Tirada dadka ku nool Somaliland oo la shaaciyay

0
Thursday April 18, 2024 - 10:29:45 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada dadka ku nool Somaliland oo la shaaciyay

    Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaacisay in tirada dadka ku nool deegaanadeedu ay gaadhay 6.2 milyan. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta ka qabsoomay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in tirada dadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland ayaa maanta shaacisay in tirada dadka ku nool deegaanadeedu ay gaadhay 6.2 milyan. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta ka qabsoomay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in tirada dadka Somaliland ay korodhay oo ay 6 milyan kor u dhaaftay. "Tirada Dadka Jamhuuriyadda Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 milyan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay" ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyada. Warbixin soo baxday sannadkii 2021, ayaa lagu sheegay in tirada dadku xiligaa maraysay 5.7, waxaana tirada dadka ku biiray 500,000 oo qof marka la eego warbixinta maanta. Xukuumadu may sheegin sida ay ku heshay xogta tirada dadka, mana jiro tirakoob dhab ah oo ilaa hada la ogyahay, oo ay xukuumadu samaysay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip