
HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 21-5-2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay safiirka Ruushka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Madax tooyada Qaranka kula kulmay Danjira ha Ruushka ee dalkeenna Mudane Mik hail Golovanov ayaa kala hadlay da gaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagi xisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo iskaashiga horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.
Danjire Mikhail Golovanov ayaa bog aadiyay horumarka dowlada Soomaal iya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada, isagoo tilmaamay sida dowladda Ruushka ay mudnaan u sii nayso taagerada dowladda Soomaa liya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Cii daanka Xoogga Dalka ay kaga xorey nayaan argagixisada deegaannada ko oban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Al-shabaab Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.
Sanatar Xuseen Daahir oo ka qayb galay shirka 10-aad ee Baarlamaanka adduunka
Sanatar Hussein Mohamed Dahir oo matalaya Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shalay ka qayb galay shirka 10a ad ee Baarlamaanka adduunka ee loo ga hadlaye abaabullidda tallaabo mid eysan ee baarlamaanka adduunka oo ku aadan sidii loo heli lahaa barwaaqo wadaagga biyaha.
Madashan oo ay soo qaban qaabiy een Midowga Baarlamaanka adduunka isla markaana ay marti galisay Dowla dda Indonesia ayaa qabsooma sadde xdii sanaba mar.
Senator Hussein oo qudbad ka jeed iyay madasha, ayaa sheegay in dowla dda Soomaaliya ay samaysay dadaalo dheeraad ah sidii wax looga qaban lah aa arrimaha biyaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday mashaariic oo u jeedadoodu tahay ha gaajinta kaabayaasha biyaha, sida qod istaceelal-biyoodyo cusub iyo dayacti rka ilaha biyaha ee jira.
Senetoka ayaa xusay in dowladda ka shaqeyneyso diyaarinta siyaasadda qaab-dhismeedka oo kor u qaadaya maaraynta biyaha iyo hufnaanta ka faa’iidaysiga kheyraadka.
Madasha 10-aad ee Biyaha Adduun ka ayaa ah marxalad muhim u ah isk aashiga caalamiga ah si loo xoojiyey khibrad wadaagga iyo iskaashiga aya doo la meel marinayo tillaabooyinka la gama maarmaanka u ah wax ka qaba shada caqabadaha biyo-la’aanta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa : Bulsho karaankeedu hooseeyo lama loolami karto caalamka intiisa kale
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ja mhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aa danaha, ayaa sheegay in bulsho karaa nkeedu hooseeyo aysan la loolami kar in caalamka intiisa kale, si aan dunida ula tartannana ay muhiim tahay in la horumariyo awoodda dadkeenna.
"Bulsho karaankeedu hooseeyo, lama loolami karto caalamka intiisa kale, isk amana celin karto cadowga muuqda ee lidka ku ah iyo midka qiiqa isku qari ya ee dibindaabyeynaya, Waxaase in taa oo dhan ka muhiimsan in la maal geliyo lana dhiso karaanka iyo kartida bulshada”.
Waxa uu hoosta ka xarriiqay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay hiigsanayso isbeddel xooggan oo ku dhisan awoodda bulshada, taas oo horseedi karta isbeddel muuqda oo ku yimaadda caqliga iyo xoogga dhallinya rada Soomaaliyeed.
"Bulsho aan lahayn dabaqad aqoon iyo xirfad sare leh, ma gaari karto nolol wanaagsan, qeyrkeedna lama tartami karto, mana hiigsan karto himilooyinka sarreeya ee ay madaxdeedu ku taama yaan, sidaa awgeed, waa in bulsha deennu ay heshaa waxbarasho loo sim an yahay, fursado shaqo oo loo siman yahay, iyo adeeg caafimaad oo tayo leh”.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in dalk eennu uu yahay mid hodan ku ah khey raad kala duwan, dhisidda kartida iyo karaanka bulshaduna uu qeyb libaax ka qaadan karo kobaca, horumarka iyo sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyr aadka dalkeenna ceegaaga.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wa saaradaha Adeegga Bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, Xil dhibaanno ka tirsan labada aqal, Safiir ro iyo Madax ka socotay hey’adaha caalamiga ah
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo furay Shirwaynaha Qaran ee dib u Eegista Hirgalinta ee Madasha Qaxootiga Aduunka
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaal ka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa Daah-furaya Shirwaynaha Qaran ee dib u Eegista Hirgalinta Balanqaady adii Dowladda Soomaaliya ee Madas ha Qaxootiga Aduunka 2019.
hirkaan oo heerkiisu sarreeyo oo ay soo agaasintay Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa lagu falan-qaynayaa balanqaad yadii dowladda Soomaaliya ee mada sha qaxootiga aduunka oo la qabtey sanadkii 2019, balaqaadyadaas oo ay ugu muhiimsanaayeen barakicinta kha sabka ah, kuwa soo guryo noqda iyo qaxootiga.
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galey Heerarka kala duwan ee Dowladda Fe deraalka Soomaaliya, Marti kasocota dowlad Goboleedyada, hay’adaha ma xaliga ah ee u dooda barakacayaasha iyo qaxootiga, deeqbixiyayaasha iyo hay’adaha caalimiga ah sida kuwa qaramada midoobay ee UNHCR iyo UNICEF ee gacanta ka gaysta caawin ta qaxootiyada iyo barakacayaasha.
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy a, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido.
Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedku ahaa naba dda iyo xasilloonida ka hirgashay caas imadda dalka ee Muqdisho, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan do orka kaga aaddan nabadda iyo isdhex galka.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, booqa shada waxa ku wehliyay madaxweyna yaasha dowlad Goboleedyadda Galm udug,Jubaland ,Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan XFS iyo Guddoomiyaha Gob olka Banaadir
Madaxweyne Deni oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Global Health Alliance
MadaxweynahaMaamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Magaalada Garowe ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Global Health Alliance ee ka dhisan Wadanka Maraykanka Gobolka Minnesota, Hay’addan ayaa waxaa ku mideysan dhakhaatiir Soomaali iyo Ajanabi isugu jirta.
Dhakhaatiirtan ayaa sanadkii labo mar u yimaada dalka in ay Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka kala shaqeeyaan horumarinta Caafimaadka, sida tababarada, qalabeynta iyo adeegga danbeysan caafimaadka oo markii ugu horeeyay Soomaaliya la keeno.
Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Mudane Shiikh Tawakal Ismaaciil oo ka socda Jaaliyadda Minnesota ee dalka Maraykanka.
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo sheegay in Somaliland ku jabi doonto hadii ay dagaal kale ku qaado Laascaanood
Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal kale ku qaado deeganadiisa, isaga oo sheegay in ay jabin doonto.
Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan cariga Talyaaniga, ayaa jaaliyada reer SSC Khaatumo ee magaalada Rooma uga warbixiyay xaalada deegaanadii iyo dadkii uu ka yimid.
"Hada Muuse waa soo xayd xaydanayaa, intii dagaalka lagu guda jiray hablaha reer Hargaysa waxa hal ku dhag u ahayd Muusow ciidanka fasax, Muuse hada wuxuu leeyahay ka baydha waan fasaxayaaye, inshallah wuu ku jabi" ayuu yidhi Firdhiye.
Firdhiye waxa uu sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii deegaanada SSC Khaatumo ay u noqon lahaayeen qaar nabad ah oo xasiloon, isla markaana loo tirtiri lahaa raadkii ay dagaaladu ka tageen.
Isaga oo ku goodiyay in qaar kamid ah askarta Somaliland ee ay gacanta ku hayaan ay horgayn doonaan cadaalad, dhawaan ayuu sheegay in kiis ka dhan ah madaxda Somaliland uu u gudbiyay Maxkamada Dambiyada Dagaalka.
Somaliland ayaa dhankeeda sheegta y in ay si dhakhso ah gacanteeda ugu soo celin doonto deegaanadii ay ku lu misay dagaalkii kal hore ka dhacay gobolka Sool.
Puntland oo xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday rag loo haysto inay katirsan yihiin Alshabaab
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukunno isugu jira dil iyo xabsiyo ku ridday afar eeday sane oo lagu helay inay xiriir laleeyihiin kooxda Alshabaab.
Eedeysanaha koowaad oo lagu maga caabo Maxamuud Maxamed Axmed (Qeyliye) ayaa lagu helay inuu heshiis kula jiray horjoogaha kooxda Alshabaa b ee Puntland.
Maxkamaddu waxay sheegtay eede ysan ahan inuu Shabaab u qaabilsan aa inuu u kaxeeyo gaadiidka lagu soo qaado dableyda kooxda Shabaab u qaabilsan dilalka qorshaysan.
Maxkamaddu waxay sheegtay in lagu helay kiiskii ugu dambeeyay ee labo qof oo lagu dilay magaalada Boosaaso, kuwaas oo dadkii geystay oo uu isagu ku fakiyay gaarigiisa.
Maxamaddu waxay ku ridday xukun dil ah.
Cabdikhadar Maxamed Shire oo isna lagu eedeeyay inuu Shabaab u qaanils anaa kaxaynta gaadiidka ayaa lagu xu kumay 15 sano xabsi ah.
Ibraahim Cabdi Ciise (Qaloocow) oo lagu eedeeyay inuu Shabaab u qaabils anaa cillad bixinta gaadiidka uga shaq eeya magaalada Boosaso, ayay max kamadda ku xukuntay 10 sano oo xabsi ah, halka Maxamuud Cabdiri saaq Gurraase oo isna lagu eedeeyay inuu caawin jiray Cabdikhadar Maxa med Shire, ay maxkamadda ku xukun tay 3 sano oo xabsi ah.
Shir looga hadlayey horumarinta Booliska iyo amniga oo Dhuusama reeb lagu soo gabangabeeyey
Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaa liya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fa rtaag), iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa soo xiray shir wadatashi oo ka dhacay Dhu usamareeb, kaas oo diiradda lagu saa ray horumarinta amniga.
Shirka, oo socday laba maalmood, ay aa lagaga hadlay mashruuca wadajirka booliiska (JPP-2), sharciga booliiska Soomaaliya, qorshaha istiraatijiyadeed ee amniga gudaha, iyo bixitaanka ATMIS.
Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay amniga dalka iyo nabadgelyada Soomaaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa sidoo kale bog aadiyay guusha shirka, isagoo xusay in Galmudug ay tahay goob muhiim ah oo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-shabab.
Shirkan waxaa kale oo ka hadlay Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaali yeed iyo wasiirrada amniga dowlad go boleedyada, kuwaas oo soo bandhigay fursadaha iyo iskaashiga lagu xaqiijina yo amniga dalka.
Soomaaliya ayaa Iran uga tacsiyeysay geerida Madaxweynihii Iran oo shil diyaaradeed ku geeriyooday
Dowladda Soomaliya ayaa Dowladda Dalka Iran uga tacsiyeysay Madaxwey nihii Dalka Iran Ibraahim Ra’iisi oo sha lay ku geeriyooday Shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka azarbijaan,sidoo kale Shilka ayaa waxa ku geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Dibedda,xeer ilaaliyi hii guud iyo guddoomiyeyaal Gobol.
Shilkan ayaa dhacay xili Madaxweyna ha Iran ka soo laabtau Safar uu ku soo dhagax dhigayey mashruuc Biyo xidhe en oo laga hirgelinayo Azarbijaan.
owladda Soomaaliya ayaa sidoo ka le Shacabka Dalka Iran uga tacsiyey say geerida Madaxweyne Ibraahim Ra’ iisi.
Wasaaradda Xajka Sacuudiga oo ku boorisay xujeyda inay xili hore u diyaar garoobaan gudashada Xajka
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa ku boorisay xujeyda sanadkan ee haysata visaha ama oga laasha xajka ee mareegta NUSUK inay goor hore u diyaar garoobaan safarka Xajka si uu ugu fudaado oo aysan ula kulmin dhibaato, iyagoo raacaya talooy inka wacyigalineed ee wasaaradda Xaj ka ama hay’adaha rasmiga ee arrima ha Xajka ee wadamadooda.
Qoraalo isdaba joog ah oo ay Wasaa raddu ku baahisay Baraheeda bulsha da ayay ku soo bandhigtay talooyin ku saabsan sidii ay Xujayda ugu diyaar garoobi lahaayeen, isla markaana mee sha looga saaro inay ku dhiboodaan safarka, waqtina u hilaan hubinta duku mentiyada socdaalkooda inta aysan aadin garoomada diyaaradaha, islamar kaana ay qaataan agabyo fudud.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay kula talisay xujayda inay jir ahaan u diyaar garoobaan si ay uga fogaadaan dhibaa to ka soogaarto ciriiriga jira xiliga xajka, iyadoo ku boorisay inay xirtaan gabaha nooca sports-ka, iyo kuwa leh caafi maadka, ayna fogaadaan cunnooyinka leh cayilka oo ay qaataan nasasho ku filan, islamarkaana cabaana biyo ba dan.
Dabaylo qasaare geysan kara oo looga digay wadamada geeska Afrika
Waaxda arimaha isbedelka cimilada ee Midowga Afrika ayaa sheegtay in dabaylo qasaare geysan kara ay ku dhufan karaan qaar ka mid ah wadam ada geeska Afrika, waxaan fariintan di gniinta ah lala wadaagay safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.
Sida ka muuqata sawirkan hoose ka yimid Midowga Afrika, wuxuu sheega yaa in cimilada dalalka ku teedsan dhul xeebeedka Bariga Afrika oo Soom aaliya ka mid tahay in ay ka jiraan da baylo xoogan oo ku socda xawaare aad u sareeya oo dhan 185km saaca ddiiba xaaladuna ay tahay mid aad u kacsan, balse ay saadaashu sheegay so in ay xaaladu is bedeli karto, lagana yaabo in 18saacadood kadib uu xawaa ruhu noqon karo 65km saacadiiba.
Sidoo kale, waxaan u sheegnay in ay si joogto ah noola soo wadaagaan xa aldaha la xiriira cimilada kacsan iyo da ba ylaha ka jira xeebaha qaar kamid ah dalalka Geeska Africa, waxaana uga mahadcelinay xiriirka iyo wargel inta ay arintan nagala soo sameeyeen.
Waaxda Isbedelka cimilada Midowga Afrika waxay ku talisay in wargelin iyo wacyigelin degdeg ah loo sameeyo dadka Soomaaliyeed ee degen dhulka xeebaha ah ee Soomaaliya gaar ah aan gobolada Koonfurta Somalia.
Dacwad-ogaha Maxkamadda ICC oo codsaday in la soo xiro hoggaamiyayaasha Israel iyo Xamaas
Dacwad oogaha Maxkamadda Caal amiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa co dsaday in la soo xiro Ra’iisul Wasaa raha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yoav Gallant, sida la gu sheegay bayaan ka soo baxay ma xkamaddaasi.
Madaxa dacwad oogaha Maxkamada ICC Karim Khan ayaa sheegay inay jir aan sababo macquul ah oo lagu aa mini karo Netanyahu iyo Gallant inay qaadeen mas’uuliyadda dambiyada da gaal oo ka dhan ah aadanaha.
Maxkamada ICC ayaa sidoo kale dal batay in la soo xiro seddex ka mid ah hogaamiyayaasha Xamaas, kuwaas oo kala ah hoggaamiyaha Xamas Is mail Haniyeh,Yahya Sinwar iyo Moh ammed Diab Ibrahim Al-Masri (Deif) .
Israa’iil ayaa dishay ugu yaraan 35, 456 qof oo u badan caruur iyo haween -,Iyagoo dhaawacay in ka badan 79,476 ruux
Madaxweynaha Iiraan iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo shil diyaaradeed ku geeriyooday
Wakaaladda Wararka dalka Iiraan (IRAN) ayaa shalay oo isniin ah shaacisay in Madaxweynaha dalka Iiraan Ebrahim Raisi iyo wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi mudane Hossein Amir-Abdollahian ay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay Waqooyi galbeed ee dalkaasi.
Wakaaladda Wararka Mehr ee Iiraan ayaa sheegatay in Madaxweynaha dalkaas iyo intaa la socotay dhamaantood ku geeriyoodeen shilka diyaaradeed ee ka dhacay dhulka keymaha ah ee buuraha ah ee Dizmar, una dhow magaalada Farzaghan.
Wakaaladda Wararka dalka Iiraan (IRAN) ayaa sheegtay in diyaaradda dhacday ay sidoo kale la socdeen guddoomiyaha bariga Asarbayjan iyo imaamka gobolka, ayaa sidoo kale la socday madaxweyne Raisi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee
Warbixinta Qaranka ee rasmiga ah ee dalka Iiraan ayaa dorraad sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo siday Madaxweyne Raisi ay shil ku gashay gobolka Julfa ee bariga gobolka Asarbayjaan, iyadoo xiligaas ay jireen xaalad cimilo xumo.
Hay’adda bisha Cas ee dalkaasi ayaa sheegtay in dhoor iyo toban saacadood oo samatabixin iyo raadin uu qaatay howgallada baadi goobka diyaaradda, iyadoo qeyb wayn uu ka qaatay dalka dalka Turkiga baadi goobkaas lagu helay halka ay ku dhacday diyaaradda Madaxweynaha Iiraan.
Iran oo bilowday 5 cisho oo loogu baroordiiqayo geerida Madaxweynihii dalkaasi & mas’uuliyiin kale
Hogaamiyayaasha caalamka iyo ku wa gobolka ayaa tacsi u diraya madax da Dalka Iran,kadib markii uu shil diy aaradeed ku dhintay madaxweyne Ebr ahim Raisi iyo wasiirkii arrimaha dibad da Hossein Amirabdollahian.
Wadarta dadka ku dhintay diyaaradd aasi oo Herokobtar aheyd ayaa gaara ya sagaal qof, oo uu ku jiro guddoomiy e gobol, waxaana diyaaraddu ku dhac day waqooyiga Iiraan ee Bariga Asarb ayjan.
Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa u magacaabay ma daxweyne ku xigeenkii koowaad Moh ammad Mokhber inuu noqdo kusimaha madaxweynaha dalka,waxaana dalka asi laga qorsheeyay shan maalmood oo baroor diiq qaran ah.
Hogaamiyaha Sare ee Iran ayaa shee gay in la qaban doono doorashooyin cusub 50-ka maalmood ee soo socda.
Saney Cabdulle oo war culus kasoo saaray amniga Xamar
Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiisha sar sare ee ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan amniga maga alada Muqdisho oo maalmihii uug dam beeyay ka dhacayeen falal amni darro ah.
Korneelka oo xalay ka qayb-galay mu nasaabad ka dhacday xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, isla marka ana lagu shaaciyay degmooyinka cu sub ee Gubadley, Garasbaaley iyo Daarusalaam ayaa marka hore soo dhaweeyay ku dhowaaqista degmada Gubadley, isaga oo u mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya iyo duqa magaalada Muqdisho.
"Dareenkeyga lama soo koobi karo waa midka dadka ku nool degmada Gubadley, waxay yididiilo iyo hami u tahay dadka deegaanka inay gacan tooda wax ku qabsan karaan” ayuu yiri Saney.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday amniga magaalada Muqdisho, wuxu una sheegay inuu jiro gacanta shac abka, loona baahan yahay inay u istaagaan nabad-gelyada.
Korneel Saney Cabdulle ayaa xusay in ciidan oo kaliga iyo dhagax meel la dhigo aan lagu sugi karin amniga, isa ga oo ku baaqay in amniga looga daydo reer Gubadley.
"Ammaanka waxa uu ka yimaadaa bulshada ciidan ammaan ma sugyo iyo dhagax lagu xiro waddo bulshada wa xaan leeyahay ha istaagto amniga Muqdisho: ayuu yiri Korneelka.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay "Buls hada gobolka Banaadir joogta sida Gubadley oo kale ay ku gaartay amniga iyaga gacmahooda haku qa bsadaan nabad-gelyada”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Muqdisho ay howlgallo joogto ah ka wadaan ciidamada dowladda, haddana waxaa ka dhaca weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Xaafado horleh oo looga barakacay Fatahaada Wabiga Shabeelle ee dhexmara Baledweyne
Waxaa sii kordhaya qoysaska ka ba rakacaya fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameynayo xaafadaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qeybo ka mid ah xaafadaha Buund aweyne iyo Howlwadaag ayaa Xalay iyo shalay waxaa ka socda barakac xoogan, kadib markii uu wabiga ku jabsaday laamaha Doonsubagle iyo Faarax geedi ee xaafadaha Buundaweyn iyo Howlwadaag.
Labadaan xaafadood ee Xalay iyo shalay qeybo ka mid ah looga barakacayo fatahaada ayaa ahaa maalmahii lasoo dhaafay kuwa rajadooda aad u wanaagsaneyd waxaana xusid mudan in wali la dagan yahay inta badan labadaas xaafadood.
Magaalada Baledweyne wali waxaa ka taagan cabsida biyaha wabiga Shabeelle oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysan haya, islamarkaana looga sii barakaci haayo xaafado hor leh, waxaana suurtagal ah hadii biyuhu sidaan kusii socdaan in guud ahaan xaafadaha Baledweyne laga barakici doono.
Lix bilood ayaa laga jooga markii fatahaadii abid ugu xoogeneyd ay ku dhufatay magaalada Baledweyne dhamaadkii sanadkii tagay ee 2023, waxaana xusid mudan in fatahaadan ay markale imaatay, iyadoo wali aysan kasoo kabsan dadka reer Baledweyne dhibaatadii kasoo gaartay fatahaadii hore.
Kenya oo xabsi 12 sano ah ku xukuntay nin katirsanaa kooxda Daacish
Dowladda Kenya ayaa xabsi 12 sano ah ku ridday Mohamed Abdi Ali oo loo yaqaan Abu Fidaa, Abu Shuhadaa, kaasoo ay sheegtay inuu katirsanaa kooxda argigixisada ah ee Daacish.
xkamadaynta iyo xukunka lagu ridday ninkaan ayay dowladda Kenya sheegtay, inuu ka hortagay weeraro argagixisanimo oo uu qorsheynayay in uu ka fuliyo Kenya isaga iyo dadkii la socday.
Sanadkii 2016 ayaa ninkan lasoo qabtay, tan iyo waqtigaasna wuxuu ahaa xukun suge.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dalka Kenya, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in eedeysanaha lagu helay dembi ah inuu xubno u qorayay Ururka Daacish.
Xeer ilaalinta Kenya ayaa horey u codsatay in ninkan lagu xukumo xabsi dhan ilaa 90 sano ah, sababo la xiriira culayska dambiyada lagu eedeeyay iyo saameynta ay ku yeelan karaan amniga Kenya.
Kenya ayaa sheegtay inay tahay awoodda sare ee gobolka si ay uga hortagto argagaxisada iyadoo sheegtay inay taageero siiso waddamada sida Somalia si ay ula dagaalamaan kooxaha argagixisada sida Alshabaab.
Wasiirkii hore arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in cunaqabteynta Mareykanka ay keentay shilka madaxweyne Ra’iisi
Wakaaladda Wararka Iran IRNA oo soo xiganeysa wasiirkii hore arrimaha dibadda Iran Maxamed Javed Zarif ayaa sheegtay in Mareykanka uu yahay sababta keentay in ay shahiidaa n madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dadkii la socday.
Wasiirka ayaa sababta ku sheegay in ay ka timid xayirdda la saaray Iran ee ah in aan laga iibin diyaarado.
Zarif waxa uu intaas ku daray in dad ka reer Iran ay soo wajaheen duruufo adag 45-tii sano ee la soo dhaafay. Wa xaana ka mid ah duruufahaasi sida uu sheegay wasiirka cunaqabteynta adag ee saaran Iran.
Zarif wuxuu ku tilmaamay mid ka mid ah sababaha keenay shilka in ay tahay mamnuucidda Mareykanka ee ah in aan Iran laga iibin diyaarado taasna ay tahay sababta geerida madaxweyne Raisi. Wuxuu sheegay in dambiyada Mareykanka ay gali doonaan diwaanka maskaxda dadka Iran iyo taariikhda dalkooda.
Madaxda dunida qaarkood oo ka tacsiyay geerida Ibraahiim Raiisi
Ra’iisal wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa saaka sheegay in uu aad uga xun yahay kana naxay geerida timid madaxweynihii Iran Ibraahim RaIisi.
Mr. Modi ayaa bartiisii hore ee Twitter-ka ku qoray: "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskiisa iyo shacabka Iran" Hindiya waxay garab taagan tahay Iran xilligan murugada leh."
Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Maxamed Shia Sudani ayaa isna ka tacsiyay geerida madaxweynihii Iran oo shil diyaaradeed ku geeriyooday.
Maydka Madaxweynihii Iraan oo laga dejiyay Magaaladda Tabriz
Maydadka Madaxweynihii Iiraan Ebra him Raisi iyo masuuliyiintii kale ee shil ka kula geeriyooday ayaa lagu soo war amayaa in laga soo qaaday goobtii laga helay haraadiga maydadka mas uuliyiintaasi.
Howgalka Baadigoobka maydadka ayaa lasoo gabagabeeyay sida uu she egay Madaxa Ururka Bisha Cas ee dal ka Iiraan Pir-Hossein Kolivand, waxaa na uu intaas ku daray in si buuxda u xaqiijiyeen baadigoobka Diyaaradii Helikobtarka ee ay la socdeen Mdaxw eyne Ibrahim Raisi iyo Wafdigiiisa, ku waasi oo ugu dambeyn la helay mayd adkooda.
Dhamaan maydadka ayaa loo soo du uliyey magaalladda Tabriz oo ah Caas imadda Gobalka East Azerbaijan ee W/Galbeed ee dalka Iiraan sida uu sheegay Madaxa Ururka Bisha Cas ee dalka Iiraan Pir-Hossein Kolivand.
Koongo Hogaamihii Inqilaabka Dhicisoobey Oo La Dilay.
Hogaamiyaha isku daygii afgambi ee Axaddii dorraad ka dhacay dalka Jamh uuriyadda Diumuquraadiga ee Congo ayaa la dilay, waxaana lala dilay dad gaaraya 50 qof oo ay ku jiraan sadex muwaadin oo u dhashay Mareykanka.
Afahayeen u hadlay Dalkaasi ku yaa la Bartamaha Africa ayaa hadalkan u sheegay wakaaladda wararka ee Reu ters.
dorraad abbaaro Afartii Galabnimo aya a waxaa rasaas xooggan laga maqlay Caasimadda Kinshasa, sida uu soo wariyayay wariye Reuters halkaasi uga soo warama.
Rag hubeysan ayaa weerar ku qaa day xarunta madaxtooyada oo ku taala bartamaha magaalada, sida uu sheeg ay Afhayeen dowladda u hadlay kaas oo ay Reuters soo xigatay, afhayeen kaas oo la yirahdo Sylvain Ekenge.
Weerar kale ayaa ka dhacay, guri ma daxtooyada ku dhow oo uu leeyahay Vital Kamerhe, oo ka tirsan xubnaha baarlamanka ee dalkaas, kaasoo la sheegay in lagu wargeliyay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamanka, hadalkaa sna waxaa bartooda Twitter-ka si kala gooni gooni ah u soo dhigay Afhayeen u hadla Kamerhe oo la yirahdo , Michel Moto , iyo safiirka Dalka Japan Congo u fadhiya.
Moto waxa uu sheegay in mid ka mid ah ilaalada xildhibaanka iyo laba ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday lagu dilay weerarkaas.
Madfac laga soo tuuray dhinaca Conn go Kinshasa ayaa ku dhacay magaal ada Brazzaville ee Jamhuriyadda DRC deriska la ah ee Congo Brazzaville. Hal qof ayaa dhaawac ka soo gaaray madfacaas cusbitalka loo dhigay.
Mareykanka ayaa goor sii horeysay uga digay muwaadiniinta CONGO ku sugan dhaqdhaqaaq laga shakiyay oo ay wadeen xubno ka mid ah saraakii sha amaanka.
Madaxa Howlgalka Xassilinta ee Qaramada Midoobay ee DCR, Bintou Keita, ayaa dhaleeceeyay dhacdooy inkan isagoo taageero u muujiyay masuuliyiinta dowladda DRC.
Dacwad oogayaasha ICC ayaa doonaya in la soo xiro Netanyahu iyo hoggaamiyayaasha Xamaas
Dacwadoogaha guud ee Maxkama dda Caalamiga Dambiyada ayaa dalb aday in la soo xiro ra’iisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo hogg aamiyaha Xamas ee Gaza, waxaana loo haystaa in ay galeen dambiyo da gaal.
Karim Khan ayaa sheegay in ay jiraan cadymo ku filan oo muujinaya in labadan ay galeen dambiyo dagaal iyo kuwa bani’aadanka ka dhan ah laga soo bilaabo toddobadii Oktoobar 2023-kii
Maxkamadda oo fadhigeedu yahay Hague ayaa baareysay falalka Israel ee dhulka la haysto saddaxdii sano ee la soo dhaafay iyo sidoo kale falalkii Xamaas ee dhawaan.
Netanyahu ayaa dhawaan sheegay rajada laga qabo in mas’uuiyiin sare oo Israel ah lagu daro liiska dadka ay maxkamadda ICC dooneyso ay tahay wax aan la aqbali Karin taariikhdana ay xusi doonto
Julian Assange oo ku guulestay racfaan uu ka qaadanayo in aan Mareykanka la geyn
Maxkamadda sare oo ku taal London ayaa diiday in loo gacangeliyo Marey kanka aasaha Wikileaks, Julian Assan ge.
Maxkamadda ayaa u ogolaatay in uu racfaan ka qaato amarka ah in loo max kamadeeyo in uu bannaanka keenay sir militeri taas oo keentay khatar no lo leed.
Maxkamadda ayaa hore uga dalbatay Mareykanka in ay u xaqiijiyaan in xoriyatul qowlka Mr Assange la dhowr yo, hadii dambi lagu helana aan dil too gasho ah lagu xukmeynin.
Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, qa reenka Assange wuxuu sheegay in ballanqaadka ay bixiyeen Mareykanka ilaa hadda ay tahay mid aan ku filneyn.
Julian Assange ayaa in ka badan 10 sano diidanaa in la geeyo Mareykanka. Ahdda waxa uu haysta dhowr bilood uu ku diyaariyo racfaan. Taageerayaas hiisa ayaa farxad ku soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda
Julian Assange ayaa racfaan cusub ka qaadan kara
Amal Clooney oo taageertay go’aanka maxkamadda dambiyada ICC
Amal Clooney oo ku lug laheyd go’aa nka ICC ayaa soo dhaweysay hadalka shalay soo baxay.
Clooney oo ah qareen xuquuqda aa danaha oo caan ah ayaa sheegtay in dacwad oogaha maxkamadda, Karim Khan uu la soo xiriiray afar bilood ka hor si ay uga caawiso qiimeynta cade ymaha.
"Marna ma aqbalayo in nolosha cun ug ay ka qiimo hooseyso tan mid kale” ayey tiri Clooney iyadoo intaas sii raa cisay
"Ma aqbalayo in dagaalada iyo kuwa dambiga geyestsay ay noqdaan kuwa sharciga ka sareeya. Qareen ahaan waxaan taageersanahay tallaabadan taariikhiga ah ee dacwad oogaha max kamadda ICC uu u qaaday in uu cadaa lad u keeno dhibanayaasha Israel iyo Falastiin”
Amal Clooney waa qareen u dhashay Britain. Ninkeeda waa jilaaga caanka George Clooney.
HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 21-5-2024
.