HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 20-4-2024

0
Saturday April 20, 2024 - 08:24:05 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 20-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Heshiisyo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya oo maanta yeeshay ku lankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaa reen Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaa niya.

Heshiisyada ay goluhu meel-mari yeen ayaa kala ah, heshiis iskaashi oo u dhex eeya Dowladaha Soo maaliya iyo Tansaa niya, heshiiska wareejinta Maxaabiista Xu kuman iyo Heshiiska Iskaashiga Dalxiiska.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’Iisul Wasaaraha Xukuumadda Soo maaliya Xamsa Cabdi Barre, aya a looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Guda ha iyo Gaashaandhig ga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu la Jiro Alshabaab ah.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulammo looga hadlay horumarinta dhaqaalaha kaga qeyb-galay Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku su gan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka socdo shirka xili ga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduun ka ayaa ka qeyb galay shirar muhiim u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaa liya iyo kulamo doceedyo miro-dhalay oo looga arrinsaday horumarinta iyo dib -u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumad da fede ral ka Soomaaliya Md. Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasii rka horumarinta Caalamiga ah ee Dowl adda Norway Marwo Anne Beathe Tvin

nereim oo qeyb ka aheyd wafdiga ka soo qayb galay shirka xili-dhaxaad ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Ba ngiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa uga mahadceliyay Wasiiradda, doorkii ay Dowladeeda Norway ka cayaartay hann anka deyn cafinta iyo habkii ay uga qaab qaateen dib-u-habeynta Maaliya dda Soomaaliya oo soo martay heerar kala duwan, taas oo sababtay in ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya laga ca fiyo deymihii lagu lahaa.

dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ay aa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeenka Xoghaya Joogtada ah ee Xafiiska Horu marinta Arrimaha Dibadda Mr. Nick Dyer. Kulanka labada masuul ayaa loo ga wada hadlay heerka uu taagan yahay dhaqaalaha Soomaaliya, wadas haqaynta ku saleysan sare u qaadidda dakhliga iyi maalgalinka xiliga isbadd alka cimilada oo saameyn kuleh gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda UK xiriirkeeda Saaxibtinimo iyo taageera deeda, iyadoo Dowladda UK ay dha waan ku dhawaaqday in ay tirtirtay oo ay cafisay Deymihii ay Dowladda Soo maaliya ku laheyd taas oo aheyd Cafin Boqol kiiba Boqol aheyd, 100%.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee ku sugan Washington ayaa kulan gaar ah oo mühim ahaa la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka u qaalbilsan Dalalka Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Aa siya Mr. Jihad Azour. Wasiirka iyo Waf digiisa ayaa kala hadlay Mr. Jihad, qorsha yaasha IMF ee Soomaaliya ee dib-u-ee gista Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaa laha Sadeda Sano ee soo socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dhe eri ah ugu jirta sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona helilahaa maalgalin dhameystiran oo Soomaaliya gaarsiin karta heerka isku filnaashaha ma aliyadeed, maadaama laga cafiyay deymi hii cuslaynayay hannaanka Dowliga ah ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka FS oo la kulmay Madaxda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baar lamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskii sa kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mu dane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Lataliyaha Hay’adda ee Ka-hortaga Leex sashada Gargaarka Mudane C/khaadir Shariif Shiikuna.

Guddoomiyaha Hey’adda oo warbixin siiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka a yaa sheegay in hay’addu ay xoojin doonto dardar-gelinta shaqada qaranka, iyo gaar siinta gar-gaarka dadka u naahan, maa daama ayii yiri la galay xilli roobaadka gu’ ga,lagana cabsi qabo fatahaado sababa barakac iyo dhibaatooyin hor leh.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay shaqada baaxada leh ee hey’addu ay u heeyso bulshada Soo maaliyeed, waxaana uu faray in bulshada Soomaaliyeed la gaarsiiyo digniino, isla-markaana laga wacyi-geliyo goobaha loo ga cabsi qabo in ay dabeylaha ku dhuf taan, hay’adduna ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto ilaalinta iyo bad-qabka dadka u nugul musiibooyinka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Galmudug oo balan qaad muhiim ah u sameeyay dadka dagan dhulka dab damiska

Madaxweynaha maamulka Galmu dug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Ga labta hoyga uu ka dagan ya hay magaa lada Muqdisho ku qaa bilay guddi odayaal ah oo ka socday dadka dagan dhulka xe rada dab dam iska oo dowlada Fedaraalka amartay in laga guuro.

Odayaashaan ayaa cabasho ka ah aa amarka ay duldhigtay dowladda Soomaa liya ee la xariiray iney isaga guuraan dhul ka dab damiska oo ay dowladdu u baa han tahay.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa odayaa sha ka socday dadka degan dab damis ka u balan qaaday in berito oo ku bee gan waqtiga ay ku eg tahay mudadii dowlada u qabatay ineysan cidna u ima an doonin oo ay sii dagananayaan gurya hooda.

"Berri waa sii deganaan doontaan hal kaan cid idiin imaaneysana ma jirto ani gaa la hadlaya madaxda sare ee dowla dda, Booliska iyo hey’adaha kale ee am niga sida wasaaradda amniga, marka is dejiya, cid awood idin ku rari karta ma jirto” ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Qoor qoor ayaa ka dalbaday dadka da gan dhulka dab damiska in dhankooda ay is dajiyaan oo ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara dhibaato, wuxuuna faray odayaasha iney iska soo saaraan guddi kooban oo uu la kulan siinayo madaxda sare iyo kuwa amniga si ay ugala had laan tabashadooda.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya, iyad oo mudadii ay dowladda Fedaraalka u qabatay dadka dagan xerada dab dami ska iney ku guuraan ay ku beegan tah ay maalinta berito ah, islamarkaana dad ka dhulkas dagan ay sheegeen ineysan ka guuri doonin dhulkaas oo ay ka xi gaan dhimasho.

Qurbo-jooog Soomaaliyeed oo ku baaqay in loo istaago raadinta nabadda iyo horumarka Dalka

Qaar kamid ah Qurbo-joogtaan oo ka kala socday mareykanka iyo Kanada ay aa Magaalada Boston ku qabtay shir soc day muddo afar cisho ah oo looga hadlaa yey dagaal sokeeye oo ka dhacay Galbee dka Mudug iyo sida gacan looga geysan karo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah bulshada.

Shirkaasi oo mudadii uu socday ay ka qeybgaleen xubno ka kala socday maa mulada Puntland iyo Galmudug ,aqoon yahanno,ganacsato iyo waxgarad kale,wa xaa la istusay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo sida qurbo-joogta Soomaa kida ay uga qeybgali karaan xal u helidda colaadaha sokeye iyo guud ahaan horu marka Dalka.

Shirkaasi oo ay ka qeybgaleen xubno uu kamid ahaa Xildhibaan c/ladiif Muuse nuur-yare,waxaa laga soo saaray warmu rtiyeed ku wajahan in colaad kasta loo maro wadahadal nabadeed, iyadoo la kaa shanaayo maamulada puntiland iyo Gal mudug.

Ugu dambeyntii war-murtiyeedkaan wa xaa lagu dalbaday in bulshada Soomaa liyeed ay meel iska dhigaan dagaalada so keeye,isla markaana ay u soo jeedtaan horumarkooda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqday in la joojiyo dagaallo ka jira deegaanada K/Galbeed

Madaxda Wasaaradda arrimaha guda ha XFS ayaa ku baaqday in la joojiyo da gaal beeleedyo ka socda deegaanno hoo staga maamulka Koofur Galbeed.

asiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow oo ka had lay colaadaha ka soo cusboonaday deg mooyinka Diinsoor,Burhakaba ,Baraawe,Qoryooleey ayaa baaq farriin ah oo lagu qaboojin aayo dagaaladaasi u diray maamulka K/Galbeed iyo hoggaamiyaasha bulshada ee deegaanadaasi.

Wasiiru dowlaha waxa uu si gaar ah u codsaday in la badaadiyo dhiigga dadka walaalaha ah ee ku wada dhaqan deegaa nadaas,wuxuuna maamulka K/Galbeed si gaar ah uga dalbadqan in ay ku baxaan wax ka qabashada colahaasi.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow waxa uu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin sidii gacan looga geysan lahaa qaboojinta dagaaladaasi,isagoo dhinaca kalena ku baaqay in dadka dagaalamaya ay la yimaadaan Alla ka cabsi iyo in xil la iska saaro wada noolaanshaha dadka ku wada dhaqan halkaasi.

Dagaal beeleedyada ka soo cusboona day deegaanada K/Galbeed ayaa dhali yay barakac,dhimasho iyo burbur hanta.

Golaha Ammaanka oo taageeray in Xalka Israel iyo Falastiin uu ku jiro dhismaha 2 dal

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qara mada Midoobay ayaa taageeray xalka laba dawladood ah oo lagu dhameeyo khilaafka Israa’iil iyo Falastiin ka dib markii Maraykanku diiday dalabkii Falas tiin ee xubinnimada Qaramada Midoob ay.

Kulan ay yeesheen golaha waxaa 12 xubnood ay u codeeyeen qaraar qabyo ah oo ay soo diyaarisay Aljeeriya,kaas oo sheegaya in Dawladda Falastiin ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay, balse waxaa hor istaagay Mareykan ka,waxaana ka aamusay UK iyo Switzer land.

Ergeyga Algeria ee Qaramada Midoo bay, Amar Bendjama, ayaa sheegay in dadaalka waddankiisa uusan joogsan doonin ilaa dawladda Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.

Safiirka Shiinaha Fu Cong ayaa yiri”ogg olaanshaha Falastiin oo xubin buuxda ka ah Qaramada Midoobay waxay runtii gacan ka geysan doontaa wada xaa jood lala galo Israel oo khuseeya xalka laba dawladood ah.

Roobabkii guga oo inta badan ka bilowday Gobolada Soomaalliya

Roobabkii guga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaanno badan oo dhaca go bollada Dalka Soomaaliya,kadib markii maalmihii u dambeeyay ay jireen xaala do daran oo dhanka kulaylka ah.

Roobabkaan ayaa ka da’ay Puntland, Somaliland, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfurgalbeed, Jubbaland iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee kililka sha naad.

Gobollada dalka wararkii ugu dambee yay waxaa ay sheegayaan in dadku ay dareemayaam jawi roobab oo aad u wa naagsan,mana jiraan khasaarooyin baa xad leh oo la soo sheegay illaa hadda.

Marka loo eego roobabkii ka da’ay dho waan dalalka dariska ah ee bariga iyo bartamaha Afrika iyo xataa waddama da khaliijka , waxay ina tusayaan in loo baahan yahay dadaal ku aadan la soco daka daadad suurtagal ah in ay dhali yaa n barakac ,gaar ahaan deegaannada dha ca xeebaha iyo wabiyada.

Maraykanka oo hor-istaagay in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

Maraykanka ayaa codka diidmada qay axan u isticmaalay qaraar ay soo diyaari say Qaramada Midoobay, kaas oo jidka u xaadhaya in xubinimo buuxda la siiyo da wlad ay leeyihiin Falastiiniyiintu.

Qaraarkan oo la horgeeyey golaha am maanka ee Qaramada Midoobay, waxaa taageeray 12 xubnood, waxaa ka aamu say laba xubnood halka Maraykankuna uu ka soo horjeestay.



Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay inay cunaqabatayno cusub ku soo rogayaan Iran. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa, iyada oo hog gaamiyayaasha Midawga Yurub oo ku shi rsan Brussels ay wacad ku mareen inay kordhinayaan cunaqabataynada ay saa rayaan Iraan, iyaga oo bartilmaameed sanaya nidaamka diyaaradaha aan duul iyaha lahayn iyo gantaallada ay geeyaan meelaha ay ka hawlgalaan ururada gacan saarka la leh sida Gaza, Yemen iyo Lubn aan.

Cunaqabataynta Maraykanka ayaa bart ilmaameedsanaysa shakhsiyaadka iyo shi rkadaha soo saara mishiinada ay isticmaa laan diyaaradaha yaryari iyo weliba dhina cyada soo saara birta loo adeegsado.

Aadan Madoobe iyo Maamulka Hay’adda Maareynta kala hadlay hal arrin oo muhiim ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxa med Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay, Guddoomi yaha Hay’adda Maareynta Musiibooyin ka Qaranka Maxamuud Macallim Cabd ulle oo uu wehliyo Lataliyaha Hay’adda ee Ka-hortaga Leexsashada Gargaarka Mudane C/khaadir Shariif Shiikuna.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa waxaa uu sheegay in hay’addu ay xoojin doonto dardar-gelinta shaqada qaranka, iyo gaarsiinta gar-gaarka banii’aadannimo, maadaama la galay xilli roobaadka Gu’a lagana cabsi qabo fatahaado sababa barakac iyo dhibaatooyin hor leh.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay shaqada baaxada leh ee ay u heeyso bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu faray in bulshada Soomaaliyeed la gaarsiiyo digniino, isla-markaana laga wacyi-geliyo goobaha looga cabsi qabo in ay dabeelaha ku dhuftaan, hay’adduna ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto ilaalinta iyo bad-qabka dadka u nugul musiibooyinka dabiiciga ah.

Dhinaca kale Roobabkii guga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaanno badan oo dhaca gobollada Dalka Soomaaliya,kadib markii maalmihii u dambeeyay ay jireen xaalado daran oo dhanka kulaylka ah.

Puntland oo billowday inay Gaar ula macaamisho Beesha Caalamka

Waxaa magaalada Nairobi ku qabsoo may Shir dhexmaray Dowlad Goboleedka Puntland iyo Beesha Caalamka oo heer Wasiir ah, Kaasi oo uu Shir-guddoomiyey Wasiirka Qorsheynta Dowladda Puntland Mudane Daa’uud Maxamed Cumar.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariic da horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta, Iyadoo Wafdigu la wadaagay Beesha caalamka Buuga qorshaha Xukuumaddaa, Waxaa na Shirku kusoo dhammaaday Jawi wa naagsan.

Wakiillada Beesha Caalamka ka socday ee Shirka ka qeybgalay waxaa mid ah USA, UK, EU, Norway, Sweden, Denmar k, Switzerland , Netherlands iyo SSF. Dhi naca Dowladda Puntland waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Beeraha, Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Wasii rka Kalluumeysiga , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo xubno ka mid ah Guddiga Ganacsiga Puntland.

DENI oo ku guuleystay arrin weyn oo la xiriirta khilaafka kala dhaxeeya Xasan Sheekh

Muddo kahor waxay u badan tahay in aad ogeyn in Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay ku kala maqan yihiin dano gaar ah oo siyaasadeed, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu kursigii ra’iisul wasaaraha la aaday jiho uusan fileynin Saciid Deni.

Sidoo kalena Saciid Deni laga qadiyay mirihii dagaalkii lala galay Farmaajo oo ah xukunka iyo xoolaha ay maanta haystaan Xasan Sheekh iyo kooxdiisa. Laakiin maanta xaalku halkii ma joogo.

Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu ku guuleystay inuu reer Puntland si buuxda ugu qanciyo in dagaalka Xasan Sheekh uu yahay mid uu deegaanka iyo beesha halkaa degan kula jiro. Waxay u muuqata inay tani si weyn ugu shaqeyso Saciid Deni, waxaana ku caddeynaya laba tallaabo oo waaweyn oo Saciid Deni qaaday oo ay dhamaan ku raaceen ama aanay ku diidin hor-weynta siyaasadeed ee Puntland.

Iyada oo horey loo ogaa sida uu Saciid Deni xilligii doorashadiisa u sariftay colaadda kala dhaxeysa Xasan Sheekh, taas oo u goysay inuu dib ugu soo laabto kursiga, haddana sida ay hor-weynta siyaasadeed ee Puntland u taageereen ama aanay u diidin laba tallaabo oo waaweyn oo Saciid Deni qaaday waxay caddeysay in Deni uu ku guuleystay in khilaafkii isaga iyo Xasan Sheekh ku guuleystay inuu ka dhigo mid ay reer Puntland u dhan yihiin.

1. Heshiiskii Puntland iyo dowladda Itoobiya

Iyada oo uu taagan yahay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya in Puntland oo ah maamul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu Itoobiya heshiis ula galo sida dowlad madax-banaan waxay aheyd arrin ka yaabisay inta badan bulshada Soomaalida, laakiin reer Puntland si weyn ayay badankood tallaabadaasi ugu taageereen maamulka Saciid Deni.

Waxaa la sugaayay jawaabta ay arrintaasi ka bixin doonaan siyaasiyiinta waaweyn ee reer Puntland oo ay ku jiraan madaxdii hore ee maamulkaasi iyo ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland, balse waxaa yaab aheyd in aanay qofna tallaabadaasi ku khilaafin Saciid Deni.

2. Go’aanka udhaqanka sida dowlad madax-banaan

Midda labaad waa go’aanka Saciid Deni ku sheegay inay usii dhaqmayaan sida dowlad madax-banaan oo ay kalsoonidiina kala laabteen dowladda federaalka. Isna ma yeelan diidmo badan oo madaxdii hore ee Puntland iyo guud ahaan siyaasiyiinta waaweyn ee deegaankaasina kuma khilaafin Saciid Deni.

Marka la eego sida ay labadaasi arrin uga aamuseen ama u taageereen siyaasiyiinta iyo shacabka reer Puntland waxa ugu fudud ee lagala dhex bixi karo waa in Saciid Deni uu ku guuleystay in khilaafkii isaga iyo Xasan Sheekh u beddelay mid ay la qabaan dhamaan reer Puntland oo ay arrintu tahay dagaal reer Puntland iyo Xasan Sheekh u dhaxeeya.

Inuu Saciid Deni middaasi ku guuleysto dowladda federaalka ayaa sababteeda qeyb ku leh, taas oo ayadu isku mashquulin inay reer Puntland kale soo dhaweysato marka Saciid Deni laga reebo oo ay dowladnimadana ka siiso wax u qalma miisaanka ay dadka deegaanadaasi ku leeyihiin dowladda dhexe.

Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni inuu kasoo gudbay marxaladdii loo arkayay inay isaga iyo Xasan Sheekh gaar isku hayaan waxay u tahay wax weyn. Halka Xasan Sheekh ay culeys ku tahay in loo arko nin diidan deegaan gaar ah, wax badan ayayna ka haleyn kartaa diiwaankiisa iyo shaqooyinka horyaalla maanta oo ay ugu horreyso isku haynta dalka iyo mideynta doorashooyinka.

Blinken oo diiday inuu ka jawaabo su'aal ku saabsaneed, haddii Mareykanku ogaa weerarkii xalay Israa'iil ku qaadday Iran

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa su’aalo laga waydiiyay wixii dalkiisu ka ogaa weerarkii ay Israa'iil ku qaadday Iran, balse arrintaa waa uu diiday inuu ka jawaabo.

Wuxuu ku soo koobay hadalkiisa Mareykanku "kuma lug lahayn wax hawlgal weerar ah".

Waxa uu sheegay in Maraykanka iyo G7 ay diiradda saareen sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha iyo "isku dhac kasta oo iman kara".

Blinken waxa uu intaa ku daray in Israa'iil ay la kulantay "weerar aan hore loo arag" iyo in Maraykanku uu xoogga saarayo "in la hubiyo in Israa'iil ay is difaaci karto".


Somaliland: Saddex caruura oo walaalo ah oo ku dhintay daad qaaday

Saddex caruura oo walaalo ah ayaa geeriyooday kadib markii uu daad ku qaaday deegaanka Xididaley ee Gobol ka Saaxil ee Somaliland.

Geerida caruurta ayaa timid ka dib markii uu qaaday daad xoogan oo ka dhashay roobabka gu’ga oo ka curtey deegaanadaas, caruurta dhimatay ayaa iskugu jira 2 hablood iyo hal wiil, oo qoys kasoo wada jeeda.

"Reer dhan ayuu roobku qaaday car uurtii iyo adhigiiba, odayga iyo islaantuna way ka maqnaayeen ayaa la yidhi, waxa uu qaaday 4 caruura, mar kaa inan wuu noolyaha oo daadka waa laga reebay, 2 hablood iyo inana way dhinteen" waxa sida Warbaahinta Xuk uumada u sheegay masuul ka tirsan maamulka gobolka Saaxil.

Waxa uu sheegay in caruurta daadku qaaday ay ahaayeen xoolo dhaqato reer guuraa ah oo goobtan oo naq helay kasoo raadsaday daaq iyo biyo kadib markii ay ka da'een roobabab, waxa uu xusay in reerku ay dageen goob biyo mareen ah.

Waxa uu inta ku daray in roobku uu da'ay saq dhexe, isla markaana ay caruurtu hurdeen xiliga uu daadka qaaday, taasina ay keentay in uu daadku uu ka dul boodo madaama oo ay ahaayeen reer guuraa aan haysan sariiro iyo guryo fiican toona.

Caruurta geeriyootay ayaa galabta lagu aasay deegaankii uu daadku ku qaaday, waana khasaarihii ugu waynaa ee ilaa hada ay gaystaan roobabka gu'ga ee ka curtay Somaliland.

Dadka dagan dhulka Dab damiska oo diidan iney ka guuraan dhulkaas

Waxaa dood aad u weyn ay ka taagan tahay dhulka xaruntii ciidanka dab damiska ee magaalada Muqd isho oo ay dagan yihiin dad shacab ah mudo aad u dheer, kuwaas oo Booliiska Soomaaliya uu amray iney isaga guuraan dhulkaas.

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkii tagay soo saaray amar ku socday dadka degan dhulka dab

damiska, kaasoo ahaa in mudo ku siman laba bilood looga guuro dhulkaas, hayeeshee amarkaasi oo ku ekaa 25 bishii Janaayo ee sanadkan ma noqon mid dhaqan galay.

Booliiska Soomaaliya oo fursad kale u siiyay dadka iney guuraan 1-dii bishii Febraayo ee sadankaan ayaa hadana markale waxaa dhaqan gali waayay amarkaas.

Digniin sadaxaad oo ay soo saareen Booliiska oo lagu sheegay iney tahay mid kama dambeys ah oo loo qabtay dadka degan dhulkaas iney ku guuraan ayaa ku eg berito oo Sabti ah.

Dadka degan dhulkaas oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen ineysan ka guuri doonin dhulkaan oo aysan garaneyn meel kale oo ay u guuraan.

Meel aan u guurno ma naqaan 15 sano ka badan ayaan daganahay dhulkaan oo anoo qaxooti kuso galay ayaan dagay caruurta meel aan geeyo garan maayo Xamar cidna iima joogto Cagafyada naloogu hanjabayo guryaha hanagu aasaan ma guureyno" ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinka degan dhulkaas.

Dadka degan dhulka dab damiska oo mudadii loo qabtay ku beegan tahay berito ayaysan ka muuqan wax diyaar garoow ah oo la xariira iney isaga guuraan dhulkaan oo ay dowladdu sheegtay iney u baahan tahay.

Lama oga sida wax noqon doonaan berito oo ay ku egtahay mudadii dowladdu qabatay, waxaana xusid mudan in dowladda ay sheegtay in cidii u hogaansami weyda amarka looga guurayo dhulka dab damiska iney ka qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Israa'iil oo weerar Gantaalo ah ku qaaday gudaha dalka Iiraan

Wararka ka imaanaya Bariga dhexe ayaa sheegaya in Israa'iil aroornimadii hore ee saakay weerar ay u adeegsatay Gantaa lada ridada dheer iney ku qaaday dalka Iiraan.

Israa'iil ayaa weerarka Gantaalada ah ku qaaday goobo bartilmaameedyo u ahaa oo ku yaala gudaha dalkaasi Iiraan.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in jugta qarax weyn laga maqlay gobolka Isfahan oo ay ku yaalaan goobo muhim ah oo kala ah saldhig weyn oo dhanka cirka ah, goob lagu sameeyo Gantaalada iyo goobo kale oo ay ku jiraan xarumo Nukliyeer ah.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Isra’iil maalmahii lasoo dhaafay ay ku hanjabeysay iney jawaab ka bixin doonto weerarkii cuslaa ee Iiraan ka geysatay Sabtidii hore gudaha dalkeeda.

Si kastaba ha ahaate illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dowladaha Iiraan iyo Isra’iil oo ku aadan weerarkaan saakay dhacay.

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soo maaliya, gaar ahaan Kumaan dooska Dan ab, Ururka 162-aad iyo ciidanka Nabadsu gida Jubbaland ayaa deegaano hoostaga degmada Jamaame ka fuliyay howlgal khasaa re badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ciidamada waxay ka fuliyeen deegaano dhowr ah oo ku yaala jiinka wabiga Jubba, kuwaas oo kala ah Jiimay, Bangeeni iyo Bandar jadiid oo dhamaantood hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu shaaciyay in howlgalkaas lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad, islamarkaana sidoo kale howlgalka lagu qabtay xubno nool oo ka mid ah kooxda.

"Howlgalkan ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay qasaare lixaadleh iyadoo laga laayay ina kabadan 30 oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad, iyada oo maxaabiis dhaawac ah iyo kuwa kaleba gacanta looga dhigay" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgal kaan waxay sidoo kale sheegeen in cii damada ay sii wadayaan howlgalada noocaan ah oo ay ku beegsanayaan goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yi hiin deegaanada Jubbooyinka.

Kenya oo baaraysa sababbihii keenay shilka diyaaraddeed ee uu ku dhintay Janaraal Francis Ogolla

Dawladda Kenya ayaa koox baarayaal ah u dirtay burburka diyaaradda ay ku dh in teen taliyihii ciidamada qalabka sida Jana raal Francis Ogolla iyo sagaal qof oo kale.

Illaa hadda ma cadda sababbaha kee nay burburka diyaaradda oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka.

Janaraal Ogolla ayaa kamid ahaa 12 qof oo saarnaa diyaaradda oo galin kii dambe ee khamiista dhacday wax yar uun kaddib, markii ay ka kacday garoon ku yaala waqooyiga galbeed ee dalka.

Janaraalka ayaa lagu aasi doonaa maalinta Axadda ah hoygiisa oo ku yaala galbeedka ismaamulka Siaya, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Isagoo ku dhawaaqayay sedex maal mood oo baroordiiq qaran ah, ayaa Ma daxweyne William Ruto waxa ku tilm aamay geerida Janaraalka mid murugo ku riday wadanka.

Janaraal Ogolla ayaa taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya loo magacaabay bishii Abriil, ee sanad kii hore .

"Wadankeena hooyo waxa uu waayay mid kamid ah janaraalladii ugu geesisa naa,” ayuu Ruto u sheegay dadweynaha.

Janaraal Ogolla ayaa ciidanka difaaca Kenya ku biiray bishii Abriil, 1984 kii, sida laga soo xigtay bogga wasaaradda difaaca Kenya.

Todobaadka soo socda ayuu u dabaal degi lahaa afartan guuradda, maalin kii uu ciidanka ku biiray. Waxa uu shaqada ka bilaabay ciidanka cirka, isagoo loo ta babarray duuliye sida wasaaraddu sheegtay. Waxa kale oo Jananka loo tababaray la dagaalanka argagixisada, sirdoonka iyo baarista.

Maxaa lagu haystaa inanta Ilhan Cumar?

Isra Xirsi oo ah gabar ay dhashay Ilhan Cumar lagu dhegen yahay

In ka badan 100 arday oo ay ku jirto ga bar ay dhashay Ilhan Cumar oo ka tir sa n Aqalka Wakiillada Mareykanka ay aa la xirxiray ka dib markii ay ka qaybg al een bannaanbax agu taageerayey Fa lastiin oo ka dhacay Jaamacadda Col umbia ee magaalada new York.

Mas’uul u hadlay jaamacadda ayaa sheegay in tillabadan aan caadiga ahayn la qaaday markii ardaydu ay dhegaha ka fureysteen digniino kala duwan oo looga dalbaday inay ilaaliyaan xasilloonida islamarkaana ay abuuraan jawi nabdoon.

Ardayda bannaanbaxa dhigay waxaa ka mid ahayd gabar ay dhashay Xildhibaan Ilhaan Cabdullaahi Cumar oo lagu magacaabo Isra Hirsi oo 21 sano jir ah, taas oo ganaax dartiis dugsiga loogafariisiyey.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Qasa, waxaa jaamacadaha Mareykanka ku soo badanayey bannaanbaxyada laagu dalbanayo xabad-joojin rasmi ah oo halkaas ka dhalata.

Ilhan Cumar ka tirsan oo ka felcelisey tillaa bada laga qaaday inanteeda ayaa xaqiijisay in Isra laga joojiyey Barnard College, sabab tas qura ee loo haystaana ay tahay maxaad darenkaaga ugu cabbirtay bannanbaxa looga soo horjeedo xasuuuqa lagu hayo reer Fala stiin.

Ragga doobnimada ku raaga oo guurkooda ka dib laga dayrinayo caafimaadka caruurta ay dhalaan

Ragga go’aansada inay guursadaan markay gaaraan da’da 35 sano jir ayaa laga sheegay inay halis sare ugu jiraan in ilmaha ay dhalaan noqdaan dhicis ama inuu haleelo xanuunka ootiisamka.

Intaa waxaa dheer, sannad kasta shahwadu waxay ku dhacda hoos u dhac weyn oo xagga tirada iyo tayada ah, taas oo adkeyn karta isku dayga in la dhalo.

Tan waxaa lagu darsay dhowr baaritaan oo la sameeyay sanadihii ugu dambeeyay, oo uu ku jiro mid lagu sameeyay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Stanford ee Mareykanka, kaas oo lagu falanqeeyay xogta in ka badan 40 milyan oo dhalasho ah.

Guud ahaan, khataraha hooyada ka soo daahda hooyonimada waa mid si weyn looga yaqaan dadweynaha dhexdooda, laakiin iyaguna waxay dareensan yihiin dhibka wey ee uurka marka da’doodu u dhaxayso 35 ilaa 40 sano jir.

Guud ahaan, khataraha hooyadu ku soo daahato ayaa ah mid si weyn looga yaqaan dadweynaha dhexdooda, haweenkuna waxay ogyihiin dhibka weyn ee uurku marka ay da'doodu u dhaxayso 35 ama 40 jir.

Dr. Karla Giusti Zacharias, oo ku takhasusay taranka aadanaha kana mid ah kooxda daawaynta ee Rede D'Or - Hospital São Luiz Itaim, ee São Paulo, ayaa sheegtay inay si joogto ah u qaabisho rag waaweyn oo doonaya inay ilmo ku dhex dhalaan.

"Waxaan arkaa bukaanno 50 ama 60 jir ah oo guur labaad kula jira naag ka yar oo raba inay uur yeelato," ayey tiri

Su'aasha ay weydiiyaan xirfadlayaasha caafimaadku waa: waa maxay khatarta ah in la noqdo waalid ka weyn?

Guud ahaan, habka taranka ee ragga wuxuu ku shaqeeyaa caqli-gal ka duwan kan dheddigga.

Halka dumarku ay leeyihiin tiro xaddidan oo unugyo galmo ah ama gametes, marka laga hadlayo ragga, wax-soo-saarka shahwada oo bilaabma xilliga qaan-gaarka wuxuu sii socdaa inta ay nool yihiin oo dhan.

Laakiin inkasta oo wax soo sarta gametes raggu uu yahay mid joogto ah, haddana Tayada habkani maaha mid la mid da’gaara

Oo halkan waxay timaaddaa su'aasha muhiimka ah: inkasta oo wax soo saarka gametes lab ah uu yahay mid joogto ah, balse marka aan da'danahay, waa dabiici in unugyadaas ay soo saaraan tiro yar oo ay leeyihiin cillado badan.

Cilladahan, ayaa iyaguna ka hortagi kara bacriminta.

Cilmi-baadhisyada qaar ayaa tilmaamaya, xitaa marka la isku dayo in la dhalo lagu guulaysto, ay jirto khatar ah in ilmuhu si joogto ah ula kulmo xaaladaha caafimaadka qaarkood, laga bilaabo neefsashada oo yaraada wakhtiga dhalashada ilaa autismka.

lagu ogaaday in aaba da'da weyn ku dhala ilmo ay khatarta weyn ilmihiisu la kulmi karaan.

Ragga doonaya inay caruur dhalaan marka da’doodu gaarto 35 sano waxay leeyihiin khatar sare oo ah in ilmahoodu ku dhashaan miisaan yar, qalal, ama u baahandan hawo farsamo ah si uu u neefsado isla dhalashada ka dib.

Dadka da'doodu ka weyn tahay 45 sano waxay 14% aad ugu dhowdahay inay dhalaan ilmo dhicis ah halka kuwa ka weyn 50 ay leeyihiin 28% khatarta sare ee dhallaanka u baahan inuu waqti ku qaato qaybta daryeelka degdegga ah.

Qoraaga cilmi-baaristan Michael Eisenberg, oo ah borofisar ku takhasusay urology ayaa caddeeyay in tirooyinkaas aan loo fasirin qaylo-dhaan. Ra'yigiisa, natiijadu waxay caawisaa qoysaska inay si wanaagsan u qorsheeyaan oo ay ula socdaan hadba sida loo baahdo.

"Waxaa jira u janjeera in la eego arrimaha hooyada marka la qiimeynayo khatarta la xiriirta dhalashada. Laakiin daraasaddeenu waxay muujineysaa in dhalmada cunugga caafimaad qaba ay tahay dadaal kooxeed, da'da aabaha ayaa sidoo kale wax ku biirisa," ayuu yiri Michael Eisenberg.

Cilmi-baariyso kale oo soo baxay sanadkii 2017-kii ayaa arrintan si isku mid ah u dhigay taas oo tilmaamay khatar sii kordhaysa ee la xiriirta waalidka da’ada weyn ee cudurka autism ee ilmaha.

Sidaas oo kale cilmi-baadhistu waxay tilmaantay in 10-kii sannadoodba mar ay korodho da’da aabuhu, ay 21% ka badan tahay suurtogalnimada in ilmuhu ku dhaco xanuunkan, kaas oo la xidhiidha dhibaatooyinka xagga xidhiidhka, is-dhexgalka bulshada iyo hab-dhaqanka.

Saynis weli si hubaal ah ugama jawaabi karo sababta tani u dhacdo.

Laakiin inkasta oo tayada iyo tirada shahwada ay hoos u dhacday sannadihii la soo dhaafay, haddana u janjeera ayaa ah in gametes-ka ugu fiican uu noqdo mid guuleysta oo mid iyaga ka mid ah uu bacrimiyo, taas oo yaraynaysa khatarta caafimaadka ilmaha, ayuu caddeeyay Alfredo Canalini, oo ah madaxa bulshada Brazil. ee Urology.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip