Internet xumo laga soo sheegay wadamada Bariga Afrika

0
Monday May 13, 2024 - 19:30:35 in Wararka by
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Internet xumo laga soo sheegay wadamada Bariga Afrika

    Dadka internet-ka isticmaala ee jooga dalalka Kenya, Tanzania iyo Ugandha ayaa ka cabanayay internet xumo, iyadoo shirkaddaha bixiya adeegaasina ay qireen in dhibaato jirto. Waxay sheegeen in ay ku jiraan sidii ay u xalin lahaayeen dhibaatadaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka internet-ka isticmaala ee jooga dalalka Kenya, Tanzania iyo Ugandha ayaa ka cabanayay internet xumo, iyadoo shirkaddaha bixiya adeegaasina ay qireen in dhibaato jirto. Waxay sheegeen in ay ku jiraan sidii ay u xalin lahaayeen dhibaatadaas. Arintan ayaa ka dhalatay cilad ku timid mid kamid ah xargaha badda hoostooda mara, kaas oo gobolka ku xira dunida inteeda kale, isagoo sii maraya dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay Ben Roberts oo ah khabiir internet-ka ah. Internet xumadaas oo kale waxa bishii Maarso laga soo weriyay wadamo ku yaala Galbeedka iyo Koonfurta Afrika. Raadaarka Cloudflare oo la socda dhaqdhaqaaqa internetka, ayaa sheegay in Tanzania ay tahay dalka uu sida xun u saameeyay, isagoo 30% uu hoos uga dhacay heerkii la filayay. Wargeyska Citizen ee wadanka Tanzania ayaa ku qeexay wixii dhacay go'itaan internet oo saameeyay inta badan xiriirrada kanaalada. Qof jooga Kenya oo isticmaala internet-ka oo doonayay in uu ogaado haddii uu awoodo in uu daawado ciyaartii horyaalka Ingiriiska ee Manchester United iyo Arsenal, ayaa Airtel Kenya waxay u sheegtay in kooxdooda farsamayaqaanada ah ay ka shaqeynayaan cilad bixinta, iyagoo raali galin siiyay. Shirkadda Safaricom, oo sidoo kale ku taala Kenya ayaa sheegtay in ay la kulantay ciladan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip