Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay burcad dhacgeysatay

0
Monday May 13, 2024 - 19:27:20 in Wararka by
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay burcad dhacgeysatay

    Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa gacanta Ku soo dhigey Koox ku eedeysan fal Burcadnimo oo Taleefoono ka dhacdey dad Shacab ah . War qoraal ah ka soo baxay Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa u qornaa sidaan: Maanta Taariikhd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa gacanta Ku soo dhigey Koox ku eedeysan fal Burcadnimo oo Taleefoono ka dhacdey dad Shacab ah . War qoraal ah ka soo baxay Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa u qornaa sidaan: Maanta Taariikhda 13-05-2024 abaaro 07:30 subaxnimo ah ayaa Waxaa Muwaadiniin Soomaaliyeed Lagaga Dhacay Telefoonada Gacanta Degmada Heliwaa . Dhibanayaashii Waxay Degdeg Ula Xiriireen Xarunta Gurmadka Degdega ayagoo toos u wacay nambarka Gaaban 991 Kuna war geliyey In La dhacay. Xarunta Gurmadka ayaa Sitoos ah u Howl gelisay Ciidanka Booliiska ee u dhawaa goobta dhaca laga geystey. Waxaan Si degdeg ah ugu Gurmaday Saldhigga Boliiska Heliwaa Kaas oo Raad Raac kadib Gacanta Ku soo Dhigey Toogadii iyo Mooto Bajaaj ay Wadteen Waxaana lagu haayaa Saldhigga Heliwaa baaris ayaa socota waxaan la horgeydoonaa maxkamada ay Quseyso ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Muddooyinka dambe Falalka la xiriira dhaca telefonada Mobeelada ayaa ku soo badanayay Xaafadaha Magaalada Muqdisho iyadooo kooxa dhaca geystay ay ku xararaan Mooto Bajaaj Markii falka ka dhaca ah ay geystaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip