HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 17-4-2024

0
Wednesday April 17, 2024 - 08:26:25 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 17-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka oo xilka loo dhaariyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ka qeyb galay munaasa bad lagu dhaarinayay Wasiiru-Dowla ha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbed delka Cimillada Mudane Axmed Cumar Maxamed.

Wasiiru-dowlaha oo kamid ah wasiir radda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xam sa Cabdi Barre, ayaa waxaa dhaari yay Habdhowraha Golaha Shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdu llaahi Xasan – Nuux, waxaana uu Gud doomiye Sheekh Aadan Madoobe ku la dardaarmay in xilka loo dhaariyay uu u guto si mas’uuliyadi ku jirto uga na adeego dalka iyo shacabka Soom aaliyeed.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wa saaradda Arrimaha Gudaha, Federaa lka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Maca llin Fiqi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Wasa aradda Mudane Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo mud do gaaban lagu gaaray.

Mudane Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnima da Soomaaliya in ay ka muuqato ast aamihii federaalka, isaga oo kula dar daarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hog gaankooda, maadaama ay inta badan dhammeystiran yihiin shuruucdii laga ma maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.

Saraakiil ka tirsan Booliska Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Taliye Xigeenka Boliiska S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa airportka Aden Cadde ee Magalada Muqdisho ku soo dhaweeysay Madaxa Xiriirka ar rimaha dibedda ee Ciidanka Boliiska Turkiga Mudane, Gökhan DEMIRTILA iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Turgay OLGUN,

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Mud ane, DEMIRTILA waxaa magaalada Muqdisho ku casumay Taliyaha Ciidan ka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin,

Mas’uuliyiintan ka socda dalka Turki ga ayaa waxa uu u jeedka socdaalkoo du yahay xoojinta wada shaqaynta la bada ciidan iyo kordhinta mashaariic da dowladda Turkiga ay ku taageerto Ciidanka Boliiska.

Wasaaradda Kalluumeysiga oo Muqdisho ka daahfurtay aqoon is-weydaarsi ku saabsan isku dubaridka dhaqaalaha baluugga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dha qalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaney sa Urur goboleedka IGAD ayaa mag aalada Muqdisho ka daahfurtay aqoon is weydaarsi ku saabsan xoojinta isku xirka howlaha la xiriira dhaqaalaha Bu luugga ee dalka oo dhan, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha xiriir ka la leh Dhaqaalaha Buluugga, Hay’ adaha daneeya saktarkaan oo ay ka mid tahay Hay’adda Qaramada Midoo bay ee FAO iyo mas’uuliyiin ka socta xafiiska Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya.

Aqoon is weydaarsigaan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa dii radda lagu saarayaa sidii loo horuma rin lahaa Dhaqaalaha Buluugga, gaar ahaan isku dubaridka howlaha muhiim ka ah ee la xiriira Dhaqaalaha Buluug ga iyada la raacayo istiraatiijiyadda qa ran ee ay wasaaraddu u dajisay isku dubaridka dhammaan howlaha la xirii ra dhaqaalaha buluugga.

Madaxa Xafiiska IGAD ee Soomaali ya Mudane Maxamuud Cabdi Kaarshe oo hadal kooban ka jeediyey furitaan ka shirkaan ayaa u mahadceliyey Urur goboleedka IGAD isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ka faa’iideysigan Dhaqalaha Bu luugga oo ah aag dihan qeyb weyna ka qaadan kara horumarinta guud aha an dhaqaalaha wadanka.

Agaasimaha waaxda Dhaqalaaha Buluugga ee Wasaaradda Kalluumey siga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee dal ka Marwo Raisa Mohamed oo si rasmi ah u daahfurtay shirkaan ayaa sheeg tay in wasaaraddu ay diyaar u tahay xoojinta isku xirka howlaha la xiira dhaqalaha Buluugga si taas loo gaara na ay diyaarisay istiraatiijiyad qaran oo ku sabsan arrintaas.

Waxay u mahadcelisay Urur Gobol eedka IGAD ee soo qaban qaabisay aqoon isweydaarsigan iyo dhammaan dhinacayada kale ee ka soo qeybga lay iyada sheegay in ay rajeyneyso in ay ka soo bixi doonaan qodobo wax u tara isku dubaridka howlaha muhiimka ah ee ku saabsan dhaqalaha Buluug ga ee dalka.

