Somaliland oo eedeyn yaab leh u jeedisay Fanaanadda Ugbaad Aragsan

0
Wednesday April 17, 2024 - 12:48:41 in Wararka by
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo eedeyn yaab leh u jeedisay Fanaanadda Ugbaad Aragsan

    Somaliland ayaa war rasmi ah kasoo saartay xarigga fanaanadda caanka ah Ugbad Aragsan oo ay xalay xabsiga Hargeysa ay u taxaabeen ciidamada Booliska ee maamulkaasi. Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa looga hadlay xarigga fanaanadda, waxaana Soma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ayaa war rasmi ah kasoo saartay xarigga fanaanadda caanka ah Ugbad Aragsan oo ay xalay xabsiga Hargeysa ay u taxaabeen ciidamada Booliska ee maamulkaasi. Qoraal kasoo baxay booliska ayaa waxaa looga hadlay xarigga fanaanadda, waxaana Somaliland ay u jeedisay eedeymo yaab leh. Booliska ayaa shaaca ka qaaday in Ugbaad Aragsan loo xiray faafinta dhaqan xumo ay ku haysay baraha bulshada ee Internetka, kuwaas oo ka horjeedo Diinta Islaamka, sida lagu sheetay qoraalka. "Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna wanaagsan" ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale Somalilane ayaa sheegtay in fanaanada lagu sameyn doono baaris dheeraad ah, kadibna la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag. "Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen , waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga" ayaa lasii raaciyay warka qoraalka. Dhinaca kale hadal hayn xoogan ayaa ka dhalatay xariga Ugbaad Aragsan, dadka qaar ayaa soo dhaweeyay halka, kuwa kalena ay kasoo horjeesteen. Maxamuud Cali "Waa shaqo wacan, balse waxay ahayd ciqaab intaa ka badan in lagu xukumo si ay mar dabe u dhicin". Sabaad Caamir ayaa isuguna yiri "Sharaftii ciidanka ayaa lagu ciyaaray". Saciid Jaamac "Waan idinku bogadinena shaqad wacan ee ad qabate". Si kastaba, xariga fanaanadan ayaa waxaa sii xoojiyay hadal heynta ka dhalatay dhaq dhaqaaq ay sameyneyay mudooyinkii lasoo dhaafay, waxay baahisay muuqaalo ay ku amaaneyso Muqdisho, sidoo kale waxa ay tegtay Garoowe, ayada oo ka qayb gashay caleema saarkii madaxweyne Saciid Deni.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip