HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 18-4-2024

0
Thursday April 18, 2024 - 08:42:04 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 18-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shirka amniga caasimadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Mudane Xa san Sheekh Maxamuud ayaa Guddoo miyey Shirka Amniga Gobolka Banaadir oo looga hadalay dardar galinta tallaa booyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo markii ugu horreysay loo ga yeeray Guddoomiyeyaasha Degmoo yinka Gobolka Banaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimad da looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’ adaha ammaanka, iyaga oo soo bandhi gay qorsheyaashooda ku aaddan ilaalin ta nafta, hantida iyo sharafta muwaadi niinta Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisul wasaaraha XFS, Taliyeyaasha Ciidama da Qalabka sida, Guddoomiyaha Gobol ka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo qaabbilay safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baar lamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa shalay hoygiisa ku qaabbilay safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Muda ne Pier Mario Dacco’ Coppi.

Safiirka ayaa guddoomiyaha uga ma hadceliyay soo dhowaynta diiran, wu xuuna ballan qaaday in uu si dhow uga shaqeyn doono adkaynta xiriirka wana agsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulamo gaar ah la qaatay madaxweynaha Bangiga Adduunka iyo ku xigeenkiisa.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fe deralka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, xili uu soconayo shirka Xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo matalaya dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qab galay, kuna hadlay afkooda ayaa jeedi yay khudbad uu ku faah faahiyay habka unuglaanshada Deymaha, ka soo kaba shada iyo kobcinta dhaqaalaha. Tan iyo wixii ka dambeeyay December 2023, Soomaaliya waxa aheyd tusaale ay ku daydaan dalalka soo koraya ee deyma ha lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdiga ku wehliya shirarka Washington waxa ay shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya ah la qaateen Ma daxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduu nka qeybta Bariga iyo koofurta Qaarad da Afrika, shirkaan ayaa si gaar ah diira dda loogu saaray horumarinta iyo ballaa rinta taageerada Baniga ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumari need iyo dib-u-haneynta Maaliyadda oo hada meel aad u wanaagsan maraya.

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka China ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaa shiga caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Siiha yaha Safaaradda Jamhuuriyadda Shac biga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya, Mudane Chen Wendi, oo ugu yimid booqasho sharafeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhe xeeya iyo kobcinta dhinacyada iskaashi wadaagga iyo isku-duwidda si looga guul keeno nacfi is-dhaafsiga.

Wadahadalka ayaa lagu fallanqeeyay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo lagu muujiyay suuragalnimada kobcinta is kaashi dhinacyo badan ku suntan. Labada dhinac waxa ay carabaabeen si da ay uga go’antahy kobcinta iyo horu marinta iskaashiga, si ay si wadajir ah wax uga qabtaan caqabadaha heer go bol iyo heer caalami.

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay, Wa kiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soo maaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgal ka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda iyo amniga ee ah ku wa lagama maarmaanka u ah horumar ka qaranka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray si dii looga wada-shaqayn lahaa wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayso Soomaaliya, iyadoo la muujiyay sida ay lama huraanka u tahay sii ambaqaadid da iskaashiga u dhexeeya Dowladda Fe deraalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabbilsan nabadeynta geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaal ka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Yuusuf (Cali- Xoosh ) ayaa gelinkii dambe ee shalay kulan isbarasho ah la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaa bbilsan dhexdhexaadinta nabadeynta Geeska Afrika, Suldaan Saciid Axmed.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-heshiisiinta iyo dhexd hexaadinta, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray doorka dhallinyarada ay ku leeyihiin nabadaynta.

Wasiirka isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuu madda JFS Mudane Saalax Jaamac ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda mudane Maxamed Aa dan Macallin (Soomaali) iyo Wasiirkii ho re ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xa san Khaliif.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ku bogaadiyey Wasiirkii hore ee Wasaarad da shaqadii uu Qaranka u soo qabtay, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin haddii uusan lahayn adeeg teknolojiyadeed oo casri ah, lana jaan qaadaya dunida, kaas oo kaalin weyn ka qaata horumarinta dhinacyada caafi maadka, waxbaashada, dhaqaalaha iyo adeegyada bulsho ee ay dowladdu gaarsiineyso dadka Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Wa saaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyad da ay muddo yar ku sameysay horum arro waa-weyn oo ay kamid yihiin same ynta shuruuc iyo siyaasado Qaran oo horseedaya qorshe isbddel oo la jaanqa adaya dunida casriga ah.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xi geenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Tamar ta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Cab dullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Cabaas Taqal.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Wasiirkii hore shaq ooyinkii uu Qaranka u soo qabtay, isaga oo kula dardaarmay Wasiirka cusub ee xilka la wareegay in uu ka shaqeeyo si dii ay shacabka Soomaaliyeed u heli la haayeen biyo nadiif ah iyo koronto ja ban.

Puntland oo sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu kalsoonidii kala noqday xildhibaana da ku matala labada aqal ee baarlamaa nka ee kasoo horjeeda go'aannada ay Puntland ka qaadatay xiriirka dowladda federaalka.

Puntland waxay sheegtay in xildhibaa nadaas aysan Puntland ku matali karin Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxa muud Caydiid Dirir ayaa yiri hadalkaan, isagoo sheegay in xildhibaanada ay Puntland u dirsatay Muqdisho, ay muc aarad ku noqdeen deegaanadii lagasoo doortay.

"Qofka meesha lagasoo doortay muc aarad ku noqday, xagguu joogayaa? Waa inay ogaadaan in aanay xasaanad lahayn haddii ay dafireen degaankii laga soo doortay. Iyaga iyo dadka suuqa joo ga waa isku mid.” Ayuu yiri wasiir Cay diid Diri.

Hadalka wasiirka warfaafinta Puntl and ayaa yimid, xilli qaar kamid ah xil dhibaanada labada aqal ah ee kasoo jeeda Puntland, ay sheegeen inay iyagu arrimaha Puntland kala xaajoonayaan dowladda federaalka, maaddaama uu madaxweyne Deni xiriirka u jaray dowl adda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannadan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu arrimo siyaasa deed oo isaga u gaar ah uu kula dirirsan yahay dowladda federaalka, taasoo ay sheegeen inay kala dhalatay in dadka reer Puntland ay waayaan mashaariicdii ay xaq u lahaayeen.

SoDMA oo u diyaar garoobaysa Khataro laga cabsi qabo inay dhacaan

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Md Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehlinayaan agaasima ha maareynta khataraha masiibooyinka, maareeyaha xarunta qaran ee Gurmad ka shalayga ah ee NEOC, Madax Unugga Arrimaha Jinsiga iyo lataliya yaal ayaa shalay kulan kula qaatay Xa fiiska Save the Children ee Soomaaliya madaxda Hay’adda Save the Children ee xafiisyada Switzerland, Sweden iyo Ku simaha Madaxa Save the Children ee Soomaaliya si wadajir ah.

Kulan ka ayay SoDMA kula wadaag tay howlaha ay hay’adda ka wado digni in hore ee Khatarta ( Early warning) iyo u diyaar garoowga Khatarta la Filayo (Anticipatory Action) si ay ugu goor ga laan.

Kulanka ayaa la isla qaadaa dhigay in lagu daro mashaariicda dalka laga hirga liyo in lagu daro bixinta iyo casriyeenta digniinaha hore taas oo muhiimada tahay sidii ay fariimaha digniinaha u ga ari lahaayeen xili hore dadka loogu tala galay si ay u sii ogaadaan xilli hore dad ka ay musiibada ku dhacdo.

Dhinaca kale u diyaar garoowga khat arta la filayo (Anticipatory Action) oo ay Hay’adda SoDMA garwadeen ka tahay ayaa la isla gartay in laga wada shaqee yo si wadajir ah oo ay ka qayb qaateen taageerada hay’addaha caalamiga ah iyo sidii loogu dhafi lahaa taageerada bulshada kuwooda ugu nugul ee hawe enka iyo caruuta ugu horreeyaan kuwa as oo mudnaan u leh in ay gaarto dignii nta hore.

Galmudug oo sheegtay in kooxda Al-shabaab gabaabsi ku tahay deegaanadeeda

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ma amulka Galmudug Abshir Cabdi Shii qow ayaa sheegay in kooxda Al-shaba ab ay haatan gabaabsi ku yihiin deegaa nada dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiir Shiiqoow ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu juhdi badan ku bixiyay sidii deegaanada maamulka loo ga xureyn lahaa maleeshiyaadka Al-sha baab ee mudo ka badan 10 sano dhi baatada ku haayay shacabka ku nool Galmudug.

"Kooxda Al-shabaab hada waa laga saaray inta badan deegaanada dowlada Galmudug, kadib markii shacabka ay si weyn u fahmeen dhibaatada argagixisa da, saldhigyo waa weyn oo loogu hagaa gi karo hada kuma laha kooxda deegaa nada Galmudug" ayuu yiri Wasiirka War faafinta Maamulkaas Abshir Cabdi Shii qoow.

Wasiir Shiiqoow ayaa sidoo kale sha raxaad ka bixiyay sababahii dhawaan ciidamada uga soo baxeen deegaanada hoostaga Xarardheere.

"Ciidamada waxay usoo baneyeen dhawaan deegaanada hoostaga Xarar dheere xeelad farsamo oo cadawga lala rabo dib ayayna u qabsan doonaan dee gaanadaas, waayo wax tabar ah maleh Al-shabaab waa in yar oo arbushaad lee sameyn karta, waana la soo afjari doona" ayuu yiri Wasiir Shiiqoow.

Si kastaba ha ahaatee deegaanada maamulka Galmudug waxaa mudo sa nad ka badan ka socda howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaa na xusid mudan in madaxweynaha Soo maaliya uu tiro dhowr jeer ah u tagay deegaano ka tirsan Galmudug dardar galinta dagaalka ka dhanka kooxda.

 

Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay oo gaaray Magaaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo uu Wehliyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Galmudug Maxamed Ali Cantoobo ayaa shalay xarunta Madaxt ooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kulan miro dhal ah kula qaatay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu ho gaaminaye Ku-Xigeenka Wakiilka Gaar ka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha Qaramada Midoobay ee Arrima ha Deegaanka iyo Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, George Conway.

Xubnaha wafdiga Qaramada Midoo bay waxaa ka mid ahaa wakiilo ka kala socday Xafiiska La-taliyaha Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoo bay ee Xal-u-helida Barakacayaasha Aa duunka, Xafiiska Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Bani’aadamnim ada ee Soomaaliya, Xafiiska UN-Habitat ee Soomaaliya, UNDP, UNICEF, UNH CR iyo IOM.

Kulan-kaan oo ay soo qaban-qaabi say Waaxda Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qor sheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowlada Federaalka Sooomaaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Galgad uud, Gudoomiyaha Degmada Abudwaq iyo Gudoomiyaha Ku-xigeenada Deg mooyinka Cadaado, Galkacyo iyo Dhuu samareeb.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la mideeyo daddaalada ku aadan in bul shooyinka barakaca ah loo helo xal waa ra iyadoo Dowlad Goboleedka Galmu dug ay balanqaaday in ay kaalinteedu qaadaneysay iyada oo barakacayaasha siinayso dhul halka Qaramada Midoo bay uu dowrkeeda yahay dhisidda hooy wanaagsan si waafaqsan wadiiqooyinka horumarka xalka waara iyo midka caa lamiga ah ee lagu doonayo in hal mal yuun oo barakacayaal Soomaali ah laga saaro xaaladda barakaca labo sano gudahood.

Rag lagu Eedeeyay dilka Sheekh Cabdullaahi Dalab oo shalay Maxkamad la soo taagay

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa shalay soo gabagabeeysay dheg eysiga garmaqalka gal-dacwadeed ay wadajir eedeysanayaal uga yihiin Maxa med Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xassan iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdiw ahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo xafii ska xeer ilaalinta maxkamadda ciidanka Jubbaland uu kusoo eedeeyay in ay wa dajir uga wada qeyb qaateen AUN dilkii magaalada Kismaayo loogu geystay Sheekh Cabdullaahi Dalab sanadkii 2016-ka.

Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Jubbaland oo shalay soo gabagabeeyay soo ban dhigidda eedaha loo haysto eedeysana yaasha Maxkamadda kasoo hormuuq day ayaa Maxkamadda ka codsaday in eedeysanayaasha kala ah Maxamed Ibraahim Cali iyo Ilyaas Maxamed Xas san ay ku xukunto qisaasta Marxuum Sheekh Cabdullaahi halka eedeysana ha sadexaad Cabdullaahi Sheekh Cab diwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo la gu eedeeyay in uu gabaad siiyay islama rkaana dhagarqabayaasha ka caawiyay fulinta dilka Marxuumka ayuu sidoo kale Xeer ilaaliyuhu Maxkamadda ka codsa day in ay ku xukunto qodobada lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyn fadhiga Maxkamadda waxaa soo xiray Guddoomiye ku xigeen ka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/le Dhexe Bashir Maxamuud Xareed, wuxuuna sheegay in maxkamaddu ay go’aan ka gaari doonto kiiskan.

Taliska Ciidanka Difaaca Puntland oo yeeshay shir looga hadlayay la dagaalanka Alshabaab iyo Daacish

Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Jeneraal Aadan Cabdi Xaashi ayaa shir Amniga looga had la qaatay saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan buuraha silsiladd a Golis.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in Jeneraal Aadan Cabdi Xaashi uu shirk aasi la yeeshay taliyaasha ururada ka tir san Ciidanka Daraawiishta Puntlamd ee ka hawlgala buuraha silsiladda Golis ee Gobolka Bari.

Shirka ayaa ka dhacay xarunta Madax tooyada magaalada Boosaaso Waxana lagu gorfeeyay dardar gelinta Hawlgal lada ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidamada Puntla nd.

Ugu dambeeyntii Shirka ayaa qodo bada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in la dar dar geliyo howl-galada ka dhan ka ah Al-shabaab & Daacish ee ku sug an buuraha Silsiladda Golis , loona xooj iin laha Aminga Gobalka Bari” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi ka soo baxay Taliska Ciidanka Difaaca Puntland.

Wariye Xuseen Cabdulle oo la xiray

Ciidamo katirsan Hay’adda Nabadsu gida Soomaaliya ayaa la sheegay inay xireen Wariye Xuseen Cabdulle Maxa med oo ah Milkiilaha SYL Somali TV.

Wararka la helay ayaa sheegaya in xa riga Wariyaha uu amray Agaasimaha cu sub ee Hay’adda NISA Cabdullaahi Max amed Cali Sanbaloolshe

Lama Oga illaa hadda Ujeedada loo xiray Wariye Xuseen Cabdulle Maxa med mana war ka soo baxay Dawlada oo looga hadlay xariga wariyahaasi.

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo dhaqaale ka codsaday Sweden

Komiishanka Doorashooyinka Somali land ayaa shalay waxay xafiiskooda ku qaabileen Wefti ay hogaaminayo Safiir ka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu weheliyo Mr. Johan Svensson.

Komishanka Doorashooyinka waxay xog ka siiyeen Safiirka halkay marayaan hawlaha diyaargarowga doorashada, KDQ waxay u caddeeyeen Safiirka in to dobaadkan ay soo saarayaan Liistada Codbixiyayaasha Kama-baysta ah iyo Jadwalka Doorashooyinka isku-sidkan ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada.

Komishanka Doorashooyinka waxay ka codsadeen Safiirka iyo dawladda Sweden innay ka taageeraan arrimaha doorashooyinka gaar ahaan dhanka dhaqaalaha.

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marinta Tabarruca Beirut

Koox ka tirsan dhallinyarada Soomaa liyeed oo si iskaa wax u qabso ah xeeb aha magaalada Muqdisho uga sameeya howlaha nadaafadda ayaa kaalinta koo baad ka galay tartanka caalamiga ah ee Tabarruca Beirut.

Barnaajimka abaalmarinta Tabarruca Beirut oo ay ku tartameen 81 Urur oo ka dhisan dalalka Carabta ayaa ah barnaa mij lagu abaal mariyo is-xilqaamayasha u howlgala soo celinta bilicda.

Ustaad Cabdisataar Carabow oo ah Agaasimaha "Center for Entrepreneu rship and Innovation ee Jaamacadda Muqdisho oo ku matalayay tartanka ayaa u guddoomay abaalmarintaas ay ku guuleysateen dhalinyarada Soomaali yeed.

Munaasabadda abaal marinta oo lagu qabtay magaalada Beirut ee dalka Lub naan ayaa waxaa ka qayb galay madax ka tirsan xubnaha u ololeeya soo celinta bilicda deegaanka ee ururka iyo mas’ uuliyiin ka tirsan dowladda Lubnaan.

Sucuudiga oo sheegay in nidaamka caalamiga ahi uu ku guuldaraystay inuu xal ka gaaro arrinta Qaza

Sucuudiga iyo Pakistan ayaa si wada jira ugu baaqay xabbad-joojin shalay ah oo laga gaadho dagaalka ka socda marinka Qaza, iyada oo Sucuudiguna uu soo jeediyey in xaaladda gobolka la dejiyo, isaga oo aan soo hadal qaadin weerarkii Iran ay ku qaaday Israa’iil.

Wasiirka arrimaha debedda ee Sucuud iga Faisal bin Farxan al-Sucuud oo hog gaaminayey wefti heersare ah, ayaa Isn iintii ku tegey magaalada Islamabad, sa far laba maalmood qaadanaya, kaas oo ay ku indha-indhaynayeen, fursadaha maalgashi ee ka jiri kara Pakistan.

Wasiirada arrimaha debedda ee Paki stan iyo Sucuudiga oo shir jaraa’id oo wada jira qabtay, ka dib markii uu soo idlaaday safarkoodu, ayaa Al-Sucuud wuxuu ku baaqay in la soo afjaro dagaa lka ka socda Qaza, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay heerka ay mara yso dhimashada shacabka Falastiin.

Qofkii afaraad ee afar kelyood leh dunida oo dhan oo laga helay Soomaaliya

Dadka leh kelyaha dheeraadka ah int a badan kuma baraarugsanaa ilaa ay la soo deristo xaalad caafimaad taas oo ku qasabta in ay dhakhtarka booqdaan, iyagoo aan ka warheyn heybadda dheer aadka ah ee uu ilaahay siiyay, waxayse ogaadaan marka lagu sameeyo baarit aan, oo ay ka warhelaan oo kaliya ka dib baarista ultrasound-ka ama qalliin ka dib.

Dadka leh kelyaha dheeraadka ah ee laga diiwaan geliyay adduunka oo dhan ayaa ah kaliya saddex ruux iyada oo qof kii afaraad haatan laga helay gudaha Soomaaliya.

Wiil da’yar oo dhakhaatiirtu ay ka gaabsadeen shaacinta magaciisa ayaa noqday bukaan baaritaan dheer ka dib la ogaaday in uu leeyahay afar kelyood.

Isbitaalka tababarrada iyo cilmi baaris ta Somali Turkish ee horay loogu yaqiin nay Digfeer, ayaa waxaa booqday bu kaankan isaga oo ka cabanaya xanuun uu ka dareemayo killidiisa bidix, waxana dhakhaatiirtu ay amreen in baaritaan la gu sameeyo taas oo lagu ogaaday in uu bukaanku leeyahay afar killiyood iyo in dhinaca uu ka cabanayo uu dhagax ka ga jiro.

Dr Cabdikariin Xuseen Maxamed Gab ayre, dhakhtarka daaweynta iyo qalliima da xanuunnada kaadi mareenka & tara nka ragga oo ah dhakhtarka qalliinka ku sameeyay bukaanka ayaa BBC-da u sheegay qaabka ay xaaladdan ugu ba raarugeen.

"Bukaanka oo soo booqday isbitaalka ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday xaa laddan, waxa ay noqotay mid la yaab leh maadama adduunka oo dhan lagu ogaa saddex qof oo kaliya isla markaa na uu noqonayo qofkii afaraad, intaas kadibna waxa aan u howlgalnay qaabka ugu wanaagsan ee loo geli karo daryeel ka iyo daweynta bukaankan maadaama uu yahay ruux ka duwan dadka kale”.

Bukaanka ayaa sidoo kale lagu same eyay qalliinka xanuunkii uu ka cabana yay maadaama killidiisa bidix laga helay dhagax ku raagay.

"Bukaanka waxa aan la tacaalnay xaa laddii uu isbitaalka u yimid waxa lagu sa meeyay qalliin, maadama uu yahay bu kaan leh xaalad ka duwan tan caadiga ah, qalliinkiisa iyo daweyntiisaba wey ka duwanaayeen kuwa caadiga ah, waliba waxa aan qoyskiisa kula dar daarannay in ay si gaar ah ula socdaan”, ayuu yiri Dr Gabayre oo qalliinka ku sameeyay.

Bukaanka oo la sheegay in uu daree mayay xanuun badan ayaa baaritaanka ka dib dhakhaatiirtu waxa ay go’aamiy een in lagu sameeyo qalliin deg deg ah, waxaana lagu sameeyay qaab ‘leysar’ ah ama toos loo tooganayo dhagaxa iya doo markii lagu guuleystay uu bukaanku dib ugu laabtay hoygiisii.

Faa’iido mase faa’iido darro afarta ke lyood

Bukaanka ayaa in muddo ah la xanu unsanayay dhagaxa killida kaga beer may iyada oo dhakhaatiirtu ay sheeg een in biyaha wasakhda ah ee la cabo iyo cunista hilibka guduudan, iyo waxy aabo kale oo badan ay sababaan dhaga xaanta kelyaha ku beerma.

Bukaankan leh afarta killiyood leh ayaa kelyihiisu waxa ay yihiin kuwo caafim aad qaba oo si caadi ah u wada shaqey naya, waxaa muuqata in labada kill iyood ee dhinaca midig ay kala madax bannaan yihiin, halka labada killiyood ee dhinaca bidix ay qayb isaga dheggan yihiin.

Killiyaha oo inta badan ay ku soo dha caan waxyaabaha la cabo iyo wasakh da ka dhalataba waxa ay u nugul yihiin, in uu dhagax ku beermo taasoo dhakha atiirta bukaankan ay ku micneeyeen in uu u nugul yahay dhagxaanta marka loo eego dadka caadiga ah ee leh labada killiyood.

"M ahan saameyn ama dhibaato gaar ah in bukaankan uu leeyahay afar killiyo od laakiin waxa ay u nugul yihiin killiyihii sa xanunnada la xiriira dhagxaanta, maadaama afar killiyood uu leeyahay waxa uu xanuunka ka dareemi karaa far taba maadaama dadka caadiga ah la bada xanuunaan, taas oo noqon karta in xanuunkiisa uu ka bato sida caadiga ah”, ayuu yiri Dr Gabayre.

Tayo ahaan maka duwan yahay dadka leh labada kelyood

Bukaanka oo ku dhashay xaaladdan afarta kelyood ayaa la’is weydiinayaa ta yada kelyihiisa iyo haddii uu ka faa’iido badan yahay dadka leh labada killiyood.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in tayada afartiisa kelli ay la mid tahay qof leh labo killiyood isla markaana aysan jirin faa,iido ka badan dadka caadiga ah, haddii ay noqoto waxqabad iyo shaqo.

Waxa kale oo xusid mudan in haddii laga saaro labo ka mid ah killiyihiisa ay la mid tahay in qof leh labo killiyood la ga saaray middaas oo la micno ah nus qaan ku imaanyesa.

Dhakhaatiirta ayaa ehelka bukaanka kula taliyay la socosho iyo daryeel gaar ah, sidoo kale waxa ay sheegeen in mar kasta oo loo baahdo daweyn caafimaad uu u baahan yahay daryeel ka duwan midka caadiga ah maadaama uu ku ku jiro xaalad ka duwan tan dadka kale.

Ciidamada Milatariga Somaliland oo dhoolotus ka sameeyay Gobolka Awdal

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milatari ga Somaliland ayaa dhoolotus ka dhiga y xerada Gorayo-cawl ee aagga galbee d, halkaas oo ay ku soo bandhigeen awooddooda ciidan iyo gaadda ka ci yaar.

Telefishanka Somaliland ayaa shee gay in bandhiggan loogu diyaar garoo bayo xuska maalinta 18 ka May, oo ku asteysan maalinta Jamhuuriyadda Iske ed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ay sheegtay in ay dib ula soo noqotay dawladnimadeedii, kana go’day Soom aaliya inteeda kale.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi ayaa tagay xerada Gorayo-cawl, halkaas oo uu ku daawaday band higga ciidanka.

Somaliland ayaa isu diyaarinaysa xus aska maalinta 18 ka May, oo sanad wal ba laga xuso magaalooyinka waaweyn.

Dagaal beeleed ka socday xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ku fiday deegaanno cusub

Warrarka laga helayo xadka gobol lada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaallo beeleedyadii ka socday halkaas, ay ku fideen deega anno hor leh oo horey u xasiloonaa.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in miliishiyo beeleedyo hubeysan ay ku dagaalameen deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Ya baal oo kala kala tirsan gobollada Hii raan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay da gaalka, tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen sida uu BBC-da u shee gay Wasiirka Dibu-heshiisiinta Maamul ka Hirshabeelle Cabdillaahi Maxamed Cumar (Cabdillaahi Cadde).

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Al-Shaba ab in ay hurinayaan colaadda beellaha ee aaggaasi ka aloosan, mase jirto cid madaxbannaan oo xaqiijinaysa arintaasi.

Dagaalka u dhaxeeya miliishiyo beeleed yadan ayaa horey dhawr xili oo kala du wan uga dhacay, deegaanno u dhaxee ya magaalooyinka Jalalaqsi iyo Mahadd aay ee gobollada Hiiraan iyo Shabeella ha Dhexe.

Duqeyn Ruushku ka gaystay waqooyiga Ukraine oo ay ku dhinteen 8 qof

Maayarka magalada waqooyiga Ukrai ne ku taala ee Chernihivayaa sheegay in 8 qof ay ku dhinteen, 18 kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn uu Ruushku ka gaystay magaaladaasi.

Gudoomiyaha gobolka ayaa isna shee gay in sedex gantaal ay ku dhaceen meel ku dhaw bartamaha magaalada.

Maamulayaasha magaalada ayaa dal banaya dhiig shubid balaaran si loogu gurmado dadka dhaawaca ah.

Dhinaca kale warrar ayaa sheegaya in Ukraine ay iyana duqeysay saldhig mila tari oo ruushku leeyahay oo ku yaala gobolka la haysto eeCrimea.

Roobbab mahiigana oo ka da’ay Khaliijka oo galaaftay nolosha 20 qof

Garoonka diyaaraddaha caalamiga ah ee Dubay oo biyuhu dhex ceegaag gaan roobbab xoog leh oo ka da’ay wa damada Khaliijka ayaa sababbay soo rogmadashada daaddad aan horey loo arag, kuwaas oo galaaftay nolosha 20 qof ,keentayna in ay hawlihiisu carqalad ku yimaadaan garoonka labaad ee ugu mashquulka badan dunida ee Dubay.

Garoonka caalamiga ah ee Dubay aya a wajahaya xaalad aad u adag shalay oo Arbaco ah. Dadka rakaabka ah ayaa loogu baaqay in aanay dhex socon gar oonka oo biyo badan ay dhex jiifaan. Waqooyiga fog ee Isu tagga Imraadka Carabtana nin ayaa dhintay kaddib mar kii gaarigiisa ay la tageen daaddadka soo rogmday.

Dalka Cummaan, kooxaha gurmadka ayaa soo saaray maydka gabadh deg mada Saham, taasoo tirada dhimashad a tan iyo Axaddii ka dhigaysa 19 qof.

Maamullayaasha ayaa ka digaya roo bbab kale oo dabeylo wata oo ka da’a dallalkaasi, xili daaddad kii hore ay biyo dhigeen magaalooyinka waaweyn.

Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyo gobolka la dariska ah ee Waqooyiga Cummaan ayaa waxa salaasadii ka da’ ay roobbab aan horey loo arag muddo 75 sanno ah.

Muuqaallo laga soo qaaday bartamaha Dubay ayaa muujinaya gawaari dhex sa baynaya daaddadka soo rogmaday wad dada Sheekh Saayid.

Salman Khan oo ku sigtay in loo dilo aano ka dhalatay ugaar uu 20 sano ka hor diley

Booliska Hindiya ayaa xiray labo qof qowleysato ah oo lala xiriirinayo weerar hubeysan oo lagu qaaday guriga jilaaga caanka ah ee Salman Khan.



jilaagan oo ka qaybqaatay in ka badan 100 filim ayaa ka careysiiyey shuftada Bishnoi, ka dib markii uu diley labo cawl muddo 20 sano haatan laga joogo.

Shuftadan oo ka tirsan koox diimeed uu hoggaamiyo nin dilaa ah la yiraahdo Lawrence Bishnoi oo ugaarta barakeys ta ayaa rasaas ku furay hoyga Salman Khan uu ka degen yahay magaalada Mumbai, ka hor intii aysan goobta ka baxsan. Jilaagan 58 jirka ah ayaa xilligii la beegsanayey waxaa guriga kula sug naa dhowr qof oo qaraabadiisa ka mid ah. Laakiin cidna weerarkaas wax kuma noqon.

Labada nin ee falkaan loo qabtay oo la gu kala magacaabo Vicky Gupta oo 24 sano jir ah iyo Sagar Kumar Palak oo 21 sano jir ayaa Axaddii mooto ku yimid xaafadda Bandra ee ay degaan dadka ladan, ka dibna waxay ku hurgufeen ra saas ka dhaceysey qoryaha fudud.

Booliska Hindiya oo in muddo ah baa digoob ugu jirey ragga falka geystey ayaa hebeenimadii Isniinta labada eede ysane ku qabtay degmada Kutch ee gobolka Gujarat. Booliska ayaa intaas ku daray in labada ninba ay qirteen dam biga loo haysto.

Bishnoi oo ah dilaa laga cabso ayaa hadda xabsi ugu jira dil uu u geystey fan naan la oran jirey Sidhu Moose Wala 20 22. Waxayna nimanka loo qabtay weera rka dhicisoobey ee lagu qaaday guriga Slaman Khan sheegeen in ay inmuddo ah gaadgaadayeen jilaaga, ayna meel u dhow guri ka kireysteen si ay u dilaan.

Ingiriiska oo la filayo in uu ku booriyo Isra’iil in ay ka fogaato in ay uga sii darto xiisadda kala dhaxaysa Iiraan

Xoghaya Arimaha Dibadda Ingiriiska ayaa la shiri doona Ra'isul Wasaare Ne tanyahu

Xoghayaha Arimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron ayaa la filayaa in uu ugu baaqo dawladda Israa’iil in ay ka fo gaato wax kasta oo uga sii dari kara xiis adda kala dhaxaysa Iiraan.

Xoghaye Cameron ayaa lagu wadaa in uu wadahadal la yeesho Ra’isul Wasa araha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Isra’iil waxa ay wacad ku martay in ay ka aargudan doonto Iiraan oo weerar ga ntaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday ku qaaday Axaddii hore.

Xoghaya Arimaha Dibadda Ingiriiska ayaa ku adkeyn doona Israa’iil in ay hoo s u dhigto jawaabta ay bixinayso oo hor seedi karta dagaal buuxa.

Isagoo weriyayaasha la hadlayay mar kii uu ka dagay garoonka diyaaraddaha ee Qudus shalay oo Arbaco ah, David Cameron waxa uu sheegay in uu u yim id in uu u muujiyo garab istaag Isra’iil.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip