HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 1-5-2024

0
Wednesday May 01, 2024 - 08:06:10 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 1-5-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay madaxa sirdoonka Turkiga

Madaxweynaha JFS ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoon ka Qaranka Turkiga Ibraahim Kalin, iya goona kawada hadlay sidii loo sii xoo jin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinac yada muhiimka ah ee labada dal, oo ay ku jiraan amniga, sirdoonka, dadaal lada wadajirka ah ee ka hortagga arga gixisada, iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Kualnka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Hay’adda Nabad Su ggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), C/laahi Maxamed Cali.

Wafdi ka socda dowladda Sweden iyo UNDP oo booqday xarunta hay’adda SoDMa

Wafdi iskugu jira dowladda Sweden, hay’adda horumarinta caalamka ee Sweden (SIDA) iyo madax ka socotay UNDP ayaa shalay waxa ay booqas ho ku kala tageen xarumaha kala duw an ee Hay’adda SoDMA, waxaana ku soo kala dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Md. Maxamuud Macallim Cabdulle iyo ku xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan.

Wafdigaan ayaa ugu horreeyn waxa ay booqashadooda ku hormareen xaru nta qaran ee howlgalada gurmadka deg-deg ah, iyaga oo kormeeray xafi syada kala duwan ee xaruntaan oo ay dowladda Sweden maalgalisay dhisma heeda, waxaana dhanka kale warbixin kooban siiyey wafdigaan Maareeyaha xarunta NEOC Xasan Cabdulqaadir, isaga oo uga warbixiyey guulaha hay’ adda gaartay, qorshayaasha hay’adda, caqabadaha iyo howlaha hortabinta u leh hay’adda SoDMA

Geysta kale wafdigaan ayaa intaas kadib waxa ay kormeer ku tageen xar unta dhexe ee SoDMA, iyaga oo hal kaas kulan kula qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qar anka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, waxana sidoo kale ay korm eer ku tageen xarunta ka digista halis-wadareedka ee SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maha muud Moallim Abdulle ayaa uga maha dceliyay dowladda Sweden taageera da ay ku bixiso dhismaha xaarunta NE OC ee hay’adda SoDMA, iyo sida ay marwalba u garab taaganyihiin guud ahaan Hay’adda Maareynta Musiiboyin ka Qaranka.

Guddoomiye Cabdi xaashi oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baar lamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Ca bdullaahi, ayaa dalka dib ugu soo laab tay ka dib markii uu magaalada Istan bul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shirwaynaha 5-aad ee madasha Baar lamaannada Qudus.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediy ay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu gurmado shaca bka Falastiin oo wajahaya xaalado bini’ aadannimo oo ay sababeen duqayma ha iyo go’doominta magaalada Qasa ay ku hayaan Israa’iil.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo Doha uga qaybgalay shirka madasha Iskaashiga iyo dhaqaalaha wadamada Carabta

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ah Amb. Axmed Ma calim Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildh ibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi

ayaa magaalada Doha ee wadanka Qatar kaga qeybgalay meertada sadde xaad ee Shirka Madasha Iskaashiga iyo Dhaqaalaha Wadamada Carabta, wadamada Aasiyada Dhaxe, iyo wad anka Azerbaijan oo loogga hadlaayey xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wada mada Carabta,

Wasiir Fiqi oo halkaas ka jeediyey kh ubad dhibacyo badan taabanaysa, ay aa wuxu halkaas kaga hadlay guulaha laga gaaray dagaalka lagu la jiro cirib-tiridda Al-shabaab, damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya oo ah xad gud ub ay dawladda Itoobiya ku samaynay so jiritaanka dhuleed iyo wadan ee Soomaaliya, iyo weli ba sidoo kale arr inta qadiyada Falastiin oo uu ugu baaq ay in laga yeesho cod midaysan.

Waxa kale oo uu ugu dambayn bogg aadiyey qabsoomidda shirkan oo uu til maamay inuu yahay mid dhabaha u xaaraya siddii kor looggu qaadi lahaa xoojinta ganacsiga ee wadamada, is kaashiga dhaqaalaha, iyo wadaagista fursadaha maalgashi ee dhinacyada si wax loogga qabto shaqo yaraanta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa: Ma Aqbalayno in markale aan ku laabano doorashadii Teendhada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ja mhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso hirgelinta dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay, taas oo hor seedda in shacabka Soomaaliyeed ay ka dawoobaan haarihii iyo dhibaatoo yinkii soo kala gaaray wakhtiyadii ad kaa ee dalku soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha oo Daahfurka Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran, oo ay soo agaa sintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay na badeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabso onto doorasho qof iyo cod ah, oo dadw eynaha Soomaaliyeed ay ku soo doort aan hoggaankooda.

"Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qof kii raba in aan ku sii soconno ha ogaa do waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na fara ysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray”.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal Qoraal ah u diray Madaxa Golaha Madaxtooyada Liibiya

Maxamed Yoonis Bashiir Bu Xuweysh Al-Menfi oo ah Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya waxa uu ku qaa bilay Ergay Khaas ah oo ka socday Ma daxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Yuusuf Axmed oo ah La-Taliyaha iyo Ergayga Khaaska ee Madaxweynaha JFS waxa uu Al-Menfi gaarsiiyey Dha mbaal Qoraal ah oo uu u soo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud.

Qaabilaadaasi waxay ka dhacday Xa runta Golaha Madaxtooyada Libya oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Tri poli, sida ay baahisay Wakaallada Wa rarka Libya

Madaxa Golaha Madaxtooyada Lib ya waxa uu ka hadlay Xiriirka laba Gee soodka ee u dhexeeya Somalia iyo Lib ya, isagoo diirada saaray Xiriirka xoo gan ee dhinacyada badan taabanayo.

Sidoo kale , Waxa kale oo uu diirada saaray Xoojinta Xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal.

Xafiiska Madaxa Golaha Madaxtooya da Libya wax Faahfaahin dheeraad ah kama bixinin Nuxurka Dhambaalka Khaaska ee uu Madaxweynaha Jamh uuriryadda Fededaalka Soomaaliya u soo diray dhigiisa dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Wafdiga uu horkacayey La-Taliyaha iyo Ergayga Khaaska ee Madaxweyne Xasan She ekh oo ka koobnaa 4 Xubnood waxaa ka mid ahaa Ambassador Daahir Max amuud Geelle oo ah Diblomaasi Rug-Cadaa ah.

Wasiirka amniga XFS oo xarigga ka jaray dhismayaal lagu soo kordhiyay xarunta Miina baarista Boliiska

Wasiirka amniga gudaha XFS Md. C/l laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xa runta Miina baarista ee Ciidanka Boliis ka Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig jarka dhismaya asha cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soom aaliyeed S/Guuto; Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Boliiska S/Guuto; Zakia Xuseen Axmed iyo marti ka soco tay hay’adaha Caalamiga ah.

S/Guuto; Sulub Axmed Firin ayaa qiray in saraakiisha Iyo ciidanka Boliis ka ee ka howlgala xaruntan ay yihiin Badbaadiyahaasha Bulshada, isagoo xusay in xilli kasta ay diyaar u yihiiin ka hortagga dhagaraha Al-shabaab ay u soo maleegeyso dadka rayid ah.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS , C/la ahi Sheeikh Ismaaciil ayaa u mahadce liyay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaa liyeed, gaar ahaan Saraakiisha iyo As karta Xaruntan, kuwaas oo mar walba qatar u giliya naftooda sidii ay u badba adin lahaayeen bulshadooda .

Xuruntaan lagu soo kordhiyay dhisma yaasha cusub ayaa halbowle u ah sug idda amniga guud ee dalka gaar ahaan Caasimada Moqdisho .

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda Japan oo gacan ka geestay hirgelinta xaruntaan oo muhiimad gaar ah u leh ciiidanka boliiska iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay dib u dhiska biyo-xireenka sabbuuni (josp)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) guddoomi yay shir looga arrinsanayay dhismaha biyo xireenka Sabbuuni, kaas oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka socotay Wasaarradaha Beeraha iyo Waraabka, Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha heer Federal iyo kuwa Hirshabeelle.

Sidoo kale shirkan waxaa goobjoog ahaa deeq-bixiyayaasha mashruuca dib u dhiska biyo xireenka Sabbuuni (JOSP) oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub, Denm ark iyo lix Hay’addood oo ka mid ah Qaramada Midoobe oo ay hoggaa mineysay FAO.

Shirkan ayaa diirrada lagu saaray dar dargelinta mashruuca dhismaha biyo xireenka kaas oo ay ka faa’ideysan doonaan 2.5 Milyan.

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fat ahaaddaha, keydinta biyaha si loo ist icmaalo marka ay jirto biyo la’aan, yare ynta faqriga, kordhinta wax soo saarka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha maamulka Hirsha beelle ayaa ka mahadceliyay dedaalka waqtigan lagu bixinayo mashruuca JOSP, isagoo sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay inuu fududeeyo wax walba oo sahlaayo in la hirgeliyo dhis maha biyo xireenka Sabbuuni.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo si weyn uga horyimid qorshe ay wado Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaa liyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa uga digay Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuuma dda Fedaraalka Soomaaliya talaabo uu ku sheegay in Wasaaraddu ay ku dooneyso iney ku burburiso ciidamada Asluubta.

Jenaraalka ayaa warkaan sheegay kadib shir sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdis ho, kaasoo looga hadlaayay arrimaha ciidanka Asluubta, wuxuuna si cad sha rci daro ugu tilmaamay qorahe uu tilma amay iney wado Wasaaradda Cadaal adda oo ay waxba kala socon dhama an taliska.

"Wasaarada Cadaaladda waan idin ogolnahay in wixii aan keenay aad isku sawirtaan balse hana gaarsiinina isku sawiri maysaan in aan idin dhahno. Asl uubta anniga ayaa Taliye ka ah, aan la’iisheegin, la’igu marti qaadin saan a yaa jirta imow aan la’idhihin, cidkale aa n wakiishto ama anniga aantagee, shi rkaas waxa aan u aragnaa qalad, burburin howl qaran ayaan u aragnaa" ayuu yiri taliyaha ciidanka Asluubta Je naraal Mahad Cabdiraxmaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay Taliye Ma had Cabdiraxmaan Aadan in ciidanka Asluubta ay sharci ku dhisan yihiin, isl amarkaana hadii la doonayo in la raro uu masuul ka yahay madaxweyne Xas an Sheekh Maxamuud wixii ku saabv san sharci badalid, wuxuuna ku baa qay in laga fogaado waxyaabaha iska horkeenaya Wasaaradda Cadaaladda iyo ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

"Dadka waxaan ku howlan waxaan leeyahay waa Iska horkeyn Siyaasade ed ee ciidanka iyo Wasaaradda ha is ka horkeenina” ayuu yiri Taliye Jenaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo ya qaano Taliye Shub.

Guddoomiye Shuute "Ogaada hada kadib nabadu baryo maaha, qofkii dil geysta cidiisa ayaa lagu dhex toogana"

Guddoomiyaha Maxkamadda ciida mada qalabka sida ee Soomaaliya Xas an Cali Nuur Shuute oo howlo nabade yn ah u jooga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa fariin adag u dir ay dadka Soomaaliyeed ee qabiil aha an isku dilaya.



Guddoomiye Shuute ayaa ku hanjab ay in qofkii qof kale qabiil ahaan u dila iney Maxkamaddu ku hor toogan doon to reerkiisa.

"Ogaada hada kadib nabadu baryo maaha, qofkii dil geysta, cidii uu lahaa waxbaan u dilay ayaa lagu dhex tooga nayaa, gurigiisa ayaa lagu hor tooga naa si loogu quus qaato, shalay kadib qof kii qof dila bartii uu ku dilo ayaa la gu tooganaa, mana fakan doono ogaa da" ayuu yiri guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomi yaha Maxkamadda ciidamada inaan waqtigaan loo baahneen in shacabka Soomaaliyeed qabiil ahaan isku dagaa laan, islamarkaana dagaalka u dhaxee yo uu la macno yahay iney kasoo horj eedaan howlaha dalka looga xureyna yo Al-shabaab.

"Waxa aad ku dhaqmeysaan dhaqan islaam maaha, waxayna ka soo horjee daan hadafkiina iyo colaada idiin dha xeysa in Khawaarij iska xoreynsaan ama dalka laga xureyo mana yeeleyno taas" ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Hadalkaan ayuu guddoomiyaha Maxk amada ciidamada ka sheegay gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo beela ha Xawaadle iyo Abgaal oo taala deg mada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana guddoomiyaha howlaha nab adeynta ku wehlinaya masuuliyiin kale ay ka mid yihiin Taliyaha NISA Cabdul laahi Sanbaloolshe iyo hoggaamiye Cali Jeyte.

Masuuliyiintaan ayaa waxgaradka la bada beelood ka dalbaday inay mee sha ka saaraan colaada u dhaxeysa ee sababtay iney kala go’aan oo ay is dhexmari waayaan, islamarkaana ay is ka dilaan dad badan.

Markab Xamuul oo ka shiraacday Djibouti oo la weeraray

Shirkadda UK ee Ammaanka Badda ha ee loo soo gaabiyo AMBREY ayaa sheegtay in Markabkaasi uu ku sii jee day Dekedda magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Markabkaasi oo uu ka dul-babanayey Calanka Malta waxaa lagu weeraray meel qiyaastii 54 nautical miles dhanka W/Galbeed kaga toosan Dekedda ma gaallada Mokha ee dalka Yemen.

Dhanka kale, Hay’adda UK ugu qaa bilsan Hawlgallada Ganacsiga Badda ha (The United Kingdom Maritime Trad e Operations (UKMTO) waxay tilmaam tay in 3 Gantaal lala beegsaday Mar kabkaasi oo waxyeelo geystay.

UKMTO waxay xustay in Gantaalka Koowaad uu ku dhacay meel ku dhow Markabka, halka 2 kalena ay ku dhace en Markabka, lana soo weriyey Khas aaro soo gaaray markabkaasi.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa shee gtay inay ka dambeeyeen Weerarkaasi, waxayna ku eedeeyeen Markabkaasi inuu gacansaar la leeyahay Israel.

Qarax lagusoo qariyay gaari Dameer oo shan qof Ku dilay magaalada Ceelwaaq

Shan qof ayaa ku geeriyooday, shan kalena si xun ayay ugu dhaaacmeen qarax lagusoo qariyay gaari dameer, kaasoo ku qarxay magaalada Ceelw aaq Kenya, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki.

Qaraxan, oo dhacay Isniinta dorraad, cidna ma sheegan, hase ahaatee, wu xuu ka dhacay aag si joogto ah ay u beegsadaan kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa waxaa lagu soo dhex qar iyay gaari dameer si looga fogaado in la ogaado, ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha.

"Goobta dembiga ayaa la xiray si loo fududeeyo daadgureynta iyo baarita anada iyadoo ay ciidamada amnigu ku daba jiraan kuwii weerarka soo qaa day."

Wasiirku ma uusan sheegin cidda loo malaynayo inay ka dambeysay qaraxa.

Weerarkan wuxuu daba socdaa dhacdo hore oo bishan dhacday, markii dabley looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ay weerareen isbitaalka Ceelwaaq, iyagoo bartilmaameedsaday ilaalada isla markaana weydiiyay halka ay joogaan dhakhaatiirtu.

Weerarkaas kaddib cidna looma qaban.

Al-Shabaab ayaa ku dooda weerarad eeda inay yihiin aargoosi ka dhan ah ciidamada Kenyan ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee taagee raya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Mid owga Afrika ee Soomaaliya ayaa la fila yaa inuu dhammaado bisha Diseemb ar, iyadoo ciidamada Soomaaliya ay u badnaan doonaan mas'uuliyadda amni ga.

SSC Khaatumo oo ku eedeysay Somailand inay colaad ka hurinayso gobolka Sanaag

Maamulka SSC Khaatumo ayaa ku eedeeyay Somaliland inay colaad soke eye ka hurinayaan degaanada gobolka Sanaag, ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay labo qof oo shacab ah oo kasoo jeeday degaana da SSC.

Warsaxaafadeed kasoo baxay SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay, in So maliland ay ciidamo ku abaabulayso gobolka Sanaag, taasoo ujeedka laga leeyahay uu yahay in colaad la galiyo gobolkaas sida uu maamulka SSC she egay.

SSC Khaatumo waxay sheegtay, caw aaqib xumada ka dhalata colaaddaas iyo dilalka loo geysanayo dadka rayid ka ah, inuu qaadayo maamulka Somali land.

Sidoo kale, SSC Khaatumo waxay sh eegtay inay Somaliland waddo abaabu lka duullaan ka dhan ah degaanadoo da, taasoo ay sheegeen in aysan marn aba aqbali doonin.

Dadkii UK ay geyn laheyd Rwanda oo qaarkood meelna lagu sheegin

Dowlada Britan ayaa sheegtay in ay san degdeg ku heli karin in ka badan kala bar ku dhawaad lix kun oo la geyn lahaa Rwanda taas oo qeyb ka aheyd siyaasadda cusub ee barlamaanku an sixiyeen toddobaadkii la soo dhaafay.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in qaa rkood aysan la soo xiriireynin xafiiska arrimaha gudaha, dowaldana aysan ha yn meel lagula xiriiro. Balse wey beeni say in ay lumiyeen raadkooda.

Dukumentiyo ayaa muujinaya in 5,700 oo magangalyo doon ah loo diya ariyay markii hore in la geeyo Rwanda balse 2,143 oo kaliya ayaa wasaara dda arrimaha gudaha la socodsiiya xaalkooda, kuwaas ayaana la heli ka raa.

Xisbiga talada haya ayaa ku doodaya in qorshaha dadka lagu geynayo Rwan da uu joojinayo muhaajiriinta doonyaha yar yar kaga

Soomaaliya oo laga fulinayo mashruuc ay ka faa’iideysan doonaan 2.5 milyan qof

Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yu rub, Denmark iyo Qaramada Midoobay ayaa gudaha Soomaaliya ka fulinaya mashruuc ay ka faa’iideysanayaan 2.5 milyan qof.

Mashruucan oo lagu dhisayo biyo xir een aad u ballaaran ayaa waxaa shir lagu dardar-gelinayo guddoomiyey ma daxweynaha HirShabelle Cali Cabdul laahi Xuseen (Guudlaawe).

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay wa saarradaha beeraha iyo waraabka, ta marta iyo kheyraadka biyaha heer fed eral iyo kuwa HirShabelle.

Waxaa kale oo goobjoog ka ahaa deeq-bixiyayaasha mashruuca dib-u-dhiska biyo xireenka Sabbuuni (JOSP) oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareyk anka, Midowga Yurub, Denmark iyo lix hay’addood oo kamid ah QM oo ay ho ggaamineysay FAO.

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatah aaddaha, keydinta biyaha si loo isticm aalo marka ay jirto biyo la’aan, yarey nta faqriga, kordhinta wax soo saarka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.

"Dowladda HirShabelle waxa ay diyaar u tahay wax walba oo sahlaayo in la hirgeliyo dhismaha biyo xireenka Sabb uuni, hirgelintiisa faa’ido weyn ayay u tahay dadka HirShabelle,” ayuu madax weyne Cali Guudlaawe ka sheegay shirka.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa ugu dambeyntiina ka mahad-celiyay dadaalka waqtigan lagu bixinayo mashruuca JOSP.

Dalka uu barafku ka qaalisanyahay rootiga iyo caanaha iyo kuleyl loogu dhintay

Dalka Mali oo dhaca qaaradda Afrika ayaa waxaa soo wajahay kulayl aad u heersarreeya, taasoo keentay in qeybo ka mid ah dalkaasi uu qiimaha barafka suuqyada ka noqday mid ka sarreeya kan rootiga iyo caanaha.

Korontada oo qaali ah iyo talaajado la'aan awgeed, waxay isticmaalaan barafka la xir-xiro.

Laakiin habkani wuxuu sidoo kale shaqeeyaa ilaa xad, laakiin kor u kaca qiimaha ayaa xaaladda ka dhigaya mid aad u adag.

Xaaladdan ayaa barafka ka dhigtay mid ka qaalisan rootiga. Rootiga caadiga ah waa 250 faran halka barafku uu yahay 300 ilaa 500 lacaga maxalliga ah ee dalkaasi laga isticmaalo.

Dhibaatadu waxay soo bilaabatay sanad ka hor markii shirkadda Korontada ee dowladda Mali ay ku guuldareysatay inay daboosho baahida sii kordheysa kadib markii lagu yeeshay balaayiin doolar oo deyn ah sanadihii ugu dambeeyay.

Koronto la’aantu waxay la macno tahay marawaxado la’aan habeenkii, taasoo dad badan ku khasabta inay seexdaan meel ka baxsan guryahooda.

Tan iyo bishii Maarso, heerkulka qaybo ka mid ah Mali ayaa kor u dhaafay 48 darajo Celsius, oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.

Goobaha qaar iskuulada ayaa la xiray taxadar awgii.

UK oo bilaabaysa Raafka Muhaajiriinta loo tarxiilayo dalka Rwanda

Muhaajiriinta sharci-darrada ku soo galay dalka Britain ayaa la filayaa in la soo qabqabto muddo Toddobaadyo, iyadoo loo diyaar garoobayo Duullimaadyadiii u horeeyey Muhaajiriinta la dejinayo dalka Rwanda.

Wargeyska The Guardian ayaa qoray in berrito oo Isniin ah la bilaabi doono Hawlgalka dadka Muhaajiriinta sharci-darrada loogu gudbin lahaa Xarumaha dadka lagu hayo.

Xafiiska Arrimaha Gudaha ee dalka UK ayaa sheegay in la galayo Wejigii u dambeeyey ee hawlgalkaasi.

Qareen Aamer Anwar oo ka tirsan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Fadhigeeda Dhexe yahay Glasgow (The Glasgow-based human rights) ayaa sheegay in lagu wargeliyey in berrito oo isniin ah la bilaabayo Hawlgalka Qabqabashada Muhaajiriinta loo tarxiili doono dalka Rwanda.

Qareen Aamer Anwar waxa uu xusay inuu rajaynayo in maalmaha soo socda la arko Kacdoon Dhabaha Kenmure Street ee guud ahaan dalka UK.

Dibadbaxyadda Waddooyinka ee looga soo horjeedo Raafka Muhaajiriinta sharci-darrada ayaa waxay magaalladda Glasgow ka dhaceen sanadkii 2021-kii, iyadoo xilligaasi ay Boqolaal qof jidka ka xireen Gaadiidka Waaxda Socdaalka, si looga hortago in khasab lagu kaxeeyo Magangelyo-doonayaasha

Gobol ka tirsan Mareykanka oo gebi ahaanba ay duufaanno bur-buriyeen

Dhismayaasha ayaa burburay, tobanaan kun oo kamid ah dadka deegaanka ayaa koronto la’aan ku nool.

Duufaanta ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof oo uu ku jiro ilmo yar.

Howlgalo nadaafadeed ayaa ka socday magaalada Sulphur, halkaasoo duufaantu ay dhulka la sintay dhismayaal, isla markaana ay jeexjeexday saqafyada.

Xaalad degdeg ah ayaa lagu soo rogay 12 gobol. Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden uu si buuxda u taageeray dowladda federaalka

Hoggaamiyayaasha Afrika oo waydiistay $120 bilyan si ay ula dagaallamaan isbedelka cimilada

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa soo hadal qaaday saameynta fat ahaadaha shalay ka dhacay Kenya ta asi oo cadeyn u ah in loo baahan ya hay in wax badan laga qabto

Madaxda Afrika iyo kuwa dowladda ay aa ugu baaqay waddamada qaniga ah in ay sameeyaan tabarucaad taariikhi ah oo lagu caawinayo waddamada soo koraya si loola dagaallamo isbedelka cimilada.

Kulan ka dhacay magaalada Nairobi ayuu madaxweynaha Kenya ugu baaq ay deeq bixiyayaasha inay ugu yaraan boqol iyo labaatan bilyan oo dollar ku bixiyaan dhismaha bangiga adduunka ee sida gaarka ah loo sameeyay. Mr Ruto ayaa ka hadlayey daadadka Ken ya iyo abaaro ba’an oo saameeyay dal alka koofurta Afrika.

Ruto waxa uu sheegay in loo baahan yahay gurmad wadajir ah oo lagu xaqii jinayo badbaadada adduunka. (Wada mada deeq bixiyayaasha ayaa lagu wadaa inay ku yaboohaan tabaruca adkooda Ururka Horumarinta Caalami ga ah ee Baanka Adduunka shir ka dhi ci doono dalka Japan bisha December.

UK oo cunaqabteyn saartay afhayeenka baarlamaanka Uganda

UK ayaa cunaqabteyn saartay afhaye enka baarlamaanka Uganda iyo sidoo kale labo xildhibaan oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Qoraal ay soosaaren ayaa lagu shee gay in ay xatooyo ku sameeyeen bulsh ooyinka dalka ugu saboolsan sidaa dar teed ay tahay in la saaro xayiraado sa farka iyo mid hantiyeed.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa sheegtay labo wasiir oo hore, Ma ry Goretti Kitutu iyo Agnes Nandutu, in ay xadeen malaayiin lamayeero oo loo gu talogalay bulshooyinka saboolka ah ee ku nool gobolka Karamoja.

Waxaa la sheegay in Afhayeenka, Ani ta Among, ay sidoo kale ku lug laheyd musuqmaasuq la xiriira dhaqaalaha baramaanka.

Ms Among waxay ku tilshalayy eed aha in ay been yihiin. Waxay sheegtay in sababtu ay tahay taageerada adag ay siisay sharciga looga horjeeday dad ka iskujinsiga ah ee wax iska doona.

soo gudbaya dhinaca Far ansiiska.

UK oo sheegtay in ay baareyso sababta Djibouti ay u soo masaafurisay xildhibaan Tim Loughton

Xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa raadinaya xog dheeri ah oo ku saab san xildhibaanka laga masaafuriyay Djibouti.

Tim Loughton oo hadda xildhibaan ah horena wasiir u soo ahaa ayaa la xiray ka hor inta aan la soo saarin duulimaa d ka soo baxayay Djibouti. Xildhibaan ka ayaa shegay in uu aaminsan yahay in ay la xiriirto arintan xiriirka dhow ay la leeyihiin Shiinaha

Mr Loughton si weyn ayuu u dhaliilaa Beijing, waxa uuna ka mid ah koox xild hibaano UK ah oo Shiinaha ay cunaqa bteyn saareen 2021-kii.

Afhayeenka rasmiga ee ra’iisulwasaar aha UK ayaa u sheegay wariyayaasha in uu aaminsan yahay in kiiskan ay ka siiyeen Mr Loughton taageero dhinaca la talinta ah, isla waqtigaas ay sidoo ka le ku soo qaadeen dowladda Djbouti.

"Inkastoo ay xaq u leeyihiin in ay u dii daan in uu dalkooda galo hadana wax aan arintan ka weydiinay xog dheeri ah”

Mr Loughton ayaa hore BBC Radio 4 ugu sheegay in aysan jirin sabab dalka loogu diido. Wuxuu kaloo sheegay in si qof laga shakiyay oo kale loo fiiryay markii uu siinayay baasbarooksiisa qey bta socdaalka.

"Djibouti waa sida wadan hoostaga Shiinaha. Si weyn ayaan u dhaliilnay Shiinaha markii aan tageynay Somal iland, sababtuna waxay aheyd khatarta ay ku yihiin gobolka” ayuu yiri Mr Loughton

Afhayen u hadlya safaaradda Shiina ha ayaa u sheegay BBC in eedahaasi aysan sal laheyn.

Afar sarkaal ayaa toogasho lagu dilay iyadoo afar kalane ay dhaawacmeen North Carolina

Afar ka mid ah ciidamada ammaanka oo amar maxkamadeed ka fulinayay magaalada Charlotte ayaa toogasho la gu dilay iyadoo afar kalena ay dhaawa cmeen sida ay boolisku sheegeen.

Ugu yaraan qof looga shakiyay in uu yahay kuwa askarta weeraray ayaa la ga helay meydkiisa guriga hortiisa ka ddib markii ay ciidamada is horfadhiy een ugu yaran saddax saacadood.

Boolisku waxay sidoo kal sheegeen in ay tuhunsan yihiin in labo qof oo ka le oo hubeysan ay ku lug lahaayeen weerarka.

Ciidamada waxay waxay isku dayaye en in ay soo qabtaan dambiile si sharc idarro ah u haystay hub.

"shalay waxaa naga baxay geesiyaal doonayay in ay bulshadeena ammaan ahaato,” ayuu yiri taliyaha booliska oo la hadlay wariyayaasha.

Haweeney iyo wiil 17 jir ah ayaa loo gu tagay gudaha guriga sida ay bool isku sheegeen. Waxaa la rumeysan ya hay in midkood uu toogtay booliska. Dhowr iskuul oo goobta ka dhawaa ay aa la xiray.

Waa mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado cii damada ammaanka Mareykanka toba naan sano.

Weerar dad lagu waxyeelleeyay oo ka dhacay magaalada London

Dhacdo halis ah ayaa looga dhawaa qay waqooyi bari London, sida uu she egay xildhibaanka Wes Streeting, iya doo ay jiraan warar sheegaya in dhowr qof lagu tooriyeeyay meel u dhow xar un gaadiidka dadweynaha laga raaco.

Booliska caasimadda ayaa sheegay in nin loo xiray, waxa ayna soo saareen faahfaahin dheeraad ah.

"Booliska iyo kuwa kale ee gurmadka degdegga ah ayaa ku sugan Hainault, oo ah bariga London, halkaas oo ay ka dhacday dhacdo halis ah," ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay.

"Waxaa nala soo wacay wax yar ka hor 07:00 BST, waxaana naloo shee gay in gaari lagu galay guri ku yaala agagaarka jardiimooyin ku yaalla Thur low, waxaa jira warar sheegaya in dad lagu weeraray.

"Nin 36 jir ah ayaa goobta lagu qab tay, xabsiga ayaana lagu hayaa."

Booliisku waxay "ogaadeen" in tuhma nuhu uu ku guda jiray inuu weeraro xu bnaha kale ee dadweynaha, iyo laba sarkaal, lama oga xaaladda dhibbanay aasha

Booliisku waxay rumeysan yihiin inay san jirin khatar socota hadda, dhacda danna aysan la xiriirin argagixisanimo

Canada oo taleefannada gacanta iyo aaladaha baraha bulshadaba ka mumnuuceysa dugsiyada waxbarashada

Dowlad gobaleedka Ontario ayaa jooj iyay isticmaalka telephone-ka inta lagu guda jiro waqtiga iskuulka iyo sidoo ka le qaar ka mid ah aaladaha baraha bul shada sida Instagram iyo snapchat oo laga saaray gabi ahaanbba qadka isk uullada.

Isticmaalka xad-dhaafka ah ee telep hone-ka ayaa la sheegay in saamayn caafimaad iyo mid waxbrashaba uu ku yeeshay ardayda.

Ontario waa gobalka kobaad ee So malida dalka Canada ay ku nooshahay, hadaba warbixin la xiriirta arrintaan iyo sida looga arko guud ahaan gobalkaas gaar ahaan Soomaalida waxaa Edmon ton kasoo diray Durraan Xasan yare



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip