Sidee dhallinyarada uga feejignaan kartaa saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada?

0
Wednesday May 29, 2024 - 19:54:38 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee dhallinyarada uga feejignaan kartaa saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada?

    Shaki kuma jiro in baraha bulshada ay noqdeen qayb weyn oo ka mid ah nolosha casriga ah, horumarka tiknoolajiyadda awgeed barahaha bulshada ayaa noqday mid cid waliba heli karto, in kasta oo dhinacyo togan ay leeyihiin isticmaalka barahani haddana wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaki kuma jiro in baraha bulshada ay noqdeen qayb weyn oo ka mid ah nolosha casriga ah, horumarka tiknoolajiyadda awgeed barahaha bulshada ayaa noqday mid cid waliba heli karto, in kasta oo dhinacyo togan ay leeyihiin isticmaalka barahani haddana waa seef laba af leh. Inkastoo, Baraha bulshada ay yihiin qalab awood leh oo lagu sameeyo xiriirro macno leh haddana dhanka kale, waxaa jira saameyn xun oo ka dhalata isticmaalka badan gaar ahaan Aaladda Tiktok oo maalmihii u dambeeyay ay soo bateen macluumaadka aan wanaagsaneyn ee lagu faafiyo. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khaladaadka ka dhaca baraha bulshada. Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa isagoo ka hadlayay Barnaamij dood furan oo ay qabatay wasaaradda warfaafinta wuxuu ku sheegay in inta karaankooda ah ku dadaalayaan sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa si xun u isticmaalka baraha Bulshada oo Tiktoka ugu horeeyo. " Wasaaraddu inta karaankeeda ah ama tabarteeda gaarsiisan tahay maanta ma islihi wax ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka hagratay ayaa jiro ma islihi ee inta awooddeena ah gaarsiisan tahay, dadaal ku dari karno dheeri ah, marka xaggaas gaabis kama jiro, laakiin, waxaa iska jira culeys guud, waxaa jira dhallinyarada fursadihii shaqo ama saaxaddii shaqo ay u baahnaayeen in ay ka helaan dalkooda iyo baahida tababarta dowladdooda marka la fiiriyo runtii wax isku dhow ma ahan, marka aad fiiriso xaddiga iyo barsanteejka dhallinyarada aqoonyahanada ah ee Jaamacadaha ka soo baxa ee sanad kasta labaatan kun ka badan ka soo baxda iyo suuqa shaqada waxa yaala,". Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla ayaa dhankiisa sheegay in ka wasaarad iyo dowlad ahaanba ay ku baraarugsan yihiin halista ka dhalan karta isticmaalka xun ee baraha Bulshada, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ay wadaan qorshe ay kaga hortagaan dadka fara ku tiriska ah ee macluumaadka iyo xogaha aan sugneyn faafinaya ama ka beeray dhaqankeenna suuban. " Waxa aan ka hadleynaa waa inta yar ee sida qaldan u isticmaasha, nolosha waxa caadiga ah ee dadka bini-aadamka ka barteen waxaa waaye waxa xun iyo waxa wanaagsan markasta waxaa xawaara dheereeya waxa xun, marka waxaa laga yaabaa boqolaal qof in ay runtii fariimo wanaagsan gudbiyaan laakiin hal fariin oo xun in ay ka saameyn badan tahay, waxaa runtii wasaarad ahaan bilihii la soo dhaafay ku mashquulsaneyn arrintaan inaan daraaseyno, waxaanna ogaanay in ay inoo soo baxday runtii oo dareensan nahay halis weyn oo haddii aan maareyn dadka Soomaaliyeed sida ay mudan tahay ugu baraarugin oo dowlad iyo dad ahaan iskaashanin nagu yeelan doonto saameyn aad u xun oo natiijadeedu hadda iyadoo ficil ah bilaabatay,". Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane ayaa hoosta ka xariiqay in saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada ay ka dhalan karto khatar amni oo ay ganbaad ka dhigtaan kooxaha Khawaarinta. " Khatarta amni ee baraha Bulshada waxaa kow ka ah in ay keyn u tahay kooxaha Khawaarijta ee lidka ku ad Diinteenna suuban," ayuu yiri Sheekh Qorane oo dhallinta Soomaaliyeed u iftiiminayey in ay dhanka wanaagsan ka eegaan isticmaalka baraha Bulshada oo ah seef labo af-leh. Ugu dambeyn, qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay Barnaamijka ee Dood-furan ayaa fikirkooda ka dhiibtay qaabka iyo hanaanka ugu fudud ee dhallinta loogu jiheyn karo in ay si wanaagsan oo faa'ido u leh adduunkooda iyo Aakhiradoodaba u isticmaalaan baraha Bulshada, waxaana dadka baraha bulshada isticmaala gaar ahaan Aaladda Tiktoka ee goobta ka hadlay ka mid ah Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada. " Aaaladda Tiktok waa ka saameyn badan tahay Aaladaha kale, Dowladdu ha timaado Aaladda Tiktok si ay u aragto dadka sida khaldan u isticmaala," ayuu yiri Bilaal Bulshaawi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip