HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 27-4-2024

0
Saturday April 27, 2024 - 08:27:30 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 27-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galaya xuska sannad guurada 60-aad ee midowga Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho ra smi ah ku tegay magaalada Dar es Sal aam ee caasimadda Tanzania, isla ma rkaana xarun u ah Ururka Bariga Afrika oo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali do ono xuska sanad guurada 60-aad ee midowga Tanzania iyo qarannimadeed a. Inta uu joogo halkaas Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato mas’uuliyiinta Tanza nia.

Wadahadallada ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka labada dal, dardargelinta ku biiritaanka Soomaali ya ee qaab dhismeedka dhaqaalaha Geeska Afrika, iyo kobcinta iskaashiga dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Macalin Fiqi oo qeyb ka ah wafdiga ma daxweynaha, ayaa sheegay, in labada dal ay gali doonaan heshiisyo ku saab san, warfaafinta , caddaaladda iyo arr imaha dibadda.

Wasiir Fiqi wuxuu sheegayin heshiis yada la saxiixidoono ay yihiin kuwa lag usoo bandhigay shirarkii ugu dambee yay ee golaha xukuumadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Tansaaniya ku ammaantay inay ay ga can ka geysatay xubinnimada Soomaa liya ee dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Oo ka qetb galay shirweynaha Connected Africa

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Ca bdulle ayaa ka qayb-galay shirweyna ha Caalamiga ah ee "Connected Afri ca” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa ujeedadiisu ahayd in hoosta looga xariiqo kaalinta muhimka ah ee ICT ama Tiknalojiyaddu ku leeda hay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalalka Afrika.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa ka mid ahaa madaxdii iyo aqoonyaha nadii khudbadaha ka jeediyay kulan kaas,Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee la gu dardargelinayo horumarinta ICT iyo guud ahaan Tiknaloojiyadda.

Waxa uuna soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinaayo Tiknaloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkas taa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta qaranka.

Sidoo kale waxaauu diiradda saaray adeegyada ganacsiga sida e-commer ce & e-education.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Amar kusoo rogay Hay’adaha Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiy ey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa fa ray Hay’adaha Dowladda in aan lagu qaban karin meel ka baxsan dalka sh irarka u dhexeeya heerarka kala du wan ee hey’adaha dowladda.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin ku saabsan xaaladda goballada dalka, wa xa ay dhageysteen Wasaaradda Arri maha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisinta, waxana ay tilmaamtay in dalka ay ka di’i karaan roobab daad iyo fatahaado wata, kuwaas oo sameyn ku yeelan kara nolosha dadka iyo duunya da.

Somalia oo ka qeybgashay shir ka dhacay Turkiga oo looga hadlay Arri mo muhiim ah

Maxkamadda Ciidamada oo Maanta Dil toogasho ah ku fulisay Askar dilal geystay

Golaha ayaa sidoo kale, ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee deggan jiinka Wabiyada, meelaha godan, dooxooyin ka iyo goob kasta oo ka dhalan karaan fatahaad in ay ka fogaadaan.

Shirka Golaha ayaa looga dhageysa tay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, warbixinno ku saab san howlgalladii ugu danbeeyey iyo da gaalka dowladda kula jirto dagaalama yaasha Al-Shabaab.

Taliyaha CXD oo booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soo maaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil uu hoggaamina yay ayaa kormeer ku tegay xarunta Sa faaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, halkaasi uu ku soo dhaweeyay Safiir ka Soomaaliya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo qaar ka mid ah diblomaa siyiinta Safaaradda.

Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo dadaallada dowlad du ugu jirto la dagaallanka khawaarijta.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ay xilli waliba diyaar u yi hiin ka qeyb qaadashada Xoraynta dal ka iyo horumarka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka oo dhagax dhigay dhismaha waddada Laamiga Via Uganda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Magaalada Muqdisho Muda ne Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada Laamiga Via Uganda oo ah wadada isku xirta isgoosyada Dabka iyo Dekadda Magaalada muqdisho

Munaasabaddan dhagax-dhiga waxb aa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada iyo Gu ddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye yaasha Degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Magaalada Muqdisho Muda ne Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan mashaariicda dhismaha waddooyinka Caasimadda, isaga oo sheegay in wa dadaan ay muhiim u tahay isku socod ka Bulshada iyo Gaadiidka badeecada ka qaada Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.

 

Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ka dhacay Turkiga oo looga hadlay badqabka badaha

Shir caalami ah oo looga hadlaayey si dii wax looga qaban lahaa ka hortagga wasakheynta Badaha iyo ka faa’ideysi ga kheyraadka ayaa lagu qabtay Maga alada Ankara ee dalka Turkiga.

Shirkaasi oo ay soo qabanqaabiyeen wakiilada Jamacadda nabadda Qara mada Midoobay ee dalalka Kosto Rika iyo Turkiga wxaa dhinaca Soomaaliya uga qeybgalay wakiilka jaamacadda Nabadda ee Qaeamada Midoobay Dr. Dr.Maxamed Cismaan.

Wakiilkaasi ayaa sheegay in mudadii uu socday shirka looga hadlay Ilaalinta deegaanka badaha,gaar ahaan ka hortagga wasaqeynta biyaha badda

Iyo sida ugu habboon ee looga faa’ide ysan karo kheyraadka ku xiran koboca dhaqaalaha.

Shirkaasi waxaa ka qeybgalay dalal ay kamid yihiin Jabaan,Faransiiska, Imaaraadka Carabta iyo kuwo kale.

Bilihii la soo dhaagay waxaa magaala da Muqdisho laga hirgaliyay Jaamacad qaabilsan dhanka waxbarashada bada ha,maadaama Soomaliya ay kamid tahay ay ay leedahay kheyraadka ugu badan ee xagga xeebaha.

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha Amb. Kullane oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiina ha Amb: Cawaale Kullane Cali ayaa Khudbad muhiim ah ka jeediyay daah-furka shirka Shiinaha iyo Afrika, kaas oo ka dhacay dhismaha xarunta Qara mada Midoobay ee magaalada Beijing.

Shirkan oo ay soo agaasintay Hay’ad da (UNGC), ayaa waxaa diirada lagu saaray sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarin ta dalalka soo koraya ee qaaradda Afrika.

Danjire, Cawaale Cali Kullane, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda is kaashiga Afrika iyo Shiinaha ee ku aad dan gaaridda yoolalka horumarin eed ee joogtada ah, wuxuu sidoo kale tilm aamay doorka Soomaaliya ee ku aad dan dhiirrigelinta maareynta deega an ka iyo horumarka bulshada.

Shirka waxaa ka soo qayb galay ma suuliyiin ka kala socda qeybaha dowla dda iyo hay’adaha caalamiga ah, ku waas oo ka wada hadlay kor u qaadis ta iyo tayeynta shirkadaha Shiinaha ee ka howlgala Afrika, gaar ahaan mashr uucyada sida Fosun Pharmaceutical iyo kan Huawei ee Afrika, ayaa tusaale loo soo qaatay faa’iidooyinka ka dha sha iskaashiga noocan ah.

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan

sagootin ah la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Muda ne Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Kulan sagootin ah maanta Muqdisho kula qaadatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Marwo Catriona Laing.

Wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuu r ayaa Marwo Catriona Laing oo xilka kasii dagaysa uga mahad celiyey door ka wanaagsan ee qaramada midoobey ka ciyaareyso geeddi-socodka nabad da ee Soomaaliya.

Inta uu socday kulanka Wasiirka Er geyga ayaa la wadaagnay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’anta hay fulinta aragtideeda ku aaddan Soo maaliya xasilloon oo ammaan ah.

Qaar kamid ah labada gole ee K/Galbeed oo beydhabo ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hey’adda SODMA

Masuuliyiin ka kala tirsan labada gole ee Maamulka Dowlad Goboleedka K/ Galbeed ayaa maanta garoonka diyaar adaha ee Magaalada Beydhabo ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hey’a dda SODMA Md. Maxamuud Macallim Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo

Guddoomiyaha Hey’adda ayaa la she egay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay u kuurgalidsa iyo indha-indheynta xal aadaha dadka danyarta ah madaama la gudagalay xilligii roobkii gu’ga .

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa lagu wadaa in uu goobjoog ka ahaado qeyb inta gargaarka SODMA ay gaarsiineyo dadka danyarta ee u nugu, kuwaas oo hore ay saameyn ugu yeesheen xaladi hii El-Niño ee sannadkii hore.

Dhinaca kale,Guddoomiye Maxamu ud Macallim Cabdulle ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirka Gargaarka maa mulka Koonfur Cabdinaasir Cabdi Ca ruush, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha cabsida laga qabo ee biyo mareenada ah.

Maalinimada burrito ah ayaa la filayaa in magaalooyinka Baydhabo iyo Buur hakaba dadka ku nool,gaar ahaan ku wa danyarta ah la gaarsiiyo gargaar bi niaadanimo oo wax ka tara dhibicda roobka iyo cadceedda qorraxda .

Madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Faransiiska kaga qeybgalay shir muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Soc daalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Saciid Maxamed iyo wafdi uu hogga aminaayo ayaa magaalada Lyon ee dalka Faransiiska uga qeybgalay shir ka sanadlaha ah ee Interpol.

Shirkan oo ah kii 19aad oo ay kasoo qaybgaleen 196 dowladood oo xubin ka ah Interpol ayaa sanadkaan waxaa looga wadahadlay arrimo khuseeya ka hortagga danbiyada socdaalka iyo xog isweydaarsiga.

Agaasimaha Guud ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madaxda sare ee Inter pol isaga oo kala hadlay kawada wada shaqaynta arrimaha socdaalka iyo isdh aafsiga xogta iyo wadaaga khibradaha.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socda alka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Sa ciid Maxamed waxaa safasrkiisa ku we helinaayey Mudane Mahad Abdi oo ah lataliye Sare.

Maxkamadda Ciidanka oo Galmudug ku dishay laba eedeysane oo geystay falal dil ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka si da ayaa maanta dil toogasho ah ku fuli say laba askari oo horay u geystay fa lal dil ah oo ka dhacay Galmnudug.

Dilkaan oo ahaa mid qisaas ah waxaa fuliyay Maxkamadda Ciidamada Qalab ka sida,gaar ahaan qeybta Dowlad Goboleedka ee Galmudug .

Dilkaan qisaasta ah ayaa lagu fuliyay dable xoogga dalka Cabdikaafi Cali Cabdulle iyo Iidle Cumar Idiris oo ka tir sanaa Guutada 18-aad ee Gorgor,ku waas oo dilal u geystay Allaha u naxari istee Cadnaan Cali Salaad iyo Bilan Xaashi Salaad.

 

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo xabsiga lagasii daayey

Saddex Xildhibaan oo ka mid ah Gola ha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa go or dhawayd xabsiga laga sii daayey, ka dib markii saaka ciidanka Booliska xabsiga u taxaabeen Xildhibaannada oo lagu eedeeyey in ay isku dayeen in ay is hor taageen goob dhisme looga dhisayey Maamulka Degmada 26-ka June ee Hargeysa.

Xildhibaannada oo kala ahaa Siciid Jaamac Cali,Cabdiraxmaan Cabdillaa hi Fidaar iyo Maxamed Abiib Siikaawi, ayaa markii la soo daayey warbaahinta u sheegay in loo xidhiidhay diidmo ay ka muujiyeen dadweyne laga rarayey goobo ay ku ganacsan jireen oo ku taa la xarunta loo yaqaano Xisbiga, oo dad danyar ahi ku ganacsadaan wakhtigan, balse Dawladda hoose doonayso in ay ka dhisto Xarun Maamulka Degmada 26-ka June ay degto.

Xildhibaan Siciid Jaamac Cali ayaa sheegay in Maayarka Hargeysa, looga baahan yahay inuu baaris ku sameeyo arrinta dhacday, ciddii masuuliyaddee da lahaydna lala xisaabtamo.

Mudanayaal ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya oo ka qayb galay shirka Vienna

Wafuud ka kala socda baarlamaana da dunida oo ay kamid ahaayeen Xil dhibaan Saalim Caliyow Ibrow iyo Se nator Cismaan Maxamuud Dubbe ay aa Soomaaliya uga qayb galay shirka xakamaynta iyo nabad u isticmaalidda Nukliyeerka,kaas oo ka dhacay caasi madda Austria ee Vienna.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ee shir ka ka qayb galay intii ay ku jireen kula mada shirka waxa ay si gaar gaar ah ula kulmeen madaxda Qaramada Mi doobay ee xaruntoodu tahay Vienna, si da Agaasimaha Guud ee hay’adda ka hortagga Nukliyeerka ee IAEA Mr.

Rafael Mariano Grossi, madaxa xaka maynta tijaabada nukliyeerka Dr Rober t Floyd, madaxa hay’adda ka hortagga dembiyada qaramada midoobay ee UNODC qaybta dembiyada, madaxda booliska adduunka ee Interpol, safiira da dalalka Maraykanka, Norway, Cira aq iyo madax badan oo ka kala soco tay caalamka, kuwaas oo ay warbixin dhammaytiran ka siiyeen horumarka laga sameeyey la dagaalanka A-l sha bab dhammaystirka dastuurka iyo sha qooyinka u qabsoomay baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya labadii sano ee u dambeysay.

Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale wa xa ay booqdeen shaybaarka Siebers dorf oo ah kan ugu weyn adduunka ee lagu horumariyo cilmiga nukliyeerka oo looga faaiideysanayo si nabad gelyo ah.

Shaybaarkan oo ay maamusho hay’a dda nukliyeerka adduunka ee IAEA, isla markaana ay hirgelintiisa ku bax day boqolaal malyuun oo dollar waxa durba lagu guuleystay cilmi baarisyo waxtar u leh aadamaha, iyada oo laga faaiideysanayo awoodda nukliyeerka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale booq day Saddex labaratoori ,kuwaas oo qa bta shaqooyin ay kamid yihiimn:-

Xanuunka kansarka (cancer) oo la til maamay in lagu guleystay xakameynta iyo daawynta cudurkaasi,gaar ahaan marka uu cusub yahay.Illaa haddana mishiinka ama qalabka looga hortago cudurkaasi waxa la’ geeyey 8 waddan oo Afrikaan ah.

2-Shaybaar qaabilsan dhinaca beera ha waxaana lagu guuleystay in geedkii ku bixi jirey 6 bilood in laga dhigo 2 bil ood

Mashruucana waxa lagu tijaabiyey ba riiska Thailand oo wax soosaarkiisii sa ddex laab kordhay sida uu mudanayaa sha baarlamaanka u sheegay Agaasi maha Guud ee IAEA Rafael Mariano Grossi.

3-Shaybaarka qalab sii sheegaya qa raxa ama sunnaamiga ka dhasha dhul gariirka, 10 daqiiqo kahor inta uusan dhicin. Qalabkaas oo mustaqbalka wax weyn ka tari doona bedqabka iyo bad baadada shacabkeena.

Koonfur Galbeed oo sheegtay in heshiis laga gaaray colaaddii ka taagnayd degmada Diinsoor

Wasiirka arrimaha gudaha ee maa mulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xal laga gaaray colaad labo beelood ku dhex martay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdull aahi Xaaji Xasan waxa uu sheegay in labada beelood ay qaateen nabad. Ka dib dadaalo badan oo la sameeyay ay uu sheegay in lagu heshiiyay in dirir da mbe aysan dhicin.

"Labada beelood waan isku keennay, waxayna raalli ku yihiin oo qaateen na badda. Odayaaasha labada beelood iy agoo gacmaha is haysta ayaaan soo bandhignay, waana guul weyn oo laga gaaray colaadda,” sidaasi waxaa yiri wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Gal beed.

In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyoo tay colaadda dhexmartay labada bee lood. Boqolaal qoys ayaa sidoo kale colaaddan awgeed guryahooda uga barakacay, kuwaas oo maciin biday meelo miyi ah inay u cararaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo kala dhex dhigtay maleyshiyaadka la bada beel ee dagaalamayay, waxaana amniga degmada Diinsoor lagu waree jiyay ciidamada qalabka sida iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ganacsigii magaalada Diinsoor ayaa weli xiran, ka dib saamaynta ka dhala tay colaadda labada beelood.

Wasaaradda Xajka Sacuudiga oo digniin u dirtay shirkadaha ku shaqeysta Been abuurka

War ka soo baxay Wasaaradda Arri maha Xajka iyo Cumrada Boqortooya da Sacuudi Carabiya ayaa loogu digay shirkadaha ku shaqeysta hanaanka been abuurka dal ku galka, kuwaas oo baraha bulshada ku xayaysiiya adeeg yadooda been abuurka ah.

Wasaaradda ayaa u tilmaamtay dad ka Muslimiinta ee sanadkan 1445/2024 doonaya inay xajiyaan inay adeegyad ooda ay u doontaan xaafiisyada rasmi ga ah ee la siiyay ogalaasha bixinta xaj ka,kuwaas oo ah cidda kali ah ee xaqa u leh bixinta adeegyo sax ah,iyadoo ug a digtay inay ku dhacaan kuwa dadka dhaca ee bixinaya adeegyo sax aanan aheyn.

Shirkadaha been abuurka ah ayaa ku shaqeysta baraha bulshada,iyagoo dadka la wadaagaya macluumaadyado been abuur ah,iyagoo sheegaya inay ogalaasha rasmi ah ka heystaan was aaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqort ooyada Sucuudi Carabiya,taasoo ah mid aanan waxba ka jirin.

Dhanka kale,Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sucuudi Cara biya ayaa ku boggaadisay dadaalka ay hay’adda Sare ee Arrimaha Xajka iyo Cumrada dalka Ciraaq kaga hortagtay qaar kamid ah shirkadaha been abuu rka ku shaqeyta,iyadoo xirtay in ka ba dan 25 shirkadood oo been abuur ah.

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cum rada ee Boqortooyada Sucuudi Carabi ya ayaa ugu baaqday dalalka Islaamka inay la dagaalamaan kuwa caadeystay ku shaqeysiga been abuurka,waxayna dadyoowga Adduunka ee doonaya in ay xajiyaan sanadkaan ku adkeysay ka fejignaanta halista shirkadahaas ku shaqeysta hanaanka qaldan ee dadka lagu dhacayo.


Maraykanka oo hakiyay raashinkii uu siin jiray ciidanka kumaandooska Danab

Dowladda Mareykanka ayaa hakisay cunnadii ay siin jirtay ciidanka kumaan dooska Danab, kadib markii ay soo shaac baxday musuq-maasuq ku saab san iibsashada gargaarka cuntada iyo shidaalka ee lasiiyo ciidamada Danab.

Go’aanka lagu hakiyay raashiinkii Da nab ayaa waxaa loo gudbiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhi gga iyo taliyaha ciidamada xoogga dal ka Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ku su gan safaaradda Mareykanka ee mag aalada Nairobi.

Joojinta kaalmada ayaa dhabar jab weyn ku ah ciidamada Danab oo mud do dheer ku tiirsanaa taageerada Mare ykanka si ay u fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaan dhigga Soomaaliya ayaa tallaabadan ka dib bilowday baaritaan ku saabsan leexsashada raashiinka ciidanka Dan ab ee ciidamada xoogga dalka.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay baaritaanka ay sameysay in loo xiray saraakiil lagu eedeynayo ku lug lahaanshaha musuq maasuqa lun sashada raashinka ciidanka Danab.

Dowladdu waxay sheegtay in danee yayaasha ay la wadaagi doonto natiija da kasoo baxa baaritaanka.

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OC HA) ayaa warbixin cusub oo toddobaa dle ah ka soo saaray xaaladda Soo maaliya iyo saameynta roobabka xilli gga gu’ga ee ka curtay Dalka Soomaa liya.

Xafiiska ayaa sheegay in laga soo bil aabo Abriil ilaa bisha Juun la filayo in ay korsdhaan roobabka waqtiga gu’ ga,kuwaas oo la tilmaamay in ay keeni karaan khasaarooyin nafeed iyo burbur hanta.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OC HA) ayaa xusay in tan iyo 19-kii Abriil la soo sheegayo daadad xooggan oo ay dhaliyeen roobabkii ka da’ay qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Bariga Afrika iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka da’ay roobab ka badan kuwii hore oo mahiigaan ah, kuwaas oo dha liyay dhimasho, fatahaado iyo barakac saameeyay wadammo ay kamid yihiin dalalka Tansaaniya,Burundi iyo Kenya, Nigeria iyo kuwo kale.

Daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Tanzania oo ay sababeen roobab lixa ad leh ayaa dilay 155 qof, halka 236 ka lena ay ku dhaawacmeen, sida uu she egay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, iya doo roobab xooggan ay ka da’ayaan guud ahaan Bariga Afrika.

Kenya, 35 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen isniintii, waxaana weli dal ka oo dhan ka jira fatahaado.

Burundi, ku dhawaad 96,000 oo qof ayaa ku barokacay roobab aan kala joogsi lahayn oo bilo socday, Qarama da Midoobay iyo dowladdu ayaa sidaa sheegay horaantii bishan.

Uganda ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay duufaano waaweyn oo saba bay in uu fataho wabiga, waxaana la xaqiijiyay labo dhimasho iyo dhaawac dhowr boqol oo dadka tuullooyinka ah.

Dhinaca kale,In ka badan 100 max buus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nigeria oo u dhow magaalada ca asimadda ah ee Abuja ka dib markii roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ ay ay burburiyeen qeybo ka mid ah xa bsiga, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga.

Tijaabo muhiima oo talaalka Kansarka Maqaarka ah ayaa ka bilaabatay Ingriiska

Tijaabo muhiim ah oo ah talaalkia mRNA oo ah kii ugu horeeyay adduun ka ee nooca kansarka maqaarka ee dilaaga ah - melanoma - ayaa hadda ka socota UK.

Steve Young, oo 52 jir ah, kana soo jeeda Stevenage, Herts, kaas oo burad a melanoma laga soo jaray madaxa bishii Agoosto ee la soo dhaafay, waa mid ka mid ah bukaannadii ugu horree yay ee lagu tijaabiyey tallaalka.

Waxaa loogu talagalay in lagu caaw iyo habka difaaca jirkiisa in uu aqoons ado oo uu tirtiro unugyada kansarka ee haray.

Taas oo la rajeynayo in kansarku uus an soo laaban doonin.

Tallaaka , mRNA-4157 (V940), waxay isticmaashaa tiknoolojiyad la mid ah tan tallaallada Covid-ka ee hadda jira waxaana lagu tijaabiyay marxaladda ugu dambeysa ee tijaabooyinka .

Dhakhaatiirta Jaamacadda University College London (UCLH) waxay siinay aan daawo kale oo oo sidoo kale ka caawineysa habka difaaca, inuu dilo u nugyada kansarka.

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo markii ugu horeysay qof muslim ah u magacaabay Wasiirka Arimaha Dibadda

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa xilka ka qaaday Wasii rkiisii Arrimaha Dibadda oo xilka hayay wax ka yar muddo hal sano ah.

James Pitia Morgan, oo xilka loo ma gacaabay bishii Agoosto ee la soo dha afay, ayaa xilka looga qaaday wareeg to madaxweyne oo habeennimadii Kha miista laga akhriyay telefishinka dowla dda.

Ka hor inta uusan noqon wasiirka arri maha dibadda, Mr Morgan waxa uu ah aa safiirka Koonfurta Suudaan u fadhi ya Itoobiya.

Waxaa hadda lagu bedelay ku xigeen kiisii hore, Ramadan Abdallah Goch.

Madaxweyne Kiir ayaa Mr Morgan u magacaabay ergaygiisa gobolka haroo yinka waaweyn.

Mr Kiir ayaa sidoo kale shaqada ka ceyriyay Mayen Wol Dut oo ahaa ku xi geenka xoghayaha Wasaaradda Arrim aha Dibadda ee dalkaas, waxaana uu u magacaabay safiirka cusub ee Koo nfurta Suudaan u fadhiya Shiinaha.

Ma jiraan sababo la xiriira isku shaan dhayntan u dambaysay.

Kormeerayaasha ayaa sheegaya in ay xeelad siyaasadeed u noqon karto Mr Kiir ka hor doorashada, oo la qors heeyay bisha December.

Mr Goch waa qofkii uguhoreeyay ee muslim ah oo madax ka noqdo Wasaar adda Arrimaha Dibadda.

 

 

Wasiirka Amniga Qaranka Israa'iil oo galay Shil Baabuur

Wasiirka Amniga Qaranka Israa'iil Itm ar Ben-Gvir oo ah wasiir midig-fog ay aa dhaawac fudud oo soo gaaray aaw ged loo qaaday isbitaalka kadib mar kii uu shil baabuur galay, sida ay shee geen booliiska Israa'iil.

Muuqaalo lasoo dhigay baraha buls hada ayaa muujinayay gaari rogmaday.

Waxaa la baarayaa sababta shilkaasi keentay, sida lagu sheegay warka ka soo baxay booliiska oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Mr Ben-Gvir uu kasoo laabtay goob wax lag u toori yeeyay ee magaalada Ramle oo u dhow Tel Aviv.

Haweeney 18-sano jir ah ayaa si xun loogu dhaawacay dhacdadaas, sida laga soo xigtay Waaxda Gurmadka De g-degga ah ee Israa’iil.

Mr Ben-Gvir waa xubin hadalkiisu mu ran badan an dhaliya oo ka tirsan xuku umadda degdegga ah ee Ra'iisul Wa saare Benjamin Netanyahu.

Burkina Faso oo dalkeeda ka mamnuucday BBC iyo VOA

Waaxda sharciyeynta warbaahinta ee dalka Burkina Faso ayaa xayiraad labo todobaad ah ku soo rogtay barnaami jyada BBC Afrique iyo VOA, kaddib ma rkii ay baahiyeen warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee HRW ku eed eynayso xadgudubyo ka dhan ah rayid ka ciidanka milatariga Burkina Faso.

Sidoo kale helitaanka boggaga intern et-ka ee BBC, VOA iyo HRW ayaa la ga xiray in laga daalacdo gudaha Burki na Faso.

Golaha warbaahinta qaranka ayaa sid oo kalediginin u diray dhammaan war baahinta gudaha.

VOA ayaa sheegtay in ay sii wadi doo nto tabinteeda warrarka Burkino Faso, iyadoo si dhexdhexaad ah u soo gudbi naysa.

HRW ayaa daabacday warbixin shee geysa in milatariga Burkina Faso uu toogasho ku dilay 223 qof oo rayid ah 25 kii Febraayo waqooyiga wadanka.

Bishii Diiseembar 2023 kii, wadankan galbeedka afrika ku yaala waxa kale oo uu shaqada ka joojiyay wargeyska French daily le monde, iyagoo ku ee deeyay hab tabin dhinac u xaglinaysa.

Sidoo kale waxa ay mamnuuceen sa nad kii hore illaa sedex warbaahin oo calami ah, kuwaas oo kala ah wargey ska af faransiiska ku soo baxa ee Jeu ne Afrique, telefishanka faransiiska qaybtiisa La Chaîne Info (LCI), iyo Tele fishanka France24

Wadamada Galbeedka Afrika ee Benin, Liberia iyo Sierra Leone oo bilaabay tallaalka cudurka duumada

Kalkaaliso isu diyaarinaysa in ay tala al siiso ilmo yar dalka Cameroon

Benin, Liberia iyo Siera Leone ayaa bi laabay ol’ole ballaaran oo dhalaanka looga tallaalayo xanuunka duumada Khamiistii shalay ahayd, taas oo qayb ka ah barnaamijka Afrika ee lagu doo nayo in lagu badbaadiyo tobannaan ku n oo caruur ah sanad kasta qaaradda Afrika.

Sedexdan dal ee galbeedka Afrika ku yaala ayaa noqonaya kuwii ugu dam beeyay ee ka qaybgala barnaamijka dhalaanka looga tallaalayo duumada, kaas oo si guul leh looga fuliyay wada mada Burkino Faso, Cameroon, Gha na, Kenya iyo Malaawi, sida warbixi nteeda ay ku sheegtay Hay’adda Tal laalka Dunida ee GAVI.

Ogolaanshiyaha Ururka caafimaadka aduunka ee tallaalkan ayaa ka dhigan in lagu garab wado dadaalladii horey u jiray ee maro kaneecada si loola ta caalo Duumada, taas oo Afrika ku dis ha sanad kasta ku dhawaad nus mily an caruurra oo da’doodu ka hooseyso shan sano.

‘’Tani waxa ay gacan ka geysan doo ntaa badbaadinta nafaf badan, waxa yna nasteexo u noqon doontaa qoysas, bulshooyin iyo meellaha hannaanka caafimaad uu adag yahay,’’ ayuu yiri Aurelia Nguyen oo ah sarkaal ka tirsan GAVI.

Benin waxa ay haysataa 215,900 oo doos oo tallaalka duumada ah, taas oo loo heli karo dhalaanka 5 bilood jira, si da ay sheegtay GAVI.

Sierra Leone waxa ay haysataa 550, 000 oo doos, dalka dariska la ahna ee Liberia waxa uu haystaa 112,000 oo doos.

Ciidamada Maraykanka oo qalabkooda ka xirxiranaya dalka Chad

Hoggaamiyaha kmg ah ee Chad Maxa med Idiris oo ka hadlaya munaasabad da ol'olihiisa doorashada

Maraykanka ayaa qorsheynaya in si kmg ah uu ciidamadiisa uga saaro dal ka Chad sida khamiistii laga soo xigtay saraakiil maraykan ah, tallaabadan aya a imaanaysa maalmo kaddib markii Washington lagu qasbay in ay ogolaa to in ciidamadeeda ka saarto wadanka dariska la ah Chad ee Niger.

Horaan tii bishan taliyaha ciidamada cirka ee Chad ayaa ku amray Marayka nka in uu jaajiyo hawlihiisa garoonka ciidamada cirka ee ku yaala duleedka caasimadda N’Djamena, sida laga soo xigtay warqad ay dawladda kmg ah dir tay oo ay wakaaladda warrarka ee Reuters aragtay.

Afhayeenka Pentagon ka Maraykan ka Janaraal Patrick Ryder ayaa shee gay in qayb kamid ah ciidanka laga saaridoono dalka Chad.

Waxa uu sheegay in ay tahay ‘’tallaa bo kmg ah’’ kaas oo qayb ka ah dib u eegis socota oo lagu sameynayo wada shaqaynta ay la leeyihiin Chad, taas oo dib u bilaaban doonta kaddib doora shada madaxtinimo ee dhacaysa 5 May.

Sarkaal ka tirsan Maraykanka oo dii day in magaciisa la xigto ayaa shee gay in daraasiin ciidanka gaarka ah, oo hadda Chad u jooga qorsheyn iyo la talin ay hadda u guurayaan dalka Jarm alka.

150 qof oo ku dhimatay daadad iyo dhul go’ ka dhacay dhacay Tansaaniya

Tansaaniya

Ugu yaraan 155 qof ayaa ku dhimatay daadad iyo dhul go’ ka dhacay Tanza nia kadib roobab mahiigaan ah oo ka dhashay El Niño, sida uu sheegay ra’ii sul wasaaraha Tanzania.

Kassim Majaliwa ayaa ka digay in roo babku ay sii socon doonaan illaa bisha May,wuxuuna ku boorriyay qoysaska inay ka baxaan meelaha ay fatahaadu hu saameeyeen.

Ku dhawaad​​ 200,000 oo qof iyo in ka badan 51,000 oo qoys ayey dur ba saameysay masiibadan, ayuu raaci yay hadalkiisa.

Roobab mahiigaan ah ayaa sidoo ka le ka da’ay dalalka dariska ah ee Ken ya iyo Burundi, kuwaas oo dhibaato bani’aadannimo ka geystay gobolka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip