Wararkii Ugu dambeeyay Duqayn ay Isra'el ka geysatay Magaalada Dimishiq ee dalka Syria

0
Tuesday April 02, 2024 - 17:24:31 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu dambeeyay Duqayn ay Isra'el ka geysatay Magaalada Dimishiq ee dalka Syria

    Danjiraha Dowladda Islaamiga ee Iran u jooga Caasimada dalka Syria ee Dimishiq, Xuseen Akbari ayaa sheegay inay jawaab culus ka bixin doonaan weerarkii dhanka Cirka ee ay Diyaaradaha Dagaalka Israel Xalay la beegsadeen Dhismaha Qunsulliyada Iran ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha Dowladda Islaamiga ee Iran u jooga Caasimada dalka Syria ee Dimishiq, Xuseen Akbari ayaa sheegay inay jawaab culus ka bixin doonaan weerarkii dhanka Cirka ee ay Diyaaradaha Dagaalka Israel Xalay la beegsadeen Dhismaha Qunsulliyada Iran ku leedahay Caasimada dalka Syria ee Dimishiq. Danjiraha oo la hadlay Wakaallada Wararka Mehr News Agency ayaa sheegay inay Diyaaradaha Dagaalka Isra noocooda yahay F35 oo ka yimid jihada Buuraha La-haysto ee Golan ay 6 Gantaal ku duqeeyeen Dhismaha Qunsulliyada Iran iyo Hoyga Danjiraha oo ku xiga Dhismaha Safaarada Iran ku leedahay Caasimada dalka Syria ee Dimishiq. Waxa uu intaasi ku daray inuu ku sugnaa Xafiiskiisa Shaqada ee Safaarada, uuna arkayey markii la duqeynayey Dhismaha Qunsulliyada. Ambassador Xuseen Akbari waxa uu xusay in ugu yaraan 5 qof ilaa 7 qof ay ku dhinteen Duqeymahaasi, isagoo xusay inay dib u soo sheegi doonaan magacyada La-Taliyayaasha Milliteri iyo shaqaalaha ka tirsan Safaarada ee ku shahiiday Duqeymahaasi. U-Qeybsanihii Arrimaha Milliteriga ee Safaarada Iran iyo 2 ka tirsan La-Taliyayaasha Milliteriga Safaarada ayaa ka mid ah dadkii ku dhintay Duqeymahaasi, halka ay 2 ka tirsan ciiddanka Boliska Syria ku dhaawacmeen Duqeyntaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip