HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 25-4-2024

0
Thursday April 25, 2024 - 08:32:13 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 25-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

WAR-MURTIYEED KU SAABSAN XIRIIRKA DFS IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA

Warmurtiyeed ka soobaxay Madaxwe ynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya Mudane Xasan Sheekh Maxa muud ayaa u qornaa sidan:- Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hog gaamiyo waxay ugu horreyntiiba mud naan gaar ah siisay xiriirka wada-shaq eyn ee kala dhaxeeya dowlad gobolee dyada iyadoo saldhig uga dhigaysa ma baadi’da dastuureed ee hagaysa hann aanka wadashaqeynta Dowladda Fede raalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qara n oo ay ugu horreeyaan adkaynta amni ga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaq iijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka Al-shabaab oo aan deegaano baaxad weyn ka saar nay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaa gneyd maalgashiga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka waxa ay horu mar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saa mileyda siyaasadeed iyo si gaar ah ta lo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dha meystirayo dastuurka dalka si shacab ka Soomaaliyeed u gaaraan himilloo yinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadi nka Soomaaliga ah.

Waxaan si gaar ah hoosta uga xari iqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dham maan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta da dka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soo maaliyeed oo xaqiijin karta himilooy inkooda Dawladnimo.

Hadaba, Dowladda Federaalka wa xaa ka go’an sidii horeba in aysan mar naba siyaasadeynin waajibka ka saa ran wadashaqeynta labada heer dowla deed ee federaalka si gaar ah arrima ha ku saabsan dhaqaalaha, horuma rinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aad annimada iyadoo oo adkeynaysa wa ajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu.

Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xil keyga dastuuriga ee ah ilaalinta mid nimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masi iriga ah ee dowladnimada Soomaal iyeed sida: midnimada iyo wadajir Dal ka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka.

Soomaaliya oo loo doortay inay qayb ka noqoto hogaanka hay'ad heer qaaradeed ah

Soomaaliya ayaa dhawaan xubin ka noqotay guddiga maamulaya Hay’adda African Risk Capacity (ARC), ayadoo seddexda sano ee soo socota uu gud digaas, oo hogaamin doona hay’adaas, ay xubin buuxda ka ahaanayso hay’ adda maaraynta musiibooyinka SOD MA, oo uu matalayo Maxamed Cumar Macallin (Wayaake).

Tartan loo galay jagadaas ayey Soom aaliya kaga guulaysatay 39 waddan oo Afrikaan ah. Maxay haddaba uga dhigan tahay guushaas dal ahaan iyo qof ahaanba.

"Waxay Afrika u leedahay muhiimad, Soomaaliyana qiime weyn ayey ugu fadhidaa, waayo waxay shir guddoo minaysay kal-fadhigii 14aad, Soomaali yana waxay sannadkii ugu dambeeyey ka ahayd wax loo yaqaanno COP, oo la mid ah hogaanka” ayuu yiri Waya ake oo hay’adda SODMA u ah la taliye sare.

Wuxu intaa ku daray in shaqada ugu weyn ee hay’addaas ay tahay in khata rta dhicin karta meelo kala duwan loo qaybiyo, lacagna loo uruuriyo, si wax looga qabto wixii fatahaad ama abaar ah ee dhacda.

Mar wax laga weydiiyey juhdigii Soom aaliya uga baxay tartankii ay la gashay dalalka kale ee Afrikaanka ayuu Waya ake u kala qaaday. "Mid waa guddoon kii ay Soomaaliya haysay sannadkii la soo dhaafay oo hadda loo doortay bo qortooyada Lesotho inay Soomaaliya kala wareegto, tan kalena waa midda aniga shaqsi ahaan la iigu doortay oo ah in aan ka mid noqdo guddiga maa mulaya, anigoo ku matali doona dalal ka Afrikada bari” ayuu yiri Wayaake.

Hay’addan ARC ayaa ah hay’ad hoos timaada midowga Afrika oo la aasaa say 2012, waxaana kale oo ay bahwa daag yihiin hay’adda caymiska ARC oo isugu jirta hay’ad caymis iyo mid gana csi, taasoo iyadana la aasaasay 2014.

Ujeeddada loo sameeyey ayaa lagu sheegay inay tahay inay xukuumadaha Afrikaanka ka caawiso sidii ay awoodd ooda u hagaajin lahaayeen, oo ay u sa maysan lahaayeen qorshe wanaagsan, diyaar garow iyo ka jawaabibba masi ibooyinka ka dhasha xaaladaha cimila da ee aadka u adag iyo sidoo kale cu durrada dillaaca.

Muxuu yahay filimka lagu jilay Soom aaliya ee safka hore ka galay qiimayn lagu sameeyayn Faransiiska?

"ARC waxay xal Afrikaan ugu yaboo haysaa mid ka mid ah caqabadaha wa aweyn ee qaaradda, isbeddelka cimila da, in khataraha cimilada laga wareeji yo xkuumadaha, ayna beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ay ilaaliyaan loo wa reejiyo ARC si ay u maamusho khatar ta” ayaa lagu xusay qoraal lagu qoray barta internetka ee hay’adaas.

Maadaama Soomaaliya ay tahay dal sabool ah, dhibaato cimilada ka dhala tayna ay u dheer tahay, hay’addiisa masiibooyinkana ay hadda Afrika hogaaminayso ayey BBCdu weydiisay Wayaake waxa ay qaban karaan.

"Waxyaabaha la qaban karo waxaa ka mid ah in masiibooyinka ka hortag ama ka dibatag lagu sameeyo, taana micnaheedu waa in la raad iyo wixii loo baahnaa ama ololeyn badan loo sameeyo, gaar ahaan Afrika gudahee da” ayuu yiri Wayaake.

Hay’adda ARC waxaa xubno ka ah 39 dal, kuwaasoo haga wajhadda cilmi baariseed iyo tan siyaasadeed ee maamulka masiibooyinka ee hay’addu qaadanayso. Waxaa imimka jira qor she la doonayo in dalal kale ay xubno uga noqdaan.

Dalalka qaaradda Afrika badankood waxay dhibaneyaal u yihiin isbeddelka cimilada ka dhasha ee sababa gaajo, fatahaado iyo abaaro. Dhowrkii sano ee u dambeeyey, gaar ahaan 2019 – 2022 waxaa gobolka soo maray Ayax lagu tilmaamay kii ugu darnaa muddo 25 sano ah ee soo mara Soomaaliya iyo Itoobiya, halka Kenyana uu ahaa kii ugu darnaa muddo 70 sano ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayay sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideys anayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaa liya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheeg ay in Soomaaliya ay tahay waddan qa ni ah oo leh kheyraad kala duwan, sida as awgeedna ay Xukuumadda #DanQ aran dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigel iyey maalgashiyada gudaha iyo dibed da in ay ka faa’iideystaan fursadaha ba dan ee ka bannaan maalgashiga dalka, isaga oo xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hag aagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, Tallaa booyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay W asaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa wa xaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika, iya da oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u ba ahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta howlgalka deg-degga ah ee Caafimaadka dadweynaha gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mud ane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mada ale) ayaa xariga ka jaray xarunta howl galka deg-degga ah ee Caafimaadka dadweynaha gobolka Banaadir.

Xaruntaan oo laga hirgeliyay degma da Xamarweyne ayaa noqon doonta mid la socota dhaq-dhaqaaqyada xaa ladaha Caafimaadka ee gobolka ka jira iyo uruurinta xogaha, sida uu sheegay Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamed.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in xaruntaan howlgalka deg-degga ee Caafimaadka dadweynaha ay qeyb we yn ka qaadan doonto daboolida adeeg yo Caafimaad oo ay baahi u qabaan Bulshada Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ma amulka gobolka ay ka go’an tahay hor umarinta adeegyada Caafimaadka, wuxuuna faray Agaasinka Caafimaad ka Dowladda hoose ee Xamar in xoo gga la saaro arrimaha Faya-dhowrka si loo ilaaliyo bad-qabka bulshada.

Taliyaha Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde oo la Amray in la soo qabto

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ayaa Amar ka soo baxay la faray in uu maxkamadda horyimaado Taliy aha Saldhiga Booliska Garoonka Aad an-Cade oo fulin waayay amar maxk amadeed oo ahaa inuu joojiyo dhisma ha ka socda dhul muran ka taagan ya hay oo ku dhex jira xeyndaabka garoo nka diyaaradaha



Dhulkan ayaa la sheegay in Madaxwe yne Xassan Shiikh uu siiyey mudana yaal ka tirsan baarlamaanka Soomaa liya, iyadoo dhulkaas ay sheegana yaan milkiyadiisa qoyska Reer Cali Ugaas, kuwaas oo cabashadooda jee diyay.

Taliyaha Saldhiga booliska ee garoo nka Aaden-Cade ayaa iska diiday fulin ta amarka maxkamadda, isagoo helay amarka madaxtooyada ee kuwajahan dhulkan, maxkamadda ayaa mar kale shalay amartay in lasoo xiro Taliyaha saldhigan, iyadoo warqada loo diray Taliska guud ee ciidamada Booliska.

Wasiirka amniga gudaha XFS oo shir guddoomiyay wajiga labaad marshuurca horumarinta Boliiska Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gud aha ee JFS S/Guuto C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyay shirka wajiga labaad ee mashruuca JP P ee horumarinta Boliiska Soomaal iyeed, kaas oo looga arrinsanayo sidii loo horumarin lahaa Boliiska.

Shirkan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaali yeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Wa siirrada Amniga Dowlada Goboleedy ada iyo qaar ka mid ah deeq bixiyayaa sha.

Ujeedka Shirkan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada iyo aqo onta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay ula falgalaan bulshada Soomaa liyeed.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahad celi yaya saaxiibada Caalamka ee marwal ba garab istaaga Boliiska Soomaaliya.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Boliis ka Soomaaliya S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa ka hadlay habka loo marayo mashruuca horumarinta Boliiska Soo maaliya, kana mahad celiyay wada sh qeynta wanaagsan ee saaxiibbada caa lanka ee garab istaagay Boliiska Soom aaliya.

Wasiir Fiqi oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada IGAD u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Mudane Danjire Ax med Macallin Fiqi, ayaa dorraad oo Arb aco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caa simadda Muqdisho ku qaabilay Mada xa Ergada IGAD u qaabilsan Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya, Mud ane Maxamuud Cabdi Axmed, oo boo qasho sharafeed ugu yimid.

Mudane Maxamuud waxa uu gudbiy ay fariin hambalyo ah oo uu ka siday Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr. Work neh Gebeyehu, oo uu u soo diray Wa siir Fiqi oo ku saabsan xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee loo magacaabay dhowaantan, isagoo u rajeeyay guul.

Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa wa xaa lagaga hadlay dhowr arrimood oo ay ku jirto hab maamuus goboleedka is ku gudubka xoolaha iyo dadaalada la gu bixinayo dedejinta ansixinta cahdi ga IGAD.

Wasiirka Difaaca XFS oo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan lagu soo xad gudbi doonin baddeenna

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Cab dulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ay aa faafaafihin ka bixiyay heshiiska Iska ashiga Difaaca ee Soomaaliya iyo Tur kiga oo shalay dhaqan-galay.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasa bad lagu daah-furayay dhaqan galka heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay gudaha Mar kab dagaal oo ay Ankara usoo dirtay Muqdisho ayaa intaa ku daray tallaab adani ay ka dhigan tahay in wixii hadd a ka dambeeya aan lagu soo xad gud bi Karin baddeenna.

Wasiir Jaamac "Waxaan rajeynaynaa hadduu Alle idmo in wixii hadda ka da mbeeya aan baddeena looga baqayn, cadowga noocyadiisa kala duwan, sida burcad badeed, kuwo qashin ku shu baya, kuwo uu damac uga jira ama ku wo kalluumeysi sharci darro ah ka wa do”.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Cab dulqaadir Maxamed Nuur Jaamac a yaa sheegay in ay si dardar leh ku soc daan tababarka iyo isku dubaridka ciid amada Qaranka noocyadooda kala du wan dhowaanna ay iyagu la wareegi doonaan amniga guud ee dalka sida uu qorshuhu yahay.

Machadka Diblomaasiyadda DFS oo laga soo bandhigay sababaha keenay damaca Ethiopia

Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Isk aashiga Caalamiga ayaa dorraad agaa simay muxaadaro cinwaankeedu ahaa (Sababaha keenaya damaca Itoobiya ee dhul ballaarsiga iyo farogelinteeda Soomaaliya) oo uu jeediyay Dr. Xasan Maxamed-nuur Axmadey oo aad ugu xeel-dheer cilmiga taariikhda.

Muxaadaradani ayaa waxaa mada sha laga jeedinayay goob-joog ka aha a Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Xoghayaha Joogtada Was aaradda, Guddiga sare ee latalinta Wa saaradda, agaasimayaasha waaxyaha, diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada Wasaaradda.

Dr. Xasan ayaa soo bandhigay dama ca guracan ee Itoobiya iyo ka been abuuriddeeda taariikhda soo jireenka ah ee Geeska Afrika, isaga oo shee gay in xukunnadii kala duwanaa ee soo maray dalkaasi ay lahaayeen hal ujeeddo oo qura oo ah wiiqidda awood dowlad dhexe oo ka hana-qaadda dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in haddii midnimo iyo wadajir ummadeed ka dhaqan-galo dalka uu xirmi doono albaabka gardarada iyo xadgudubka Itoobiya.

Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha Was aaradda oo hadallo ka kala jeediyeen muxaadarada ayaa waxa ay si wadajir ah u adkeeyeen in laga howlgalo sidii qalinka, maxkaxda iyo muruqa Soom aaliyeed u shaqayn lahaayeen si looga guul keeno siyaasad qaran oo maja xaa binaysa damaca waallan ee Itoo biya una saldhigi lahayd "Soomaali He shiis ah”.

Wasiirka arrimaha dibadda oo safiirka Imaaraatka kala hadlay xoojinta calaaqaadka labada wadan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Isk aashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasa aradda ee Caasimadda Muqdisho, Safi irka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, Ahmad Juma Al Rumaithi, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaa shiga u dhexeeya labada dal ee walaa laha ah.

Danjire Ahmad Al Rumaithi, oo ka wakiil ah Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka, ayaa gudbiyay fariin ham balyo ah oo uu ka siday, kuna socotay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo uu ugu hambalyeeyay xilka, una rajeeyay inuu ku guulaysto howsha loo igmaday.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay hore-u-dhaqaajinta iskaashiga labo geesoodka, iyadoo la soo banbixinayo fursadaha iyo istiraatiijiyadaha iskaashi ee dhinac weliba leh si loo dejiyo wax wadaag xooggan, loogana guul keeno kobac iyo horumar wadajir ah.

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeellaha dhexe

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeel laha dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga deg mada Jowhar.

Deegaanada uu fatahaada ka geys tay wabiga Shabeelle ayaa kala Baa reey, Mareerey, Kuukaay, Maandheere, Xawaadley iyo Bayaxaaw, sida uu war baahinta u xaqiijiyay wasiir ku xigee nka Wasaaradda Beeraha Hirshabelle Maxamed Bashir Qasim Daqare.

"Ka maamul ahaan dadaalo badan oo biyo xireeno ayaa sameynay, had ana wabiga oo biyo badan keenay iyo roobabka Guga waxuu karkaarada ka jabsaday wabiga deegaano badan oo horay looga sameeyay biyo xireeno, hadana wali waan wadna dadaalo, Jo whar gudaheeda waxa jirtay laba xaa fad ay kasoo baxeen biyaha waana ku guuleysanay inaan xirno" ayuu yiri Wa siir Daqare.

Fatahadahan uu wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaanadaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku soo aaday, maalmo yar uun kadib mar ki ay hey’adda Maareynta masiibooy inka Qaranka Soomaaliya iyo hey’adda OCHA ee Qaramada Midoobay ka dig een, suurtagalnimada daadad iyo fata haado ka dhasha roobka Guga iyo wa biyada Jubbada Shabeelle.

Si kastaba ha ahaatee magaalooy inka Baledweyne iyo Buula burte ayaa ka mid ah meelaha haatan sida weyn looga cabsi qabo inuu fatahaad ka sa meeyo wabiga Shabeelle oo haatan ke enay biyo aad u farabadan. Iyadoo dadka degan magaalooyinkaan aysan wali kaso kabsan khasaaraha fatahaad ii hore.

Wasiirka amniga oo Muqdisho kula shiray wasiirada amniga dowlad goboleedyada

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuu madda Federaalka Soomaaliya Muda ne Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag, ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Amni ga Dowlad-goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga xoojinta wadashaqe ynta Laamaha amniga.

Wasiirrada ayaa xoogga saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu sug ayo amniga dalka, dardar-gelinta lada gaallanka kooxaha Al-shabaab ah, tayeynta Booliska iyo xoojinta wadash aqeynta ku aaddan ka hortagga iyo kadaba tagga falalka dambiyada.

Wasiir Cabdullaahi Fartaag ayaa xu say muhiimadda ay amniga dalka u lee dahay mideynta shaqada laamaha amniga iyo isku xirnaanta Booliska, isa goo bogaadiyey sida ay uga go’an ta hay Wasiirrada Amniga ee heer dowla d-goboleed in la sii amba-qaado qors heyaasha lagu xoojinayo Booliska Soo maaliyeed.

Shirka waxaa ka qeyb-galay Wasii rrada Amniga Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed.

Puntland oo Amartay in la soo xiro odayaal Taageeray Dawlada Federaalka Soomaaliya

Maxkamada darajada 1aad ee Gob olka Bari ayaa warqad waaran oo xarig ah u jartay Nabadoon Cabdiqaa dir Axmed Ibraahim Xarago iyo 3 Oday dhaqameedyo kale oo la amray in la soo xiro kuwaas oo lagu eedeeyay qo dobada 454-451, 164-168 ee xeerka ci qaabta Soomaaliyeed.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari ayaa lagu amray in uu soo xiro odayaa sha, sidoo kalena la horkeeno maxka mada.

Kiiska odayaasha dhaqanka loo hay sto ayaa la xariira hadal ay dhawaan je ediyeen kaas oo ay ku taageereen Dawlada Federaalka Soomaaliua, isla markaana ay soo horjeesteen shirarka iyo heshiisyada Puntland la gashay Ito obiya .

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay dad Shacabka ku nool deegaanno hoostaga Beledweyne

Xilli Maalmo ka hor Hay’adda SoD MA, ay soo saartay digiino ku aaddan roobka (Gu’ga) ee ka curtay dalka,ma gaalada Baladweyn iyo deegaanada ku dhawna ay ka midyihin goobaha cabsida laga muujinayo ayaa si looga gaashanto cabsidaan waxa ay hay’a dda SoDMA gargaar gaarsiisay Shac abka ku nool deegaanada Leebow, Hir aan Bile iyo Sabad caano oo duleedka Baladweyn dhaca.

Qoysaskaan ayaa gaarayey 300 oo ruux waxana ay ka faa’iideeysteen bac aha ama teendhada roobka, bustay aal,alaabta maacuunta,jingado iyo qal ab kale oo dhismo oo si KMG ah ugu dhistaan marka xaladahaan yimadaan, waxaana Hay’adda Maareynta Musiib ooyinka SoDMA,ka go’an in ay awoo deyda iskugu geyso badbaadinta naf Soomaaliyeed inta aysan Sameenin Musiibada iyadoo ay deeqdaan gar gaar ay dalkeena iyo dadkeena ugu deeqay dowladda Shiinaha oo kamid ah Saaxibada Caalamka ee mar walba garab taagan Shacabkeena.

Waa Maxay Heshiiska Maraykanka iyo Dawlada Soomaaliya ay gaareen ?

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa kulan kula qaa tay Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya Saraakiil sar sare oo ka socday Wasa aradda Difaaaca Maraykanka,.

Kulanka waxaa ka Qayb galay Agaa simaha guud ee Madaxtooyada Soo maaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf iyo xubna kale.

Kulanka ayaana looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta Soomaalia iyo Maraykanka, gaar aha an dhinaca Amniga iyo sidii Dawlada Maraykanku usii laba jibaari lahayd Ta geerada ay siiso Dawlada Soomaalia.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaas haandhigga Xfs Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas ibraahim Shei kh Muxudiin iyo mas’uuliyiinta kale ayaa umahd-celiyay Saraakiisha kasoc otay Dowladda Maraykanka.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaal ay AS kula gashay Gobolka Mudug

War-saxaafadeed kasoo baxay dowl adda Soomaaliya ayay ku sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka ay howlgal ku dileen In ka badan 30 dagaalame oo ALShabaab ah.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu shee gay in howgalka ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada calamiga ah, waxaana laga fuliyay deegaanka Carfuuda oo qiyaastii 20km Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday sida dowladdu sheegtay labo xarum ood oo mid ka mid ah ay isku abaabu layeen dagaalamaayasha ALShabaab, halka mida kalena ay aheed xarun ay ku diyaarinayeen qaraxyo.

Iran oo cunaqabatayn la saaray ka dib weerar ay ku qaadeen Maraykanka

Maraykanka ayaa cunaqabatayno cusub ku soo rogay dalka Iran Salaas adii, iyaga oo bartilmaameedsaday afar qof iyo laba shirkadood oo ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin hawlo la xidhiidha xatooyo dhinaca internetka ah, iyaga oo u adeegaya ciidamada dalkaas.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ma aliyadda ee Maraykanka ayaa lagu she egay in xubnahani ay batlimaamee sadeen tobanaan ka mida shirkadaha Maraykanka iyo hay’ado xukuumi ah, iyaga oo adeegsanaya virus-yo kala du wan.

Wasaaradda maaliyadda ee Maray kanka ayaa sheegtay in xubnahan iyo shirkadahani ay u shaqaynayeen ciida mada ilaalada kacaanka ee Iiraan.

Kaaliyaha xoghayaha maaliyadda u qaabilsan arrimaha la dagaalanka arga gixisada iyo lacagaha khaldan, Brian Nelson ayaa sheegay in Iran ay sii waddo, inay weeraro ku qaado shirkadaha Maraykanka iyo hay’adaha dawladda, taas oo ay uga danleeyihiin inay khalkhaliyaan kaabayaasha isla markaana ay dhaawac soo gaadhsii yaan muwaadiniinta Maraykanka.


Khubarada oo ka digaysa faafidda xanuunka duumada sababbo la xiriirra isbadalka cimilada


Kaneeco dhedig oo sida fayraska maleeriyada

Xili maanta dunida laga xusayo maalinta caalamiga ah ee xanuunka duumada, khubarada ayaa ka digaysa in uu faafo sababbo la xiriira isbadalka cimilada dunida.

Khubarada ayaa ka cabsi qaba in cudurka ku faafo wadamo aanu horey uga jirin.

Dr Islaam Cannaan oo ah bare ka tirsan qaybta cudurrada faafa ee Jaamacadda Qaahira ayaa sheegay in cilmi baarisyo la sameeyay ay muujinayaan haddii uu heer kulka dunidu siyaado boqolkiiba hal sanad ka 2030 ka in sidoo kale ay kordhi doonta dadka uu asiibayo xanuunka duumada.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Mifoobay 2023 kii ayay ku sheegtay in sanad kii 2022 la diiwaan galiyay 249 milyan oo qof oo laga helay fayraska Maleeriyada, tiiyoo 608,000 ay u dhinteen, kuwaas oo ku kala noolaa 85 wadan oo caalamka ah.


Boqollaal shacab ah oo lagu dilay weerar aargudasho ah oo ay qaadeen Milatariga Burkino Faso

Kolonyo milatari oo ay la socdaan in ka badan 100 askari ayaa tagay tuulooyinkaImage caption: Kolonyo milatari oo ay la socdaan in ka badan 100 askari ayaa tagay tuulooyinka

In ka badan 220 qof oo rayida, oo ay ku jiraan 56 caruur ah ayay xasuuqeen ciidamada Milatariga Burkino Faso hal maalin oo qura, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadamaha ee HRW.

Weerarrada oo dhacay 25 Febraayo, milatariga ayaa ku dilay 179 qof tuulada Soro, halka 44 kale ay ku dileen meel ku dhaw tuulada Nondin, sida lagu sheegay baarista HRW.

Hay’adda ayaa ku qeexday dil wadareed kan mid kamid ah kuwii ugu xumaa gabood fallada milatariga gaysto muddo ku dhaw toban sano.

Maamulayaasha Burkino Faso wax faalo ah kama bixin warbixinta.

Bishii la soo dhaafay dacwad oogaha guud, Aly Benjamin Coulibaly ayaa codsi u jeediyay dadka goobjooga u ahaa dhacdooyinkan si loo cadeeyo kooxaha dil wadareedka gaystay.

Qaar kamid ah dad kii badbaaday ee daganaa tuulooyinkaasi ayaa HRW u sheegay in kolonyo milatariga ka tirsan oo ay la socdaan illaa 100 askari ay yimaadeen tuulada Nondin, 30 daqiiqo kaddib markii ay halkaas ka gudbeen dagaalyahanno islaamiyiin ah.

Askarta ayaa guri guri u galay, iyagoo dibadda u soo saaray dad kii ku jiray.

‘’Markaa dabadeed koox koox ayay saf u galiyeen, kahor inta aanay rasaas ooda uga qaadin,’ warbixinta ayaa soo xigatay dad badbaaday iyo goobjoogayaal.

Maraykanka oo si qarsoodi ah u siiyay Ukraine gantaallaha riddada dheer

ATACMS la riday intii uu socday dhoolotus miltarai oo ay wada sameeyeen Maraykanka iyo K.KoonfureedImage caption: ATACMS la riday intii uu socday dhoolotus miltarai oo ay wada sameeyeen Maraykanka iyo K.Koonfureed

 

Ukraine ayaa bilowday in ay isticmaasho gantaallaha balaastika ah ee riddada dheer, kuwaas oo ay si qarsoodi ah uga heshay Maraykanka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Maraykan ah.

Hubkan ayaa qayb ka ahaa gargaar gaaraya 300 oo milyan oo doolar oo uu Madaxweyne Biden ansixiyay bishii Maarso, bishana gaaray Ukraine.

Durba hal mar ayay isticmaaleen gantaallahan, iyagoo la beegsaday bartilmaameedyo Ruush ah oo ku yaala gobolka uu haysto ee Crimea, sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka.

MadaxweyneBiden waxa uu hadda saxiixay gargaar gaaraya 61 bilyan oo la siinayo Ukraine.

Maraykanku waxa uu horey u siiyay Ukraine gantaallaha riddada dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Biden ayaa la sheegay in uu si qarsoodi ah u ogolaaday in gantaallaha riddada dheer la siiyo Ukraine, kuwaas oo gaari kara illaa 300km bishii Febraayo.

‘’Waxan xaqiijinayaa in Maraykanku Ukraine siiyay gantaallaha ridda dheer ee ATACMS, iyadoo uu amarka bixiyay Madaxweynuhu,’’ ayuu yiri afhayeenka waaxda arimaha dibadda Maraykanka Vedant Patel.

Itoobiya,Toddoba qof oo ku dhimatay ka dib markii uu dhisme kusoo dumay

Dhisme laga dhisayay magaalada caasimadda ah ee Itoobiya ayaa dumay, waxaana ku dhintay toddobo qof oo oo jiifay guri daris la ah.

Masiibadan ayaa waxay ka dhacday aroornimadii Arbacada abbaare 05:00 xilliga maxalliga ah (02:00 BST) magaalada Addis Ketema, oo ka mid ah xaafadda ugu mashquulka badan magaalada Addis Ababa, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Nigatu Mamo, oo ah afhayeenka maamulka deegaanka, ayaa BBC-da u sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan carruur da'doodu tahay afar jir, 11 iyo 12 jir.

"Dadka dhintay waxay naftooda ku waayeen hawo la'aan," ayay intaasi ku dartay Nigatu Mamo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada booliska ay bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay ikn dhismuhu dumo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo aaggaasi uu la kulmo dhacdo noocan oo kale ah - sannadkii 2022-kii ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay toddoba kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu dhismo ku soo ddumay magaalada Marka, oo ka mid ah suuqyada ugu waaweyn Afrika ee furan.

Khubarada ayaa sheegay in dhismayaal tayo-xun iyo sharciyo daciif ah ay u badan tahay in ay sababeen in dhismayaashaasi ay dumaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip