HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 13-5-2024

0
Monday May 13, 2024 - 06:40:29 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 13-5-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray xarunta keydka gaaska cuntada

Madaxweymaha Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarigga ka ja ray Xarunta Kaydka Gaaska cuntada Soomaaliya ee Benaadir, taasi oo ka qayb qaadanaysa qorshaha looga hor tagayo xaalufinta dhirta iyo nabaad-guurka deegaanka.

Madaxweynaha oo ku ammaanay ma s’uuliyiinta Shirkadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay dowladda uga gacan siinayeen qorshaha ilaalinta dee gaanka iyo dib u dhiska dalka ayaa ka dalbaday in la raqiisiyo qiimaha Gaas ka si qoys walba u awoodo iibsashadi isa.

"Waxaan ku dhiiri galinayaa ganacsa tada Soomaaliyeed in ay maalgasha daan Kaabayaasha dhaqaalaha dalka, waxaana rajeynayaa in dhowaan Gaas ka dalka dibadaiisa nooga yimaada uu dalkeenna nooga soo baxo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku adkeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed in ay awooddooda dhaqaale uga faa’I ideyaan shacabka isla markaana ay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaa laha dalka, gaar ahaan gobolada dal ka si fursadaha horumarku uu u wada gaaro guud ahaan muwaadiniinta Soo maaliyeed.

Wasiir Biixi oo ka qeyb-galay Fadhiga 33-aad ee wasiirada Maaliyadda Jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shalay ka qeyb galay Fadhiga 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaa macadda Carabta oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Manama ee xar unta boqortooyada Bahrain.



Shirkaan oo ah kii sanadlaha ahaa ee Madaxda Carabta ayaa qeybtiisa heer ka Wasiir-Maaliyadeed oo hal maalin ahaa waxaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee dhaqaalaha Dalalka Carabta, in wa dajir looga shaqeeyo horumarinta xasi loon ee dhaqaalaha iyo in la abuuro fursadaha sare loogu qaadayo maala glinta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi I. Cige oo kulanka kadib qoraal kooban ku shaaciyay bar tiisa Twitter ka ayaa sheegay in sidoo kale shirka looga dooday arrimo muh iim u ah oo ay ka mid tahay horumarta dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirka diyaarinta istaratijiyadda bahda Cadaaladda oo maalintii labaad galay.

Shirka banbaxa diyaarinta istaratij iya dda bahda Cadaaladda Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqd isho ayaa shalay galay maalintii labaad, kaas oo hal-ku-dhig looga dhigay bilo wga geeddi-socodka horumarinta Isti raatiijiyadda Bahda Cadaaladda Soom aaliya ee 2025-2030.

Shirweynaha waxaa qeyb ka ah Wa saaradda Cadaaladda, Xeer Ilaalinta Guud, Suleiman, iyo dhammaan hog gaamiyeyaasha bahda cadaaladda, ee heeer federaal iyo mid dowlad gobole edba.

Banbaxa waxaa tan iyo shalay ka soc da aqoon-isweydaarsiyo xooggan iyo fadhiyo wadashaqeyn ah, kuwaas oo bud dhig u ah istiraatiijiyada bahda ca daaladda Soomaaliya oo dhammays tiran oo ka tarjumeysa rajada iyo baahi yaha dhammaan ummadda Soomaal iyeed.

Banbaxan ayay ka qeyb-galayaasha sheegeen inay gacan ka geysaneyso ilaalinta sharciga iyo kor-u-qaadista ma amul wanaagga, taasoo dadka Soom aaliyeed u horseedi doonto horumar dhanka Cadaaladda ah.

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib u dhiska iyo Guryeynta XFS Cabdi salaan Cali Dhaay oo ay wehlinayaan qaar kamid ah agaasime waaxeed yada Wasaaradda ayaa kulan la qaa tay Madaxa UNDP ee Soomaaliya Lio nel Laurens iyo ku xigeenkiisa Mrs Sophie Kemkhadze.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xo ojinta iskaashiga shaqo ee wasaa radda howlaha guud iyo Hay’adda UNDP, kor u qaadida dib u dhiska kaa bayaasha dhaqaalaha dalka oo xiligan UNDP gacan weyn ka geysaneyso iyo sidii UNDP ay uga taageeri laheyd wa saaradda sharciyada dhismaha dalka, tabarada iyo tayeynta shaqaalaha wa saaradda.

Wasiir Cabdisalaan Cali oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyey taag eerada UNDP ee Soomaaliya iyo how laha ay dalka ka hayaan, wuxuuna uga mahad celiyey wadashaqeynta gaarka ah ee ay la leeyihiin Wasaaradda howlaha guud iyo kulankooda shalay.

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay safiirka Qatar ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ee Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa shalay oo axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasa aradda ee Caasimadda Muqdisho, Safi irka Dowladda Qatar ee walaalaha aan nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho shar afeed ugu yimid. Intii lagu guda-jiray booqashada waxaa lagaga hadlay qo to-dheeraynta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.

Kulanka ayaa lagu qaadaa-dhigay xiri irka labo geesoodka ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo dadaallada iskaashi ee labada dal, iyo sida ay uga go’antahay xoojinta iskaa shi dhinacyo badan leh oo ka tarjum aya himillooyinka ay wadaagaan ee ah hiigsiga horumar iyo barwaaqo.

 

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay wakiilka Xoghayaha Qarammada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda goboleed ka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan Madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirrada ayaa qasriga madaxtooya da ku qaabbilay wakiilka xoghayaha Qarammada Midoobe u qaabilsan Soo maaliya marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasi yadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafiga la socday marwo Catriona Lainga ayaa kormeer ku tagay dhismaha xarunta Qarramada Midoobe ee Galmudug oo meel wanaa gsan uu maraaya dhismaheedu, iyad goo sidoo kale ay ka wada hadleen am niga iyo la dagaallanka argagaxisada, arrimaha doorashooyinka iyo qaayben tooda iyo guud ahaan siyaasadda dal ka.

Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA oo qaabilay madaxa hey’adda UNHCR ee Sooomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxa muud Macallin Cabdulle ayaa shalay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA ku qaabilay Madaxa hay’adda qaxootiga adduunka – UNHCR ee Sooomaaliya Md. Charles Mballa.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray majaalaadka ay ka wada shaqeeyn karaan hay’adda SoDMA iyo UNHCR iyada oo si gaar ah loo xusay arrimaha muhiim oo ay ka mid yihiin; ka shaqee ysiinta iyo howlgalinta xarunta tababa rada farsamada gacanta ee hay’adda SoDMA, ka jawaabista xaaladaha deg degga ah ee soo wajaha dadka barak acayaasha ah ( IDPs) sida u helidda hoy iyo gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah iyo caawinta dadka u nugul musiibooyinka inta aysan soo barakicin si loo yareeyo dadka xeryaha barak acaasha ku jira.

Md. Charles Mballa ayaa boogaadiy ay guulaha muuqda ay gaartay SoD MA muddada gaabneed ay jirtay iyo dardargalinta howlaha socda, labada dhinac ayaana isku waafaqay dhisidda guddi farsmo oo ka shaqeeya hormari nta iyo nidaamka labbada hay’addod.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo si adag uga hadlay khilaafka iyo tabashada reer Hiiraan

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo shalay gaaray magaal ada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin khilaafka mudada dheer u dhaxeeya reer Hiiraan iyo maa mulka Hirshabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in khilaafka reer Hiiraan ay ka qabaan jiri taanka maamulka Hirshabeelle inuu saameyn balaaran ku yeeshay horuma rka Hirshabeelle, isagoona xusay in haatan loo baahan yahay in la dhamee yo khilaafka.

"Waxaan idiin sheegayana wax hadii ay halaabaan waa naga wada dhex eeyaan, haddii ay hagaagaana waa na ga dhexeeyaan waxaan laga tashan waa halaabaayaan in lays khilaafo iyo khilaaf micnihiisana wuxuu yahay waa n aragnay, umaleyn maayo inuu wax kale noo djiman yihiin, ee walalaya loow wax aan dhameyno khilaafka la haray Hirshabeelle” ayuu yiri madaxw eyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed

Wuxuu sidoo kale sheegay Mada xweyne ku xigeenka Hirshabeelle in wax walba oo horay u soo qaldamay dib loo sixi karo, wuxuuna ka dalbaday dadka reer Hiiraan iney ka cafiyaan wax walba ay ka tabanayaan shaqsi ahaantiisa.

"Muslim waa khaldamaa ee waxaa haboon inaan wax saxno oo ka wada tashano oo wanaagii aan ka wada sha qeyno. Dadka Soomaaliyeed oo wala alahey ah oo Beledweyne jooga waxa an ka codsanayaa inaan tashano oo waxa naga dhexeeya aan ka tashano” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay khilaaf ka taagan goo bta lagu duubayo Ugaaska Beelaha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo markii hore loo asteeyay in Bale dweyne lagu duubo, hayeeshe haatan la sheegayo in lagu duubayo dee gaanka Ceeldheer oo hoostaga degm ada Halgan ee gobolka Hiiraan.

"Walaalayoow Ceeldheer hada aan idinla hadlayo waxa ku sugan afartiisa jiho shabaab anaga iyo shabaabna wa xa naga dhaxeyo waad ogtihiin waqt ina uma hayno an amnigeda ku xaqiij ino, Baledweyne ayaa juhdi la galiyay in lagu duubo oo laba bilood lagu how lana diyaarinteeda, marka duubka Uga aska yaan la siyaasadeyn aniga iyo madax kaleba waxaan u nimid baledw eyne duubka Ugaaska kuwa kalana way so socdaan ee Xawaadlow khilaaf ka halaga daayo Duubka Ugaaska oo Somalida u taqaano Ugaaska Xawaad le inuu yahay Ugaaska Soomaaliyeed" ayuu yiri madaxweyne Yuusuf Daba geed.

Ugu dambeyntii berito oo Isniin ah ay aa ah waqtigii loo qabtay in ay qabso onto xaflada Caano shubka Ugaaska Beelaha Xawaadle, waxaana loo badi naya in xafladaasi ay ka dhico doonto deegaanka Ceeldheer, waxaana xusid midan in Baledweyne ay haata ku su gan yihiin masuuliyiin kala duwan iyo marti sharaf kale oo u tagtay ka qeyb galka duubka caleema saarka Ugaa ska Beelaha Xawaadle.

Taliska Qeybta 60-aad oo sheegay in la bur buriyay Goobo Alshabaab ay ku lahayeen G/ Baay & Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gaar ahaan Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa Howlgal ka sameeyay Degaanada Dhaca Buural eyda iyo Dhulka Hoowdka ah ee Kala Qeybiya gobolada Baay Iyo Bokool .

Inta uu Howlgalkan Gaar uu Socday ayaa la sheegay in lagu Bur – Buriyay Goobo Xubno ka tirsan Alshabaab isku isku aruursanayeen oo U Dhexe ya Degmooyinka Bardaalle iyo Qasax Dheere Ee Gobalka baay iyo degmada waajid ee gobolka bakool

Howlgalkaan waxaa uu Hogaamina yey Taliye Xigeenka Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Xidigle Uune Guudle Abdu Raxman ayaa War baahinta U Xaqiijiyey in Dhamaan De gaanadan ay Hada ku sugan yihiin Cii damada Xoogga dalka Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Dhulka Xoog ga Dalka Soomaaliyed.

ILHAAN CUMAR oo mar kale gaartay guul taariikhi ah

Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobo lka Minnesota ayaa ku guulaysatay taageerada iyo doorashada xisbiga dimoqoraadiga ah ee DFL ee gobolka Minnesota kaas oo ah tartankeedii dib-u-doorashada ee degmada 5-aad ee Koongareeska Minnesota wareeggii koowaad ee codbixinta.

Taageerada ayaa daah furaysa uje edada xisbiga ee gobolka ka hor tartanka hordhaca ah ee bisha Agoos to.

Xildhibaan Ilhaan ayaa ku guulaystey taageerada xubintii hore ee golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis oo ay kaga adkaatay Don Samuels oo ah ninka la tarmaya, kaasoo ay kaga guuleysatay boqolkiiba laba kaliya 2022-kii. Intii lagu guda jiray qayb su’a alo iyo jawaabo ah oo ka mid ah shira rka, Ilhaan Cumar ayaa wax laga way diiyay dagaalka Qasa oo ay ku tilshal ayy "xasuuq.”

"Ma jirto qaab aan anaga muwaadini inta dalkan ugu ogolaan karno in aan canshuurteena dollarka ku bixino bambooyinka lagu baabi’inayo dadka rayidka ah,” ayey Ilhaan Cumar ku tiri hadal ay ka hor jeedisay kasoo qaybga layaasha.

Don Bacon oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doorto Nebraska ayaa soo bandhigay qaraar lagu canaananayo Ilhaan Cumar oo uu ka sheegay eedeymo la xiriira qaar ka mid ah ardayda jaamacadaha Yuhuud da inay ka qayb qaateen xasuuq. Sam uels waxa uu sheegay in uu qorshay nayo in uu ku sii jiro tartanka degm adan ee xisbiga dimuqraadiga si xoog gan.

Halka Samuels uu ku doodayo hada llada Ilhaan Cumar in ay yihiin kuwo dadka kala fogeynaya isla markaana kala qaybinaya degmada, waxa uu mooshinka canaanta ah ee Bacon ugu yeeray siyaasad. Isaga oo isla su’aas haas ka jawaabaya, Samuels waxa uu dagaalka ugu yeeray "xaalad qalafsan oo aad u gurracan.”

"Inaad hoggaamiso degmo ay ku ba dan yihiin Yuhuuda iyo Muslimiinta, halkii ay kulamadu ka noqon lahaay een shirweyne wada hadal, halkaas oo khatartu aad uga yar tahay xiisadduna ka hooseeyso tan Bariga Dhexe laft eeda, iyadu waxay dooratay hal dhi nac,” Samuels ayaa sidaas u sheegay warbaahinta MPR.

Labada tartamayaal Samuels iyo Ilha an Cumar ayaa khudbado kala duwan kula hadlay taageerayaashoodii ku sug naa dugsiga sare ee South High ee Minneapolis.

Samuels ayaa helay 85 cod halka xildhibaan Ilhaan Cumar ay heshay 133 cod. Samuels ayaa wacad ku ma ray inuu ku sii jiri doono tartanka, kaa soo noqon doona mid si dhow isha loo gu hayo marka ay noqoto tartanka xis biga Dimuqraadiga ee dalka oo dhan.

Isha: BBC

Maxkamadda Racfaanka oo soo gabagabeysay dhegaysiga dacwadda Sayid Cali Macallin Daa'uud

Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir, ayaa shalay soo gabagaba ysay dhegaysigii labaad ee dacwadda iyo difaaca xukumane Sayid Cali Maca llin Daa’uud.

Maxkamadda ayaa sheegtay in laga sugayo go’aanka ugu dambeeya ee xukunka eedaysanaha, ka dib markii ay dhegaysatay dacwadda xeer ilaali yaha iyo difaaca qareenada u doodaya eedeysanaha.

Abuukate Cali Xalane oo ah qareen ka u doodaya Sayid Cali Macallin Daa’ uud, ayaa sheegay inuu rajeynayo in maxkmadda racfaanku soo saarto go’aan ka duwan midkii ay soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir.

Xalane wuxuu sheegay haddii ay ku qanci waayaan xukunka maxkamadda racfaanka in ay isla aadi doonaan ma xkamadda sare ee dalka. Wuxuuna aa minsan yahay in eedeysanaha uusan xaaskiisa gubin.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha, Yaxye Maxamuud Saciid ayaa isna dhankiisa sheegay in Sayid Cali uu yahay dambi ilaha xaaskiisa gubay. isagoo sheegay in loo baahan yahay in maxkamaddu ku dhawaaqdo xukunka qisaasta ah.

Wuxuu sheegay xogta laga helay dha qaatiirta, warbixinta marqaatiyayaasha iyo gubniinka ka muuqda jirka eedeysa naha inay caddaynayaan dambiga Sa yid Cali.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ma xkamadda racfaanka oo ah mid aad loo wada sugayo ayaa la filayaa in la gu dhawaaqo todobaadkan gudihiisa.

Burcad Badeed Soomaali ah oo la qabtay

Ciidamada badda Yurub ayaa lix qof oo burcad-badeednimo looga shakisan yahay xiray shalay kadib markii ay ra saas ku fureen markab shidaal siday oo kasoo shiraacday Gacanka Cad meed, sida ay saraakiishu sheegeen, tan oo laga yaabo inay qeyb ka tahay weerarrada burcad-badeednimo ee sii kordheysa ee ka imaanaya Soomaa liya.

Weerarkan oo lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo uu ka babbanayay calanka Jasiiradaha Marshall ayaa ku soo aadaya iyadoo kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale weerarayeen mar aakiibta maraya Badda Cas iyo Marin ka Bab el-Mandeb. Weerarrada ayaa hoos u dhigay isu gudubka ganacsiy ada ee marin-biyoodkan muhiimka ah ilaa Kanaalka Suweys iyo Badda Medi terranean-ka.

Burcad-badeedda ayaa rasaas ku furay markabka iyagoo markaas saa rnaa doon yar oo hub uu saarnaa, sida ay sheegtay xarunta Howlgallada G anacsiga Marin-biyoodka UK, oo ko rjoogteysa marinnada markabka ee bariga.

Burcad-badeedda ayaa wadatay qori ga nooca AK- 47 iyo bambooyin, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka sida gaarka loo leeyahay ee Ambrey.

Burcad-badeedda ayaa markii hore rasaas ku furay Chrystal Arctic, kaasoo ciidamadiisa hubeysan ee saarnaa ay rasaas ugu jawaabeen, sida ay sheeg tay UKMTO.

Burcad-badeedda ayaa kadib joojiyay isku daygooda inay markabka la waree gaan, kaasoo safarkiisa sii watay iya doo shaqaalihiisu ay bad qabaan, sida ay sheegtay UKMTO. Qiiq madow ay aa kasoo baxay doonta yar ee sidday burcad-badeedda, taasoo u muuqatay gubasho dhanka matoorka shidaalka ah, sida ay sheegtay Ambrey.

Saacado kadib, ciidamada Midowga Yurub ee gobolka oo loo yaqaanno Op eration Atalanta ayaa sheegay in wax ka mid ah oo gobolka ka howlgaleysay ay qabteen lix burcad-badeednimo looga shakisan yahay. Waaxda ayaa la wareegtay burcad-badeedda oo qaar kood dhaawac uu ku yaallay.

Dagaalka oo sii xoogeystay iyo Israa'iil oo amartay in dadku ay ka baxaan Rafax

Israa’iil ayaa tobanaan kun oo kale oo Falastiiniyiin ah u sheegtay in ay isaga baxaan Rafah, xilli ay sii xoojisay hawlgallada milatari ee koonfurta Qaza.

Warqado hawada lagasoo daadiyay iyo fariimo lagu qoray baraha bulshada ayaa loogu sheegay dadka deggan degmooyinka bari ee magaalada inay aadaan al-Mawasi - oo ah dhul xeeb eed ciriiri ah kaas oo ay Israa'iil ugu yeertay "aag bani'aadannnimo oo fidsan".

Qeybo ka mid ah magaalada Rafah oo ahayd meel ay wadooyinku buux dhaafiyeen dad shacab ah iyo dad barakacayaal ah maalmo ka hor ayaa hadda u muuqata magaalo ay dadku ka qaxayaan.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto howlgallada qorsheysan ee Rafax, inkastoo Mareykanka iyo xulafa da kale ay ka digayaan in duullaanka dhulka uu horseedi karo in khasaare soo gaaro dad badan oo rayid ah ayna ka dhalan karto dhibaato bini’aadan tinimo.

Sabtidii, madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in xabbad jo ojin laga sameeyo Gaza ay suurtogal tahay isla maalinta xigta, haddii Xamaas ay sii daayaan la haystayaa sha.

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigtay shidaal iyo budada qarayxada laga sameeyo oo u rarnayd Alshabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaal iyeed qeybta Gor-gor oo garab ka hela ya kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay 150 Jirgaan oo ay ku jireen Shi daal iyo budada laga sameeyo qara xyada.

Howlgalka lagu qabtay agabkan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Xa rardheere ee koonfurta gobolka Mudug, kadib markii ciidamada dowladda ay heleen macluumaad ku saabsan arr intan.

Saraakiil katirsan ciidanka ayaa she egay in shixnadkaasi ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab, ayna ku wajahna yd deegaannada ay kooxdaasi ka taliso, waxaana ay intaa ku dareen in ay qabteen labo eedaysane oo uu haa tan baaritaan ku socdo.

Ciidamada dowladda ayaa horey u fashiliyay qaraxyo baabuur ah oo ay Alshabaab doonayeen inay ku weera raan degaano katirsan Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, Alshabaab ay aa dhowr bilood ka hor dib u qabsaday qaar kamid ah degaanada dhaca Koon furta Mudug, ka dib markii ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ka ba xeen halkaas.

Xoghayihii hore ee maaliyadda UK oo bixiyay £5m oo canshuur ku baaqatay ah

Xoghayihii Hore ee Maaliyadda Ingri iska, Nadhim Zahawi, ayaa sheegay in ku dhawaad ​​shan milyan oo geni uu ku bixiyay heshiis xagga canshu uraha ah laba sano ka hor.

Waxa xilka guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka laga eryay sanadkii hore ka dib markii baaritaan xagga anshaxa ah lagu ogaaday inuu ku guul dara ystay inuu sheego xog xagga cashuu ruha ah mar uu baaritaan ku socday.

Mr Zahawi waxa uu sheegay in Hay’adda Dakhliga iyo Canshuurha (HM Revenue) ay ogaadeen in ay ahayd qalad "taxadir la’aan ah”.

Ninkii ugu horeeyay ee loo geliyay kelli doofaar ayaa dhintay laba bilood kadib

Richard "Rick" Slayman, oo 62 jir ah, ayaa ldarnaa cudur kelliyaha oo ahaa heerkii ugu dambeeyay ka hor inta aan qaliinka lagu samayn bishii March.

Isbitaalka guud ee Massachusetts (M GH) ayaa sheegay Axadii inaysan jirin wax calaamad ah oo muujinaya in dh imashadiisa ay ka dhalatay xubinta la gu tallaalay.

Bedelka xubnaha kale ee hidde side ahaan ka yimid doofaarka ayaa hore u guul darreystay in bani'aadam loo gel iyo., balse qalliinka lagu sameeyay Mr Slayman ayaa lagu tilmaamay mid taa riikhi ah.

Marka laga soo tago cudurrada kelliy aha, Mr Slayman waxa kale oo uu la ildarnaa nooca 2-aad ee xanuunka macaanka iyo dhiig-karka.

Sannadkii 2018-kii, waxa loo geliyay kelli bani’aadam, laakiin waxa ay bila wday in ay shaqeyn weyso shan sano ka dib.

Ka dib markii loo geliyay kelli doofaar 16-kii Maarso, dhakhaatiirtiisu waxay xaqiijiyeen inuusan u baahnayn sifayn, ka dib markii xubinta cusubi la shee gay inay si fiican u shaqaynayso.

Haweeney danab ku dilay Somaliland iyo qaar kale oo ku dhaawacmay

Hal qof oo haweenay ah ayaa ku gee riyootay, laba kale oo mid yahay Ilmo yar oo afar bilood jirana waxyeelo ayaa ka soo gaartay, ka dib markii gelinkii dambe ee shalay uu gurigii ay dega naayeen uu ku dhacay danab ka dhas hay roobab ka da’ay Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Roobabkan, oo ka da’ay degmada Laas-ciidle, oo Magaalada Berbera oo u jirta ilaa 130 KM, ayaa sababay in guri ku yaala degmadaasi uu ku dha cdo danab, xilli halkaas ay ku sugna ayeen Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay iyo qof kale oo qoyska ka mid ah.

Danabka gurigan ku dhacay ayaa sababay dhimashada Hooyadii Qoyska oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Axm ed Xaaji Nuur, halka gabar yar oo jirtay afar bilood uu dhaawac ka soo gaaray iyo sdioo kale haweenaydii kale ee qoyskaas ka mid ahayd oo wakhtiga danabku ku dhacay guriga ku sugnayd, sida uu BBC-da u xaqiijiyey Xasan Ciise Cali, oo ah Aabaha qoyska dhib aatadu ku dhacday.

Xasan Ciise Cali, waxa uu xusay in Marxuumada geeriyootay oo xaaskiisa ahayd ay shalay ku aaseen degmada Laas-ciidle, isaga oo sidoo kale shee gay in dadkak kale ee waxyeeladu soo gaartay ay xaaladoodu ka soo raynay so.

Deegaanka danabkan ku dhacay ayaa u dhow deegaanka lagu maga caabo Xididdaley oo bishii hore daad ad ka dhashay roobab halkaas ka da’ ay ay ku dhinteen saddex qof oo wala alo ah.

Toddobadkii hore ayaa sidan oo kale deegaanka Dirimaraa ee Gobolka Saa xil uu wiil 15 jir ah ugu geeriyooday danab ku dhacay, xilli halkaas ay roobab xooggan ka da’ayeen.



Sacuudiga Oo Dilaya Dadka Ka Dhega Adeyga Inay Ka Guurin Meel Laga Dhisayo Magaalo Cusub


Dowladda Sacuudiga ayaa amartay in ciidamadu dili karaan dadka ka dhaga adayga inay ka guuraan goob loogu talagaay in la dhiso magaalada mustaqalka taas oo ay maalgalinta dhismaheeda fulinayaan shirkado reer galbeedka sida uu BBC u sheegay sarkaal hore oo wardoonka dalkaasi ka tirsanaa.

Kornayl Rabix Alenesi, ayaa sheegay in lagu armay dadka deeganas inay ka baxaan xariiqaa inta loo qorsheeyey mashruuca Neom.

Mid ka mida dadkii degganaa ayaa la toogtay k adib markii uu ka soo horjeensaday in gurigiisa laga saaro. Dowladda Sacuudiga iyo maamulka mashruuca Neom ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan.

Mashruuca Neom, oo ah mida y ku baxayso 500 oo bilyan oo dollar ee Sacuudi Carabiya, waa qayb ka mid ah istaraatijiyaddeeda Hiigsiga 2030 ee Sacuudi Carabiya taasoo ujeeddadeedu tahay in dhaqaalaha boqortooyada laga saaro saliidda kaliya aysan ku ekana ee ay abuuraan mashaariic dhaqaale oo kale.

Magaaladan waxaa la sheegay in ballacedu dhan yahay labo boqol miter halka dhererkeedu dhan yahay 170km balse 2.4km oo kaliya oo ka mida mashruuca ayaa la sheegay in la dhamaystirayo sanadka 2030-ka.

Daraasiin shirkado caalami ah, oo dhowr ka mid ah ay yihiin Ingiriis, ayaa ku lug leh dhismaha Neom.

Waa maxay xaaladda lagu dhasho ee wadna furanka? Dhaqtarka Soomaaliga ah ee fuliya qalliinkaas oo BBC-da la hadlay

Meesha laga dhisayo Neom ayaa lagu tilmaamay inay tahay "sharaca maran" ee ugu habboon ee uu leeyahay hoggaamiyaha dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan. Laakiin in ka badan 6,000 oo qof ayaa loo raray mashruuca sida ay dawladdiisu sheegtay

Kooxaha xuquuqul insaanka ee ALQST ee fadhigeedu yahay UK ayaa qiyaastay in tiradan ay intaas ka badan tahay.

BBC-da ayaa falanqeysay sawirada dayax-gacmeedka ee saddex ka mid ah tuulooyinka la burburiyay - al-Khuraybah, Sharma iyo Gayal. Guryaha, dugsiyada, iyo isbitaallada ayaa laga tirtiray khariidada.

Kornayl Alenezi, oo musaafuris ku aaday UK sanadkii hore, ayaa sheegay in amarka fasaxa ee la weydiistay in uu dhaqangeliyo uu ahaa Al-Khuraybah, oo dhan 4.5km dhanka koonfureed kaga beegan xariiqda ‘The Line’. Tuulooyinka waxaa inta badan deganaa qabiilka Xuweytat, kuwaas oo qarniyo badan deganaa gobolka Tabuuk ee waqooyi-galbeed ee dalka.

Wuxuu sheegay in amarki Bishii Abriil 2020-kii uu ahaa in deegaanka Xuweyntat oo ka kooban qaybo badan Mucaarado ah, qofkasta oo iska caabiya amarka saaritsa in la dilo , sababtoo ah cidda fulinaysa amarkaas ayaa haystay ruqsada adeegsiga awood wax dil ah.

Magaalooyinka la burburinayo ee Sacuudiga

Wuxuu ka gaabsaday howlgalka sababo caafimaad oo la ikhtiraacay, ayuu u sheegay BBC-da, laakiin si kastaba ha ahaatee way sii socotay.

Cabdiraxim Al-Xuweyti, oo diiday in guddiga diiwan gelinta dhulku ay qiimeeyaan hantidisa uu ku lahaa deegaankaas ayaa maalin ka dib ay toogteen masuuliyiin ka tirsan Sacuudiga, xilli ay ku guda jireen howl galka nadiifinta. Waxa uu hore muuqaalo kala duwan u soo dhigay baraha bulshada oo uu kaga soo horjeedo raritaannada.

War qoraal ah oo ay soo saareen laamaha ammaanka ee dowladda Sacuudiga xilligaasi oo lagu eedeeyay in Al-Xuweynti, ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka, waxaana lagu qasbay inay ka jawaabaan. Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo dilay si fudud in uu u diiday in laga saaro dhulkiisa.

BBC ma aysan awoodin in ay si madax banaan u xaqiijiso hadalka Col. Alenezi ee ku saabsan habka xoogga wax dilka.

Laakiin qof xog-ogaal u ah shaqada hoggaanka sirdoonka Sucuudiga ayaa noo sheegay marag-furka kornaylka ee la xirirta sida amarka caddaynta loo gaadhsiiyey iyo waxa uu sheegayba - in ay waafaqsan tahay waxa ay ka og yihiin hawlgalladan oo kale.

Ugu yaraan 47 kale oo dad reer tuulo ah ayaa la xiray ka dib markii ay iska caabiyeen raritaan, kuwaas oo intooda badan lagu soo oogay dacwado la xidhiidha argagixisanimo, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo ALQST.

Afartan ka mida dadkaas ayaa weli ku jira xabsiga, kuwaas oo shan ka mid ah ay ku dhaceen xukun dil sida ay sheegtay ALQST. Dhowr qof oo kale ayaa la xiray iyagoo ka baroor diiqaya geeida Al-Xuweynti kuna soo bandigay baraha bulshada.

Maamulka Sacuudiga ayaa sheegay in dadka looga baahan yahay inay u guuraan khadka ‘The lne’ la siiyay magdhow. Laakin tirooyinka la bixiyay ayaa aad uga yar intii la ballanqaaday, sida ay sheegtay AlQst.

Sida laga soo xigtay Col Alenezi, "[Neom] waa udub dhexaadka fikradaha Mohamed Bin Salmaan. Taasi waa sababta uu si naxariis darro ah ula dhaqmay Xuweynti."

Maamule sare oo hore uga ahaan jiray Neom ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlay dilka CabdulraximAl- Xuweynti dhowr todobaad ka hor inta uusan u tagin Mareykanka . Andy Wirth waxa uu sheegay in uu si isdaba joog ah u waydiiyey shaqaalihii uu u shaqaynayay, laakiin kuma qancin jawaabaha.

Waxa uu ka tagay mashruuca wax ka yar hal sano ka dib markii uu ku biiray, isaga oo ka xumaaday maamulkiisa.

Maamulaha shirkada Solar Wataer PLC oo laga leeyahay Ingiriiska qaybna ka ahayd mashruuca qoondadeeda lacageed ee mashruucana dhamaa 100 milyan ayaa ku tilmaamay wax daran mashruuca.

Dadkii tuulada ka barakacay aad ayay uga gaabsadeen inay ka hadlaan, iyagoo ka baqaya in la hadalka warbaahinta shisheeye ay khatar kale sii gelin karto ehelladooda xiran.

Nader Xijaazi, kani maha magaciisa saxda ah, wuxuu ku koray Casisiyah, mid ka mid ah ku dhawaad 63 xaafadood oo ay saameeyeen burburka. Guriga aabbihii ayaa la dumiyey 2021, kaas oo uu helay digniin wax ka yar bil. Xijaazi ayaa sheegay in sawiradii uu ku arkay xaafadiisii hore ay ahaayeen kuwo laga naxo.

"Waxay dagaal ku qaadayaan dadka, dagaal ayay ku hayaan aqoonsigeenna” ayuu intaas raaciyey.

Laakin Col. Alenezi kama qoomameyn go'aanka uu ku diiday amarada la xiriira magaalada mustaqbalka ee Sacuudiga.

"Maxamed Bin Salmaan ma ogolaan doono in aan waxba hor istaagin dhismaha Neom… Waxaan bilaabay in aan aad uga walwalo waxa la i waydiin karo in aan ku sameeyo dadkayga."



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip