RW Xamse oo ka qayb-galay Munaasabad loogu mahadceninayay Xildhibaano

0
Tuesday April 02, 2024 - 17:16:53 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Xamse oo ka qayb-galay Munaasabad loogu mahadceninayay Xildhibaano

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad loogu mahadcelinayey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka oo ku guule

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad loogu mahadcelinayey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka oo ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka. Ra'iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay sida ay ugu faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna sheegay in baarlamaanka 11-aad uu ku guuleystay tallaabooyin wax ku ool ah, taasoo mudan ammaan iyo boggaadin. Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana aan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go'an tahay ciddii tabasho qabta in ay dhageysto, balse aan la aqbali karin in la is-hortaago go'aamada ay gaarayaan hey'adaha dastuuriga ah. Isaga oo tallaabo bilow ah oo guul u ah dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay qodobada la meelmariyey, waxuuna ugu baaqay Xildhibaannada in ay dhammeystiraan kuwa haray, si dalku u yeesho dastuur buuxa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip