
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mog times 26.5.24
Ra” iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Qatar u jooga Soomaaliya
Ra’isul Wasaraha Xukumadda Jamhuriyad Federalka Somaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, aya xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin-Salem Al-Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskashiga ka dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaraha, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taagerada ay siiso Somaliya, gaar ahan dhinacyada amniga, kabayasha dhaqaala iyo hormarinta adegyada asasiga ah.
Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha Guddaha oo Shir guddoomiyay kulanka Guddiga qaban qaabada maalmaha Xoriyadda
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisinta mudane Ali Yusuf Ali-Xoosh oo ah gudomiyaha gudiga qabanqabad maalmaha xoriyada io midnimada ee 26-ka June iyo 1-da Luulyo aya manta shir gudomiyey kulankoda.
Guddigan heerkiisu sarreeyo oo loo xilsaaray xuska 64 guurada maalmaha xoriyadda ee gobollada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadleen howlaha diyaargarowga maalmahan taariikhiga ah iyo qaabka ugu gaboon ee loo fulin karo.
Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Biyaha XFS ayaa ka qayb galay madashii 10 ee biyaha oo lagu qabtay Indonesia
Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka qeyb gashay madashii 10 ee biyaha oo lagu qabtay dalka Indonesia.
Mas’uliyinta uu la kulmay wasiru dowlaha waxa ka mid aha Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud io Agasinka Guud e Biyaha Waddanka Indonsia oo uu uga mahadceliyey martigelinta madasha 10aad ee Biyaha, iyo sida maamuuska leh ee loo soo dhoweeyey wafdigiisa.
Labada Wasaaradod aya ka wadahadlay sidii iskaashi xoggan looga yelan laha arrimaha Maarenta fatahadda, iyo hananka ka faideysiga Biyaha Roobka, sido kale waxa aad looga dooday sidii Somaaliya looga saacidi laha deeqaha waxbarasho ee dhinaca takhasusadka kuliyadaha biyaha quseeya.
Sidoo kale Wasiiru Dowlaha aya kulan laqaatay Madaxa Hay’adda Qaramada midobay ee qaabilsan qaanuunka Caalimaga ah ee Biyaha, iyago ka wada hadlay sidii Somaaliya ugu biiri laheyd hay’adda qaanunka caalamiga ah ee Biyaha iyo sidii weliba dalkena looga xoojin lahaa diblomaasiyadda iyo Qaanuunka Caalmigaa ee Biyaha.
Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuno kala duwan ka soo saartay Saraakiil ku Eedaysanaa Musuq maasuq
Maxakmadda gobolka Banaadir aya shalay ku dhawaqday natijada Xukunka 12 Eedaysane oo ka tirsana Haya’addaha kala duwan e Dowladda Federalka Somaliya Sida Hay’ada Socdalka & Jinsiyadah, Wasarada Maliyada & Banka dhexe.
Maxkamad aya wax dambi ah ku wayse Eedesanayasha kala ah.
Maxamed Aadan Jimcale Koofi Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda
Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) Agaasimihi hore ee Hay’adda Socdalka iyo Jinsiyada
Agasimihii Canshurta Berriga ee Wasaradda Maliyadda Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey)
Cabdalla Maxamed Axmed ka tirsana Haya’adda socdalka
cusman Xasan Cosoble ka tirsan Haya’adda socdaalka
Cabdikaafi Xasan Maxamed kana tirsana Haya’adda Socdalka
Jacfar Maxamed Axmed kana tirsan wasaaradda Maaliyadda
Maxakamadda aya wax dambi ah ku wayday Eedaysanayashan waxayna hay’adihii ay ka tirsanaayen amartay in dib loogu fasaxo xuquqihii laga xayiray intii ay socotay dacwadda.
Sido kale Maxkamada aya xukuno kala duwan ku riday Eedaysanayasha kala ah.
Maxamed Ibrahim Axmed ka tirsan Hay’adda Socdalka waxay maxkamadu ku xukuntay 4 sano oo xadhig ah.
Cabdiraxman Maxamed Cali( Caadle) kana tirsan hay’adda Socdalka iyo jinsiyaddaha 4 sanno oo xadhig ah iyo in aanu qaban karin wax xil dowladed ah si joogto ah.
Abuukar Xasan Aadan ka tirsan Hay’adda Socdalka iyo jinsiyaddaha waxay Maxkamadu ku xukuntay 4 Sano oo xadhig ah
Maxamed Xusen Nageye kana tirsan Hay’adda Socdalka iyo jinsiyadaha waxay maxkamadu ku xukuntE 2 sanno oo xadhig ah.
Abdullahi Dahir Weheliye kana tirsan Banka dhexe ku xukuntay 3 sanno oo xadhig ah iyo in aanu qaban karin xil dowladed si joogto ah.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo kulan la qaatay qaar kamid ah culimadda Soomaaliyeed
Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliyed S/guuto Sulub Axmad firin aya shalay xafiiskisa kulan kula qatay qaar kamid ah Culimada Somaliyed oO kala hadlay wacyigalinta bulshada iYo wada shaqenta booliska iyo culimadda Somaliyed.
Qaar kamid ah Culimada Somaliyed oo shalay booqday Taliska Ciidanka Boliiska Somaliyed aya ku bogadiyey shaqadii Boliiska Somaliyed ay ka qabten dadkii anshax xumada ka fafinayey baraha bulshada.
Sido kale Culimada Somaliyed aya Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaliyed S/guuto Sulub Ahmad firin ku amaaney go’ankiisi aha in qofka xaafidul Qur’anka ah ee ka mid noqonaya Ciidanka Boliska Somaliyed la mid yahay qof haysta shahado Dugsi Sare ah.
Taliyaha Boliiska Soomaliyeed S/Guuto Sulub Ahmad Firin ayaa dhankiisa Culimada ka codsadey in ay gacan ka geystan wacyigelinta bulshada Somaliyed.
Madax ka tirsan hay’adda socdaalka oo shir muhiim ah ugu qayb galaya dalka Nayjeeriya
Mas’uliyiin ka tirsan hay’adda Socdalka iyo Jinsiyadda Somaliya ayaa magaalada Abuja ee dalka Nayjeeriya uga qeyb galay kulan aqoon is-waydaarsi ah oo socday muddo sadax malmod ah.
Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Urur goboledka IGAD ayay u jeddadisu ahayd in dowladaha IGAD xubnaha ka ah ee ka qeybgalaya ay xog is-dhaafsi iyo khibrad wadag la yeshan dowladaha xubanaha ka ah bulshada dhaqalaha ee dowlaha Galbedka Afrika lona soo gabiyo (ECOWAS).
Xubnaha metelayay dowladaha xubnaha ka ah IGAD aya fursad loo siiyay in ay wax ka ogadan waayo-aragnimada ECOWAS ee dhinacyada hirgelinta siyasadaha gobolka, dejinta qaab-dhismedka dhaqdhaqaqa xorta ah ee dadka, dhaqaalaha iyo hannaanka loo maamulo socdaalka xorta ah.
Mas’uliyinta hay’adda Socdalka aya kaalin firfircon ka qaatay kulamada iyo shirarka, kuwaas oo khibrada la isku dhafsaday isla markana loga wada hadlay mowducyo ay ka mid yihin habaynta hay’adaha iyo qaab dhismedka socdalka gobolka ee ECOWAS iyo IGAD, qaab-dhismedka siyaasadda socdaalka gobolka ee Galbeedka iyo Bariga Afrika iyo hirgelinta nidaamyada dhaqdhaqaaqa xorta ah.
Soomaalida Manchester Oo Lagu Ammaanay Kaalinta Ay Ka Qaataan Ka Hortaga
Magaalada Manchester ee boqortoyada Ingiriska oo Soomali badan ay ku nool yihiin ayaa lagu amaanay inay ka mid yihiin bulshoyinka ka shaqeya nabadda iyo ka hortaga dambiyada ay ka midka yihin dilalka iyo daroogada. Marka la barbar dhigo magaloyinka kale ee Ingiriska sida London io magaloyinka kale, Somalida ku nool Manchester aad ayey ugu yar yihiin dhalinyaradoda isu geysta ama dadka kale u geysta dilalka iyo darogada.
Ugaas Cali Cabddulle Qaanso o ka mid ah waxgaradka magalada Manchester aya aminsan in taasi ay ku timid dadalka iyo wacyagelinta ay sameyen iyo in dhalinyarada Somalida loogu yero farida wanaga iyo diinta Alle.
Mas’uuliyiin ka tirsan golaha deganka magalada Manchester ee Boqortoyada UK aya abal marin iyo so dhoweyn lagu weyneynayo dhaqanka Somalida ay u sameyen Cali Cabdulle Qaanso (Ugaas Cali) oo mudo 20 sano ah usoo khidmeynayay Somalida Manchester.
Nabaddon Ugaas Cali aya hoyga golaha looga arrimiyo Manchester loogu qabtay xaflad halkaasi oo lagu guddoon siiyay haddiyado ay ka mid yihiin dharka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida caanka ku tahay iyo abaal marino kale, waxana loogu mahad celiyay sida uu mudada 20-ka sano ugu shaqeynayay isku xirka bulshada Soomaaliyeed iyo maamulka deegaanka iyo weliba bulshooyinka kale ee Manchester ku nool.
Dhinaca kale, waxa bisha July guud ahan UK ka qabsomi donta dorashada Ra’isul wasaraha iyado xisbiyada Conservative-ka iyo Lebour Party ay ku dagala-mayan sidii ay uso jiidan lahayen bulshada Soomaaliyeed.
Ugaas Cali aya ugu baaqay Somalida in ay codkoda ka taxadiran ciddii ay siin lahayen kana fiirsadan cidda u roon iyo kan u daran.
Maxkamada ICJ Oo Amar Culus Dul Dhigtay Israel
Garsorayasha Maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midobay ayaa Jimcihi ku amray Isra’il, in ay si degdeg ah u joojiso werarka ay ku qaaday magalada Rafax ee Marinka Gaza, hase ahatee Isra’il waxay shegtay inay sii wadi donto werarka ay ku qaaday Rafax.
Xukunka degdegga ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaladda ayaa ka danbeyay kaddib marki ay dowladda Konfur-Africa todobadki hore maxka-madda geystay dacwad ka dhan ah dullanka ay Is’aril ku qaadday Rafax, si loo badbaadiyo bay tiri nolosha boqollaal kun oo Falastiiniyiin rayid ah.
Isaga oo aqrinayay xakunka kasoo baxay maxkamadda, ayuu guddomiyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddalada, Nawaf Salaam sheegay in xaaladda dhulka Falastiniyinta ee Gaza ay sii xumaanaysay tan iyo xakunki ugu danbeeyay ee maxkamadda ee Isra’iil ku amray in ay qaaddo tallaabooyin ay ku joojineso masibada ka jirta Gaza.
"Dowladda Israel waa in ay si deg deg ah u joojiso duullaanka millatari, iyo tallaabo kale oo kasta oo ay u qaaddo gobolka Rafax, taasoo ku sababi karta dadka Falastiiniyiinta ee Gaza xaalado nololeed oo ku keeni kara burbur jireed guud ahaan iyo gaar ahaanba,” ayuu yiri Nawaf.
Inkasta oo ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaladda ee ICJ aysan laheyn awood ay ku fuliso xakunnadeda, haddana kiiskan aya calaamad weyn u noqonaya go’dominta caalamiga ah e Isra’il ee ku aadan dagalka ay ku qaaday Gaza, gaar ahan werarka ay hada ka waddo Rafax.
Mareykanka oo ah saaxibka ugu dhaw xulufada Isra’il ayaa horay dhowr jeed uga digay weerarka Rafax. Maamulka Biden ayaa sidoo kale horay ugu dhawaaqay inu hakiyay shixnado hub ah oo loo daabuli lahaa Isra’il, kaas oo ay ku sababeeyeen in ay uga baqayaan in loo adegsado rayidka Rafax.
Maxkamadda ICJ aya sido kale ku amartay Isra’il in ay furto marinka isku xiro Rafax iyo Masar, si gargarka bani’adannimo loo geliyo Gaza. Ciidanka Isra’il aya xiray Marinka Rafax dhawan.
Amarka Maxkamadda ayaa waxaa ansixiyay 13 ka mid ah 15-ka garsoore ee qaadiyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Waxaa diiday, garoore u dhashay Ugana iyo garsoore kasoo jeeda Isra’il.
Isra’il si adag ayay uga hortimid go’aanka maxkamadda, sidoo kalana been iyo wax lagu yaaq-yaaqsado ku tilshalayy eedda ay u jeedisay South Africa ee ah in Isra’il ay Gaza ka waddo xasuuq.
South Africa ayase go’anka maxkamadda soo dhaweysay. Waxaa sidoo kale soo dhaweeyay maamulka Falastiniyinta. Xamaas oo maamusha Gaza aya qeyb ahaan soo dhaweysay go’aanka ICJ, balse sheegtay in qeyb ahaan dhameystirneyn, mar haddii bay yiraahdeen ay Isra’il wali dagaal ka waddo qeybo kale oo ka mid ah Gaza.
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay cunaqabateynta Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay saddex hogaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab
Dowladda Federaalka ah ee Somaliya aya soo dhaweysay go’ankii Golaha Ammanka ee Qaramada Midobay uu cunaqa-bateyn ku soo rogay saddex hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab, sida uu qabo qaraarka tirsigiisu yahay 2713.
Wasirka Warfafinta, Dhaqanka io Dalxiska e Xukumadda Federalka Somaliya, Da’uud Aweis Jaamac ayaa bogadiyay go’ankan.
"Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya waxay bogaadinaysaa go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cunaqabateyey saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab codsigenna. Shakhsiyadkan hadda waxay ku jiraan liiska cunaqabataynta ee hoos timaada Qaraarka 2713, iyagoo wajahaya xayirad dhaqaale iyo mamnucid socdal, "ayu yiri wasiir Da’uud.
Arrintan aya ku soo beegantay saddex maalmood ka dib markii Golaha Amaanku uu cunaqa-batayn ku soo rogay saddex ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeyay inay ka qaybqatan malgelinta, qorsheynta, fududenta, diyarinta dhaqdhaq-aqyada Al-Shabaab.
Ciidamada Midowga Yurub oo soo furtay markab ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah
Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan Badweynta Hindiya iyo Bada Cas aya shegay in mark-abka ganacsi ee Basilisk oo ka babanayay calanka Liberia laga sii dayay xeebaha Somaliya, islamarkana 17-shaqale oo la socday ay bad qaban.
Markabkan aya waxa Khamistii weerar ku qaaday kooxo loga shakisan yahay inay yihiin burcad-baded Somaali ah, isagoo marayay meel 380-mayl-baded bari ka xigta magalada Muqdisho ee caasimadda Somaaliya, sida ay bayan ku seegen ciidamada badda Midowga Yurub.
Midowga Yurub ayaa sheegay in ciidamadodu ay u diray mid ka mid ah marakibtoda dagalka ee Atalanta, si uso badbadiyo markabka iyo shaqalihisa oo gacanta u galay burcadbadedda.
Mid kamid ah shaqalaha markabka oo ku dhaawacmay werarka ay qaden kooxaha burcadbadedda aya lagu sheegay in xaaladeeda ay aad u wanagsan tahay, oo hatan la daweynayo.
Faah-faahin ka soo baxaysa 7 caruur ah oo baddu qaaday xilli laga cabsi qabo Soomaaliya duufaanta Lali
Sida ay shegayan wararka naga so gaaraya magalo xebeedka Marka ee gobolka Shabelaha Hoose ee Somaaliya, 7 caruur ah ayay qaaday baddu shalay, sida ay no shegen dad gobjogayal ah.
Laba ka mid ah caruurta ayaa la sheegay in la soo badbaadiyay, halka mid kalana maykiisa laga soo saaray biyaha. Afar kale ayaan ilaa iyo hadda raq iyo ruux meelna lagu sheegin, sida uu BBC da u sheegay Cabdalla Bashiir Cabdi oo ka mid ah oday dhaqmeed magaalada Marka.
Cabadalle oo ay shalay BBC-da la xiriirtay ayaa sheegay in ilaa hadda uu socdo baadigoobka afarta wiil ee la yahay. Waxa uu sheegay in doomo ay shalay ku baxeen badda si nolol ama geeri ay ugu soo helan dhalinyaradas.
"Dareenka dadka reer marko shalay ayaad u kacsan yahay badda ayena dhoban yihin, waxena ka dhursugayan samatabixinta wilasha ku hawlan."
Labada caruurta ah ee la soo badbadiyay ayaa qudhoodu ku jira xaalad caafimad, waxana lagu dabiibayaa isbitaal ku yaalla magalada Marka.
Maalinta Jimcaha ah oo Somaaliya ka ah fasax, ayaa la sheegay in caruurta oo dugsiyadii waxbarshada ay u xirnayen ay u damaashaad tageen xeebta.
"Banooni ayay ku ciyaraayen badda, waa ay kululaden, badda ayay galeen. Hirka dhacaayay ee biyaha ayaa horay u dafay", ayuu yiri Cabdalla Bahsiir oo BBC da ala hadlayay.
Laba ka mid ah caruurta ayaa la sheegay in ay walaalo ahaayeen.
Dadka ka shqeya badaha, gaar ahaan xeebaha koonfured ee Somaaliya, ayaa waxay sheegen in marka la gaaro bisha shanaad ee sanadka ay baddku kacdo, aysanna dadku ku dhiiran in ay galaan badda.
Cabdalla, oo ah 63 jir, in ka badan afartan sano oo noloshiisa ah ku qaatay Marka, ayaa waxa uu sheegay in baddu horay u qaai jirtay dad badan, xilliyada sanadka ee la gaaro bisha shanad ilaa bisha July.
Cabsida laga qabo duufaanta Lali
Sida ay bahisay hay'ada Musibo-yinka Qaranka ee Soomaaliya, waxa laga cabsi qaba in gobolada konfurta ee saaran xeebta ay kuso fool ledahay dufaan xogan oo lagu magacabo Lali, taas oo ku dhufatay qaar ka midah xebaha dalalka Bariga Afrika.
"Xaalad adag ayanu wejahayna waase dedaalaynaa” ayu yiri Maxamud Macallin, Gudomiyaha hay'adda oo sheegaya sida ay u qalab yar yihiin sida oo kalena muddoyinki danbe ay u waajahayan masiboyin joogto ah.
Balse dadka deeganka Marka ayaa sheegay in aysan wali arki dufaan xoogan oo ka duwan wixii ay horay u arki jireen, xilli ay ka war hayaan warka ay baahisay dawladdu.
Cabdalle ayaa sheegay in wali bulshada Marka u bahan tahay wacyi galin dherad ah oo ay uga gashantan dufanta laga cabsi qab
Dufantan cusub ee Laali aya la soo werinaya in ay ka soo bahday badda Hindiya si gaar ah xebaha dhanka wadanka Seychelles.
Sida ay sheegtay Waaxda Sadasha Hawada ee Adduunka, duufan ba'an waa mid si xoogan u socota kana soo bilabata badaha.
Dufaanada xogan e Badwenta Hindiya kaso bilawda aya ka xoog badan kuwa cadiga ah.
Somaaliya ayaa mudoyinkii danbe gashay xaalad isbeddel cimilo ah oo aad u daran, iyada o la kulantay abartii ugu dhered muddo afrtan sano ah oo sannadkii 2022 dhammatay.
Wadamada Bariga Afrika aya wejahay duufaantii labad Bishan gudaheda.
Xigasho BBc Somalia
Faahfaahino kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dhabagal ah oo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen kolanyo ka tirsan ciidanka Booliiska dalka Kenya oo ku socdaalayay duuleedka magaalada Gaarisa.
Weerarka dhabagalka ah ayaa si gaara uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Ijaara, waxaana halkaas Al-shabaab iyo ciidamada Booliiska dalka Kenya ku dhexmaray dagaal xoogan oo qaatay mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.
Kooxda Al-shabaab oo ka hadashay weerarka ayaa sheegatay in khasaare xoog leh ay gaarsiiyay ciidamada Kenya, islamarkaana ay gubtay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka ciidanka Kenya ay wateen.
Weerarkaan ayaa qeyb ka noqonaya weeraro kooxda Al-shabaab ay inta badan ka geysato deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay ku beegsadeen ciidamada Kenya ee Booliska iyo kuwa Milateriga marka ay ku socdaalayaan deegaanada gobolka waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.
Imtixaanka shahaadiga ah ee Maamulka Puntland oo Shalay bilowday
Shalay oo sabti ah Tarikhduna ay ku began tahay 25-ka Bisha May aya waxa si rasmi ah deganada dowlad Goboledka Puntland uga bilowday Imtixanka Shahadiga ay qadeyso Wasarada Waxbar-ashada--Puntland.
Imtixanaadka ayaa waxaa sanadkan u farisatay 21,801 kun oo Arday, kuwaasi oo isugu jira Aradya fasalka 12aad ee Dugsiga Sare iyo Ardada fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, kuwaasi oo ku kala galaya degaanada Mamulka.
Madaxwynaha dowlad Goboledka Puntland Said Abdullahi Deni aya si rasmi ah u dah-furay Imtixanadka Shahadig ah o ay qadeyso Wasarada Waxbarashada Puntland.
Wasaradda Waxbarashada Puntland aya shegtay in sanadkan koror badan uu ka jiro ardayda u fadhisanesa Imtixanka Shahadiga marka loo eego sanadki hore, waxana galaya 21,801 kun oo Arday.
Sido kale Wasarada Waxbar-ashada Puntland ayaa shegtay in Imtixanka uu wakhti isku mid ah ka bilowday gobihii logu talagay dhamman Gobolada iyo degmoyinka Puntland, isla mar-kana ila iyo hadda la so werin wax caqabad ah.
Wasiir Faarax "Dowladda Soomaaliya waxaa ma go’an difaaca madax-bannaanida iyo qaranimada dalka”
Wafdi ka socda dowladda Somaliya oo u hogaminayo wasirka waxbarshada, hidaha iyo taclinta sare ee XFS oo howlo shaqo u jooga dalka UK aya kulan la qatay jaliyadda Somaliyed ee ku nool magalada London.
Safarada Somaliya ee dalka UK aya munasabad soo dhaweyn ah u sameysay mas’uliyiinta ka socota dowladda Somaliya, waxana halkas laga jediyey kalmado dardaaran, mahad-celin iyo gubabo isugu jiray.
Ugu horeyn Guddiga Difaca Qaranimada, Madax-bananida iyo wadajirka Dhuled ee Somaliya oo sheegay in waajib ay tahay difaaca qaranimada Soomaaliya aya jaliyada Somaliyed ee dalkas ugu baaqay inay dowladda ku garab istaagaan ilaalinta difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada.
Sii hayaha safiirka Somaliya ee dalka UK, ahna safiir ku xigenka safaradda Danjire Dayib Sheekh Axmed aya mas’uliyinta soo dhaweyey, isago jaliyada Somaliyed uga mahadceliyey ka so qeyb-galka xafladaan.
Danjire Dayib ayaa shegay in tan iyo marki dib loo furay safarada ay door muhiim ah ka qadatay u adegidda bulshada Somaliyed io ka shaqenta danaha dowlada Somaliya, sida xojinta xirirka soo jirenka ah ee dalkena u la leyahay boqortoyada UK.
Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah guddiga difaaca ayaa jaliyadda fahfahin ka siyey shaqada gudiga, isago sheegay in howshaan ay tahay mid qaran, qof kastana ay waajib ku tahay inu garab istaago dowladiisa.
Ergeyga Badda Cas, Danjire Yusuf Garad omar Axmed, xubina ka ah guddiga difaaca aya Jaliyadda Somaliyed ee UK ka codsaday inay dorwen ka qatan qadiyadda inaalinta badda iyo wadajirka dhuled ee Somaliya
Ugu dambeynti wasiirka waxbarashada Somaliya Faarax Sheekh Cabdulqadir aya uga mahad celiyey safaarada iyo jaaliyada Somaliyed ee dalka UK, isago shegay in dowladda Somaliya ay ka go’antahay ilalinta iyo difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuriyadda.
Booliska miyaa ku qasba eedeysanaha in uu soo xirto dharkii uu muuqaalka isaga duubay, sawirkase sidee looga qaadaa?
Booliska magaalada Muqdisho ayaa soo xiray dad ka badan 30 qof todobaad kii ugu dambeeyay, kuwaas oo ku eedeysan fallal lidi ku ah amniga, kicin dadweyne, iyo faafin anshax xumo.
Dadkan oo dhammntod horey uga so muqday telefishano maxali iyo barraha bulshada aya jediyay haddallo ay ku durayan go’anno maxakamaded oo soo baxay, hanjabado loo jeediyay madaxda dawladda iyo warrar u muuqaday kicin qabyaladeysan.
Dadka la soo xiray qaarkod aya dhigay bannanbaxyo rabshado wata kuwaas oo ay ku didanayen degmo cusub oo looga dhawaqay xaafadda Daaru-Salaam ee magalada Muqdisho.
Taliyaha boliska Somaliya Janaral Sulub Axmed Firin oo ka hadlayay magalada Muqdisho aya sheegay in malmihi la so dhaafay ay kordhen dhaliyarada u isticmasha barraha bulshada sida aan saxda ahayn, wuxu hoosta ka xariiqay in boolisku xaq u leyahay in uu soo qabto, isla markana uu geeyo saldhigyada, muwadinka sameya wax sharciga ka baxsan, lana waydiiyo sax ahaanshaha wixii uu ku hadlay.
‘’Qofka makarfonka qaatay ama muuqal iska duubay baraha bulshada ama dadka Somaliyed hortooda wax ka sheegay, wuxuu sheegay aya laga rabaa in uu caddeyo, wax kale oo loo haysto oo loo gesanayo ma jirto, hadduu cadeyn waayo sharciga ayaa la horgeynayaa, wixii uu ka helo ayuna leyahay,’’ ayuu yiri taliyaha ciidanka booliska Somaliya Janaral Sulub.
Taliyaha aya ugu baaqay dhalinyarada qaar ee isticmasha barraha bulshada in ay ku badallaan muuqaalada kicinta iyo anshax xumada, kuwa dadka iyo dalka wax taraya
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mog times 26.5.24
.