Soomaaliya iyo Koofur Afrika oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Safiirka dowladda Federaalka Soo maaliya u fadhiya dalka Koofur Afrika Amb; Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa kulan la qaatay Wasiirka arrimaha di bedda ee South Afrika Dr.Naledi Pandor.

Amb; Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Wasiirka arrimaha dibedda Koofur Afr ika Dr.Naledi Pandor ayaa ka wada ha dlay sidii loo xoojinlahaa xiriirka laba geesoodka taariikhiga ah ee ka dhax eeya labada dal.

Amb; Maxamed Sheekh Isxaaq "Sharaf ayay ii ahayn in aan la Kulmo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee wada nka Koonfur Africa Dr.Naledi Pandor taasoo aan ka wada hadalney sidii loo xoojinlahaa xiriirka laba geesoodka ee taariikhiga ah oo ka dhaxeeya labada dal”.

Kusimaha RWasaraha Oo Qaabilay Orodyahanka Guusha kasoo Hooyay 5000 Ee Mitir.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Ra’ iisul Wasaare ku-xigeenka XJFS Mud ane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafii skiisa ku qaabilay Cabdullaahi Jaam ac Maxamed oo ah Orodyahan Soom aaliyeed oo guul ka soo hooyey, billad qalin ah na Soomaaliya ugu soo guule ystay orodka 5000 ee mitir ee Kulankii 13aad ee Cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaas oo ka dhacay Accra, Ghana, 22kii Maarso 2024.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mu dan, maadaama uu iskiis isugu xilqaa may in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga.

"Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horuma rinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si wal ba oo caqabaduhu u badan yihiin”. Ay uu yiri Mudane Saalax.

Xukuumadda Federaalka Soomaali ya ayaa mudnaan siinaysaa horumar inta ciyaaraha, iyada oo dhisaysa kaa bayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tar tamaan una soo bandhigaan hibooyin kooda gaarka ah iyo kartidooda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Xukuumadda ay ka go’ an tahay horumarinta karaanka dhallin yarada iyo sare-u-qaadidda xirfadaho oda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqa shaqo-abuur ka.

"Waxa aan ku kalsoon ahay in Cab dullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo in tan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doo naan sidii aan hore u ga barannay. Xukuumaddu na wax ay garab taagan tahay dadaalka dhallinyarada, waxa na ay diyaar u tahay in ay ku taageer to himilooyinka guusha ee ay ku taa mayaan”. Ayuu intaas raaciyey Muda ne Saalax Axmed Jaamac.

Fiqi oo Puntland iyo Somaliland u cadeeyey 3 arrin oo awood aysan u laheyn

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaa liya Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday Puntland iyo Soma liland, isagoo u cadeeyey awoodooda dastuuriga ah, isla markaana muujiyey in culeys badan oo ka saari doono arri maha dibadda.

Fiqi ayaa hadal ka jeediyey madal uu galabta xilka wasiirka arrimaha gu daha kula wareejiyey wasiirka cusub Cali Xoosh oo ka soo jeeda deegaana da Puntland.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in hadda Xoosh uu wajahayo imtixaan adag, maadaama maamulkiisii Puntland uu maqan yahay, isla markaana uu diidan yahay in dowladda dhexe uu la sha qeeyo.

"Wasiir Xooshoow Puntland lama taataaban jirin sidii Somaliland Islaan ka iyo akhyaar kale baa meel kuu fa dhiya, waxaa laga yaaba inaad is ley saan waxbaa qoorta kugu jira” ayuu yi ri Wasiir Fiqi.

Wuxuu sheegay intii uu joogay xilka wasaaradda arrimaha gudaha in caqa badii ugu weyneed ay ka soo wajah day aqoonsigii SSC Khaatumo, balse uu aaminsan yahay in arrintaas ay guul taariikhi ah ka gaareen, maadaa ma halkaas laga dhisay maamul ku meel gaar ah.

Fiqi ayaa sheegay in dowlad gobol eedyada qaar ay ku doodayaan in das tuurkii KMG ahaa ay heystaan, balse isagii xitaa ay ku xad-gudbaan oo xirii ro caalami ah ay sameystaan, taas oo aan la ogolaa doonin sida uu ku han jabay.

"Awooda arrimaha dibadda ee dalk aan waxaa ka masuul ah dowladda fe deraal, nin intuu tago heshiis lama soo gali karo wadan dibadda ah, hadii dast uurkii hore lagu dhaqmayo, qodobka 54–aad ayaa dowladda federaalka sii naya awooda maamulka arrimaha dibadda, gaashaandhigga iyo jinsiyad da iy socdaalka,” ayuu yiri Fiqi.

Waxaa xusid mudan in Puntland iyo Somaliland oo garab maray dowladda federaalka ay heshiisyo lasoo galeen dowladda Itoobiya, taas oo weli dowla dda federaalka Soomaaliya mareyn ka rabta, maadaama ay dhabarjebin wey n ku tahay.

Fiqi oo nin ad adag ah ayaa hadda noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana sugeysa maare ynta siyaasad qalafsan oo Soomaaliya kala dhaxeysay wadamo ay ugu hore yso Itoobiya, intaas waxaa dheer in Soomaaliya ay tahay wadan tabar yar uu u baahan is xakameyn iyo cayaa ridda diblomaasiyad heerkeedu saree yo.

Guddoomiye Cali Fahle "Ma ogolin wiilasha iyo gabdhaha isku niikinaya ee habeenkii ee u soo caweys taga degmada Hodan"

Guddoomiyaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho Cali Fahle ayaa soo saaray amaro ku socda hoteelada iyo maqaayadaha ku yaala degma daas ee lagu caweeyo habeenkii.

Guddoomiye Cali Fahle ayaa shee gay inuusan marna aqbali doonin in dhaqan xumo lagu sameeyo hoteelo iyo maqaayado ku yaala degmada Ho dan ee magaalada Muqdisho.

"'Annaga ma ogolin wiilasha iyo gab dhaha isku niikinaya ee habeenkii ee usoo caweys taga hoteelo iyo maqaa yado ku yaala degmada oo hadana sheegaya in Canjeero iyo Malawax u soo doontaan Degmada Hodan, kuwa as oo isaga kala yimaada degmooyin ka kale ee Muqdisho, ma arki karno maqaayad ama huteel furan lix saac habeenimo wixii ka dambeeya" ayuu yiri guddoomiye Cali Fahle.

Wuxuu sidoo kale faray guddoomiya ha degmada Hodan ganacsatada ku nool degmadaasi in qof walba uu goobtiiisa ganacsi ku hor talaalo dhirta.

"Bilicda degmada aan ka shaqeynay oo wadooyinka an u sameynay Inter lock in hadana bilaa dhir ahaadaan wa dooyinka oo kuleel daran la dareemo mahan wax wanaagsan ee waa in qof walba oo ganacsade ah uu goobtiisa ku hor talaalo dhirta" ayuu yiri guddoo miyaha degmada Hodan Cali Fahle.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomi yaha degmada Hodan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo horay guddoomiya ha gobolka Banaadir uu Muqdisho uga mamnuucay iney furnaadaan ama lagu caweeyo hoteelada iyo maqaaya daha ku yaala Muqdisho wixii ka dam beeya lix saac oo habeenimo.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalaya Shirka arrimaha Maaliyadda iyo Deyn Cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Washington DC ay aa halkaasi kaga qeybgalaya Shirka arrimaha Maaliyadda iyo Deyn Cafinta kaas oo ay martigeliyeen hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka

Shirkaan oo socon doono muddo to ddobaad ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimha mudnaanta u leh Deyn Cafin ta, hannaanka Maaliyadda iyo dib eegi sta dhaqaalaha Adduunka.

Kukankan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyad da dalka, caawimaadda IMF iyo helid da maalgalin buuxda oo looga gudba yo xilliga deyn cafinta kadib.

Shirkaan oo lixdii biloodba mar la qa bto ayaa waxa ka qeybgalaya madax da hay’adda Lacagta Adduunka ee IM F, Madaxda Bangiga Adduunka, Wasii rrada Maaliyadda Dalalka geeska Afri ka iyo xubno sare oo ka kala tirsan ha y’adaha Maaliyadda caalamiga ah ee Soomaaliya taageera.

Soomaaliya ayaa bishii 13-kii Dece mber ee 2023-dii waxa laga cafiyay deymihii lagu lahaa, iyadoo hadda dib-u-habeynta Maaliyadda xoogga lagu saaro barnaamijka Deyn Cafinta kad dib ee loo yaqaan HIPC iyo ECF oo IMF iyo Bangiga Adduunka Dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqayn ayaan oo muhiim ah deyn cafinta kad dib.

Hay’adda SoDMA oo gargaar u dirtay degmooyin ka mid ah Galgaduud

Hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ay aa xalay 116,5 tan oo raashiin kala du wan ah u dirtay Ceeldheer iyo Masag gawaay oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Agaasimaha Waaxda gargaarka ee hay’adda SoDMA, Sahra Cali Yuusuf oo sagootisay shixnadda gargaarka ah ayaa deeqada raashinka ah ku war eejisay Wasiirka howlaha guud ee Gal mudug Axmed Dhiblaawe Casayr iyo guddoomiyaha degmada Ceeldheer, waxayna xustay in sii wadi doonaan kaalmada ay halkaasi geynayaan maa ddaama deegaannadaasi ay dhowaan ka xoroobeen gacanta Khawaarijta sa amaynna ku yeesheen colaadaha iyo abaaraha halkaasi ka dhacay.

Wasiirka howlaha guud ee Galmu dug Axmed Dhiblaawe Casayr ayaa sheegay in gargaarkani uu yahay kii la baad ee la gaarsiiyo degaannadaasi, wuxuuna sheegay in ay si hufan u gaarsiin doonaan dadkii loogu tala ga lay iyagoo gaashanaya maamulka go bolka iyo kan degmada.

Burcad badeeddii haystay markabka MV Abdullah oo xaqiijiyay inay qaateen $5 million oo madax furasho ah

Kooxaha burcad badeeda Soomaa lida ayaa sii daayay markab ay afduu bteen oo lagu magacaabo MV Abdul lah, kadib markii laga qaatay lacag ma dax furasho ah oo gaareysa 5 milyan oo dollar, sida ay sheegeen labo ka mid ah burcad badeedda markabkaas haysatay.

"Laba habeen ka hor ayaa lacagta naloo keenay sidii caadada ahayd, wa xaan hubinay in lacagtaasi ay tahay mid been abuur ah iyo in kale, kadibna lacagta ayaan u qeybsanay koox koo xo, kadib waan baxnay anagoo ka fog aanay ciidamada dowladda”ayuu yiri C/rashiid Yuusuf oo ka mid ah kooxa ha burcad badeeda ah.

Muuqaal lasoo galiyay baraha buls hada ayaa lagu arkayay diyaarad yar oo boorso ku tuuraysa meel ku dhow markabka ay burcad badeedda hays teen. Waxaa la sheegay inay ahayd boorsada ay ku jirtay lacagta madax furashada ee ay burcad badeeddu da lbadeen.

Markabka MV Abdullah, oo ah noo ca xamuulka qaada oo ka babanayay calanka Bangladesh, ayaa la afduub tay bishii Maarso ee sanadkan, isagoo ka yimid Mozambique kuna socday Imaaraadka Carabta.

Afduubka markabka ayaa ka dha cay meel qiyaastii 600 mayl-badeed bari ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqd isho.Ciidamada ammaanka Puntland ayaa raadinaya burcad badeeeddan, oo lasheegay iny ku dhuumaalaysanay aan deegaanaha xeebaha, ka dib mar kii ay ka dageen markabka MV Abdul lah.

Dowladda Fedaraalka oo tababar ugu dirtay dalka Turkiga ciidan lagu soo xulay sharuudo gaar ah

Madaxweynaha dowladda Fedaraal ka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud oo kormeer ku tagay dugsiyada tababarka ciidanka xoogga dalka ee kala ah Jeneraal Dhagabadan, Turk Som iyo Jeneraal Daa’uud ayaa khud bad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkii su sarreeyo u aadaya dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u sheegay ciidamada ku wajahan furima ha dagaalka iyo kuwa u ambabaxaya tababarka in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan dhameystirka howlga lada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab ee wali ku harsan qeyb ka mid ah gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si doo kale uga digay ciidamada qalabka sida isticmaalka Balwada, isagoona xu say in askarta tababarka ugu ambaba xeysa dalka Turkiga sharuudaha lagu soo xulay iney ka mid aheyd ineysan laheyn wax balwad ah.

"Shuruuddii la idinku soo xusay wa xa koow ka aha in aadan balwad laha yn, ninkii lehna wuu iska tagayaa oo meshaan si qalad ah ayuu kusoo galay, balwadu waxay cudur ku tahay naftaada, nadaafadaada iyo qoyskaa ga, Balwadu waa waxa ciidanka dila, Askarta tababarka u socda qofkii bal wad lagu arko wuu iska tagayaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si doo kale kula dardaarmay ciidamada iney yeeshaan kala dambeyn si ay u noqdaan awood jirta oo wax waliba is kadifaaci karta.

"Ciidan aanan laheyn kala dambeyn maaha ciidan wax tar leh xata hadii ay haystaan hubka noocyadiisa ugu waa weyn iyo Taangiyo, marka waxaan idin kula dardaarmaya inaad yeela taan kala dambeyn oo ah waxa ugu fiican ee ciidan awood siiya" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aa ku howlan sanadahii ugu dam beey ay dhismaha ciidan tayo leh iyo sidii ay guud ahaan dalka uga ciribtiri laheyd kooxda Al-shabaab.


Ethiopia oo maraakiib waaweyn kasoo iibsanaysa Shiinaha

Shirkadda adeegga maraakiibta iyo saadka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaq day inay wadahadal la yeelatay shirka daha Shiinaha ee dhisa maraakiibta, si ay u soo iibsadaan maraakiibta waa weyn.

Ethiopia ayaa sheegtay inay doonay so in ay balaariso waaxdeeda gaadiid ka badda, si ay kor ugu qaado dhoofi nta iyo dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee dalkeeda.

Wakiillo ka socda shirkadda maraa kiibta dawladda Ethiopia ayaa wadaha dal la yeeshay shirkadaha maraakiibta ee fadhigoodu yahay dalka Shiinaha.

Dhawaan, dowladda Ethiopia ayaa tababar usoo xirtay cutubyo kamid ah ciidamadeeda badda, kuwaas oo ay doonayso in ay qeyb ka noqdaan qor shaheeda ay ku galayso badda cas.

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia ayaa bishii January ee sanadkan heshiis dhi naca badda ah la gashay Somaliland, iyadoo doonaysa inay deked ganacsi iyo saldhig militari ka sameysato biya ha Soomaaliya.

Ethiopia waxay sheegtay inay ka go' an tahay dhaqan galinta heshiiska bad da, inkastoo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid heshiiskaas.

Webiga shabeelle oo Fatahaad ka geystay degmada Xawaadley ee gobolka shabeelada Dhexe

Wararka ka imaanaya degmada Xa waadleey gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in khasaare uu ka dha shay Roob saacadihii la soo dhaa fay k a da’ay degmadaasi.

Roobka ayaa la sheegayaa in uu du miyay dhowr iyo tobon Guri waxaa na la ga samata bixiyay dadkii dega naa deg abaa xaafadaha uu roobka saameeynta uu ku yeeshay .

Sidoo kale Webiga shabeelle ayaa Fa tahaad ka geystay xaafado ka tir san degmada Xawaadley , iyadoo maamul ka iyo dadka shacabka ah eek u nool degmadaasi ay gacan ka geysa nayaan sidii loo xeri lahaa halka uu webiga ka fatahay.

Ugu dambeeyntii Maamuka degma da Xawaadleey ee gobolka shabee la d a Dhexe ayaa u digay shacabka deg madaasi in ay ka feejig naadaan Fata haada Webiga shabeelle uu ka gey san karo degmadaas madaama webi ga bi yo badan uu wado.

Boliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Fanaanada Caanka ah Ee Ugbaad Aragsan

Waxa caawa magaalada Hargeisa lagu xirey fanaanada Soomaaliyeed ee caanka ah Ugbaad Aragsan

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Fannaanada xirey iyadoo ku sugan goob ganacsi oo ay ku leedahay ma gaalada Hargeisa, sida ay ii xaqiiji yeen goob-joogayaal ku sugnaa goob ta.

Ma cadda sababta keentay xariga Fa nnaanada, balse maalmahan waxa la arkayey Ugbaad Aragsan oo taagero u muujinaysa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo madaxdiisa.

Sidoo kale waxa jirey bandhig fanne ed ay Hargeisa ku qabatay oo hadal-hayn badan ka dhaliyey, iyadoo Fanaa nada dhowaan ka soo laabatay Mag aalada Garrowe ee caasimada Puntl and oo ay kaga qeyb gashay caleemo saarkii Madaxweyne Deni.

Warar la isla dhexmarayo ayaa she egaya in xariga fanaanada la tuhun san yahay inuu salka ku hayo muu qaal ay ku baahisay barteeda Tiktok oo ku saabsan iyadoo dusha ka qaade ysa hees uu leeyahay fanaanka Shar ma boy oo ay ku jiraan ereyo ay ka mid yihiin (Iib maaha badda) iyo (Lafti nagaa ha inoo dhiibin)

Booliska Somaliland weli kama had lin sababta rasmiga ah ee ka dambey sa xariga fanaanada Ugbaad oo si weyn looga hadal hayo baraha bulsha da.

Israa’iil Oo Duqeyn Cirka ah ku Dishay Ismail Yusaf Baz (Abu Jacfar).

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay dileen taliye ka tirsan ururka Xisbul lah ee koonfurta Lubnaan.

"Horraantii maanta, diyaarad ay lee dahay IAF (Ciidanka Cirka ee Israa’iil) waxay duqeysay oo meesha ka saar tay Ismaaciil Yusaf Baz, oo ah taliyaha qaybta xeebaha ee Hezbollah, aagga Ain Ebel ee Lubnaan,” ayay ciidamada Israa’iil ku sheegeen bayaan maanta.

Waxa ay intaa ku dartay in "Ismaa ciil uu soo noqday sarkaal sare iyo ruu g-cadaa dhowr jagooyin ah soo qab tay oo ka tirsan garabka militariga ee Xisbullah, darajadiisa hadda waxa ay u dhigantaa taliye guuto.”

Kooxda Xisbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Ismaaciil lagu dilay koonfurta Lubnaan. ka dib duqe yn ay la beegsatay dayuurad Drone ah gaari uu la socday.

Maamulka degmada Dayniile oo sheegay in lagu raad joogo nin ku eedeysan dilka labo qof oo saaka la dilay

Gudoomiye Kuuxigeenka Amniga Deg mada Dayniile ee magaalada Muqdi sho Cali Cabdi Faarax oo weriyayaa sha la hadlayay ayaa sheegay in ciida mada a maanku ay baadi goobayaan nin ku ee deysan dilka labo qof oo ehel ahaa oo saaka lagu dilay degmada.

"Halkan waxa lagu dilay labo marx uum, Allaha u naxariisto, aad iyo aad ay aan uga xunnahay, waxayna ahayd dha cdo ka dhalatay muran dhul oo ma alm ahanba taagnaa” ayuu yiri gudoo miye Cali.

Cali Cabdi Faarax ayaa sheegay in ay ku raad joogaan eedeysanaha, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in ga canta lagu soo dhigo,l ana horgeeyo caddaaladda.

In kastoo Muqdisho xasiloonayd sa nadiyo barkii la soo dhaafay, haddana waxa dhacayay dillal bulshada dhex deeda ka dhex dhacayay oo ciidan iyo rayidba ay ku lug lahaayeen, kuwaas oo qaarkood dad kii ku lugta laha inta la qabtay maxkamd la horgeeyay.

Mareykanka oo si toos ah u soo faragaliyay Xiisadda Bariga dhexe iyo dagaalka Iran

Maraykanka ayaa ku booriyey Israa’ iil inay is xakamayso, isla markaana ay ka fogaato inay xaaladda ka dhex taagan iyaga iyo Iran ay uga sii darto, xilli ay xukuumadda Israa’iil ay sheeg tay, inay qaadayso tallaabo ay uga ja waabayso weerarkii ay Iraan ku qaad day dalkeeda.

"Ma doonayno inay xaaladdu faraha ka baxdo, sidoo kale waxaan doonay naa inaan sii wadno taageerada aan u fidinayno Israa’iil, si ay isu difaacdo, iyo inaan ilaalino danahayaga gobol ka” sidaas waxaa sheegay xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka An tony Blinken, xilli uu la kulmayey ra’ii sal wasaare ku xigeenka Ciraaq Maxa mmed Cali Tamim.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benja min Netanyahu ayaa isugu yeedhay golihiisa wasiirada ee dagaalka, taas oo ah markii labaad ee uu qabto kulan noocaas ah, in ka yar 24 saacadood.

Waxaa isa soo taraya cabsida la xidhiidha, in weerarkii jawaabcelinta a haa ee Iran, inuu albaabka u furo, da gaal ballaadhan oo dhex mara Israa’iil iyo Iran, isla markaana ku baaha go bolka oo dhan.

 

Madaxweyne Putin oo ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh xiisadda Bariga Dhexe in ay is xakameeyaan

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladi mir Putin ayaa sheegay in talaabo kas ta oo uga sii daraysa xaaladda Bariga Dhexe ay isu badali karto musiibo aan cawaaqibkeeda aan la mahdin xili uu taleefanka kula hadlayay dhigiisa Iiraan Ibraahim Ra’isi.

Aqalka Kirimiliinka oo soo xiganay ay kulanka taleefanka ee labada mad axweyne ayaa sheegay in Putin ku kalsoon yahay in dhinacyadu is xaka meyn doonaan, sidaasna looga horta gi karo isku dhacyo kale oo aan caw aaqibkooda la mahdin, taas oo saa meyn ku yeelata gobolka oo dhan.

Kiriliinka ayaa intaa ku daray in Iiraan ay codsatay wadahadalka taleefanka.

Ruushka iyo Iiraan ayaa lahaa xiriir dhaw. Si gaara waxa la rumeysan ya hay in Ruushku kala shaqeynayay Iir aan sidii ay u hormarin lahayd nidaam keeda difaaca iyo diyaaraddaha da gaalka, taas oo ay ku badalanayso taa geeradii Tehran siisay Moosko, mudd ada dagaalka Ruushka iyo Ukraine socday.

Dagaal dib uga qarxay aagagga ay ku muran san yihiin Ismaamullada Amxaaradda iyo Tigreega ee dalka Itoobiya

Dagaallo ayaa dib uga bilow day dhulka ay ku muran san yihiin maamu llada gobollada Amxaaradda iyo Tigre ega ee dalka Itoobiya. Aagagga ay da gaalladu dib uga bilowdeen ayaa xa siloonaa tan iyo markii la saxiixay hes hiiskii nabadda ee dhammaad kii 2022, kaas oo soo gabagabeeyay mid kamid ah isku hor’imaadyadii ugu qaraaraa Afrika.

Degmada Raya Alamata, oo labada dhinacba ay sheegtaan- ayaa kahor dagaalka waxa ay hoos tagi jirtay koo nfurta gobolka Tigray, laakiin waqtigaa wixii ka dambeeyay waxa qabsaday xoogagga Amxaarada.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in dagaalku bilowday dhamm aadka todobaad kii hore, isagoo soc day maalmo dhawra.

Saraakiisha Amxaarada ayaa ku ee deeyay miliishiyo isbahaysi la ah maa mulka Tikreega ee TPLF in ay soo qa adeen weerar ballaaran, hase yee shee madaxa gobolka Koonfurta Tig ray ayaa ku eedeeyay miliishiyo Amx aaro ah in ay xabadda bilaabeen.

Madaxa Ismaamulka KMG ah ee Tigray Getachew Reda ayaa ku eedee yay cadow uusan magac dhabin oo diidan heshiiska nabadda, in ay we erar soo qaadeen. Waxa uu sheegay rabshaddaha la soo weriyay in aanay u dhaxeyn ciidank ismaamulka Tigree ga iyo ciidamada dawladda, ama kuwa gobollada dariska ah.

Ma cadda haddii khasaare jiro, laak iin warbaahinta taageerta Amxaarad da ayaa sheegtay in kooxaha Tigree ga ay ku soo siqeen qaybo kamid ah degmada.

Dhawaan Dawladda Federaalka Itoo biya ayaa sheegtay in dhulka lagu mu ran san yahay ay gacanta ku hayn doonaan ciidanka federaalka, illaa xal looga helayo muranka.

Dhismihii Suuqii Saamiyada ee ugu faca weyn Denmark oo gubtay

Dhismaha tariikhiga ah ee Børsen oo xarun u ahaan jirey Suuqa Saami yada Copenhagen ayaa isku dumay ka dib markii dab qabsaday Talaadadii.

Dhismahan qadiimiga ah oo la dhisay qarnigii 17-aad ayaa ahaa mid ka mid ah dhismeyaasha ugu faca weyn mag aalada Copenhagen, waxaana gebi ahaanba cunay holac jilbaha dhulka ugu dhuftay.

Wasiirka Dhaqanka Denmark oo warbaahinta la hadlay ka dib gubash adii Børsen ayaa si tiiraanyo ku dhe ehan tahay uga hadlay taariikhda ku duugan dhismahan iyo waxa uu uga dhignaa dalkiisa.

"400 oo sano oo hiddihii iyo dhaqan kii Denmark ah ayaa horteenna ku basbeelay”, ayuu yiri Engel-Schmidt.

Dhismaha Børsen oo dhidibada loo taagey sannadkii 1625, wuxuu ku yaal hfagaarer qadiimi ah, isagoo wax tuuryo ka yar u jira aqalka Baarlamaa nka Denmark, Khasriga Boqortooyada iyo goobo kale oo muhiim ah.

Dhismahan oo markii uu gubanayey hooy u ahaa rugta ganacsiga Den mark, waxay dhanka maamuuska kala sinnaa kaniisddii Notre-Dame ee ma gaalada Paris oo Iyana sidaan oo kale u gubatey sannadkii 2019.Waxaana xusid mudan in labada dhismeba uu dacyactir ku socdey markii ay gubteen.

Soomaalida Sweden oo ka welwelsan sharci cusub oo saameyntiisa leh

Dalka Sweden ayaa soo saaray sharciyo cusub oo ammaanka lagu su gayo, ka dib markii ay bateen falalka danbiyada abaabulan ee wax laga sa arayo dadka ajnabiga oo ay Soomali da ku jiraan.

Sharcigan oo uu dhawaan ansax iyey Baarlamaanka Sweden ayaa lagu wadaa in uu dhaqan galo 25 bishan April, waxaana wixii xilligaas ka dam beeya laamaha amaanku awood u hel ayaan in ay samaystaan baro kaanta rool oo dadka iyo gaadiidka lagu baa ro.

Wadanka Sweden oo lagu tirin jirey mid ka mid ah dalalka ugu xasilloon Yurub, ayaa waayahan dambe ka ee d-sheeganayey qalalaase dhanka am niga ah oo badanaa wax laga saaro dhallinyaro qowleysato ah oo badan kood ka soo jeeda dadyow soogalooti ah.

Bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan oo BBC-da la hadlay ayaa dareen isku dhafan ku cabbiray saba bta keentay in Booliska la siiyo awoo do dheeri ah iyo saameynta ka dhalan karta.

Alma Aaden oo ka mid ah Soomaali da Sweden ayaa tillaabadan u aragta mid looga jawaabayo daruufo jira, isla markaana xakameynayo xaaladda amni ee faraha ka sii baxaysa. Waxay se walaac ka muujisey in awoodda sharciga si khaldan loo isticmaalo oo qolo gaar ah lagu beegsado.

Kaahin Axmed oo ka mid ah Soom aalida ku nool caasimadda Stockholm ayaa dhankiisa qaba in sharcigan yahay mid laga soo minguuriyey dalka Denmark oo salka ku haya siyaasado ku saleysan shisheeye nacayb. Wu xuuse rejo ka muujiyey in haddii shar ciga lagu dhaqmo, ay suurtogal tahay in looga raysto falal dambiyeedyada abaabulan ee magaalada gilgiley.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip