
Halkaan Ka Aqriso Wrarka Wargeysa Mog Times 23.5.2024
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Ra’isul Wasaraha Xukumada Jamhuriyada Federalka Somaliy Mudane Xamsa Cabdi Barre, aya sheegay in qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) tusaale u yahay hannanka cusub ee ay qaaday Somaliya, kaas oo xooga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah.
Ra’isul Wasare Xamsa aya xusay in isbedelkani uu xambarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna iyo dadkena, isla markana diiradda saraya maalgelinta ilaha wax soo sarka, si loo garo kobac dhaqale, shaqo abur iyo fursado horumarined.
"Qorshahan wuxu ku saleysan yahay in aan ka faa’iidaysanno khayradka dalkenna io xirfadaha dadkenna, si aan u gaarno horumar waara, waxa uu soo saari doona qorshayal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beraha, kallumaysiga, xolaha, jidadka, bundoyinka, dekadaha, garomada diyaradaha iyo kheyradka kale ee dabiciga ah, si lo gaaro isku filnaasho dhaqale”.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilabin isbeddelka, taas oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo.
Somaliya ayu tilmamay Ra’isul Wasaruhu in ay ka jiran fursado badan o dhinacyada malgashiga, kuwaas oo ka aburmay shurucdi malgashiga shisheye o la hirgeliyey, deynti oo dalka laga cafiyey iyo Somaliya o ku birtay suuqa ganacsiga bariga Afrika.
Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee Ra’isul Wasaruhu Dahf uray o beddelaya Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (NDP), aya horsedi doona higsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leyahay Soomaaliya.
Guddoomiye Madaale oo la kulmay danjiraha dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya
Guddomiyaha Gobolka Banaad ir ahna Duqa Magalada Muqdis ho Mudane Yusuf Xusen Jimcale (Madaale) aya Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Dan jiraha Dowladda Rushka u qabbi lsan Somaliya Mudane Mikhail Golovanov.
Duqa Muqdisho aya ugu mahadceliyay Danjiraha Rushka booqashada uu ku yimid Aqalka dowladda hoose ee Xamar, Dadaalkiisa ku aadan xoojinta xiriirka labada shacab, iyo doorka Dowladda Rushka ee garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Somaliyed.
Danjire Mikhail aya bogadiyay horumarada ka socda Casimada Muqdisho, asigona dhankisa xusay in Mamulka Gobolka Banadir ay kala shaqen donan arrimaha Bini’adanimada, Horumarka Magalada Muqdisho, Iskashiga iyo isku xirka labada Casimadod.
Somaliya iyo Sacudiga oo iska kashanaya horumarinta gaadidka
Wasirka Wasarada Gadidka io Dulista Hawada Xukumada Fadralka Somaliya Xildhiban Fardosa Osman Egal aya shaly, kulan laqadatay Dhigeda Wasirka Gadidka Dalka Boqortoyada Sucudi Carabiya waxena kulanka dirada ku saaren sare u qadida iskashiga, horu-marinta, khibrad wadaga iyo arrimaha kale ee mudnanta leh ee labada Wadan.
Kulankan aya qayb ka aha shirar docedyo iskashi o ay Wasir Fardowsa la yelanayso Wasirrada io wakilada kale ee ka qaybgalaya shirwenaha musta-qbalka Dulim-adyada oo sannadkan isku kenay in ka badan madaxda 150 dal kaas oo ka socda Magalada Riyad Dalka Sucudiga.
Wasarada Gadidka iyo Dulista Hawada Xukuumadda Faderalka Somaliya aya ku soo Bandhigaya Shirarka Calamka ee loga Hadlayo Gadidka Dorkeda Hormarinta Dulista iyo Hawada taso Hortabinta kobad u ah Xukumadda Danqaran.
Spain oo ku dhawaaqday in ay dawlad u Aqoonsan doonto falastiin
Ra’iisul wasaraha Spain Pedro Sanchez aya hada ku dhawaqay in dalkisa u aqonsan dono dowlad madax banan Falastin 28 ka bishan May.
Sido kale ra’isul Wasaraha Ireland Simon Harris aya shegay in wadanku u aqonsan dono dowlad madax banan oo Falas-tiniyintu…yeshan.
Dhinaca kale Wasarada Arrimaha Dibada Falastin aya so dhawesay go’annada ay qaaten dalalka Spain, Norway iyo Ireland si ay u aqonsadan Dawladda Falastiniyintu leyihin.
"Tallabadan muhimka ah, Spain, Norway iyo Ireland waxay mar kale mujiyen sida hagar la’anta ah e ay uga go’an tahay xalka labada dal iyo sidi shacabka Falastin ay u garsin lahayen cadalada mudada dheer ay radinayen,” aya lagu yiri qoralka ka so baxay wasaradda arrimaha dibadda Falastiin.
"Inta waxa dheer, aqonsiga Spain, Norway io Ireland, wa mid wafaqsan sharciga caalamiga ah iyo dhaman qaanunada Qarmada Midobay ee khuseeya arrimahan, kuwaas oo si wanaagsan gacan uga geysan doona dhamman dadaallada caalamiga ah ee ku aaddan so afjaridda gumeysiga Isra’il ee sharci-darrada ah iyo helitanka nabdda iyo xasilonida gobolka.
War saxafadedka aya sido kale loogu baqaya in dowladaha kale ay "sida ugu dhaqsaha badan u qatan go’ankan mabda’a ah”.
Madaxweynaha Jubbaland oo booqday xarunta SoDMA
Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa boqasho howled u jedkeedu yahay ogaanshaha xogaha bani’adannimo ee dalka ka jira ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda Maareynta Musiboyinka o u ku so dhaweyay Gudomiyaha hay’adda Maxamud Macalin Cabdulle.
Madaxweynaha ayaa lala wadaagay warbixin guud oo la xariirta howlaha iyo waajibaadka hay’adda, saameynta taban ee is-beddelka cimilladu ku leedahay dalkeenna, cabsida laga qabo duufaanta Laly oo sare u sii kacaysa iyo dadaallada gargaar ee SoDMA ka waddo dalka, gaar ahaan gobollada Jubbaland.
Kulankan xog-siinta iyo soo dhaweynta ah waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa, Guddomiye ku xigeenka hay’adda, la-taliyayaal iyo marti-sharaf herkedu sarreyo, wuxuuna Madaxweynahu si weyn u bogaadiyay howlaha hay’addu u heyso dadka Soomaliyed ee nugul, isagoo ka mahadceliyay arrimaha samafal ee ka socda degaannada Jubbaland.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda Carabta
Wasirka Maliyadda Xukumadda Federalka Somaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa SHALAY ka qeybgalay furitanka shirka sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda Carabta oo lagu qabanayo magaalada New Qaahira ee dalka Masar.
Shirkaan oo labo maalin ah aya diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta Maaliyadda dalalka Carabta, iskaashiga dhaqaalaha iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.
Wasiirka Maliyada Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa inta uu ka qeyb galayo shirkaan waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madaxda Dalalka iyo kuwa Hey’adaha Maaliyadda Carabta ee wadashaqeynta ay kala dhaxayso dowladda Soomaaliya.
Webiga Shabeelle oo ku fatahay qaybo ka mid ah xaafadaha Baladweyne
Webiga Shabeelle ayaa xalay ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha bari ee magalada Beledweyne ee gobolka Hiraan, kadib roobab xooggan oo sacadihii la so dhaafay halkas ka da’ay.
Shacabkii deggana xaafadaha Wabiga ku fatahay aya saaka ka baracakay iyago degansaday dhulka taagga ah e ka fog gobaha fatahadda.
Dowladda Somaliya aya dhowan so saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab wato dabeylo iyo daad.
Wasiir Maareeye oo kormeeray goobta lagu baaro gaadiidka Muqdisho keena qudaarta
Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo ka jawabayay cabashada Ganacsatada Khudarta aya saaka kormer ku tagay Aargada Deyniile oo ay ku xayiranyihin Baaburta Khudarta soo galiya Muqdisho.
Wasiirka Maareye oo ku sugan halka lagu baaro gaadiidka qudaarta ka keena gobollada dalka aya bogadiyay gaadidleyda iyo dadka ka ganacsada dalagga ka so go’a beeraha dalka, wuxuna ku ammanay dulqadka ay sameyan iyado ay xun yihin waddooyinka so gala caasimada.
Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Xildhiban Maxamed Cabdi Xayir Maareeye aya sheegay in uu la kulmi doono taliyayaasha ciidamada ee ka howlgala rugta baarista, wuxuna ballan qaaday in ay fududeyn doonan habka baarista gaadidka keena qudarta.
Wasiirka Dhallinyarada XFS oo furay shirka horumarinta Dhallinyarada
Wasirka Wasaradda dhallinyarada iyo cayaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamud aya furay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay qorshaha horumarinta dhallinyarada Somaliyed ee shanta sano ee soo socota.
Shirkan wadatashiga ah aya waxa ka qayb galay Wasirrada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboledyada dalka iyo gobolka Benadir si qorshe midesan logu wajaho hormarinta dhalinyarta Somaliyed.
Ujedka qorshaha cusub ee la dejinayo aya in ah kaalinta dhallinyarada ee mashaariicda magacoda ku socota iyagu ay hormuud ka noqdan si ay u hubiyan in maalingelinta loo sameyo dhallinyarada ee Heer Federal iyo heer dowlad goboleed ay gaadhay waxyaabihii loogu talo galay.
Qorsheyaasha hortabinta u leh Istiraatiijiyadan cusub ee shanta sano ah waxaa ka mid ah xoojinta xirfadaha gaagaaban ee sahlaya inay dhallinyaradu si dhakhso ah ugu biiraan suuqa shaqada, xoojinta hal-abuurka iyo ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda.
La taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh: Deni, waa ninkii 60 xildhibaan soo qortay haddana aan ku kalsoonayn
La taliyaha arrimaha dasturka ee madaxwenaha Somaliya, Xusen Sheikh Maxamud, aya sheegay, madaxwenaha Puntland Sicid Cabdullahi Deni, inu miska wada xajodka uga maqan yahay arrimo siyasaded o isaga ugaara.
La taliyaha madaxweyne Xasan Sheikh, waxa uu sheegay in xildhibaanadii uu soo qortay madaxweyne Deni ay iyagu gacmaha u taageen wax ka baddalka dastuurka dalka, isagoo sheegay in madaxweyne Deni uu yahay, nin u muuqda inuu isagu kaligiis isla saxan yahay.
"Ninkii 60 xildhibaan gacantiisa kusoo qortay, ma dhihi karo, "anigaa dowladnimada idinka aqoon badan”. Miyaad maqashay cid katirsan baarlamaanka oo Puntland kasoo jeedda oo wax diiddan,” ayuu yiri Xuseen Sheikh Maxamuud.
Xuseen wuxuu sheegay arrimaha dastuurka marka la joogo in labada aqal ee baarlamanka ay yihiin cidda iska leh awoodda arrimaha dastuurka. Wuxuu u sheegay dowlad goboleedyada inay ku kalsonadan xildhibanada labada aqal ay soo dirsaden.
Waa kuma Kariim, dacwad oogaha ICC ee ku dhiirraday in la soo xiro Netanyahu iyo hoggaamiyeyaasha Xamaas?
Maxkamada dambiyada caalamiga ah ee ICC aya tixgelinaysa in ay soo saarto amar lagu soo xirayo ra’isul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hogaamiyayaasha Xamaas ee loo haysto dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada.
Madaxa dacwad oogaha ICC ee kiiskan waa Karim Asad Ahmed Khan aya asal ahaan ka soo jeeda Pakistan.
Hadalkiisa maxkamada ayuu ku sheegay inay jiraan sababo macquul ah oo lagu aamino in Netanyahu iyo wasirka difaaca Israel Yves Galant ay gaysteen dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ee Gaza.
Dhanka kale, Netanyahu ayaa cambaareeyey codsiga xarigiisa, wuxuuna ku tilmaamay go’aan caqli-gal ahayn oo khaldan, uuna ka xun yahay, in Isra’iil la barbar dhigo "Ururka Xasuuqa ee Xamaas”.
Dacwad oogaha ICC-da aya sido kale doonaya in la soo xiro saddex hoggaamiye oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Saddexdan nin aya kala ah madaxa siyasadda Xamaas Ismacil Haniyah, Madaxa milatariga kooxda Maxamed Deif iyo Yaxye Sinwar oo ah hoggaamiyaha kooxda ee Qasa.
Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay dhigiisa dalka Cumaan
Wasirka wasaradda Kallumeysiga iyo Dhaqalaha Bulugga ah ee Xukumadda Jamhuriyadda Federalka Somaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo booqasho shaqo oo rasmi ah ku jooga magaalada Muscat ee Dowldda Saldanadda Cumaan aya kulan miradhal ah la qaatay dhigisa wasirka Beraha, Kalumeysiga iyo Kheyradka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.
Masu’uliyiinta labada dal ayaa ka wadahadlay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee laba dowladood, iskaashi dhinaca Kalluumesiga ah, in laga wada shaqeeyo sidii labada dal ay isku dhaafsan lahaayeen fursadaha ganacsiga ee dhinaca Kalluumeysiga iyo in shirkadaha waaweyn ee Cumaan ay maalgashi ku sameeyaan Kalluumeysiga Soomaaliya.
Wasiirka wasaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Wasiir Axmed Xassan Aadan aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey iyo sida wax ku oolka ah ee ay u wadaagen maclumaadka fursadaha Kalluumeysi iyo iskaashiga labada dowladood, waxaana uu la wadaagay sida ay xukuumad ahaan diyaar ka ugu yihiin iskaashiga dhinaca Kallumeysiga iyo in shirkadaha waa weyn ee dalkan ay maalgashi wax ku ool ah ku sameystaan Soomaaliya.
Wasiir Mudane Axmed Xasan Aadan oo ka mahadcliyey soo dhaweynta diran ee loo sameyey ayaa sheegay dalkennu uu furay albaabada Maalgashiga waxa uu si gaar ah uga hadlay dhinaca Kalluumeysiga isaga oo sheegay in jiraan sharciyo maxali ah oo la jaanqaadaya kuwa gobolka iyo caalamka kuwaas oo suuragal ka dhigaya in dalkennu uu qaabilo maalgashadeyal caalami ah si kor loogu qaado wax soosaarka Kalluumeysiga ee guud ahan dalka.
Kulankan oo ku so dhammaday jawi isfaham ah waxaa ku wehliyey wasiirka Agasimaha Guud ee Wasaradda Mudane Cabdi Dirshe iyo masu’uuliyiin kale oo ka socda qeybaha kala duwan ee wasaradda.
Ciidanka Booliiska oo gacanta kusoo dhigay dad ku eedeysan rabashado ka dhacay degmada Daarusalaam
Ciidamada Booliiska aya gacanta kuso dhigay Ilaa 15 ruux oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo ku eedeysan iney soo abaabulen bananbaxyo rabshado watay oo khasaare sababay.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir aya lagu sheegay in dadka laso qabtay ay ku socdaan baaris, islamarkana la horkeeni doono Cadaaladda.
Qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska ayaa sido kale digniin adag loogu diray shacabka ku nool magalada Caasimadda ah ee Muqdisho iney isaga fogadan wax kasta oo lidi ku ah amniga.
"Waxaa lagu wargalinayaa shacabka kunool Caasimada iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan ka qeyb noqoshada isku soo baxyada sababikara fal Amaanka liddi ku ahaayaa lagu yiri qoraalka ka soobaxay Taliska qaybta Guud ee Boolisla Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.
Bananbaxyada rabashada watay ee ka dhacay Daarusalam aya ahaa mid dadka banaanbaxa dhigaayay ay ku dalbanayeen in guddoomiyaha degmadaas laga dhigo beesha ay kasoo jeedaan, maadama 2 maalin ka hor madaxweyne Xasan Sheekh uu degmo rasmi ah u aqoonsaday Daarusalam.
Arday Baratay Cilmiga IT oo Minnesota Qalinjabin loogu Sameeyey,
Sadax iyo Labaatan Arday oo u badan Somalida Minnesota aya DORAAD loo qabtay kulan Qalinjabin ah ardaydan oo baratay fasalada hordhaca ee Cilimiga IT-ga ee maclumadka Tiknolijiyada, waxuna tababarkodu socday mudo labo biloda.
Maxamed Amin Kaahin Madaxa iyo asaasaha Milestone Community Development oo ah hay'adii ka soo shaqaysay isku keenida iyo u diyaarinta barnamijkan dhalinyarada aya HOL u sheegay in qaybta shalay qalinjabisay ay yahiin kooxdii 4aad ee dhamaysay tababarkan, waxuna Maxamed Amiin ii sheegay in kuwan qaar ka mida ay hada helen shaqoyin cilmigas ah tababar waxbarashana laga sii baxin doono.
Barnaamijka Waxbarashada ee ardaydaan waxaa iska kaashday Milestone Community Development, North Central University, iyo Ramsey County.
Waalidinta iyo Ardaydii kulanka soo Qalinjabinta ka soo qaybgalay ayaa aad ugu riyaaqay fursadaha la siiyey iyo dadaalkii dheer ee ay galiyeen tababarkaan.
Catriona Laing: Waxaan safiir u noqon doonaa Soomaaliya, si aan uga sheekeeyo wanaag ga dadka Soomaaliyeed
Catriona Laing aya sheegtay inay ku faraxsan tahay in ay Somaliya mar labaad ka shaqeyso, iyado tilmamtay markii iigu horreyse oo ay Somaliya timado in ay ahayd sanadihii 1993-1994, xilligas oo ay kamid ahayd hawlgalki QM ee asalka ahaa.
Wakiilka Qaramada Midoobay aya sheegtay, mustaqbalka Somaliya inu yahay mid ifaya. Waxay sheegtay in ay jiraan fursado kallumeysi, iyo fursado saliid iyo gaas looga soosaari karo Somaliya. Waxay tilmamtay dunidu inay aad u xiisaynayso maalgashiga dekedaha Soomaaliya.
Waxay tusaale wanagsan u aragta rajada ay Somaliya ka qabto in ay kursiga Golaha Ammaanka ku fariisato sannadka soo socda. Halka ay sido kale bogadisay in Somaliya ay u sharraxan musharrax hawenay u tartameysa kursiga guddomiyaha Midowga Afrika.
"Waxaan aragnaa Somaliya oo si tartiib tartiib ah ugu guureysa kaalin hoggaamineed – min dal dhibban ilaa mid dhibaato xalliye ah. Marka sidasi waa sida aan u dhigi lahaa – waa safar, lakinse ah safar u socda jihada saxda ah,” ayay tiri Catriona Laing.
Maray ka hadlayse caqabadaha xiligan ka taagan Somaliya waxa ay sheegtay inay ugu weyn yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan dib uso noqoshada burcad badedda iyo Alshabab. Waxay dowladda ku dhirri galisay inay si degdeg ah ula timado waxyabo xasilooni dhalin kara si dadka shacabka ah loo tuso in la-jirka dowladda ay ka wanagsan tahay la-jirka Al-Shabab.
Catriona Laing oo ugu dambayn macsalaamaysay Somaliya ayaa sheegtay inay Soomaaliya safiir u ahaan doonto si ay uga sheekayso wanaagga ay kusoo aragtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay xafiiska joogtay.
Qaramada Midoobay oo hakisay cunto qaybintii ay ka waday Rafax
Qaramada Midoobay aya hakisay qaybinta cuntada ee magalada Rafax ee ku taala dhinaca koonfured ee Qaza, iyada oo ay ugu wacan tahay, saadka oo gabababsi ah iyo xaladaha amni darada oo sare u kacay.
Stephane Dujarric oo ah afhayen u hadlay Qaramada Midobay aya Talaadadi sheegay in xarumaha cunto qaybinta ee hay’adaha Qaramada Midoobay ee WFP iyo UNRWA, inay noqden goobo aan la gaadhi karin, iyada o ay ugu wacan tahay holgallada milateri ee ka socda Rafax.
Dad ka badan hal milyan oo qof aya haatan wajahaya xaalad macalul oo aad u sarraysa, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Marina xuduudda ee ku yaala magalada Rafax aya mar aha gobaha ugu muhiimsan ee gargaarka bini’aadanimo laga geliyo marinka Qaza, hase ahaate waxa la xidhay, tan iyo wixii ka dambeeyey bishan May 6-deedii.
Sido kale muddo laba malmoda, ma jirto wax gaadida oo ka ambabaxay dekedda ku meel gaarka ah ee Maraykanku uu dhisay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Afhayen u hadlay WFP aya sheegay in hol-galada bini’adanimo ee Qaza inay qarka u saaran yihin inay burburaan, isaga oo ka digay, in haddii aan dib loo soo celinin cuntadii iyo sahaydii kale, in macaluushu ay faafi doonto.
SOMALIA
OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA
______________________________
ADRA
OGEYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee sare ay tahay astaanta ganacsiga:
ADVENTIST DEVELOPMENT AND RELIEF AGENCY INTERNATIONAL, a non-profit organization (incorporated under the laws of the USA) of 12501 Old Columbia Pike, Silver Spring, MD 20904, United States of America
waxaana loo adeegsaday:
Fasalka41:adeegyada waxbarashada; qabanqaabinta, qabashada, iyo abaabulka shirarka waxbarashada, aqoon-is-weydaarsiyada, siminaarada, koorsooyinka kulliyadaha iyo jaamacadda, barnaamijyada iyo mashaariicda; adeegyada waxbarashada iyo macluumaadka kor u qaadaya horumarinta bulshada caalamka iyo mashaariicda bani'aadamnimada, oo ay ku jiraan mashaariicdaee la xidhiidha u diyaargarowga musiibada iyo adeegyada waxbarashada gargaarka musiibada; la talinta, latalinta iyo adeegyada macluumaadka ee la xidhiidha kuwan kor ku xusan.
Fasalka 45:
Adeegga wasaaradda iyo adeegayaasha; adeegyada shaqsi, bulsho iyo ruuxeed; adeegyada bini'aadantinimo, oo ay ku jiraan u diyaargarowga musiibada iyo adeegyada gargaarka musiibooyinka; adeegyada la-talinta, la-tashiga iyo macluumaadka ee la xiriira kuwa aan kor ku soo sheegnay.
Ogaysiis sidoo kale waxaa la bixiyaa in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.
Halkaan Ka Aqriso Wrarka Wargeysa Mog Times 23.5.2024
.