Muqdisho oo gashay xalad amni oo culus iyo dhagxaan lagu jaray goobo muhiim ah

0
Thursday April 11, 2024 - 18:50:40 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho oo gashay xalad amni oo culus iyo dhagxaan lagu jaray goobo muhiim ah

    Cabsi dhanka amniga ah oo xoog leh ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay muujisay feejignaan weyn, si looga hortago in weerarro argagixiso ay ka dhacaan caasimadda. Ciidamada ammaanka ee Booliska iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabsi dhanka amniga ah oo xoog leh ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, waxayna dowladda Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay muujisay feejignaan weyn, si looga hortago in weerarro argagixiso ay ka dhacaan caasimadda. Ciidamada ammaanka ee Booliska iyo Nabad sugidda ee ka howlgala Muqdisho ayaa la kordhiyey tiradooda, waxaana si gaar ah loo adkeeyey ammaanka dhowr goobood ay ay ka mid yihiin Hoteelada ku yaalla xeebta Liido, aagga garoonka Aadan Cadde, xarunta wasaaradda arrimaha dibadda iyo goobo kale oo laga cabsi qabo inay weerarro ka dhacaan. Xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mid ah goobaha laga digayo inay Shabaab weeraraan, waxaa lagu wareejiyey dhagaxaan iyo juwaano ciid ah, sidoo kale waxaa la kordhiyey ciidamada ilaaliya wasaaradda. Sidoo kale cabsida amni ee saacadihii lasoo dhaafay ay gashay Muqdisho ayaa sababtay inay dalka ka joogsadaan duulimaadyadii caalamiga ahaa, kadib markii ay soo baxday digniintii dowladda Mareykanka. Aagga madaxtooyada Soomaaliya waa halka ugu daran oo si aan horay loo arkin loo adkeeyey amniga, hadana habeen hore waxaa lagu garaacay Hoobiye la garan waayey halka laga soo riday, waxaana caasimadda Muqdisho ka jirta feejignaan amni tii ugu sareysay ee waayahaan la arko. Sidoo kale, ilaalada safaaradaha ku yaalla xarunta Xalane ayaa aad loo adkeeyey, si looga hortago weerarrada argagixiso ee laga digayo, maadaama Xalane ilaa aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde loo badinayo digniinaha soo baxaya. Tan iyo markii uu dhacay weerarkii hotel SYL waxay Muqdisho gashay xaalad amni iyo feejignaan aan horay loo arag oo ciidamada amniga ay bilaabeen, waxaana adkaaday isku socodka magaalada. Meelaha qaar waxaa la soo dhigay dhagaxaan looga hortegayo weerarrada dhici kara, irdaha laga galo garoonka Aadan Cadde qaarkood ayaa lagu jaray dhagaxaan cusub, iyadoo la kordhiyey ciidamadii horay uga howlgeli jiray. Sidoo kale ciidamada Boolis-militeri ee suga amniga Caasimadda ayaa qaarkood loo saaray banaanka magaalada, si daafaha magaalada ay ugu ugaarsadaan argagixisada weeraradooda laga baqayo, waana tallaabo cuuryaamisay qorshayaashii halista ahaa ee weerarrada Al-Shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip