HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 15-5-2024

0
Wednesday May 15, 2024 - 06:50:45 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 15-5-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAY MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowl ad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaa ladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah arg agixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynay ey shacabka Soomaaliyeed iyo dham eystirka dastuurka dalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Gobole edyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdi sho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Wasiir Fiqi oo ka qeybgalay kulan loogu gogol-xaarayo shir-madaxeedka carbeed ee Manama

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah kaga qeybgalay magaalada Manama ee Caasimadda Boqortooyada Baxreen,

Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Golaha Jaamacadda Carabta oo go gol-xaar u ah Shir madaxeedka Car beed, meertadiisa caadiga ah ee 33-aad.

Wasiir Fiqi ayaa inta uu kulanka soc do la kulmi doona tiro ka mid ah Wasii rrada Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed ee walaalaha ah, iyadoo la filayo in shirku ka soo baxo go’aanno lagu taageerayo Soomaaliya.

Inyar kahor inta aanu shirku furmin, waxaa qabsoomay kulamo is-xigay oo Guddiyo heer Wasiir ah ay ku fallan qeeyeen dhowr arrimood.

Waxaa kulanka heer wasiir ee Carbe ed uu qaadaa-dhigayaa dhowr qodobo oo la doonayo inay ka mid noqdaan ajandayaasha go’aannada ka soo bixi doona Shir madaxeedka Carbeed.

Wasiir Fiqi oo faahfaahin ka bixiyey go’aankii DFS ee xafiiska UNSOM

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii hore ku guuleysatey in dalka deynta laga cafiy o, cunaqabateynta hubkana laga qaa do, kadib markii la dhameystiray hanna ankii barnaamijyadaasi looga baahnaa.

Waxaa dhanka kale haatan socda han naanka soo afjarista Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo soo socday muddo ka badan 15 sanno, lana filayo in 31-ka December ee sann adkan 2024-ka la soo gabagabeeyo.

In laga guul gaaro hannaanka fulinta barnaamijyadan waxaa door weyn ka qaatey Hawlgalka Qaramada Midoo bay, oo Soomaaliya garab taagnaa tan iyo markii ay colaadaha la dilaaceen Soomaaliya.

Maadaama ay Soomaaliya sameyney so horumar dhinacyo badan leh ayaa Dib u Eegis ay sameysay Qaramada Midoobay laba sanno ka hor waxaa ku xusnaa in Xafiiska Siyaasadda Qara mada Midoobay ee UNSOM loo rogo qaab joogitaan oo la mid ah wadda mada kale ee caalamka, afka qala adna lagu yiraahdo (Country Team).

Hannaankaasi ayaa haddii uu hirgalo waxaa uu Soomaaliya u jiheynayaa dhabbada dal caadi ah oo dimoqraadi ah oo si buuxda uga soo kabtey caqabadihii la soo gudboonaadey.

Haddaba Dowladda Federaalka ee So omaaliya oo ka duuleysa natiijada Dib u Eegista Qaramada Midoobay ay sa meysay ayaa dhowaan warqad lagu da lbanayo qaabka loo fullinayo barnaamij kaasi u dirtay Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaa shiga Caalamiga ah Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa yiri, "Mada xweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa is ku afgartay in Xafiiska UNSOM uu noq do mid arrimahiisa ammaanka iyo siy aasadda lagu aamino dowladda Soo maaliya.”

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi oo sii hadlaya ayaa yiri, "Ujeedka ugu weyn ee war qadaha kasoo baxay dowladda ee ku socda Xafiiska UNSOM wuxuu ahaa in dowladda Soomaaliya howlaheeda madax-banaanaato.”

Danjire Jabriil oo daaffuray Xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Mudane Jabril Ibrahim Cabdu lle ayaa maanta ka daahfuray Jaama cadda Strathmore gaar ahaan kuliya dda Business School, xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Sooma aliyeed.

Xarunta ayaa lagu magacaabaa Akade emiyada Maalgashiga Soomaaliyeed oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SOMINA.

Taabagalinta xarunta Somali Investme nt Academy (SOMINA), ayaa waxaa iska kaalmeeystay Hay’adda "Interna tional Financial Corporation” (IFC) oo kamid ah farac ka tirsan Bangiga Adu unka iyo Jaamacadda weyne ee Stra thmore.

Safiirka Soomaaliya Mudane Jabril Ibr ahim Cabdulle ayaa ku dhiirigaliyay ar deyda barnaamjikaas fursada u hes hay inay qayb ka noqdaan inay ka faa’I ideystaan waxbarashadaas.

Barnaamijka ayaa ah mid hindise dha xal gal ah oo ujeedadiisu tahay awood siinta iyo waxbaridda maamulayaasha ganacsiga gaarka ah iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed. Barnaami jkani ma aha koorso keliya ee waa mid rajo galinayo ganacsiga, isla markaana horumar u ah ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya ee kobcaya.

Maadaama ganacsiga Soomaalida uu si xoowli ah ugu fidayo Geeska Afrika iyo guud ahaan Afrika, waa lama hu raan in sare loo qaado wacyiga aqoo need ee ganacsatada Soomaaliya si ula taabaqaadaan dhaqanka ganacsi ee ka jira caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ugaas Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ug aas Khaliif Ugaas Rooble oo Doraad la gu caano shubay deegaanka Dahara Ugaas ee hoos-taga Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Ugaaska in uu u fududeeyo masuuliya dda-dhaqan ee loo duubay, waxa uuna tilmaamay mudnaanta ay siinayso dowladdu arrimaha dhaqanka, dib u heshiisiinta iyo ilaalinta wadajirka shac abka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kula dardaarmayaa Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle Yuusuf Ugaas Xasan in uu sii ambaqaado kaalinta so o jireenka ah ee dhaqan ee loo duubay Ugaaska, oo door wanaagsan ku leh, bulshada Hiiraan, reer Hirshabeelle iyo guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Maamulka gobolka Banaadir oo la dagaalamaya burcadda

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmad Diiriye (Yabooh ) Tal iyaha qaybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muu min iyo Taliyaha qayta guud ee ciidan ka nabadsugida gobolka Banaadir G/sare Muxudiin Warbac ayaa galabta kulan la yeeshay saraakiisha qaybta galbeed ee ka kala tirsan Boliiska iyo nabadsugida gobolka Banaadir, wuxuu na shir ka dhacay xarunta Ddgmada Dharkeenley.

Shirkaas oo ku saabsanaa wada sha qeybta laamaha amniga iyo wax ka Qa bashada arrimaha Dhaca ee baryahaa n Ku Soo Kordhey Qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir

Taliyaha qaybta guud ee Boliiska Gob olka Banaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin ayaa ku amaaney wada shaq eynta ka dhaxeysa Saraakiisha dham maan laamaha amniga, isagoo xaqii jiyey in xoogga la saaro ladagaalanka burcada caadeysatey dhacda dadwey naha

Maxay tahay sababta Firdhiye u tagay Muqdisho xiligan oo uu furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

Magaalada Muqdisho waxa tagay ho ggaamiyaha maamulka SSC-Khaa tumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Fir dhiye.

Firdhiye ayaa si weyn loogu soo dha weeyay garoonka Aden Cabdulle, wax ana dadka soo dhaweeyay kamid ah Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawlad da Federaalka Cali Yuusuf Cali (Xoo sh), Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Cabd illaahi Bidhaan Warsame iyo Gudoo miye Kuxigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Cab dillaahi Xirsi Timacade.

Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Daw ladda Federaalka ayaa lagu yiri ‘’ Hoga amiyaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ayaa u yimid caasimadda dalka howlo shaqo.’’

Dood badan ayaa ka dhalatay qoraal markii hore la soo dhigay barta Faceb ook ee wasaaradda oo lagu qoray si dan ‘’Hogaamiyaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Mudane Firdhiye ayaa u yimid caasimadda dal ka kaqeybgalka shirka Madasha Wada tashiga Qaran’’ qoraalkaas oo markii dambe laga saaray barta Facebook ee wasaaradda.

Xiriir aan la sameynay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda ayaa BBC-da u sheegay in si khalad ah qoraalka loo dhigay barta Facebook ee wasaaradda, markii dambena la saxay.

Muqdisho waxa jooga inta madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya, waxana lagu wadaa in uu ka furmo shir ka Golaha Wadatashiga Qaranka oo baaqday bishii April.

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan kooxaha argagixisada

Cutubyada sida gaar ka ah u tababar an ee Puntland oo hawlgallo ka samee yey magaalada Boosaaso ayaa gaca nta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan kooxaha argagixisada ah , kaasi oo ku hubaysana walxaha qarxa.

Howlgalkan ay fuliyeen Ciidanka Puntl and ayaa dhaqarqabahan ku qabtay Bambooyinka nooca sababa qaraxya da waaweyn iyo gaadiidkii lagu waday.

Faahfaahino kasoo baxaya dil maanta Muqdisho loogu geystay Gabar Ardayad aheyd

Warar dheeraad ah ayaa kasoo bax aya dil maanta gudaha magaalada Mu qdisho askar ka tirsan ciidamada dowl adda ay ugu geysteen gabar Ardayad aheyd.

Dilka gabadha Ardayada aheyd ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Warshada Caanaha, kadib markii gab adha oo saarneyd gaari BL aha ay hal eeshay rasaas ay fureen askar ka ti rsan ciidanka dowladda oo halkaas ku sugneyd.

Gabadha dhimatay ayaa lagu magac aabi jiray Muno Maxamed Xiirey, taaso dhiganeysay Jaamacada Muqdisho kul iyadeeda Caafimaadka.

Qoyska Marxuumada oo la hadlay Warbaahinta waxay sheegeen ineysan aasi doonin meydka gabadhooda, inta ay ka helayaan cadaaladda.

"Gabadheena waxaa dilay askar ka tir san ciidanka dowladda waxaana lagu dilay meel Kaamiro ku xeran tahay, wa xay aheyd Gabar hada iftiinka Mustaq balka dareemeysay sanadkan ayay Ja amacada ka qalin jibin laheyd waxaan dooneyna inaan si deg deg ah ugu hel no Cadaaladda" ayuu yiri Nabadoonka gabadha la dilay.

Askarta ku sugneyd goobta lagu dilay marxuumada ayaa si deg deg ah uga baxsatay halka dilka uu ka dhacay, wa xaana dilka gabadhaan Ardayada ahe yd uu ka mid noqonaya dilalka sida ma cnadarada ah u geystaan mararka qa ar ciidanka dowladda.

Booliska oo gacanta kusoo dhigay kooxo burcad ah

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee gobolka Banaa dir ku qabtay laba nin oo watay Toor reeyo iyo Mooto Bajaaj, isla markaana dhac u geysanayay shacabka ku nool xaafado ka mid ah degmadaas.

Booliska ayaa sheegay in dadkii ay ta leefoonnada ka dhaceen ay deg deg u war-geliyeen Booliska, taasi oo fudude ysay in raggaan lagu soo qabto howlg al ay fuliyeen ciidamada ka howlgala saldhigga Dooliska ee degmada Wa aberi.

Ciidamada xoogga dalka oo miinooyin ka saaray deegaano ka tirsan Xarardheere

Ciidamada xoogga dalka Soomaal iyeed iyo kuwa desgaanka ee ku sug an degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug ayaa hawlgalo Miinoo yin lagu saaray ka sameeyay Deega ano dhaca waqooyiga Xarardheere.

Ciidamada ayaa hawlgalka ka samee yay Deegaanada Baraag-hurdaaye iyo deegaano kale

Ciidamada ayaa intay howgalka wad een kusoo saaray Miinooyin dhowra oo khawaarijtu doonaayeen inay ku dhib aateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee Deegaandaas ku sugan

Puntland oo xorriyadoodii usoo celisay ajaanib horey uga tirsanaa kooxda Daacish

Maxkamadda ciidamada qalabka si da iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa xorriyadoodii usoo celisey 6 eed aysane oo ajaanib ah oo horey uga tir sanaa kooxda Daacish.

Ajaanibtan ayaa u kala dhashay dalal ka Itoobiya iyo Marooko, waxaana lagu wareejiyey wasaaradda caddaaladda Puntland si loogu diro dalalkoodii.

Sidoo kale maxkamaddu waxay xorri yadoodii siisay 6 dhallinyaro ah oo aan gaarin da’da qaan-gaarka ah, kuwaas oo iyagana katirsanaa kooxda Daacish.

Dhallinyaradaan ayaa lagu wareejiyey wasaaradda caddaaladda, si loogu sameeyo dhaqancelin oo looga tirtiro fikirka xagjirnimada.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidama da qalabka sida Puntland Gsare Cab difatax Xaaji Aadan ayaa sheegay in ajaanibtaan ay isku soo dhiibeen Pun tland, kadib markii ay kasoo baxsa deen kooxda Daacish.

Dhawaan, ayay ahayd markii Puntla nd ay xukun dil ah ku ridday ajaanib u dhashay dalka Morocco, kuwaas oo la sheegay inay katirsanaayeen kooxda Daacish.

Morocco ayaa walaac weyn ka muuji say xukunka muwaadiniinteeda, iya doo ku baaqday in lagusoo wareejiyo.

Labo sarkaal ayaa la dilay kaddib markii la weeraray gaarigii ay ku wadeen maxbuus

Ugu yaraan labo sarkaal oo booliska Faransiiska ayaa la dilay saddax kalen a way dhaacameen kaddib markii la weeraray gaari kuwa maxaabisita lagu qaado.

Gaariga waxaa saarnaa maxabuus la ga soo qaaday makamadda oo loo wa day xabsiga markii uu weerarka dhac ayay.

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa maxbuuska baxsaday ku sheegay mag aciisa Maxamed Amra oo 1994-tii dhas hay kaas oo loo haystay falal bur cadnimo iyo afduub horseeday geeri.

Weerarka ayaa dhacay aakay 11-kii subaxnimo waqtiga Faransiiska wax aana ka qeybqaatay baadi goobka maxbuuska baxsaday boqolaal sarkaal oo boolis ah.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa shee gay in la sameeyo wax kasta oo lagu soo qaban karo.

Gargaar Gaza ku socday oo dibabaxayaal ay jidka u galeen

Dibadbaxayaal u dhashay Israel ayaa hor istaagay gawaari gargaar u siday Gaza iyagoo wadada ku tuuray baaka dihii cuntada ay ku jirtay. Waxay sidoo kale kala jeexeen jawaanada ay cunt ada ku jirtay markii ay ka gudbayaan Tarqumiya.

Gawaarida xamuulka ayaa lagu weera ray galbeedka Behron, waxayna ka yi maadeen dhinaca Urdun iyagoo u socday Gaza halkaasi oo gargaarka aa d loogu baahan yahay.

Lataliyaha amniga qaranka Mareykan ka Jake Sullivan ayaa sheegay in dh aqanka kuwa dibadbaxayay ay tahay mid aan gabi ahaan la aqbali Karin. Aqalka cad ayaa dhaleeceeyay weer arka iyagoo ku tilmaamay in la bililiq eystay gargaarka.

Warbaahitna Israel ayaa sheegtay in koox magacooda ay ku sheegeen "Tsa v 9” ay ka dambeeyeen dibadbaxaasi. Kooxda ayaa lagu tilmaamay in ay yi hiin kuwa garabka midig oo doonaya in aan gargaar la geyn Gaza ilaa inta la haystayaasha ay hakaas ku jiraan.

Hay'adaha gargaarka ayaa sidoo kale sheegay in gargaarka uu ka gudbo marinka kale ee Karem Shalom uu aad u adag yahay sababo ammaan darto od.

Nin saddax qof dilay oo lagu xukumay in uu isbitaal ku jiro muddo aan la cayimin

Xeer ilaaliyaha guud ayaa ku tilma amay in xukunka nin ku dilay saddax qof magaalada Nottingham uu ahaa mid la khafiifiyay.

Balse madaxa cadaaladda UK Baron ess Carr ayaa ku soo gabogabeysay kiiska in aysan jirin wax khalad ah hab ka dacwadda loo qaaday bishii Jan aayo,

Mr Wabber hooyadii ayaa sheegtay in aysan layaab ku noqon racfaanka max kamadda, ayna tahay in nidaamka ca daaladda UK lagu sameeyo dib u qa abeyn.

Calocane oo ah ninka dilka geystay waa 32 jir, inta uusan dilka geysan ka hor laga helay xanuunada dhimirka.

Mareykanka iyo Shiinaha oo ka walaacsan arrin si weyn ugu faafeysa dunida

Masuuliyiin sar-sare oo ka kala socota Mareykanka iyo Shiinaha ayaa qorshay naya inay ku kulmaan dalka Switzerland, maalinimada Salaasada.

Kulamadan ayaa salka ku haya si ay uga wada-hadlaan walaaca isa-soo tara ya ee ku saabsan Garaadka Macmalka ah ama Artificial Intelligence, ee mud dooyinkii dambe sida weyn ugu faafeysa dunida.

Masuuliyiinta Mareykanka ayaa shee gay in wada-hadalada ka dhacaya mag aalada Geneva in aanay fursad u siin doonin in Shiinuhu uu saamayn ku yee sho siyaasadaha lagu hagayo farsama da casriga ah.

Masuuliyiinta Mareykanka ayaa sheega y in qodobada miiska yaalla ee laga wada-hadlayo inay ugu muhiimsan yihiin, sidii ay labada dal uga wada xaajoon lah aayeen, hababka hoos loogu dhigi karo, khataraha ku gedaaman isticmaalka Garaadka Macmalka ah ee horumarsan.

Beijing iyo Washington ayaa ku jira tartan aad u xooggan oo la xidhiidha, cidda gacanta sare yeelanaysa, marka laga hadlayo Artificial Intelligence.

Safaaradda Maraykanka ee Tanzania oo loo xiray internet xumo

Safaaradda Maraykanka ee Tanzania ayaa la xiray muddo labo maalmood ah sababo la xiriirra internet xumida saa meysay wadamo ku yaala Bariga Afrika.

‘’Sababo la xiriirra internet xumida baahsan, safaaradda way sii xirnaan doontaa,’’ ayaa lagu yiri qoraal safaaraddu soo dhigtay barteeda X ee horey loo oran jiray Twitter.

Waxa la baabi’iyay dhammaan balama dii safaaraddu qabatay maanta oo Talaado ah iyo berito oo Arbaco ah, wax ana loo wareejiyay maalmo kale.

Safaaraddu waxay sii wadi doontaa in ay qabato codsiyada khuseeya dal ku ga lka iyo arimaha degdeg ah ee ku tacal uqa muwaadiniinta Maraykanka ah.

Internet xumida ayaa jirtay tan iyo subxnimadii Axada, waxana wadamada ay saameysay kamid ah Tanzania, Ken ya, Rwanda iyo Ugandha.

Sida ay muujisay warbixinta NetBlocks Tanzania ayaa ah dalka ugu daran ee internet xumidu saameysay wadamada Bariga Afrika.

Adeegga Internet-ka ee liita ayaa waxa loo aaneynayaa go’itaanka mid kamid ah xargaha badda hoostooda mara ee gobolka ku xira dunida inteeda kale, siina mara dalka Koonfur Afrika, sida uu BBC-da u sheegay khabiir ka faaloodo Internetka oo la yiraahdo Ben Roberts.

Isniintii, qaar kamid ah dalalka Bariga Afrika ayaa wali laga dareemayay internet xawaarihiisu hooseeyo, iyadoo qaar kamid ah shirkaddaha adeegga bixiya ay muujinayaan in aan si buuxda loo xalin ciladdii keentay.

Labo wiil oo dhalinyaro ah oo ku dhintay duleedka galbeed ee caasimadda Hargeysa

Gaariga labada dhalinyarada ah ku dhinteen ee duleedka HargeysaImage caption: Gaariga labada dhalinyarada ah ku dhinteen ee duleedka Hargeysa

Shil gaari oo xalay ka dhacay duleedka galbeed ee caasimada Hargeysa ayaa waxa ku dhintay labo wiil oo dhalinyaro ah.

Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa sheegay in labada wiil ee dhalinyarada ah la kala yiraahdo Siciid Maxamed Cumar Samriye iyo Xamse Khaalid Cabdillaahi Falaago.

Labada gaari ee isku dhacay ayaa kala ahaa gaari yar oo nooca raaxada ah iyo gaari booyad ah.

Hargeysa iyo Somaliland guudahaan waxa ku badan shilalka gawaarida, kuwaas oo dhaliya khasaare naf iyo maalba leh.

Sanad kii hore oo kaliya Somaliland waxa ka dhacay 6,536 shil kuwaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 198 qof kuna dhaawacmeen dad kale oo tiradoodu gaarayso 4,890 sida warbxinta booliska lagu sheegay.

Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa oo sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheda lagu dilay Qasa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay xili ay ku sii socdeen isbitaal ku yaala dhinaca koonfureed ee Qasa, Isniintii.

Waxay sheegtay in shaqaalaheedu ay la socdeen gaari UN-tu leedahay kuna sii jeedeen isbitaal yurubiyaan ah oo ku dhaw Rafax markii uu rasaasi haleeshay.

Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ma sheegin cidda ay u maleynayso in ay masuul ka ahayd weerarka.

Miltariga Israa’iil ayaa sheegay in baa rista horudhaca ah ay muujinayso in gaa riga ay haleeshay rasaas isagoo maraya aag iska hor’imaad uu ka jiray, isla markaana aan lala socon in uu halkaas soo mari doono.

Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay heleen warbixin uga timid waaxda amaanka iyo nabadgalyada ee Qara mada Midoobay (UNDSS) taas oo lagu sheegayo in labo shaqaalahooda kamid ah lagu dhaawacay aagga Rafax – dhinaca koonfureed ee Qasa – Isniintii.

Ciidamada Israa’iil waxa ay intaa ku dareen in dib u eegis ku socoto shilkaas.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu ‘’aad uga naxay’’ markii uu ogaaday dhimashada shaqaalaha, isagoo tacsi u diray qoyskiisa, sida uu sheegay afhayeenkiisa Farxaan Xaq oo warbixin qoraala soo saaray.

‘’Xoghayaha Guud waxa uu cambaareynayaa dhammaan weerarrada ka dhanka ah shaqaalaha UN-ka, wuxuna ku baaqayaa in baaritaan buuxa la sameeyo,’’ ayuu intaa ku daray Farxaan Xaq.

Warbixin kale oo gaara, Guterres ayaa ku sheegay in in ka badan 190 qof oo kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay lagu dilay Qasa tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Israa’iil ayaa qaaday duulaankeeda Qasa, iyadoo ujeedku yahay in la burbMuriyo Xamaas – oo maamusha Qasa – markaas oo ay ka jawaab celin eysay, weerarkii Xamaas ku qaaday Isr aa’iil 7 Oktoobar, weerarkaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, laguna qafaashay 252 qof oo kale.

In ka badan 35,090 qof ayaa lagu dilay Qasa markaa wixii ka dambeeyay, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaa dka ee Qasa.

Mozambique oo baareysa geerida safiirka Ruushka u fadhiyay dalkooda

Dowladda Mozambique ayaa sheegtay in ay kala shaqeyneyso madaxda Ruu shka baarista waxa sababay geerida Ale xander Surikov oo ahaa safiirka Ruu shka u fadhiya dalkooad.

Surikov oo 68 jir ahaa ayaa ku geer iyooday sabtigii deegaankiisa rasmiga ee caasimadda Mozambique sida ay sheegeen warbaahinta gudaha. Sababta uu geeriyooday safiirka ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn

Warbaahitna gudaha ayaa sheegtay in xafiiska dacwad oogaha guud ee Mozambique ayaa sheegay in aysan la socon warka sheegaya in Ruushku diideen in meydka safiirka lagu sameeyo baaris.

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyu si ayaa sheegay in geerida safiirka ay tahay dhaawac weyn isagoo ku tilmaa may inuu ahaa diblomaasi weyn oo tayo gaar ah lahaa.

Alexander Surikov waxa uu noqday safiir ka Mozambique ee Ruushka 2017-kii



Boqortooyada Sucuudiga oo Xujeyda uga digtay dariiqyada aan sharciga ahayn ee Fiisaha lagu dalbado


Wasaaradda Xajka iyo Cumrada boqortooyada Sacuudiga ayaa uga digtay dadka doonaya inay xajka soo gutaan sa nadkan inay la macaamilaan xafiisyada, shirkadaha ama dadka marin habaabinaya xujeyda, kuwaas oo aan sharci yad u haysan soo saarista Fiisaha xajka.

Muuqaal wacyigelin ah oo ay faafisay wasaaraddu ayey ugu baaqday dadka doonaya in ay gutaan waajibaadka xajka in ay iska ilaaliyaan fariimaha aan la aqoon iyo xayaysiisyada been abuurka ah ee ay iskugu diiwaangelinayaan xajka, iyadoo ku baaqday in ay la macaamilaan dariiqa elektarooniga ah ee xujeyda gudaha, ama xajka rasmiga ah.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada boqortooyada Sacuudiga ayaa carrabka ku adkeysay in imaatinka goobaha barakeysan ay ku xirantahay "Fiisaha Xajka” la’aantiisna ay xad gudub ku tahay nidaamka iyo awaamiirta xajka.

Wasaaraddu waxay dib u cusboonaysiisay digniintii ka dhanka ahayd shirkadaha iyo xafiisyada sheegay inay sameeyaan Fiisahabxajka, iyaga oo aan haysan sharciyad, waxaana wasaaraddu caddeysay cid aan ka ahayn xujaajta caadiga ah ee haysta kaarka casriga ah ee xajka aan loo ogolaan doonin inay galaan goobaha barakeysan.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku cel celisay in qaadashada fiisaha Xajka ay tahay mid waajib ah, la’aanteedna aan la ogolayn in qof ka yimid dibadda Boqortooyada uu soo guto waajibaadka Xajka.

Sidoo kale, dadka haysta fiisooyinka "Cumrada, booqashada, dalxiiska iyo shaqada ayey wasaaraddu sheegtay in aan loo ogoleyn gudashada xajka.


Qofkii ugu horreeyay ee laga daweeeyo kansarka maskaxda ku dhaca oo muddo sanad kaddib ka caafimaad qaba cudurka


Professor Georgina Long iyo Professor Richard Scolyer oo si wadajira loogu magacaabay dhakhaatiirta sanadka 2024 AustraliaImage caption: Professor Georgina Long iyo Professor Richard Scolyer oo si wadajira loogu magacaabay dhakhaatiirta sanadka 2024 Australia

Kaddib sanad markii lagu sameeyay daweyn ta loo yaqaano glioblastoma , dhakhtar ka reer Australia ee Rich ard Scolyer ayaa ka caa fimaaday cudurka Kans arka.

Salaasadii ayaa 57 jir kan oo la saaray iskaan ka MRI, waxay muujisay mar kale in uu ka bad qabo burada madaxa uga taalay.

‘’Haddii aan si daacada u hadlo, Aad baan uga welwelsanaa dhammaan iskaanadii hore,’’ ayuu u sheegay BBC-da Dr Richard Scolyer.

‘’Hadda waan faraxsanahay… ma wax aan lagu farxin baa.’’

Prof Scolyer waxa uu kamid yahay dhakhaatiirta loogu xushmada badan yahay, waxana sanad kan loo magacaabay dhakhtarka Australia isaga iyo dhakhtarada ay shaqo wadaaga yihiin ee Georgina Long.

La gudoomiyayaasha Machadka Australia ee Melanoma ayaa muddo ka badan toban sano waxay sameeynayeen cilmi baaris ku saabsan waxa afka qalaad lagu yiraahdo ‘’immunotherapy’’ kaas oo loo isticmaalay hannaanka difaaca jirka si loo weerarro unugyada kansarka, waxayna muujisay horumar la yaab leh bukaanaddii loo isticmaalay dunida. Kala bar dadkaas ayaa qayb ahaan la daweeyay, taasoo ka yar 10%.

Cilmi baaristaas ay sameysay Prof Long, oo ay qayb ka ahaayeen dhakhaatiir kale ayaa loo isticmaalay in lagu daweeyo Prof Scolyer – taasoo muujinaysa rajada ah in dawo loo helo nooca kansarka maskaxda ku dhaca.


Dibadbaxyada Georgia ee looga horjeedo sharciga cusub


Baarlamaanka Georgia ayaa ogolaaday sharci muran dhali yay oo ku qasbaya kooxaha bulshada rayidka iyo hay’adaha warbaahinta in ay shaaca ka qaadaan shisheeyaha maal galiya.

Ka hor codeynta, gacan ka hadal ayaa ka dhacay gudaha baarlamaanka kaddib markii xildhibaano ka tirsan xisbiga talada haya ay si car ro leh uga jawaa been ku xigeenka mucaaradka oo ku eedeeyay in Georgia ay ka iibinayaan Ruu shka.

Dad aad u badan ayaa sharcigan kaga hor banaanbaxayay barlamaanka iyagoo lulayay calanka Midowga Yurub. Waxay sheegeen in tani ay dhaawac ku tahay xorriyadda dadweynaha, waxayna meesha ka saar eysa horumarkii laga gaaray in Georgia ay xubin ka noqoto midowga Yurub.

Dowladda waxay sheegtay in loo baahan yahay hufnaan iyo madaxbanaanida Georgia. Booliska rabshada Georgia ayaa si xoog leh u kala eryayay dibadbaxayaasha soo dhoobtay baarlamaanka hortiisa.

Madaxweynaha Georgia, Salome Zourabichvili, oo si weyn ugu kacsan xisbiga talada haya, ayaa wacad ku maray inuu sharciga diido, balse Riyada Georgian ayaa haysata aqlabiyad ku filan inay meesha ka saarto diidmada qayaxan ee madaxweynaha.

Golaha sharci dejinta ayaa ansixiyay akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka horraantii bishan, ka dib mudaaha raadyo ay ka soo qayb galeen tobanaan kun oo qof.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ku tilmaamay tillaabada baarlamaanka mid "horumar aad u khuseysa” wuxuuna ka digay "in la meel mariyo sharcigan ugu dambeeya ay si xun u saameyn doonto horumarka Georgia ee wadadeeda EU.”

Dawladdu waxa ay sheegtay in sharcigan uu yahay mid lagama maarmaan u ah in la joojiyo waxa ay u aragto in ay waxyeello ku yihiin saamaynta shisheeye ee siyaasadda dalka iyo in laga hortago in jilayaal shisheeye oo aan la cayimin ay isku dayaan in ay khalkhal galiyaan.Xigasho AP




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip