Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay shir looga hadlay maareeynta musiibooyinka

0
Tuesday April 23, 2024 - 12:22:05 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 95
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay shir looga hadlay maareeynta musiibooyinka

    Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xarunta ururka midowga Afrika ee Magalaada Adis-Ababa uga qeybgalay kal-fadhigii 14-aad ee shir-weynaha sannadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa xarunta ururka midowga Afrika ee Magalaada Adis-Ababa uga qeybgalay kal-fadhigii 14-aad ee shir-weynaha sannadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha ka ah Hay'adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan Maareeynta Khataraha Musiibooyinka. Shirkan oo ay ku kulmeen 39-ka dal ee xubnaha ka ah ururkaan qeeybtiisa farsamada waxaa gudoominayey Agaasimaha waaxda Maareeynta Khataraha Musiibooyinka SoDMA, Khadar sheekh Maxamed Nuur, waxaana shirka qeybtiisa farsamo lugu go'aamiyey go'aanno farsamo oo la hordhigayay madaxda hay'addaha wadamadda xubnaha ka ah oo uu doorkan guddoomiyey Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle. Hay'adda SoDMA ayaa ku guuleeysatay doorashada xubin ka mid ah xubnaha maamulka hay'adda ARC Saddexda sanno ee soo socota, taas oo uu ku matali doono Maxamed Cumar Macalin (Wayaki), waxaana xusid mudan in Soomaaliya markii labaad ay qabato shir guddoonka Ururkaan tan iyo markii ay saxiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sannadkii 2021.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip