halkaan ka aqriso wararka wargeyska mog times 1.6.24

0
Saturday June 01, 2024 - 09:10:11 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mog times 1.6.24

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha JFS oo Dalka kenya kulan kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika

Madaxwenaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina. 

Madaxwenaha iyo xubnihii kale e ka socday Bangigga Hormarinta Afrika waxa ay kulankooda iskula so qaden haajinta mashariicda kutalagal e ka socda dalalka Afrika io sida lo heli karo malgashi wax ka tara dhaqalaha qaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika u xaqijiye sida e Somalia uga go’an tahay dib u habenta dhaqalaha, isago ku boriyay madaxda Bangiga inay laba jibaran dadalkoda iyo malga-shigoda si lo gaaro horumar iyo kobac waara oo ka hana qada gobolka.

Ra’iisul wasaaraha XJFS oo kormeer ku tagay waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar

Ra’iisul WasaarAha Xukuumadda Jamhuriyada Federalka Somaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga sadexad ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Ra’iisul Wasaraha oo ka hadlay fa’idada ay wadadan leedahay, ayaa carrabka ku adkeyay in ay tahay mid muhiim ah oo fure u ah ganacsiga, kor u qadidda dhaqdhaqaqa dadka iyo gadiidka, horumarinta dhaqalaha iyo adeegyada aasaasiga ah. Isla markaana ay yareyn doonto waqtiga safarka iyo kharashka.

Ra’iisul Wasare Xamsa Cabdi Bare, oo warbixin ku sabsan halka uu marayo diyaar-garowga wajiga sadexad ka dhageystay Injinerada gacanta ku haya dhismaha wadada, aya uga mahadceliyey Dowladda Qatar ee malgelisay mashruucan, Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya waddada, kuwas oo u huray naftoda. 

Waxa u sheegay Ra’iisul Wasaruhu in Somaaliya ay mareyso marxalad muhiim ah oo ay ka guleysatay argagixisada, isla markana la xaqiijiyey guulo waweyn oo dalka u horseedaya maalgashi, si loo helo maalgashigana ay lagama maarmaan tahay in dalku uu yeesho kaabayaasha muhiimka ah ee ay kamid yihiin jidadka iyo korontada.

Kormerkan oo Ra’iisul Wasaraha ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Taliyayaasha Ciidamada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir io Safiirka Dowladda Qatar.

Mashruucan ayaa ka kooban saddex qeybod oo lagu dhisayo wadoyinka isku xiraya Muqdisho Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyada oo la soo gabagabeeyey labadii waji ee hore oo isku xireyey Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo sheegay inay soo dhaweynayaan maalgashiga caalamiga ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskashiga calamiga ah ee Somalia, Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka 10-aad ee madasha Shiinaha iyo Carabta oo ka furmay Beijing, wuxu ku sheegay inay Soomaaliya soo dhaweynayso shirkadaha Shiinaha iyo Carabta, si ay u malgashadan fursadaha rajada leh ee ka jira suuqa Soomaaliya ee dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta la cusboonaysiin karo.

Xoojinta nabadda, iyo guulihii u dambeeyay ee dalku gaaray ayuu sheegay inay Soomaaliya awood u siinayaan inay bixiyso, adeegyada lagama maarmaanka ah, isla markaana meesha ka saarto caqabadaha hortaagan horumarinta iyo barwaaqada. 

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa cambaareeyay isku dayga ay Itoobiya ku doonayso inay ku farageliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo tixraacaya heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland, wuxuuna heshiiskaa ku tilmaamay inuu qayb ka yahay damaca ay Itoobiya ku doonayso inay ku gaadho deked ku taalla Somaliland,

Wasiirka ayaa ku nuux-nuxsaday in falalkan oo kale ay xad-gudub ku yihiin madax-bananida Soomaaliya, isla markaana khalkhal gelinayaan xasilloonida gobolka. Waxa uu ka digay in dhaq-dhaqaaqyadani ay khatar ku yihiin amniga Carabta, gobolka iyo caalamka.

Wasiirka Isgaarsiinta oo la kulmay xoghaayaha guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU

Wasirka Isgarsinta iyo Tekn-olojiyada XFS xildhibaan Maxamed Aadam Macalin Cali (Soomaali) oo ka qeybgalaya Madasha WSIS20 oo lagu qabtay sanadkaan Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland aya kulan garah la yeshe Mrs. Doren Bogdan-Martin Xoghayaha gud ee Ururka Isgarsinta Calamiga ah ee ITU. 

Kulankaan oo diiradda lagu saara xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo ITU, ayaa looga hadlay horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, dhiirigalinta kor uqaadista xirfadaha Dhijitaka, Sara u qaadista ICT-da iyo sidii Sharciyo iyo habraac looga samenynlahaa Maamulka Garaadka Macmalka IA maadaama si xolwli uu ku socdo.

Wasiirka Isgaarsiinta xildhibaan Maxamed Somaali ayaa Xoghayaha guud ee IT la wadaagay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada xilligaana xooga la saaraayo xirfadaha Dhijitaalka.

"Wasaaradda waxa ay go’ansatey inay kor u qaado xirfadaha dhijitalka,

dhallinyarada waxaa la siinayaa tababar ku saabsan xirfadaha lagama maarmaanka u ah Suuqa Shaqada dhijitaalka”.

Wasiirka Isgaarsiinta ayaa dadaal ugu jira dardargalinta Casriyeenta Nidaamka dowliga iyada oo xooga la saaraayo dhijitaalka iyo adeega e-commerce iyo e-government oo xilligaan baahi weyn loo qabo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XJFS oo qaabilay agaasimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shalay qaabilay aga-asimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka (UNEP Excutive Director) Marwo Inger Anderson o dalka ku timid booqasho shaqo. 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa la wadaagay agaasinka, duruufta adag ee ay dalkeenna u keentay isbeddelka cimilada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto.

Marwo Andersen ayaa dhankeda ku ashalayy Dawladda ahmiyadda ay siinayso wax ka qabashada xaaladaha ay sababtay isbedelka cimiladu, iyadoo sheegtay in ay dhankoda diyaar u yihiin la shaqenta Dawladda Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayey oo lagu soo dhoweeyay Dalka Liibiya

Wasiirka wasarada dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaran oo uu hoggaminayo aya garay magalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya. 

Wasiirka oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha iyo xubno ka socda dhallinyarada Soomaaliyeed ee xirfadlayaasha ah waxaa halkaasi loogu sameeyay soo dhoweyn diiran oo ka tarjimaya xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Mudane Maxamed Bare Maxamud iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya labo shir oo is hareer socda oo kala ah shirka Wasiirrada wadamada Carabta ee dhallinyarada iyo cayaraha iyo mid la xiriira Casimada dhallinyarada Carabta oo sanadkan loo caleemo saarayo dalka Liibiya.

Wasiirka Isgaarsiinta oo ka qeybgalay Shirka Maamulka Garaadka Macmalka ee Artificial intelligence (AI)

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tekno-lojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa Magaalada Geneva kaga qeybgalay kulan muhiim ah oo dib loogu eegay Maamulka Garaadka Macmalka ee Artificial Inelegance- AI for Good 2024 oo hormar balaaran laga gaaray mudooyinkii dambe isla markaana looga faa’iideesanlahaa. 

Si loo dhiso kalsoonida Xogta AI-da, aysan dhicin in banaanka u baxaan xog muhiim ah taasoo khatar ka dhalan karta, waxaa laga doodayaa in Dal walba sameesto sharciyo & habraacyo u gaar ah oo ku saleesan baahida dalkiisa ka dibna la jaanqaado kan aduunku ku midoobayo.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa intii lagu guda jiray Shirka waxa uu adkeeyey muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada dhina-cyada badan ee maamulka AI-da, Iyadoo wada shaqaynta noocan ah ay lagama maarmaan u tahay hubinta in dalalka soo koraya, sida Soomaaliya, ay ka faa’iidaystaan faa’iidooyinka waaweyn ee AI-da.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa Shirka ku soo bandhigay baahida loo qabo in la helo halbeegyo la isla ogolyahay, taasoo xaqiijinaysa inaysan jirin dal ka haraya kacaanka AI-da.

Soomaaliya oo laga cafiyay deyntii Ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU)

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tekno-lojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Geneva ayaa u kictimay Magaalada Berne ee wadanka Switzerland si uu kulan gaar ah ula yeeshay Mr. 

Masahiko Metoki Agaasimaha Guud ee Midowga Bostada Addunka (UPU) oo halkaas xaruntooda ah.

Socdaalka Wasiirka uu ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu lahaa oo ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii.

Agaasimaha Guud ee UPU, Mr. Masahiko Metoki ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga Cafiyey Deyntii lagu lahaa madaama ay buuxisay Shuruudihii laga rabay.

Deyn Cafinta kadib Soomaaliya waxa ay si rasmi u noqotay Xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyadoo laga qaaday xannibaadii saarneyd.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorsh-ayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno iyado Wasaradu ku holantahay in la dhamestiro Qorshahas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaalida ee kenya

Gudoomiyaha golaha shacabka BFS Mudane Shiikh Adan Maxamed Nuur” Adan Madoobe iyo xubno kale oo ka socday baarlamanka Somalia ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta safaaradda. 

Gudoomiyaha ayaa Kormeeray qaybaha kala duwan ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo warbixin ka dhageystay Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay howlaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed loo qabto.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur” Aadan Madoobe” iyo wafdi Xildhibaano ah oo la socda ayaa howlo shaqo u jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip