdan dadka rer Israel. Sanadki ugu dambeyay aya waxa dalkasi boqday kow iyo 10 kun o dadka rer Israil ah, tani o ka dhigan 0.6 boqolkiiba wadarta guud e dalxiseyasha calamka o dhan ee soo booqday dalka.

Xogta diiwaanka dalxiiseyasha ayaa muujineysa in tiradan aysan qayb ka ahayn dadka Yahuudda ah ee haysta basaboorada kale ee dalalka shisheeye.

Dowladaha calamka aya waxa muqanesa ine ka so horjesa-nayan Israil, isla-markana e tahay dowlad go’doon ah.

Muuqaalka Israel ee caalamka ayaa sii xumaanayay, tan iyo markii ay bilowday weerarada ay ka gesaneso Marinka Gaza, o dad farabadan ay ku dhimanayan.

Ciidamada Israel ayaa illaa iyo hadda Marinka Gaza ku dilay dad tiradoda lagu sheegay 36,439 qof, 82,627 kalena ay dhaawaceen, muddada sideedda bilood ah ee dagalka uu socdo. Dhammaan dadkan aya ah dad rayid ah, sida ay xaqiijisay Wasarada Caaf-imaadka Gaza.

Gumadkan ay Israil sida an kala sooca lahayn ugu bartilmaam-eedsaneyso shacabka aan waxba galabsan aya dhabaha u xartay in dalalka rer Yurub qarkod ay si an loga baran uga horyimadan mam-ulka k dhisan Bariga Dhexe.

Xer Ilaliyaha Gud e Maxkam-ada Dembiyada Caalamiga ah (ICC), Karim Khan ayaa 20-kii bishii hore ee May dalbaday in la so xiro Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiir-kiisa Difaaca, Yoav Gallant, sab-abo ku aaddan dembiyada ay ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Hogamiyeyasha reer galbedka oo ka jawabaya cadaadiska ka haysta gudaha aya isku dayaya in

ay gacmaha qabtan Raysal Wasare Netanyahu iyo Wasiirada ku jiidaya in la sii wado dhiiggan ay gacmaha kula jiraan.

Maxkamada Cadaalada Caa-lamiga ah ee ICJ ayaa 24-kii bishii May soo saartay amar ay Israel ku fareyso inay soo afjarto weerarka ballaaran ee ay horaantii bishaasi ka bilowday deegaanka ku yaala cirifka koonfureed Marinka Gaza ee Rafah, walow ay Israel she-egtay inusan go’ankasi khusenin, isla-markaana ay sii wadi doonto dagalka ay sheegte ine ku burbur-inayaan Ururka Xamaas.

Dalalka Midowga Yurub o Spain ay hormud u tahay aya karka-rinaya, sidii ay u soo saari lahayen go’aan mideysan oo lagu cunaqa-bateynayo Israel, si loogu ciqaabo kororka dembiyadeda iyo ku xadgudubkeeda aan dhamaadka lahayn ee ka dhanka ah shurucda caalamiga ah.

Israel aya billihii uu dambeeyay wajaheysay culeys siyaasadeed, dhaqale iyo mid amni, ka dib carro xoog leh oo ka dhalatay dilka iyo gaajeysiinta ay ku hayso dadka reer Gaza.

Israel aya darensan in uu kor-dhayo kacdonka caalamiga ah ee lagaga soo horjedo habdhaqa-nkeeda guracan ee ay muddada dheer ku ciqaabeysay shacabka Falastiniyinta e dhulkodi la bobay, lagana hortaagan yahay wixii ay xaq iyo xuquuqba u lahaayeen.

 

Itoobiya oo dal kale la saxiixatay heshiiskii ugu ballaarna oo ku kacaya 1 bilyan dollar

 

Ra’iisul Wasaraha Itobiya Abiy Axmed io madaxweynaha Konfur Kuuriya Yoon Suk Yeol ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo ku kacaya $1 bilyan oo doolar.

Heshiiska qaab dhismedka maal-gelinta ayaa bartilmaam-eedsanaya mashaariicda la fulin doono afarta sano ee soo socota, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Madaxda ka socotay Itobiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale yeeshay wada-hadalo laba geesood ah.

Dhinacyada ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis is-afgarad ah o u dhaxeya guddiga anshaxa federalka iyo la-dagalanka mus-uq-maasuqa ee Itobiya iyo gudiga la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo xuquuqda madaniga ah ee Jamhuuriyadda Kuuriya.

Wafdiga Itoobiya ayaa qeyb ka ah shir madaxedka Jamhu-uriyadda Konfur Kuriya iyo Afrika, kasi o sanadkan ka dhacaya mag-aalada Seoul e casimada dalkasi Konfur Kuuriya.

Shirkan aya waxa intiisa badan diiradda lagu saari doonaa xiriirka soo jirenka ah ee Konfur Kuriya io dalalka Afrika, gar ahan dhinaca iskashiga oo ay ugu muhiimsan tahay horumarinta ganacsiga.

 

Raysal Wasaaraha Israel oo isku buuq lagu furay

 

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa waxaa ku kordhaya cadadiska siyasaded e ka haysta Xisbiyada Siyasada e ku kla qebsame dagalka Marinka Gaza, iyadona u wajahayo laba kala daran mid dooro.

Raisal Wasaraha aya la shege in u ku jahwarersan yahay dala-badyada is didan e kaga imanaya xisbiyada shuraakada kula ah xukuumaddiisa.

Xisbiyada isbahaysiga ayay qaarkod dalbanayaan in dagaalka la sii wado, halka qaar kalena ay soo jeedinayan in la qaato heshiis lagu soo afjaraayo colaadda.

Xisbiga Midigta Fog ee uu hog-aamiyo Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir ayaa ku hanj-abay in ay ka bixi doonaan xuku-umadda wadaaga ee Benjamin Netanyahu uu hogaamiyo, haddii ay aqbasho heshiis xabad jojined.

Hoggaamiyaha Xisbiga Otzma Yehudit io Wasiirka Maliyada Israel, Bezalel Smotrich ayaa shegay ine xukumada ka si mid ahan karan o keliya dagalka o la si wado.

Wasiirada mayalka adag ayaa sheegaya in xukuumada ay tahay inay dhageysato rabitaankooda, haddii kalena ay burburi doonto.

Labadan nin oo ka mid ah xubnaha ugu xagjirsan ee Golaha Wasiirada Israel ayaa Netanyahu uga digay inuu qaato hindisaha xabad joojinta ee Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden uu soo bandhigay Jimcihii.

Waxe sheegen inay didan yihin heshiis kasta oo horseedaya in nabad lala qaato Ururka Xamaas, iyadoo aan la burburin.

Hogamiyaha Mucaradka Israel, Yair Lapid aya olole xog leh ka dhex wado xisbiyada, si Netanyahu logu khasbo inu qato heshiis nabaded amaba in la rido xukuumaddiisa.

Ninkan ayaa u ololeynaya dib u soo celinta la haysteyasha Israe-liyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza. Dadkan ayay kooxaha wax iska cabinta Falastiniyinta ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.

Benny Gantz oo ka mid ah Golaha Wasiirada Israel ee daga-alka ayaa mar sii horreysay ku hanjabay in uu ka bixi doono Xuk-umada Raysal Wasare Benjamin Netanyahu, haddii aysan wax qorshe ah ka yelan dagalka Gaza.

Benny Gantz aya Raysal Was-aaraha Israel ku eedeyay in uu ku miigan yahay uun sii socoshada dagaalka, iyadoo aysan jirin wax qorshe ah, xili sida u mujiyay u jiro dhigbax ku socda ciidamadoda.

Waxa uu sheegay in Raysal Wasaraha ay hogaanka u hayaan Xubnaha Xisbiga Midigta Fog, isla-markaana uu u dhego nugul yahay waxa ay doonayaan.

Gantz ayaa siyasiyinta xagjirka ah ku dhaleceyay in ay xukumada ku hoggaaminayaan dagaal aan wax natiijo iyo hadaf ah toona lahayn.

Gantz aya ku hanjabay inaysan Netanyahu ka yeli donin in danihisa garka ah iyo kuwo siyaa-sadeed uu ka hormariyo baahiya jira, isla-markaana uu Xisbigiisa Dhexe kala bixi dono xukumada la wada leyahay, hadi esan 8-da bishan June la iman qorshe cad o kaga adan dagalka ka soconaya Marinka Gaza.

"Haddii aad doorataan dariiqa xagjirnimada o aad umada o dhan u horseeddaan inaad hadan ka turtan, waxana lagu khasbi dona inan ka tagno dolada.” Ayu yiri Gantz.

Gantz aya mudoyinki ugu dam-beysay si dhow loola xiriirinayay Mareykanka iyo Midowga Yurub, kuwaa oo iyagu gadaal ka riixaya in la soo afjaro colaadda Gaza, sababo ku aaddan cadaadiska sii kordhaya ee ka haysta gudaha. Bulshada reer galbeedka ayaa madaxdooda ku cadaadinaya in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Marinka Gaza.

Xukumada Netanyahu aye muhim u tahay tagerada xisbiyada isba-heysiga, oo haddii ay taageerada kala laabtaan ay khasab noqon donto in la qabto dorasho waqtig-eda laga soo hormariyay, taas oo Netanyahu uu ka cararayo.

Netanyahu ayaa hadda taagan isgoys oo meel uu uga dhaqaaqo uusan garaneyn, mana hayo baa la leeyahay qorshe uu musta-qbalka isugu sii wadi karo siyaa-siyiinta xisbiyada ee isku diidan dagalkan, inkasto uu isku dayayo, sidi uu tageradoda u jogten lahaa.

Warbaahinta Israel ayaa sheegte in Xubnaha Golaha Was-irada ee dagalka oo haben hore kulmay ay ka doden hindisaha xabad jojinta e Marekanka u so jeediyay.

Cadadiska Netanyahu ka haysto dal io dibadba aya xoge-stay, ka dib holgalkii dhinaca dhulka e ay ciidamadisa 7-dii bishii May ka bilaben deganka Rafah e cirifka konfured ee Marinka Gaza.

 

Natiijada Doorashada Koonfur Afrika oo Lagu Dhawaqay iyo Xisbiga ANC oo Markii Ugu Horeysay Guuldareystay

 

Madaxwenaha Konfur Afrika Cyril Ramaphosa aya ugu baqay xisbi-yada siyasadeed ee dalkaas inay ka wada shaqeyan danta dalka, islama-rkaana laga gudbo wixii kala qeyb-sanan ah o doorashada ka dhashay.

Hadalka Ramaphosa ayaa yimid ka dib markii natijadii ugu damb-eysay ee doorashadii todobaadkii hore uu xisbigiisa ANC ku guul-dareystay inuu helo aqlabiyadda barlamanka marki ugu horesay, lana filayo in la dhiso dowlad wadaag ah.

Natiijada lagu dhawaaqay Axadii, ayaa mujinaysay in tagerada xisbigu ay si weyn hoos ugu dhacday markii la fiiriyo codadka uu helay, waana doorashadii ugu xumayd ee soo marta dhaqdhaqaqa xoreynta Afrika ee ANC oo ah kan ugu da’da weyn ururada siyaasadda dalkaas.

Xisbigaan oo uu hoggaamin jirey madaxwenihii hore Nelson Mandela oo lagu xasuusto inuu soo afjaray xukunkii caddaanka tirada yar ayaa in ka badan 30 dalka majaraha u hayayay, balse guuldarro weyn oo lama filaan ah ayaa kala kulmay doorashadii dabayaaqada May.

ANC ayaa helay 40.2 boqolkiiba codka la tiriyay, taas oo uu dhiganta in boqolkiiba 57.5 ay hos u dhacday kurasstii uu baarlamaanka ka heli lahaa, halka xXisbiga ugu weyn mucaaradka, Democratic Alliance (DA) uu helay 21.6 boqolkiiba.

Sidoo kale xisbiga (MK), oo ah xisbi cusub oo uu hogaamiyo madaxwenihii hore iyo hogaamiyaha ANC Jacob Zuma, aya ku guleystey 14.7 boqolkiiba – taasoo ka soo jiidatay codadka ANC.

 

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip