Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo daahfuray xarun lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed

0
Monday May 13, 2024 - 19:44:38 in Wararka by
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo daahfuray xarun lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed

    Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa maanta ka daahfuray Jaamacadda Strathmore gaar ahaan kuliyadda Business School, xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed. Xarunta ayaa lagu magacaabaa Akad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa maanta ka daahfuray Jaamacadda Strathmore gaar ahaan kuliyadda Business School, xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed. Xarunta ayaa lagu magacaabaa Akadeemiyada Maalgashiga Soomaaliyeed oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SOMINA. Taabagalinta xarunta Somali Investment Academy (SOMINA), ayaa waxaa iska kaalmeeystay Hay'adda "International Financial Corporation" (IFC) oo kamid ah farac ka tirsan Bangiga Aduunka iyo Jaamacadda weyn ee Strathmore. Danjiraha Soomaaliya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ku dhiirigaliyay ardayda fursada u heshay inay qayb ka noqdaan inay ka faa'iideystaan waxbarashadaas. Barnaamijka ayaa ah mid hindise dhaxal gal ah oo ujeedadiisu tahay awood siinta iyo waxbaridda maamulayaasha ganacsiga gaarka ah iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed. Barnaamijkani ma aha koorso keliya ee waa mid rajo galinayo ganacsiga, isla markaana horumar u ah ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya oo kobcaya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip