HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 30-4-2024

0
Tuesday April 30, 2024 - 10:13:15 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 30-4-2024

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Ad duunka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la ma al-geliyo loo weeciyo dhanka kaabe yaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isk aashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ga nacsiga dalalka Qaaradda ay aas-aas u tahay qorsheyaasha kobcinta nola sha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga hor umarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

"Soomaaliya marka loo eego dhaawac soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hay’a daheeda dowladeed, shalay waxaa muuqanaysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkayd, iyadoo cagta saartay dhab baha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi. Saas oo ay ta hay waxaan sii wadnaa qorsheyaal la gu xaqiijanyo soo kabashadaas dha qaale iyo dhiirri-gelintiisa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Madaxda Bangiga Adduu nka dadaalka ay ku bixinayaan maalge linta iyo awood-siinta dowladaha nugul, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shirgud doomiyey kulan looga hadlayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ay aa guddoomiyey kulan gaara kaasi oo looga hadlaayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay warbixin ku saabsan hab cusub oo ay dowladda Soomaaliya kula wareegey so mas’uuliyadda soo saarista warbix innada sugnaanta cunnada.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in dowladdu yeelato awoodda soo saa rista warbixinnada sugnaanta cunnada, iyadoo la fulinayo heshiiskii ay dowla du la gashay Hay’adaha caalamiga ah.

Madaxweynaha JFS oo magaalada Nairobi uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay mag aalada Nairobi ee dalka Kenya uga qe yb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo .

Shirkaan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn caf inta, doonaysana in ay hesho maalga lin caalami ah si sare loogu qaadayo wax soo saarka gudaha, dib-u-habeyn ta maaliyadda oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaal iya.

Taliyaha ciidanka dhulka XDS oo Muqdisho tababar ugu furay Saraakiil ka tirsan ciidanka

Taliyaha ciidanka dhulka XDS Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa shalay magaalada Muqdisho Tababar uga Fu ray Sarakiil Ka Tirsan qaybaha iyo Guu tooyinka Ciidanka Dhulka Xoogga Dal ka Soomaliyeed .

Tababarkaan ayaa ah mid Lugu bara nayo Howlaha is ku xirka qaybaha iyo guutooyinka Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaliyeed , tasoo lagama ma armaan u ah Howlgalada Sifeeynta ah Ee Lagula Jiro Khawarijta Arxanka da ran .

Taliyaha oo xusay muhiimada isku xir naanta talisyada qaybaha iyo Guutoyi nka ayaa ku amanay sarakiisha shaqa da hufnanta Leh ee ay u hayaan ciidan ka dhulka xooga dalka soomaliyeed, waxa uuna Faray in ay laba jibaraan howl shaqeedkooda ciidan .

Taliska Ciidanka dulka xoogga Dalka Somaliyeed oo hor kacayo Taliyaha Cii danka dhulka Gen dayax Cabdi cab dulle ayaa wada Dardar ku aadan Ho wlaha kala duwana Ee Taliska dhulka Ee ciidanka xoogga dalka soomaliyeed.

 

Wasiirka Caafimaadka daahfuray Mashruuca lagu hormarinayo caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee XFS ayaa munaasabad ka dhacday Safaaradda Boqortooyada Ingriiska ku daahfuray Mashruuca Better Lives oo socon doona mudo labo sano ah kaa soo laga fulin doono Galmudug, Jubal land iyo Gobolka Banaadir iyadoo sida uu qorshuhu yahay ay ka faaideysan doonaan ku dhawaad 1.5 million oo ay kamid yihiin 400 oo kun Hooyooyin Soomaaliyeed iyo 300 oo kun caruur Soomaaliyeed ah islamarkaana ay heli doonaan Talaalka laga maarmaanka ah.

Mashruucan oo ay maalgalintiisa leed ahay Hay’adda UKAID ayaa laga fulin doonaa 11 degmo oo kamid ah qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada sida Galmudug, Juballand iyo Gobolka Banaadir oo ay kamid yihiin goobaha laga xoreeyay Al-shabaab oo aan hor ay u helin adeegyada Caafimaad ee aas aasiga ah.

Munaasabada daahfurka mashruuca waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guu d ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, Xildhiba ano ka tirsan BJFS iyo qaar kamid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee ka sha qeeya Caafimaadka

Wasiirka ayaa saaxibada taabagalin aya Mashruucan uga mahadceliyay taageeradooda isagoo sheegay in mashruucan uu waxbadan ka tari doono Caafimaadka Hooyada iyo Dhal laanka tasoo qeyb lixaadle uga qeyb qaadaneyso horumarinta Caafimaadka Dalkeena.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray Aqoon is-weydaarsi ku saabsan doorka warbaahinta ee hannaanka casriyeynta dowladnimada

Kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayey doorka warbaahinta hey’a daha dowladdu ay ka qaadan karaan hirgelinta Hannaanka casriyeynta Dow laddnimada iyo sidii farriimaha dowlad da looga dhigi lahaa kuwo waxtar leh oo isku xira, bulshada iyo dowladda, ayaa ku qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xuk uumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Ja amac oo kulanka soo xiray, ayaa she egay in looga baahan yahay dadka ka shaqeeya warbaahinta hey’adaha dow ladda in ay noqdaan dad aqoon leh oo xog-ogool u ah arrimaha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dheeraaday doorka ay warbaahintu ku leedahay dowlad-dhiska iyo dagaa lka lagula jiro kooxaha Al-shabaab ah, waxa uuna hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu jiheeyo dowladnim ada casriga ah.

Kulanka oo intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo warbaahinta loogu jiheynayey hannaanka dowlad-dhiska iyo la dagaallanka Al-shabaab , ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Gaani, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala iyo Howlwadeenna da Warbaahinta ee Hey’adaha Dowlad da.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Dhagax-Dhigay Dhismaha Wasaaradaha Amniga iyo Cadaaladda

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shalay Dhagax-Dhigay Dhismaha Wa saaradaha Amniga iyo Cadaaladda.

Munaasabada Dhagax-Dhiga waxaa Mad axweynaha ku Wehlinayey Wasiir ka Amniga, Wasiirka Cadaalada, Wasiirka Howlaha guud, Wasiirka Warfaafinta, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga.

Shirka Seddax biloodlaha ah ee isku-duwidda Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Abdijaliil ayaa furay shirka sadex biloodlaha ah ee isku-duwidda howlaha Caafimaadka dalka

Shirka oo socon doona mudo laba cis ho ah waxaa goobjoog ka ahaa Agaas ime waaxeedyada Wasaarada Caafim aadka, xubno ka socdey Wasaaradaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada, Saaxibada taageera Caafimaadka da lka iyo saamileyda Caafimaadka dalka, iyadoo ujeedadiisu tahay soo Horuma rinta qorshaha Caafimaadka iyo soo bandhigidda warbixinta waxqabadka mashaariicda Caafimaad Dalka.

Agaasimaha guud ayaa ka qayb-gal ayaasha shirka ku booriyay inay laba da maalmood ee uu shirku socdo dood waxtar leh ka yeeshaan horumarinta Caafimaadka dalka si loo helo Caafi maad tayeysan oo dhamays ah islamark aana ka hirgela guud ahaan dalka.

Taliyaha xoogga dalka oo kulan la qaatay taliyaha ciidanka gaarka ah ee Mareykanka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soo maaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Mu xudiin ayaa shalay kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab la qaatay Taliyaha ciidama da gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureynayo Al-shabaab,isa goo xusay inuu dhawaan bilaaban doo no howlgalka.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta hawlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howlgalka

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay Mashruuc xoojinaya isku xirka nidaamyada bixiya digniinaha halis wadareedka heer Federaal &heer dowlad goboleed

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa shalay xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu ka daah-furay Mashruuc xoojinaya isku xirka nidaamyada bixiya digniinaha halis wadareedka heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, taas oo uu maalgalinayo Bangiga lacagta aduunka , isaga oo soo dhexmarsiin doono mashruuca ka soo kabashada xasadaraha Soomaaliya (SCRP).

Mashruucaan waxa uu si gaar ah u tageerayaa Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxana ujeedka laga leeyahya uu yahay in dhammaan nidaamyada bixiya digniinaha qataraha halis wadareedka la isku xiro, waxana daahfurkiisa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS,Bankiga lacagta aduunka, Madaxa xafiiska Hay’adda cuntada aduunka ee Soomaaliya WFP , waxaana alaada Zoomka uga soo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka Hirshabeelle.

Sidoo kale shir gaar ah oo ay yesheen dhinacyadan waxa ay ku falanqeyeen sida loo bilaabi la haa,loona dardargalin la haa mashrucaan madaama haatan laguda galay roobka gu’ga.

Shirka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan waxaa furay Wasiirka Arr imaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yusuf Cali, iyadoo inta uu socdo looga hadli doono daadajinta adeegyada dowla daha hoose.

Waxaa ka soo qayb-galay shirkaan Masuuliyiin ka socota Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka socda Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo

Sidoo kale Kulanka waxaa qayb ka ah, saaxiibada Beesha caalamka ee taageera Mashruuca Dowladaha Hoose ee JPLG-ga.

Xubin Sare oo ka tirsanaa Daacish oo la qabtay

Taliska Ciiddanka Ammaanka ee dalka Iraq waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Taliyihii Kooxda Daacish ugu qaabilsanaa Booliska magaalladda Mosul oo ah Caasimadda Gobalka Ninawa ee Waqooyiga dalkaasi.

Warbixin dhanka Sirdoonka iyo Dabagal socday ayaa suurtogelisay in Taliyahaasi oo lagu naanayso Abu Saqar lagu qabto gudaha Mosul oo 400 KM dhanka Waqooyiga kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Baghdad.

Dagaalamayaasha Kooxda Daacish waxay horey maamuli jireen magaallada Mosul tan iyo sanadkii 2014-kii, ka hor intaysan Ciiddanka Dowladda Iraq dib ula wareegin sanadkii 2017-kii.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay qarixii lagu dilay Shaqaalaha Shirkadda Hormuud

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareyneysay qarixii lagu diay Shaqaalaha ka tirsan Shirkadda Hormuud, kaas oo dorraad gelinkii dambe ka dhacay degaanka Garas-baaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri” Falkaan oo ahaa mid ka fog Diinta iyo Qiyamka Bini-daamka waxa ay Khawaarijtu si ku tala gal ah ugu beegsatay gaari ay leedahay shirkaddu kaas oo ay saarnaayeen lix muwaadin oo ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda kuwaas oo dhamaantood ku naf-waayay ficilkaas.

Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo ku baaqay in doorasho loo diyaar garoobo

Koomiishanka Doorashooyinka So maliland ayaa dadwaynaha iyo daneey ayaasha ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan doorashooyinka soo socda.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, oo warbaahinta la hadlay kadib kulan ay xubnaha guddidu la yeesheen Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa bulshada iyo warbaahinta ugu baaqay in la ilaaliyo anshaxa doorashooyinka.

"Doorashooyinkii ayaa loo dhaqaaqay, waxaanu rajaynaynaa dhamaan bulahada Somaliland, saxaafada in loo hoggaansamo xeerarka inoo yaala, oo koomiishanka shaqadiisa loo daayo, wixii dhib ah ee jira waxa jira qaabab aanu ula shaqayno daneeyayaasha" ayuu yidhi Guddoomiye Yuusuf.

Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay koomiishanka kala shaqaynayaan sidii doorashadu ay si xalaal ah ugu qabsoomi lahayd, iyaga oo koomiishanka ku amaanay shaqada uu hayo oo ay sheegeen in ay tahay mid hufan.

Waxa dhawaan lagu dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee ay qabsoomayaan doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo axsaabta siyaasada, waxayna wada qabsoomi doonaan 13, November, 2024.

Maxkamadda gobolka oo go’aan ka gaartay kiiska Taliyaha booliska garoonka Muqdisho

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan kasoo saartay kiiska loo haystay Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde G/dhexe Cabdifitaax Bashiir Cali.

Maxkamadda ayaa sheegtay in wax dambi ah ku weysay taliyaha, ayada oo horey loogu soo eedeeyay in uu horyimid garsoorka, uuna diiday inuu joojiyo dhul lagu muransan yahay oo markaas la sheegay in sifo sharci darro ah looga dhisanayo xeyndaabka garoonka Aaddan Cade ee magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa xustay in Gaashaanle Dhexe Cabdifataax Bashiir Cali uu horyimid maxkamadda gobolka Banaadir maalintii dorraad aheyd, islamarkaana wax laga waydiyay kiiska loo haystay.

"Maxkamadda waxaa u cadaatay in uusan wax lug ah ku lahayn kiiska lagu eedayay,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir ee la xiriira kiiskan.

Sidoo kale waxaa lagu yiri "Maxkamadda ayada oo cuskaneysa asbaabta sare ku xusan si waafaqsan qod: 107/3 dastuurka kumeel-gaarka gudaneysana waajibka saaran ee ku xusan qod 76,77 XHCS waxay ooday gal dacwadeedka ciqaabta ah ee sumadiisu tahay MGB/DCL/576/2024.”

Maxkamadda ayaa sidoo kale baabi’isay waaranka soo qabasho ee 25-kii bishaan loo jaray Taliye Cabdifataax Bashiir Cali. Waxaana go’aanka la gaaray shalay oo taariikhdu tahay 29/04/2024.

Maxkmada gobolka Banaadir ayaa Taliyaha horey ugu yeertay, ayada oo sheegtay inuu ka dhago adeygay inuu horyimaado, balse ugu dambeyn dorraad ayuu hortegay maxkamadda, waxayna shalay sheegtay in aan waxba loo haysan ninkaan, laguna waayey eeda horey loogu jeediyay.

43 qof oo lagu la'yahay doon ku qarqantay meel u dhaw magaalada Garisa

43 qof oo doon uga gudbayay wabiga Tana River ee magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa lagu la’ yahay nolol iyo geeri.

Dadkaan oo kasoo safray magaalada Nairobi, ayaa la sheegay inay doon kasoo raaceen deegaanka Kona Punda oo u dhow jidka isku xira magaalada Gaarisa iyo degaanka Madogo ee gobolka Waqooyiga Bari.

Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo maalmahan ka da'ayay Kenya iyo wabiga Tana oo karkaarada jabsaday, ayaa loo maleynayaa in ay sababtay in doonta ay dadkaan la socdeen ay qarqantay, lamana hayo war sax ah oo ku saabsan nolasha dadkaan safarka ahaa.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in doonta ay dadkan la socdeen loo maleynayo inay gudoontay markii ay isku dayday inay kasoo gudubtay webiga Tana.

Dadka lala yahay ayaa kasoo jeeda magaalada Garisa, waxayna ahaayeen dad doonayay inay guryahooda kusoo laabtaan, maaddaama ay Kenya ka jirto xaalad degdeg ah oo ka dhashay roobab mahiigaan oo sababay daadad xooggan.


Somaliland oo u mahadcelisay sanatar ka tirsan Koongraska Maraykanka oo ku baaqay in Somaliland lala macaamilo

Somaliland ayaa u mahacelisay Sa natar James E Risch oo ka tirsan Guddida Arrimaha Dibadda Koonga raska Maraykanka oo dowladiisa ugu baaqay in ay xidhiidh la samyso Soma liland.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa qoraal jawaab celin ah oo uu ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in Somaliland ay Risch uga mahadcelinayso taageeradiisa.

"Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Somaliland, waxaan jecelahay in aan kaaga mahadnaqo taageeradaada, waxay iftiiminaysaa farqiga u dhexeeya Somaliland oo ah isha dimuquraadiyadda Afrika iyo Soomaaliya oo ah qaran fashilmay" ayuu yidhi Saylici.

Sanatar Risch ayaa dowladiisa ugu baaqay in ay macaamil la yeelato Somaliland, isaga oo sheegay in siyaasada Maraykanka ee "Soomaaliya hal ah" anay ahayn mid xaqiiq ku salaysan.

"Sannado badan waxaan ku boorinayay Wasaarada Arrimha Dibadda in ay la shaqayso Somaliland, oo ayna isdiidsiin horumarkeeda dimuquraadiyadeed" ayuu Sanatar Risch ku yidhi qoraal uu ku baahiyay bartiisa X.

Maraykanka ayaa lagu wada in uu dhawaan meel mariyo xeer uu si gaar ugula shaqaynayo Somaliland, kadib markii ay qaar kamid ah golayaasha Maraykanku meelmariyeen.

Midowga Yurub oo xayiraad ku soo kordhiyey bixinta fiisaha muwaadiniinta u dhashay dalka Itoobiya

Golaha Midowga Yurub ayaa go’a amiyay in si kumeel gaar ah xayiraad loogu soo rogo bixinta fiisaha muwaa diniinta Itoobiya.

Go’aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaraya dadka heysta baasaboorka Itoobiya, waxa uuna jawaab u yahay wada shaqeyn la’aanta Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku saabsan arrimaha dib u celinta magangalyo doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27ka dal ee Yurub ay ku mideysanyihin.

 

Golaha Midowga Yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah Midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka Itoobiya.

Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu sameeyay, kaas oo lagu soo gabagabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ugu sii jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida uu sheegay golaha Midowga Yurub.

Itoobiya waxa ay ku guuldareysatay in ay iska kaashato dib usoo celinta muwaadiniinteeda si hufan, ayuu raaciyay golaha Midowga Yurub.

In ka badan 300 oo neef oo Biriq ku dishay gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya tuulada Tee daan oo ka mid ah tuulooyinka hoo staga degmada Maxaas ee gobolka Hi iraan ayaa sheegaya in halkaasi biriq ay ku dishay Xoolo aad u farabadan, kadib roobab saacado badan ka da'ay Tuuladaas.

Biriqda ayaa dishay in ka badan 300 oo neef oo dhamaantood ahaa Ari, kuwaas oo la tilmaamay iney ku xareysnaayeen hal xero xiliga ay biriqdu haleeshay.

Cali Cabdi Aamin oo loo yaqaano Cali Afeey oo ah shaqsiga biriqdu ka laaysay Xoolaha ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan Xoolahiisii uusan uga badbaadin hal neef.

"Tiro 300 oo neef oo ah ari ah ayay ahayeen Xoolaha Biriqda iga dishay waxay ku jireen hal xero oo waxan qorsheyneynay inaan tuuloyin kale u roob raacno madama Jiilaal aan kasoo baxnay, xili sagaal saac habeenimo ah ayu roobka nagu bilawday kadibna Biriqda ayaa xigtay oo ku dhacday xeradii Xoolaha ku jireen saas ayayna ku wada baqtiyeen" ayuu yiri

Cali Afeey.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Xoolaha biriqdu laaysay iney ku noolaayeen sadax qoys oo tiro ahaan gaaraya 40 ruux, haatana aysan jirin wax ay haystaan.

"Xoolaha dhamaaday waxaa ku noola 2 reer oo aniga ah iyo wiilkeyga oo reer ah, ma laheyn Xoolo kale oo an aheyn Ariga, Geel iyo Lo' midna ma laheyn Ariga ayaan ku nooleyn hadana wuu na dhaafay dhamaantiis" ayuu yiri Cali Cabdi Aamin Cali Afeey.

Si kastaba ha ahaatee biriqdaan Xoolaha leysay ayaa kusoo aadeysa, iyadoo guud ahaan dalka ay ka curteen roobabka Guga, islamarkaana dowladda Fedaraalka ay ka digtay daadad ka dhalan kara roobabka curtay.

Mareykanka oo rajo ka muujiyay in Xamaas ay aqbali doonta xabbad joojinta cusub ee Israa'iil

Saraakiisha maxalliga ah ayaa shee gay in Israa’iil ay duqaymo kale oo ha lis ah ka fulisay magaalada Rafah ee koonfurta GazaImage caption: Saraak iisha maxalliga ah ayaa sheegay in Is raa’iil ay duqaymo kale oo halis ah ka fulisay magaalada Rafah ee koonfurta Gaza

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay inuu "ku rajo weyn yahay” in Xamaas ay aqbasho waxa uu ku tilmaamay "deeqsinimo aan caadi ahayn” ee hindisha xabbad joojinta Qasa ee Israel. Mr Blinken, oo ka qayb galaya wadahadallo uu la yeelanayo dhiggiisa gobolka shirka ka dhacaya Sucuudiga, ayaa ka hadlay wafdiga Xamaas ee ka qayb galaya wada xaajoodyada xabbad joojinta ee aan tooska ahayan ee ka socda Masar.

Ka dib toddobaadyo ay xaaladdu cakirneyd , Xamaas ayaa lagu soo warramayaa in aysan "dood weyn ka qabin" qorshaha ay dib ugu eegeeyso, qorshaha xabdjoojinta ee ay Israa'iil ansaxisay .

Waxaa la sheegay inay ku jirto erayo cusub oo ku saabsan joojinta dagaalka.

Mr Blinken ayaa mar kale xaqiijiyay in Mareykanka uu ka soo horjeedo duulaanka Israel ay qorsheyneyso inay ku qaado magaalada Rafah, isagoo sheegay in uusan arag wax qorshe ah oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee halkaasi ku sugan.

20 qof ayaa ku dhimatay duqeymo habeenimadii habeen hore ahayd ay fuliyeen diyaaradaha Israel.

Sidoo kale, wada-hadallada ka dhacaya Riyaad waxaa jooga Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda – Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman Al-Thani – oo ku baaqay in heshiis la dhex dhigo Israel iyo Xamaas.


Xilidhibaan u ol’oleeya aqoonsiga Somaliland oo ay Jabuuti ka musaafurisay dalkeeda

Xildhibaan ka tirsan xisbiga Conser vative-ka ee Ingiriiska ayaa sheegay in laga celiyay safar uu ku tagay dalka J abuuti sababo la xiriira xiriirka dhow ee dalka ku yaalla bariga Afrika uu la lee yahay Shiinaha.

Tim Loughton, oo ah xildhibaanka la ga soo doorto East Worthing iyo Sho reham, ayaa sheegay in la xiray in ka badan 7 saacadood, lagana mamnu ucay inuu galo Djibouti horaantii bi shan.

Mr Loughton, oo Shiinuhu cunaq abatayn saaray 2021, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid "kalinimo iyo cabsi badan".

Xafiiska arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

"Waxaan ka mid ahaa wafdi ka yimid Somaliland oo dooneyay in ay hesho aqonsi caalami ah, waxay Somalia ka go’aday 1991dii, aniga waxaan soo marayay Jabuuti laakii inta kale saaxibadey Adis-ababa ayey mareen. Waxaan kulan la lahaa safiirka si aan xog uga siiyo Somaliland. Waxaan wadanka joogi lahaa ku dhawaad 36 saacadood.”

"Waan imid. Diyaaradda ayaan ka dagay si aan fiiso u helo kaddibna aan ula kulmo qofkii ii qaadi lahaa hotelka. Markaas ayey dhibaatadu bilaabatay. Markii ay sawireen basaboorkeyga waxay I weydiiyeen waxaan qabto. Waxaan u sheegay in aan xildhibaan ahay markaas ayey xaaladda xumaatay. Kaddib meel gees ah ayey iga fariisiyeen hoolka laga soo dego. Qof kasta oo diyaardda saarnaa wuu baxay. Halkaas ayaan saacad fadhiyay.”

Ehelka qaar ka mid ah dadkii ay la gaddoontay doontii Garissa oo BBC-da la hadlay

Waxa uu sheegay in aysan cidna u sheegin waxa dhibaatadu tahay.

"Kaddib qof ayaa ilaalinayay oo qol i geeyay. Qolkaas ayaa laygu xiray. Dhowr saacadood ayaan ku jiray. Markii ay ii yimaadeen ayey ii sharaxeen in aan la ii goleyn in aan dalka galo, waxaana laysaaray diyaarad ii qaadi doonto dalkeyga. Intaas ayey aheyd, wax sharaxaad ah layma siin. 7 saac ayaan halkaas joogay intaan laysoo masaafurin oo laysoo saarin diyaarad dooaxa kaddibna UK ayaan imid. Waxaan imid 24 saac ka hor xiligii aan filaayay in aan imaado. Ilaa hadda ma ogi sababta rasmiga,” ayuu yiri xildhibaan Tim Loughton.

"Jabuuti si wax ku ool ah ayey u tahay waddan Shiinaha ka tirsan - waxa Shiinuhu rabo, sababtoo ah Jabuuti in xildhibaan dhib badan oo Shiinuhu cunaqabatayn ku soo rogay uu albaabkooda yimaado waxay ahayd wax aanay doonayn inay ka kaftamaan."

"Tani waxay ahayd tusaale kale oo ku saabsan sida teendhooyinka Dawladda Shuuciga ah ee Shiinaha ay ugu fidayaan meelaha fog, iyo saamaynta xun ee ay ku leeyihiin qaybaha xasaasiga ah ee Afrika ayaa ah mid walaac gaar ah leh," ayuu si gaar ah ugu sheegay BBC online.

Sannadkii 2021-kii, Shiinaha ayaa cunaqabatayn ku soo rogay shan xildhibaan oo uu ku jiro Mr Loughton, kaddib markii ay dalka ka faafiyeen waxa ay ugu yeereen "been iyo war-xumo".

Waxay ku timid aargoosi tallaabooyin ay dawladda UK ka qaadatay xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah kooxda laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Uighur.

Mr Loughton waa la-guddoomiyaha kooxda dhammaan baarlamaanka ee Tibet, taas oo muujisay rikoorka Shiinaha ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

2019, wuxuu soo bandhigay Sharciga Helitaanka Isdhaafsiga ee Aqalka Baarlamaanka kaas oo u baahan in dawladda UK ay qaado tillaabooyin ka dhan ah saraakiisha Shiinaha oo u diidaya inay galaan Tibet.

Sidoo kale waa xubin hormuud u ah Isbaheysiga Inter-Parliamentary Alliance on China, koox caalami ah oo ka shaqeeya dib u habeynta sida wadamada dimuqraadiga ah ay ula xiriiraan Shiinaha.

Wasiirkii hore iyo xubin ka tirsan guddiga doorashada ee arrimaha gudaha ayaa sheegay in uusan u tartami doonin doorashada soo socota oo uu baarlamaanka ku jiray in ka badan 27 sano.

Ku dhawaad 10 qof oo ku geeriyooday dagaal beeleed ka dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud

Ku dhawaad 10 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah ayaa ku geeriyooday, in ka badan 15-kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka dhacay degaan katirsan waqooyiga gobolka Galgaduud.

Maleyshiyaadka dagaalamaya oo kasoo kala jeeda Cabudwaaq iyo Xeraale, ayay dirir xooggani ku dhexmartay degaanada miyiga ah ee waqooyiga Galgaduud, waxayna dirirtooda salka ku haysaa aano qabiil iyo muran la xiriira dhinaca deegaanka.

Ciidamo katirsan maamulka Galmudug ayaa kala dhex galay labada maleyshiyo beeleed, iyadoo lagu guulaystay in xabbada la joojiyo, islamarkaana la kala qaado maleyshiyaadka dagaalamayay.

Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii waqooyiga gobolka Galgaduud aano qabiil loogu dilay, nabadoon Cabdi Daahir Daa’uud, oo kamid ahaa xoola dhaqatada degaanka Laanqeylo ee gobolka Galgaduud. koox hubaysan ayaa gurigiisa ku dilay.

Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee ay kusoo noq noqdaan colaadaha salka ku haya dhul daaqsimeedka iyo aanooyinka qabiilka.

Illaa iyo hadda xal lagama gaarin, waxaana colaadahan loo arkaa inay qeyb weyn ku yihiin waxyaabaha ragaadiyay horumarka gobolka.

Mareykanka oo codsaday in la joojiyo taageerda dhinacyada isku haya dagaalka Suudaan

Mareykanka ayaa ka codsaday dha mmaan dalalka - oo ay ku jirto Imaa raadka Carabta - inay joojiyaan

taageerada ay u fidinaya dhinacyada is ku haya Suudaan.

In ka badan siddeed milyan oo qof ayaa ku barokacay muddada sannadka ah dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo kuwa taageerada degdegga ah ee RSF.

Labada dhinac ayaa lagu eedeeyay inay geysteen xadgudubyo, waxaana jira walaac caalami ah oo weyn oo ah in RSF ay qorsheyneyso inay isku daydo inay qabsato magaalo ku taal galbeedka gobolka Darfur.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in taariikhdu ay dib isku qoreyso Daarfuur sidii ugu xumayd. Linda Thomas-Greenfield waxa ay ka warantay dilalkii salka ku hayey isir naceybka ee labaatan sano ka hor ka dhacay gobolkan galbeedka Sudan.

Waxay sheegtay in mar kale tuulooyin ku dhow Al-Fashir ay dhulka la simeen RSF-ta iyo maleeshiyaadka huwanta ah waxayna ka digtay weerar lagu soo qaado magaalada guud ahaan magaalada.

Saraakiisha Mareykanka waxay rajeynayaan inay ku qanciyaan Imaaraadka Carabta inay joojiyaan taageerada ay siiyaan RSF.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip