HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 12-5-2024

0
Sunday May 12, 2024 - 07:19:19 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 12-5-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ja mhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareyk anka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoo jinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowlad da Mareykanku siiso Soomaaliya.

a’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaar ka ah ayaa kulanka diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhina cyada kala duwan leh ee uu Mareyka nku ku taageero Soomaaliya, gaar aha an dhinacyada amniga , la dagaallanka kooxaha Al-shabaabta ah iyo xasilloonid a guud ee Gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya.

Taliyaha NISA oo ku sugan Beledweyne ayaa kulan la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Na bad Sugidda Qaranka Mudane Cabdul laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarla maanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha ka le ee Bulshada reerHiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaabta, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaana adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in dalka oo dhan laga sifeeyo cadawga Al-shabaabta ah.

Dhankooda, Xildhibaanada Baarlam aanka, Odayaasha dhaqanka iyo Qey baha Bulshada oo Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan doo rkooda ciribtirka Al-shabaabta.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo N abad Sugidda Qaranka Mudane Cabd ullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa in dhowaan uu ma gaalada Beledweyne uga qeyb galo Caleema Saarka Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeeray Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Ra’iisu Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa boo qasho ku tagey Safaaradda Soomaa liya ay ku leedahay dalka Kenya, iyada oo ay halkaas ku soo dhaweeyeen Da njiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadi yey shaqada ay safaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, ayaa kula da rdaarmay diblomaasiyiinta in ay si si man ugu adeegaan bulshada, si dhow na uga warqabaan dadkeenna Soo maaliyeed ee ay mataaladda u yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ku booriyay qurba joogta Soomaaliyeed inay maalgashtaan dalkooda

wasiirka wasaaradda Arrimaha Dib adda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xuk uymadda Federaalka Soomaaliya Mud ane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal uu ka jeediyay Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaali yeed ee lagu qabtay shalay Caasima dda Muqdisho, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, baar lamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah, ayaa sheegay in qurbo-joogtu yih iin halbowlaha nololeed ee qoysas ba dan iyo laf-dhabarka dib u noolaynta dhaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Bankiga Caalamiga ee Soomaaliya (IBS) maalgelinta munaasabadda iyo wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbo-joogta ee Wasaaradda, isagoo farta ku fiiqay muhiimadda ay leedahay ka faaiday siga khibradaha iyo maalgeshiga qurb o-joogta si Soomaaliya u gaarto horum ar iyo barwaaqo. Wuxuu caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay fursado maal gashi oo baaxad leh u bixin lahayd, is la markaana ay u sugi lahayd ammaa nka maalgashadayaasha qurba-joogta.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayay saameynt a dhaqaale ee ay leeyihiin lacagaha qurba-joogta ah ee xawaaladaha la soo mariyo ayaa xusay inay kaalin mug leh ka geysanayaan dhaqaaqa dhaqaalaha dalka, wuxuuna ku boga adiyay sida wanaagsan ee ay Soo maaliya uga tarjumeen, magac iyo maamuusna uga soo jiideen buls hooyinka ay la noolyihiin, taasi oo ay ugu wacantahay suubanida akhlaaq dooda iyo hab-dhaqankooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdi risaaq Cali Warsame, ayaa hadal uu ka jeediyay sku-imaatinka Maalges higa Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uu ka sheegay in bankiga IBS u diyaar yahay dhiirrigelinta qurbo-joogta si dalka ay dib ugu soo noqdaan, una maalgeshtaan, isaga oo daaha ka rogay in Qurba-joogta Soomaaliyeed ay kaalin muuqata oo maalgeshiyo kala duwan ku leeyihiin Imaaradda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, dhowr magaalo oo Turkiga ah iyo sidoo kale Caasimadda Kenya ee Nairobi , isagoo tilmaamay muhiim adda ay leedahay in maalgeshigooda u soo jiheeyaan dalkooda Soomaaliya, bangiguna diyaar u yahay inuu ru meeyo hiigsigooda iyo riyadooda maa lgeshi oo guulaysata.

 

 

 

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaratijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa shalay magaalada Muqdisho ku qabatay banbaxa diyaarinta istaratijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya, kaasi oo uu daahfuray Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Munaasabaddan taariikhiga ah waxay astaan u tahay bilowga geeddi-socodka horumarinta Istiraatiijiyadda Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee 2025-2030.

Shirweynaha waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, Xeer Ilaaliyaha Guud, Suleymaan Maxamed Maxamuud, iyo dhammaan masuuliyiinta bahda cadaaladda, ee heer federaal iyo mid dowlad goboleedba.

Wasiirka Cadaaladda, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in Kulankan istiraatiijiga ah uu muhiim u yahay dib-u-habaynta nidaamka cadaaladeed ee dalka. "Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday qaab-dhismeedka hagi doona Soomaaliya loona jiheynayo mustaqbal cadaalad, sinnaan iyo adkeysi leh.” Ayuu yiri Wasiir Xasan.

Inta lagu guda jiro saddexda maalmood ee soo socota, Banbaxa waxaa ka dhici doona aqoon-isweydaarsiyo xooggan iyo fadhiyo wadashaqeyn ah, kuwaas oo salka u dhigi doona istiraatiijiyada bahda cadaaladda Soomaaliya oo dhammaystiran oo ka tarjumeysa rajada iyo baahiyaha dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo safar shaqo ku joogay Kenya ayaa dalka dib ugu soo laabtay

Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo gabagabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya muddadii u dhexeysay 6-da ilaa 11-ka May, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu joogay Kenya waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalkaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Waxa uu sidoo kale la kulmay Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas oo uu uga warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha ganacsi iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

Kulan looga looga arrinsanayey madasha arrimaha bani’adannimo ee dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee hay’adda SoDMA kaas oo diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’adannimo ee dalka (CHF) oo lagu wado inuu ku qabsoomo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay sida ay hay’adda ugu go’antahay joojinta barnaamijyada lacagta caddaanka ah (Cash Programs) ee hay’adaha gargaarka siiyaan barakacayaasha, taasoo aafo nololeed ku ah mustaqbalka dadka nugul ee la qabsaday ku tiirsanaanta lacagtaas oo aan noloshooda kaafi karin.

Hay’adda SoDMA ayaa qorsheyneysa in lacagtaas caddaanka ah dadka loogu beddelo hormarinta xirfaddooda si ay u gaaraan madaxbannaani dhaqaale taas oo kulanka lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah, iyadoo hay’addu qorsheyneyso furitaanka xarun weyn oo bixisa tababar xirfadeed oo ay SoDMA leeadahay taasoo dadka xirfado kala duwan lagu barayo, isla-markaana laga caawinayo dib ugu celinta degaannadii ay ka soo barakaceen.

Dhanka kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargalinta shaqada hay’adda iyo dhameeystirka mashaariicda socota, waxaana shirkaan ka soo qeybgalay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha.

Wasiir Fiqi: Waxaan kursiga AU-da kula tartamaynaa Raila Odinga oo doonaya in Soomaaliya ay kala go'do

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaa liya, Axmed Macallin Fiqi ayaa shee gay, dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay inay u tartanto doorashada kursiga guddoomiyaha guddiga Midow ga Afrika.

Wasiirka arrimaha dibbada, ayaa sheegay, tartankaan inuu yahay fursad weyn oo Soomaaliya aan soo maridoonin afartanka sano ee soo socda.

Sidaas awgeed, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wax walba ku bixinayso sidii ay ugu guulaysan lahayd kursigaas muhiimka ah.

Wasiir Fiqi waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u garab istaagsan tahay musharaxeeda wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, isagoo caddeeyay in dadaal badan loo galay in Soomaaliya ay hesho taageerayaal badan.

Wuxuu sheegay, Soomaaliya inay la tartamayso, hoggaamiyaha mucaa radka Kenya Raila Odinga oo uu sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya la kala qeybiyo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in soomaalidu garab istaagto Fowsiyo Xaaji Aadam.

Si kastaba ha ahaatee, Kenya ayaa maalmahan wadday wadahadallo ay Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda guddiga Midowga Afrika, si ay u taageerto Raila Odinga oo Kenya u sharraxan.

Soomaaliya ayaa haysata taageerada ku dhawaad 30 dal oo Afrikaan ah oo ku jira ururka iskaashiga Islaamka.

 

Dalal badan oo soo dhoweeyay go’aanka Qaramada Midoobay ee dib u eegista xubinnimada Falastiin

Dalalka Masar, Sacuudiga , Ciraaq,Tu rkiye iyo kooxda Xamas ayaa soo dh oweeyay qaraar uu soo saaray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaasoo ku baaqayay in dib loo qiimeeyo xubi nnimada Falastiin ee dhinaca Qarama da Midoobay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalaka Masar,Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq ayaa sheegay in qaraarku si cad u muujinayo xaqa sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta iyo in ay dhistaan dowlad madax-bannaan oo ku saleysan xalka laba waddan.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraar ku baaqaya in dib loo qiimeeyo dalabka Falastiin ee xubinnimada Qaramada Midoobay iyo bixinta xuquuqo dheeraad ah.

Qaraarkan oo ay garwadeen ka ahayd Imaaraatka Carabta (oo wakiil ka ah Kooxda Carabta) ayaa lagu meel mariyay is-afgarad weyn, iyadoo 143 dal oo xubnaha ka ah ay u codeeyeen.

Falastiin ayaa sanadkii 2011 ka codsatay in ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay balse ma aysan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee Golaha Ammaanka waxaana diidmada qayaxan ku horistaagay Mareykanka,inkastoo sannadkii 2012-kii Falastiiniyiintu ay heleen kursi ah in ay goobjooge ka noqdaan Qaramada Midoobay.

Xamaas ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ahaa in dib loo eego dalabka xubinnimada Falastiin.

Dowladda Ciraaq oo shaacisay Go’aan la mid ah kii DFS oo lagu xirayo Xafiiska QM

Dukumenti ay Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP aragtay ayaa waxay Dowladda Ciraaq ku dalbatay in la xiro Xafiiska QM ee Hawlgalka Taageerada dalkaasi ee (UNAMI).

Qoraal Khaas ah oo uu RW Maxamed Shiyaac Al-Suudaani u diray Golaha Ammaanka ee QM ayuu ku xusay in Hawlaha Xafiiska QM ee UNAMI la xiri doono bisha December 31-da ee sanadka soo socda ee 2025-ka.

Ra’isul-wasaaraha waxa uu xusay inay Xukuumadihii soo maray dalkiisa ay horumar ka gaareen sidii looga maarmi lahaa Hawlgalka QM ee Xafiiska UNAMI ooay Golaha Ammaanka ee QM asaaseen sanadkii 2003-dii, kadib, codsi uga yimid Dowladda dalkaasi.

Si kastaba, Codsiga RW Iraq ee xiritaanka Xafiiska Hawlgalka QM ee UNAMI waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay xubnaha Golaha Ammaanka ay isbuucan Kulan Khaas ah kaga doodi doonaan Cusbooneysiinta Xilli-Hawleedka Hawlgalka UNAMI oo muddadiisu ku ekaan doonto dhamaadka bishan May.

Golaha Ammaanka ee QM waxay Cusbooneysiintii u dambeysay ee Hawlgalkaasi ee bishii May ee sanadkii 2023-kii waxay Xoghayaha Guud ee QM ka codsadeen in la bilaabo Dib-u-eegis Istaraatiijiyadeed oo ku aadan Mustaqbalka Xafiiska QM ee Taageerada Ciraaq ee UNAMI.

Markii ugu horeysay ayaa Kaneeca laga helay Scotland kadib markii heerkulku uu kor u kacay

Mid ka mid ah noocyada kaneecada ugu caansan ayaa markii ugu horre ysay laga helay meelo ka mida guud ahaan Scotland, sida ay sheegeen cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Glasgow.

Waxay Scotland ka heleen 16 nooc oo kaneeco ah, oo ay ku jirto Culex pip iens, taas oo ah mid ku baahsan Waq ooyiga iyo Koonfurta Ameerika, qaybo ka mid ah Yurub iyo meelo ka mid ah Aasiya iyo Waqooyiga Afrika.

Prof Heather Ferguson oo hormuud ka ah cilmi baaristan ayaa sheegtay inay la yaabeen markii ay heleen xasharaadka oo ku sugan dhinac kasta oo dalka ah.

Waxay ka digtay in kulaylku uu hors eedi karo tiro badan oo kaneeco ah, oo ay ku jiraan kuwa ka yimaada meelaha ay kaneecadu sii gudbin karto cudu rrada.

Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku qiyaastay in ku dhaw aad ​​219 milyan oo qof ay ka qaad aan kaneecada cudurka malaariyada sanad walba caalamka oo dhan, taas oo keentay in 400,000 ay u dhintaan.

Khubaradu waxa ay carrabka ku adkeeyeen in nooca kaneecada sidda cudurka duumada aanay u badnayn in laga helo UK wakhti dhow,inkastoo nidaamka digniinta ee hordhaca ahi uu yahay mid muhiima.

116 qof oo ku dhintay daadadka Brazil, kumanaan kalena barakiciyay

Ugu yaraan 116 qof ayaa ku dhintay guud ahaan gobolka Rio Grande do Sul ee dalka Brazil., iyadoo magaal ooyin badan ay biyuha iyo daadadku gooyeen, rajada laga qabo in la helo in ka badan 140 qof oo weli la la’yahay ayaa sii yaraaneysa.

Inta badan Caasimadda gobolka Porto Alegreaxaa mugdi ka dhigayfatahaada, taasi oo waxyeelo u geysatay xarumaha korontada iyo biyaha, sidoo kale dadka deegaanka ayaa intooda badan ay ku dhacday biyo la’aan

"Markii aan shaqada aaday isniintii, wali waxaan mari karayay waddada biyaha badan aniga oo baabuurkeyga wata. Galabtii, ciidanku waxay dadka ku badbaadinayeen gawaarida xamuulka ah," ayay tiri Magda Moura oo degan Porto Alegre.

Waa maalintii ay daadadku burburiyeen qaybo ka mid ah koonfurta Brazil oo ay biyhu gooyeen dhismihii ay ku noolayd.

"Arbacadii, biyuhu waxay gaareen [dherer] 1.7m (5ft 6in)," ayay sheegtay

45-jirkan ku taqasusay daweynta jirdhiska ayaa ka mid ah 408,100 qof oo ku barakacay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Rio Grande do Sul ee dalka Brazil.

Hooyo falastiiniyad ah: 'Caruurtaydu waxay la gariirayeen cabsi'

Waxaan maqalnay dad ku hoyda Isbit aalka Yurub ee Khan Younis. Barnaa mijka Gaza Today ee ka baxa BBC-da laanteda afka Carabiga aya la hadas hay haweeney, taasoo ka warantay si da dadka Rafax ay uga argagaxeen markii ay maqleen duqeynta Israa’iil.

"Ka hor intii aan Rafax ka soo baraka cin, waxay nagu soo rideen gantaallo intii ka horreysay waraaqihii digniinta a haa. Ka dibna isdaba joog ayay noq deen carruurtayduna waxay la gari ireen cabsi.”

"Guryaheenii waanu ka cararnay oo xitaa dharkiina waanu soo qaadan kari waynay. Waxaan ku qasbanaanay inaan ku baxno qaab aad u murugo badan oo adag."


Dalka Urdun niyad-jab weyn ayaa laga muujiyay macalin dharbaaxaya ilmo naafo ah

Isticmaalayaasha baraha bulshada ee dalka Urdun ayaa faafiyay muuqaal fiidiyoow ah oo muujinaya macalin ku weeraraya ilmo naafa ah xarun gaar ah oo loogu talagalay dadka naafada ah oo ku taal Gobolka Irbid ee waqooyiga dalka.

Macalinka ayaa sida ka muuqata muuqaalka waxa uu barayay cunuga sida saxda ah ee loogu dhawaaqo xuruufta alifbeetada, cunuguna si wanaagsan ayuu uga dhawaaqayey. Laakin dhamaadkii muuqaalka ayaa canugii waxa uu xakameyn waayay candhuufta afka ka soo baxaysa, macalinka ayaana dharbaaxo kaga dhuftay wejiga

Laakin, sidee buu muuqaalku u faafay markii hore?

Waxa la dareensanyahay in macallimaddu ay ahayd qofka duubay muuqaalka sida ka muuqato xagasha sawirka, mana jirin qof kale oo ka dambeeyay muuqaalkan baahay iyada ama cunuga.

Macalimada ayeey ahayd qofkii soo dhigay muuqaalka bogga Facebook ee Xarunta Waxbarashada Gaarka ah. Waxaana la socday qoraal faallo ah.

Macallimada ayaa si degdeg ah u tirtirtay muuqaalka – kaas oo ay aaminsaneyd inay si qalad ah u soo dhigtay - laakiin tiro ka mid ah isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa lasoo degay muuqaalka si ay ugu faafiyaan baraha bulshada ka hor intaysan tirtirin macllimadu.

Somaliland: Shaqaale dawladeed oo amarro laga soo saaray dharka ay shaqada ku imaanayaan

Dawladda Hoose ee Berbera ayaa dul dhigtay amarro cusub oo la xiriira dhar xirashada shaqaalaha xafiisyadeed, waxa ay mamnuucday dharka qaar oo ay shaqaaluhu u soo xiran jireen xafiisyadooda shaqada.

Amarkan ka soo baxay Maamulka Dawladda hoose ee Berbera ayaa lagu sheegay in haweenka Dawladda Hoose aanay shaqada ku iman karin cabaayadaha qaarkood iyo niqaabka, halka raggana laga mamnuucay in ay soo xirtaan saraawiisha ku dheggan.

Amarkan ka soo baxay Dawladda Hoose ee Berbera, oo uu ku saxeexnaa Madaxa maamulka Shaqaalaha ee Dawladda Hoose ee Berbera, Guuleed Maxamed Daahir ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqaalaha u hoggaansami waaya amarkan ay la kulmi doonaan ganaax iyo shaqo ka eryid.

Arrintan ayaa hadal hayn badan ka dhalisay Somaliland, madaama oo ay tahay markii u horreysay ee qaabka dhar xirashada shaqaale xarun dawladdeed amar noocan oo kale ah lagasoo saaro lebiska shaqaalaha.

Qaxooti Suudaan dagaallo ka cararay oo mar kale ka baxsanaya dalkii ay miciinka bideen

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay "aad uga walaacsan tahay” qaxootiga Sudaan ee ka so cararaya xeryahoda ku yaal woqoyiga galbed ee Itoobiya sababo dhinaca ammanka ah.

Bayaan ay so Saartay hay’adda Qara mada Midobay u qabilsan qaxotiga ee UNHCR, aya lagu shegay in ku dhaw aad kun qof oo qaxooti ah ay ka qaxen xero la dajiyay oo lagu magacabo Awlala oo ku taal gobolka Amxarada halka ugu yaranna saddex boqol oo kalena ay ka tageenxerokale

Qaxootigakasooguuray xerya hooda ayaa ku sugnaa ” meel u dhow waddo” sida lagu sheegaybayaanka.Qaxootiga ayaa horay u shee gay in tirada dadka ka cararay xerya hooda ay gaari karto ilaa 7000 kun oo qof. Qaramada Midoobay aya intaa kudartayintallaabadaay qaad enqaxootiga ay daba soc oto "warbixinno dhowr ah oo ku saabsan dhacdoyin amni, oo ayku iraandambiyo,xatoyo, dhachubeysan, togasho iyo afduublasheegay inlaga halkaa.

Gobolka Axmarada ee Itoobiya ee horey u marti galiyay qaxotiga

Sudaan aya hadda waxa uu ku jira xaalad degdeg ah oo ka dhalatayis kahorimadyo hubaysan oo u dhexeya maleshiyad deganka ah iyo ciidanka.

Xildhibaan keenay arrgti farxad galisay dadka ka shaqeeya guryaha ee dalka Nigeria

Dowladda Nigeria aya qaadday tallaabo lagu ilalinayo xuquqda shaqalaha guryaha ka shaqeya

iyo sidoo dadka loo shaqeyo. Aqalka odayaasha ee dalkaasi ayash egayainloobaahan yahay in la aburo hay'ad arurin donta xogta sha qalaha iyo dadka loo shaqeya ee iska leh guryaha. Shaqalahagurayahee dalka Nigeria aya la sheega in ay had

iyo jeer la kulman tacadiyo kaga yimada dadka ay u shaqeyan taas oo hadda kentay in la radiyo waddo xal loogu heli karo. Arrintaan aya waxaa soo gudbiyay xildhibaan ka tirsan golaha sanadka oo lagu magacabo Babangida Xuseen waxana ku tageray inta badan xildhibaannadii kale.

In badan oo ka mid ah dadka ka shaqeyaha xafadaha gudaha dalka Nigeria oo u badan dad danyar ah aya u riyaqay aragtida xildhibaan Babangida ee lagu sameynayo hab lagu ilalaiyo xuquqdoda.

Dadka reer Qasa oo qarka u saaran in ay waayaan adeeg caafimaad

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in in ka badan hal milyan oo qof oo gabaad ka dhiganaya koonfurta magaalada Qasa ay halis ugu jiraan in ay waayaan daryeel caafimaad ka dib markii milatariga Israa’iil ay bilaabeen hawlgal "xooggan” oo ka dhan ah Xamaas.

Isbitalka ugu weyn saddexda isbitall ee qayb ahaan shaqeeya ee magaalada, Abu Yuusuf al- Najjar, ayaa si degdeg shaqdiisu u istagtay ka dib markii shaqaaluhu ay helen amar ku saabsan in ay meesha isaga tagaan iyo dagaallo ka ag dhacayay.

Xaaladaha isbitaallada Qasa ayaa sii xumaaneysa sababo la xiriira koronto la’aan biyo yari iyo ammaanka oo ah mid halis ah.

Sidoo kale waxa xiran waddooyinka soo gala isbitaallada taas oo xaaladda ka sii dhigtay mid adag.

 

 

 


Waa Maxay Xaaladda Lagu Dhasho Ee Wadna Furanka? Dhaqtarka Soomaaliga Ah Ee Fuliya Qalliinkaas Oo Bbc-Da LaHadlay


Wadnuhu waa mid ka mida xubnaha ugu muhiimsan jirka bini’aadanka ee qabta shaqo la’aanteed uusan qofku noolaan karin. Si la mida xubnaha kale ee jirka waxaa jira xanuuno ku dhaca wadnaha.

Xanuunada ku dhaca waxay u qaybsa maan kuwa lagu dhasho iyo kuwa ku dhaca qofka isaga oo weyn hase yee shee sida ay muujisay cilmi baaris ay sameeyeen dhaqaatiir ka tirsan Isbitaa lka Erdogan sanadkii 2021-kii ayaa muujisay in bukaanada carurta ah ee booqday qaybta wadnaha ee Isbitaalka kuwaasoo qabay cabasho la xariirta wadnaha boqolkiiba lixdan qabeen xanuunada wadna furanka ama wadne daloolka.

Markii ugu horeyeysay taariikhda Soo maaliya ayaa dhowaan yeelatay xarun lagu fuliyo qaliimada wadna furanka iyo dawayntooda gaarka ah taas oo ho wl gashay bishii Maarso ee sanadkan.

Dr. Cabdinaafic Maxamuud Xuseen, ayaa sheegay inuu yahay dhaqtarkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka suurta galiyay qalliimada wadnaha furan isa ga iyo koox isugu jirta dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal sare oo ka kala yimid tur kiga iyo wadanka gudihiisa. Xaruntaan ayaa ku guulaysatay fulinta qaliimadii ugu horeyey ee wadnaha ee lagu sameeyey bukaano qabay xanuuno kala duwan oo dhanka wadnaha ah.

Waxaa uu BBC-da u sheegay in in hirg alinta xaruntan ay waxbadan ka tari doonto heerka daweynta xanuuna da ku dhaca wadnaha maadaama uus an dalku horey u lahayn xaruntan oo kale ah.

Dhaqtar Cabdinaafic, wuxuu tilmaam ay in ilaa furitaanka wajiga kowaad ee howlgalkooda ay fuliyeen ilaa toddobo qaliin oo wadnaha ah, kaas oo lagu sameeyey bukaanno qabay xanuunno wadnaha la xiriira.

Muxuu yahay xanuunnada wadnaha ee carruurtu ku dhashaan?

Sida uu BBCda u sheegay Dr.Cab dinafic Maxamuud Xuseen, oo ah Maamulaha waaxda qaliimada furan ee Isbitaalka Erdogan oo hore loo oran jiray ‘Digfeer’, in xanuunada wadnaha ee caruurtu ku dhashaan ay ka mid yihiin daloolka wadnaha, xiddidada waawayn ee wadnaha ee isku furma ama qaybaha kale ee wad naha oo qaab dhismeedkeedu cilad ku timaado.

‘‘Wadne furanka ama daloolka wadnuhu waa xanuun inta badan carruurtu ku dhashaan, kaas oo ah in Ilmuhu dhasho isagoo wadnihiisa qaab dhismeedkiisa uusan caadi ahayn, kaas oo keenaya in shaqadii wadnaha ku timaado culays ama dhibaato” ayuu yiri Dr. Cabdinafic.

Wuxuu tilmaamay in heerka wadne furanka ee carruurta qaar ku dhashaan ay kala duwan yihiin kaas oo ay ku xirantahay nooca daloolka ee wadnaha qabo ‘‘ Waxay ku xiran tahay heerka daloolka wadnaha ee Ilmuhu ku dhasho, heerka dawada ee uu bukaankaasi u baahan yahay”

Calaamadaha ilmaha ku dhasha wadne furanka ama wadne daloolka

Waxaa jira calaamo kala duwan oo lagu arki karo Ilmaha ku dhasha wadne furanka marka uu dhashaba taas oo muujinaysa in uu xanuunkaas ka qabo wadnaha sida uu BBCda u sheegay Dr Cabdinafic.

Calaamada waxa ka mid ah

·Ilmaha oo ku dhasha isago oo jirkiisa midab ahaan beddelan yahay ama buluug u eg yahay

·Ilmaha oo diida inuu nuugo naaska hooyada.

·Neefta oo ku yar ama Ogsajiinta oo si hufan u qaadan waayo.

·Tabar darro.

·Firfircoonida oo ku yaraata..

·Daal badan iyo qufac joogta ah

·Cunada oo uusan si fican u qadan karin

·Koritaanka oo yaraada.

Dr. Cabdinafic, wuxuu sheegay in loo baahan yahay in marka calamaadaas lagu arko Ilmaha isla marka uu dhasho ama ilaa qayb ahaan uu soo gaaro da’da ila afar sano jir ay muhiin tahay in lala xiriirsiiyo dhaqaatiirta ku shaqada leh wadnaha.

‘‘Waxaa suura gal ah in bukaano loo samayn karo dawayn xilliga ku haboon ee wadne furanka, laakiin waxaa mararka qaar uu gaari karaa heer aan waxba laga qaban karin,marka xilli kasta waxaa fiican in waqti hore la geeyo dabiib bukaanka si loola tacaalo” ayuu BBCda u sheegay Dr.Cabdinafic.

Waxaa xusid mudan sida dhaqtarku sheegay in ilmuhu uu qabi karo wadne furan marka uu dhasho balse uu xan uunka qabi karo ilaa inta uu da’a weyn gaari kara taas oo ku xiran heerka xanuunka.

"Qofkii ugu horreeyey ee qalliin wadne furanka loogu sameeyo Soomaaliya"

Tan iyo markii la furay xarunta qaliinka wadnaha ee Isbitaalka Erdogan ee Muqdisho Bishii Maarso, bukaan da’adiisu ahayd 22 sano jir lab ah, ayaa lagu samaeeyey qaliin furan oo wadnaha ah. Sida uu BBCda u sheegay Dr. Cabdinaafic.

‘‘Waxaa Isbitaalka yimi nin dhalinyaro ah oo an markiisii hore u imaan xanu un la xiriira wadnaha balse baaritaano lagu sameeyey ka dib ayaa la ogaaday in wadnihiisu daloolo cabir gaarsiisan 4cm oo wareeg ah sidaasna loogu sameeyey qaliin lagu sameeyey wadnihiisa, waana lagu guulaysaty qali inkaas” ayuu yiri dhaqtar Cabdinafic.

‘‘Bukaano kale oo gaaraya lix ayaa sidoo kale qaliimo wadnaha loo sam eeyey” ayuu intaas raaciyey.

Noocyada daweynta wadna furanka

Madaxa Xarunta Qaliimada furan ee Isbitaalka Ex-Digfeer ee Muqdisho, Dr Cabdinaafic, ayaa BBC-da u sheegay in bukaanka qaba xaaladdan ay heerkiisa daweyntu kala duwanaan karto.

‘‘Mararka qaar waxaa suura gal ah in daloolka wadnaha uu bukaanka iskiis u xirmo isagoo an wax dawo ah madaa ma laga yaabo in daloolki yaraa markii sii hore, marar waxaa ku filan dawo la siiyo, marna waxaa la adeegsan Qalab ka ‘Angiographic Intervention’, kaas oo ah tubo lagu gaaro wadnaha si halka as loogu xiro duleelka. Laakiin marka waxaa loo baahdaa in la sameeyo qaliin furan oo ah in laabta la dilaacsho bukaanka dabadeedba la daweeyo wadne furanka” ayuu yiri Dr. Cabdina fic.

Soomaaliya oo ah dal dowladdnimad iisu soo kabanayso ayaa hadda heer kiisa caafimaadku gaaray in Muqdisho laga furo qayb ka mida Isbitaalka Erdo gan oo qaliimada wadnaha lagu same eyo balse nooca qalabka iyo dadka aqoonta u leh ayaa ku yar dalka.

Dr. Cabdinafic, oo ah dhaqtarkii ugu horeeyey ee qaliin wadnaha ku samee yey gudaha Soomaaliya ayaa xusay in qalabka oo qaali ah iyo qubarada loo baahanyahay oo helideedu adagtahay darteed muddadaas dalka dib ugu dhigtay in la helo xarumo qaliim wadnaha fulisay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip