
Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyey Banbax diyaarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya
Waxa maanta si guul leh noogu soo gabagaboobay Banbaxa diyaarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya waxaana soo xiray kulanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya, mudane Bashe Axmed Yuusuf.
Banbaxan oo qabsoomay intii u dhaxaysay 11-Maajo ilaa 13-Maajo 2024 ayaa kulmiyay hoggaanka bahda Cadaaladda federaalka iyo maamul goboleedyada si ay u lafaguraan horumarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya ee 2025-2030.
Inta uu socday shirka ayaa waxaa laga soo saaray natiijooyinka
Wakiillada ka socday dhammaan qeybaha bahda Cadaaladda ayaa wadaagay kana dooday aragtiyahooda ku aaddan mustaqbalka nidaamka cadaaladda Soomaaliyeed.
Ka-qaybgalayaashu waxay falanqeeyeen qeybaha nidaamka cadaaladda ee si wanaagsan u shaqeeya iyo kuwa u baahan in lagu sameeyo isbeddel.
Shirka ayaa ku soo gabagaboobay ballanqaad ay sameeyeen Hoggaanka bahda Cadaaladda Soomaaliya, iyagoo ballanqaaday inay hirgeliyaan hindisayaasha istiraatiijiyadeed ee laga wada hadlay. Tani waxay muhiim u tahay abuurista Soomaaliya cadaalad, sinnaan iyo adkaysi leh.
Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyey Banbax diyaarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya
Waxa maanta si guul leh noogu soo gabagaboobay Banbaxa diyaarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya waxaana soo xiray kulanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya, mudane Bashe Axmed Yuusuf. Banbaxan oo qabsoomay intii u dhaxaysay 11-