Maxkamadda ayaa ku heshay saddex dambi oo ah musuq maasuq xaga canshuuraha ah oo ay sameeyeen sanadihii 2007-2009.
Lionel Messi oo shan jeer ku guuleystay laacibka ugu fiican Adduunka ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay dacwado dhinaca canshuuraha.
Maxkamadda ayaa ku xukuntay min 21 bilood oo xabsi ah, waxaan Messi lagu ganaacay lacag dhan 2.2 milyan oo dollar, halka aabihii Jorge isna la ganaaxay.
Labadooda ayaa wajahaya inay waqti un ku qaataan xabsi, hase ahaatee waxaa u furan inay ka qaataan racfaan.
War ay soo saartay Maxkamadda ayaa sheegtay in racfaanka looga qaadan karo kaliya Maxkamadda sare ee dalka Spain.
Arrintan ayaa dhabar jab ku noqoneysa Messi oo dhowaan ka fariistay ciyaaraha Caalamiga ah, kadib markii uu ku guuldareystay inuu xulkiisa la qaado Koobkii Qaramada Latin America oo bishii hore ay markii labaad ka qaaday xulka Chile.



0 






Messi iyo Aabihii oo Maxkamad ku xukuntay 2-sano oo xabsi iyo ganaax lacageed
Maxkamad ku taal Spain ayaa maanta xukuno xabsi iyo ganaac lacageed ku ridday ciyaaryahanka Barcelona iyo dalka Argentine Lionel Messi iyo aabihiis Jorge.