halkaan ka aqriso wararka wargeyska mog times 2.6.24

0
Sunday June 02, 2024 - 09:14:08 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mog times 2.6.24

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha JFS iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka oo yeeshay xiriir khadka ah ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka telephone-ka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ka wadahadley xiriirka...labada…dal. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Marekanka aya wadaha-dalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin ladag-alanka kooxaha argagixisada iyo qorshayasha Dowladda Somalia ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhamado kadib.

Mudane Xasan Shekh Maxamud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midobay ee Somaaliya (UNSOM), kaas o dhawan lo soo magacabay wakiil KMG ah.

Ra’iisul wasaaraha XJFS oo daahfuray barnaamijka "Hooyo u Hiilli Qarankaaga,”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnamijka "Hooyo u Hiilli Qarankaga,” kaas oo lagu mujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyoyinka Somaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka.

Mudane Xamsa, ayaa si qoto dheer uga hadlay sida ay haweenku u yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dhisida nabada iyo amniga, waxuna tilmamay in Hooyooyinku ay leyihiin awod gaar ah oo ay ku bararujiyaan bulshooyinka, una horseedaan xasillooni iyo is-aaminaad. 

Waxa uu sheegay in kooxaha Al-shabaab ah iyo qabylaaddu ay yihiin hooyada danbiyada iyo xushalay, loona baahan yahay in wadajir loogu istaago ciribtirkooda, isaga oo ku adkeeyey hooyooyinka Somaliyed in ay doorkoda ka qaatan sidii guryaha loga so saari lahaa kuwa danbiyada geysanaya ee ku dhex dhuumanaya shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay haweenka Soomaaliyeed in ay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dagaalka Al-shabaab, isaga oo xusay in Xukumada Danqaran ay diyar u tahay in ay tagerto hawenka, si ay u gaaraan himilooyinkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in hooyooyinku ay yihiin furaha horumarinta iyo badbadada Qarankeenna. Wuxuuna ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada in ay garab istaagaan hooyooyinka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo horumarsan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo aqalka dowladda hoose kusoo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed Caddow

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Xildhibaan Maxamed Caddow oo ka tirsan Barlamaanka dalka Kenya, kaasi oo maalamahaan booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Caddow oo ay wehliyeen Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Federaalka Somaaliya, ayaa waxa uu Duqa Muqdisho ugu mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loogu sameyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona warbixin la xariirta horumarada ka jira caasimadda ka dhageystay Duqa Magaalada Muqdisho. 

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay Xildh-ibaanka doorka uu kaga jiro Siyaa-sadda dalka Kenya iyo matalaadiisa Gobolka uu kasoo jeedo, asigoona dhinaca kale ugu baaqay in uu ka shaqeeyo isku xirka dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Kenya.

Wasiirka Amniga gudaha oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane AAbdullahi Sheikh Ismail – Fartaag ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin, kaas oo ay yeshen wadahadal miro dhal leh. 

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray doorka ay IOM ku leyihiin xasillinta, marenta socdalka, iyo dadallada amniga xududaha, wasiirka Amniga Gudaha oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisabtanka laamaha amniga iyo cadaaladda ay sare u qaadayso kalsonida shacabka iyo waliba adeg bixinta muwaadiniinta Somaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Nairobi kulan muhiim ah kula yeeshay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka wasarada Maliyadda ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay Agaasimaha Bangiga Adunka u qabilsan dalalka Somalia, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Somalia ee Bangiga Adunka Kristina Svensson. 

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray horumarinta mashaariicda Bangigu ka fuliyo Soomaaliya oo ah kuwo waxtar u leh, Dowladda iyo Bulshada intaba, sidoo kale waxaa laga wada hadlay kadib barnaamijkii deyn cafinta, sidii loo ballaarin lahaa taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa ka mid ah hey’adaha caalamiga ah ee sida joogtada ah u taageera Dowladda Soomaaliya, waxa uuna ku leeyahay mudnaan gaar ah gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Madaxwenaha Dowlad Goboledka Konfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay xarunta Madaxtooyada KGS ku qaabilay Guddomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo Shalay howlo shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’-adannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagallada dalka lagu xoreynayo Al-shabab io dor ku lahanshaha barn-amijyada……xasilinta. 

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta mashaariic loogu talagalay DG KGS oo ay hay’adda SoDMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa Wasaradda Gargaarka KGS, mashaariicdaas oo uu maal geliyay Bankiga Aduunka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinasir Cabdi Caruush.

Madaxwene abdiasiis Laftagaren ayaa Hay’adda SoDMA iyo hogga-ankeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’-adannimo ee ay ka fulisay deganada maamulkaas.

NISA oo gacanta ku soo dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo si dhaw ula socday isku dayo ay Khawaarijtu si dhuumaaleysi ah baad ugu weyd-iisaneysay xubno ganacsato ah aya gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda, waxaana sidoo kale Ciidanka sirdoonku ku daba jiraan xubno kale oo la tuhunsan yahay.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa uga digtay Ganacsatada inay u dhego-nuglaadaan isku dayada daciifka ah ee al-shabaab ay ku dooneyso in ay ku boobto hantidooda kaddibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka….Soomaaliyeed. 

Waxaana bayaanka ka soo baxay Hay’ada Sirdonka iyo Nabad Sugida Qaranka lagu yiri "HSNQ waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hintida, sumcadda iyo badqabka muwaadinka Soomaaliyeed sidaas darted waxa la farayaa dadweynaha in ay ka fogadaan xiriirka iyo gobaha ay ku sugan yihiin al-shabab”.

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay gobolka Bari ee Soomaaliya

Ciidanka Qaranka oo garab ka helaya saxiibada caalamiga ah gaar ahaan Marekanka ayaa howlgal lagu dhabar jabiyay kooxda argag-axisada ee Daacish ka fuliyay gobalka Bari ee Puntland. 

Howlgalka oo qeyb ka ah dagalka lagu ciribtirayo argagaxisada ayaa waxa jab loogu geystay maleshiyada Dacish oo halkas isku urursaneysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin doonta qasaaraha dhabta ee gaaray argagaxisada.

Taliyahii Booliiska degmada Bardaale oo ku geeriyooday dagaal shalay ka dhacay degmadaas

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan o barqanimadii shale ku dhexmaray gudaha degmada Bardaale ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed hubeysan. 

Wararka so baxaya aya sheegaya in Taliyihii Saldhigga Booliiska deg-mada Bardaale ee gobolka Baay Cali Boorow iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Darawiishta Koonfur Galbed iney ku geriyoden dagaalkii shalay ka dhacay gudaha degm-adaas.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii maleeshiyaadka hubeysan weerar culus qaadeen fariisimaha magaalada Bardaale ay ku leeyihiin ciidanka Koonfur galbeed, waxaana sidoo kale la sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu gaaray dhanka ciidanka maleeshiyo beeleedka.

Wasiirka amniga mamulka Konfur galbeed oo ka hadlay dagaalka shalay ka dhacay Bardaale ayaa ku sheegay maleeshiyo beeleedka soo weeraray gudaha magaaladaas iney ahayeen kuwa ka tirsan Al-shabaab.

"Waxa magaalada soo weeraray waxay ahayeen Al-shabaab waayo cid kale oo wax weerarta ma jirto, waana la sii ogaa weerarkooda ciidamadana way iska difaaceen, dhanka ciidanka waxaa dhawacmay 2 askari, dhankoodana dhimasho iyo dhaawac badan ayaa jira" ayuu yiri Wasiirka amniga Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii weerarkaan ka dhacay Bardale aya kuso begmaya, iyadoo muddooyinkii dambe Bardaale ay ka taagneed xiisad culus oo u dhaxeysay maamulka Koonfur Galbeedka iyo maleeshiyo beeleedka shalay weerarka ka geystay gudaha magaaladaas.

Faahfaahino kasoo baxay dagaal culus oo shalay ka dhacay degmada Bardaale

Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in shalay uu halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo maleeshiyo beeleed ah. 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka maleeshiyo beeleedka ah ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo gudaha magaaladaasi ay ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Dad ku sugan gudaha degmada Bardaale aya warbahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka nocyadiisa kala duwan.

Wararka hordhaca ah aya sido kale sheegaya in dagalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhnac, hayeeshee lama xaqiijn karo inta u dhan yahay khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka.

Maleeshiyaadkaan weerarka ku qaaday fariisimaha ciidanka Dara-awiishta Konfur Galbed ee Bardaale ayaa ahaa kuwa bishii lasoo dhaafay si awood ah looga saaray gudaha degmadaas, waxaana weerarkooda uu imaanaya, kadib markii la sheegay in lagu guul dareestay wadahadlo la doonayay in xiisada lagu xaliyo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid wali kacsan, maadama ciidamada dirirtu dhexmartay wali ay ku wada sugan yihiin gudaha magaalada, islamarkaana la filan karo in markale uu dib qarxo dagaalka.

Khaatumo ‘oo si gaar ah’ ula macaamileysa Turkey + Sawirro

Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhiggiisu yahay Laascaanood ayaa haatan bilaabay inuu si gaar ah ula macaamilo dowladda Turkiga.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqadir Firdhiye ayaa booqday xurunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Hoggaamiyaha SSC ayaa kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mud. Amb. Alper Aktaş iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Safaaradda oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah, gaar ahaan macaamiilka tooska ah ee labada dhinac.

Sido kale waxay ka wada-hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahan xaladaha degaanada Mamulka SSC-Khaatumo, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray kulanka.

Turkiga aya ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale dhowaan lagu wareejiyay difaaca badda Soomaaliya, kadib heshiis uu la galay dowladda dhexe.

Khatumo o weli ah mamul curdun ah ayaa wadda dadaallo dheerad ah, waxaana dhowaan hogga-amiyahadeed uu u baxay safar dibadeed oo ku aadan hormarka maamulka.

Ciidamada Itoobiya oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadkan

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka baxaan dalka dhamadka December 2024, sida uu shegay la taliyaha amniga qaranka, Xusen Sheikh Cali. 

Ciidamada Itoobiya ayaan ka mid noqon doonin ciidamada AU-da" ee ka howlgali doona Somaaliya marka uu dhamaado howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), bisha Dece-mber ee sanadkan.

La taliyaha amniga qaranka waxa uu sheegay in ciidamada lagu dhisi-dono howlgalka cusub ay ka imaan doonaan afar waddan oo kala ah, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi.

Kumanaan ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS. Waxaa sidoo kale qeybo kamid ah gobolada Konfurta dalka ku sugan cidamo Itobiyan ah oo aan qeyb ka ahayn howgalka ATMIS.

ATMIS ayaa la filayaa in ay Soomaaliya ka baxdo dhamaadka December 2024, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2710 (2023).

Si kastaba ha ahaatee, ATMIS waxa ay sheegtay in ay jiraan qorshayaal lagu dhisayo ciidan ka dambeeya ATMIS si ay gacan uga geystaan ilaalinta xarumaha istiraatiijiga ah ee dadka, xarumaha Qaramada Midoobay iyo xarumaha muhiimka ah ee dawladda.

Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay, ka dib markii 01-kii January ee Sannadkan ay Itoobiya la saxeexatay Heshiis Is-afgarad ah maamulka Somaliland, iyadoo heshiiskaas uu Itoobiya u oggo-laanayo inay Badda ka hesho Saldhig Milatari yo deked ganacsi, si ay Somaliland iyaduna aqoonsi u hesho.

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday heshiiskaas, waxayna bishii April eriday safiirkii Itoobiya u fadhiyay Somalia, Muqtar Maxamed Waare, waxayna amar ku bixisay in la xiro xafiisyada qunsuliyada Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland.

Shiinaha oo jawaab adag ka bixiyay arrin ay sameysay Somaliland – Maxaa cusub?

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa markii u horreysay jawaab adag ka bixisay wafdi ay dhawan Somaliland u dirtay Taiwan, kuwaasi oo qeyb ka ahaa caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan oo dhacday 20-kii bisha May. 

Afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in Shiinaha mowqifkiisu yahay "in Somaliland ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Fede-raalka Soomaaliya.”

"Shiinaha uma arka Somaliland dal, wuxuuna raacsan yahay xaqii-qada aas-aasiga ah ee ah in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Somaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay afhayeenka in dowladdo badan, hoggaamiyayaal siyaasadeed iyo shakhsiyaad kale inay aaminsan yihiin mabda’a Shiinaha ee ka dhanka ah gooni isu-taagga Taiwan.

Hadalka kasoo yeeray Shiinaha ayaa imanaya xilli uu sanadihii dambe kor u kacay xiriirka Taiwan iyo Somaliland, oo labaduba sheegta inay yihiin dalal madax-banaan, taasi oo keentay in Harge-ysa ay martiqaad heer sare ah ka hesho munaasabadda caleemo saarka hoggaamiyaha Taiwan ee dhawaan la doortay.

Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maa-mulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Xogta heshiis cusub oo ay ISRAEL aqbashay iyo Joe Biden oo farriin u direy Xamas

Xilli ay ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqaymaha ay ka geysanayaan gudaha magaalada Rafax ayaa madaxweynaha dalka Marakanka Joe Biden uu ku dhow-aqay heshiis cusub oo Israel ay aqbashay. 

Heshiiskan oo Biden uu gadaal ka riixayo ayaa ah mid xabbad-joojineed oo saddex weji leh, kaasi oo ay aqbashay Israa’iil, waxaana heshiiskaas ku jira in marka hore la joojiyo dagaalka muddo lix tod-dobaad ah, taasi oo looga gudbi doono wejiyo kale oo sahli doona in la gaadho heshiis xabbad-joojineed oo rasmi ah.

Wajiga koowaad waxaa ku jiri doona "xabad joojin buuxda oo dhameystiran,” ayuu sheegay Biden

,xilli uu hadal ka jeedinayey Jimcihii Aqalka Cad ee Maraykanka.

Heshiiskan haddii la isla afgarto ayay ku jirtaa in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan dhammaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee ku yaalla marinka Gaza, lana sii daayo qaar ka mid ah la haystayaasha, oo ay ku jiraan haweenka, waayeelka, dadka nugul iyo muwaadiniinta Marakanka ah, halka dhinaca kalena la sii dayn dono boqolal falastiiniyiin ah oo ku xidhan jeelasha Israa’iil.

Intaa waxaa dheer, Israa’iil inay ogolaan doonto in gargaar bini’a-adannimo oo dheeri ah la geeyo marinka Qaza iyo in muwaadiniinta Falastiiniyiintu ay dib ugu laabtaan guryahooda laga barakiciyey oo ay ku jiraan Woqooyiga Qaza.

Marka la dhaafo heshiiska xabbad-joojinta ee soconaya muddada lixda toddobad ah, Biden ayaa ka digay in hore loo socdaa inay noqon doonto mid aad u adag.

Ciidamada DF oo fashiliyay qarax ay kooxda Al-Shabaab ku diyaarisay

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeedm gaar ahaan ururka 26-aad guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee ku sugan Shabeelaha Hoose ayaa shalay ka hortegay weerar qarax ah oo ay soo maleegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. 

Ciidamada ayaa fashiliyay qarax ay kooxda ku diyaarisay waddada aada dhinaca beeraha ee magaalada Buulo-mareer oo ka tirsan gobolkaasi.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga ayaa lagu sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qaraxaas ay ku dhibaateeyaann dadka mara waddadaasi, balse la fashiliyay.

"Miinadan ayey khawaarijtu damacsanaayeen in ku dhibateeyaan Shacabka Beeralayda ah ee ku dhaqan Buula Mareer balse damacii al-shabaab waxa hal bacaad lagu lisay ka dhigay geesiyaal ka mida Ururka 26-aad Guutada 6-aad qaybta 60-aad ee sugan Magaalada Buulo Mareer, kuwaas oo si nabad ah ku soo bixiyey Miinadii” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi ku daray in ku guuleysteen in soo saaraan miinada, kadibna ay qarxiyaan, ayada oo aan gaystan wax khasaare ah.

Sawirrada miinadan ayay soo bandhigeen ciidamada howlgalkan sameeyay, kuwaas oo si xirfadeysan usoo furay miinada ay dhigeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 26-aad, guutada 6-aad, qaybta 60-aad Dhamme Faarax Xiirsi Cabdulle oo isna la hadlay warbaahinta wuxuu bogadiyay ciidanka howlgalka sameeyay, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo inta badan weeraro ku qaado saldhigyada ciidamada dowladda.

Wararkii u dambeey dagaal culus oo ka socda degmada

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo shalay ka qarxay degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaas oo u dhexeeyo ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad beeleed hubeysan. 

Dagaalka ayaa hadda ka socda gudaha magaalada, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Bardaale oo ay ku sugnaayeen ciidanka Koonfur Galbeed.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, kaas oo leh dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale dagalkan ayaa samen ku yeeshay shacabka ku dhaqan mag-alada oo argagax wayn dareemay, maadaama lagu kor dagaalamayo.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo u abaabulan hab beeleed ayaa horay magaalada looga saaray, kadib dadaallo la sameyay, si loo soo afjaro colaadda ka taagan halkaasi.

Dagaalka qashinka: Habka cusub ee labada Kuuriya ay isku daan-daansanayaan

Kuuriyada Waqooyi ayaa la soo werinayaa in ay buufimooyin badan oo sida qashin iyo saxaro ay u direen xudduudda aadka loo ilaaliyo ee Kuuriyada Koonfureed, sida ay bahiyen millatariga Kuriyada Koonfureed.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay u muuqatay in ay xadka u dirtay ugu yaraan 200 oo buufin ah oo sida qashin si ay uga aargoosato waraaqo borobogaando ah oo laga soo diray koonfurta.

Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed Shin Won-sik ayaa ku tilmaamay "dhaqan hooseeya oo aan la qiyaasi Karin sida ay dawlad dhan uga suurtawda"

Kuuriyada Waqooyi ayaan weli ka hadlin buufimooyinkan u danbeeyey, laakiin Khamiistii, wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Kim Kang Il ayaa ka digay qashinka tirade badan e lagu soo daadiyo xadka ay qiimayn doonaan.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa shacabka ka codsaday in ay iska ilaaliyaan taabashada buufimooyinkaas, ciddii aragtaana ay u soo sheegaan waaxaha dawladd ee u dhaw, sida lagu sheegay bayaan Sabtidii ay soo saartay wakaaladda wararka ee Yonhap.

Gelinkii dambe ee Talaadadii, dadka deggan Seoul iyo gobolka xudduudda ayaa ay soo gaadheen farriimo qoraal ah oo ka yimid mas'uuliyiinta gobolka iyaga oo ka codsanaya dadku "in ay ka fogaadaab u bixitaanka bannaanka guryahooda”

Sidoo kale waaxaha dowladda ayaa dadka ugu baaqayin in ‘walxahii aanay aqoonsan’ ee dadadku arkaan ay la soo socodsiiyaan dowladda. 

Maamulka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in walxaha "ay ku jiraan waraaqaha wasakhaysan iyo qashinka" ayna baadhayaan mas'uuliyiinta ay shaqadani khuseyso.

Sawirrada buufimooyinkan qashinku ku jiraan oo dad aad u badani ku xoonsan yihiin ayaa lagu arkayey inta badan baraha bulshada.

Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa cambaareeyay falkaas oo ay ku tilmaameen "xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah".

Kuuriyada Woqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed labaduba waxay adeegsadeen buufimooyinka hawada heehaaba ololahooda dacaayaddeed tan iyo dagaalkii Kuuriya ee 1950-meeyadii.

Buufimooyinkan qashinka ayaa badanaa ay ku jiraan, walxo laga maarmay sida waraaqo xumaaday, sigaar la cabbay, cuntooyin hadhaa ah iyo mararka qaar saxaradii suuliga loogu talagalay.

Goobta xuduudka ayaa sida oo kale loo yaqaan aagga Millteriga ka caaggan.

Goobta militariga ka caaggan ayaa la sameeyay ka dib dagaalkii Kuuriya 1953 si loo abuuro goob ammaan ah oo labada dhinac u dhaxeysa.

Dhawrkii sano ee u danbeeyey dowladda Seoul ayaa isku dayaysay in xudduuda ay noqoto goob ammaan ah.

In hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac u dhaxeysa ayaa ka mid ahayd heshiis ay bishii September 2018-kii ay magaalada Pyongyang ku gaareen hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxwaynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip